Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,991
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Seems like mr keyse wants to become a freelancer like xaglajiifiye and get all the financial help and support from the diaspora , some even speculate that he defected back to puntland , war nimanku socod badana
  2. Kayse Cabdi Yuusuf Oo Sheegay Inuu Ka Baxay Hogaanka SSC-(Maqal)- Lasanod Online. Monday, July 12, 2010 Buhoodle,(Lasanod Online)- kayse Cabdi Yuusuf oo ah taliyaha guutada Ismaaciil Mire, kana tirsanaa ciidamada SSC ee jiida WidhWidh, ayaa warsaxafadeed soo saaray maanta.. uu ku sheegay in isaga iyo hantidhowrkii hore ee Hogaanka Maxamed Xasan Buraale ay maanta laga bilaabo ka baxeen hogaanka uu madaxda ka yahay Xaglotoosiye.. sida uu ku yiri warsaxafadeedkan. Kayse ayaa sheegay inuu talaabadan u qaaday si loo badbaadiyo yoolkii SSC ee ahaa xoreynta iyo midnimada. isagoo ku tilmaamay in hogaanku noqday mid aan gudan karin wixii loo doortay. sidaa awgeedna ay uga baxeen. Kayse ayaa shacabka SSC ugu baaqay in la qabto shir weyne lagu badbaadiyo mabaadiida SSC. Halkan Ka Dhegayso Kayse Cabdi Yuusuf Wariye: Abdiqadir M. Cali admin@lasanod.com Xafiiska Wararka Lasanod Online.Muqdisho, Somalia
  3. wayahay eh ka jidhi mayo eh Viva budhcad badeedka oo la wareegey hayadahi manhal iyo unicef.
  4. Hayada unicef goormey budhcad badeeki ka mid noqotay
  5. Federalism doesn’t need to be discussed , but it needs to be imposed , and politically installed in Somalia, but that’s unlikely to happen in the future , why because Somalia has a 4.5 clan formula which will not go hand in hand with federalism , 3th obstacle Somalia, to the world is a homogenous country they all share the same Language and religion to some extend , there fore it will be hard to define federal borders. And the fourth problem is Tfg is a failure , it’s on life support at the moment.
  6. I believe jamhuuriyaa doesn’t say talihyaha sirdookna somalidiidka , cant you copy right it’s not that hard its just copy and paste The same way we correct the right political term when are referring to the khusuusi
  7. Madaxweynaha la Doortay iyo Ku-xigeenkiisa oo Kulankii u Horreeyey la Yeeshay Maayirrada Caasimadaha Gobollada Somaliland 4 Hargeysa (Jam)-Madaxwaynaha dhawaanta la doortay ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxwayne ku xigeenkiisa Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay kulan la yeeshay guud ahaan Maayarada Caasimadaha Gobolada dalka markii ugu horeysay iyagga oo ka wada hadlay arimo la xidhiidha Munaasida uu madaxwaynaha la doortay xilka kula wareegi doono oo dhici doontyo 27/06/2010-ka. Maayaradan oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayarka Berbera Cabdalla Maxamed Carab, Maayarka Burco, Maayarka Boorama, Guddoomiy ku xigeenka Gobolka Gabilay ayaa waxa uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo kaga dhagaystay Maayarada Fikrado la xidhiidha sida ugu haboon ee dalka looga samayn karo isbadalka dalku u baahan yahay, iyagga oo Madaxwaynaha u soo jeediyay in aanu u joojin soo jeedimaha dadka oo uu isagu yeelo wax alaale waxa uu is yidhaahdo way saxan-yihiin oo waa dariiqii loo baahnaa. Masuuliyiintani waxa ay tilmaameen inay waajib tahay in maayarada Magaalooyinka dalka iyo masuuliyiinta kaleba ay taageeraan xukuumada cusub ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxayna balanqaadeen inay doorkooda ka qaadan doonaan ammaanka iyo nidaamka xaflada ay xilka kula kala wareegayaan Madaxwayne Siilaanyo iyo Madaxwaynaha xilka sii haya Md. Daahir Rayaale Kaahin. Madaxwaynaha cusub ee la doortay Md. Axmed Siilaanyo, ayaa isaguna maayarada u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kulanka ay yeesheen, isaga oo ku boggaadiyay hawsha ay qaranka u hayaan oo uu tilmaamay inay tahay mid wax-ku-ool ah, isaga oo tilmaamay inay si wanaagsan u wada shaqay doonaan. Kulankan oo ka dhacay guriga Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo u badnaa sidii ammaanka sare loogu qaadi lahaa maalinta xil wareejinta oo ku beegan 27/07/2010-ka ayaa waxa uu ku dhamaaday jawi wanaagsan oo is-garad. Jamhuuriya Online
  8. Originally posted by Thankful: The problem is that people from your enclave are on to you Xaaji! on what maan fahmin :rolleyes:
  9. what seems to be the problem, jacayl baro talow muxu la cadheysanyahay , ma xisbigayagi guuleystey tallow. war hada udub laga badiiyey, xaajiguna adiga ka badiyey dee wa hawl ku taala awoow
  10. Gabiley (Gabiley News):- Dhakhtar guud ee caafimaadka magaalada Gabiley oo dhismihiisu socday mudo ku dhaw toban sanno ayaa dhawaan faraha laga qaaday kadib markii qaybtii sadexaad ee dhismahaasi oo bilihii ugu danbeeyay ka socotay maal galin balaadhan kusoo sameeyeen jaaliyadaha dibada ee kasoo jeeda Gobolka Gabiley. Dhismaha cusbitaalka Gabiley oo ay dhismihiisa iska kaashadeen, dadwaynaha reer Gabiley ee ku kala nool wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba, dhaqaalaha ugu badana laga soo ururiyay jaaliyadaha reer Gabiley ee ku dhaqan wadamada Europe iyo Maraynkanka ayaa maraya marxaladii ugu danbaysay isagoo u baahan nadiifin, qalabayn iyo shaqaale aqoon caafimaad leh oo ka hawl gala dhakhtarkaasi taasi oo dhamaana laga sugayo dadka reer Gabiley meel ay dunida guudkeeda ka joogaanba. Dhaktarka Gabiley oo markii ugu horaysay ay bilaabeen urur haween ah oo reer Gabiley ah, ayaa waxaa lagu wareejiyay dayrka oo lagu dhisay iskaa wax u qabso, iyadoo markii danbana haayada Bisha Cas ee imaaraadka carabtu ugu deeqday dhakhtarkaasi lacag gaadhaysay $90,000 oo doolar iyadoo lagu dhisay qaybta hore ee xafiisyada iyo laba waadh. Qaybaha kale ee dhakhtarka caafimaadka Gabiley ayaa waxaa gacan ka gaystay jaaliyadaha kasoo jeeda gobolka Gabiley oo ay hogaaminayaan ururka horumarinta gobolka Gabiley ee GARDO, Jaaliyadaha wadamada Canada, Sweden, iyo Dalka Maraykanka oo inta badan la sheego in Dr. Siciid Muhumed Maax kaligii kasoo qayb qaatay. Dhismaha Dhakhtarka ayaa guud ahaan ka kooban ilaa lix qaybood oo kala ah qaybta Farmasiiga iyo Shaybaadhka oo isku dhisme ah, Qaybta xafiisyada dhakhtarka oo la arko markaad albaabka ka gasho dhakhtarkaasi, Lix waadh oo kala ah waadhadhkii Bukaan jiifka, Dumarka, Caruurta, Jajabka iyo Ragga, Hoolka qaliinka oo loo dhisay si heer caalami ah, Qolka Maydka iyo waadhadh gaar ah oo loogu talo galay dadka xanuunadoodu khatarta yihiin oo u qaabaysan qolal gaar gaar ah, oo midkastaaba leeyahay suuli u gaar ah, looguna talo galay in la kireeyo marka dhakhtarka la furo. Waxaa kale oo dhakhtarkaasi dhex yaala mishiinkii sawirka feedhaha (X-Ray) oo ay soo iibiyeen isla markaana ugu tabaruceen ururka samafalka ee GARDO dhakhtarkaasi oo muddo badan ku cadilnaa halkaasi sababo la xidhiidha dhinaca farsamada dabka oo maarayn loo waayay in la hagaajiyo iyadoo ciladaasi ay sababtay mishiinka oo ku shaqaynayay qaab casriya (digital X-ray). Cusbitaalka Gabiley oo sida aad sawirada ka aragtaan dhismayaal badani ka dhex dhisan yihiin ayaa hadana waxaa ka dhex buuxa qashinka iyo dhirta faraha badan, taasi oo la odhan karo waxay u baahan tahay in qandaraas lagu siiyo shirkad dhisme oo kale, dhismayaashii la dhisay shan sano ama lix sanno ka horna waxay u dhaw yihiin inay dumaan, waayo haddii guriga la isticmaali waayo wuxuu u dhaw yahay inuu dumo iyadoo laga yaabo inuu sameeyo dildilaac. Qofkasta oo reer Gabiley ah oo u damqanaya gobolkiisa iyo magaaladiisa, ay ku nool yihiin hooyadii iyo aabihii, walaalkii iyo walaashii, habaryartii iyo edadii, adeerkii iyo abtigii iyo qayb ka mid ah bulshadii reer Somaliland inuu u damqado hooyada bugta ee aan Gabiley waxba lagaga qaban karin, wiilka ama gabadha shilka baabuur gasha ee u dhimanaya dhiig baxa inta hargaysa loo sii wado, bulshadaadii waxaa looga baahan yahay ama la leeyahay quudha shilinka jeebkiina ku jira ee hadaad adigu kharash garayso aan wax la taaban karo kuu qabanayn laakiin hadaad adiga iyo inta magaalada ama wadanka aad dagan tahay wada dagan tihiin isku dartaan ay wax u qaban karto qoyska dagan wadanka ee aan awoodayn inay iska bixiyaan dhakhtarada wadanka ku yaala ee laga dhex samaystay farmasiiyada dawooyinka haayaduhu ku caawiyaan lagu iibiyo. Qofkasata oo wax heli karaya waxaa looga baahan yahay inuu inta uu bixin karayo bixiyo, qofka aan waxba bixin karin ee laakiin Fursada, Xooga, Cilmiga iyo Wakhtiga hayana waxaa looga baahan yahay inuu xoogii kaga qayb qaato oo shilinka lasoo ururiyay lagu iibiyo qalabka dadka reer Gabiley ee gudaha daganina ninkastaa wuu hayaa wakhti uu firaaqo yahayee xoogiisa kaga qaybqaato, ka cilmiga dhakhtarnimada garanayaana dadka ku daweeyo tabaruc oo dhakhtarkii ka shaqeeyo waayo dhakhtarku wuxuu anfacayaa qofkasta oo Gabiley dhexdeeda dagan, waa wax la wada leeyahay, waajibna ku ah in qofkastaa ka qaybqaato si uu uga qaybqaataba dhamaystirkiisa iyo shaqayntiisa. Gabiley waxaa u maqan dadkeeda, waxaa wax ka dhigi kara dadkeeda oo fahma in shayga qof leeyahay manaafacaadkiisu qofkaa uun ku kooban yahay, laakiin shayga dadka ka dhexeeya faa,idaydiisa dadkoo dhami leeyihiin islamarkaana helayaan sida ugu dhakhsaha badan, taasi oo la odhan karo waa iyadoo dadka guud la wada fahmo.
  11. Gabiley (Gabiley News):- Dhakhtar guud ee caafimaadka magaalada Gabiley oo dhismihiisu socday mudo ku dhaw toban sanno ayaa dhawaan faraha laga qaaday kadib markii qaybtii sadexaad ee dhismahaasi oo bilihii ugu danbeeyay ka socotay maal galin balaadhan kusoo sameeyeen jaaliyadaha dibada ee kasoo jeeda Gobolka Gabiley. Dhismaha cusbitaalka Gabiley oo ay dhismihiisa iska kaashadeen, dadwaynaha reer Gabiley ee ku kala nool wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba, dhaqaalaha ugu badana laga soo ururiyay jaaliyadaha reer Gabiley ee ku dhaqan wadamada Europe iyo Maraynkanka ayaa maraya marxaladii ugu danbaysay isagoo u baahan nadiifin, qalabayn iyo shaqaale aqoon caafimaad leh oo ka hawl gala dhakhtarkaasi taasi oo dhamaana laga sugayo dadka reer Gabiley meel ay dunida guudkeeda ka joogaanba. Dhaktarka Gabiley oo markii ugu horaysay ay bilaabeen urur haween ah oo reer Gabiley ah, ayaa waxaa lagu wareejiyay dayrka oo lagu dhisay iskaa wax u qabso, iyadoo markii danbana haayada Bisha Cas ee imaaraadka carabtu ugu deeqday dhakhtarkaasi lacag gaadhaysay $90,000 oo doolar iyadoo lagu dhisay qaybta hore ee xafiisyada iyo laba waadh. Qaybaha kale ee dhakhtarka caafimaadka Gabiley ayaa waxaa gacan ka gaystay jaaliyadaha kasoo jeeda gobolka Gabiley oo ay hogaaminayaan ururka horumarinta gobolka Gabiley ee GARDO, Jaaliyadaha wadamada Canada, Sweden, iyo Dalka Maraykanka oo inta badan la sheego in Dr. Siciid Muhumed Maax kaligii kasoo qayb qaatay. Dhismaha Dhakhtarka ayaa guud ahaan ka kooban ilaa lix qaybood oo kala ah qaybta Farmasiiga iyo Shaybaadhka oo isku dhisme ah, Qaybta xafiisyada dhakhtarka oo la arko markaad albaabka ka gasho dhakhtarkaasi, Lix waadh oo kala ah waadhadhkii Bukaan jiifka, Dumarka, Caruurta, Jajabka iyo Ragga, Hoolka qaliinka oo loo dhisay si heer caalami ah, Qolka Maydka iyo waadhadh gaar ah oo loogu talo galay dadka xanuunadoodu khatarta yihiin oo u qaabaysan qolal gaar gaar ah, oo midkastaaba leeyahay suuli u gaar ah, looguna talo galay in la kireeyo marka dhakhtarka la furo. Waxaa kale oo dhakhtarkaasi dhex yaala mishiinkii sawirka feedhaha (X-Ray) oo ay soo iibiyeen isla markaana ugu tabaruceen ururka samafalka ee GARDO dhakhtarkaasi oo muddo badan ku cadilnaa halkaasi sababo la xidhiidha dhinaca farsamada dabka oo maarayn loo waayay in la hagaajiyo iyadoo ciladaasi ay sababtay mishiinka oo ku shaqaynayay qaab casriya (digital X-ray). Cusbitaalka Gabiley oo sida aad sawirada ka aragtaan dhismayaal badani ka dhex dhisan yihiin ayaa hadana waxaa ka dhex buuxa qashinka iyo dhirta faraha badan, taasi oo la odhan karo waxay u baahan tahay in qandaraas lagu siiyo shirkad dhisme oo kale, dhismayaashii la dhisay shan sano ama lix sanno ka horna waxay u dhaw yihiin inay dumaan, waayo haddii guriga la isticmaali waayo wuxuu u dhaw yahay inuu dumo iyadoo laga yaabo inuu sameeyo dildilaac. Qofkasta oo reer Gabiley ah oo u damqanaya gobolkiisa iyo magaaladiisa, ay ku nool yihiin hooyadii iyo aabihii, walaalkii iyo walaashii, habaryartii iyo edadii, adeerkii iyo abtigii iyo qayb ka mid ah bulshadii reer Somaliland inuu u damqado hooyada bugta ee aan Gabiley waxba lagaga qaban karin, wiilka ama gabadha shilka baabuur gasha ee u dhimanaya dhiig baxa inta hargaysa loo sii wado, bulshadaadii waxaa looga baahan yahay ama la leeyahay quudha shilinka jeebkiina ku jira ee hadaad adigu kharash garayso aan wax la taaban karo kuu qabanayn laakiin hadaad adiga iyo inta magaalada ama wadanka aad dagan tahay wada dagan tihiin isku dartaan ay wax u qaban karto qoyska dagan wadanka ee aan awoodayn inay iska bixiyaan dhakhtarada wadanka ku yaala ee laga dhex samaystay farmasiiyada dawooyinka haayaduhu ku caawiyaan lagu iibiyo. Qofkasata oo wax heli karaya waxaa looga baahan yahay inuu inta uu bixin karayo bixiyo, qofka aan waxba bixin karin ee laakiin Fursada, Xooga, Cilmiga iyo Wakhtiga hayana waxaa looga baahan yahay inuu xoogii kaga qayb qaato oo shilinka lasoo ururiyay lagu iibiyo qalabka dadka reer Gabiley ee gudaha daganina ninkastaa wuu hayaa wakhti uu firaaqo yahayee xoogiisa kaga qaybqaato, ka cilmiga dhakhtarnimada garanayaana dadka ku daweeyo tabaruc oo dhakhtarkii ka shaqeeyo waayo dhakhtarku wuxuu anfacayaa qofkasta oo Gabiley dhexdeeda dagan, waa wax la wada leeyahay, waajibna ku ah in qofkastaa ka qaybqaato si uu uga qaybqaataba dhamaystirkiisa iyo shaqayntiisa. Gabiley waxaa u maqan dadkeeda, waxaa wax ka dhigi kara dadkeeda oo fahma in shayga qof leeyahay manaafacaadkiisu qofkaa uun ku kooban yahay, laakiin shayga dadka ka dhexeeya faa,idaydiisa dadkoo dhami leeyihiin islamarkaana helayaan sida ugu dhakhsaha badan, taasi oo la odhan karo waa iyadoo dadka guud la wada fahmo.
  12. Somaliand madaxdu way is badalaan oo mar ba nin ba midida dahabka qabanaya laakin dan joogtey leedahay jamhuuriyada somaliland.
  13. Originally posted by Che -Guevara: For all we know, it's the Lord Resistance Army! Xaaji.....Al-Shabaab never targeted any foe outside Somalia and don't attend to. Are u sure about that they claimed the attacks
  14. The monster next door will be brought to justice all those innocent civilians he murdered
  15. Indeed by bye udub, see you next time probably parliamentary elections
  16. Md.Siilaanyo oo Bixiyay Waraysigiisii U horeeyay Tan iyo Intii la Doortay,Muxuuse Kaga hadlay Tuesday, 13 July 2010 Hargeysa (Togdhnews)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii June markii u horreysay tafaasiil ka bixiyey aragtida maamulkiisa cusub ee ku wajahan ka midho-dhalinta himilooyinka siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland ku taamaysay 20-kii sannadood ee ay madaxbannaanida haysatay. Madaxweyne Siilaanyo oo aan weli si rasmi ah ula wareegin xafiiska Madaxtooyada ee Somaliland looga taliyo, ayaa waraysi khaas ah oo uu habbeeno hore gurigiisa magaalada Hargeysa kula yeeshay weriyaha caanka ah ee wakaaladda wararka Reuters u jooga Somaliland Xuseen Cali Nuur, waxa uu si qoto-dheer ugaga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan mowqifka xukuumaddiisa cusub ee la xidhiidha horumarinta dhaqaalaha dalka, xidhiidhka dibadda, gaar ahaan waddamada deriska, la-dagaallanka argagixisada, maalgashiga dalka iyo qodobo kale oo muhiim ah. Waraysigan oo ah kii ugu horreeyey oo Madaxweynaha la doortay si faahfaahsan ugaga warramay arrimo dhinacyo kala duwan taabanaya oo ka baxsan siyaasadda gudaha Somaliland tan iyo intii xisbigiisu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada, waxa uu isagoo dhammaystiran u dhacay sidan: Reuters: Madaxweyne 20 sanno ka hor magaalada Burco waxa lagaga dhawaaqay inay Somaliland gooni isu taagto; xilligaas wax baad haabka ku haysay inay 20 sanno kadib Somaliland noqon doonto, sidii aad filaysay ma noqotay mise may noqon? Madaxweyne Siilaanyo: Somaliland halgan dheer oo naf, maal iyo wax walba loo huray ayey soo martay si ay u xorowdo oo madaxbannaanideedii iyo xorriyaddeedii 1960-kii qaadatay ula soo noqoto, tii Ilaahay wuu ku guuleeyey. Dabcan, himiladeedu waxay ahayd oo aynu ku rajowaynayn in aynu waqti horeba helno ictiraaf, in aynu horumar badan helno oo aynu ummadaha dunida hiigsano oo heerarka hore nolosha iyo horumarka bulshadeennu ka galo. Runta markaynu ka hadalno ictiraafkii weli maynu gaadhin oo inoomuu hirgelin, horumar badan oo xagga dhaqaalaha ee aynu u baahnayna maynu gaadhin, laakiin Al-xamdullilaahi waxa inoo hirgashay. Waxaynu ka tilmaamannahay Geeska Afrika oo dunidu innagu hambalyeysay, waxaynu tilmaan ku yeelanay nabadgelyo, xasillooni iyo degnaansho, maantana waxaynu caalamka u caddaynay in aynu nahay dal tashan kara oo dimuqraadiyad buuxd haysta oo dadkii ajaanibka ahaa ee inoo yimi iyo dadweynaheennii oo aad u danaynayey ay si wanaagsan oo uga soo baxeen doorashadii ayaa inoo hirgashay, Ilaahay ayeynu uga mahadnaqaynaa, ummaddana waan ku bogaadinayaa. Waxa kale oo aan ka mahadnaqayaa doorashada ay i doorteen, Ilaahayna waxaan ka baryayaa in xilkaa ummaddu i saartay inuu ila qabto oo wixii shacabka iyo dalku u baahnaa aan u fuliyo ay ii suurtogalaan. Reuters: Madaxweyne; si himilooyinkii Somaliland lahayd 20 sanno ka hor loo gaadho tallaabooyinka ugu horreeya ee gudaha iyo dibadda aad ka qaban doontaa maxay noqon doonaan? Madaxweyne Siilaanyo: Horta tallaabooyinkaas waxaannu in badan ku caddaynay barmaamujkayagii xisbi ahaan ee dhinacyada dalka horumarka, dhaqaalaha iyo mashaariicda wax-u-qabadka, caddaaladda oo dadku u sinnaado oo ummadda caddaalad baa deeqdee la gaadhsiiyo, dhinacyada bulshada, caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka oo aannu wax ka qabano, dekadaha iyo goobaha kaabayaasha dhaqaalaha ee noloshu ku socoto in aannu dhisno. Waxaas oo dhan waannu ku talo jirnaa in aanu sida ugu dhakhsaha badan u galno oo naftayada, dadka iyo Ilaahayba la kaashano, caalamkana wixii aannu ka heli karno ka raadsano. Reuters: Dab baa ka huraya dalalka jaarka, gaar ahaan Soomaaliya oo welia qolooyin xagjir ah oo halkaa joogaa Somaliland way u hanjabayaan. Haddaba, dabka hurayaa si aannu inoo soo gaadhin qoladaasi siyaasadda lagula dhaqmi doonaa maxay noqonaysaa? Madaxweyne Siilaanyo: Horta wax badani waxay ku xidhan yihiin oo aan anigu jecelahay inaan dadka reer Somaliland ku hambalyeeyo waa bulshada Somaliland . Waynu ogayn oo dhawr jeer ayaa la isku dayey in la inagu soo duulo, waana la innagu soo duulay oo waxa la qarxiyey ilaa madaxtooyadeena, xaruntii Qaramada Midoobay iyo weliba safaaradihii dalkeenma joogay baa la qarxiyey, haddana mar walba dadka reer Somaliland culimaa’udiinkiisa, waayeelkiisa, dhallinyaradiisa, axsaabtiisa iyo shacabkiisa oo dhan kuwii dawladda hayey iyo kuwii mucaaradka ahaaba waa la isku duubnaa. Waxaan rajaynayaa Ilaahayna ka baryayaa in dadweynuhu sidii isugu duubnaado oo uu u ilaasho maslaxadda, xasilloonida iyo deganaanshaha dalka. Waxaannu ugu baaqaynaa wixii dhibaato nagu soo wada in ay dhibaatada naga daayaan, Ilaahayna inuu naga duwo ayaanu ka baryeynaa. Waxa kale oo aannu ugu baaqaynaa dadyowga kale ee waddamada jaarka nahay iyo inta nabadda jecelba in aannu hawlahaasi ka wada shaqayno oo gacan nalaga siiyo, annaguna aannu iskaashi ka yeelano. Reuters: Soomaaliya siyaasadda aad kula dhaqmi doontaan maxay noqonaysaa? Madaxweyne Siilaanyo: Innagu dawlad ahaan Somaliland waa taas maanta dariiqa cad qaadnay ee aynu la soo noqonay madaxbannaanideennii. Dadka reer Somaliland iyo dawladaheeda kala dambeeya iyo kuweeda mustaqbalka toona xumaan iyo colaad uma hayaan walaalahooda reer Soomaaliya, dhibaatooyinka badan ee haystana Ilaahay waxaannu uga baryeynaa inuu ka dulqaado. Mowqifka caalamku ugu dadaalayo in xasillooni iyo deganaansho lagu soo celiyo ayaanu annaguna ka mid nahay, weliba uga sii dhawnahay in wixii aannu la qaban karno la qabano insha Allaahu, laakiin marnaba mid baan suurtogalayn, in madaxbannaanida Somaliland aannu cid u dabafadhiisano ama cid u sadqayno oo gacanta u gelino waa mid aan suurtogalayn. Reuters: Adiga oo ah dhaqaalayahan, Madaxweynena ah maanta waxa dhaqaalaha dunidu ku kabmaa in wax la iswaydaarsado, shayga ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka soo gala la degayna waa qaadka, ma la hayaa barmaamuj kale oo wax lagaga beddeli karo dalka Itoobiya ee qaadka laga keeno? Madaxweyne Siilaanyo: Waa runtaa ee qaadku waa aafo ina haysata taa shaki kuma jiro, waa wax bulshadeena aad u galay, taariikhda intii aan garanayo ilaa intii wixii la odhan jiray Soomaaliya ee Somaliland-na ku jirtay waxaan garanayaa in dhawr jeer dawladdii millatariga ee Siyaad Barre is-tidhi la dagaalan, kadibna wax suurtagal ah noqon wayday joojintiisii oo ay gaadhay in ilaa ciidammadii qaranka iyo tignikadoodii loo adeegsado. Markaa wax badani horta waxay ku xidhan yihiin bulshada oo la wacyegliyo, in dhallinyarada laga duwo dhaqamada qaarkood, in siyaasad munaasib ah oo lagu joojiyo ama looga baydhi lahaa jaadka in la helo waa laga maarmaan, laakiin iska joojin uun malaha maaha wax sidaa u fudud. Dhinaca dhaqaalaha waxa lagu beddelayo qaadka, horta xidhiidh dhaqaale wuu ina dhexmaraa Itoobiya oo xoolaha aynu Berbera ka dhoofinaa kama wada yimaaddaan Somaliland gudaheeda ee waxay ka yimaaddaan ilaa Itoobiya, waxaanuna doonaynaa in dekedda Berbera noqoto mid ay isticmaalaan oo innaguna uga faa’iidi lahayn, iyaguna uga faa’iidi lahaayeen, iyadoo waddooyin ina xidhiidhiya iyo ganacsiga oo aynu sii xoojiyo aannu ka shaqayno. Waxa kaloo dalkeennu leeyahay milix, kalluun iyo waxyaabo badan oo kale, kuwaasna waynu horumarinaynaa insha Allaahu sidii Itoobiya loogu iib gayn lahaa. Reuters: Waddanka waxa ku sugan qaxooti fara badan oo iska soo galay, kuwaasoo aan diiwaangashayn oo muddo kadib waxay noqon karaan muwaadiniin, siyaasadda dadkaasi aad ugu talogasheen maxay tahay? Madaxweyne Siilaanyo: Horta xuduudka dalku wuu iska furan yahay, waayo xuduud aad u ballaadhan baynu leenahay. Dadka qaxootiga ah; tusaale ahaan; kuwa Soomaaliya ka yimaad waa dad qaxooti ah oo dhaqankeenna iyo siyaasadaheenna ilaa dawladihii kala dadambeeyey kumay jirin in qof Soomaali ah laga joojiyo soo gelitaanka, xukunka iyo xuquuqda uu leeyahay waa gooni, laakiin soo gelitaanka nabadgelyo darteed in loo helo mooyee ka siyaasad ahaan qof ajaanib ah lagama dhigayn, dad baayac-mushtar ah ayaa yimaada, qaar qaxoonti ah ayaa yimaad. Kuwa aan Soomaalida ahayn, waynu ognahay oo dad badan baa yimaada oo intooda badani Itoobiya ka timaad, kuwaana siyaasadaha ku habboon waynu dersi doonaa insha Allaahu. Reuters: Waxa jir shirkado badan oo shisheeye ah oo xeerkii ay dalka kaga shaqayn lahaayeen aan la ansixin, shirkadahaas iyaga ah maxaad ka leedihiin arrintooda? Madaxweyne Siilaanyo: Horta waynu dhiirrigelinaynaa in dalkeena la maalgashado oo la yimaado oo la aamino hadday dalxiis tahay iyo haddii ay maalgashi tahayba aad baynu u dhiirigelinaynaa oo innaga ayaa u baahan, laakiin haddana waxa loo baahan yahay in qaab iyo nidaam sharci ah loo sameeyo oo la raaco, meeshii nidaamku ka maqan yahay nidaam baa loo samayn, kaas ayuun baa la odhan doonaa raaca oo lagu fulin doonaa. Reuters: Waxa jira dad badan oo Somaliland u dhashay oo haddana jiritaankeeda ka soo horjeeda, xeerarna hore uga yaalleen oo aan wax tallaabo ah laga qaadin, dadkaas xeerkii u yaallay ma lagu qaadi doonaa? Madaxweyne Siilaanyo: Dadka Somaliland u dhashay ee haddana ka soo horjeeda, horta fikradooda ayey qabaan, laakiin wixii olole iyo ficillo ka samaynaya ee Somaliland colaadeedda iyo la-dagaallankeeda wada wixii sharciyo u yaal ee dalku dhigtay ayuun baa la marin doonaa. Xigasho..Jamhuuriya.
  17. Alshabaab is taking their so called jihad out of somalia and to kampala.
  18. kuwan galmudug , wey dadaleen waleh they only exist for 4 years, nice song by the way
  19. jacayl baro , cowke wuxu moodaya , ardeydii reer bugland eeh sudan ka qalin jabiisay oo kalle eeh xirfada budhcad badeedka so bartay, eeh sawiiradooda sidi celebratyga lo qaadi jiray
  20. Saraakiil soo dhamaystay culuunta millatariga oo soo dhawayn loo sameeyey July 9th, 2010 Comments Off Hargeysa(Somaliland.org)-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga, ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu soo dhawaynayay 17 ka mid ah Ciidamada Millatariga oo dalka Itoobiya ku soo dhamaystay waxbarashada Engineerinka iyo Culuunta Millatariga qaybo ka mid ah, kuwaasoo qada-sharaf shalay loogu sameeyey Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Xafladdan qado-sharafta ahayd ee lagu maamuusayay 17 kaas dhalinyarada ah ee waxbarashada soo dhammaystay oo dhawaan dalka ku soo laabtay ka dib markii ay dhawr sano mid ka mid ah Kulliyadaha Ciidamada Itoobiya ku baranayeen culuun kala duwan, isla markaana ka sokow Wasiirka waxaa Munaasibaddaas ka qaybgalay Taliyayaasha Ciidamada Millatariga, Booliska, Saraakiil kala duwan oo ciidamada ka tirsan iyo marti-sharaf kale. Ugu Horreyn Wasiirka Gaashaandhiga Saleebaan Warsame Guuleed, oo xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko 17 sarkaal ee dhalinyarada ah ee soo dhamaystay waxbarashada kala duwan, waxaanu hambalyo u soo jeediyey dhalinyaradan soo qalin-jabiyey Waxaanu ku amaanay dedaalka ay muujiyeen. Waxa iyaguna munaasibadan ka hadlay labada taliye ciidan Maxamed Saqadhi Dubbad iyo Nuux Ismaaciil Taani oo kula dardaarmay dhalinyaradan soo dhamaystay culuunta kala duwan inay ummadooda ugu shaqeeyaan waxa ay soo barteen, Waxaanay u soo jeediyeen inaanay iska waynaynin shaqada ay soo barteen sidii ay qarankooda ugu shaqayn lahaayeen oo aanay wax kale ku doonin, balse ay ogaadaan cidda u sahashay inay wax soo bartaan inay qaranka tahay, sidaa daraadeedna, uu qaranku uga baahan yahay in muuqato waxyaabaha ay soo barteen oo ku dabaqaan hawl-maalmeedkooda shaqo ee ay qaban doonaan haddii Illaahay yidhaahdo. Source somaliland.org