-
Content Count
29,829 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Kulmiye Supporters In Gabiley
-
lets see what Kulmiye Brings Baritoole.
-
^^Yeah i have seen it today big outcome there for udub
-
First laser surgery in Somaliland took place in Hargeisa
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Here are some more Pictures. -
Oodweyne well put Lets just wait and see one thing is for sure the people want change. How ever the people will make the decision. Kulmiye has a very big chance to win this time I am certain About that and the capital Most likely will go Kulmiye.
-
Originally posted by Qudhac: looool west burco people from gashaamo atacked and took buhoodle trucks east burco say peace yall... waar burco waaba waali cad
-
Well done Muwaadininta reer laascanood.
-
the pirate state house of parliament soon will be empty
-
Well done reer laascanood.
-
And those are the udub Supporters. Tomorrow you shall see The Kulmiye Supporters.
-
Liibaan have no power in somaliland or clan elders unless they are in the somaliland House of lords, We are not the khuusuusi sxb, Somaliland army has the right to protect its people and its Borders.
-
Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin Oo La Filayo Inuu Dhowaan Soo Gaadho Gobolka Sanaag. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa la filaya inu Toddobaadkan Booqasho ku tago Degaano ka tirsan Gobolka Sanaag, Kuwaasi oo aay ka mid yahiin Ceerigaabo, Baran Iyo weliba meelo kale oo Somaliland Ka tirsan Madaxweyne Riyaale ayaa Booqashadiisa lala Xiriirin Ololaha Doorashada, isaga oo Degaanada ka raadin doona Kalsoonida Shacabka, sii u mar kale Xafiiska ugu soo noqdo Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa iyagana sii weyn loga diyaar garabo Sidaa la sheegay iyada oo la filayo in Madaxweynaha sii heer qaran ah Degaanada logu soo dhoweeyo Gobolka Sanaag ayaa ka mid ah Gobolada la tilmaamo in Xukuumadda Riyaale ku guul dareysatay inay wax u qabato, Gobolka Sanaag ayaa ah kan ugu wayn gobolada Jamhuuriyada Somaliland waana Gobol muhiimadiisa u leh arrimaha Ololaynta Axsaabta, waxaanna waqtiyadan ku sugan Waftiyo kale oo ka Socda Axsaabta mucaaridka Isku soo wada duuboo Madaxeyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa aad u kala yaqaana Guud ahaan Degaanada Gobolka Sanaag isagoo ku sugnaa waqtiyadii u Madawayne ku xigeenka ka haa Somaliland joogay mudo Sanad ku dhow una joogay Xiisado halkaas ka jiray damintooda, inkastoo dadka Reer Sanaag ay mararkii hore ula kulmi jireen Iyagoo qayb qayba haatan waxaa la filayaa inay taasi meesha ka baxdo ayna reer Sanaag oo isku duubani miiska la yimaadaan Waxa ay tabanayaan in laga hargaday Wararkaas iyo Kuwo kale kala soco Shabakada Wararka SanaagNews.
-
SOMALILAND: President rejects France’s prisoner exchange request HARGEISA (Somalilandpress) — President Dahir Rayale Kahin has rejected a French government request to exchange prisoners after his return from Paris, Somalilandpress has learned. The president issued a press statement on May 24 inciting that he was put under pressure to “release terrorists detained in our Somaliland Jails” during his last visit to Europe. The president is believed to be referring to his May trip to the French capital where he met with French Foreign Minister and European Affairs, Mr Bernard Kouchner in his office at Quai d’Orsay. The president said Somaliland’s courts of justice were not under foreign influence. “I am proud to affirm that justice of Somaliland is not under influence and that nothing can justify the release of these people,” the statement read. Somalilandpress has learned that the French government made a request to president Rayale to release members of Somalia’s al-Shabab and other radical groups currently held in Somaliland prisons. The French is believed to have made a secret deal with al-Shabab and Hisbul Islam militants who operate in Somalia’s south to release a French security adviser, who was among two agents captured in Mogadishu in July of 2009 while on a secret mission to train Somali forces. One of them has since escaped from Hisbul Islam group while the other remains unknown where about he is kept in Somalia. Now the French government has tried to convince President Rayale to pardon some of the dozens of Islamist prisoners languishing in government jails. Anaylsts believe the French may have asked Somalia’s Islamist movement groups to release their agent in return for the men released from Somaliland. The prisoners are believed to have carried out or linked to terrorist attacks that occurred between 2003 and 2008 in Somaliland. In 2003, an Italian nun working in the city of Borama was shot dead by an extremists while killing a British couple in the same period in the town of Sheikh, which lays between the capital and the port city of Berbera. In October of 2008, members belonging to al-Shabab carried out the most deadliest attack in Somaliland when trio-suicide car bombs strucked the Somaliland presidential palace, an Ethiopian Consulate office and a United Nations office. At least 20 people were killed and more than 30 others wounded in the attacks in Hargeisa. The president said releasing the men will in danger the national security and he was not ready to offer Somaliland’s justice as a bargain chip for foreign elements with their own interest. Somalia’s radical group, al-Shabab is believed to have ties with al-qaeda and have a global agenda to impose their own interpretation of Islam and the Sharia. Many of the group’s top leaders including their Emir is originally from Somaliland however fled after gaining no support from Somaliland’s public who reject radicalism. The French having been convinced Mr Rayale will not comply with their request might try a different tactic with Somalia’s interim leader, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, who is currently in Nice for the Africa-France Summit. Sheikh Sharif’s Western backed government only controls one block known as Kilometer 2 in the capital and the villa with the help of African Union troops from Uganda and Burundi. Somalilandpress | Tuesday, June 1, 2010
-
war ssc way duushay maxaad ku diidaysa viva la khuusuusi
-
Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada magaalada Beledweyne Isniin, 31, May, 2010 (HOL) Waxaa hada degan goobihii ay saakay dagaalladu ku dhaxmareen Ciidamo ka kala tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ururka Xisbul Islaam, kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen inta badan goobihii farsiimaha u ahaa Xoogagga Ururka Xisbul Islaam. Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ka mid ah Saraakiisha horkaceysa Ciidamada Dowladda ee saakay weerarka ku soo qaaday ayaa isaga oo waramayo HOL wuxuu sheegay in waqtigan isaga iyo Ciidamada Dowladda ay ku sugan yihii deegaanka Jante-kuundisho isaga oo intaa ku darray in kooxihii ka soo horjeeda uusan ogeyn halka ay qabteen. Yuusuf Dabageed oo ka jawaabayay su'aasha ku saabsaneyd cid ku wehelisa duulaanka ay saakay soo qaadeen gaar ahaan bal haddii ay jiraan ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna oo dagaallka ka qeyb qaatay ayaa sheegay in dagaalka saakay lagu soo qaaday Magaalada Beledweyne ku fuliyeen Ciidamo u dhashay sida uu hadalka u dhigay goballka laakiin taabacsan Dowladda Soomaaliya, isaga oo intaa raaciyay in sidoo kale wada shaqeyn fiican leeyihiin Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca. "Anagu qorshaheynu ma'aha in aan gudaha u soo galno magaalada si aan u ilaalino xasiloonida dadka, waxaana naga go'an in aan magaalada ka difaacno kooxaha ku soo duulay, kadiban u gudubno goballka intiisa kale" ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo mar Guddoomiyi ka ahaa goballka Hiiraan. Ciidamadii Ururka Xisbul Islaam ee saakay la galay dagaalka kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay fariisin ka dhigteen Tuulada lagu magacaabo Baardheer oo dhinac bari ka xigta Magaalada Beledweyn, waxaana qaar ka mid ah Saraakiishooda uu la hadashay Warbaahita gudaha sheegeen in saacadaha soo socda weerar ku qaadi doonaan Ciidamada Dowladda ee hadda ee ku sugan deegaannka Jante-kuundisho. Dhinaca kale waxaa dib ugu soo laabtay Magaalada Qoysaskii dhawaan u barakacay deegaannka Jante-kuundisho oo saakay ay ku dagaallameen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ururka Xisbul Islaam, waxaana xusid mudan in dagaallkii saakay dhacay uu ku geeriyooday Wiil yar oo ka mid ahaa Qoysaskii dhawaan ka barakacay fatahaadii uu sameeyay Wabigga Shabelle. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Beledweyne, Soomaaliya
-
Somaliland:Military officials move closer to Buhoodle.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Degmada WidhWidh oo gashay Xaalad aad u qalafsan {WidhWidh}31-05-10Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya Degmada widhwidh ayaa sheegay in shacabkii reer widhwidh ay ku sugan yihiin duleedka widhwidh ayaga magaaladaas Gabi ahaaba ay gudaha ugu jiraan Boqolaal Ciidamada SNM. shacabkii reer widhwidh ayaa wali ku sugan duleedka magaalada iyaga Roobkii yahay deegaankaas ay ku dhamaadeen shacab badan oo kaqaxay magaalada iyaga oo aan haysan baco, raashin, dawo. Ciidamada SNM ayaa magaalada gudaheeda ka ridaya xabado teel teel ah oo iyaga shacabka ku sugan magaalada duleedkeeda tusay in magaalada gudaheedu aysan wax nabad galyo ah ku sugnayn. Isku soo wada duub waxaa muuqda in magaalada widhwidh ay gashay xaalad qalafsan oo ka baxsan bin'aadamnida. Waxaana muuqda in magaalada ay noqotay Xero Ciidamada SNM ay ku sugan yihiin. C/laahi Maxamed Yusuf (WIDHWIDH) Source widhwidh -
^^ Ucid seems to be more populair These days the big outcome in wajaale and kala baydh i was suprised.
-
Somaliland:Military officials move closer to Buhoodle.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Its just a matter of time -
Maamulkaasi Waxa Wada Koox Yar Oo Laba Isim Ah, Axmed Siillaanyo Ilmaabti Baanu Nahay Wax Cadaawad Ahina Nagama Dhaxayso” Axmed Cabdi Xaabsade Hargeysa, May 30, 2010 (Haatuf) – Siyaasiga ruug cadaaga ah ee Axmed Cabdi Maxamed Xaabsade ayaa sheegay in si wayn looga fiirsado cida madaxwayne Rayaale culayska ku saartay sii daynta maxaabiista falfalka argagixiso ku xukuman, isagoo intaa ku daray in hindisaha maamulka Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku hawlan yihiin Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah Garaaradada Sool, kuna tilmaamay arin aanaan aan ka suura galayn deegaanadaasi. Siyaasiga Axmed Xaabsade waxa uu Komishanka doorashooyinka uga digay in cidna aanay u xaglin natiijada doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhici doonta 26-ka Juune 2010. Mr Xaabsade waxa uu sidaa ku sheegay waraysi khaasa oo uu wargeyska Haatuf shalay kula yeeshay Hargeysa, taas oo sidoo kale kaga hadlay arimo la xidhiidha shaqaaqadii ka dhacday Buuhoodle iyo furista asxaabta siyaasada, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:- S: Madaxwayne Rayaale waxa uu dhawaan sheegay in safarkii ugu danbeeyey ee uu kaga soo laabtay Faransiiska dawlada shisheeye ay culays ku saareen in uu sii daayo maxaabiista falalka argagixiso ku xukuman ee ku xidhan xabsiyada dalka, arinkaasi sideed u aragtaa? J: Arintaasi ummadu dhagahay u wada taagaysaa maxaa yeelay argagixisadu waa tii wax kharibtay, ha la sii daayo cida tidhi maanaan garan, cida odayga ku tidhi argagixada ha la sii daayo arinkaasi aad ha looga fiirsado oo ha looga taxadiro. S: Sideed u aragtaa kooxaha Somaliland diidka ah ee ku hawlan samaynta maamul ka madaxbanaan Somaliland SSC, iyagoo wakhtigan xaadirka ahna ururiya maleeshiyo beeleedyo weerar ku soo qaada Somaliland? J: Maamulkaasi waxa weeyi waxaan raad weyn lahayn oo dadkuna aanay isku raacsanayn oo kooxyar oo laba Isam ah ayaa wada, isimadii kale oo dhami way ku gacmo saydheen, labadaasi waxaan u arkaa in xumaan iyo abaabul aan meel gaadhayn ay wadaan. S:Labadaa Isim ee aad sheegtay inay abuulayaan hindisaha maamulkaasi ma noo sheegi kartaa xubnaha ay yihiin? J: Haa, waa Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kaliya, Garaadka Baharsame iyo Garaadka Jaamac Siyaad. S:Adigu marna ma kala hadashey Garaadada arimahaasi ay kaga soo horjeedaan Somaliland? J: Ismaanaan arag Garaad Jaamac Garaad Cali, laakiinse Garaadka kale waanu is aragnay waxaanu noo sheegey inaanu Somaliland diidanayn, balse uu diidan yahay ashkhaas ka mid ah oo uu rabo inay si toosa u wada hadlaan Rayaale laakiin aanay suuro galin. S: Wakhtigan xaadirka ah oo la gudo galayo ololihii doorashada madaxtooyada Somaliland, hadii garaadada Sool ay ku adkeysteen ku dhawaaqida maamulkaa iyo maleeshiyaadka ciidan ee ay abaabulayaan miyaanay arintaasi keeni Karin isku dhac iyo xaalad amaan daro? J: Markastaba isku dhac wuu imanayaa, nimanku dalkoodii bay joogaan ha yaraado taageerada ay haystaane qalaanqal way samayn karaan, laakiin niman wax badali kara maaha. S: Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Buuhoodle ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca keentey ee ka dhalatay iska hor imaadkii dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidamada Itoobiya maxaad ka odhan lahayd dhacdadaasi? J: Arintaasi waxay ahayd shil dhacay oo aan loo baahnayn, wuxuu ka bilaabmay niman yar yar oo qaadlayaal ah oo doonayey inay Itoobiya u gudbaan oo loo diiday dabadeed halkaasi ayey habadi ka bilaabantay, arintiina magaaladiibay ku fiday, dagaalkiina wuu balaadhay labada dhinacba dhimasho way soo gaadhay, laakiinse hada rag waawayn baa meeshii yimid oo arintii gacanta ku qabtay dabadeed waxa la gaadhay heshiis in wixii la kala hayeyna dib la iskugu celiyo nabad galyo buuxdana shaqaaqadii dhacday lagu soo afjaro. S: Hawshii badalaada kaadhadhka ee codbixinta doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhicidoonta 26-ka June sanadkan waa gabo gabo diwaangalintii dalka ka dhacday 2008-dii, dalkana waxaad ku tilmaamtaan siyaasiyiintiina ka soo jeeda Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle ha lagu celiyo diwaangalintii, arinkaasi maxaad ka odhan lahayd? J: Horta markii horeba diwaangalin buuxda lagama qaban Sool iyo bariga Sanaag 20% lama diwaangalin dadka ku dhaqan deegaanadaasi, hase yeeshee arintan kaadhadhka cusub ee codbixinta doorashada waa la qaatay Insha Allaahuna dadku foodkooda way dhiiban doonaan. S: Maadaama siyaasi miisaanleh aad tahay ololihii doorashada madaxtooyadana la gudo galayo, kuna tartamayo sadexda xisbi UDUB, KULMIYE iyo UCID maxaa ilaa hada kaa hortaagan inaad xisbi ku biirto ee goonida kaa dhigay? J:Anigu wakhtigan xaadirka ah doorasho ma galayo, diyaarna uma yihi, hadana xisbiga aan galaa wax macno ah ii samayn mayso, waxaanse anigu go’aansaday inaanan wakhtigan xisbi galin, laakiin kolay siyaasada dalka taladeeda wax waan ku leeyahay oo waajib bay igu tahay. S: Musharaxa jagada madaxwaynaha xisbiga KULMIYE u sharaxan doorashada madaxtooyada Axmed Siilaanyo oo lagu tilmaamo inaydin Ilmaabti tihiin ma cadaawad siyaasadeed ayaa idinka dhaxaysa xaga afkaarta, xidhiidhse ma idinka dhexeeyaa labadiina? J: Horta xidhiidh wuu na dhexmaraa, muxuu noo shexmari waayey, Axmed Siilaanyo-na Ilmaabtina waanu nahay saaxiibna waanu ahaan jirnay wax cadaawad siyaasiyeed ahina nagama dhaxayso, laba nin oo ehel wada dhalasho ka dhaxaysana waanu nahay. S: Marka la eego siyaasiyiintiina Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle musharixiinta ku tartamaya doorashada madaxtooyada iyo hogaanada sare ee sadexda xisbi qaran kama muuqataan ma la odhan karaa siyaasiyiintiina beelaha ***** ayaa ka gaabiyey inaydin ka qayb gashaan tartanka doorashada asxaabta? J:Markii hore ee asxaabta siyaasada la dhisayey Beesha bariga sool wuu ka maqnaa rag da’yar oo iska joogay mooyaane waa laga maqnaa, markii distuurka qaranka aftida loo qaadanayeyna kamay qayb galin, wakhtigan xaadirka ah wixii ka danbeeya waa laga mid noqon doonaa oo waa laga qayb gali doonaa tartanka doorashooyinka. S: Xisbiga KULMIYE waxa uu barnaamijkiisa ku cadeeyey hadii uu doorashadan madaxwaynaha ku guulaysto inuu furi doono ururadii siyaasada oo doorashada ugu soo horaysa ee golayaasha deegaankana ururo iyo asxaaba loogu tartami doono wax damac ahi ma kaaga jiraa inaad urur siyaasiya ku dhawaaqdo? J: Hadii asxaabta siyaasada la furo talaa imanaysa, taladaana kolay waanu ka qayb galaynaa ama xisbi furan aan galno ama urur aan u madaxbanaanahay aan furtee Insha Allaahu talada siyaasada waanu ka qayb galaynaa. S: Maadaama wakhtigan xaadirka ah ay dalka ka qayb galayso doorashadii madaxwaynuhu Komishanka maxaad talo iyo tusaale u soo jeedin lahayd? J: Komishanka waxaan leeyahay waxa la idin saaray xil culus oo masiirkii ummada ah, yaan la idiin arkin in aydin cid u xaglinaysaan ama cid garabka saaraysaan ama cid aad istidhaahdaan ha soo baxdo waxaan leeyahay taasi waxay u adeegi kartaa in dalka dagaal ka dhaco oo xumaani ka timaado, waxaan idin leeyahay xilkiina xagsoor iyo dhexdhexaadnimo ku guta, musharaxiinta tartamaysana dhex u noqda, dalka iyo dadkana daacad u noqda
-
Somaliland: The Beginning of the Election Campaign
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Originally posted by AfricaOwn: ^^What you're forgetting to mention is my "family" doesn't rule anything, they're getting "muggeged". Its Riyaale with all the powers, ask your boy Kuun-Kuun about this. -
Somaliland: The Beginning of the Election Campaign
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Great news Mashallah. -
The damage caused by the northerners can be repaired, the conflict solved, and situation fixed if they peacefully leave SSC territory. Then the two sides can come together as equals in a meeting and discuss future relations between them. Do the khusuusii Consider them selfs Koonfurians