Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,830
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Mr somalia aha nimanki wa la qa qabtay hubkoodi na gacanta lugu dhigay Ciidanka qarranka ayaa gacanta ku haya qeybta gobolka selel.
  2. Waaheen Monday, September 13th, 2010 | Posted by Maxamud Taliyayaasha Ciidamadda Qaranka oo shaaca ka qaaday Ciidamadda soo galay Buuralayda Galbeedka Somaliland inay yihiin ONLF (Sawiro) Muuqaalka Labada Taliye Ciidan ee Milatariga iyo Booliiska Nuux Taani iyo Cilmi Rooble Furre Hargeysa(Waaheen) Labada Taliye Ciidan ee Milatariga iyo Booliiska Nuux Taani iyo Cilmi Rooble Furre oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday Ciidamo hubaysan oo soo galay Buuralayda Galbeed ee Somaliland ee Gobolka Salal ee la garan la’aa inay yihiin Ciidamo loo soo tababaray Jabhada ONLF ee la Dagaalanta Dawladda Itoobiya Labada Taliye Ciidan shirkoodaasi Jaraa’id waxay ku soo Bandhigeen Qalab Qalab Milatari oo ka Koobnaa Sunta loo adeegsado Qaraxyada, Rasaasta Baasuukayaasha iyo Qori AK47 ah Milatari oo ka Koobnaa Sunta loo adeegsado Qaraxyada, Rasaasta Baasuukayaasha iyo Qori AK47 ah, Buugaagtii ay Tababarka ku qaadanayeen oo ku qoran farta Amxaariga iyo lacagta Dalka Eratariya kuwaasoo ay sheegeen inay ka markhaati kacayaan inay Ciidankaasi yihiin niman dalkaasi u soo tababaray Jabhada ONLF oo doonayay inay u taalaabaan dhinaca Itoobiya Muuqalka Hub Kala Duwan oo Jira Joonyado Nuux Taani iyo Cilmi Rooble Furre waxa ay shirkoodaas Jaraa’id ku sheegeen inay Amar ku haystaan Hawl-gal qaadanaya muddo laba Maalmood ah oo ay ku soo qab-qaban doonaan nimankaasi oo ay sheegeen mid iyo laba kamid ah inay durtaba qabteen, kuwa kalena ay ku hareeraysan yihiin Sidoo kale waxa ay sheegeen gabi ahaanba inay qab-qabteen gaadiidkii iyo Dirawaliintii Ciidamadaasi hawsha u fududeeyay ee u Xeebta uga soo qaaday alaabta isla markaana u gaadhsiiyay Buuralayda, waxaanay sheegeen inay ku daba jiraan dad kale oo la shaqeeyay Labada Taliye Ciidan oo ka waramayay sida ay u ogaan waayeen nimankaasi iyo waxyaabaha u sahlay Ciidankaasi inay ka soo degaan Xeebtaasi,una gudbaan Buuralayda ayaa sheegay meeshu inay tahay Xeeb balaadhan oo aanay awood u lahayn inay gabi ahaanteedba Ciidamo dhigaan , sidaasi darteed ay kooxdan u sahashay inay ka faa’iideystaan fursadaasi iyagoo gacan ka helay dadka deegaanka qaarkood, inkastoo dadweynaha deegaankaasi qaarkood soo sheegeen nimankaasi markii ay ku arkeen Buuralayda
  3. Emperor they are nationalist but they are against the goverment , there word i was looking for was Djiboutian nationalist Anti goverment group any how its either them or the onlf.
  4. One thing is for sure we dont have attam flu , These guys are either those anti Djiboutian or onlf, Any how somaliland will deal with it. I say it again No alshabaab or anything in that direction
  5. These are not onlf where did u guys get this news These are probably anti Djiboutian nationalist.
  6. Naftayda, Maalkayga iyo Waxaan Aqoon Leeyahay Waxaan u Hurayaa in aan Kula Dagaallamo Al-shabaab” Sheekh Aadan Siiro oo dhaliilo iyo ammaan isbarkan u jeediyey xukuumadda Siilaanyo, wadaada Somaliland-na ugu baaqay inay meel uga soo wadajeestaan dagaal-diimeed Hargeysa (Jam)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-siiro), ayaa wacad ku maray inuu naftiisa iyo maalkiisaba u huri doono sidii uu Somaliland uga difaaci lahaa kooxda xagjirka ah ee ka dagaallanta Soomaaliya ee Al-shabaab. Sheekh Aadan Siiro waxa kale oo uu ugu baaqay culimada Somaliland inay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa dagaal-diimeed laga dhex bilaabo Somaliland, isagoo culimada waaweyn ee dalka u soo jeediyey inay caddeeyaan mowqifkooda ku aadan dagaal-diimeedka ka socda Soomaaliya. “Dagaalka diimeed ee ka socda Muqdisho ee nimanka loo yaqaan Al-shabaab hoggaaminayaan maaha dagaal sax ah ee waa dagaal khaldan, waxaan is leeyahay waa dad soofdaro-habaabay oo dariiqii saxda ahaa meel allaale meel ay ka hayaan aanay jirin, caalimkii, aqoonyahankii iyo taajirkii bay dilayaan, qof kasta oo nin-door ah oo yidhaahda waar arrinkaasi wuu khaldan yahay aye dilayaan. Waxaan leeyahay culimada Somaliland arrintaa mowqif cad ha iska taagaan, Somaliland nabadgelyo buuxda ayey haysataa oo waad ogtihiin 4 habeenimo ayuu qofku soconayaa in kuwaa la gala dagaalamaa waa waajib. Naftayda, maalkayga iyo waxaan aqoon leeyahay waxaan u hurayaa in aan kula dagaalamo kuwaas [Al-shabaab] Somaliland in aanay dumin wax kastoo ay igu qaadanayso, culimadana waxaan ugu baaqayaa yaanay noqonin waa aragti wadaadka Aadan-siiro leeyahay, laakiin ha noqoto aragti ay taagan yihiin culimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa looga fadhiyaa inay Somaliland difaaceeda mowqif cad iska taagaan, waxa looga fadhiyaa dagaal diimeed oo Somaliland laga abuuro mowqifka ay ka taagan yihiin, waxaan kula talinayaa kuwa maanta Hargeysa hantida badan ku haysta ee wadaadada ah, kuwa baabuurta cadcad ku haysta ee dadka ugu muuqda ee wax ku noqday Somaliland ee ka hor intii aanay Somaliland jirin baabuur cad, guryo iyo muuqaal badan aan lahayn waxaan leeyahay waar dalkiina ka difaaca dagaal diimeed oo yimaad oo intaynu hadhaw is qoomamayn lahayn,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro oo khudbad u jeediyey kumanaan qof salaaddii Ciiddul-fidriga ku tukanayey garoonka xaafadda Xawaadle ee degmada 26-ka June. Sheekha oo khudbdiisa kaga hadlay qodobo kala duwan, waxa uu ammaanay Nadaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah dadka aqoonta iyo wanaaga la bidayo, hase ahaatee waxa uu dhaliilay qaab-dhismeedka xukuumaddiisa oo uu sheegay inay wax badan laga tabayo, waxase uu shacabka ugu baaqay in la taageero oo fursad ay wax ku qaban karto la siiyo. Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Waxa la tabanayaa in dad badan oo aqoon iyo karti leh oo dalka qiimo ku leh aanay ku jirin xukuumadda, sidaa daraadeed waxaynu aad u faraynaa in dadkaasi laga qaybgeliyo. Waxaynu ku dhaliilaynaa xukuumadda maanta jirta tiro yaraantii in aanay jirin oo la magacaabay xukuumad 50 xil ah, isla markaasi haddana beelihii qaar badani dhiman yihiin, dadku waa qabaa’il, kala gobolo iyo kala degaan, waxaynu kula talinaynaa xukuumadda in dadka la ururiyo oo aanay dadku iska waayin kol haddii tiradii la badiyey, si dadka la isugu hayo. Walaalayaal xukuumaddaas aynu is barbartaagno. Waxaan kula talinayaa beelaha Somaliland waar nin walowba afmiishaarkaaga ka adkaw sannad oo dawladdaasi aynu fursad siino oo dacaayadda ha laga daayo, toosintu waa halkeeda oo waa ta aynu taaganahay, laakiin warkeena Madaxtooyada yaalaa ha asturnaado oo yeynaan suuqa keenin.” Aadan-siiro waxa uu xukuumadda kula dardaarmay inay culayska ugu wayn saarto shaqo-abuuris loo sameeyo dhallinyarada oo uu tilmaamay inay yihiin xoogga dalka, balse haddaanay shaqo helin dibadad uga bixi doona. “Waa in dhaqaalaha la kobciyaa, laakiin dhaqaalaha oo la kordhiyaa maaha in Wasiirka Maaliyaddu dadka ku soo rogo cashuur saa’id ah iyagoo bakhtiyaya oo aan shaqo hayn, waxaannu leenahay cashuurta ha la dhimo si dekedda Berbera u noqoto meel Geeska Afrika oo dhan dhaqaalihiisu ka soo dego.” Sheekhu waxa uu soo jeediyey qorshe lagula dagaallami karo faqriga, waxaannu yidhi, “Walaalayaal ina farayaa in aynu isku naxariisano. Dalkeennu waa dal yar oo faqiir ah. Waxa loo baahan yahay in 20 guriba is abaabulaan oo shanta guri ee ku dhex bakhtiyaya ha caawiyaan, muxuu ku yeelanyaa kiiloo bariis ah haddii aad rufuc soo qaadato, muxuu ku yeelanaa kiiloo sonkor ahi haddii aad rufuc soo qaadato in aad bixiso, sidoo kale kiiloo daqiiq ah, markaad bal 20 guri oo min saddex kiiloo bixiyey waa 60 kiiloo wax bay u tarayaan shanta guri eek u dhex nool.” Ugu dambayn, Sh. Aadan-siiro waxa uu si kulul u cambaareeyey baadiri Maraykan ah oo dhawaan sheegay inuu gubayo nuqulo ka mid ah Kitaabka qu’aanka kariimka ah. Jamhuuriya Online
  7. This is indeed good work and a good step in the right direction for the somaliland port the investment from these kind of venture will improve berbera and saaxil province as a whole and also the somaliland economy i welcome this this will surely improve the infrastructure of the country and also gain more employment of the somaliland people, berbera city will be transformed in to a industrious working transportation this is indeed good work well done
  8. I don’t believe from 1969 till 1977 any one was complaining the errors of the kacaan government started after the Ethiopian Somali war
  9. Originally posted by General Duke: ^^^Somaliland independence is not sure thing and every year that passes it becomes unlikely. Thus the real alternative are strong states and a weak center. ans these states must be large enough to sustain themselves.. Good luck indeed, we are all stuck together regardless. Ever year passes by and Somalia falls into deeper anarchy and more insurgents and foreign fighters keep coming to Somalia to add the fuel to its status failure. Is not going anywhere with the 4.5 clan formula and no new constitution will solve or safe it from further destruction or more clan states in mid Somalia.
  10. The Zack if the koonfurians gave Somaliland the president the prime minister and the capital and asked me to return to a union with them I am still against it , I am not after political seats or anything like that , Somaliland’s independence is sacred to me
  11. Dukey Somaliland’s independence is not even Negotiable, so you can exclude them from your list. However you if you insist in having a federal Somalia from raskambooni to raas caseer I advise you to get rid of the 4.5 Clan formula federalism and 4.5 Don’t go hand in hand , after that you need to combat the Extremist groups alshabaab and all the other insurgents . after done all of that you can start Planning drawing a map possible federal states . In your Somalia. Good luck
  12. Che Koonfurians adigu sided wax ugu qeybin lahayd Its a clan Society and according to the 4.5 clan Forumula these people are nuss he just said it But that was the reality
  13. So let me get this straight Silanyo sends godane to koonfuria,, godane then returns and bombs Hargeysa Great team Makes sense
  14. Yes the upper parliament is the house of lords The lower house is the house representatives
  15. Yes indeed rayaale Is not there anymore thanks to Kulmiye And the Mujaheed, and the democratisation of Somaliland shall continue , the guurti is never elected But rather named but inshallah the parliament elections will be held in 2 and a half years
  16. Teachers from bugland what are they teaching Terrorism or piracy any way good they are locked up the need to be deported ASAP
  17. No Jb its actually rayaales fault if the presidential election would of happened in 2008 , we could of hold the parliament elections now in 2010 but we all know what happened
  18. Originally posted by Libaahe*: Your map is a joke, Caynabo part of puntland lol? not even laascanood is part of pirateland
  19. Juma the parliament elections were planned end this year but because we just had an election twho montsh ago it just not feasible so that’s why they extended the term of the parliamentIts understandable.
  20. Sept 07, 2010 War Deg-dega:- Golaha Guurtida Oo Mudo Kordhin U Samayeey Doorashooyinkii Golayaasha Hargaysa (Waaheen)-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa kal-fadhi aan caaddi ahayn oo ay maanta ku yeeshay Wasaarada Arrimaha Guddaha JSL Fadhigan maanta ee Aqalka Odayaasha oo uu Guddoominayay Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, kulan kan oo ay kaga arrinsanayeen waxa ay ka yeelayaan muddo kordhin Madaxweyne Siilaanyo uu kaga dalbaday in ay u sameeyaan Golayaasha Baarlamaanka “ Wakiiladda iyo Guurtida” iyo Golayaasha Deegaanka oo qaarkoodana hore wakhtigii la doortay uga dhamaaday qaarkoodna uu bishan ka dhacayo. Hadaba doodo iyo falanqayn ka dib waxay mudanayaashu u codeeyeen mudo kordhinta golayaasha waxay u dhacday sidan. 1.Aqalka Baarlamaanka waxaa mudadii xilka loo kordhiyey 2 sano iyo 8 bilood (Laba Sano iyo sided bilood. 2.Golaha Guurtida ayaa iyagana xilkii loo kordhiyey 3 sano iyo 8 bilood (Saddex Sano iyo Sideed bilood) 3.Halka iyagana sidoo kale Golaha deegaanka loo kordhiyay muddo 1 sano iyo Badh ah.