Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,830
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Somaliland has been hailed as a beacon of stability in the troubled Horn of Africa region since declaring independence from Somalia in 1991 unilaterally. The recent peaceful transition of power between bitterly opposing sides have added to this testament
  2. Video http://www.youtube.com/watch?v=hh0kF6pP3GU&feature=player_embedded#! http://www.youtube.com/watch?v=lWON4fZDOYA&feature=player_embedded
  3. Siilaanyo ayaa si rasmi ah xilkii Guddoomiyanimada Kulmiye ugu wareejiyay Muj: Muuse Biixi Cabdi Written by Qarannews Aug 04, 2010 at 07:19 AM Hargeysa,(Qarannews)-Madaxweynaha Somaliland Mudane; Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa goor dhaweyd si rasmi ah xilkii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ugu wareejiyay Guddoomiye ku xigeenka xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi Siilaanyo waxa uu xafladii xilwareejinta ee Guddoomiyenimada Xisbiga ka sheegay inuu xisbigu fulinayo Go’aamadii ka soo baxay shirweynihii labaad ee xisbiga kulmiye ee Burco kaasoo ay ka mid ahayd inuu xilka wareejiyo haddii uu ku guulaysto talada Dalka., isagoo qadarinaya inaanu laba xil qofna isku hayn karina uu maanta go’aansaday inuu wareejiyo Intaanu xilka wareejin ka hor waxa uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay xukuumad ahaan inay ku mashquulsan yihiin dhismaha Xukuumadda isla markaana ay magacaabeen Golihii wasiirada, taasoo uu sheegay inay ku keentay caqabado badan oo ay ugu weyn tahay xukuumadda la yareeyay oo sababtay dadkii iska waayay inay siyaabo badan u saamaysay, waxaanu ka codsaday dadka dareenkoodu lab kacay inay isdajiyaan oo aanay xanaaqin Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Maanta lagu wareejiyay xilka Xisbiga ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uga mahad naqay sida kalsoonida leh ee uu xilka u wareejiyay isagoo sheegay inay Afrika ku yar tahay Madaxweyne taladii xisbiga wareejiyay, waxaanu xusay Madaxweyne Siilaanyo inuu yahay Macallinkiisii Siyaasada haday tahay Halgankii iyo haday tahay ta xisbinimadaba Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay Axmed Siilaanyo inuu yahay Siyaasi aragtidiisu dheer tahay isla markaana fuliya balamaha, waxaanu xusay maanta oo kaliya inaanu ku sifoobin inuu qadariyo heshiiskii xisbigiisu galay ee uu hore tan oo kale u sameeyay gaar ahaana wakhtigii SNM ee Bali-gaubadle, isagoo intaa raaciyay inuu la shaqayn doono ee aanu ka hor imanayn Waxa munaasibadii xil wareejinta ka hadlay Lbada Guddoomiye ee labada Aqal ee Baarlamaanka Saleebaan Maxamud Aadan iyo C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”, waxaanay labada Guddoomiye u mahadnaqeen Madaxweyne Siilaanyo sida uu u wareejiyay Guddoomiyenimadii xisbiga, Muuse Biixina waxay u rajeeyeen in Illaahay u fududeeyo xisbiga iyagoo labada masuul Siilanyo iyo Muuseba ka codsaday inay Xisbiyada Mucaaradka ahna dhisaan Waaheen
  4. I have seen it’s just a person’s opinion just like some have negative opinion on the current president and former president , what muse bihi did for Somaliland is much more important in 1988
  5. what wounds of the past, for the past we are all Responsible its all over now.
  6. Muuse Bixii oo kala wareegaya M/weyne Siilaanyo Xilkii gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye Beri August 3, 2010 By staff-reporter Awdalpress(Hargaysa) 03 Aug,10– Sida ay u xaqiijiyeen warar xogogaal ahi shabakada wararka ee Awdalpress waxaa maalinta beri ah ee 04 Aug, la filayaa in xaflad loo sameeyo xil wareejinta gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye, xilkaas oo uu hada hayo M/weyne Silaanyo ayaa la filayaa in lagu wareejin doon0 G/xigeenka xisbiga kulmiye Muuse Biixi cabdi, taas oo ah sida uu dhigayo xeerka iyo dastuurka xisbiga kulmiye in lagu wareejiyo jagadaas Gudmooyiha G/xigeenka marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada, ka dib markii uu nidaamkaas xilwareejinta jagada gudoomiyenimada lagu ansixyay shirkii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ee ka dhacay Burco 2008kii Aug,. Xeerkan ayaa ahaa kii ka reebay golaha wasiirada masuuliyiinta xisbiga ee hogaanka sare ka ahaa ama ka hayay xisbiga Kulmiye, laba maalmood ka hor ayay M/weyne Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi shir dheer oo labadooda ah ku galeen qasriga madaxtooyada Somaliland, shirkaas oo sida loo malaynayo lagaga wadahadlayay xilwareejinta gudoomiyenimada iyo habka wadashaqaynta ee xisbi xaakimka iyo xukuumada. Dad badan ayaana arintan xilwareejinta ka warwar qaba in ay keento laba awoodood oo iska garab dhisan, halka qaarna aaminsan yihiin in ay keeni karto awood laba jibaaran oo xisbiga kulmiye helo, taas oo xisbiga Kulmiye u keeni karta in ay doorashooyinka soo socdana ku guulaysan doonaan. Awdalpress
  7. Muse bixi was the one who was leading the fourth snm division that Liberated hargeisa in the late 1980s The SNA troops were all located at xareed and gadha carmada and muuse biixi moved north words and reached hargeisa and moved his division inside hargeisa to clean the sna from his hometown he is a hero he is a well-respected Politician in Somaliland you shall hear more from him in the next coming years. He will be the next Kulmiye Chairman adeer north burco west burco east burco , north hargeisa south hargeisa its all the same for me we are all somalilanders.
  8. Dee odaygii faroole soo xoog umanu sheegan , ma isaga is dhaqaajin kara please ka baxa bay kaga so hadhay
  9. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Xog-waramay Kulankii Qado-sharafta Ahaa Ee Shalay Dhex-maray Madaxweynaha Iyo Golaha Hargeysa (Oodweynenews)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], ayaa tibaaxay in kulankii qado-sharafta ahaa ee uu shalay Golaha Wakiilada u sameeyey Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo uu ahaa fursad is-barasho oo laba dhinac dhex-maray. Gudoomiye Cirro oo galabta u warayay idaacada bbc-da, ayaa taafaasiil dheeraad ka bixiyey kulankaas dhex-maray Golaha iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, waxaana uu yidhi “sida aad ka war qabtaan waxa dhalatay xukuumad cusub iyo Madaxweyne cusub, oo Madaxweynuhu dhawaan ayuu xilka la wareegay. Golaha Wakiiladuna waa Goliihii sii joogay ee shaqaynayay. Markaa madaxweynuhu waxa uu goostay inuu Golaha oo dhan marti-qaado. Waxaana ay ahayd furashad is barasho iyo soo dhawayn uu soo dhawaynayay Golaha.” Mar uu gudoomiyuhu ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay in Madaxweynuhu si gaar ah uga codsaday Golaha inay u ansixiyaan xubaha Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada, waxa uu yidhi “Runtii Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu ixtiraamayo Waajibaadka dastuurigaha ee Golayaasha Qaranku kala leeyihiin, haddii ay tahay Xukuumada iyo Golaha Wakiilada-ba, oo uu mid kasta u ixtiraamayo awooda dastuuriga ah ee dastuurku siiyey. Inkasta oo ay kaftan u badnayd, hadana gunaanadkii Madaxweynuhu waxa uu codsaday in la soo dhaweeyo Golihiisa xukuumada.” Gudoomiyuhu waxa uu ka hadlay dareennada kulan ee laga muujiyey xukuumada Madaxeyne Silaanyo iyo Wasiirada aanay ansixin ee xilalka la wareegay, “Waxa aan qabaa in dad badani dareenkooda muujiyeen oo meeshii [Xukuumada cusub] ay iska filayeen iska waayay inay ku jiraan. Laakiin waxa aanu shacbiga u sheegaynaa in aynaan isku helayn xukuumad kooban oo tayo leh iyo in qoskaa meel helo. Ta labaad waxa weeyaan qaabka nidaamka dawliga ahi waxa weeyaan Marka wasiirka la magacaabo inuu xilka la wareego. Dastuurkuna waxa uu sheegayaa marka la ansixiyo in 30 maalmood gudahood lagu dhaariyo.” Ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro. Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ka hadlay qaabka ay noqon doonto wada-shaqaynta Golaha iyo Xukuumada cusub, “Waxa aanu rajaynaynaa in wada-shaqaynta Golaha iyo xukuumada cusubi inay wanaagsanaato, wixii sharci ah-na waanu ku taageeri doonaa wixii sharci darro ah kuma taageeri doono.”
  10. Madaxweynaha Oo Wakiilada Ka Dalbaday Inay Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyaan Golahiisa Wasiirada Iyo Nuxurka Qoddobada Wada Hadalkooda Hargeysa, August 3, 2010 (Haatuf)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay kulan uu la yeeshay mudanayaasha Golaha Wakiilada oo uu hogaaminayaan shirguddoonka golahaasi waxa uu kaga codsaday inay cod aqlabiyad ah ku meel mariyaan ansixinta golihiisa wasiirada ee uu dhowaanta soo dhisay. Kulankan oo uu madaxweynuhu qado sharaf ugu sameeyey xildhibaanada Wakiilada oo ka dhacay Ambassador Hotel ee magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo uu madaxweynuhu ka dalbaday Golaha Wakiilada in xidhiidhkoodu noqdo mid wada shaqeyneed oo ka duwan kii u dhexeeyey xukuumaddii Madaxweyne Rayaale. Kulankaasi madaxweynaha waxa ku wehelinayey Madaxweyne Ku Xigeenka, C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Chief of Cabinet-ka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan. Kulankan oo albaabadu u xidhnaayeen, isla markaana Saxaafadu dibada ka joogtay ayaa socday muddo saacad iyo badh ah waxaana sida warar ku dhow-dhow Mudaneyaasha Golaha Wakiiladu ay sheegayaan, Madaxweynaha cusubi waxa uu ka dalbaday Golaha Wakiiladu inay codka kalsoonida ay siiyaan xukuumadiisa oo ay ansixiyaan dhamaan 26-ka xubnood ee uu Golaha Wasiirada u soo magacaabay todobaadkii hore. Warku wuxuu intaasi ku daray in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu Golaha u soo jeediyay in kor loo sii qaado xidhiidhka labada dhinac isla markaana meesha laga saaro xidhiidhkii hooseeyay ee ka dhexeeyay Xukuumadii hore ee Madaxweyne Rayaale. Waxa la sheegay in Kulankaasi ay ka hadleen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilahi iyo Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. C/Casiis Maxamed Samaale, oo ka hadlay kulankaasi ayaa Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka cusub uga mahad celiyay marti qaadka ay u fidiyeen Golaha Wakiilada isla markaana soo dhaweeyay in xukuumada iyo Goleyaasha sharci dejintu ay wada shaqeeyaan waajibaadka qaran ee ay ummadda uga masuulka yihiin. Kulankan oo xukuumada iyo Golaha Wakiilada midna ka hadlin ayaa la sheegay inuu ku dhamaaday inay labada dhinac isku afgarteen in laga wada shaqeeyo danaha dalka. Qaar ka mid ah xildhibaanadii ka qayb galay kulankaasi oo aanu wax ka weydiinay arrimaha kale ee ay ka wada hadleen labada dhinac ayaa iyagu ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan kulankaasi. Kulankan oo ah kii ugu horeeyey ee dhex mara madaxweyne Siilaanyo iyo Wakiilada tan iyo intii xilka loo dhaariyay madaxweynaha ayaa dadka siyaasada falanqeeyaa ku tilmaameen inuu xambaarsanaa siyaaasad qunyar socod ah oo Siilaanyo ku doonayo inuu ku hantiyo kalsoonida aqlabiyada Golaha Wakiilada oo tiir dhexaad u ah hawlo badan oo fulintooda laga sugayo madaxweynaha. Madaxweynihii hore ee Somaliland,Daahir Rayaale Kaahin, ayaa isagu ku guul dareystay inuu xidhiidh wanaagsan la yeesho Golaha Wakiilada oo u badan xildhibaano ka soo jeeda labada xisbi mucaarid ee Kulmiye iyo UCID, taasoo markii dambe ee xidhiidhkoodu aad u sii xumaaday ay gaadhay heer xukuumaddu Golaha Wakiilada albaabada u laabto isla markaana furitaankiisii uu dhiig ku daatay. Dhanka kale sida ay Haatuf u sheegeen ilo xogogaal ah oo ku dhow xisbiga Kulmiye, waxa toddobaadkan bilawgiisii shirar hoose u socdeen qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye oo uu hogaaminayo guddoomiyaha koowaad ee xisbiga Kulmiye,Muuse Biixi Cabdi, taas oo la sheegay in Muuse Biixi uu ka codsanayay xubnaha Wakiilada in aanay ansixinin wasiirada Maaliyada iyo Arrimaha Gudaha,Eng.Maxamed Xaashi Cilmi iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, kuwaasoo ay ku eedaynayeen in xukun maxkamadeed ku dhacay isla markaana ay waajib tahay in aan la ansixinin. Hogaanka xisbiga Kulmiye ayaa ka hor intii aanu madaxweynuhu ku dhawaaqin golahiisa wasiirada,waxay cadaadis weyn ku saareen inuu ka qayb galiyo xukuumada ama uu kala tashado xubnaha uu magacaabayo, taas oo madaxweynuhu gaashaanka ku dhuftay isla markaana uu magacaabay xukuumadiisa.
  11. Hargeysa: Madaxwayne Siilaanyo Oo Maanta Qado-sharaf Ku Qaabilay Golaha Wakiilada Somaliland iyo Dulucda Kulankooda + SAWIRO Hargeysa (Oodweynenews)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta markii ugu horeysay kulan qado-sharaf ah u sameeyey Shirgudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland. Kulankan qado-sharafta ahaa oo ka dhacay Hotel Ambasador ee Magaalada Hargeysa, oo ahaa mid albaabadu xidhnaayeen oo aan warbaahinta loo ogolayn, isla markaana soconayay muddo dhawr saacadood ah, ayaa waxa ka soo qaybgalay Xildhibaanada Golaha oo uu horkacayay Gudoomiyaha Golaha Md. Cabdiraxmaan Ciro iyo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Md. Cabdicasiis Maxamed Sameele. Waxaana ujeedada kulankan daarnayd isbarasho dhex-martay Golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa, isla markaana uga wada hadli lahaayeen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen danaha shacabka Somaliland. Waxa kale oo mudanayasha golaha Wakiilada qaarkood halkaas ka soo jeediyeen hadalo kala duwan kuwaas oo qaarkood ahaayeen tallo loo jeedinayo Madaxwaynaha cusub ee dalka dhawaanta loo dhaariyay Md Axmed Siilaanyo. Xildhibaanada golaha ee halkaas ka hadlay ayaa Madaxwayne Axmed Siilaanyo kula taliyay inuu ku dadaalo sidii uu uga dhabayn lahaa balan-qaadyadii uu hore ugu qaaday shacabka somaliland kuwaas oo hadda u baahan in isbadal dhinacyo badani ahi uu dalka ka dhaco. Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaguna qadada ka dib xildhibaanada Golaha khudbad kooban u jeediyay ayaa la sheegay inuu sharaxaad dheer ka bixiyay waxyaabaha u qorshaysan inay dalka ka qabtaan maalmaha ugu horeeya ee xukunkiisa. Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu golaha Wakiilada ka dalbaday maadaama oo uu xukuumad kooban soo dhisay inay niyad sami ah ula shqeeyaan, si la isugu kaashado horumarka la doonayo in dalka la gaadhsiiyo.
  12. Originally posted by Xudeedi: ^ which topic was that. Cowke was hilarious, i object to him being banned. looooooool I think the topic was deleted but it was sure funny something cowkes father told him
  13. looool poor cowke is banned I think it was because of that topic concerning the zanzibarians
  14. Madaxweyne Siilaanyo oo la Filayo inuu Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye ku wareejiyo Muuse Biixi Hargeysa (SDWO 02/08/2010)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhowaan la filayaa dhowaan inuu ku wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga ku-xigeenkiisii Muuse Biixi Cabdi, sida uu dhigayo Xeerka Xisbiga tallada dalka ku guulaystay ee Kulmiye oo wax laga bedelay Shirweynihii Xisbiga ee ugu dambeeyay. Arrintaasi oo looga gl-leeyahay in lagu kala saaro Xisbiga iyo Xukuumada sidii Xisbiga UDUB oo dhaawac ku keentay hawlihii Xisbigii talada hore u hayay, waxaanay Xisbiga Kulmiye kaga gaashaamanayaan inuu dhaawac la mid kii UDUB uu soo gaadho. Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ayaa marka uu la wareego Guddoomiyenimada waxa ku wehelin doona oo talada Xisbiga ay wada hoggaamin doonaan Ku-xigeenkiisa labaad Md. C/raxmaan CabdiqaadiR, Ku-xigeenka saddexaad C/raxmaan Talyanle iyo Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Mr. Kayse Xasan Cige. Madaxweynaha Talada dalka ku guulaystay Md. Siilaanyo oo dhowaan soo saaray Liiska Xubnaha Golihiisa Wasiiradda ayaa haba yaraatee aan ku soo darin xubnihiisii ay wada-hogaamin jireen Xisbiga Kulmiye, taasi oo bedelkeeduna noqon doonta in ay u hadhaan socodsiinta iyo hoggaaminta Xisbiga. Tallaabada uu Axmed Siilaanyo kaga reebay hogaanka Xisbiga xukuumadiisa ayaa maalmihii u dambaysay si wayn loo hadal hayay waxa ay kala yeeli doonaan ama ay isugu biyo shuban doonto sababaha uu uga tagay, arrintanise waxay muujinaysaa in uu Xisbiga Kulmiye ku kala saarayo hawl-wadeenadiisa Xukuumada iyo kuwa Xisbiga. Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk - Hargeisa Guled Abdi Sheekhaash - SDWO News Editor
  15. Madaxweyne Siilaanyo oo la Filayo inuu Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye ku wareejiyo Muuse Biixi Written by Waaheen Aug 03, 2010 at 08:59 AM Hargeysa,(Qarannews)- Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhowaan la filayaa dhowaan inuu ku wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga ku-xigeenkiisii Muuse Biixi Cabdi, sida uu dhigayo Xeerka Xisbiga tallada dalka ku guulaystay ee Kulmiye oo wax laga bedelay Shirweynihii Xisbiga ee ugu dambeeyay. Arrintaasi oo looga gl-leeyahay in lagu kala saaro Xisbiga iyo Xukuumada sidii Xisbiga UDUB oo dhaawac ku keentay hawlihii Xisbigii talada hore u hayay, waxaanay Xisbiga Kulmiye kaga gaashaamanayaan inuu dhaawac la mid kii UDUB uu soo gaadho. Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ayaa marka uu la wareego Guddoomiyenimada waxa ku wehelin doona oo talada Xisbiga ay wada hoggaamin doonaan Ku-xigeenkiisa labaad Md. C/raxmaan Cabdiqaadi, Ku-xigeenka saddexaad C/raxmaan Talyanle iyo Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Mr. Kayse Xasan Cigeh. Madaxweynaha Talada dalka ku guulaystay Md. Siilaanyo oo dhowaan soo saaray Liiska Xubnaha Golihiisa Wasiiradda ayaa haba yaraatee aan ku soo darin xubnihiisii ay wada-hogaamin jireen Xisbiga Kulmiye, taasi oo bedelkeeduna noqon doonta in ay u hadhaan socodsiinta iyo hoggaaminta Xisbiga. Tallaabada uu Axmed Siilaanyo kaga reebay hogaanka Xisbiga xukuumadiisa ayaa maalmihii u dambaysay si wayn loo hadal hayay waxa ay kala yeeli doonaan ama ay isugu biyo shuban doonto sababaha uu uga tagay, arrintanise waxay muujinaysaa in uu Xisbiga Kulmiye ku kala saarayo hawl-wadeenadiisa Xukuumada iyo kuwa Xisbiga. Waaheen
  16. Turkey's intelligence chief irks Israel Sun, 01 Aug 2010 23:52:53 GMT Font size : Hakan Fidan, the new head of Turkey's National Intelligence Organization Israeli Defense Minister Ehud Barak has expressed concern over Turkey's appointment of its new secret service chief whom he called a "supporter" of Iran. According to AFP, the Turkish official, Hakan Fidan, 42, has been appointed to head the National Intelligence Organization, known by its Turkish acronym MIT, on May 27 after serving as undersecretary for foreign affairs to the prime minister and representing Turkey at the International Atomic Energy Agency (IAEA). The latter position placed him at the forefront of Turkey's efforts to resolve the international standoff over Iran's nuclear program, according to the Turkish press. "Turkey is a friendly country, a strategic ally, but the nomination in recent weeks of a new chief of the Turkish secret services who is a supporter of Iran worries us," he told in a private meeting of his center-left Labor party. Barak, in a recording of his remarks broadcast by Army Radio on Sunday, claimed that the appointment could result in "the Iranians having access to secret information." Israel is annoyed by its erstwhile strategic partner's efforts to solve Iran's nuclear issue through diplomatic efforts, especially a declaration it signed with Iran and Brazil in May that would have seen Iran ship 1,200 kg of its low-enriched uranium to Turkey in exchange for fuel for the medical research reactor in Tehran. Turkish-Israeli relations plunged to an all-time low and their ties are effectively frozen following the deadly May 31 Israeli raid on a Gaza-bound aid flotilla in which naval commandos shot dead nine Turkish activists, one of whom was also a US citizen. AS/MGH
  17. It’s a different cause Oromos are fighting for equal citizenship with in Ethiopia and power sharing with the Northern chiefs , and onlf are Somalis they want to secede from Ethiopia by any means necessary
  18. SOMALILAND: New FM meets World Bank officials in Hargeisa HARGEISA (SomalilandPress)— Foreign Minister Dr Mohamed Abdullahi Omar today welcomed in Hargeisa a delegation from World Bank lead by Jaraji Chopra. Dr Omar who was named Foreign Minister after the opposition party Kulmiye won the presidential elections on June 26 Dr Omar first thanked the delegates for their visit and briefed them about the recent elections in the country and how the transfer of power was going in all ministries. He gave them an overview of some of the development programs they planned for the next six months. He confirmed to them his administration will collaborate with the neighboring countries and the international community on security issues, development and trade. He highlighted his government will focus on programs that will create jobs for the youth, build medical facilities in the country and that will help strengthen the security forces. Mr Jaraji Chopra, on his side congratulated Somaliland for their achievement in running a successful and an open democratic election which was an example in the region. Mr. Chopra stressed that the international community is now aware of the progress that Somaliland has reached and that it can no longer be ignored. After their meeting with the foreign minister the delegates met with President Ahmed Mohamed Silaanyo in his office, who welcomed them to the country and then held a private meeting with them. The delegation also concludes officials from the United Nation. Somalilandpress | Sunday, 1 August 2010
  19. Wasiirka Wasarada Arimaha Dibada oo wafti ka socda Xidhiidhiyaha Arimaha Bini-aadminimada iyo madaxa World Bank ee Somaliland, Somalia iyo Eritrea Qasirga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL, Mudane, Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Cusubi ayaa Maanta Gelinkii Hore Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Mark Bowder oo ah xidhiidhiyaha Arimaha Bini-aadminimada, ee Somaliland & Somalia iyo Jaraj Chopra oo ah madaxa World Bank ee Somaliland, Somalia iyo Eritrea, Wasiirka Arimaha Debeda ayaa waxa uu weftiga uga waramay Siyaasada Xukuumada Cusub ee Dhinacyada horu-marinta iyo Dhaqaalaha, waxaanu u sheegay in ay Xukuumada cusubi Soo dhawaynayso waxlaqabsiga Beesha Caalamka Diyaarna ay u tahay Sii-Xoojinta Xidhiidhkii ay Somaliland La lahayd Haya’adaha Caalamiga ah. Dhinaca kalena waxa uu wasiirku tilmaamay Qodobada ay Xukuumadu Muhiimada siinayso kuwaas oo uu Sheegay inay ka midyihin Shaqo u Abuurista Dhalimyarada Tirada Badan ee wakhtigan Camalka la’, Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha sida wadooyinka, Xoojinta Amaanka iyo Tababarada Ciidamada Nabadgelyada iyo kor u qaadida tayada waxbarashada iyo Caafimaadka. Waxaanu intaa ku daray in ay Xukuumadu soo Dhawaynayso ujeedada socdaalkooda Diyaarna ay u tahay inuu xidhidhku halkisii ka sii socdo iyadoo ay lagamamaarmaan tahay in dib loo eego kaalmadii Bini-aadminimo ee ay Beesha Caalamku Hore u siin jirtay Somaliland. Ugu danbayna waxa uu wasiirku soo jeediyey in la qaban qaabiyo shir balaadhan oo ay Beesha Caalamku Somaliland Ugu yaboohdo Kaalmo Horu-marineed taladaas oouu waftiguna soo dhaweeyey Saraakiisha waftiga hogaaminaysay oo kala ahaa Mark Bowder oo ah xidhiidhiyaha Arimaha Bini-aadminimada, ee Somaliland & Somalia iyo Jaraj Chopra oo ah madaxa World Bank ee Somaliland, Somalia iyo Eritrea, ayaa iyaguna marka hore Somaliland ku hambalyeeyey tubta hanaanka Dumuquraadiyadeed ee ka hirgalay Dalka iyo sidii ay u dhacday Dooorashadu. Madaxda Waftigu waxa kale oo ay sheegeen in Wakhtigan ay Beesha Caalamku si wayn isha ugu hayso Somaliland una hanwayn tahay. Geesta ka dibna weftigu Waxa ay ka warameen ujeedada Socdaalkooda oo ay sheegeen inay tahay isu Xog-waran ay Xukuumada Cusub kala yeeshaan Barmaamijyadii ay Hay’adahan Caalamiga ah ee uu Waftigu ka kooban yahay kawadeen dalka. Gebegabadii kulankani wax uu ku dhamaaday is Afgarad buuxa. Madaxwaynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Weftiga hogaaminaysa Booqasho gaaban oo salaan ah oo ay madaxwaynaha ugu hambalyeeyeen Doorashadii loo doortay xilka Madaxwaynenimo ee dalka iyo Dumuquraadiyada ka hirgashay Somaliland. source togaherer