Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,829
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. The Somaliland community in wales is a hardworking community and their MP was worth voting for well-done Mr Alun Michael Doing an Amazing job
  2. BRUSSELS (Somalilandpress) — The recent peaceful, free and fair presidential elections in the breakaway region of Somaliland underline the importance of reconsidering Somaliland’s desire for official re-recognition as a sovereign independent state, ECR Group spokesman on foreign affairs Dr Charles Tannock MEP said today as he congratulated the winner, President-elect Ahmed Mahmoud Silanyo. Dr Tannock said that the verdict of observers (including some from Dr Tannock’s alma mater University College, London) that the election was conducted according to international norms and standards compels the international community to consider how best to support Somaliland’s evolving democracy, including the possibility of according Somaliland official recognition. The MEP’s comments came in the wake of a statement by EU heads of mission in Nairobi congratulating Somaliland on the conduct of the election, and a similar statement by UK Foreign Office minister Henry Bellingham MP, who added that the UK looked forward to working closely with Somaliland in the future. Dr Tannock, who met Mr Silanyo at a Somaliland community event in his London constituency during his own election campaign in 2009, praised Mr Silanyo’s statesmanlike qualities and said that UK-educated Mr Silanyo had already shown himself to be a unifying political force by deciding not to contest the extremely tight result of Somaliland’s previous presidential election. Somaliland broke away from the rest of Somalia in 1991 after the collapse of the Siad Barre regime and has since created a relatively stable, prosperous and moderate society, whose government in Hargeisa is committed to fighting the scourge of piracy in the seas off the Horn of Africa and the al-Shabab jihadi terrorists active in Somalia. Previously Somaliland was a British protectorate that was briefly independent in 1960 before merging with Italian Somaliland to join the Somali Republic. Dr Tannock said: “Somaliland has proved once again to the world that its democracy is not only stable but growing stronger. “Somaliland is a rare African success story that deserves to be recognised as such by the international community. “As for the issue of Somaliland’s official recognition as a sovereign independent state, it’s time the EU gave serious consideration as to how best to support this relatively prosperous and progressive corner of Africa. “There seems to be a growing international consensus that Somaliland’s progress needs to be reinforced and rewarded through official recognition. “I hope the election of President-elect Silanyo will provide fresh momentum to Somaliland’s evolving democratic story. “Given the chronic instability in the Horn of Africa generally and the rest of Somalia in particular, we ignore Somaliland at our peril. “Although we should congratulate the people of Somaliland for the conduct of this election, we need to understand that these hard-won gains could easily unravel if Somaliland’s aspirations and ambitions are totally disregarded. “President-elect Silanyo strikes me as a moderate, sensible and capable politician committed to standing up for the interests of the people of Somaliland. “He showed after the previous presidential election that he put Somaliland’s interests above his own by not contesting a very tight result. “I wish him well and hope Somaliland will continue to gain in international stature under his leadership.” Photo: Charles Tannock MEP endorses comments by UK government minister and EU diplomats on breakaway region’s vote, Brussels, 2nd July 2010 Source: European Conservative and Reformists Group | Sunday, 18 July 2010
  3. Originally posted by Abtigiis & Tusbax: Libaahe, Midnimada Somaliland'na muqadas ma aha mar ta Somalia hadaanayn aheyn. Consistency please. Tan kale, ciidankii Siyaad Barre hal qabiil uun ma aheyn, yet you fought it as if it was a clan. Askari lagu dhax badhxo ciidanka 'rer-aqoonsi doon' kama dhigayo ciidan qaran. Midnimida Onlftu manay muqadis ahayn, mise idinku wixi Ethiopia la dagalama ba wax baad ku darsataan, Eritrea ba maad ku biirtaan hada
  4. ^^ madaxweynaha Jabuuti inu dire dhawe ku dhashay soma ogid horta
  5. ferguson darawiish xiligoodi wey dhamaatay khusuusigu na beri hore bu calankoodi la laabay, Ethiopia siyasad bay leedahay mida arimaha diibada somaliland na siyasad bay leedahay arimaha dibada , wa inad ta horta fahantiid Somalilandna cidi u dhalatay wa xukumi karta one man one vote baad ku so bixi karta wa simple as that. Anigu na qarran baan ahay , reer iyo waxas waxad diib hanogu celin , waxad adigu tahay bad umada mooda, darwiish haadaad maanta dooneysid Silanyo ba darwiish ah
  6. oo sxb anigu ma waxan ku yidhi Ethiopia wax ha ii qabbato war anigu aniga isku fillan oo aniga wax qabsanaya,oo waliba wax qabsaday darwiishti dooxatada ah beri hore aya la jabbiye sxb ha ku dabba hadhin , aniga ma sh dalxiis baad ii mooday oo kalle oo caasimadisa lugu dul wardiyeyo , war sxb anigu dawlad baan ahay
  7. war aniga Ethiopia maxa iga galay wa dal anu jaar nahay cilaqaat na ga dhexeyso, Siyasadeydu waxay ku salaysantahay dimuqradiyad isu tanasul cadalaad sinaan ,. Midnimo somaliyeed , hab dawli ah waligeed uma jirin umana jirayso laakin hab dhaqaale iyo hab ganacsi wa u jiri karta Darawishtan aad ka sheekeneysid bari hore bu calankoodi dhacay, wa alshabaabki qarnigi cishriin
  8. Originally posted by Ferguson: ^So you believe in that Muslim shall unite sax? War midnimada Somaliyeed(Muslim) hadad diido ,,, waa lagaa adkaan. Midnimada somaliyeed maha oo kaliya inad isku dawlad iyo isku calan noqotiin . midnimada somaliyeed waxad ka shaqeyn karta adigu ururo caalami ah u sameya , oo aad iska kashanaysan hab dhaqaale hab ciidan iyo hab ganacsi sida jamacata al carab oo kale iyo igad iyo african union
  9. Ssc is a non-existent tribal movement they found a way to make money by trying to fund this non-existent tribal movement
  10. If you want to be a candidate on a particular political party no one is holding you back my friend
  11. Sannad-guuradda 21-naad ee ka soo wareegtay Xasuusqii xeebta Jasiira (1989) Warbixin murugo badan xambaarsan oo uu diyaariyey Khadar Xasan Cali Jamhuuriya London Maalinta Sabtida ah ee 17-ka July, 2005 waxay ku beegan tahay sanadguuradii 21-naad ee ka soo wareegtay xasuuqii ka dhacay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho sannadkii 1989. Maalinimadii Jimce ee 15-ka July, 1989kii, waxay noqotay mid nolosha dadka reer Muqdisho wax weyn ka beddeshay, kadib markii ay foodda isla galeen dad mudahraadayay oo ka soo baxay salaaddii Jimcaha (Masjidka Sheekh Cali Suufi) iyo ciidamadii koofiyad casta ah ee ka amar qaaday jiray talsikii dhiigyacabka ahaa ee Siyaad Barre, halkaas oo askartii Siyaad Barre ay si arxan-darro ah rasaas ugu fureen, waxana lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidammada booliska, taas sababatay in bandoo lagu soo rogo Xamar. Kacdoonka dadka reer Muqdisho oo ka dhacay xaafadda Hodan oo degaan u ahayd dad badan oo asalkoodu ka soo jeeda Somaliland, ayaa waxay bartilmaameed u noqotay ciidamadii Koofiyad casta ahaa ee ka amar qaadan jiray wiilka uu Siyaad Barre dhalay ee Maslax, kuwaas oo saqdii dhexe habeenkii bishu ahayd 17-ka 1989kii weerarro ku qaaday xaafado ka mid ah degaanka Medina iyo Hodan. Askartaasi waxay kala soo baxeen guryihii ay ku noolaayeen dad ilaa dhawr iyo konton ruux gaadhaya oo aan waxba galabsan oo isir ahaan ka soo jeeda beelaha Isaaqa. Dadkaas oo isugu jiray caruur dhigata dugsiga, dhakhaatiir, shaqaale, aqoonyahanno, ardayda jaamacadda, waxgarad, odayaal iyo ganacsato, waxana sida la sheegay ciidankaas qabqabtay nin ay isku hayb ahaayeen Siyaad Barre oo la yidhaa Col. Canjeex. Dadkaas ayaa markii la ururiyay loo qaaday dhanka xeebta Jasiira, halkaas oo inta la isku xidhxidhay rasaasta qoriga baroonka ka dhacda lagu furay. Haddaba, waxa mucjiso noqtotay, kadib markii uu xasuuqan daah furay Cumar Muuse oo Illaahay ka badbaadiyay falkan arxan-darrada ahaa, taas oo ka yaabisay taliskii Siyaad Barre, waxana ka dhashay khilaaf soo dhex galay taliyihii ciidanka booliska iyo xukuumaddii Afweyne. Waxa kaloo ay dhacdadani fajaciso ku abuurtay diblomaasiyiintii ku sugnaa magaalada Muqdisho oo dareen adag ka muujiyay dhacdadan aragagax leh. Cumar oo ka hadlayay sidii wax u dhaceen habeenkaas, ayaa yidhi; “Waxa naloo qaaday meel aan ka fogeyn guriga oo ilaa 30 tallaabo u jirtay, halkaas oo ay joogeen ciidamo kale oo koofiyad cas ah, kuwaas oo ku wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey. Waxaan markaa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa, kuwaas oo kala ahaa: 2 gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan iyo midkale oo Toyota ah, kaasoo uu saaran yahay qori baroonka ah. Waxa uu intaa ku daray in loo qaaday dhanka badda oo ka dib markii la geeyay xeebta Jasiira koox koox la isugu xidhay ka dibna si arxan-darro ah rasaas loogu furay, waxaannu isagoo arrimahaas sharraxayey yidhi; “Waxa amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano. Intaa kadib koox-koox ayaa nalooga daadajiyey carrada tuulan korkeeda iyadoo shan-shan naloo wadayo oo nala geynayo meel buurta hoosteeda ah. Waxan dareenay in nala laynayo. Haseyeeshee, maanaan maqal wax dhawaaq ah. Waxaan bilownay xushxush, qaarkayo ayaa ducaysanaya, qaar waa ashahaadanayaan 'Laa Ilaaha illaLaahu, Muxamadan Rasuulullahi'....'Laa Ilaaha illaLaah'."!!! "Si isdabajoog ah ayaa naloogu caga-juglayanayey, waxan maqlay rasaas. Waxa dadka ku jiray Xasan Nuur Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa qofkii ugu dambeeyey shantii qof ee ugu dambeeysey ee loo qaado buurta dhaadhaceeda. Waxa nala fadhiisiyey meel ku beegan dhaadhaca iyadoo si isdabajoog ah naloo safay madaxayaguna lugahayaga dhexdood ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa amarka bixiyey isagoo leh: Maxaad qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur rasaasta." "Qaylo, oohin iyo humhum sakaraad ayaa la isku daray. Laabta ayaan dhulka saaray anigoo ateero ku jira ilaa intii rasaastu socotay. Hal xabbo ayaa iga qabsatay meel ka hoosaysa garabka bidix. Cabbaar kadib ayey rasaastii joogsatay. Askartii waxay gudo galeen inay dadkii eegaan si ay u hubiyaan in dhammaantood naftu ka baxday. Qofkii sii nool shan xabbo ayey laabta kaga dhufanayeen si ay qudha uga qaadaan. Kadib waxay bilaabeen inay gacmahooda maydka ku aasaan. Dhiig badan ayaa igu qubtay oo badhkii ahaa dhiig aniga iga daatay badhkiina dadka igu dul daatay dhiigoodii yahay. Waan gariirayey tiiyoo naxdin, argagax iyo cabsi badan igu wada kulmeen. Askari baa i arkay markaasuu qaylyey oo uu yidhi 'kani waa nool yahay'. Mid kale oo ag-joogay ayaa yidhi 'waar ma noolee nafta ayaa ku sii xarbiyeysa, gariirkii sakaraadka weeyaane inaga keen'. Ciid baa la igu rogrogay, si fiicana iimay aasin waayo wey degdegsanaayeen Cumar oo wakhtigaa 25 jir ahaa waxna ka baranayay magaalada Muqdisho, waxaannu ka mid ahaa 47 kaas ruux ee ay askartii ******tu ku xasuuqeen xeebta Jasiira, nasiib wanaagse uu isaga Illaahay ka badbaadiyay, inkastoo gebi ahaanba intiii kale xataa raqdooda aan cid la tusin,” ayuu yidhi Mr. Cumar oo wejigiisa laga dareemayey murugo aad u weyn. Illaahay ha u naxariisto dadkaas la gumaaday waxa kaliya ee loo aaneynayay waxay ahayd isirkooda uu Illaahay ka abuuray oo xukuumaddii xilligaasi ugu talogashay in ay tirtirto, balse dhanka Illaahay aan laga aqblin oo ay ku guuldarraysatay, kuwii falkaa geystayna inta ka hadhay maanta ay ku nool yihiin werwer iyo walaac markay dib u eegeen dhiiggii iyo dhagartii ay galeen, waxana hubaal ah in sida dhagarqabe Gen. Cali Samater dacwadda loogu soo oogay maalin maalaha ka mid ah iyagana lagu soo oogi doono xadgudubyada xuquuqda insaanka ah ee ay geystee. Haddaba, xasuuqani wuxuu qayb ka ahaa fallalkii isir nacaybka iyo aargoosiga ahaa ee ay xukuumadii Muqdisho ka amar ku taaglayn jirtay sida joogtada ah ugula kici jirtay shacbiweynaha reer Somaliland marka ay ciidamdkoodii naf la caaridka ahaa u babac dhigiwaayaan xabbadda kulul ee mujaahidintii SNM. Dhammaanba intii ku geeriyootay xasuuqyadaasna waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo. Dadka reer Somaliland iyo inta danaysa damiirka dadnimada iyo Islaanimadana waxa la gudboon in ay u hawlgalaan sidii maxkamad cadli ah loo keeni lahaa kuwii ka dambeeyay fallkan arxan-darrada ah. Maadaama ay tahay sannadguuradii ka 21-naad ee ka soo wareegtay habeenkaas madow waxaynu xasuusan doonaa magacyada Allah ha u naxariistee dadkii ciidammada Siyaad Barre ku xasuuqeen xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho: 1.Ibrahim Hasan Gelle US-OMC-Somali Republic 2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie Businessman 3.Mohamed Ismail Ahmed Businessman 4.Yusuf Mohame Handulle 5.Saeed mohamed Muminpro.Lafole S.N.U 6.Musa Abdi Gaas Businessman 7.Hussein Ali AdenBusinessman 8.Saeed Nur Musa businesman 9.Abdirahman Mohamed Bihi Businessman 10.Abiwahab Farah Ahmed Student 11.Abdifatah Ahmed Jiir Student 12.Matan Abdi HabashiStudent 13.Mohamed mohamud Abdi Businessman 14.Ali Mohamed Abdi Student 15.Hassan Aw Nur Barud Businessman 16.Abdi Mohamed Abdi Technician 17.Ahmed Yassin Omar Jama( Businessman 18.Mohamed Abdi Hassan )Businessman 19.Ibrahim Hassan Ege Technician 20.Abdi Muhumed Daud Businessman 21.Hassan Abdi Muhumed Businessman 22.Ali Mohamed Dirie C.Serv 23.Jama Mohamed Abdi Trader 24.Abdi Osman Dubad Trader 25.Husein Omar Husein Trader 26.Mohamed Musa Mohamed Trader 27.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) Sportsman 28.Muhumed Abdillahi Warsame Trader 29.Mohamed-Bashe Abdillahi HebaanTrader 30.Abdirahman Ahmed Dhimbil Civil servent 31.Hussein Muhumed Farah Civil servent 32.Mohamoud Bacadle Civil servent 33.Jama Aden (barosin) Civil servent 34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi)Trader 35.Warsame Dugsiye Reydal Trader 36.Barre Osman Abdi Trader 37.Abdirizaq Aydiid Mohamed Student 38.Hussein Osman Jama student 39.Khadar Mohamed Ahmed Student 40.Bihi Ibrahim Ahmed Student 41.Hassan Nur Hersi Student 42.Abokor Mohamed Yousuf Trader 43.Hassan Guure Abdi Trader 44.Khadar nuur Jama Trader 45.Ahmed Yusuf Ibrahim Trader 46.Mohamed Osman Jama Trader 47.Farah Ismail Awale student 48.Yusuf Abdillahi Roble graduate Dr. 49.Dayib Abdi Burale Trader 50.Dahir Mohamed Jama Warfaa Trader 51.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale Trader 52.Muhidin Macalin Ahmed 53.Saadiq SH. Ahmed 54.Bahyaal Muhumud Jiri 55.Fuad Abdillahi Ibrahim 56.Daud SH. Ibrahim (H.Y). 57.Hussein Kheyre Abdi (H.J) 58.Rashid Mohamed Osman (H.A) 59.Abdi Barre Osman (C.G) graduate. Jamhuuriya Online
  12. Siilaanyo oo caawa la kulmay wafti ka socda sirdoonka Ingriiska Written by Qarannews Jul 17, 2010 at 03:33 PM Hargaysa,(Qarannews)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland mudane Axmed Siilaanyo ayaa caawa kulan la yeeshay wafti ayaamahanba dalka joogay oo ka socday sirdoonka Ingriiska, xubnaha waftigani oo ilo xog ogaal ahi ay noo sheegeen in ay ka soo laabteen safar ay ku tageen badiba gobolada Somaliland ayaa waxa uu kulankoodaasi uu ka dhacay caawa Hotel Ambasadoor ee magaalada Hargysa sidaasi waxa qarannews u xaqiijiyay ilo mihiim ah. Ilaa hada ma cada waxyaabaha ay labada dhan ka wada hadleen hase ahaatee waxa ay hore waftigani ula kulmeen madax ka tirsan xukumada xilka wareejinaysa iyo laamaha sirdoonka qaranka, waxana la filayaa in arimaha ugu waaweyn ee labada dhan ay ka wada hadleen loo malaynayaa in ay tahay sidii la isaga kaashan lahaa arimaha argagaxisada iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya sirdoonka labada dal, oo hore dhidibada loogu aasay, iyada oo labada dal ee Somaliland iyo Ingriiska uu ka soo dhaxeeyay xidhiidh qoto dheer, iyada oo dalka Ingriisku uu xornimada siiyay Somaliland 1960'kii. source qarrannews.com
  13. Puntland = pirate state either take the whole package or leave them all together
  14. Baashe the deputy speaker of the Somaliland parliament said it all they are in effective and have no power what’s so ever
  15. He did make a report about the piracy in eyl last year cowke
  16. Nice song I heard this song was dedicated for those who are fighting the Ethiopian regime also known as the onlf.
  17. xammar iyada xaqeedi iska boobtay , ma ciid bay xaq ka booni karta lol, xammar waa budh budhay boowe , dhiso adigu mise waxad rabta inu oodweyne ku dhiso
  18. Indeed a failed country but I don’t think an African union occupation can make a difference , there will be just more resistance and more bloodshed unfortunately
  19. Xoghayaha Arimaha Dibadda Xisbiga kulmiye oo Dalka ku soo Guryo noqday ka Dib markii uu ka Qayb galay Shirkii urur Goboleedka IGAD iyo Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah. Xoghaya Arimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Daawo Sawirada Hargeisa (GNS)-Xoghaya Arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta ku soo guryo noqday Somaliland kadib markii uu ka soo laabtay shir uu la lahaa urur goboleedka IGAD iyo Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah, shirkaas oo lagaga hadlay arimo ku saabsan arimaha geeska Afrika. Xoghaya Arimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Cigaal international Airport, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta Sarsare ee Xisbiga kulmiye iyo Marti Sharaf kale. Xoghaya Arimaha Dibada ee xisbiga Kulmiye Dr/Pro. Maxamed C/laahi oo qolka martida ee Cigaal International Airport ugu waramay warbaahinta isagoo waftiga socdaalkiisa uu ku weheliyay Wasiir kuxigenka qorshaynta qaranka ayaa sheegay in shirka uu ka qayb galay lagaga hadlay 3 arimood oo kala ahaa. 1-Berbera Corridor oo ah jidka isku xidha Berbera ilaa Wajaale oo uu xoghayuhu sheegay in shirka lagu soo qaaday isla markaana lagu soo bandhigay qorshaha lagu dhamaystirayo jidkaasi u dhaxeeya Berbera Ilaa Wajaale. 2-Tamarta oo la gu soo qaaday faa,idada ay leedahay iyo sida loogu baahna yahay in Tamarta loogu roggo dhuxul dhagax si loo yareeyo xaalufinta dhirta oo faro baas ku haya wadamada ay Somaliland ka mid tahay . 3-Somaliland Funding –Waxa kale oo shirka lagu soo qaaday sidii Somaliland loogu samayn laha dib udhis balaadhan, maadaama Somaliland Dhamaystirtay Doorashooyinkii madaxtooyadda. Xogahaya Arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar aya lagu wadaa in loo magacaabo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland iyadoo dadka inta badan Somaliland ay si wayn ugu hanqal taagayaan magacaabsita xilka wasiirka arimaha dibada oo dadku aad ugu ganacsan yihiin in uu yahay shakhsi karti badan isla markaana si wayn uga soo bixi kara xilkaasi. Sida ay baahiyeen Wargaysyada qaarkood ee kasoo baxa magalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in xilalkii ugu horeeyay ee wasiirnimo ee la magacaabay ay noqdeen Wasiirka Arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah oo loo magacaabayo Dr Maxamed Cabdilaahi iyo wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Tamarta oo loo magacaabayo Prof Ismaaciil Muumin Aare, inkasta oo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin xilkan loo magacaabay labada Wasiir. Dawlada cusub ayaa la filayaa in dhawaan lagu dhawaaqo iyadoo tirada wasiirada ay ka koobnaanyso lagu soo koobay 15 Wasiir, waxaana meesha laga saaray Wasiir ku xigeenadii iyo Wasiiro dawlayaashii xad-dhaafka ahaa ee dawlada Riyaale ka koobnayd. Safarkan Dr.Maxamed C/laahi ku tagay Dalka kenya oo noqonaya kii ugu horeeyay Xukuumadda Cusub ee Madaxwayne Siilaanyo ka fuliso Wadanka Dibadiisa tan iyo intii ay ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland. Dawlada cusub ayaa dadku uuga fadhiyaa inay ka dhabayso balanqaadyadii badna ee xiligii doorashada sheegeen inay sideeda u filayaan , waxaana dadku inta badan jecelyihiin inay maqlaan in dawlada soo socta noqoto mid kooban oo ay ka dhex muuqdaan wajiyaal ku cusub siyaaada Somaliland, isla markaana daacad u ah Dalka iyo Dadkaba. Siciid Cali Daahir (Sacad Guray) Gabiley News Editor Hargeysa Somaliland contactgabiley@yahoo.com