Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,829
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Telesom is owned by 1100 different shareholders, their biggest head quarter is in the capital city hargeisa Somaliland , it used to be al barakat but al barakat was linked to terrorism so it was shut down
  2. Telesom is owned by 1100 different shareholders, their biggest head quarter is in the capital city hargeisa Somaliland , it used to be al barakat but al barakat was linked to terrorism so it was shut down
  3. libaahe waxad la hadlaysa ninki yidhi federalism was invented in qardho
  4. Deeqbixiyayaasha Somaliland Ka Caawiya Doorashooyinka Iyo Hanaanka Dimoqraadiyada Oo Arrin Mucjiso Ku Tilmaamay Doorashadii Dalka Ka Dhacday Hargeysa July 14, 2010 (Haatuf) - Deeq bixiyayaasha Somaliland ka caawiya Doorashada iyo geedi socodka dimuqraadiyaynta ayaa ku hambalyeeyay Somaliland guusha ay ku soo gebogabawday doorashadii Madaxtinimada ee dalka ka dhacday 26-kii bishii June ee 2010. Waxaanay ugu baaqeen madaxweynaha cusub Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Silaanyo) iyo Madaxweynaha Xilka wareejinaya Daahir Riyaale Kaahin inay iska kaashadaan agaasinka xil-wareejin u dhacda si nabad gelyo iyo daah-durnaan ah (Transparency). Deeq bixiyayaasha Somaliland ka caawiyay doorashooyinkii dalka ka dhacay oo kala ah Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Norwey, Sweden, Denmark iyo Switzerland ayaa war saxaafadeed ay shalay Gudidooda u qaabilsan Dimuqraadiyaynta Somaliland iyo Somalia ka soo saareen xaruntooda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxay si weyn ugu bogaadiyeen Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland sidii ay u maamuleen hawshii baaxadda lahayd ee umaddu u igmatay. Waxa kale oo ay u mahadnaqeen Hay’addihii ka wakiilka ahaa Deeqbixiyayaasha, waxayna amaan u soo jeediyeen Ururadda rayidka ah ee ay ka mid yihiin NGO-yada Maxaliga ah, Guddiga Anshaxa iyo la socodka doorashada, Hogaamiyaasha Dhaqanka iyo Diinta, Bahweynta Saxaafadda iyo Mutadawaciintii Caalamiga ahaa ee kormeerayay Doorashadii dalka ka dhacday. Deeq bixiyayaashu warsaxaafadeedkooda waxay ku amaaneen oo kale Madaxweynaha xilka ka degeya sidii uu u aqbalay natiijadii Doorashada isagoo ballan qaaday inuu si wanaagsan xilka ugu wareejin doono Madaxweynaha la doortay. Gebogabadii, Deeqbixiyayaashu waxay sheegeen inay mar kasta barbar taagan yihiin hanaanka dimuqraadiyada Somaliland, waxaanu rajaynaynaa inaanu sii wadno bay yidhaahdeen iskaashiga Somaliland iyo Hogaamiyahooda Cusub. Dhambaalada Hambalyaynta iyo baaqyada ah ee Beesha caalamku u soo dirayaan Shacabka Somaliland iyo Jilayaasha Siyaasadda ee ay ku hambalyaynyaaan qaabkii ay u agaasimeen doorashaddii Madaxtooyadda iyo Natiijaddii ka soo baxday ayaa isa soo taraya, waxaana ugu dambeeyay oo Dhambaalka deeqbixiyaasha ka horeeyay wasiirka Afrika xukuumadda Britain u qaabilsan Henery Bellugham oo doorashadii ka dhacday Somaliland ku tilmaamay mid farriin u dirtay Qaaradda Afrika iyo Dunida inteeda kaleba, waxaanu wasiirku qoraal uu Somaliland u soo diray ku sheegay in Guusha laga soo hooyay doorashadu noqotay mid layaab iyo fajaciso ku noqotay guud ahaanba caalamka oo Dalka Somaliland ku xidhiidhinayay Qalalaasaha Somalia.
  5. Reread what I wrote , I never said anything about the world supporting who or not , but I said The TFG is a total failure the so called international community also agrees with me, a government that barely breaths on its own, has no credibility what’s so ever it’s a government that only controls vila Somalia thanks to the Amison Ugandan troops ,but the world they have no other choice but to support this failed TFG , its either the tfg or xisbal xasuuq and alshabaab., why would I care about xildibaano xammar jooga they can hardly move outside vila Somalia maxay matali karan war kuwasi kabahooda xita ma Matalan adna dad baad ka hadlaysa
  6. Do you really think Uganda cares about a government they have on life support in Mogadishu their troops are protecting it for heaven sake and thanks to the failed tfg , explosions struck civilians watching the world cup finals in the capital city of uganda kampala.
  7. Madaxweynaha La Doortay Oo Ciidamada Iyo Shacbiga Ugu Baaqay Inay Ka Feejignaadaan Weerarada Argagixisada Dawlada Uganda-Na Tacsi U Diray Hargeysa, July 14, 2010 (Haatuf) - Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga Somaliland iyo ciidama ammaanka ugu baaqay inay ka feejignaadaan weerarada argagixiso. Waxa kale oo uu madaxweynuhu shacbiga iyo dawlada Uganda ka tacsiyadeeyey weeraradii is qarxinta ahaa ee ururka Al Shabaab ku qaadeen dad fara badan oo daawanayay ciyaartii ugu dambeysay koobka aduunka, taasoo ilaa imika la xaqiijiyay inay ku naf waayeen dad ku dhow 80 qof. Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo aanu xalay khadka tilifoonka kula xidhiidhnay ayaa sidoo kale sheegay inuu aad uga xun yahay dhimashada dadka aan waxba galabsan ee sida gaadmada ah argagixisadu ku laysay. Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isagoo arrimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi “ shacbiga reer Uganda iyo dawladooda tacsi baan u dirayaa, aad iyo aad baan uga xumahay dhibaatada soo gaadhay, Ilaahay waxan uga baryayaa inuu dadkii ay ka baxeen samir iyo iimaan ka siiyo, dad aan waxba ka geysan in dhibaato loo geysto aad baan uga xumahay”. Madaxweynuhu waxa kale oo uu fariin u diray shacbiga iyo ciidamada Somaliland “ ciidamada qalabka sida iyo shacbiga waxan leeyahay waad arkaysaan waxa ka dhacaya mandaqada ee ah weeraro argagixiso, sidaa darteed waxan idiinku baaqayaa inaad feejignaataan oo siddii dhaqanka iyo caadada inoo ahayd xasiloonideena iyo wadajirkeena aad ilaalisaan, ciidamada waxan aad ugu boorinayaa maadaama aynu xili kala guur ku jiro inay si dheeraad ah u shaqeeyaan si nabadgelyada loo xoojiyo” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey madaxweynaha la doortay. Dhanka kale xukuumadda talada wareejinaysa ayaa iyadu aan ka hadal qaraxyadii ka dhacay caasimada dalka Uganda ee Kampala.
  8. Absolutly the peope of gabiley and especially the diaspora members really worked hard , to finish this project and it did. So good job gabiley is the fastest growing city in somaliland at the moment more to come in the next coming months
  9. Absolutly the peope of gabiley and especially the diaspora members really worked hard , to finish this project and it did. So good job gabiley is the fastest growing city in somaliland at the moment more to come in the next coming months
  10. That’s indeed good development no more army chief means peace for the people, and progress
  11. Kooxda SSC oo khilaaf soo kala dhex galay Kayse Iyo Buraale oo ku dhawaaqay in uu burburay SSC.. posted by: admin kayse Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa Kooxda Nabad diidka ah ee SSC ee jiida WidhWidh, ayaa warsaxafadeed soo saaray maanta ku sheegay in isaga iyo Nin ka la yidhaa Maxamed Xasan Buraale oo u qaabilsanaa Kooxda SSC hantidhawrka ay maanta laga bilaabo ka baxeen hogaanka uu madaxda ka yahay Xaglotoosiye. Kayse ayaa sheegay inuu talaabadan u qaaday si loo badbaadiyo yoolkii SSC ee ahaa xoreynta iyo midnimada. isagoo ku tilmaamay in hogaanku noqday mid aan gudan karin wixii loo doortay. sidaa awgeedna ay uga baxeen
  12. Seems like mr keyse wants to become a freelancer like xaglajiifiye and get all the financial help and support from the diaspora , some even speculate that he defected back to puntland , war nimanku socod badana
  13. Kayse Cabdi Yuusuf Oo Sheegay Inuu Ka Baxay Hogaanka SSC-(Maqal)- Lasanod Online. Monday, July 12, 2010 Buhoodle,(Lasanod Online)- kayse Cabdi Yuusuf oo ah taliyaha guutada Ismaaciil Mire, kana tirsanaa ciidamada SSC ee jiida WidhWidh, ayaa warsaxafadeed soo saaray maanta.. uu ku sheegay in isaga iyo hantidhowrkii hore ee Hogaanka Maxamed Xasan Buraale ay maanta laga bilaabo ka baxeen hogaanka uu madaxda ka yahay Xaglotoosiye.. sida uu ku yiri warsaxafadeedkan. Kayse ayaa sheegay inuu talaabadan u qaaday si loo badbaadiyo yoolkii SSC ee ahaa xoreynta iyo midnimada. isagoo ku tilmaamay in hogaanku noqday mid aan gudan karin wixii loo doortay. sidaa awgeedna ay uga baxeen. Kayse ayaa shacabka SSC ugu baaqay in la qabto shir weyne lagu badbaadiyo mabaadiida SSC. Halkan Ka Dhegayso Kayse Cabdi Yuusuf Wariye: Abdiqadir M. Cali admin@lasanod.com Xafiiska Wararka Lasanod Online.Muqdisho, Somalia
  14. wayahay eh ka jidhi mayo eh Viva budhcad badeedka oo la wareegey hayadahi manhal iyo unicef.
  15. Hayada unicef goormey budhcad badeeki ka mid noqotay
  16. Federalism doesn’t need to be discussed , but it needs to be imposed , and politically installed in Somalia, but that’s unlikely to happen in the future , why because Somalia has a 4.5 clan formula which will not go hand in hand with federalism , 3th obstacle Somalia, to the world is a homogenous country they all share the same Language and religion to some extend , there fore it will be hard to define federal borders. And the fourth problem is Tfg is a failure , it’s on life support at the moment.
  17. I believe jamhuuriyaa doesn’t say talihyaha sirdookna somalidiidka , cant you copy right it’s not that hard its just copy and paste The same way we correct the right political term when are referring to the khusuusi
  18. Madaxweynaha la Doortay iyo Ku-xigeenkiisa oo Kulankii u Horreeyey la Yeeshay Maayirrada Caasimadaha Gobollada Somaliland 4 Hargeysa (Jam)-Madaxwaynaha dhawaanta la doortay ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxwayne ku xigeenkiisa Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay kulan la yeeshay guud ahaan Maayarada Caasimadaha Gobolada dalka markii ugu horeysay iyagga oo ka wada hadlay arimo la xidhiidha Munaasida uu madaxwaynaha la doortay xilka kula wareegi doono oo dhici doontyo 27/06/2010-ka. Maayaradan oo ay ka mid ahaayeen Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayarka Berbera Cabdalla Maxamed Carab, Maayarka Burco, Maayarka Boorama, Guddoomiy ku xigeenka Gobolka Gabilay ayaa waxa uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo kaga dhagaystay Maayarada Fikrado la xidhiidha sida ugu haboon ee dalka looga samayn karo isbadalka dalku u baahan yahay, iyagga oo Madaxwaynaha u soo jeediyay in aanu u joojin soo jeedimaha dadka oo uu isagu yeelo wax alaale waxa uu is yidhaahdo way saxan-yihiin oo waa dariiqii loo baahnaa. Masuuliyiintani waxa ay tilmaameen inay waajib tahay in maayarada Magaalooyinka dalka iyo masuuliyiinta kaleba ay taageeraan xukuumada cusub ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxayna balanqaadeen inay doorkooda ka qaadan doonaan ammaanka iyo nidaamka xaflada ay xilka kula kala wareegayaan Madaxwayne Siilaanyo iyo Madaxwaynaha xilka sii haya Md. Daahir Rayaale Kaahin. Madaxwaynaha cusub ee la doortay Md. Axmed Siilaanyo, ayaa isaguna maayarada u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay kulanka ay yeesheen, isaga oo ku boggaadiyay hawsha ay qaranka u hayaan oo uu tilmaamay inay tahay mid wax-ku-ool ah, isaga oo tilmaamay inay si wanaagsan u wada shaqay doonaan. Kulankan oo ka dhacay guriga Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo u badnaa sidii ammaanka sare loogu qaadi lahaa maalinta xil wareejinta oo ku beegan 27/07/2010-ka ayaa waxa uu ku dhamaaday jawi wanaagsan oo is-garad. Jamhuuriya Online
  19. Originally posted by Thankful: The problem is that people from your enclave are on to you Xaaji! on what maan fahmin :rolleyes:
  20. what seems to be the problem, jacayl baro talow muxu la cadheysanyahay , ma xisbigayagi guuleystey tallow. war hada udub laga badiiyey, xaajiguna adiga ka badiyey dee wa hawl ku taala awoow
  21. Gabiley (Gabiley News):- Dhakhtar guud ee caafimaadka magaalada Gabiley oo dhismihiisu socday mudo ku dhaw toban sanno ayaa dhawaan faraha laga qaaday kadib markii qaybtii sadexaad ee dhismahaasi oo bilihii ugu danbeeyay ka socotay maal galin balaadhan kusoo sameeyeen jaaliyadaha dibada ee kasoo jeeda Gobolka Gabiley. Dhismaha cusbitaalka Gabiley oo ay dhismihiisa iska kaashadeen, dadwaynaha reer Gabiley ee ku kala nool wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba, dhaqaalaha ugu badana laga soo ururiyay jaaliyadaha reer Gabiley ee ku dhaqan wadamada Europe iyo Maraynkanka ayaa maraya marxaladii ugu danbaysay isagoo u baahan nadiifin, qalabayn iyo shaqaale aqoon caafimaad leh oo ka hawl gala dhakhtarkaasi taasi oo dhamaana laga sugayo dadka reer Gabiley meel ay dunida guudkeeda ka joogaanba. Dhaktarka Gabiley oo markii ugu horaysay ay bilaabeen urur haween ah oo reer Gabiley ah, ayaa waxaa lagu wareejiyay dayrka oo lagu dhisay iskaa wax u qabso, iyadoo markii danbana haayada Bisha Cas ee imaaraadka carabtu ugu deeqday dhakhtarkaasi lacag gaadhaysay $90,000 oo doolar iyadoo lagu dhisay qaybta hore ee xafiisyada iyo laba waadh. Qaybaha kale ee dhakhtarka caafimaadka Gabiley ayaa waxaa gacan ka gaystay jaaliyadaha kasoo jeeda gobolka Gabiley oo ay hogaaminayaan ururka horumarinta gobolka Gabiley ee GARDO, Jaaliyadaha wadamada Canada, Sweden, iyo Dalka Maraykanka oo inta badan la sheego in Dr. Siciid Muhumed Maax kaligii kasoo qayb qaatay. Dhismaha Dhakhtarka ayaa guud ahaan ka kooban ilaa lix qaybood oo kala ah qaybta Farmasiiga iyo Shaybaadhka oo isku dhisme ah, Qaybta xafiisyada dhakhtarka oo la arko markaad albaabka ka gasho dhakhtarkaasi, Lix waadh oo kala ah waadhadhkii Bukaan jiifka, Dumarka, Caruurta, Jajabka iyo Ragga, Hoolka qaliinka oo loo dhisay si heer caalami ah, Qolka Maydka iyo waadhadh gaar ah oo loogu talo galay dadka xanuunadoodu khatarta yihiin oo u qaabaysan qolal gaar gaar ah, oo midkastaaba leeyahay suuli u gaar ah, looguna talo galay in la kireeyo marka dhakhtarka la furo. Waxaa kale oo dhakhtarkaasi dhex yaala mishiinkii sawirka feedhaha (X-Ray) oo ay soo iibiyeen isla markaana ugu tabaruceen ururka samafalka ee GARDO dhakhtarkaasi oo muddo badan ku cadilnaa halkaasi sababo la xidhiidha dhinaca farsamada dabka oo maarayn loo waayay in la hagaajiyo iyadoo ciladaasi ay sababtay mishiinka oo ku shaqaynayay qaab casriya (digital X-ray). Cusbitaalka Gabiley oo sida aad sawirada ka aragtaan dhismayaal badani ka dhex dhisan yihiin ayaa hadana waxaa ka dhex buuxa qashinka iyo dhirta faraha badan, taasi oo la odhan karo waxay u baahan tahay in qandaraas lagu siiyo shirkad dhisme oo kale, dhismayaashii la dhisay shan sano ama lix sanno ka horna waxay u dhaw yihiin inay dumaan, waayo haddii guriga la isticmaali waayo wuxuu u dhaw yahay inuu dumo iyadoo laga yaabo inuu sameeyo dildilaac. Qofkasta oo reer Gabiley ah oo u damqanaya gobolkiisa iyo magaaladiisa, ay ku nool yihiin hooyadii iyo aabihii, walaalkii iyo walaashii, habaryartii iyo edadii, adeerkii iyo abtigii iyo qayb ka mid ah bulshadii reer Somaliland inuu u damqado hooyada bugta ee aan Gabiley waxba lagaga qaban karin, wiilka ama gabadha shilka baabuur gasha ee u dhimanaya dhiig baxa inta hargaysa loo sii wado, bulshadaadii waxaa looga baahan yahay ama la leeyahay quudha shilinka jeebkiina ku jira ee hadaad adigu kharash garayso aan wax la taaban karo kuu qabanayn laakiin hadaad adiga iyo inta magaalada ama wadanka aad dagan tahay wada dagan tihiin isku dartaan ay wax u qaban karto qoyska dagan wadanka ee aan awoodayn inay iska bixiyaan dhakhtarada wadanka ku yaala ee laga dhex samaystay farmasiiyada dawooyinka haayaduhu ku caawiyaan lagu iibiyo. Qofkasata oo wax heli karaya waxaa looga baahan yahay inuu inta uu bixin karayo bixiyo, qofka aan waxba bixin karin ee laakiin Fursada, Xooga, Cilmiga iyo Wakhtiga hayana waxaa looga baahan yahay inuu xoogii kaga qayb qaato oo shilinka lasoo ururiyay lagu iibiyo qalabka dadka reer Gabiley ee gudaha daganina ninkastaa wuu hayaa wakhti uu firaaqo yahayee xoogiisa kaga qaybqaato, ka cilmiga dhakhtarnimada garanayaana dadka ku daweeyo tabaruc oo dhakhtarkii ka shaqeeyo waayo dhakhtarku wuxuu anfacayaa qofkasta oo Gabiley dhexdeeda dagan, waa wax la wada leeyahay, waajibna ku ah in qofkastaa ka qaybqaato si uu uga qaybqaataba dhamaystirkiisa iyo shaqayntiisa. Gabiley waxaa u maqan dadkeeda, waxaa wax ka dhigi kara dadkeeda oo fahma in shayga qof leeyahay manaafacaadkiisu qofkaa uun ku kooban yahay, laakiin shayga dadka ka dhexeeya faa,idaydiisa dadkoo dhami leeyihiin islamarkaana helayaan sida ugu dhakhsaha badan, taasi oo la odhan karo waa iyadoo dadka guud la wada fahmo.