-
Content Count
29,829 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Horta how big is this atam guys Militia
-
^^ sxb fix your home i am not hoping bad for puntland i am not xaasid sxb
-
Diyaar-garawga Munaasibadda Berrito lagu dhaarinayo, xilkana uu kula Wareegayo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland oo si weyn Hargeysa looga dareemayo posted by: mursal Hargeysa(Togaherer.com):- Guddiga qaban-qaabada Xafladda ay xilka kulak ala wareegayaan Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynaha talada sii hayey Daahir Rayaale, ayaa maanta bilaabay qaybinta kaadhadhka lagu macsuumayo Masuuliyiinta iyo marti-sharafta loogu talagalay inay ka qaybgalaan Xafladdaasi oo Berri ka dhici doonta xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxa Caasimadda dalka si weyn looga dareemayaa tan iyo maanta dhaqdhaqaaqa loogu diyaar-garoobayo Munaasibaddaasi. Inkasta oo aanay hore Xafladdan oo kale Somaliland u soo marin oo aanay ka dhin Munaasibad ay xilka kula kala wareegayaan laba Madaxweyne oo mid waliba doorashada codka shacabka ku yimi, haddana illaa hadda waxay wararku sheegayaan inay hawluhu u socdaan si habsami ah, iyada oo ay hawsha soo diyaariyeen Guddi uu qaban-qaabada Munaasibaddaas u magacaabay Madaxweynaha shaqada ka tagaya Daahir Rayaale Kaahin oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweyne ku-xigeenka shaqada ka tagaya Axmed Yuusuf Yaasiin. Wufuud culcul oo ka kala socda waddamada Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Safaarado, qaar ka mid ah Wakiillada waddamada qaadhaan-bixiyayaasha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taakuleeya hannaanka dimuquraaddiyada iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan Xafladda ay labada Madaxweyne 27-ka Julay oo ku beegan Salaasada maalinta Berri ah, taasoo xil-wareejinta ka sokow lagu dhaarin doono Madaxweynaha la doortay Md. Siilaanyo, ayaa waxa lagu qaban doonaa qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa. Hase ahaatee, illaa hadda waxa Hargeysa xalay soo gaadhay Wefti culus oo ka socda dalka Jabuuti, halka Wufuudda kale la filayo caawa illaa subaxnimada aroorta inay Hargeysa soo gaadhaan. Si kastaba ha ahaatee, maalmihii ugu dambeeyey, ayaa hawlaha loogu diyaar-garoobayo Munaasibaddaas si weyn looga dareemeyey Caasimadda Hargeysa, isla markaana waxa aad loo adkeeyey guud ahaanba nabadgalyada magaalada, gaar ahaan Madaxtooyada iyo nawaaxigeeda, sidoo kalena waxa maalmihii ugu dambeeyey si weyn looga shaqeeyey bilicda aqalka Madaxtooyada iyo jaarkeeda, iyada oo dib u habayn iyo dayac-tir koobanna lagu sameeyey jidka isku xidha Madaxtooyada iyo guriga uu degan yahay Madaxweynaha la doortay ee Hargeysa, waxa la caddeeyey Wajahadda hore ee Madaxtooyada, guryo ku hareeraysan iyo kuwo ka soo horjeeda, si bilicda agagaarka qasrigu u noqdo mid ifaya oo ka duwan sidii hore. Togaherer.com Hargeysa/Somaliland
-
TFG Commerce Minister Supports Puntland War Against Terrorism
Xaaji Xunjuf replied to Cowke's topic in Politics
^^ soodigi ku heesi jiray ku dayo ku dayo puntland -
Originally posted by A_Khadar: Kuwan somalidiidka ahi likes to be visible and noted.. War dad Somali baa dhiigooda daadanayaaye ha loo duceeyo inuu kala qaboojiyo... you call us somalidiid at the same time u want us inanu somali u baroortamno war halkay salaadu iska qabsan laadahay
-
puntland awalba tiir adag kuma tagnayn
-
SSDF Clan Media Outlets Fabricate a Fake Victory
Xaaji Xunjuf replied to Xudeedi's topic in Politics
Xudeedi does this mean you’re are against rat teeth your one minister hero -
Sanaag-Dagaalo Culus Oo Ka Dhex Qarxay Cidanka Puntland Iyo Al-Shabab Erigavo(TVSLE)-Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaad ka amar qaata wadaadka lagu magacaabo Shiikh Maxamed Siciid Attam ayaa saaka waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degaanka Karin iyo Laag ee gobolka Bari, isla markaana ah meel aan wax badan ka fogeyn magaalada Bosaso. Iska hor imaadka ayaa dhacay subaxnimadii hore ee saaka, waxaana weerar gaadmo ah ciidanka Puntland la beegsadey kooxda ka amarqaadatada Shiikh Attam kuwaas oo xiriir la leh xarakada al-shabaab ee ka dhisan Koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la ogyahay ayaa waxaa ku dhintey dagaalka saddex askari iyadoo ay ku dhaawacmeen shan kale,waxaana dhamaantood lasoo gaarsiiyey Isbitaalka weyn ee magaaladda Bosaaso. Khasaaraha gaaray maleeshiyada weerarka soo qaaday ayaa ah mid aan la ogeyn. Dhanka kale Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay nin jidka laamiga ah dhinaceeda ku aasayey walxa qarxa saaka gudaha magaaladda Bosaaso. Goobta uu ninkaas ku aasayay walxa qarxa ayaa waxaa ay ku taalla agagaarka Masjidka Faadumo ee wadada laamiga,waxaana la dhigay xabsiga iyadoo laamaha amniga ay baaritaan ku wadaan isla markaana aan wax faahfaahin ka bixinin. Wadada laamiga ayaa waxaa xilligaas maraayay ciidan gurmad ah oo kusii jeeday halka uu iska horimaadka ka dhacay. Xaaladda Gobolka Bari ayaa u muuqata mid aad u kacsan, oo xaalad dagaal ah ciidamada ka amarqaata wadaadka Shiikh Maxamed Siciid Attam ee xiriirka la leh al-Shabaab oo horey loo aaminsanaa in ay Bosaso ka fuliyaan weeraro gaadmo ah ayaa hadda u beddalay hawlgaladoodi weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana ay tani muujineysaa awoodda ay ku leeyihiin Buuraha ku gadaaman Magaalada Bosaso. Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu sheegay in al-shabaab ay ku sugan yihiin gudaha Puntland isla markaana ay isku urursadeen buuraha Gobolka Bari, waxaa dhan walba ka jira ciidankeena, dhawaana dagaal ayaan ku qaadeynaa ayuu yiri Faroole mar uu la hadlaayey warbaahinta, inkasta oo dagaalkii iyo gacanqaadkii ay la hormareen, malayshiyadii isku urursatey buuraha gobolka Bari ee uu hoggaamiyo Shiikh Attam
-
^^ Cowke leave abtiga alone lol
-
Cowke give us the latest news how bad are the casualties on both sides and do you think ilka jiir can make a real difference
-
5 killed in fighting in Somalia July 26, 2010 - 11:39am World News War papers leak shock Afghanistan, upset Pakistan 5 killed in fighting in Somalia Canada imposes tougher sanctions against Iran Iran's opposition leader warns rulers could topple Khmer Rouge jailer faces 19 years for 16,000 dead More PrintEmail MOGADISHU, Somalia (AP) - Security and medical officials in Somalia say five people have been killed in fighting between security forces and a militia with links to al-Qaida. Col. Ahmed Yasin, a security official in the semi-autonomous state of Puntland, said al-Shabab militants attacked Puntland troops Monday but that security forces repelled the attack and killed five insurgents. Yasin did not say how many government forces were wounded or killed. Puntland President Abdurahman Mohamed Farole said that an arms dealer named Mohamed Atom has been operating near the town of Bosasso and militants associated with the dealer attacked security forces. Atom has been singled out by the U.N. Security Council for supplying arms to al-Shabab. (Copyright 2010 The Associated Press. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.)
-
Madaxweyne Faroole: Reer baadiyaha, Dumarka &Dalalka Deriska ah Ha soo Galeen dagaalka Monday, July 26, 2010 Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/raxamaan Sh Maxamed Faroole ayaa maanta ka hadlay dagaaladii ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso. Dagaaladan oo u dhexeeyey ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo kuwo ka amar qaata wadaad ka soo jeeda deeganada Puntland oo lagu magacaabo Sh Atam. Faroole oo weji cadho badan ka muuqato ku qaybtay shir jaraa'id ayaa wuxuu si kulul uga hadlay dagaalkii maanta. Wuxuu sheegay Faroole in dagaalkaasi ay soo qaadeen argagixiso caalami ah oo uu ula jeeday ciidamada Sh Atam. "Waa nala soo weeraray sidii sanadihii 1992 Gaalkacayo iyo bariba loo soo weeraray" waxaan ugu baaqaya caalamka, Reer baadiyaha ,Dumarka Dalalka deriska ah in ay dagaalkan ka qayb qataan ' Dagaalkani ma saameyn doono PL keliya ee wuxuu wada saameyn dalalaka mandaqada oo dhan" ayuu yidhi Faroole. Wuxuu sheegay in ay wax iska dhiciyeen walow uu u muuqday Madaxweynuhu in la muquuniyey marka loo eego baaqyada uu dirsanyo. Dalalka deriska ah ayaa loo fasirtay dalka Itoobiya, taasoo cawaaqib xumo keenaysa hadii Itoobiya soo gasho ciida umada Soomaaliyeed. Waxaana la hubaa in dagaalku uu sal balaadhnaan doono hadii ay soo galan ciidanka Itoobiya deeganada. Faroole wuxuu sheegay in uu jiida dagaalka u direy Col: C.Samad cali shire oo ah Mdaxweyne ku xigeenka Puntland. Wuxuu sheegay in ay dagaalka si weyn u hogaamin doonaan madaxdu, Madaxweyne faroole ayaa maanta u hadal ekaa nin la dagaalamaya Dawlad quwad weyn, waxaana la sheegay in arintan ay keentay markii maanta dagaalkii ahaa looga itaal roonaadey ciidanka Puntland oo la sheegay in ay ka koobnaayeen beesha madaxweynahu ka soo jeedo. Horufadhi.com
-
Gen Ilkajir With Soldiers Arrive In Qardho Heading To Bossaso
Xaaji Xunjuf replied to Cowke's topic in Politics
Well then make sure they don’t conquer your commercial capital city cause it seems they are a BIG BIG threat to Puntland , you can’t compare this to ssc who are in the bush with these guys -
Gen Ilkajir With Soldiers Arrive In Qardho Heading To Bossaso
Xaaji Xunjuf replied to Cowke's topic in Politics
This atam guy is really a heavyweight I don’t think rat teeth can change anything it’s better for puntland to negotiate with this lad -
Laag(AllPuntland)- Wararka laga helayo deegaanka Karin iyo Laag oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa sheegaya in saakay maliishiyo ka amar qaata Wadaadka la yiraahdo Sheekh Maxamed Saciid Atam ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen xarun ciidamada Daraawiishta Puntland ku sugnaayeen, kuwaasi oo isu diyaarinayay in ay howlgalo ka fuliyaan buuraha Galgala oo xarun u ah maliishiyadaasi weerarka soo qaaday ee taabacsan Ururka Al-Shabaab. Wararka laga helayo dagaalkaasi ayaa waxay sheegayaan in Sadax askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ay ku dhinteen halka Shan kale ay ku dhaawacmeen waxaana la keenay dhaawacyadaasi isbitaalka magaalada Boosaaso oo lagu daweynayo, halka khasaaraha dhinaca kale aan war laga heyn. Wax war ah kama soo bixin maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi, hase ahaatee magaalada Boosaaso ayaa waxaa laga dareemayaa abaabul dagaal oo maamulku ku doonayo in uu halkaasi u diro ciidamo xoogan oo wax ka qabta mushkilada ka taagan. Dhinaca kale ciidamada amaanka ayaa saakay ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan qof Miino nooca gacanta laga hago ku aasayay wadada Laamiga oo ay isticmaalayeen gaadiid gurmad ah oo ku socday goobta dagaalka ka qarxay, ninkaasi oo la dhigay saldhiga booliska degmada Boosaaso. Madaxweynaha DGPL C/raxmaan Faroole ayaa horay u sheegay in buuraha Galgala ay ku sugan yihiin kooxo Argagixiso ah oo gacan saar la leh Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Konfurta Soomaaliya, isla markaana ay ka sifeyn doonaan Puntland kooxahaasi. Cali Muxiyaddiin AllPuntland News
-
Ciidamo Taabacsan Shiikh Atam oo Weerar Ku Qaadey Goob Ay Deganaayeen Ciidanka Daraawiishta Puntland July 26, 201013 comments| leave your own!Iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Dawladda Puntland iyo Maleeshiyaad ka amar qaata wadaadka lagu magacaabo Shiikh Maxamed Siciid Attam ayaa saaka waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degaanka Karin iyo Laag ee gobolka Bari, isla markaana ah meel aan wax badan ka fogeyn magaalada Bosaso. Iska hor imaadka ayaa dhacay subaxnimadii hore ee saaka, waxaana weerar gaadmo ah ciidanka Darwaaiishta la beegsadey kooxda ka amarqaadatada Shiikh Attam kuwaas oo xiriir la leh xarakada al-shabaab ee ka dhisan Koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la ogyahay ayaa waxaa ku dhintey dagaalka saddex askari iyadoo ay ku dhaawacmeen shan kale,waxaana dhamaantood lasoo gaarsiiyey Isbitaalka weyn ee magaaladda Bosaaso. Khasaaraha gaaray maleeshiyada weerarka soo qaaday ayaa ah mid aan la ogeyn. Saraakiisha Booliska oo aan xirriro kala duwan la samaynay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan iska horimaadka oo faahfaahin ka bixinin. Dhanka kale Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay nin jidka laamiga ah dhinaceeda ku aasayey walxa qarxa saaka gudaha magaaladda Bosaaso. Goobta uu ninkaas ku aasayay walxa qarxa ayaa waxaa ay ku taalla agagaarka Masjidka Faadumo ee wadada laamiga,waxaana la dhigay xabsiga iyadoo laamaha amniga ay baaritaan ku wadaan isla markaana aan wax faahfaahin ka bixinin. Wadada laamiga ayaa waxaa xilligaas maraayay ciidan gurmad ah oo kusii jeeday halka uu iska horimaadka ka dhacay. Xaaladda Gobolka Bari ayaa u muuqata mid aad u kacsan, oo xaalad dagaal ah ciidamada ka amarqaata wadaadka Shiikh Maxamed Siciid Attam ee xiriirka la leh al-Shabaab oo horey loo aaminsanaa in ay Bosaso ka fuliyaan weeraro gaadmo ah ayaa hadda u beddalay hawlgaladoodi weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana ay tani muujineysaa awoodda ay ku leeyihiin Buuraha ku gadaaman Magaalada Bosaso. Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu sheegay in al-shabaab ay ku sugan yihiin gudaha Puntland isla markaana ay isku urursadeen buuraha Gobolka Bari, waxaa dhan walba ka jira ciidankeena, dhawaana dagaal ayaan ku qaadeynaa ayuu yiri Faroole mar uu la hadlaayey warbaahinta, inkasta oo dagaalkii iyo gacanqaadkii ay la hormareen, malayshiyadii isku urursatey buuraha gobolka Bari ee uu hoggaamiyo Shiikh Attam. Horseed Media
-
Maleeyshiyo la Aaminsan yahay In ay Xirir la leeyihiin Al-shabaab oo uu horkacaayo Sh.Attam oo saaka Weerar ku soo qaaday Ciidama Puntland Gudaha Magalada Bosaso. posted by: editor Iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Dawladda Puntland iyo Maleeshiyaad ka amar qaata wadaadka lagu magacaabo Shiikh Maxamed Siciid Attam ayaa saaka waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degaanka Karin iyo Laag ee gobolka Bari, isla markaana ah meel aan wax badan ka fogeyn magaalada Bosaso. Iska hor imaadka ayaa dhacay subaxnimadii hore ee saaka, waxaana weerar gaadmo ah ciidanka Darwaaiishta la beegsadey kooxda ka amarqaadatada Shiikh Attam kuwaas oo xiriir la leh xarakada Al-shabaab ee ka dhisan Koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la ogyahay ayaa waxaa ku dhintey dagaalka saddex askari iyadoo ay ku dhaawacmeen shan kale,waxaana dhamaantood lasoo gaarsiiyey Isbitaalka weyn ee magaaladda Bosaaso. Khasaaraha gaaray maleeshiyada weerarka soo qaaday ayaa ah mid aan la ogeyn. Saraakiisha Booliska ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan iska horimaadka oo faahfaahin ka bixinin. Dhanka kale Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay nin jidka laamiga ah dhinaceeda ku aasayey walxa qarxa saaka gudaha magaaladda Bosaaso. Goobta uu ninkaas ku aasayay walxa qarxa ayaa waxaa ay ku taalla agagaarka Masjidka Faadumo ee wadada laamiga,waxaana la dhigay xabsiga iyadoo laamaha amniga ay baaritaan ku wadaan isla markaana aan wax faahfaahin ka bixinin. Wadada laamiga ayaa waxaa xilligaas maraayay ciidan gurmad ah oo kusii jeeday halka uu iska horimaadka ka dhacay. Xaaladda Gobolka Bari ayaa u muuqata mid aad u kacsan, oo xaalad dagaal ah ciidamada ka amarqaata wadaadka Shiikh Maxamed Siciid Attam ee xiriirka la leh Al-Shabaab oo horey loo aaminsanaa in ay Bosaso ka fuliyaan weeraro gaadmo ah ayaa hadda u beddalay hawlgaladoodi weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana ay tani muujineysaa awoodda ay ku leeyihiin Buuraha ku gadaaman Magaalada Bosaso. Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland uu sheegay in Al-shabaab ay ku sugan yihiin gudaha Puntland isla markaana ay isku urursadeen buuraha Gobolka Bari, waxaa dhan walba ka jira ciidankeena, dhawaana dagaal ayaan ku qaadeynaa ayuu yiri Faroole mar uu la hadlaayey warbaahinta, inkasta oo dagaalkii iyo gacanqaadkii ay la hormareen, malayshiyadii isku urursatey buuraha gobolka Bari ee uu hoggaamiyo Shiikh Attam. Baashe Maxamed Bososo
-
War Deg-deg ah: Waftigii ugu Cuslaa ee Jamhuuriyada Jabuuti u soo Dirtay Xil Wareejinta Xukuumadaha Somaliland oo Galabta soo gaadhay Hargeisa. Wasiirka Warfaafinta Jabuuti ahna Afayeenka Dawlada Jabuuti oo Warbaahinta ugu Waramayay Qolka nasashada ee Madaarka hargeisa Daawo Sawirada Hargeisa (GNS)-Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyada jabuuti Cali Cabdi Faarax ayaa galabta ka soo Degay Madaarka Caasimada hargeisa ee Cigaal International Airport,Waftigaasi oo ka koobnaa 16 xubnood oo isugu jiray laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Jabuuti, Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka jabuuti iyo Xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka iyo Xukuumada jabuuti. Waftigaasi oo si Diiran loogu Soo dhaweeyay Madaarka hargeisa ayaa Waxaa soo Dhawayntooda ka Qayb Galay Masuuliyiinta Xukuumada Cusub oo uu hogaaminayo Dr.Maxamed C/laahi Cumar, Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Talada ka sii Degaysa, Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland,Salaadiinta iyo Cuqaal tiro badan oo reer somaliland ah, iyo Marti Sharaf kale oo Tiro badan. Wasiirka Warfaafinta Jabuuti ahna Afayeenka Dawlada Jabuuti oo Warbaahinta ugu Waramayay Qolka nasashada ee Madaarka hargeisa ayaa sheegay inuu Hambalyo ka sido Madaxwayne Ismaaciil Cumar geele iyo Shacabka Reer Jabuuti, Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Somaliland u yimaadeen inay ka Qayb galaan Xafladda Xilwareejinta Xukuumadii hore iyo Ta Cusub ee Dadka reer somaliland soo doorteen. Mudane Cali Cabdi Faarax Waxa uu Somaliland ku hambalyeeyay Qaabkii wanaagsanayd ee Doorashada somaliland u dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee Masuuliyiinta Axsaabtu isugu hambalyeeyeen Guushii Doorashada madaxtinimada Somaliland. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay la soo jeedeen Shicibka reer somaliland wakhtigii doorashadu socotay, kana war hayeen ilaa intii lagu dhawaaqayay, waxaanu intaasi raaciyay in la farxeen kuna Faraxsanyihiin sida Walaaltinimada leh ee loogu soo dhaweeyay Caasimada somaliland ee Hargeisa. Wasiirka Arimaha Dibada somaliland C/laahi Maxamed Ducaale iyo Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed C/laahi oo ku kala hadlayay Afka Xukuumada Madaxwayne Rayale iyo Xukuumada Cusub ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa halkaasi ka jeediyay kalmado soo dhawayn ah, Waxaanay ka warameen Xidhiidhka labada Dawladood ee walaaltinimada ah. Waftigan oo Casuumad Rasmi ah ka helay Madaxwaynaha la Doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sida uu Gabiley News u Xaqiijiyay Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga KulmiyeDr.Maxamed C/laahi Cumar ayaa Noqonaya Waftigii ugu Cuslaa ee Dawlada jabuuti usoo dirto somaliland, isla markaana waftigii ugu horeeyay ee ka yimaada wadamada jaarka ee ka qayb gal Xilwareejinta Xukuumadaha Somaliland.
-
Somaliland: Preparations for the Inaguration of the New President
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
pics and videos http://www.youtube.com/watch?v=CfAVgcVRm8Q&feature=player_embedded#! http://www.youtube.com/watch?v=BeKGLe5V8aQ&feature=player_embedded#! -
African democracy Rating the economist 2010
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Thankful Somaliland its self-went through all those difficulties colonialism Cold war the struggle of re-establishing the state of Somaliland in 1991.The real democratisation of the country started from 2001, after the referendum . A flawed democracy implies in a way that there is somewhere around globe a flawless democracy as there is somewhere in the world an undamaged culture a traditional cultural strong united group who have their ups and downs , or are we just that unique or perhaps we are Just hard working Somalilanders. While our neighbours are totally failures when it comes to Democracy. -
Somaliland: Preparations for the Inaguration of the New President
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
War Deg-deg ah: Waftigii ugu Cuslaa ee Jamhuuriyada Jabuuti u soo Dirtay Xil Wareejinta Xukuumadaha Somaliland oo Galabta soo gaadhay Hargeisa. Wasiirka Warfaafinta Jabuuti ahna Afayeenka Dawlada Jabuuti oo Warbaahinta ugu Waramayay Qolka nasashada ee Madaarka hargeisa Hargeisa (GNS)-Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyada jabuuti Cali Cabdi Faarax ayaa galabta ka soo Degay Madaarka Caasimada hargeisa ee Cigaal International Airport,Waftigaasi oo ka koobnaa 16 xubnood oo isugu jiray laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Jabuuti, Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka jabuuti iyo Xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka iyo Xukuumada jabuuti. Waftigaasi oo si Diiran loogu Soo dhaweeyay Madaarka hargeisa ayaa Waxaa soo Dhawayntooda ka Qayb Galay Masuuliyiinta Xukuumada Cusub oo uu hogaaminayo Dr.Maxamed C/laahi Cumar, Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Talada ka sii Degaysa, Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland,Salaadiinta iyo Cuqaal tiro badan oo reer somaliland ah, iyo Marti Sharaf kale oo Tiro badan. Wasiirka Warfaafinta Jabuuti ahna Afayeenka Dawlada Jabuuti oo Warbaahinta ugu Waramayay Qolka nasashada ee Madaarka hargeisa ayaa sheegay inuu Hambalyo ka sido Madaxwayne Ismaaciil Cumar geele iyo Shacabka Reer Jabuuti, Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Somaliland u yimaadeen inay ka Qayb galaan Xafladda Xilwareejinta Xukuumadii hore iyo Ta Cusub ee Dadka reer somaliland soo doorteen. Mudane Cali Cabdi Faarax Waxa uu Somaliland ku hambalyeeyay Qaabkii wanaagsanayd ee Doorashada somaliland u dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee Masuuliyiinta Axsaabtu isugu hambalyeeyeen Guushii Doorashada madaxtinimada Somaliland. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay la soo jeedeen Shicibka reer somaliland wakhtigii doorashadu socotay, kana war hayeen ilaa intii lagu dhawaaqayay, waxaanu intaasi raaciyay in la farxeen kuna Faraxsanyihiin sida Walaaltinimada leh ee loogu soo dhaweeyay Caasimada somaliland ee Hargeisa. Wasiirka Arimaha Dibada somaliland C/laahi Maxamed Ducaale iyo Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed C/laahi oo ku kala hadlayay Afka Xukuumada Madaxwayne Rayale iyo Xukuumada Cusub ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa halkaasi ka jeediyay kalmado soo dhawayn ah, Waxaanay ka warameen Xidhiidhka labada Dawladood ee walaaltinimada ah. Waftigan oo Casuumad Rasmi ah ka helay Madaxwaynaha la Doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sida uu Gabiley News u Xaqiijiyay Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga KulmiyeDr.Maxamed C/laahi Cumar ayaa Noqonaya Waftigii ugu Cuslaa ee Dawlada jabuuti usoo dirto somaliland, isla markaana waftigii ugu horeeyay ee ka yimaada wadamada jaarka ee ka qayb gal Xilwareejinta Xukuumadaha Somaliland. -
African democracy Rating the economist 2010
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Thankful the term flawed democracy is really bothering you right, and the term failed Somalia is not bothering you at all