Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,996
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Dagaal Xoogan Oo Saaka Barqanimadii ka Qarxay Buuraleyda Galgala Iyo Baabuur Laga Gubey Puntland Warkii 08-Aug-2010 iyo Qormadii: Xafiiska Muqdisho Wararka kaa imanaya buuraleyda Deegaanka Gal Gal ayaa sheegay in saaka barqanimadii uu ka bilowday dagaal xoogani oo u dhexeeya xoogaga islaamiyiinta ee uu hogaaminayo maxamed saciid Atam iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya iyo weliba ciidamada PIS-ta iyo weliba kuwa puntland oo dhinac ah ... Wararka ay ka helauyso shabakada afnugaal ayaa sheegaya in Gaadiid dagaal laga gubay Ciidamada puntland iyo kuwa PIS-ta kuwaasoo saaka barqanimadii weerar xoogan ku waaday deegaanka gal gala ee gobolka bari Sidoo kale qaar ka tirsan dadka shacabka degmada Galgala oo khadka telafoonka aan kula xiriirnay ayaa sheegay in dagaalku socdo waloow ay sheegeen in gawaari tikniko ah laga gubay ciidamada puntland islamarkaana ay ciidamada Mujaahidiinta ee uu Sheekh Atam horkacayo ay Jilibka u laabteen oo ilaa iminka la maqlayo Madaafiicda iyo Hugunka Rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayaan. Axmed weli oo kamid ah dadka deegaanka gal gal oo war siinayey warbvaahinta uqdisho ayaa sheegay Inay 5 Gaari gacanta ku dhigeen ciidamada sh ,atam oo kaashanaya dadka deegaanka halka Mid kamida gaadiidkaasi uu gubanyahay, qaar ka tirsan ciidamada puntland ahna ay ku go,doomeen buuraleyda gala gala Dhinaca kale Odayaasha deegaanka Galgala ayaa saxaafada u xaqiijiyay in madaxweyne Faroole uu si cad u diiday Wadahadallo lagu doonayay in lagu dhax dhaxaadiyo labada dhinac, ciidamada Faroolena uu ku weeraray deegaanada ku dhaw dhaw Galgala ayaa dhawaanahanba lagasoo daad guraynayay Garowe oo ah halka ay saldhiga ugu weyn ku leeyihiin ciidmada PIS –ta
  2. It’s too early to say who has the upper hand let wait for more development
  3. War Degdega Dagaal Qaraar oo Saaka Waaberkii ka bilaabmay Nawaaxiga Degaanka Maraje August 8, 2010 By admin Maraje:-Dagaalkan oo ay dulaankiisa markii hore soo qadeen ciidamada PSTa iyo kuwa Puntland ayaa Saaka 5Aroornimo si dhab ah uga bilaabma buuralayda Nawaaxigaasi ah,Waxaana Bosaso la soo gaadhsiiyey ilaa 30 Askari oo Dhaawacyo liita ah kuwaasi oo lugu dabiibayo cisbitalka Bosaso. Dagalka ayaa ilaa iminka soconaya waxaana dhacaya Hubka nociisa waawayn Ciidamada Puntland ee ku sugnaa Waddada Laamiga ayaa Qoryohooda iyagoo watakala baxay xaraaraha ama qararka buuraha ah ,Hase ahatee Waxaa Iyana Laamiga afka soo saaray oo Werarkooda xoojiyey kooxda shiikha oo iyagu wacad kumaray inay Buurta ay dagaal noocwalba ah oo lagaga soo qaado iska difaacayaan. Guud ahaan Magaalada Bosaso ayaa iyana Maanta Allbaabada loo laabay ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii gadiidka ee waddada laamiga gaar ahaan gudaha Magaalada Bosaso iyo Wadooyinka ka baxa. Maxamed Axmed Ciise Bosaso Dhahar Onlline Wixii faahfaahin ah saacadaha soo socda ayaan idiin soo gudbin donaa.
  4. Galgala:Warkii u danbeeyey ee Dagaalkii Galgala saaka ka Qarxay. 8. august 2010 APL FIKRAD iyo FALANQAYN KA DHIIBO WARKAAN, KU QOR FORM-KA DHAMAADKA WARKAAN YAAL Galgala:(Allpuntland)-Waxaa Sidii wararkii hore ee Allpuntland saaka idiin soo daabacday Dagaal culus oo aanan waxba la’iskula harinin uu saaka Abaare 6-dii Aroornimo si kulu uga bilowday Togga Suggure & Bali Khadar oo u dhexeeya Deegaanada Karin & Galgala ee gobolka Bari waxaana dagaalkani uu bilowday kadib markii ay dawlada Puntland si muquunin ay kujirto ay saaka uweerartay Goobaha Alshabaabka Puntland ee bari mudada dheer ku dhuumaalaysanayey. Dagaalkan oo Saacado badan socday islamarkaasna uu xoogiisu joogsaday wixii kadanbeeyey labadii Duhurnimo ee Maanta Saacada dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu geystay Khasaare aad u badan oo naf & Maal labadaba leh,waxaana qaarkamid ah Dadka Deegaanku ay APL u sheegeen in Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray Kooxdii Galgala oo lasheegey in Saraakiishoodii laga daadgureeyey halkii ay awal kusugnaayeen. Dagaalkan oo ay Ciidamada Puntland saaka labo Wajhadood ku weerareen islamarkaasna Weerar xoogan ugu qaaday Ciidanka Alshabaab ee uu hogaamiyo Wakiilka kooxdaas ee Puntland Maxamed Siciid Atam ayaa waxaa ay Xukuumadu sheegtay in kudhawaad 20-kamid ah Kooxdii Hogaamiye Atam ee halkaas ay dileen islamarkaasna dhaawac aad u farabadan & Jab ay gaarsiiyeen Ciidamadii fadhiyey Difaaca hore ee Buurta Galgala oo ay Puntland ciidankeedu imika u jiraan wax kayar 1-Km. Ciidamo aad u farabadan oo wata gaadiidka Miinooyinka saara ayaa ay Dawladu maanta duhurkii geysay Agagaarka Deegaanka galgala oo ay horay ujoogeen Ciidanka Alshabaab kuwaas oo ay dawladu ka shakisantahay in halkaas oo Difaac u ahayd Ciidamada Mucaaradka laga yaabo in miinooyin lageeyey,waxaana imika halkaas ka socda Miino Baaris ay ciidamadu wadaan. Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga dawlada Puntland ayaa siweyn looga dareemay Dagaalkan,waxaana maanta barqadii si wadajir ah hakad & Joogsiba looga dareemay Ganacsigii magaaladaas oo aanan in mudo ah Waqti maalin ah istaagin,imikase galabta ayaa meelaha qaar Ganacsigii caadi kusoo noqday. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  5. War Deg Deg Ah:Dagaal saaka ka bilowday Galgala. 8. august 2010 APL FIKRAD iyo FALANQAYN KA DHIIBO WARKAAN, KU QOR FORM-KA DHAMAADKA WARKAAN YAAL Boosaaso:(Allpuntland)-Waxaa Saaka markale uu dagaal xoogani ka qarxay Buuraha gobolka Bari gaar ahaan Deegaanka Galgala oo aanan waxbadan ujirin halkii uu Dagaalka culusi ka dhacay Labo todobaad ka hor,waxaana dagaalkani u dhexeeya Ciidamo xoogan oo katirsan kuwa dawlada Puntland & Malayshiyada Sheekh Atam oo in mudo ah halkaas ku dhuumaalaysanaysay. Dagaalkan oo saaka goor hore bilowday ayaanan weli lehelin Khasaaradiisa dhabta ah,balse Sarkiil katirsan Ciidamada dawlada Puntland ayaa APL u sheegey in Dagaalkan ay saaka iyagu qaadeen waxaana ay taas ku macneeyeen in laga fursan waayey islamarkaasna madaxda sare ee dawlada Puntland amartay Dagaalkan. Warar hoose oo ay APL dagaalka saaka ka helayso ayaa sheegaya in Ciidamo gaaraya 10-Askari oo dhaawac ah oo katirsan kuwa Puntland laga sooqaaday jiida dagaalka islamarkaasna loo soo dhaadhiciyey dhanka magaalada Boosaaso,waxaana ay wararku intaas ku darayaan in Ciidamada dawlada Puntland. Taliye sare oo katirsan Ciidanka Daraawiishta ee dawlada Puntland ayaa APL u sheegey in Dagaalka saaka ka hor ay ka horeeyeen Madaafiic ay ciidanka Puntland shalay galab ilaa xalay ku asqeeyeen Halka Difaaca u ah Ciidanka Sheekh Atam oo uu sheegey inay khasaaro xoogan gaarsiiyeen. Wixii war ah oo kasoo kordha Dagaalkan APL kala soco Daqiiqad kasta,Saacad kasta & Meel kastaba. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  6. Go'aamadii ka soo Baxay shirkii Xadhadhan oo Saxaafada loo akhriyey Maanta. Warkii 07-Aug-2010 iyo Qormadii: news Maalintii shalay waxaa Magaalada xadhadhan oo ilaa 30 km dhanka qorax u dhac kaga aadan magaaladda buuhoodle ka dhacay shir madaxdhaqameed. Kaas oo u dhexeeya madax dhaqameedyo ka kala socdey beelaha bariga Burco iyo waxgaradka deegaanka Buuhoodle. Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Garaad cabdilaahi Garaad soofe oo isugu jira, cuqaal, isimo, culima awdiin iyo waxgaradkale ayaa gaadhey maalintii shalay halkaas, kuwaasoo magalaadadda xadhahdhan kulan saacado qaatay kula yeeshay wafti kale oo isugu jira madax dhaqameedo, culimo iyo waxgrad kale oo kasoo jeedda beelaha bariga burco. Shirkan oo gundhigiisu ahaa adkaynta nabad gelyada ayaa laga soo saaray qodobo dhawr ah, Hadaba madax dhaqameedka kasocdey deegaanka gobolka cayn ee shirkaasi ka qayb galay ayaa waxay maanta shir ku qabteen magaaladda buuhoodle, kaasi oo ay warbaahinta ugu soo bandhigeen waxyaabihii kasoo baxay shirkaasi. Waxaana warbaahinta ka hor akhriyey qodobaddii shirka Caaqil Axmed Saalax Maxamed oo ka mid ahaa cuqaashii shirka ka qayb gashay. Iskusoo wada duuboo shirkan ayaaa ah kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan madax dhaqameedyadda kasoo kala jeedda buuhoodle iyo bariga burco.
  7. Shirkii Salaadiinta Gobolada Tog-dheer iyo Buuhoodle oo maanta la soo Geba-gabeeyay:- Shirkani oo maalmihii u danbeeyay ka socday deegaanka Xadhadhan ayaa ahaa shir qarsoodi ah kaasi oo mudadii uu socday... argaysa(GNS):- Salaadiin,cuqaal,garaado iyo wax garad ka kala socday gobolada Togdheer iyo Buuhoodle oo uu maalmihii u danbeeyay shir uga socday degaanka la yidhaahdo Xadhadhka oo ku yaala inta u dhaxaysa Coodanle iyo Buuhoodle ayaa la soo geb-gabeeyay shirkoodii iyaga oo ka soo saaray go,aamo,kana warbixiyay waxyaabihii uu ku saabsanaa shirkaasi. Shirkani oo maalmihii u danbeeyay ka socday deegaanka Xadhadhan ayaa ahaa shir qarsoodi ah kaasi oo mudadii uu socday aanay labada dhinac ee ka qayb gelayay mid koodna ka hadal waxyaabaha uu ku saabsanaa iyo u jeedadiisa intii uu socday.shirkaasi oo maanta soo dhamaaday ayaa waxa faah-faahin ka bixiyay qaar ka mid ahaa Salaadiintii ka qayb galay shirkaasi ee ka kala socday labada dhinac. Suldaan Siciid Cusman Cali oo ka mid ahaa salaadiinta ka qayb gashay shirkaasi Xadhadhan kana mid ahaa salaadiinta ka socotay dhinaca Buuhoodle oo u waramayay laanta Afka somaliga ee Idaacada BBC-da ayaa ugu horayn ka waramay u jeedada shirkan ay u qabteen wakhtigan iyo waxa uu ku saabsanaaba,waxana uu Suldaanku sheegay in shirkani ay ku yeesheen deegaanka Xadhadhan aanu la xidhiidhin wax siyaasada,balse ay kaga hadlayeen arimo nabad geliyo. kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen sidii loo xalin lahaa wixii dhibaatooyin ah ee ka jira deegaanka buuhoodle iyo ciidamada somaliland ee jooga deegaanadaasi, iy sidii looga soo qaadi lahaa deegaanka isaga oo xusay Suldaanku in ay arintani muddo ku hawlanaayeen salaadiin,cuqaal iyo wax garad ka kala socday dhinacyada Tog-dheer iyo Buuhoodle.isaga oo Suldaan Siciid sheegay in ay arintani nabadayn wadeen muddo badan ilaa xukuumadii madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin markii ay dhalatay xukuumada Madax wayne Siilaanyana uu gacan ka siiyay sidii arimahaasi xal loogu heli lahaa,ee nabad loogu dhamayn lahaa. Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo ka mid aha salaadiinta ka socday dhinaca Tog-dheer kana qayb galay shirkaasi lagu soo geb gabeeyay deegaanka Xadhadhan oo isna u waramay BBc-da laaneeda Af-somaliga isaga oo jooga mgaalada Burco ayaa faah-faahin ka bixiyay waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee ay shirkaasi kaga hadlayeen iyo go,aamada ka soo baxay ee ay isla afgarteen labada dhinac,isaga oo sheegay Suldaan Maxamuud in shirkani uu ku soo dhamaaday is afgarad ay cuqaashii iyo wax garadkii ka kala socday labada dhinac isla qaateen . iyo in wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada tashi si ay bulshada deegaanadaasi ugu wada noolaadaan nabad geliyo iyo walaal tinimo. Khadar Cabdi Muuse Gabiley News Desk Hargeisa Somaliland
  8. Oodweyne do you also know the Minister of commerce & tourism of sl Mr Abdirisaaq khalif Axmed AMM appointed was the one who funded the ceremony of garaad jamac garaad ismacil L.A.
  9. Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Xarunta Chatham House Ka Jeediyey Khudbad Ka Hadlaysa Guulihii Ay Somaliland Ka Soo Hoysay Doorashadii Madaxtooyada Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa khudbad ka jeediyay xarunta Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee loo yaqaano Chatham House ee ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu sharaxaad dheer kaga bixiyey qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxtooyada iyo sida ay Somaliland uga baahan tahay in ay ka hesho Aqoonsi caalamiga Beesha Caalamka. Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo booqashadiisii ugu horeysay tan iyo markii la magacabay ku jooga wadanka Ingiriiska, ayaa xarunta Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee Chatham House kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye ah, cilmibaadhayaal, khabiiro ka faallooda siyaasada Geeska Afrika, suxufiyiin iyo saraakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska iyo marti sharaf kale,kuwaas oo uu u sharaxay qaabkii Somaliland ay uga dhacday doorashadii madaxtooyadu. Dr. Maxamed Cabdillahi ka hadlay sidii nabadgalayada iyo xalaasha ahayd ee ay doorashadii madaxtooyada Somaliland dalka uga dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee awoodda loo wareejiyay oo ku tilamaamay in ay ahayd mid Somaliland u soo horaysay sumacda weyn Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalimiga ee Somaliland si dheer uga hadlay hawlaha culus ee horyaalla Xukuumadda cusub ee madaxweyne Axmed Siillaanyo,kuwaas oo ay ka mid yihiin qaar dhinaca nabadgelyada, dhaqaalaha, waxbarshada, Caafimaadka iyo biyaha,kuwaas oo uu dhamaantood sheegay in ay u baahan yihiin in lagu waajaho hawlagallo dawladeed oo deg deg. Wasiirku waxa uu sheegay in uu socdaal ku marayo waddamo ka mid ah Yurub oo gaadhsiinayo guulaha siyaasdadeed ee Somaliland ka gaadhay xagga doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, una soo qadimaayo bulshada caalmaka qorshyaasha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshi ee xukuumadda cususb ku wajahayso arrimaha horyaalla dalka iyo sidii loo kobcin lahaa iskaashi xagga nabadaalayda iyo horumurka ee ka dhexeeya Somaliland iyo dunida. berberapress.com
  10. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo ka hadalay xarunta Siyaasadda ee Chatham House Friday, 06 August 2010 09:09 Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamaed Cabdillahi Cumar, ayaa khudbad ka jeediyay xarunta Boqortooyada Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee loo yaqaano Chatham House ee ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska. Wasiirka oo ku jira boqashadiisi dibadda ee ugu horaysay tan iyo markii sida rasmiga ah loogu magacaabay jagada Wasiirka Arrimhaa Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalailand, waxaa uu shalay xarunta Chatham House kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye, cilmibaadhayaal, khabiiro ka faallooda siyaasada Geeska Afrika, suxufiyiin iyo saraakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska iyo marti sharaf kale. Waxaa uu Dr. Maxamed Cabdillahi ka hadlay sidii nabadgalayada iyo xalaasha ahayd ee ay doorashadii madaxtooyada Somaliland dalka uga dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee awoodda loo wareejiyay oo ku tilamaamay mid “Sumad gaar ah ku astaysan marka la eego doorashooyinka ka dhaca waddamada soo koraaya ee aan wali dhaqanka dimuqraadiyadu ku xididaysan” waa sida uu hadaalka u dhigaye. Waxaa kale oo wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalimiga ee Somaliland si dheer uga hadlay hawlaha culus ee horyaalla maamulka cusub ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo ku tilaamay “hawlo baaxad wayn leh oo iskaashi caalami ah u baahan”. Waxayne hawlahani isguga jiraan ayuu yidhi “kuwa nabaadgalyo, baahi biyo, caafimaad, waxbarasho iyo dhaqaale”oo dhmmaantood u baahan hawlagallo dawladeed oo deg deg. Waxaa kale oo uu Dr. Maxamed tibaaxay qorshayashaayasha dawladoodu ay ku wajahayso wax ka qabashada baahida dalka ee uu ka hadalay. Wuxu soo jeediyay qorshayaal muujinaaya qaabka dawladoodu ku talo jirtay inay wax kaga qabato arrimahan oo tabanaaya dhinacyo kala duwan. Dr. Maxamed oo intii aanu ka soo duulin magaaladda Hargaysa wuxuu kula shiray Qasriga Madaxtooyada Somaliland wafti culus oo ka socday deeqbixiyayaasha caalamka, madaxda bangiga adduunka iyo madaxda hay’adaha UN ta, Wasiirku wuxuu ii sheegay in uu socdaal ku maraayo waddamo ka mid ah Yurub oo u gaadhsinaayo guulaha siyaasdadeed ee Somaliland ka gaadhay xagga doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, una soo qadimaayo bulshada caalmaka qorshyaasha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee xukuumadda cususb ku wajahayso arrimaha horyaalla dalka iyo sidii loo kobcin lahaa iskaashiga xagga nabadaalayda iyo horumurka ee ka dhexeeya Somaliland iyo dunida. Wararka Wasiirka Cusub kala soco shabakadda Hadhwanaagnnews anagu idin soo gudbin doona hadba wixii ka soo kordha
  11. Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Xarunta Chatham House Ka Jeediyey Khudbad Ka Hadlaysa Guulihii Ay Somaliland Ka Soo Hoysay Doorashadii Madaxtooyada Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalimiga ee Somaliland si dheer uga hadlay hawlaha culus ee horyaalla ..... Hargeisa, (GNS) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa khudbad ka jeediyay xarunta Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee loo yaqaano Chatham House ee ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu sharaxaad dheer kaga bixiyey qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxtooyada iyo sida ay Somaliland uga baahan tahay in ay ka hesho Aqoonsi caalamiga Beesha Caalamka. Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo booqashadiisii ugu horeysay tan iyo markii la magacabay ku jooga wadanka Ingiriiska, ayaa xarunta Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee Chatham House kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye ah, cilmibaadhayaal, khabiiro ka faallooda siyaasada Geeska Afrika, suxufiyiin iyo saraakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska iyo marti sharaf kale,kuwaas oo uu u sharaxay qaabkii Somaliland ay uga dhacday doorashadii madaxtooyadu. Dr. Maxamed Cabdillahi ka hadlay sidii nabadgalayada iyo xalaasha ahayd ee ay doorashadii madaxtooyada Somaliland dalka uga dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee awoodda loo wareejiyay oo ku tilamaamay in ay ahayd mid Somaliland u soo horaysay sumacda weyn Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalimiga ee Somaliland si dheer uga hadlay hawlaha culus ee horyaalla Xukuumadda cusub ee madaxweyne Axmed Siillaanyo,kuwaas oo ay ka mid yihiin qaar dhinaca nabadgelyada, dhaqaalaha, waxbarshada, Caafimaadka iyo biyaha,kuwaas oo uu dhamaantood sheegay in ay u baahan yihiin in lagu waajaho hawlagallo dawladeed oo deg deg. Wasiirku waxa uu sheegay in uu socdaal ku marayo waddamo ka mid ah Yurub oo gaadhsiinayo guulaha siyaasdadeed ee Somaliland ka gaadhay xagga doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, una soo qadimaayo bulshada caalmaka qorshyaasha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshi ee xukuumadda cususb ku wajahayso arrimaha horyaalla dalka iyo sidii loo kobcin lahaa iskaashi xagga nabadaalayda iyo horumurka ee ka dhexeeya Somaliland iyo dunida. Gabiley News Desk London
  12. Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Beesha Caalamka u Gudbinaya Guulaha Dimuqraaiyadeed ee Somaliland ku Tallaabsatay London (Jam)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa khudbad ka jeediyay xarunta Boqortooyada Daraasadadda iyo Falaqaynta Siyaasadda Caalamka ee loo yaqaano Chatham House ee ku taalla magaalada London ee dalka Ingiriiska. Dr. Maxamed Abdillaahi Cumar oo booqashadiisii u horraysay ee dalka dibada uga baxo ku jooga dalka Ingiriiska, sida lagu baahiyey shabakada wararka ee Hadhwanaagnews.com waxa uu shalay xarunta Chatham House kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye, cilmibaadhayaal, khabiiro ka faallooda siyaasada Geeska Afrika, suxufiyiin iyo saraakiil ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska iyo marti sharaf kale. Waxaa uu Dr. Maxamed Cabdillaahi ka hadlay sidii nabadgalayada iyo xalaasha ahayd ee ay doorashadii madaxtooyada Somaliland dalka uga dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee awoodda loo wareejiyay oo ku tilamaamay mid sumad gaar ah ugu astaysan marka la eego doorashooyinka ka dhaca waddamada soo koraaya ee aan wali dhaqanka dimuqraadiyadu ku xididaysan. Waxaa kale oo wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalimiga ee Somaliland si dheer uga hadlay hawlaha culus ee horyaalla maamulka cusub ee Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo ku tilaamay inay yihiin hawlo baaxad wayn leh oo iskaashi caalami ah u baahan. Waxaanu wasiirka arrimaha dibeddu xusay in halwha horyaal xukuumada cusub oo ay ka mid yihiin kuwa nabaadgalyo, baahi biyo, caafimaad, waxbarasho iyo dhaqaale, kuwaasi oo uu xusay inay dhammaantood u baahan yihiin hawlagallo dawladeed oo degdeg. Waxaa kale oo uu Dr. Maxamed tibaaxay qorshayashaayasha dawladooda ay ku wajahayso wax ka qabashada baahida dalka ee uu ka hadalay. Wuxuu soo jeediyay qorshayaal muujinaya qaabka dawladoodu ku talo jirtay inay wax kaga qabatao arrimahan oo taabanaya dhinacyo kala duwan. Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar intii aanu toddobaadkan ka soo ka ambabixin magaalada Hargeysa, waxa uu qasriga madaxtooyada Somaliland kula shiray wefti culus oo ka socday deeqbixiyayaasha caalamka, madax ka socdau Banigga Adduunka iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay, isaga oo wasiirku xusay inuu socdaal ku marayo waddamo ka mid ah Yurub oo gaadhsiinayo guulaha siyaasdadeed ee Somaliland ka gaadhay xagga doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, una soo qadimaayo bulshada caalmaka qorshyaasha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee xukuumadda cususb ku wajahayso arrimaha horyaalla dalka iyo sidii loo kobcin lahaa iskaashi xagga nabadaalayda iyo horumurka ee ka dhexeeya Somaliland iyo dunida. Jamhuuriya Online
  13. Puntland oo Tirikoobaysa Masaajidada iyo Dugsiyadda Quraanka Dawlada Puntland ayaa maalmihii ugu danbeeyey waday tiro koob ay ku sameyneyso masaajidyada iyo dugsiyada quraan ee deegaanada Puntland. Wasiirka Cadaalada iyo dhaqan celinta Puntland Cabdi Khaliif Xaaji Xasan oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in Wasaarada Cadaalada Puntland ay tirakoob ku sameysay masaajidda iyo dugusiyo quraan oo kuyaala magaalooyinka Garowe,Galdogob iyo Gaalkacyo. Wuxuuna intaasi ku daray in sababta ka danbeysa tirakoobkaasi ay salka ku hayso sidii ay hubanti u noqon lahaayeen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin : 1 . In La mideeyo manaahijta 2 . In Aqoonsi lagu garto loo sameeyo macalimiinta dugsiyada. 3 . In Loo kuur galo nadaafada dugsiyada 4 . In Puntland ay hesho xasilooni,uusana imaana is qabqabsi …”Waxaan dooneynaa in Manaahijta layswaafajiyo sababtoo ah dalka dagaal diimeed ayaa ka socda,si aysan u dhiicin dhibaato iska hor Imaad ah….”ayuu yiri Wasiirka Cadaalada iyo Dhaqan Celinta Puntland ayaa sheegay in dhowaan ay filayaan in tirakoobyo kuwaasi oo kale ah ay ka sameyn doonaan masaajidada iyo dugsiyada quraan ee kuyaala magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso. Waxaana uu ku daray hadalkiisa in uu rajeynayo deegaanada kale ee Puntland ay tirakoobkaasi ka samayn doonaan,haddii buu yiri Wasaaradu ay dhaqaale u hesho. Si kastaba arrimahaan ayaa waxay ku soo beegmayaan xili dhowaan Wasaarada arrimaha gudaha Puntland ay ka dhawaajisay in tiro koob ay ku sameyn doonto macalimiinta wax ka dhigta deegaanada Puntland.
  14. So why did they deport the innocent civilians from Mogadishu and baydhabo? if they are killing eachother
  15. Duke murayaad weyn bu xidhanyahay
  16. Maya camo anigu ma cadhoodo anigu dhoola cadeynaya ayaan hadalka tuurta ,eeg somalidu waxabay isku raaci karayn waxaynu nahay labba quroomood oo kalla Mentality ah , wa halkay salaadu iska qabsan laadahay , Anigu qarranka iyo dumuqradiyada waxan u haysta inay tahay cadalaad sinaan beelaha ama umahada wadda dagan oo mustabalkood iyo ayahoodi ka tashaday idinkuna meesha waxba kuma haysin ,oo waxan ay somaliweyntan ay dhakadu idinku cadaadtay xita ina abdilla xassan marku leeyahay Somali ma oga dawga loo qadayo anigu waan ogahay wuxu uga jeeday , Qawmiyadisa isagu shakhsiyan u ku abtiirsado ayaa ina iimey ku hadhaysa ina bossaaso isbaarada bada u dhiganaysa ina ay gedo alshabaabku ku ciqaabayso isagu wu oga ina dhashi ina walanwal iyo ina igarre ayaa somaliland ugu talinaysa , faraski ina abdilla xassan na manta ayuu ii leeyahay reer somalilandow hanaga tagiina wa abaar la aantiin waleh anaga somaliweyn iyo wax la mid ah lanuguma siro . Walugu digta hadu ruux ku darnaan jiray bal daya waka wadaadki sii dabayshadeye
  17. Xiinfanin idinku qarrannmada waaxad u taqanin in dreys la xiidho iyo billada been been ah na la isku nabbo sarkaal la isku sheegto. La yidhahana hantida ummada qarranka ayaan ilaalinaya Musuq masaaq na abahood ad noqotiin, Anigu waxan ogahay nimanka aad ku leedihid wey sall fududyihin inay yihin ummad barakaysan eeh somaliland eeh og qaabka wax loo mamuulo iyo kala danbayn sharciyo xeer dhaqan dawladnimo , sabbab Ii dhe wax walba dallil bey leedahay oo marki anagu anu gooni isutaagi qarranka Somaliland la so noqonay markay bishi ahayd kun sagaal boqol iyo kobiyo sagaashanki , Somaliland way hana qaaday heer qaran heer dawlad heer dimuqradiyad dawladii ama dalki somaliya eeh anu kala noqonay isutagi midwogi Somalia kun sagaal boqol iyo lixdanki maaanta taako kamaa joogto gebigeedi ba way budhudbay boowe anarchist ba helley iyo ummadu shisheeye u shaqeya iyo qaar tigray u shaqeya iyo qaar afganistan u shaqeya marka maanto oo kale faraski ina cabdulla xassanow gabaygu wa kugu deel qaaf
  18. Hadaba adigu ii dhegeyso oo dhagaha sii fiican u fur , shayga qarranimada la yidhaho maha ariin sahlan shayga qarinimada la yidha wa ummado ama qaabil ama qawmiyadu isku tagay oo ayaahooda ka tashaday, oo wax meel isla dhigay oo qaab qarraan wooxooda uu watta oo dastuurkooda ku dhigtay oo dawlad yeeshay wa ereyga gaaladu nation u yaqaanin , Adigu hadaba waxad ku matashay cuqdad yar iyo ina dawladi hore eeh kacaanka laga cawday Somaliland waxad ogayd in kunsagaal boqol iyo kobiyo lixdanki inqlaab la dhigay oo u hor kacayey mujaheed Xassan kayd walanwal, Marka taasi waxay ku tusasey fikirka ina Somaliland shacabkeedu ay ayahooda ka tashadan duninada waxa laga tixgaliya ereyga la yidha self determeenation adigu hadaba qarranka waxad u aragta, in qaab qabil wax loo qeybsado , in dawlado shisheeye loo yeedho. In calan blue ah lo heeso .oo xita anay ka daacaad ahayn ummada koonfurianska idinku ku caan baxay inad marba madaxweyne meesha keenta xita titelki madaxweyne ayaad sharafti iyo karaamadi ka qaadeen markad kii xafaad yar xukuma aad madaxweyne qarran ku sheegtaan , taasa la leeyahay ha is afgarato , Maanta labadeenu weli weynu is afgaranayna laakin u malayn mayo inu wiilkaygu wilkaga afgarandoono.
  19. warya faraski ina cabdilla xassanow maxaad sheegtey qarrankad wax iga weydiinayse wamaxay ma qarranka somaliland mise qaranki 1991 dumay eeh ki somalia?
  20. Originally posted by Jacaylbaro: I don't personally like Muse Bihi ,,, but good luck to him. You never liked any one from the kulmiye camp remember
  21. maya hanku wa mid heer qarran shacabka somaliland iyo dadkeeda ba la gaadhsinaya, Hanku maha xammar fadhiiso