-
Content Count
29,830 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Senior Human Right commissioner visited Puntland Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Che -Guevara: ^Waxaa iga daran dadka beenta isku madadaaliye hadana faan iyo booto ku dara Ma kan baad u jeeda ileen kan ba faan badan eh -
Senior Human Right commissioner visited Puntland Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
^^ Kii dadka isku qarxin jiray na wakaan inoo yimid Che Aniga iyo duke isku wadan kamananu iman duke wuxu ka yimid gobol yaro oo reer budhcad badeed loo yaqaano oo ka mid ah somaliyadi 1991 budh budhay boowe -
Senior Human Right commissioner visited Puntland Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by General Duke: ^^^I like it when a secessionist gets upset. Dont worry Siilanyu is gonna build a great Navy.. Last time I checked the faroole Administration were frustrated with an illiterate TFG minister Called Ibi who refers him self as a professor ,the poor pirates thought they would be rewarded with the biggest Navy base In bosaaso. -
Senior Human Right commissioner visited Puntland Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
What does that hotel got to do with human rights , the Bintiland boys are as usual confused I bet When the UN lady asked about human rights abuses in The pirate state faroole showed her that beautiful hotel -
Ma maraykan ba lo dalbaday Sheekhi maakhir
-
Senior Human Right commissioner visited Puntland Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Actually Somaliland being mentioned next to your pirate state is a whole achievement for you guys , according to the world Somalia is a failed state with no credibility and your Uncle Cumar Buur is about to be deported from Xammar -
Senior Human Right commissioner visited Puntland Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Dukey how did you feel when the lady mentioned Somaliland next to your pirate state in your so called report you got all excited ha , ONLF is not going to defeat attam for you nor will it help you with getting back eastern sool. -
Senior Human Right commissioner visited Puntland Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by General Duke: She seemed impressed, good news.. Its seems that you are more impressed then the lady from the UN all you wanted is to list your pirate state next to the great nation of Somaliland stop associating your self with us -
Askar ka soo goosatey Garowe oo soo gashay Laascaanood Sep 16, 2010 Laascaanood(Riinji.com)Kantaroolka dhinaca bari ee Magaalada Laascaanood ayaa Ciidamada Somaliland ku soo dhaweeyeen Ciidan ka soo goostey Ciidamada Puntland ee Garowe Ilaa iyo hada ma cada tirada Ciidanka Somaliland u soo galay ee ka soo goostey Puntland iyo ujeedooyinka keenay Puntland oo dagaal kula jirta kooxda shiikh atam in ay ka soo goostaan. Sidoo kale lama cadayn in ay Somaliland ku biirayaan iyo in kale ,Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan deegaanka SSC ayna ka tirsanayeen ciidamada Daraawishta ee Puntland. Xidhiidhka Somaliland iyo Puntland ayaa beryahan dambe wacnaa iyagoo si wada jirta iga hortagayey Hogaanka SSC iyo xalaadalada Gobolada SSC. Magaalooyinka Laascaanood iyo Garowe ayaa iyagu isu furan oo aan wax ilaalo ah kala dhex oolin,isku so wada duubo amaanka puntland iyo Ciidamadeedii kala duwanaa ayaa iyagu sii daciifaya. WIXI SOO KORDHA KALS OC RIINJI Source Riinji.com
-
Sufi Militia Says Al-Shabab Planning to Attack Galgadud Region
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Kuwan Axmed godana liqaya mark my words iyago shalilahi abdulqadir jilani qadaya bu Axmed ka dhex toosaya -
Somaliland Foreign minister meets kenyan Prime minister Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Dr maxammad cabdulahi omar wa nin dadaal baddan inkastow af ingrisigisu yahay ti seamanadi reer shefield -
Somaliland Foreign minister meets kenyan Prime minister Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ jacayl ma xafiis beynu iska barbar furana dee lol -
Somaliland Foreign minister meets kenyan Prime minister Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ugu dembayn, waxa uu Ra’iisal-wasaaraha Kenya martiqaad u fidiyay Madaxwayne Axmed Silaanyo inuu booqosho ku yimaad dalka Kenya, isagoo ka warramay safar uu ku tagay Somaliland intii aanu noqon Ra’iisal-wasaaraha ee uu mucaaradka ahaa. -
Somaliland Foreign minister meets kenyan Prime minister Pics
Xaaji Xunjuf posted a topic in Politics
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo Nairobi Kula Kulmay Ra’iisal-wasaaraha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya Nairobi (Jam)-Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Ra’iisal-wasaaraha dalka Kenya Mr. Raila Odinga iyo madaxweyne-ku-xigeenka dalkaa Mr. Stephen Kalonzo Musyolka. Kulanka dhexmaray Ra’iisal-wasaaraha Kenya iyo wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo ka dhacay xafiiska Raila Odinga ee magaalada Nairobi, waxa lagaga wadahadlay xaaladda nabadgalyo iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xidhiidhka Somaliland, Kenya iyo guulaha Somaliland ay ka gaadhay xagga dimuqraadiyada iyo horumarka. Sida lagu sheegay qoraal wargeyskan Jamhuuriya ka helay waftiga, waxa Dr. Maxamed Cabdillaahi oo wefti uu hoggaaminayaa booqasho ku joogaan Nairobi uu ra’iisal-wasaaraha Kenya u gudbiyey dhambaal uu uga siday madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Qoraalka wasiirka arrimaha dibeddu kaga hadlay kulamada uu la yeeshay Ra’iisal-wasaaraha iyo madaxweyne-ku-xigeenka Kenya oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sedan: “Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa Arbacadii shalay la kulmay Ra’iisal-wasaaraha dawaldda Kenya, Mudane Raila Odinga. Kulankan oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha, waxaa lagaga wada hadlay xaaladda nabadgalyo iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xidhiidhka Somaliland iyo Kenya iyo guulaha Somaliland ay ka gaadhay xagga dimuqraadiyadda iyo horumarka. Wuxuu munaasabaddan wasiirka ugu gudbiyay Ra’iisal-wasaaraha farriin uu ka siday Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, taasoo nuxurkeedu ahaa sidii xidhiidhka Somaliland iyo Kenya looga dhigi lahaa mid waxtar cusub ku soo kordhiyey labada waddan iyo labada shacab. Waxa kaloo farriinta ka jiray mahadnaq uu Madaxwaynuhu ugu mahadceliyey dawladda Kenya weftiga Baarlamaanka Kenya ka socday ee ka qaybgalaya munaasibaddii dhaarta madaxwayne Axmed-Siilaanyo ee 27 kii bishii July ee sannadkan ka dhacday Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland wuxuu si wayn ugala hadlay Ra’iisal-wasaaraha Kenya xidhiidho cusub ee xukuumada Somaliland doonayso inay dhexmaraan labada dal oo ay ka mid yihiin iskaashi xagga tababarada booliska, waxabarshada, tacliinta sare iyo isgaadhsiinta, kuwaasoo Ra’iisal-wasaaraha u arkay kuwa wax tar u yeelan kara labada geesoodba. Ugu dembayn, waxa uu Ra’iisal-wasaaraha Kenya martiqaad u fidiyay Madaxwayne Axmed Silaanyo inuu booqosho ku yimaad dalka Kenya, isagoo ka warramay safar uu ku tagay Somaliland intii aanu noqon Ra’iisal-wasaaraha ee uu mucaaradka ahaa. Waxa kaloo Dr. Maxamed Cabdillaahi maanta [shalay] uu gelinkii dembe xafiiskiisa kula kulmay Madaxwayne-ku-xigeenka dalka Kenya Mudane Stephen Kalonzo Musyolka oo ay ka wadahadleen mawqifkan dalka Kenya ee arrimaha Geeska Afrika iyo qorshooda ku aaddan wax ka qabashada arrimaha xasillooni-darrada ah ee ka jira meelo ka mid aha mandaqadda. Wasiirka Khaarijiga ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo hoggaaminayay wafdi ballaadhan oo ka socda xukuumadda Somaliland oo ka kooban 6 wasiir ayaa booqasho ku jooga dalka Kenya. Waxaanu ku jiraa hawlgal diblomaasiyadeed oo kor loogu qaadayo xidhiidhka Kenya iyo Somaliland. Wasiirada kale ee waftiga waxay kale yihiin Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Eng. Huseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Dr. Saad Cali Shire, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Axmed Xaashi Oday, Wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha mudane Dr. Maxamed Yaasiin Xasan iyo Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud. Waftigan waa kii ugu ballaadhnaa ee ka tirsan xukuumadda cusub ee madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo ee dibadda safar ugu baxa tan iyo markii xisbiga KULMIYE talada dalka la wareegay, waxana u socda wasiirada shirar ay la yeelanayaan deeqbixiyayaasha adduunka oo ka mid yihiin Bangiga Adduunka, hay’adaha gargaarka ee Ingiriisksa ee loo yaqaano DFID, hay’adda horumarinta Maraykanka ee la yidhaa USAID, Jimiciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo kuwa kale,” ayaa lagu soo gunaanaday Jamhuuriya Online -
Breaking News - 123 ONLF killed in Deegaanka Shabeelleey inside Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Che you do know Melez is not amxaar but tigray -
Breaking News - 123 ONLF killed in Deegaanka Shabeelleey inside Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Originally posted by Jacaylbaro: Rag waaweyn baad tihiine cayda ha la daayo ...... war ramadanti wey dhamaatay wala ciiday , -
Breaking News - 123 ONLF killed in Deegaanka Shabeelleey inside Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
jacaylbaro ma barigay lahayeen laaya laaya laaya dabar gooya ummada reer somaliland , Bariga dee adeerkood Maxammad siad bare xukunka u hayey isna wali so daahiray bay u haysteen. Shacabku afweyne leynaye mala geed bay ka so baxeen mala somali may ahayn. umada tan dhagahooda iyo afkoodu is ma maqlan. -
Yeah like that other hilarious story I heard at the maqaaxi today apparently isisyas afarwerki is good friends with jamac maxammad qalib who is a close friend of The president AMM and Jamac he was behind the whole Connection sheeko fadhi ku dirir walayaal ma iska dayna
-
Haye sheekoyinki conspiracies theories ba bilaabay iyo abdi salan cabdulle oo Jiin u waramo
-
Somaliland UN delegation arrive in hargeysa Pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxwayne Siilaanyo oo qaabilay Wafti Heer Sare oo ka socday UN Hargeysa (Jam)- madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley Wefdi Balaadhan oo ay hogaaminayso Kaaliyaha Xog-hayahaGuud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah ku xigeenka Komishanka Xuquuqalisaanka ee UN-ka Mme Kyung-wha kang. Sidaasina waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo dhignaa sidan. War-Saxaafadeed Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta qasrigaMadaxtooyada ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ay hogaaminayso Kaaliyaha Xog-hayahaGuud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah ku xigeenka Komishanka Xuquuqalisaanka ee UN-ka Mme Kyung-wha kang. Madaxa Weftiga Mme Kyung-wha kang ayaa MarkaHoreba Madaxweynaha u gudbisay Hambalyo ay ka sido Madaxa Komishanka Sare eeXuquuqal isaanka UNka Madaxaweftigu waxay Madaxweynaha Si aada ugu Amaantay Go’aankii uu ku sii daayeyDadkii Siyaasada u xidh-xidhnaa isla markii uu talada la wareegay waxanay ku tilmaantay Madaxweyne ku dayashoMudan. Madaxa Weftigu Mme Kyung-wha kang waxa kale oo ay Madaxweynaha u balan qaaday in uuKomishankeedu Somaliland kala Shaqayndoono Horu-marinta Xuquuqal Isaanka. Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa isaguna Weftiga u bal-balaadhiyey siyaasada Xukuumada eeDhinaca Xuquuqal Isaanka Waxaanu Madaxweynuhu u sheegay Weftiga inay SomalilandMabda u tahay ilaalinta Xuquuqal isaanku Xukuumaduna ay sidaa ku shaqaynayso. DhinacaSomaliland waxa Madaxweynaha ku Wehelinaayey kulankan Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Prof:Ismaaciil Muumin Aar. Xubnaha Weftiga waxay kala ahaayeen:- MmeKyung-whakang DHC(VIP) ScottCampbell, OHCHR-Geneva, Africa Division FionaAdolu, UNPOSHRO JoachimSchmitz, UNPOSSecurity Chief SandraBeidas, Head of Human Rights, UNPOS/OHCHR ALLAA MAHAD LEH AF-hayeenkaMadaxtooyadda JSL. Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ) Jamhuuriya Online -
Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Wefti Balaadhan Oo u Hogaaminaayo Kaaliyaha Xoghaya Guud Ee Qaramada Midoobeyþ BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND SDWO (Hargeisa 14/09/2010) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo}Ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Wefti Balaadhan Oo u Hogaaminaayo Kaaliyaha Xoghaya Guud Ee Qaramada Midoobey isla Markaana Ah ku xigeenka Komishanka Xuquuqal isaanka ee UN-ka Mme Kyung-wha kang. Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Qasriga Madaxtaoaoyada Uu Uu Ku Saxeexan Yahey Af Hayeenka Madaxtooyada Somalialnd C/laahi maxamed Daahir {Cukuse} Ayaa waxaa uu idhignaa Siddan: Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD ( SIILAANYO) waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ay hogaaminayso Kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah ku xigeenka Komishanka Xuquuqal isaanka ee UN-ka Mme Kyung-wha kang. Madaxa Weftiga Mme Kyung-wha kang ayaa Marka Horeba Madaxweynaha u gudbisay Hambalyo ay ka sido Madaxa Komishanka Sare ee Xuquuqal isaanka UNka. Madaxa weftigu waxay Madaxweynaha Si aada ugu Amaantay Go’aankii uu ku sii daayey Dadkii Siyaasada u xidh-xidhnaa isla markii uu talada la wareegay waxanay ku tilmaantay Madaxweyne ku dayasho Mudan. Madaxa Weftigu Mme Kyung-wha kang waxa kale oo ay Madaxweynaha u balan qaaday in uu Komishankeedu Somaliland kala Shaqayndoono Horu-marinta Xuquuqal Isaanka. Madaxweynaha JSL Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD ( SIILAANYO) ayaa isaguna Weftiga u bal-balaadhiyey siyaasada Xukuumada ee Dhinaca Xuquuqal Isaanka Waxaanu Madaxweynuhu u sheegay Weftiga inay Somaliland Mabda u tahay ilaalinta Xuquuqal isaanku Xukuumaduna ay sidaa ku shaqaynayso. Dhinaca Somaliland waxa Madaxweynaha ku Wehelinaayey kulankan Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Prof: Ismaaciil Muumin Aar. Xubnaha Weftiga waxay kala ahaayeen:- 1. Mme Kyung-whakang DHC (VIP) 2. Scott Campbell, OHCHR- Geneva, Africa Division 3. Fiona Adolu, UNPOS HRO 4. Joachim Schmitz, UNPOS Security Chief 5. Sandra Beidas, Head of Human Rights, UNPOS/OHCHR ALLAA MAHAD LEH AFhayeenka Madaxtooyadda JSL. Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
-
Somaliland and Ethiopian forces clash with ONLF rebels
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
^^^The Ethiopians were only involved at their side of the border -
ku dhaqan degaankaasi ay ku arkeen qalab Millatari iyo qasharrada rasaasta loo isticmaalo qoriga Baasukaha loo yaqaanno oo ay kooxahani kaga tageen iyo raad cad oo muujinaya xaddiga iyo qalabka ay wateen. Gudoomiyaha Gobolka Selel Maxamed Muuse Bucul (Buuni) oo Wargeyska HargeisaStar khatka taleefanka wax kaga waydiiyey jiritaanka wararka sheegaya in Ciidammo Jabuuti ku lid ah la keenay deegaanka iyo dhaqdhaqaaqa Itoobiyaanka iyo Somaliland, ayaa sheegay in Ciidammadda Qaranka, Xeebaha iyo Booliska Somaliland ee source tvsomalilandeurope