Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,991
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Haa laakin he was responsible for maaliyada true the whole regime was corrupt from wasiirka gacansiga to ka maaliyada to the president.
  2. Originally posted by Jacaylbaro: There is something i know ,,,,, but let's not rush ,,, i mean,, just yet. Warka inoo faah faahi niyo
  3. Indeed those who want an ethnic Somali state only for Ethnic Somalis from Garisa To Djibouti city which is unrealistic because the African union doesn’t want to change the colonial borders left by the Colonialist. An only Somali ethnic state that will make Kenya less divers and Ethiopia. So if your promoting for gs in the horn you want less diversity in the horn and thats not in the interest of Ethiopia and Kenya.
  4. Cawil left so much mess , but inshallah it will be paid off soon
  5. Originally posted by Libaahe*: Haji, are you worried about the foreign minister lol, cause magaciisa kuma qorna 14ka la so fasaxay to do their job. wala so fasixi doona inshallah
  6. True he has the time to regroup and to mobilize his forces and to destabilize the bari region
  7. Madaxwayne Siilaanyo Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Wakiilka EU-da Ee Somaliland Iyo Somaliya. Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka socda EU-da, weftigan oo uu hogaaminaayey Geroges-Marc Andre oo ah wakiilka EU-da ee Somaliland & Somaliya. kana koobnaa 13 Xubnood oo ka kala socda wadamada Sweden, Finland, Denmark, France. Netherlands, Hungary, Spain, Germany, Austria, iyo UK. Waxa uu madaxwaynuhu uga waramay xaalada guud ee Somaliland ee dhinacyada nabad gelyada, maamulka iyo dhaqaalaha. Waxa kale oo uu madaxwaynuhu weftiga uga waramay Dhismaha xukuumada oo uu sheegay in ay tahay xukuumad aad u tiro yar, isla markaana tayo leh oo ay Aqoonta iyo Khibradu saldhig u yihiin, madaxwaynuhu waxa uu tafaasiil ka bixiyey siyaasada xukuumada cusub ee horumarinta wadanka & in ay uu yoolkeedu yahay rumaynta iyo meel marinta balanqaadyadii xilliga kaanbaynka ee hore. Dhinaca kalena madaxwaynuhu waxa uu ku nuuxnuuxsaday adkaynta nabad gelyada iyo ka hortaga argagixisada iyo budhcad badeeda. Madaxa Weftiga Ceroges-Maec Andre ayaa isaguna waxa uu madaxwaynaha si wayn ugu hambalyeeyey doorashadii dalka ka dhacday iyo sidii nabad gelyada lahayd ee isbedelku u dhacay, madaxa weftigu waxa uu somalilnad ku dhiiriyey dadaalka ay ugu jirto inay horumar ka gaadho dhismaha dawladnimada & hanaanka dimuqraadiyada, waxaanu sheegay in ay EU-du diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso farsamada iyo aqoonta lagu xaqiijinaayo taas. Gebegebadii kulankan waxa uu ku dhamaaday is Afgarad. ALLAA MAHAD LEH AF-hayeenka Madaxtooyadda JSL
  8. Siilaanyo oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka EU-da u qaabislan Somaaliya iyo wasiiro Written by Qarannews Aug 09, 2010 at 08:31 AM Hargysa,(Qarannews)-Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka socda EU-da. Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada mr Cukuse, warsaxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabkada qarannews waxa uu u dhignaa isga oo dhamystiran sidani hoos ku xusan Weftigan oo uu hogaaminaayey Geroges-Marc Andre oo ah wakiilka EU-da ee Somaliland & Somaliya kana koobnaa 13 Xubnood oo ka kala socda wadamada Sweden, Finland, Denmark, France. Netherlands, Hungary, Spain, Germany, Austria, iyo UK. Waxa uu madaxwaynuhu uga waramay Xaalada Guud ee Somaliland ee dhinacyada Nabad gelyada, Maamulka iyo Dhaqaalaha. Waxa kale oo uu madaxwaynuhu Weftiga uga waramay Dhismaha Xukuumada oo uu sheegay in ay tahay Xukuumad aad u Tiro yar isla markaana Tayo leh oo ay Aqoonta iyo Khibradu Saldhi u yihiin, Madaxwaynuhu waxa uu tafaasiiska bixiyey siyaasada xukuumada Cusub ee Horu marinta Wadanka & in ay uu yoolkeedu yahay rumaynta iyo meel marinta Balanqaadyadii xiliga kaanbaynka ee hore. Dhinaca kalena madaxwaynuhu waxa uu ku nuuxnuuxsaday Adkaynta Nabad gelyada iyo Ka hortaga Argagixisada iyo Budhcad badeeda. Madaxa Weftiga Ceroges-Maec Andre ayaa isaguna waxa uu madaxwaynaha si wayn ugu hambalyeeyey doorashadii Dalka ka dhacday iyo Sidii nabad gelyada lahayd ee isbedelku u dhacay, Madaxa weftigu waxa uu soo maalilnad ku dhiiriyey Dadaalka ay ugu jirto inay Horu-mar ka gaadho Dhismaha Dawladnimada & Hanaanka Dumuquraadiyada, waxaanu sheegay in ay EU-du diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso farsamada iyo Aqoonta lagu Xaqiijinaayo taas. Gebegebadii kulankan waxa uu ku dhamaaday is Afgarad
  9. Waxan waxa qoray nin muufo ku mirqaamay I have been hearing this since the early 90s during egals days laakin wa iska sheeko dadku mirqaanku ugu baxo
  10. You need to control your emotions Liibaan this topic is not about snm or Somaliland or Mudane AMM silanyo, according to you everyone is a warlord But xaglajifiye is an angel
  11. kagan mielmi la so baxay maxa lugu yidhi war beena meesha la iskaga faafiya oo waxa caqligaga ku dhaca baad iska qoraysa , war wesbitkani protocool bu leeyahay marka nidaamka ilaali. War meeshan caruurti ba ku so battay
  12. ^^ durbaba ma dib u gurasho bey sameyeen, xalaadu ma wanaagsana hada , laakin waxan waxa so qoray galgala news marka kuwi kale na aynu sugno
  13. Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Goob Joog Ka Noqon Doona Doorashada Beri Ka Dhacaysa Dalka Rwanda (Hadhwanaagnews) Sunday, August 08, 2010 Kigali (HWN) Waxa maalintii khamiistii soo gaadhay caasimada wadanka Rwanda ee Kigali gudida doorashooyinka qaranka Somaliland kuwaas oo goob joog ka noqon doona doorashada ka dhacaysa wadankan maalinta beri ah. gudidan ayaa ka kooban lix xubnood oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gudida doorashooyinka Mudane Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed [Xamari]. Gudidan oo si lamid ah sida wadamada kale lagu maamuusay soo dhawayn heer sare ah ayaa la dajiyay mid kamid ah Hotels ka magaalada ugu bilicsan kaas oo ah Beausejour Hotel Kuna yaala agagaarka dhismayaasha dawlada ugu muhiisman sida Xarunta Barlamaanka Rwanda iyo Wasaraada Gaashandhiga. lixdan xubnood ayaa waxay awood ulee yihiin in dhamaan ay soo kormeeraan oo soo indha indheeyaan goobaha codbixintu ka qabsoomayso oo ee dhamaan gobolada wadanka oo caasimaduna ku jirto. waxa gudidu intii ay joogeen soo indho-indheeyeen goobaha taariikhiga ah ee uu ka dhacay xasuuqii loo gaysatay dadka Tutsiga ah ee ay u gaysteen Hutugu. waxaana kamida goobahaasi ay booqdeen Xarunta wayn ee lagu kaydiyay kumanaan qalfoof oo dadkii lagu xasuuqay dhacdadii 1994 iyo sidoo kale Hotelka caanka ah ee Hôtel des Mille Collines oo dadku inta badan u yaqaanaan Hotel Rwanda kaas oo sannadkii 1994 lagu badbaadiyay dad aad u tiro badan oo kamid ah qoomiyada Tutsiga. gudidu waxa kale oo ay socod ku soo mareen qaybaha kala duwan ee caasimada iyo daafaheeda iyagoo u fiirsanayay sida ay caasimadani u tahay meel aad u nadiif ah deegaan ahaan taaas oo markaad dhexmarto aanad ku arkayn wadooyinka waawayn iyo kuwa yar-yar toona wax haba yaraatee qashina. sida lala wada socdo doorashadii ka qabsoontay jamhuuriyada Somaliland 26 bishii June ee sannadkan 2010 ayaa waxa kaalin taariikhi ah kagalay gudidan oo iyagu noqday rag xilkii loo igmaday ka soo baxay kadib markii gudiyo iyaga ka horeeyay ay noqdeen kuwo dhawr jeer labadalay. maaha wadankii ugu horeeyay ee ay goob joog ahaan u tagaan gudidu balse waxay hore uga qayb galeen doorashooyinkii wadanka jaarka aan nahay ee Ethiopia. Gudidan ayaa inta ay joogaan halkan waxa ay la kulmi doonan gudiyo badan oo ka kala yimi qaaradan Africa iyo meelo kale oo kala dudwan kuwaas oo iyana u yimi isla doorashadan Rwanda waxaana gudidu ay ka korodhson doonaan waayo aragnino iyo aqoon la xidhiidha habsami u maamulka iyo hanaanka wanaagsan ee doorashooyinka. Wadanka ayaa ah wadan aad u baaxad yar kuna nool yihiin dad aad u tiro badan kuwaas oo ku dhow tiro ahaan 10 million oo ruux waana wadan indhaha caalamku eegayaan balsida ay doorashadiisu u qabsoonto taas oo ay ku tartamayaan 4 musharax oo uu ku jiro Maxawaynaha hada xilka haya ee Poul Kagame iyo saddex musharax oo mucaarad ah kuwaasoo mid kamidi tahay haweenay. Cabdiqadir Cabdillahi Mire (Najax) Kigali/ Rwanda
  14. Interesting development he has supporters in mudug , Duke should explain this
  15. Somalia minister says regional government soldiers kill 15 militiamen in northeastern region Sunday, August 08, 2010 MOGADISHU, Somalia — A Somali minister says security forces have attacked the base of a militia group linked to an extremist group and killed 15 militiamen. Security Minister Yusuf Ahmed Kheir says soldiers in the semiautonomous northeastern region of Puntland on Sunday countered the militia's attack on an army post. Militia spokesman Abdullahi Sheik denies they attacked first, saying the soldiers surprised them. Sheik says no militiamen were killed and only seven were injured. Sunday's clash is the second in two weeks between Puntland forces and the militia group, which is led by arms dealer Mohamed Atom. He has been singled out by the U.N. for supplying arms to the al-Shabab extremist group. The U.S. has declared al-Shabab a terrorist organization. Copyright © 2010 The Canadian Press. All rights reserved.
  16. Originally posted by Che -Guevara: meeshaan waa la,isku wareersan yahay manad gacan siinayn nimanka maakhiriyinta wa niman jecel argagixsada la yidhi
  17. Dagaalkii Galgala oo joogsadey welina la isku horfadhiyo BALI KHAYRE Aug 08, 2010 Galgala(Riinjinews)Saraakiil PIS-ta oo Geeriyootay,Puntland oo maxaabiis laga qabqabtay,Dhawaca oo buux dhafay 50 iyo dhimashada Bosaso la keenay oo dhan 12 Askari... Dagaalki saaka ayaa waxaa weeraraka qaday Ciidamo uu Hogaaminayo Cabdisamed Cali Shire oo PL ah dhirbaaxo wayn ayaa ku dhacday waxaana dib loogu soo celiyey goobihii ay ka soo duuleen intaasi kadib dagaalkii waxaa soo galay Ciidamada loo yaqaano A-SHAHAADO LA DIRIRKA (PIS)halkaana dagaalkii ayaa ku qadhadhaday oo waxaa ka dhacay khasaare wayn oo aan weli si rasmi ah loo helin. Wararka aanu helayo Deegaanka GalGala ee Galbeedka Bari ayaa sheegaya in Maydka Saraakiil Sar Sare oo PL dhanka PISta la Arkay, Warka ayaa intaasi ku daraya in la Xaqiijiyay Axmed Yaasiin Ilay oo ahaa Sarkiilkii Igu Sareeyay dhanka Hawl Galinta Ciidamada PISta ee Galay Deegaanka Galbeedka, Bari, Ruux Nala soo xidhiidhay ayaa sheegay inuu Arkay Maydka Ninkaasi oo Gor Hore Rasaastu Haleeshay. Dhinaca kale maxaabiis ayaa laga qabqabtay PL Liiska Askarta Laga qabtay PL. 1-Ahmed Ali Muuse Madaxii Saadka ee Ciidanka PL. 2- Mustafe Guray Laba Xidigle. 3- Maxamed Dheere 4- Jamaal Ciisa Kaar 5-Cali Muuse Xidgle. 6- Maxamuud Qodox 7-Jaamac Axmed Yuusuf [Darweel Gaadhi Dagaal] 8-Maxamuud Haybe [ Gaandhari Macaa Gaadhigiisii] 10- Farxaan Qooje Lixdan Maxbuus ayaa Ciidanka Deegaanku sheegeen inay si Hordhaca ah u sheegeen Magacooda kuwaasi oo lagu Qabtay Dagaalkaasi Saaka iyaga oo dhanka xusay inay dhawaan War Murtiyeed Dhamaystiran soo saarayaan. Isku soo wada duubo labada dhinac ayaa weli isku horfadhiya BALI KHAYRE oo dhaca salka buuraha GALGALA,waxaanna laga yaaba in beri uu dib u bilaabmo dagaalkaasi.
  18. Dagaal Xoogan Oo Saaka Barqanimadii ka Qarxay Buuraleyda Galgala Iyo Baabuur Laga Gubey Puntland Warkii 08-Aug-2010 iyo Qormadii: Xafiiska Muqdisho Wararka kaa imanaya buuraleyda Deegaanka Gal Gal ayaa sheegay in saaka barqanimadii uu ka bilowday dagaal xoogani oo u dhexeeya xoogaga islaamiyiinta ee uu hogaaminayo maxamed saciid Atam iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya iyo weliba ciidamada PIS-ta iyo weliba kuwa puntland oo dhinac ah ... Wararka ay ka helauyso shabakada afnugaal ayaa sheegaya in Gaadiid dagaal laga gubay Ciidamada puntland iyo kuwa PIS-ta kuwaasoo saaka barqanimadii weerar xoogan ku waaday deegaanka gal gala ee gobolka bari Sidoo kale qaar ka tirsan dadka shacabka degmada Galgala oo khadka telafoonka aan kula xiriirnay ayaa sheegay in dagaalku socdo waloow ay sheegeen in gawaari tikniko ah laga gubay ciidamada puntland islamarkaana ay ciidamada Mujaahidiinta ee uu Sheekh Atam horkacayo ay Jilibka u laabteen oo ilaa iminka la maqlayo Madaafiicda iyo Hugunka Rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayaan. Axmed weli oo kamid ah dadka deegaanka gal gal oo war siinayey warbvaahinta uqdisho ayaa sheegay Inay 5 Gaari gacanta ku dhigeen ciidamada sh ,atam oo kaashanaya dadka deegaanka halka Mid kamida gaadiidkaasi uu gubanyahay, qaar ka tirsan ciidamada puntland ahna ay ku go,doomeen buuraleyda gala gala Dhinaca kale Odayaasha deegaanka Galgala ayaa saxaafada u xaqiijiyay in madaxweyne Faroole uu si cad u diiday Wadahadallo lagu doonayay in lagu dhax dhaxaadiyo labada dhinac, ciidamada Faroolena uu ku weeraray deegaanada ku dhaw dhaw Galgala ayaa dhawaanahanba lagasoo daad guraynayay Garowe oo ah halka ay saldhiga ugu weyn ku leeyihiin ciidmada PIS –ta
  19. It’s too early to say who has the upper hand let wait for more development
  20. War Degdega Dagaal Qaraar oo Saaka Waaberkii ka bilaabmay Nawaaxiga Degaanka Maraje August 8, 2010 By admin Maraje:-Dagaalkan oo ay dulaankiisa markii hore soo qadeen ciidamada PSTa iyo kuwa Puntland ayaa Saaka 5Aroornimo si dhab ah uga bilaabma buuralayda Nawaaxigaasi ah,Waxaana Bosaso la soo gaadhsiiyey ilaa 30 Askari oo Dhaawacyo liita ah kuwaasi oo lugu dabiibayo cisbitalka Bosaso. Dagalka ayaa ilaa iminka soconaya waxaana dhacaya Hubka nociisa waawayn Ciidamada Puntland ee ku sugnaa Waddada Laamiga ayaa Qoryohooda iyagoo watakala baxay xaraaraha ama qararka buuraha ah ,Hase ahatee Waxaa Iyana Laamiga afka soo saaray oo Werarkooda xoojiyey kooxda shiikha oo iyagu wacad kumaray inay Buurta ay dagaal noocwalba ah oo lagaga soo qaado iska difaacayaan. Guud ahaan Magaalada Bosaso ayaa iyana Maanta Allbaabada loo laabay ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii gadiidka ee waddada laamiga gaar ahaan gudaha Magaalada Bosaso iyo Wadooyinka ka baxa. Maxamed Axmed Ciise Bosaso Dhahar Onlline Wixii faahfaahin ah saacadaha soo socda ayaan idiin soo gudbin donaa.
  21. Galgala:Warkii u danbeeyey ee Dagaalkii Galgala saaka ka Qarxay. 8. august 2010 APL FIKRAD iyo FALANQAYN KA DHIIBO WARKAAN, KU QOR FORM-KA DHAMAADKA WARKAAN YAAL Galgala:(Allpuntland)-Waxaa Sidii wararkii hore ee Allpuntland saaka idiin soo daabacday Dagaal culus oo aanan waxba la’iskula harinin uu saaka Abaare 6-dii Aroornimo si kulu uga bilowday Togga Suggure & Bali Khadar oo u dhexeeya Deegaanada Karin & Galgala ee gobolka Bari waxaana dagaalkani uu bilowday kadib markii ay dawlada Puntland si muquunin ay kujirto ay saaka uweerartay Goobaha Alshabaabka Puntland ee bari mudada dheer ku dhuumaalaysanayey. Dagaalkan oo Saacado badan socday islamarkaasna uu xoogiisu joogsaday wixii kadanbeeyey labadii Duhurnimo ee Maanta Saacada dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu geystay Khasaare aad u badan oo naf & Maal labadaba leh,waxaana qaarkamid ah Dadka Deegaanku ay APL u sheegeen in Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray Kooxdii Galgala oo lasheegey in Saraakiishoodii laga daadgureeyey halkii ay awal kusugnaayeen. Dagaalkan oo ay Ciidamada Puntland saaka labo Wajhadood ku weerareen islamarkaasna Weerar xoogan ugu qaaday Ciidanka Alshabaab ee uu hogaamiyo Wakiilka kooxdaas ee Puntland Maxamed Siciid Atam ayaa waxaa ay Xukuumadu sheegtay in kudhawaad 20-kamid ah Kooxdii Hogaamiye Atam ee halkaas ay dileen islamarkaasna dhaawac aad u farabadan & Jab ay gaarsiiyeen Ciidamadii fadhiyey Difaaca hore ee Buurta Galgala oo ay Puntland ciidankeedu imika u jiraan wax kayar 1-Km. Ciidamo aad u farabadan oo wata gaadiidka Miinooyinka saara ayaa ay Dawladu maanta duhurkii geysay Agagaarka Deegaanka galgala oo ay horay ujoogeen Ciidanka Alshabaab kuwaas oo ay dawladu ka shakisantahay in halkaas oo Difaac u ahayd Ciidamada Mucaaradka laga yaabo in miinooyin lageeyey,waxaana imika halkaas ka socda Miino Baaris ay ciidamadu wadaan. Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga dawlada Puntland ayaa siweyn looga dareemay Dagaalkan,waxaana maanta barqadii si wadajir ah hakad & Joogsiba looga dareemay Ganacsigii magaaladaas oo aanan in mudo ah Waqti maalin ah istaagin,imikase galabta ayaa meelaha qaar Ganacsigii caadi kusoo noqday. Cabdiqani Xayir Allpuntland