Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,829
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. sxb iyaga la so qalday but laakin waxad tiri maad ilahay ka baqatiid wa ummad islaam ah iyagu. Manay xabbad u so qaadan dad islaam ah shacab islaam ah calan islam ah
  2. Sida ay doontaba ha ahaatee waxa dalka ku soo qul qulaaya oo mudooyinka dhow ku soo fool leh waftiyo badan oo kala gadisan oo la filaayo in ay ka iman doonaan ururka midowga Afrika, midowga Yurub, wadamo mihiim ah oo ka mid ah dalalka Carabta, iyo wadamo kale kuwaasi oo u soo diri doona Somaliland waftiyo mihiim ah.
  3. Safiirka Faransiiska u fadhiya Djibouti oo la kulmay madaxweynaha la soo doortay Written by Qarannews Jul 20, 2010 at 03:54 PM Hargysa,(Qarannews)-Waxa maanta dalka yimid safiirka dalka Faransiiska u fadhiya dalka Djibouti, safiirka ayaa isla maantaba gurigiisa kula kulmay madaxweynaha la soo doortay mudane Axmed Siilaanyo, kulankaasi oo ay alabaabadu u xidhnaayeen lama shaacin waxii laga wada hadlay. Maalinta bari ah ayaa uu safiirku la kulmi doonaa madaxweynaha xilka ka dagaaya mudane Daahir Rayaale, ma aha markii u horaysay ee uu safiirkani uu dalka yimaado hase ahaatee markii u danbaysay ee uu dalka yimaado waxa laga joogaa mudo ka yar sadex bilood, isla markaasna uu madaxweyne Rayaale uu booqday dalka Faransiiska, xoogaa yar ka bacdi socdaalkii ugu danbeeyay ee uu safiirkani uu dalka ku yimaado iyada oo uu xiligaasi siday martiqaadkii uu madaxweyne Rayaale uu ku tagay dalka Faransiiska, lamana garan karo in uu madaxweynaha cusub uu isagana u sido martiqaad iyo in kale. Socdaalka safiirkani dalka Faransiiska u fadhiya dalka Jabuuti, ayaa ay dad badani su'aalo badan iska waydiinayaan, socdaalkani oo ah kii labaad ee mudo yar gudaheed uu dalka ku soo laabto. Sida ay doontaba ha ahaatee waxa dalka ku soo qul qulaaya oo mudooyinka dhow ku soo fool leh waftiyo badan oo kala gadisan oo la filaayo in ay ka iman doonaan ururka midowga Afrika, midowga Yurub, wadamo mihiim ah oo ka mid ah dalalka Carabta, iyo wadamo kale kuwaasi oo u soo diri doona Somaliland waftiyo mihiim ah. Caalmka oo dhan ayaa la dhacsan doorashadii dhawaan ka qabsoontay Somaliland, iyada oo fursad fiicana u noqon doonta xukumada cusub, hase ahaatee waxa ay dad badani is waydiinayaan xukumada Siilaanyo ma ka faa'iidaysan doontaa dhabadii dimuquraadiyada ahayd ee uu jeexay madaxweyne Rayaale oo u baahan in maanta xagaasi laga sii anba qaado oo laga midho dhaliyo si dalka loogu helo aqoonsi taam ah.
  4. Originally posted by Libaahe*: There is about 27 more SSC Junta Terrorist prisoners held in Oog according to a friend of mine i spoke to ( who is in sool at the moment) they will be bought to the big jail in burco soon. kuso gura gawaadhida burco shaqo badan ba taale eh
  5. Actually today I heard the prisoners speak they said they were treated well so far, they were very exhausted they could hardly speak qudhac I don’t think they can work yet we need to feed them first
  6. One even has blood on his shirt lol Yey they arrived tallow maxaynu ku samayna Let them help with the construction of the new roads of burco dhagaxanta ha ino guran that should be a good punishment for them
  7. Do you think the khusuusi boys wear Military uniforms , didn’t u watch the Aljazeera report
  8. ^^ dee taasi wa berigaan snmta aha aan dalka u so halgamayey , hada dhiig ma cabo lol, dalki waan xoreyey, waliba contextka laga saaray mid ba yidhi kaadi ba la cabay , marka wa caynkaas sxb.
  9. I present you the prisoners of war Magacyaddii iyo Sawiraddii Maxaabiisti lagu soo Qabtay Dagaalkii Widh-Widh 1 Cabdi Ismaaciil Maxamed 2 Cariif Maxamed Axmed 3 Xiis C/laahi Jaamac 4 Axmed Cabdi Jaamac 5 C/laahi Cismaan Cabdi 6 Cabdi Cismaan Yuusuf 7 Nuur Xasan Siciid
  10. Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka degay Magaalada Roma ee caasimada Talyaaniga. Muqdisho: (Sh. M. Network) Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Roma ee xarunta wadanka Talyaaniga. Wafdiga Madaxweynaha oo saakay aroor hore ka soo kicitimay Magaalada Qaahira ee xarunta wadanka Masar ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Magaalada Roma halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Talyaaniga, Safaarada Soomaalida ee Talyaaniga iyo xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaalida. Wararka ka imaanaya magaalada Roma ayaa sheegaya in wafdiga madaxweynaha loo dhaqaajiyay aqalka madaxtooyada ee Magaalada Roma halkaasi oo Lagu wado in Caawa fiidkii ay ku wada kulmaan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Wasiirka arimaha dibada ee Talyaaniga Faranco Farantiini. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in Maalinta beri ah uu kulan la qaato Madaxweynaha wadanka Talyaaniga iyagoo ka wada hadli doona xaaladda amaan ee wadanka Soomaaliya iyo sidii dowladda Tanyaanigu ay qeyb uga qaadan laheyd soo celinta amniga Soomaaliya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. source shabelle
  11. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak Isniin, July 19, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo booqasho saddex maalmood ah ku joogay dalka Masar ayaa shalay gallinkii dambe kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Masar Max'ed Xusni Mubaarak. Kulanka labada madaxweyne oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, waxayna uga hadleen xaaladda dalka Soomaaliya uu ku sugan yahay, iyadoo Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka codsaday Madaxweynaha Masar inuu gacan ka geysto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabbaali lahaa. Sidoo kale, shirka labada Madaxweyne waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Caamir Muusaa, iyadoo Sheekh Shariif uu ka codsaday Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika in xil weyn la iska saaro soo celinta nabadda Soomaaliya. "Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu ka codsaday hoggaamiyaha Masar iyo Muusaa inay dhexda u xirtaa sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u soo celinta nabaddii Soomaaliya, dalkana looga saari lahaa xoogagga hubeysan ee ka horjeeda Dowladda" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Muqdisho. Sheekh Shariif waxaa safarka uu ku tagay dalka Masar ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg), Wasiirka Gaashaandhigga Abuukar Cabdi Cusmaan (Mardaadi), Xildhibaanno iyo ma'suuliyiin ka tirsan aqalka Madaxtooyda Soomaaliya. Wadfiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saakay ka dhoofay Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, iyadoo wararku ay sheegayaan inuu kusii jeedo Magaalada Roma ee xarunta Dalka Talyaaniga oo uu kulan kula qaadnayo Madaxda dalkaas. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com
  12. Dhaawaca Qaar Ka Tirsana Ciidamada Qaranka Somaliland ee Ku Dhaawacmay Dagaaladii ka Dhacay Widh-Widh oo Goor Dhaweyd Soo Gaadhay Magaalada Burco Burco(Oodweynenews)- Waxaa Goor dhaweyd soo gaadhay magaalada Burco dhaawaca 2askari oo ka tirsan ciidamada qaranka jamhuuriayada somaliland ee ku soo dhaawacmay dagaaladii xalay ilaa saaka ka dhacay Widhwidh. waxa kale iyana jira warar hor dhaca oo sheegaya in haatan ay iyana soo gaadheen Magaalada Burco in ku dhaw 8maxbuus oo ka tirsan maleeshiyada la magacbaxaday SSC ee iayaga uu dagaalku ku dhexmaray ciidanka qaranka jamhuuriayada Somaliland Degaanka widh-widh oo ka tirsan Gobolkaasi Sool. Dagaaladan ka dhacay Widh-widh ayaa la sheegayaa in dhanka Ciidamada qaranka Jamhuuriatada Somaliland uu kaga dhintay mid ka mid cidaamadaasi halka laba kalena ay ku dhaawacmeen waxaan ilaa hatan la sheegayaa in Deegaamadaasi ay Nabdoonyihiin oo dhinacyadii ku dagaalamay ay kal fadhiyaan Fadhiisimadoodii hore halka gacan ku haynta magaalada Widh-Widhna ay haatan gacanta ugu jirto ciidamada qaranka Somaliland oo iyagu nabadgalyda haatan si weyn u adkaynaya. Dhanka Jabhada La magacbaxday SSC ayaa iyada wax wara aan laga helayn dhanka isgaadhsiinta oo adg awgeed balse ila xogogaala oo goobaha ay ka taliyaan Kooxda SSC ayaa u sheegay shabakadan wararka ee Oodweyne inay ku suganyihiin Fadhiisamadoodii hore. Geesta kale waxaa iyana maanta laga Dareemayay Deegaamadaasi ay dagaalado ka dhaceen sansaan colaadeed Taas oo lagu arkaayay in dad badani ay isla maantaba ka qaxeen Goobaha y isku horfadhiyeen dhinacyadii dagaalamay kuwaasi oo ka cabsi qaba in mar kale dagaal ka dhex qarxo. Maxamed Cawad Maxamed Oodweyne News/Burco Office E-mail.cawad05@hotmail.com
  13. Dhaawaca Qaar Ka Tirsana Ciidamada Qaranka Somaliland ee Ku Dhaawacmay Dagaaladii ka Dhacay Widh-Widh oo Goor Dhaweyd Soo Gaadhay Magaalada Burco Burco(Oodweynenews)- Waxaa Goor dhaweyd soo gaadhay magaalada Burco dhaawaca 2askari oo ka tirsan ciidamada qaranka jamhuuriayada somaliland ee ku soo dhaawacmay dagaaladii xalay ilaa saaka ka dhacay Widhwidh. waxa kale iyana jira warar hor dhaca oo sheegaya in haatan ay iyana soo gaadheen Magaalada Burco in ku dhaw 8maxbuus oo ka tirsan maleeshiyada la magacbaxaday SSC ee iayaga uu dagaalku ku dhexmaray ciidanka qaranka jamhuuriayada Somaliland Degaanka widh-widh oo ka tirsan Gobolkaasi Sool. Dagaaladan ka dhacay Widh-widh ayaa la sheegayaa in dhanka Ciidamada qaranka Jamhuuriatada Somaliland uu kaga dhintay mid ka mid cidaamadaasi halka laba kalena ay ku dhaawacmeen waxaan ilaa hatan la sheegayaa in Deegaamadaasi ay Nabdoonyihiin oo dhinacyadii ku dagaalamay ay kal fadhiyaan Fadhiisimadoodii hore halka gacan ku haynta magaalada Widh-Widhna ay haatan gacanta ugu jirto ciidamada qaranka Somaliland oo iyagu nabadgalyda haatan si weyn u adkaynaya. Dhanka Jabhada La magacbaxday SSC ayaa iyada wax wara aan laga helayn dhanka isgaadhsiinta oo adg awgeed balse ila xogogaala oo goobaha ay ka taliyaan Kooxda SSC ayaa u sheegay shabakadan wararka ee Oodweyne inay ku suganyihiin Fadhiisamadoodii hore. Geesta kale waxaa iyana maanta laga Dareemayay Deegaamadaasi ay dagaalado ka dhaceen sansaan colaadeed Taas oo lagu arkaayay in dad badani ay isla maantaba ka qaxeen Goobaha y isku horfadhiyeen dhinacyadii dagaalamay kuwaasi oo ka cabsi qaba in mar kale dagaal ka dhex qarxo. Maxamed Cawad Maxamed Oodweyne News/Burco Office E-mail.cawad05@hotmail.com
  14. Col Aadan Maxamed Cali Bulay oo ka waramay dagaal ka dhacay degmada Widhwidh. Warkii 19-Jul-2010 iyo Qormadii: News. Waxaa saaka dagaalo culusi ka dhacay degmada Widhwidh ee ka tirsan gobolka cayn,waxaana dagaalku halkaas ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Oo in dhwaydba isku horfadhyaay deegaanka Widhwdh. Waxaana wararka hor u dhac ah ee degaankaasi laga helayaa sheegayaan in dagaaladaasi saaka bilowdey ay sababeen qasaare isugu jira dhimasho & dhaawac.sidaasina waxaa shabakada wararka holholnews u xaqiijiyay Corneal Aadan Maxamed Cali Bulay oo Saaka u Kicitimay Dhanka Degmada widhwidh . Cornelku waxuu intaasi ku daray in ciidamada Somaliland ay xalay abaari 2:00 Habeenimo ay Soo qaadeen Ciidamada SSC weerar Culus soo qaadeen, Iyadoo ciidamada miltrriga somaliland ay u jawaabeen in mudo ahna uu halkaasi dagaal ka soconayay. Wararkale oo aanu ka helayno goobjoogayaal muxali ah ayaa waxaay sheegayaan in dagaalkaasi uu hada joogsaday ciidamada somalilandna ay hada gacanta ku hayaan rag maxaabiis ah dagaalaasina uu joogsaday. Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed Ayaa sheegay in dagaal lagu soo qaaday ciidankooda laba jeer oo midna xalay ahaa,midna saaka ahaa,ayna iska caabiyeen qolyihii sooo weeraray,aynahayaan maxaabiis tobaneeyo ah. Wasiirka gaashaandhiga ayaa qirey in xagooda ay ka geeriyoodeen hal askari,iyo dhor dhaawac ah,wuxuuna sheegay inay kala didiyeen kooxdii soo weerartay,waa siduu hadalka u dhigaye. Afnugaal News Desk. Contact:info@afnugaal.com
  15. Wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadlay dagaal ka dhacay deegaanka Widh Widh July 19th, 2010 Comments Off Hargaysa, (Somaliland.org)-Wasiirka Gaashaandhiga Saleebaan Warsame Guuleed ayaa ka hadlay weerar ay xalay ku soo qaadeen kooxda Somaliland-diidka ah ee isku magacawday SSC ciidamada qaranka Somaliland waxaanu wasiirku sheegay in kooxdaasi ay xalay goor dambe weerarkaa soo qaadeen isagoo tilmaamay inay ciidamada Somaliland iska caabiyeen ”Xalay kowdii ilaa labadii ayaa kooxdaas nabadiid ahi waxa ay weerar ku soo qaadeen Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda Widhwidh, hase ahaatee Ciidanku wuu ka war helay oo wuu iska caabiyey isla saaka todobadii markii ay saacadu ahayd ayay haddana weerar kale soo qaadeen, halkaas dagaal ayaa ka dhacay oo Ciidanka Qaranka halka Askarina wuu ka dhintay mid kalena wuu kaga dhaawacmay” ayuu yidhi wasiirku waxaanu intaa raaciyey “Waxa weeye Ciidanku shacabkiisii ayuu la degan yahay, waxaa waajib ah inuu shacabkiisa u tudho.” waxa ay Saraakiisha Ciidanku na soo gaadhsiiyeen inay qabteen tiro ka mid ah Maleeshiyadii soo duushay, oo ay si nabad gelyo ah u hayaan.” Wasiirku waxa sheegay in khasaaraha dagaalka ay gadaal ka soo gudbin doonaa, isla markaana waxa uu tilmaamay inay dagaalkii istaagay oo hadda aanu wax dagaal ahi socon. Somaliland.org Wararka Somaliland
  16. when did i say i was dhiigyo cab lol And rayaale is still in power for the next coming week
  17. ^^ adigu ma afkago xiidhan baad hadasha shaw khusuusigu waba dhagool
  18. Djibouti country flag Somaliland country flag ONLF regional flag pirate flag of somalia Al shabaab flag
  19. What you want contradicts with what the people of sool want you’re a diaspora member, and we know how diaspora members feel
  20. Laascanood was a no go zone daily killings between rival clans when the pirate state was running it prisoners being taken from laascanood to garowe and being slaughtered inside garowe. Somaliland brought the peace and stability and the law and order back to the milky town . and also regional development when somaliland significantly raised its tax with 2%. i am keeping the peace and order but the insurgents they are the one who want war and misery in the region and all the Somaliland army is doing is to protect the people of Somaliland from these nabaddiids that’s not hard to understand is it?
  21. A khadar the people of sool are peace loving people and the flag I posted is their flag
  22. No my friend those who I am fighting are the terrorist and their main objective is to disturb the peace in the region before they started their insurgency the place was the most peaceful part of Somaliland
  23. Originally posted by A_Khadar: Isu nacamleeye, It's worth no respond.. SSC destiny is the blue flag and free of SNM militia from their towns... While that destiny is achieved, feel free to post all your gags in here.