Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,828
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Originally posted by Duufaan: This graad, who's granfather signed the indepedent of northern somalia. Pro colonial groups financed and supported the new and old colinial will be defeated again. Ali Jama respond 1904 muslin kuudaran gaal macasha kuudhowra oo aad magansataa dhamaa this is still true for pro colonial gang You mean his father cali garaad his grandfather was killed by ina cabdulla xassan Because darwiish diid buu aha awoowgi
  2. Garaad Jaamac Garaad Cali Oo Ka Degay Bosaaso- Lasanod Online. Monday, January 18, 2010 Garaad Jaamac Garaad Cali Bosaaso,(Lasanod Online)- Waxaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso, Garaad Jaamac Garaad Cali oo Beryahan dalka dibeda kaga maqnaa. Garaad Jaamac ayaa waxaa si diiran garoonka ugusoo dhoweeyey madax sare oo ka tirsan dawladda Puntland iyo dadweyne kasoo jeeda Deegaanka SSC. Garaad Jaamac ayaa lagusoo waramay inuu si toos ah ugu anbabixi doono shirka magalada Holhol ee gogosheeda uu dhigay Garaad jaamac Garaad Ismacciil. Intii uusan ka anbabixin magaalada Jabuui , waxay wararku sheegeen in Garaadku shir albaabdu u xidhanyihiin la galay Madaweynaha Puntland C/raxmaan faroole oo ku sugan Magalada Jabuuti. lamana shaacin wixii ay ka waa hadleen Garaadka iyo Faroole. Warku wuxuu intaa ku darayaan in wada tashi iyo kulan dhex mari doono Isimada jooga Garoowe iyo Garaad Jaamac oo kusoo beegan magaladaas, kadibna loo anbabixi doono Shirka Holhol oo si rasmi ah u furmi doona 22 bisha January 2010.. Wariye: Fadumo M. Hassan Admin@lasanod.com Xafiiska Wararka Lasanod Online. Garoowe, Somalia
  3. Manu garadkani odhan in 2008 kalsoonidi puntland waan kala noqday maxa ku celiyey puntland. naxar he is not in holhol he is bosaaso. Not in holhol he wants to go to holhol we are not even sure he is going.
  4. Garaad Jaamac Garaad Cali Ayaa Boosaaso Ka Degay, Kuna Sii Jeeda Holhol. Written by Jidbaale.com Monday, 18 January 2010 14:51 Boosaaso(Jidbaale.com):-Garaad Jaamac Garaad Cali , Garaadka guud ee beelaha SSC ayaa maanta waxa uu ka soo degay garoorka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Garaad Jaamac ayaa waxa uu ku sii jeedaa deegaanka Holhol oo uu halkaa kaga qayb gali doono shir Madax dhaqameedka SSC uga furmi doona 22.10.2010. Garaadka ayaa muddo safar ugu maqanaa wadamada Kenya ,Jabuuti, Itoobiya, Kuweyt iyo Imaaraadka Carabta. Last Updated on Monday, 18 January 2010 15:25
  5. Jabhada ONLF Oo Weeraro Dhimasho Iyo Dhaawacyo Keenay Ku Soo Qaaday Deegaanada Hawdka Kililka 5aad Ee Itoobiya Hargeysa January 18, 2010 (Haatuf)-Jabhada ONLF ee ka dagaalanta kililka shanaad ee Itoobiya ayaa la sheegay inay habeen hore mireen dadweynaha dagan deegaanka Daba-raqas oo ka tirsan deegaanada Ayqaad ee hawdka kililka shanaad ee itoobiya, oo la sheegay inay ku dileen nin lagu magacaabay Ismaaciil Yuusuf Jaamac kuna dhaawaceen Axmed Tuur-Caws iyo gabadh ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaas. Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah madaxdhaqameedyada deegaankaas oo wargeyska Haatuf xalay nagu soo booqday islamarkaana nooga xog-waramay xaalada colaadeed ee kasoo cusboonaatay deeganadaasi ayaa iasagu walaac ka muujiyey saamaynta ay ku yeelan karto Itoobiya iyo Somaliland deganaanshahooda. Ugu horayn Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka hadlaya arimahaasi waxa uu hadalkiisii ku bilaabay “waxa aan caawa ka hadlayaa in aan war kusoo kordhay ka waramo, waxa ka dhacay meesha la yidhaahdo Dabaraqas oo ku taala kililka shanaad deegaanka la yidhaahdo Ayqaada dagaal ay soo qaadeen jabhada la yidhaahda OLNF halkaas oo ah deegaan ay dadku yaalaan oo beeshu aad u taalo oo deegaankaasna ay ku taalo magaalada Dabaraqas halkaa waxay kusoo qaadeen dagaal ay waliba xili habeenimo ah oo mir ah kadib halkaa ragbay ku laayeen qaarna waa ku dhaawaceen rag iyo dumarba leh waxa ku dhintay AHN nin la odhan jiray Ismaaciil Yuusuf Jaamac waxa kale oo ku dhaawacmay Axmed Tuur Caws iyo gabadh iyaduna halkaa ku dhaacantay, dagaalkaasi markii uu dhacay ee dhimashadaasi ay dhacday waxa is abaabulay oo qoryohoodii qaatay dadkii deegaankaas iyo beeshii halkaa daganayd oo ah beesha Isaxaaq halkaa waxa warku igu soo gaadhay in maantana (shalay) ay ka dhacay dagaal kale oo kii daba socday habeen hore. dagaalkaa ilaa imika inta aynu ognahay meeshu ma laha isgaadhsiin waa meel kililka shanaad ku taala” “dagaalkaa maanta (shalay) dhacay igaadhsiin la’aan awgeed hadana sida la soo xaqiijiyey oo fooniyayaal si tuugo ah meelahaa lagaga soo hadlayaa ay noo soo sheegeen ninka la yidhaahdo Maxamed Rooble Qaare oo dhaawaciisu aad u culus yahay iyo Maxamed Warsame Geele oo isaguna dhaawacan waxa naloo sheegay labadaa nin dhaawacoodii la soo sido, meeshaas waxa ka taagan dhibaato dagaal oo aad layskugu hub urursanayo. Hadaba waxa aan doonayaa in xaalada dalka kusoo koradhay ee deegaankaasi ka dhacday aan dadka reer Somaliland ku wargalino iyo dhibaatada ay ku hayaan markastaba OLNF shacbiga kililka shanaad waxaynanu hore u wada ogsoonahay in dhimashooyin ay hore gaysteen oo laba nin oo baabuur watay oo nin la odhan jiray Ismaaciil Axmed Jaamac oo waliba meel tuulo ah ay si fool xun ugu dileen iyadoo la wada arkayo arintaasi waa arin dhibaatadeeda leh oo soo noqnoqonaysay muddooyinkan-ba, dawlada Ethiopia iyo Somalilandna arrintaasi waxay u baahan tahay in laga sameeyo gurmad iyo wacyi gelin oo dawlada Itoobiya ay itaalkeeda wax kaga qabato oo ay u gurmato shacbigeeda maalinkasta lagu hor gumaadayo. Dawlada Somaliland-na waxaa meesha ka dhacaa waa wax ina wada saamayn kara, markaa xaalada deegaankaasi ka taagan ee colaadeed ha laga war hayo masuul iyo shacbi-ba si degdeg ahna halooga gurmado dhibaatadaasi OLNF-tu ka wada deegaanadaasi, iyada oo aynu hore u wada ogayn baabuurta faraha badan ee shacbigana lahaa ee ay duhurka cad gubeen dadkii watayna inta badan laayeen”
  6. Jabhda ONLF Oo Dad Shicib ah Ku Laysay Deegaanka Ayqaad Written by Qarannews Jan 18, 2010 at 06:39 AM Daroor,(Qarannews)- Dagaalo ayaa ka dhacay deegaanka Ayqaad oo magaalada daroor hawd kaga beegan, dagalaadaaasi oo kala dhacay laba maalmood oo kala duwan, waxa uu dhex maray deegaanka xagaasi degan iyo jabhada ONLF. Jabhda ONLF, ayaa gaadmo ku soo qaaday deegaankaasi isla markaasina waxa ay si gaadmo ah ku dileen nin isla markaasina waxa ay dhaawac u gaysteen 4 qof oo kale oo ay ku jirto ruux dumar ahi, ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray marxuun Axmed Yusuf Jamac. Sidoo kale sadexda nin ee dhaawacmay ayaa la kala yidhaa Maxamed Rooble Qaare iyo Maxamed Warsame Geele Lanqash iyo Axmed Jiircaws, dhanka ONLF, waxa goobtaasi gaadmada ah lagaga dilay hal nin oo ay ka yaaceeen isla markaasina laga furtay qorigii iyo rasaastii uu sitay, sidoo kale waxa goobtaasi laga dhaawacay laba nin oo dhaawac cararay, taasi oo dhiigoodii la sii raad raacay sida ay wararku sheegayaan. Sadexda nin ee deegaanka Ayqaad ka dhaawacmay ayaa loo qaaday cisbatal ku yaala magaalada Jigjiga ee caasimada gobolka is maamulka Somalida. Ilaa hada wax war ah oo intaas dhaafsiisani kama ay soo baxin hase ahaatee waxa isna dagaalkaasi gaadmada ah noo xaqiijiyay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan, oo ka mid ah salaadiinta beesha Isaxaaq ee Habaryoonis oo noo xaqiijiyay weerarkaasi lay jabhada ONLF ku soo mirtay subax hore oo ay dadku iska hurdaan, suldaanku waxa uu noo sheegay in hada deegaanadaasi ay heegan ugu jiraan sidii ay gardaroooyin kale ay isga caabin lahayd oo kaga yimaada jabhdaasi. Dhowr todobaad ayaa jabhadaasi si xun oo fool xumo ah ay u dishay rag baabuur deegaankaasi meel ka shishaysa raashin geeyay. Waxii war ah ee ka soo kordha kala soco qarannews Last Updated ( Jan 18, 2010 at 06:53 AM )
  7. sasay leeyihin tallow maxa lugu arkay?
  8. Xaglatoosiye iyo Sabarey oo Laga Masaafuriyey Itoobiya January 16, 2010 By Reporter Sida ay sheegayan warar anau ka helnay dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa ciidamada laanta socdaalka ee dalkaasi in ay ka qaadeen baasabooradii Xaglatosiye iyo Cali Sabarey kuwaas markii dambana la masaafuriyey. Warka ayaa intaa ku daraya ka dib markii ay soo gaadheen labadaasi masuul magaalada Jigjiga kuwaas markii dambana ay qabteen ciidamada sirdoonka ee dalkaasi kuwaas geeyey xarunta laanta Socdaalka hase ahaate Garaad Jaamac Garaad cali oo la socday ayaa loo ogolaaday in uu kaligii sii wadan karo safarkiisa ku aadan dalka Somalia. Xaglatoosiye iyo Sabarey oo ay habeen hayeen ciidaamada Amaanka ee dalkaas Itoobiya ayaa shalay (15-01-2010) dib loogu celiyey magaalada Jabuuti oo ay markii hore ka soo kicitimeen. Saleebaan iyo Cali Sabarey ayaa muda sii horeysay ka ambabaxay magaalada Nairobi ka dib markii koox xidhiidh la leh islaamiyiinta Somalia ka dagaalanta ay u doorteen in uu u noqdo Hogaamiye si loo carqaladeeyo magaalooyinka waa weyn ee Puntland iyagoo gabaad ka dhiganaya dib u soo celinta Laascaanood.
  9. shacabka puntland iyo dawlada puntland wa mid shacabku dalwadooda ayay ku qanacsanyihin dawlada puntland na waxay u adeegta shacabka puntland.
  10. Madaxweyne Shariif Oo Sheegay In Waxqabadka Ugu Weyn Ay Qabteen Tahay Furitaanka Idaacada Muqdisho- Lasanod Online. Sunday, January 17, 2010 Muqdisho,(Lasanod Online)- M/weynaha dawlada federaalka ah ee Somaliya, Shiikh Shariif oo ka hadlay waxqabadka dawlada Somaliya 12-kii bilood ee uu ahaa Madaxweynaha. ayaa sheegay in dhismaha hay'adaha dawliga ah sida kuwa amnigu ay ugu muhiimsanaayeen waxqabadka lagu faani karo ee dawladiisu ku guulaysatay. Isagoo ku tilmaamay furitaanka idaacada Muqdisho ee codka dawlada ayaa uu sheegay inay tahay waxqabad ay dawladiisu ku faani karto. Dawlada federaalka ah ee Somaliya ma laha hay'ado amni oo la taaban karo ama ciidan tayo leh oo sugi kara amniga goobaha ay madaxda dawladu ku sugan yihiin. Dawlada ayaa ka tilisa dhawr goobood oo ku yaal magaalada Muqdisho oo laga magacaabi karo Villa Somaliya, madaarka, dekedda Muqdisho & meelo cayiman, iyagana ay ilaalo xoogan ka hayaan ciidanka AMISOM ee ku sugan Muqdisho. Mar la weydiiyey M/weyne Shariif inta xaafadood ee magaalada Muqdisho ee dawladu ay ka taliso ayaa uu sheegay in ay dawladu xukunto xaafado badan, balse mar la weydiiyey in uu magacaabo tirada xaafadaha, ayaa uu ku jawaabay, in uusan aqoon. Xalka Somaliya ayaa uu sheegay M/weyne Shariif in uu ku jiro dhismaha ciidan amni oo xoogan, hannana kara amniga dalka. M/weyne Shariif waxaa uu sheegay in dawladiisu ay sugi doonto amniga dhammaandka bisha Janaayo sidii hore uu u sheegay R/wasaare Sharma'arke. Mar la weydiiyey in uu jiro jadwal uu degan oo ay ku sugi doonaan amniga ayaa uu kaga jawaabay in aanu sheegi karin. Waxaa uu ka hadlay joogitaanka ciidamo shisheeye ee taageero ciidan, dhaqaale iyo hubba siiya xoogaga Al-shabaab iyo Xisbul Islam ee badi ka arrimiya gobollada Koonfureed ee Soamliya. Waxaa uu intaas ku daray in dawladiisu aanay taageero sidaa u buuran ka helin bulshada caalamka, ayna adaga tahay in ay keligood sugaan amniga dalka. Al-Qaacida ayaa uu sheegay in ay halis ku tahay Somaliya, Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kaleba. Mar wax laga weydiiyey dib u heshiisiinta mucaaradka dawladiisa ayaa uu sheegay in ay dadaalo badan sameeyeen, ayna jiraan qaar ka mid ah mucaaradka oo dawladiisu ku soo biiray. M/weyne Shariif ayaa u waramayey wargaysta maalinlaha ah ee Wall Street Journal. Wariye: Abdiqadir M. Cali admin@lasanod.com Xafiiska Wararka Lasanod Online.Muqdisho, Somalia
  11. Waxaanu u aragnay inay anaga waajibkayaga tahay in aanu xallino dhibaatadayada. Laakiin, walaalahayaga Soomaaliya taa ma sameeyaan. Mar walba waxay sugayaan ajaanib in uu u xalliyo dhibtooda. Beesha Caalamku waxay ku bixisaa Lacag ay mid walba siiso, balse waxba kama soo baxaan. Mararka qaar waxaan ku idhaahdaa (Beesha Caalamka), waad kharribaysaan walaalahayo, iyaga isu-daaya oo u ogolaada inay wada-fadhiistaan oo ay dhibtooda xallistaan iyagu.” waleeh taasana beeen ahayn bal lacagta ha ku si gurran inay wax ka badasho 20 sannoh bay lacag iyo hi iyo hoo ba ag tanayeen bal wax haka so saaran
  12. Originally posted by Cali_Gaab: Djib, when are you going to Hargeisa Somaliland again? Can you say 'Somaliland' horta?
  13. ^^^looooooooool wuu ka hela magacyada baddan lol
  14. Originally posted by Cali_Gaab: ^Check your pm waan eegay
  15. Originally posted by Cali_Gaab: If my memory serves me right, they were established in Kenya. The SNM were established abroad, the only thing left for them to do now is break out their people from Mandheera.
  16. Jacaylbaro inadeer sidan wa ceebe nimanka ma yidhahna iska soo hooyda maxa marba Jigjiga iYO Djibouti idin dhigay.
  17. Gudoomiyaha xisbiga UCID Injineer Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye kuxigeenka Labaad ee xisbiga Kulmiye CabdiraxmaanCabdiqaadir oo si diiran loogu soo dhaweeyay laguna wareejiyay dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay Xarunta Senadka iyo Baarlamaanka federaalka ee dalka Belgium (Sawiro) (GNS)Brussels:-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ahee UCID Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye kuxigeenka labaad ee xisbiga mucaaridka ee Kulmiye ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta senadka iyo baarlamaanka federaalka ee dalkan Belgium Gudoomiyaha xisbiga UCID iyo ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye waxa lagu soo wareejiyay dhamaan goobaha kala duwan ee taariikhiga ee ku yaala xarunta senadka iyo baarlamaanka federaalka ee dalka Belgium. Waxa isla goob kasta oo ay tagaan warbixino kala duwan ka dhagaysanayeen agaasimaha guud ee Baratakoolka xarunta senadka iyo baarlamaanka federaalka, isagoo goobkasta uu ka bixinayay macluumaad ku saabsan sida goobtaasi u shaqayso iyo hawlaha lagu qabto ,iyo waliba taariikhdii goobtaasi la sameeyay Madaxdan sare ee ka socday xisbiyada mucaaridka ah waxay aad ugu qushuuceen dhamaan xogtii baladhnayd ee ay ka heleen goobihi kala duwanaa ee ay ku soo wareegeen, iyo waliba labada goobood ee ay fadhiistaan Senadka iyo Baarlamaanka federaalka oo ah goob muhiim ah oo taariikh leh,halkaas oo ay si joogto ah u fadhistaan xildhibaanada la soo doortay. Intii lagu guda jiray booqashadan xiisa lahayd waxa madaxda sharafta leh ee ka socday labada xisbi mucaarid ay daawadeen Film ka sheekaynaya taariikhdii dalkan Belgium, iyo qaabka siyaasadeed ee dalkan u dhisan yahay. Gudoomiyaha xisbiga UCId Injineer Faysal Cali Waraabe iyo gudoomiye kuxigeenka labaad ee xisb iga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxay aad ugu mahadnaqeen qaabilaada wacan ee lagu soo dhaweeyay ,iyo sida fiican eel oo ka latusay qaabka uu u shaqeeyo senadka iyo baarlamaanka Belgium . Ugu danabyn waxa waftiga sharafta leh la gudoonsiiyay hadiyad ka socota baarlamaanka federaalka iyo senadka oo ay ugu talo galeen inay kula noqdaan wadankoodii . Saciid Cali Dahir (Sacadguray) Gabileynews Brussels
  18. Originally posted by Sikaawe: quote:Originally posted by Muruqmaal: I think federation is only solution for all regions in Somalia but why Somaliland is resistance. Somaliland has not any recourse in their land. I know in the future Somaliland will beg Somala reunite. Somaliland must consider before it happen that sad think. You talked what you like adeer, but the truth is far away from that, Somaliland will never surrender its sovereignty to Somalia. We did get Somaliland as a gift from Somalia but won it in a bloody war and loss of precious boys for it. And you know what, if you want repeat and rematch of the war then we are ready for guys guys, and we are stronger this time and also will give worse bloody noses than the previou. Anyway, we respect fellows Somalis that respect our vision and goals. Somaliland has already established itself as a seperate country albeit not recognised with its own flag, currency and system of governing which basic principles of country. And God willig we will ultimately achieve with our determination. well said.
  19. Originally posted by Muruqmaal: Xaji Xunjuf I told you the fact believe or not Lascaanood is belong to Puntland because they are same blood. We know some people of Laascaanood service for Hargaysa they taking money from Hargaysa. This kind of people are not represent the majority of Laascaanood. Hadaad laascanood leedahay , dee maad ku dagaalantiid oo aad ka xooreysiid somaliland. if you believe its part of puntland. And dont say 2 your clansmen wa mid idinka idin taal where is ciidamadi Puntland eeh amaanka sugi jiray maamulka puntland?
  20. Xagala-Toosiye Oo Jigjiga Jooga Kuna Soo Jeeda Buuhoodle (Buuhoodle) 16.1-10 Dr Saleebaan Ciise Ahmed Kaar (Xagla-Toosiye) iyo wafti uu hogaaminayay ayaa kusugan magaalada xarunta u ah ismaamulka soomalida ee dawlada federaaliga ee itoobiya waa magalada jigjiga..........Dr Xagla-toosiye waxaa weheliya wafti aad ubalaadhan oo isugu jira Garaado cuqaal odoyaal Aqoonyahano, Qurbajoog,iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulkiisa........................................ Mar aanu wax kawaydiinay Dr saleebaan goorta uu kubeeganyahay gudaha ssc ayuu noosheegay in uu filayo maalmahan soosocda sikastaba ha ahatee hogaamiyaha ayaa nooxaqiijiyay xidhiidh aan lasamaynay khadka telfoonka in ay guul ku dhamaadeen safaradoodii ay kutageen dawladaha dariskaa islamarkaana ay hada ay kusiijeedaan xero darawiisheed waxaa mudooyinkii udanbeyay lasugayay in hogaanka iyo waftigiisu ay caga dhigtaan meel kamida gobolada ssc sidoo kalana loobadinayay in ay kadgaan magalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn oo ah degmada qudha ee si xor ah looga dagi karo marka la.eego degaanada kale ee ssc oo dhamantood ay kagacanta ku hayaan mamulka labaxay somaliland dhanka kale magaalada buuhodle ee xarunta goblka cayn ayaa aad looga diyaar garoobay soodhawaynta hogaanka ssc iyo waftiga balaadhan ee lasocda qabanqabada sodhawaynta hogaanka ayaa si habsami leh uga socota magalada buuhoodle
  21. Originally posted by Muruqmaal: Guys you know Laascaanood is belong to Puntland that is not doubt. People of Laascaanood were, are and will be forever Puntlander. Punrland and Laascaanood's isimo, leaders, women and men are prepared to get back laascaanood. In this year you will see amazing think from Laascaanood. Somnaliland is part of Somalia they can take federation like Puntland. Muruqmaal the people of lascanood dont even call their elders isimo. they call it cuqaal and salaadin, the difference between The Peopl of somaliland and puntland halkasad ba aad ka arkaysa