-
Content Count
29,829 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland:Former Udub Presidential Candidate Joins Kulmiye
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Well technically Drewal is a well respected Politician, and always wanted the best thing for somaliland but Udub And riyaale never gave him a chance to change things with in udub, kulmiye is an option. I wonder why no one joins Ucid. -
Gabre! Jenankii kala gaabiyey caasimada oo Xamar ku soo laabtay
Xaaji Xunjuf replied to Kamaavi's topic in Politics
maya canjero Xabashi baan ku dhibi laha si aad xamar ugu qeybsid -
Somaliland:Former Udub Presidential Candidate Joins Kulmiye
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
I guess Ismacil yare will tell Kulmiye finally The Secret of Daahir riyaale lol. -
Somaliland:Former Udub Presidential Candidate Joins Kulmiye
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
War deg deg ah: Garabka isbeddel Doonka Xisbiga udub oo manta si Rasmi ah ugu Biiraya Kulmiye. Garabka isbedel doonka xisbiga udub oo iyagu ka mid ah Masuuliyiint Xisbiga udub oo ay ku jiraan Aasaayaashii xisbiga udub... Hargeisa (GNS)-Garabka is bahaysiga isbeddel doonka xisbiga udub ayaa maanta la filayaa inay si rasmi ah ugu digo rogtaan xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye, Sida uu noo Xaqiijiyay Gudoomiyaha Garabka isbeddel doonka ah ee Xisbiga udub Axmed Sandoon Xasan, Saaka ayaa lagu wadaa in Xisbiga kulmiye ku qaabilo soo dhawayntooda . Waxa ay wararka na soo gaadhayaa sheegayaan ilaa imika in xisbiga kulmiye oo ku soo dhawayn doono qaabilaad aanay u kala hadhin masuuliyiin iyo xubno-ba Garabka isbedel doonka xisbiga udub oo iyagu ka mid ah Masuuliyiint Xisbiga udub oo ay ku jiraan Aasaayaashii xisbiga udub hase yeeshee uu khilaaf wayni soo kala dhex galay iyaga iyo Madaxwayne riyaale, markii ay qaarkood ku dhawaaqeen inay u Tartamayaan jagada madaxtinimo ee Xisbiga udub Dhexdiisa, Arintaana uu ka diiday Madaxwayne Rayaale, iyada oo qaarkood laga hor istaagay shirwaynihii Xisbiga udub uu ku dooranayay musharixiinta uga qayb galay Tartanka Doorashada madaxtinimo. Xubnaha Garabka isbedel Doonka Xisbiga udub waxaa ka mid ah: C/laahi Xuseen Iimaan (Dirawal) Axmed Sandoon Xasan Ismaaciil Aadan Xuseen (Ismaaciil yare) Iyo Qaar kale oo badan Warkaasi oo Faahfaasan waxaad kala socon doontaa Shabakada Wararka ee Gabiley News iyo wararkayaga Danbe. Siciid Khadar C/laahi Gabiley News Reporter Hargeisa/Somaliland muxaafid@gmail.com -------------------------------------------------------------------------------- Published: 2010-04-20 -
Cabdilaahi Darawal oo maanta si rasmi ah gu biiray Kulmiye, Sheegayna in aan la dheyelsan UDUB Written by Qaran News Apr 20, 2010 at 09:04 AM Hargaysa,(Qaran News)- Waxa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga Kulmiye siyaasiga C/laahi Xuseen Iimaan Darawal, oo ay ku weheliyeen 7 xubnood oo kale oo sheeganaayay isbadal doonka UDUB. Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen nin mar maayar ka ahaan jiray magaalada Hargaysa, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Dheere) iyo sidoo kale mudane Axmed Sandoon kana tirsanaan jiray Ururkii Hormood, ee hadhay kuna danbeeyay xisbiga UDUB, hadana ku soo biiray xisbiga Kulmiye. Mudane C/laahi Darwal oo ahaa ninka ay xafladani maanta u dhacaysayna, ayaa goobtii ay xafladu ka dhacaysay oo ahayd Xarunta ganacsiga ee Kaah ka soo jeediyay qudubad aan sidaasi u sii dheerayn. Mudane Darwal waxa uu digniin culus u soo jeediyay xisbiga Kulmiye, waxa aanu sheegay in aanay xisbiga Kulmiye dhayelsan xisbiga UDUB, oo ay yihiin kuwo aad u xoog badan, ay haboontahayna in aan xisbiga Kulmiye fududaysan xisbigaasi uu ka tirsanaan jiray ee UDUB oo uu ku tilmaamay kuwo aad iyo aad u awoodbadan. Sidoo kale mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Dheere) oo ahaan jiray duqii caasimada ee ka horeeyay maayarka hada jooga caasimada, isla markaana hore u ahaan jiray NSS, xiligii dawladii Somalia, ayaa isna halkaasi maanta ka soo jeediyay hadal kooban isaga oo sheegay in aanu hadalkiisu badanyn oo uu ahan jiray NSS, waxa aanu xisbiga Kulmiye kula dar daarmay in ayna nacin oo ayna aflagaadaynin cidii ahaan jirtay NSS, maadaama oo uu maanta isaguba ku soo biiray. Xafladani oo aad ay uga soo qayb galeen tageerayaasha xisbiga Kulmiye oo uu ay hogaaminayeen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo mudane Muse Biixi Cabdi, iyo dhamaan madaxda sar sare ee xisbiga Kulmiye oo ay ka mid ahaayeen xildhibaanadii ka soo baxay xisbiga Kulmiye. Xafladani ayaa u soo gabo gaboowday jawi aad u degan manay jirin wax carqalad iyo dhib ah oo ka dhashay xafladaasi maanta
-
Gabre! Jenankii kala gaabiyey caasimada oo Xamar ku soo laabtay
Xaaji Xunjuf replied to Kamaavi's topic in Politics
Source? -
Heesuhu wa mamnuuc bu Emirka Al shabab axmed cabdi godane yidhi. Waleh somali ba dall qudh a noqon hees iyo kamman la qaado.
-
Kenyan Parliament on Somaliland's Recognition
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
mala shirkadii ictraafkay inooga furii doonaan hargeisa -
Barlamaanka Kenya Oo Ka Doodi Doona Mooshin Lagu Taageerayo Aqoonsiga Somaliland Nairobi, April 20, 2010 (W.Wararka) – Baarlamaanka dalka Kenya ayaa la sheegay in la horgayn doono mooshin lagu taageerayo in aqoonsi ay somaliland ka hesho beesha caalamka, taas oo la sheegay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya oo booqasho Somaliland ku yimid dabayaaqadii 2009-kii oo uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Md Faarax Macalin iyo wafti kale oo ka tirsan baarlamaankaasi oo dabayaaqadii sanadkii 2006-dii booqasho ku yimid dalka la sheegay inay u ololaynayaan sidii mooshinkaasi aqoonsiga somaliland ay golaha u horgeyn lahaayeen, isla markaana uu goluhu uga doodi lahaa nuxurka mooshinkaasi xambaarsan yahay. Waftiga uu Faarax Macalin hogaaminayey ee dalka booqashada ku yimid ayaa la sheegay in warbixintii ay ka diyaariyeen socdaalkoodii xaqiiqo raadinta ahaa ee ay dalka ku yimaadeen dabayaaqadii 2009-kii ay u gudbiyeen afhayeenka baarlamaanka dalka Kenya oo la filayo in gudida ganacsiga ee baarlamaanka Kenya loo gudbin doono si golaha loo horgeeyo, goluhuna dood uga yeesho mooshinkaasi nuxur ahaan xambaarsan taageerada aqoonsiga Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadan karto dawlada Kenya, waxaanay ilo wareedyo xogogaal ah oo aanu ka helnay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi ay noo xaqiijiyeen in ololaha mooshinkaasi lagu soo daro ajandayaasha kalfadhiyada golaha baarlamaanka Kenya. Source haatuf.net
-
The Electoral Commission Brings the Polling Boxes
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Sanaaduuqdii Codaynta Doorashadda Madaxtooyadda oo Dalka soo Gaadhay iyo Komishanka oo Hadlay Waxa kale oo sida masuuliyiinta Komishanku sheegeen la filayaa in waraaqihii codaynta iyo qalabkii kale ee doorashadda lagu gelayey iyaguna sida ugu dhakhsaha badan dalka u yimaadaan Hargeysa (GNS)- Qalabkii u horeeyey ee loogu tallogalay in lagu galo doorashadda madaxtooyadda Somaliland, ayaa shalay dalka soo gaadhay, kaasi oo ay siday diyaarad ka soo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sada xalay lagu faafiyey telefishanka Universal, waxa dalka soo gaadhay sanaaduuqda lagu codaynayo marka bisha June ee sannadkan loo dareero doorashada madaxtooyadda, kuwaasi oo lagu sameeyey dalka Denmark ee qaarada Yurub. Waxa kale oo sida masuuliyiinta Komishanku sheegeen la filayaa in waraaqihii codaynta iyo qalabkii kale ee doorashadda lagu gelayey iyaguna sida ugu dhakhsaha badan dalka u yimaadaan si labada toddobaad ee u horeeya bisha May ee sannadkan 2010 loo qaybiyo waraaqaha codaynta ee lagu beddelayo kuwii ay hore u haysteen dadkii doorashada isu diwaangeliyey. Md. Cabdiraxmaan Dixood oo ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinka oo faah-faahin ka bixinayay nooca qalabka shalay la soo gaadhsiiyey, ayaa sheegay in qalabka la soo gaadhay inta ugu badani tahay Sanaaduuqdii loogu talagalay codbixinta, oo ah noocii ugu casrisanaa sanaaduuqda doorashooyinka dunida. Waxaanu xusay in Sanaaduuqda loo keenay laga dhex arkayo Waraaqaha codaynta marka lagu rido (Sanaaduuq Muraayad ah). “Qaybtan na soo gaadhay waa qaybtii ugu horreysay qalabka doorashada, isla markaana waa qalab casri ah oo tayadiisu aad u sarrayso, oo shirkadda Qandaraaska qaadatay ay ka soo iibisay magaalada Copanhegan ee dalka Denmark. Qaybaha qalabka doorashada ka hadhsani waxay noo imanayaan maalmaha soo socda, si is daba-joog ah ayaana qalabkaas loo keenayaa illaa inta laga soo dhamaystirayo. Waxyaabaha hadhay waxa ka mid ah, Waraaqihii codaynta, kaadhaddkii lagu beddalayay kaadhadkii hore ee diiwaangelinta, khadkii codbixiyayaasha lagu calaamadinayay iyo noocyo kale oo badan oo ka mid ah qalabka aannu sugayno, si dhakhso ahna waa loo keenayaa qalabkaas,” ayuu yidhi; Md. Cabdiraxmaan Dixood. Komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa maalintii la kala saxeexday xeerka anshaxa caddeeyey in doorashada madaxatooyadda Somaliland ay dalka ka dhici doonto bisha June ee sannadkan 2010 Gabileynews desk -------------------------------------------------------------------------------- Published: 2010-04-20 Source: Jamhuuriya online -
Originally posted by Jacaylbaro: Don't u see the irony ?? ,,, the new road will connect the western part to the eastern part of the city ,,, warya jooji waxad waddid, wadadu wa wada gaadhi
-
The Electoral Commission Brings the Polling Boxes
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Good news Well done Electoral Commission -
Good news , always positieve news from burco
-
SOMALILAND: British and French diplomats arrive
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
haa labba wefti ba isku mar yimi waxay na kala tageen booraame iyo meelo ka mid ah somaliland. Imika wax la suga uun wa ku dhawaaqi uun -
saado cali and her nonsense again
-
Somaliland Finally Prepares Presidential Polls
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
udub loves to point out internal problems with in kulmiye but there is no such thing everthing is fine with in the party of Kulmiye , kulmiye is and was ready for election since 2008 and they are still waiting , doorasho ino dareeriya ilmadeereyaal dadka dooranaya ninki dabaqa dheer koraya. Somaliland ha noolato -
Vice president of somaliland returns Home pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
vice president Axmed yusuf yasin is loved by All somalilanders wether is udub kulmiye ucid. -
Yeah its all part of the plan
-
SOMALILAND: British and French diplomats arrive
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo maanta Qado sharaf u sameeyay Safiirka Faransiiska ee Djibout Written by Qaran News Apr 17, 2010 at 04:30 PM Hargaysa,(Qarannews)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibada Somalilnd C/lahi Maxamed Ducaale ayaa maanta Hotelka Maan-soor ee Magaaladda Hargeysa Qado sharafeed ugu sameeyay Safiirka Dalka Faransiiska u fadhiya Dalka Djibouti Wasiirku waxa uu Safiirka uga mahadnaqay Booqashadiisa uu Dalka ku yimid,isagoo sheegay mudadii uu xilka hayay inuu wax badan Somalilnd la qabtay, maantana ka codsaday inuu halkii ka sii wado isagoo ku booriyay dalkasta oo loo bedelo inuu qadiyada Somaliland wax uga taro Safiirka ayaa qado sharaftaasi ka hor soo booqday Komishanka Doorashooyinka qaranka waxaanu qado sharaftaa ka sheegay inay komishanku hawlahooda si fiican u wataan isagoo Somalilndna u rajeeyay Doorasho wanaagsani inay ka dhacdo Qado sharaftan oo ahayd mid isugu jirta soo dhaweyn iyo sagootin ayaa waxa ka qayb galay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland kuwaasoo Safiirka uga mahadnaqay xidhiidhka wanaagsan ee uu Somalilnd la leeyahay Waaheen -
Written by Somalilandpress Apr 17, 2010 at 11:16 AM HARGEISA (Qaran News) - A high-level British and French diplomatic officials have arrived in Hargeisa for consultations over the holding of forthcoming general elections in the country and to strengthen ties, Somalilandpress has learned on Friday. The British delegation was led by Mr. John Marshall, deputy ambassador at the UK embassy in Addis Ababa, held private discussions with the Speaker of lower house of parliament, Mr. Abdirahman Mohamed ‘Irro', as well as the chairman of National Electoral Commission (NEC) and members from the three political parties. Mr. Marshall, discussed a range of issues including security, forthcoming elections in Somaliland, and the role Somaliland's 82-seat House of Representatives could play in the democratization process. The British visit was preceded by a four-member delegation from the French embassy in Djibouti and was led by Mr. Dominique Decherf, French Ambassador to Djibouti and Mr. Thierry Choinier, the first secretary of the French Embassy in Djibouti. The other two members, Mr. Banos Robles Bernard and Mr. Jacques Sabrot were from the French Ministry of education and the Ministry of Culture respectively. The French delegation has met with the Minister of State of Foreign Affairs, Mr. Abdirahman Osman Adan. The two sides discussed ways of working towards strengthening ties between Somaliland and France in the fields of security, development, education and culture. They have also discussed the forthcoming elections and the French delegation plans to meet with all political parties as well as the NEC. The delegation said they were also in the country for a fact-finding mission and were accompanied by Somaliland Representative to France, Mr. Ali Ismael Hassan. Somalilandpress has learned that, the French want Somaliland's high-tertiary institutions to include French in their education curriculum as well as presenting French culture and identity through the support of their Maisons de Culture (culture centres), which Mr. Jacques Sabrot is leading. The French diplomats also insisted that they would help Somaliland build strong education capacity and infrastructure. In recent times, Somaliland has been developing strong ties with France, it was three weeks ago when Somaliland Liaison office in Paris was invited to the all exclusive French-speaking, the International Organisation of La Francophonie for it's 40th anniversary. In late 2009, Somaliland business communities as well as members of the government were also invited to Djibouti to meet with French companies. The British and French delegation came just days after the NEC has announced the general election will be held in June and that all three parties have signed the agreed date. Photo: British diplomats with Speaker of House of Representatives, Mr Irro. Somalilandpress,
-
Vice president of somaliland returns Home pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
-
Madaxweyne ku xigeenka oo maanta gelinkii hore ka soo degay garoonka diyaaraha ee magaalada Berbera, ayaa waxa halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo uu horkacayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somlailand Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Ciro], Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole Baarlamaan ee Wakiilada iyo Guurtida, madax ka kala socotay saddexda xisbi Qaran ee UCID, UDUB iyo KULMIYE, Salaadiin masuuliyiinta heer gobo iyo heer degmo ee Gobolka Saaxil iyo dadweyne kale oo aad u tiro badnaa.
-
Garaad Cabdi Rashiid Garaad Ismaaciil The Peacemaker
Xaaji Xunjuf replied to AYOUB's topic in Politics
The best Garaad so far. -
French Navy Hands over pirates, medical supplies to Puntland Admin
Xaaji Xunjuf replied to xiinfaniin's topic in Politics
speaking of fransiis safiirki Fransiiska eeh jabuuti fadhiyey ayaa maanta boqasho ku yimi Jamhuuriyada somaliland, anaga fransiisku xidhiidh dibloomaasi ba naga dhexeya. safaraad na waanu ku leenahay Paris, ictraafku wabu iska jira, wey qarinayan uun