Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,970
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. If you want to be a candidate on a particular political party no one is holding you back my friend
  2. Sannad-guuradda 21-naad ee ka soo wareegtay Xasuusqii xeebta Jasiira (1989) Warbixin murugo badan xambaarsan oo uu diyaariyey Khadar Xasan Cali Jamhuuriya London Maalinta Sabtida ah ee 17-ka July, 2005 waxay ku beegan tahay sanadguuradii 21-naad ee ka soo wareegtay xasuuqii ka dhacay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho sannadkii 1989. Maalinimadii Jimce ee 15-ka July, 1989kii, waxay noqotay mid nolosha dadka reer Muqdisho wax weyn ka beddeshay, kadib markii ay foodda isla galeen dad mudahraadayay oo ka soo baxay salaaddii Jimcaha (Masjidka Sheekh Cali Suufi) iyo ciidamadii koofiyad casta ah ee ka amar qaaday jiray talsikii dhiigyacabka ahaa ee Siyaad Barre, halkaas oo askartii Siyaad Barre ay si arxan-darro ah rasaas ugu fureen, waxana lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidammada booliska, taas sababatay in bandoo lagu soo rogo Xamar. Kacdoonka dadka reer Muqdisho oo ka dhacay xaafadda Hodan oo degaan u ahayd dad badan oo asalkoodu ka soo jeeda Somaliland, ayaa waxay bartilmaameed u noqotay ciidamadii Koofiyad casta ahaa ee ka amar qaadan jiray wiilka uu Siyaad Barre dhalay ee Maslax, kuwaas oo saqdii dhexe habeenkii bishu ahayd 17-ka 1989kii weerarro ku qaaday xaafado ka mid ah degaanka Medina iyo Hodan. Askartaasi waxay kala soo baxeen guryihii ay ku noolaayeen dad ilaa dhawr iyo konton ruux gaadhaya oo aan waxba galabsan oo isir ahaan ka soo jeeda beelaha Isaaqa. Dadkaas oo isugu jiray caruur dhigata dugsiga, dhakhaatiir, shaqaale, aqoonyahanno, ardayda jaamacadda, waxgarad, odayaal iyo ganacsato, waxana sida la sheegay ciidankaas qabqabtay nin ay isku hayb ahaayeen Siyaad Barre oo la yidhaa Col. Canjeex. Dadkaas ayaa markii la ururiyay loo qaaday dhanka xeebta Jasiira, halkaas oo inta la isku xidhxidhay rasaasta qoriga baroonka ka dhacda lagu furay. Haddaba, waxa mucjiso noqtotay, kadib markii uu xasuuqan daah furay Cumar Muuse oo Illaahay ka badbaadiyay falkan arxan-darrada ahaa, taas oo ka yaabisay taliskii Siyaad Barre, waxana ka dhashay khilaaf soo dhex galay taliyihii ciidanka booliska iyo xukuumaddii Afweyne. Waxa kaloo ay dhacdadani fajaciso ku abuurtay diblomaasiyiintii ku sugnaa magaalada Muqdisho oo dareen adag ka muujiyay dhacdadan aragagax leh. Cumar oo ka hadlayay sidii wax u dhaceen habeenkaas, ayaa yidhi; “Waxa naloo qaaday meel aan ka fogeyn guriga oo ilaa 30 tallaabo u jirtay, halkaas oo ay joogeen ciidamo kale oo koofiyad cas ah, kuwaas oo ku wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey. Waxaan markaa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa, kuwaas oo kala ahaa: 2 gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan iyo midkale oo Toyota ah, kaasoo uu saaran yahay qori baroonka ah. Waxa uu intaa ku daray in loo qaaday dhanka badda oo ka dib markii la geeyay xeebta Jasiira koox koox la isugu xidhay ka dibna si arxan-darro ah rasaas loogu furay, waxaannu isagoo arrimahaas sharraxayey yidhi; “Waxa amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano. Intaa kadib koox-koox ayaa nalooga daadajiyey carrada tuulan korkeeda iyadoo shan-shan naloo wadayo oo nala geynayo meel buurta hoosteeda ah. Waxan dareenay in nala laynayo. Haseyeeshee, maanaan maqal wax dhawaaq ah. Waxaan bilownay xushxush, qaarkayo ayaa ducaysanaya, qaar waa ashahaadanayaan 'Laa Ilaaha illaLaahu, Muxamadan Rasuulullahi'....'Laa Ilaaha illaLaah'."!!! "Si isdabajoog ah ayaa naloogu caga-juglayanayey, waxan maqlay rasaas. Waxa dadka ku jiray Xasan Nuur Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa qofkii ugu dambeeyey shantii qof ee ugu dambeeysey ee loo qaado buurta dhaadhaceeda. Waxa nala fadhiisiyey meel ku beegan dhaadhaca iyadoo si isdabajoog ah naloo safay madaxayaguna lugahayaga dhexdood ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa amarka bixiyey isagoo leh: Maxaad qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur rasaasta." "Qaylo, oohin iyo humhum sakaraad ayaa la isku daray. Laabta ayaan dhulka saaray anigoo ateero ku jira ilaa intii rasaastu socotay. Hal xabbo ayaa iga qabsatay meel ka hoosaysa garabka bidix. Cabbaar kadib ayey rasaastii joogsatay. Askartii waxay gudo galeen inay dadkii eegaan si ay u hubiyaan in dhammaantood naftu ka baxday. Qofkii sii nool shan xabbo ayey laabta kaga dhufanayeen si ay qudha uga qaadaan. Kadib waxay bilaabeen inay gacmahooda maydka ku aasaan. Dhiig badan ayaa igu qubtay oo badhkii ahaa dhiig aniga iga daatay badhkiina dadka igu dul daatay dhiigoodii yahay. Waan gariirayey tiiyoo naxdin, argagax iyo cabsi badan igu wada kulmeen. Askari baa i arkay markaasuu qaylyey oo uu yidhi 'kani waa nool yahay'. Mid kale oo ag-joogay ayaa yidhi 'waar ma noolee nafta ayaa ku sii xarbiyeysa, gariirkii sakaraadka weeyaane inaga keen'. Ciid baa la igu rogrogay, si fiicana iimay aasin waayo wey degdegsanaayeen Cumar oo wakhtigaa 25 jir ahaa waxna ka baranayay magaalada Muqdisho, waxaannu ka mid ahaa 47 kaas ruux ee ay askartii ******tu ku xasuuqeen xeebta Jasiira, nasiib wanaagse uu isaga Illaahay ka badbaadiyay, inkastoo gebi ahaanba intiii kale xataa raqdooda aan cid la tusin,” ayuu yidhi Mr. Cumar oo wejigiisa laga dareemayey murugo aad u weyn. Illaahay ha u naxariisto dadkaas la gumaaday waxa kaliya ee loo aaneynayay waxay ahayd isirkooda uu Illaahay ka abuuray oo xukuumaddii xilligaasi ugu talogashay in ay tirtirto, balse dhanka Illaahay aan laga aqblin oo ay ku guuldarraysatay, kuwii falkaa geystayna inta ka hadhay maanta ay ku nool yihiin werwer iyo walaac markay dib u eegeen dhiiggii iyo dhagartii ay galeen, waxana hubaal ah in sida dhagarqabe Gen. Cali Samater dacwadda loogu soo oogay maalin maalaha ka mid ah iyagana lagu soo oogi doono xadgudubyada xuquuqda insaanka ah ee ay geystee. Haddaba, xasuuqani wuxuu qayb ka ahaa fallalkii isir nacaybka iyo aargoosiga ahaa ee ay xukuumadii Muqdisho ka amar ku taaglayn jirtay sida joogtada ah ugula kici jirtay shacbiweynaha reer Somaliland marka ay ciidamdkoodii naf la caaridka ahaa u babac dhigiwaayaan xabbadda kulul ee mujaahidintii SNM. Dhammaanba intii ku geeriyootay xasuuqyadaasna waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo. Dadka reer Somaliland iyo inta danaysa damiirka dadnimada iyo Islaanimadana waxa la gudboon in ay u hawlgalaan sidii maxkamad cadli ah loo keeni lahaa kuwii ka dambeeyay fallkan arxan-darrada ah. Maadaama ay tahay sannadguuradii ka 21-naad ee ka soo wareegtay habeenkaas madow waxaynu xasuusan doonaa magacyada Allah ha u naxariistee dadkii ciidammada Siyaad Barre ku xasuuqeen xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho: 1.Ibrahim Hasan Gelle US-OMC-Somali Republic 2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie Businessman 3.Mohamed Ismail Ahmed Businessman 4.Yusuf Mohame Handulle 5.Saeed mohamed Muminpro.Lafole S.N.U 6.Musa Abdi Gaas Businessman 7.Hussein Ali AdenBusinessman 8.Saeed Nur Musa businesman 9.Abdirahman Mohamed Bihi Businessman 10.Abiwahab Farah Ahmed Student 11.Abdifatah Ahmed Jiir Student 12.Matan Abdi HabashiStudent 13.Mohamed mohamud Abdi Businessman 14.Ali Mohamed Abdi Student 15.Hassan Aw Nur Barud Businessman 16.Abdi Mohamed Abdi Technician 17.Ahmed Yassin Omar Jama( Businessman 18.Mohamed Abdi Hassan )Businessman 19.Ibrahim Hassan Ege Technician 20.Abdi Muhumed Daud Businessman 21.Hassan Abdi Muhumed Businessman 22.Ali Mohamed Dirie C.Serv 23.Jama Mohamed Abdi Trader 24.Abdi Osman Dubad Trader 25.Husein Omar Husein Trader 26.Mohamed Musa Mohamed Trader 27.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) Sportsman 28.Muhumed Abdillahi Warsame Trader 29.Mohamed-Bashe Abdillahi HebaanTrader 30.Abdirahman Ahmed Dhimbil Civil servent 31.Hussein Muhumed Farah Civil servent 32.Mohamoud Bacadle Civil servent 33.Jama Aden (barosin) Civil servent 34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi)Trader 35.Warsame Dugsiye Reydal Trader 36.Barre Osman Abdi Trader 37.Abdirizaq Aydiid Mohamed Student 38.Hussein Osman Jama student 39.Khadar Mohamed Ahmed Student 40.Bihi Ibrahim Ahmed Student 41.Hassan Nur Hersi Student 42.Abokor Mohamed Yousuf Trader 43.Hassan Guure Abdi Trader 44.Khadar nuur Jama Trader 45.Ahmed Yusuf Ibrahim Trader 46.Mohamed Osman Jama Trader 47.Farah Ismail Awale student 48.Yusuf Abdillahi Roble graduate Dr. 49.Dayib Abdi Burale Trader 50.Dahir Mohamed Jama Warfaa Trader 51.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale Trader 52.Muhidin Macalin Ahmed 53.Saadiq SH. Ahmed 54.Bahyaal Muhumud Jiri 55.Fuad Abdillahi Ibrahim 56.Daud SH. Ibrahim (H.Y). 57.Hussein Kheyre Abdi (H.J) 58.Rashid Mohamed Osman (H.A) 59.Abdi Barre Osman (C.G) graduate. Jamhuuriya Online
  3. Siilaanyo oo caawa la kulmay wafti ka socda sirdoonka Ingriiska Written by Qarannews Jul 17, 2010 at 03:33 PM Hargaysa,(Qarannews)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland mudane Axmed Siilaanyo ayaa caawa kulan la yeeshay wafti ayaamahanba dalka joogay oo ka socday sirdoonka Ingriiska, xubnaha waftigani oo ilo xog ogaal ahi ay noo sheegeen in ay ka soo laabteen safar ay ku tageen badiba gobolada Somaliland ayaa waxa uu kulankoodaasi uu ka dhacay caawa Hotel Ambasadoor ee magaalada Hargysa sidaasi waxa qarannews u xaqiijiyay ilo mihiim ah. Ilaa hada ma cada waxyaabaha ay labada dhan ka wada hadleen hase ahaatee waxa ay hore waftigani ula kulmeen madax ka tirsan xukumada xilka wareejinaysa iyo laamaha sirdoonka qaranka, waxana la filayaa in arimaha ugu waaweyn ee labada dhan ay ka wada hadleen loo malaynayaa in ay tahay sidii la isaga kaashan lahaa arimaha argagaxisada iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya sirdoonka labada dal, oo hore dhidibada loogu aasay, iyada oo labada dal ee Somaliland iyo Ingriiska uu ka soo dhaxeeyay xidhiidh qoto dheer, iyada oo dalka Ingriisku uu xornimada siiyay Somaliland 1960'kii. source qarrannews.com
  4. Puntland = pirate state either take the whole package or leave them all together
  5. Baashe the deputy speaker of the Somaliland parliament said it all they are in effective and have no power what’s so ever
  6. He did make a report about the piracy in eyl last year cowke
  7. Nice song I heard this song was dedicated for those who are fighting the Ethiopian regime also known as the onlf.
  8. xammar iyada xaqeedi iska boobtay , ma ciid bay xaq ka booni karta lol, xammar waa budh budhay boowe , dhiso adigu mise waxad rabta inu oodweyne ku dhiso
  9. Indeed a failed country but I don’t think an African union occupation can make a difference , there will be just more resistance and more bloodshed unfortunately
  10. Xoghayaha Arimaha Dibadda Xisbiga kulmiye oo Dalka ku soo Guryo noqday ka Dib markii uu ka Qayb galay Shirkii urur Goboleedka IGAD iyo Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah. Xoghaya Arimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Daawo Sawirada Hargeisa (GNS)-Xoghaya Arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta ku soo guryo noqday Somaliland kadib markii uu ka soo laabtay shir uu la lahaa urur goboleedka IGAD iyo Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah, shirkaas oo lagaga hadlay arimo ku saabsan arimaha geeska Afrika. Xoghaya Arimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Cigaal international Airport, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta Sarsare ee Xisbiga kulmiye iyo Marti Sharaf kale. Xoghaya Arimaha Dibada ee xisbiga Kulmiye Dr/Pro. Maxamed C/laahi oo qolka martida ee Cigaal International Airport ugu waramay warbaahinta isagoo waftiga socdaalkiisa uu ku weheliyay Wasiir kuxigenka qorshaynta qaranka ayaa sheegay in shirka uu ka qayb galay lagaga hadlay 3 arimood oo kala ahaa. 1-Berbera Corridor oo ah jidka isku xidha Berbera ilaa Wajaale oo uu xoghayuhu sheegay in shirka lagu soo qaaday isla markaana lagu soo bandhigay qorshaha lagu dhamaystirayo jidkaasi u dhaxeeya Berbera Ilaa Wajaale. 2-Tamarta oo la gu soo qaaday faa,idada ay leedahay iyo sida loogu baahna yahay in Tamarta loogu roggo dhuxul dhagax si loo yareeyo xaalufinta dhirta oo faro baas ku haya wadamada ay Somaliland ka mid tahay . 3-Somaliland Funding –Waxa kale oo shirka lagu soo qaaday sidii Somaliland loogu samayn laha dib udhis balaadhan, maadaama Somaliland Dhamaystirtay Doorashooyinkii madaxtooyadda. Xogahaya Arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar aya lagu wadaa in loo magacaabo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland iyadoo dadka inta badan Somaliland ay si wayn ugu hanqal taagayaan magacaabsita xilka wasiirka arimaha dibada oo dadku aad ugu ganacsan yihiin in uu yahay shakhsi karti badan isla markaana si wayn uga soo bixi kara xilkaasi. Sida ay baahiyeen Wargaysyada qaarkood ee kasoo baxa magalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in xilalkii ugu horeeyay ee wasiirnimo ee la magacaabay ay noqdeen Wasiirka Arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah oo loo magacaabayo Dr Maxamed Cabdilaahi iyo wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Tamarta oo loo magacaabayo Prof Ismaaciil Muumin Aare, inkasta oo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin xilkan loo magacaabay labada Wasiir. Dawlada cusub ayaa la filayaa in dhawaan lagu dhawaaqo iyadoo tirada wasiirada ay ka koobnaanyso lagu soo koobay 15 Wasiir, waxaana meesha laga saaray Wasiir ku xigeenadii iyo Wasiiro dawlayaashii xad-dhaafka ahaa ee dawlada Riyaale ka koobnayd. Safarkan Dr.Maxamed C/laahi ku tagay Dalka kenya oo noqonaya kii ugu horeeyay Xukuumadda Cusub ee Madaxwayne Siilaanyo ka fuliso Wadanka Dibadiisa tan iyo intii ay ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland. Dawlada cusub ayaa dadku uuga fadhiyaa inay ka dhabayso balanqaadyadii badna ee xiligii doorashada sheegeen inay sideeda u filayaan , waxaana dadku inta badan jecelyihiin inay maqlaan in dawlada soo socta noqoto mid kooban oo ay ka dhex muuqdaan wajiyaal ku cusub siyaaada Somaliland, isla markaana daacad u ah Dalka iyo Dadkaba. Siciid Cali Daahir (Sacad Guray) Gabiley News Editor Hargeysa Somaliland contactgabiley@yahoo.com
  11. Originally posted by Chief_Aaqil: Are you still talking about Faroole and Puntland. Niyow dantaada ka shaqee intaad isku mashquulin leheed Faroole. Besides I thaught SSC left Puntland to go for its own? Why are you guys still talking about what Puntland should do to get your regions "back". good point but i think libaan still loves puntland deep deep inside.
  12. Terrorism will be fought everywhere in the world we back you on this mr president
  13. You don’t even have to look far just take an example our Ethiopian neighbours , their kingdoms became a great Grassroot for the modern Ethiopian state as we know it today
  14. Originally posted by A_Khadar: Xaajiyow ma kaa soo fakatay? quote: Somaliya ma ciid ba kala gooynaysa , somalia wa mid from raskambooni ila raas caseer Dee ma been baan sheegey unless qoladi budhcad badeedki ay somaliya ka goosteen
  15. The dervish state was a short lived state it only existed for 6 years in 1899 till 1905 the mullah and the dervishes made a treaty with Italians and became an Italian subject under the Italian protectorate ,and that my friend was the end of Dervishes, unless the Italians were Part of darawish al saalixiya lol . Somaliland independence waxa u dagalamaay farax omaar sh bashiir sh yusuf suldan timma cade Xisbullah snl usp nuf
  16. There was no Somali state , there were only local sultanates and emirs ruling parts of Somaliland as we know it today , it even stretched all the way to Djibouti, and also local sultanates and emirs ruling parts of Somalia . The Somali state modern Somali state came to existence in 1960 first of July and it last only for 31 years
  17. Originally posted by A_Khadar: quote:Originally posted by Abtigiis & Tusbax: Rer-waqooyigyu waa bunch of hypocrites. Maalin dhowydna Xoosh ayaa na caayey ayey la haayeen, maalin walbana gabadhan Saado Cali ah ayey wax kasta oon afka la soo marin karin ku yidhaahdaan. All because she happens to have a different political opinion. War islaanta ka xishooda. Ma ka yaabta Abitigiis... My understand of this song is towards Og-region and their freedom seekers, but I belief s/lers waxay ka boodeen last word of the song oo ah "Somalia ha kala gooynina".. Somaliya ma ciid ba kala gooynaysa , somalia wa mid from raskambooni ila raas caseer
  18. Madaxweynaha la doortay oo ka hadlay Qaraxyadii Kampala, tacsina u diray shacabka Uganda July 16th, 2010 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii u horreysay ka talo-bixiyey siyaabaha loo xakamayn karo, loona fashilin karo shirqoollada kooxaha argagixisada ah ee isqarxiyaa ka fuliyaan dalalka mandaqada Geeska Afrika. Madaxweyne Siilaanyo oo dabajoogay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya horraantii toddobaadkan ka fuliyeen caasimadda dalka Uganda ee Kampala, waxa uu madaxda waddamada Midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD ugu baaqay in ay si wadajir ah iskaga kaashadaan la socoshada dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah iyo ka hortagga falalka qaraxyada ah ee ay maleegayaan, isla markaana loo helo xogo sugan oo ku jihaysan meelaha laga soo abaabulo. Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo soo saaray shalay oo xambaarsan tacsi uu u diray Madaxweynaha iyo shacabka dalka Uganda iyo baaq uu u jeediyey dalalka deriska iyo kuwa Afrika. Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiranina waxa uu u qornaa sidan; “Waxaan aad uga xumaaday falalkii argagixiso ee ka dhacay caasimada dalka Ugaandha ee Kampala kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac labadaba. Waxaan anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shacabka Somalilanba u dirayaa tacsi eheladii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka reer Ugaandha geerida naxdinta leh ee ku timi shacabkooda. Waxaan cambaareynayaa dadkii ka dambeeyey falal-dambiyeedkani; waxaanan ku talinayaa in dadkii ku kacay dambiyadani la kor keeno sharciga. Falalkaasi foosha xun oo ay sheegteen ururka Al-Shabaab ee Somalia waxa maalintii Axadda ee bisha July aheyd 11ka sannadka 2010 lala beegsaday laba goobood oo lagu daawanayey ciyaartii kama dambaysta aheyd ee kubbada cagta adduunka ee ay wada ciyaarayeen dalalka Spain iyo Holland; waxaana falalkaa argagixiso ku dhintay in ka badan toddobaatan (70) qof, iyadoo in ka badan siddeetanna (80) ku dhaawacantay. Waxaynu ogsoonahay inay aad ugu soo badanayaan dunida maanta gaar ahaan dalalka ku yaal Geeska Afrika falalka is-miidaaminta ee laga fuliyo xafiisyada dawladda, dugsiyada iyo goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah sida goobaha ganacsiga, hoteellada iyo meelaha dadweynuhu ku kulmaan. Somaliland waxay ka mid tahay dalalka dhibaatadu ka soo gaadhay falalka argagixiso. Waxa ka dhacday masiibo aad u ballaadhan magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa bishii Oktoobar 29dii ee sannadkii 2008, kadib markii ay ka dhaceen saddex qarax oo is-dabajooga oo xooggan, lana doonayey in lagu burburiyo nabbadda, xassilloonida iyo dimoqraadiyadda koraysa ee Somaliland, waxana halkaasi ku naf-waayey dad tiradoodu kor u dhaaftay 29 qof, tiro intaasi ka badanina ku dhaawacantay. Falalka noocaas ah waxa kaloo laga fuliyey dalalka mandaqadda ku yaal sida Ethiopia, Kenya iyo Tanzania. Si haddaba loo ogaado, loogana hortago shirqoollada ay maleegayaan ururrada xag-jiraa waxa lagama maarmaana in si wadajira ay isaga kaashadaan waddamada ku bahoobay Ururka Midowga Afrika iyo IGAD dhinaca xuuraanka iyo dabagalka dadka ka dambeeya qorshaha iyo fulinta falalkani halista ah oo maanta cabsi fara badan iyo werwerba ku haya shucuubta ku nool Geeska Afrika. Waxaannu diyaar u nahay haddii aanu nahay madaxda iyo shacabweynaha Somaliland inaanu gacan ka geysano wax alla wixii lagu xakamaynayo ama lagaga hortegayo mu’aamaraadka iyo falalka aragagixiso ee la doonayo in laga fuliyo dalalka Geeska Afrika.” Somaliland.Org Hargeisa News Desk wararkasomaliland@gmail.com