Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,974
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    78

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Ciidan Ka Tirsan Puntland oo Ku Dhaawacmay Qarax Miino October 6, 20105 comments| leave your own!Askar ka tirsan Ciidanka Puntland ayaa dhaawac soo gaaray kadib markii uu ku qarxay miino,iyadoo qaraxadaas miinada ay ka dhacdey halka lagu magacaabo Balli Khadar oo hada kahor dagaal ku dhexmaray Ciidanka Puntland iyo xoogaga taabacsan wadaadka lagu magacaabo Maxamed Siciid Attam. Wararka ayaa sheegaaya in qaraxadaas miinada ay ku dhaawacmeen askar gaaraya 8-askari oo dhaawacooda lasoo gaarsiiyey Isbitaalka guud ee magaalada Bosaaso oo xilligaan lagu dabiibaayo. Askarta ku dhaawacantay qaraxa miinada ee lasoo gaarsiiyey isbitaalka Bosaaso ayaa la sheegaaya in qaar kamid ah ay qabaan dhaawacyo aad u culus. Ma jirto ilaa iyo hadda cid ka hadashay qaraxa miinadaan, Ciidamada dagaalka kula jira Puntland ee uu hoggaamiyo ninka la yiraahdo Maxamed Siciid Attam ayaan weli sheegan in ay ka danbeeyeen qaraxaas, waxaase loo badinayaa in ay iyagu ka danbeeyeen. Ma ahaan markii ugu horeysay Ciidanka Puntland ay ku waxyeeloobaan qarax miino oo noocaan oo kale,waxaana dhowr jeer hore degaano ay kamid tahay Galgala lagula beegsaday qarax miino oo dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Horseed Media
  2. Africa Own Indeer just because President siilaanyo refused to inform Melez about his cabinet before he announced it, or just because adis ababa didn't like Ina xashi and Dr gaboose and the minister of religious affairs a good mutual relationship between two countries doesn't mean The Somaliland admin should please Ethiopia when ever it comes to it Ethiopia should not interfere with internal issues of somaliland. The relationship with Ethiopia isn't gone bad it's just where is was before rayaale took over power in 2002. As for the security Somaliland new admin works hard on the security issue. So lets wait and see the next comming months.
  3. waxa la isku haysta daraha la dummiyey yaa dib u dhisaya
  4. Originally posted by AYOUB: We should open an Embassy in Xarardheere. are we sure they can protect our Embessy When will waax iyo waadi come
  5. Can't you read afsomali Hargeysa (TogdhNews)- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo shalay ka laabtay socdaal muddo 20 maalmood ah qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Qadar, ayaa shaaca ka qaaday in hay’ad samofal oo xarunteedu tahay dalka Qadar ballanqaaday inay Somaliland ka dhisayo cusbitaal lix dabaq ah oo noqon doona ka ugu weyn mandaqadda bariga Afrika. Xildhibaan Nacnac, waxa uu sheegay in hay’addaas samafalka oo aannu magaceeda sheegin ay hore ula kulantay masuuliyiinta xukuumaddii hore ee Somaliland, isla markaana kala hadleen dhismaha cusbitaalkaas, balse aanay wax war ah dib ugu celin, sidaas darteedna ka soo codsadeen inuu Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo wasiirkiisa caafimaadka farriin arrntaas ku saabsan loo hirgeliyo dhismaha cusbitaalkaas. nacnac is a kulmiye parliamenterian.
  6. That's good news reer sool need more schools and more stuff like this, well done somaliland.
  7. That's good news Xildhibaan nacnac is hard working parliamentarian
  8. Cabdirashiid Ducaale Qambi Oo Talooyin Ujeediyey Garaaddada Iyo Qurbo-joogga reer ssc Xukuumadda Somaliland Iyo Jabhadda SSC. Hargeysa(Ramaas) Okt.05, 2010 - Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeedda Deegaanka Buuhoodle ee Somaliland, ayaa Xukuumadda Somaliland iyo madax-dhaqmeedka Deegaannada Buuhoodle iyo Sool inay xal degdeg ah u helaan dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka aloosan Gobolka Sool iyo Buuhoodle. Cabdirashiid Qambi oo shir jaraa’id shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu ka hadlay dhacdadii dhawaan ka dhacday deegaanka Oog oo Jabhadda Hubaysan ee SSC si gaadmo ah ugu dileen hal Askari oo Ciidanka Qaranka ka tirsan, mid kalena ku dhaawaceen, halka ay hal qof oo shicib oo maalmo ka dib markii ay arrintaasi dhacday la soo daayeyna ka afduubeen, isla Tuulada Oog. Taas oo uu Cabdirashiid Ducaale Qambi ku tilmaamay mid xad-gudub ku ah nabadgalyada Somaliland iyo Ciidammada Qaranka ee sida nabadgalyada ah u jooga jiiddaas, isla markaana waxa uu xusay inaanay dadka ku dhaqan deegaanka Oog reer Buuhoodle ka mutaysan tallaabooyinka lagula kacay oo uu ku sifeeyey inay ahayd mid aad u fool-xun. Mr. Qambi waxa uu sheegay inaanay siyaasadda Kooxda la baxday SSC ahayn mid dani ugu jirto guud ahaanba dadka Sool iyo Buuhoodle. Waxaanu ugu baaqay dadka Gobolka Sool iyo Buuhoodle dibad iyo gudo meel ay joogaanba inay ka shaqeeyaan horumarinta dadkooda iyo deegaannadooda, kana feejignaadaan tallaabo kasta oo dhaqaale loogu ururinayo cid nabadgalyada burburinaysa, xasilloonidana ka soo horjeedda, oo aanay wakhti iyo hanti toona iskaga lumin taageerada SSC. Cabdirashiid Ducaale Qambi waxa uu si wada-jir ah baaq ugu diray Xukuumadda Somaliland, Jabhadda SSC iyo Beelaha uu ka soo jeedo ee Sool iyo Buuhoodle.“Waxaan doonayaa SSC inaan hal idhaahdo, Xukuumadda Somaliland inaan hal idhaahdo, Qurba-joogga Dhulbahantana inaan hal idhaahdo, Xukuumadda Somaliland waxaan leeyahay ballan-qaadkii aad ballan-qaaddeen oo illaa imaka intaan ka war hayo Guddi la saaray la igu yidhi warkoodii iyo wixii ay qabeen waxay u gudbiyeen Madaxweynaha, Madaxweynuhu sidii uu ballan-qaaday wax loo socod-siiyo oo Xukuumaddu u socodsiiso oo wadahadalkii iyo gogoshii Madaxweynuhu fidiyey la socodsiiyo oo laga midha-dhali, oo aanay noqon arrin caajis gala, taas ayaan Xukuumadda odhanayaa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirashadii Qambi. Cabdirashadii Qambi oo la hadlaya Beeshiisa iyo SSC, waxa uu yidhi; “SSC waxaan odhan lahaa, reer Buuhoodle dagaal uma baahna, SSC Laascaanood hawlgal kama fuliso, Xudurna kama fuliso, Taleex kama fuliso, Sanaag kama fuliso, Fiqi-fuliyana kama fuliso, Awr-boogeysna kama fuliso, markaa waxaan leeyahay SSC reer Buuhoodle nabad bay u baahan yihiin, haddaad Boorama eegto xaaladda ka jirta iyo meeshaasi horumarka ay gaadhay ee ay nabad ku gaadhay, siyaasad ku gaadhay ee ay danteeda ku gaadhay ee meesha waxa ka jiraan ay garteen, Buuhoodle Dhakhtarkiisi wuu xidhan yahay, oo Iskuulladiisi way xidhan yihiin oo haddaad magaalada aragto yaab baa Illaahay kuu keenayaa.” “Waar haddaad tidhaahdaan Itoobiya waannu soo oodaynaa, oo Somaliland waa soo oodaynaa oo Puntland waa soo oodaynaa, dee meel loo socdaan jirin. Waar ragga dibadda jooga ee lacagta rasaasta ku bixinayaa inay Qalin ku bixiyaan baa wanaagsan, inay Buug ku bixiyaan oo Iskuul ku bixiyaan oo ay ummaddooda meel walba laga xidhay sadaqad ku siiyaan oo wax ugu kordhiyaan baa wanaagsan, Balse in la yidhaahdo Xagla-toosiye ayaa meel noo fadhiya oo waannu dagaallamaynaa meel walba waannu iska soo oodaynaa caqli iyo cilmi toona maaha.” Ayuu yidhi Cabdirashadii Ducaale Qambi. “Dadkii dhulka maraayey ee Caafimaadka u socdey shaki ayaa galay, waxaannay ilaa Hargaysa, Caynabo iyo Qorulugad ay Dadka joogaa ka shaqaynaayeen wannaag in Wiil yar oo Gaadhi wata haddii la yidhaahdo soollaa habari heshay oo Sool illaa Qorulugad ilaa Coobadley Wallaahi oo Bilaahi oo Talaahay in aanay sidaas Nabadgelyo ku haagayn.” Ayuu hadalkiisa ku ladhay Mr. Qambi. Cabdirashiid Qambi oo la hadlaya la hadlaya dadka ay isku deegaanka yihiin, waxa uu yidhi; “Dadka dibadda jooga ee reer Sool, Buuhoodle, Taleex, Ceerigaabo, Fiqi fulliye, Xuddun, Badhan, Laasqorey, Ceelaanyo iyo Dhahar waxaan odhan lahaa waar Dadka dibada joogaa xaaladoodu waxay maraysaa halkii 88-kii, waxa maanta yaalla Hargaysa, Burco iyo Berbera waxa halkaas yaallaa Dadkaasi aan sheegay ma ahaayaan, waar Dadka iyo dalka waxa lagu dhaqi karaa Nabadgelyo oo lagu wadda hadli karaa oo lagu heshiin karaa oo lagu midoobi karaa oo lagu kala tagi karaa sidda aad jecel yihiin, wax aan nabad ku dhalanna xumaan kuma dhashaan, Masuul xilka ka haya Xukuumadda Somaliland oo u hadlaya ma ihi ee Muwaadin reer Somaliland ah ayaan ahay oo Muwaadin Soomaaliyeed ah oo Buuhoodle ah oo Muwaadin reer Dhahareed ah ayaan ahay, waxaan odhan lahaa waar halkan waxa yaallaa iyo waxa aad ku haysaan dibadaha way kala fog yihiin, halkii SNM ay maraysay 88-kii ayaad maraysaan dhulkana Nabad ayaa taalla oo la isku dhex marayaa oo lagu wadda joogaa oo la isku dhaqayaa.” “Waxaan arkaayey Niman reer Buuhoodle ah oo leh waa nala gumaysanayaa oo waa nala haystaa Walaahi in aanay jirin cid cid gumaysan karaa oo qasab ku haysan karaa Soomaali reer ugu yar-na dhahoo cidbaa gumaysan kartaa ma jirto, wax waliba Nabadgelyo iyo xalbay ku shaqayn karayaan, Nimanka la yidhaahdo SSC camalka ay ku shaqaynayaan maaha mid *********** iyo reer Buuhoodle wax u taraaya maaha wax ka qabta ummadaha ay jaarka yihiinna maaha.” “Inta Oog wax lagu laayo oo dad laga soo afduubto in Buuhoodle lagu soo dhuunto oo dadka lagaga furfuro wax ummadda jaarka ah qabta maaha, Puntland waxay ka shaqaynaysaa Nabadgelyo, Somaliland-na waxay ka shaqaynaysaa waa nabadgelyo, markaa Nimanka dibadaha jooga ee leh intaas oo dhan waanu soo oodaynaa waxa ka wannaagsan inay lacagta ay rasaasta ku soo dirayaan ay Qalin ku bixiyaan oo ay Buug ku bixiyaan ayaa ka wanaagsan sidda ay hada waddaan.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirashiid Ducaale Qambi. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Laakiin in la yidhaahdo Xagla Toosiye ayaa meel noo fadhiya oo Oog soo weeraraya oo Askar masaakiin oo diiday inay lafahoodu galaan carro *********** ayaan laynayaa addeer waxaan leeyahay Ragga Garaadada ah ee bud-dhiga u ah SSC ummadda ka daaya fidnadda oo waxaad waddaan ma qabbo reer Buuhoodle sidaas ayaan soo jeedinayaa inagoo ah reer Buuhoodle.”
  9. Godane nin ci ciyaara maha wa wuxu Emir iskugu yeedho.
  10. waan iska oga Gudoomiye admiral Maxmamamd cumar Cismaan ba laga hor keeneya inadeerki oo wasiir u ah Melez zanawi Yeah and i know the other one is from Qabri bayax.
  11. ^^ maya waxan rabba inan ogaado tuuladay ka so jeedaan , Mise waxad iska dhigaysa ONLF nin aan la socon wuxu melez so wal walaqay
  12. ^^ No my friend iley rules you Not my beloved Somaliland , my great nation is ruled by Xaaji Siilaanyo ilahay raali haka noqde eh Zack labbada wasiir halkay ka yimadeen ma qabridhahare mise dhagaxbuur.
  13. ^^bal wayahay halkay xukunta oo yay lid ku tahay weyn ?
  14. Originally posted by Som@li: SSC is a real threat to the seccesionists. How are they a threat if they control only
  15. Warya taleexi somaliland iyada wax rimisa Ciyaar mood, ssc baanu rabna inanu ka dhalino cadalaad hormar gobonimo oo aanu gaadshino si ay qabyaalada iskaga dayaan, say no to qabyalaad Yes to qarranimo. As for the news Reer xammar lugu xidh these people surrendered their arms. Hubka na wa la qaramaynaya inshallah.
  16. Originally posted by The Zack: The Somali region has the third largest number of population in the country and all they got is 2 ministers? That is Meles's democracy Well at least you have ileey running your place the president of kilinka shanaad Where are the two ministers from Are they from dhagaxbuur or from Qabridhahare
  17. War Degdega: Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL Oo Joojiyey Dhammaan Shaqadii Uu Tv-ga Universal Ka Waday Magaalooyinka Somaliland Oo Dhan. Hargeysa(Ramaas) Okt.05, 2010 - Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL Md Cabdilaahi Jaamac Cismaan [Geell-jire], ayaa soo saaray wareegto uu ku hakiyey shaqadii warbaahineed ee uu Tv-ga caalamiga ah ee Universal ka waday guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Md Geell-jire waxaa uu ku eedeeyey maamulka tv.ga inay ka baydheen dariiqii dhexdhexaadnimo oo ay si gaar ah ugu shaqeeyaan dhinaca, gaar ah. Sidoo kale waxa uu wareegtadaas Wasiirku ku sheegay inay telefoonadii ka qaban waayeen masuuliyiinta Wasaarada warfaafinta ee Somaliland si arimahaas wax looga waydiiyo. Wareegtadan Wasiirkuna waxa ay u dhignayd sidan:- “Ku Xarunta Tv,ga Universal ee Hargeysa. Og: Wasiirka Wasaarada Arimaha Guddaha. Og: Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Og: Madaxweynaha JSL. U jeedo joojin dhammaan wixii warbaahin ah ee aad ka tabin jirteen Somaliland, waxaan idiin la soconsiinayaa in Wasaarada Warfaafintu si ku meelgaadh ah dhammaan wixii la xidhiidha ee aad ka tabin jirteen JSL . Ka dib markii aad is dhexdhexaadnimo ah aad u gudan waydeen waajibaadkiinii warbaahineed, markii aad ka maaranteen xidhiidhkii wada shaqayneed ee inaga dhexeeyey, markii si cadaan ah masuuliyiinta Wasaarada telefoonada uga qaban waydeen, markaad ka gaabiseen inaad ku dhaqantaan xeerka caalamiga ah ee saxaafada iyo kan Somaliland caadana ka dhigateen inaad hal dhinaca oo kaliya wax ka baahisaan, waxaanu go’aansanay in si ku meelgaadh ah la idiinka joojiyo hawlihii warbaahineed ee aad ka wadeen dhammaan magaalooyinka JSL laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 5/10/2010-ka. Ha’yadaha sharciga iyo Wasaarada Arrimaha Guddahana waxaanu ka codsanaynaa in ay go’aankan fulintiisana dabagal dhamaystiran ku sameeyaan.
  18. ^^ indeed but that's not how the 4.5 unfortunately works. This Goonjeex has no army that will fight under his name. And the TFG now needs an army.
  19. Originally posted by Taleexi: At least he is an open minded... lahjadaha kale wax ka baranaya. As far as SSC is concerned, like any other liberation front, it has to go through stages, you can marry a girl today, pregnate and expect her to deliver a baby tomorrow, of course, unless you are operating under the logic of the secessionist camp therefore with all SSC's hapless moves, they are realizing their goals slowly but surely. Haye ssc may uur qabta , tallow ya uureyey imisay maraysa?? markay dhasho beynu eegi waxay dhasho
  20. Shirkada Isgaadhsiinta Ee Nation Link Oo Xarun CusubKa Furatay Badhtamaha Hargeysa + SAWIRO Hargeysa (Oodweynenews)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee Nationlink, ayaa maanta xarun cusub oo muhiim ah ka furatay badhtamaha magaalada Hargeysa gaar ahaan agagaarka Khayriyadii hore. Xafladii furitaanka xaruntaas oo lagu qabtay isla xatunta, ayaa waxa ka soo qayb-galay Agaasimaha guud ee wasaarada Boostaha iyo Isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori, Gudoomiyaha ururka Isgaadshiinta Somalililand Eng. Yuusuf Axmed Cumar Xaashi, Madaxda Nationalink, Culimo Aw Diin, Ganacsato iyo martisharaf kale. Ugu horayn madaxa suuq-geynta ee shirkada Nationlink Maxamuud Maxamed Caare oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay xaruntan cusub u fureen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen adeegga isgaadhsiineed ee ay bulshada u hayaan, isla markaana ay noqon lahayd meel dadka oo dhami wada iman karayaan. Waxa kale oo uu xusay inay shirkad ahaan xooga saarayaan sidii ay bulshada reer Somaliland uga haqabtiri lahaayeen adeegga Tefoonnada, Internet-ka, isaga oo xusay in shirkada Nationlink ay dadweynaha aad ugu naxariisado, “Shirkad ahaan mar kasta waxa aanu ku dadaalnaa sidii aanu bulshada uga iibin lahayd adeeg hufan oo jaban, Waxaana qofku halka doolar uu dibada kula hadli karaa toban daqiiqadood, halka shirkadaha kale ay shan daqiiqadood ka yihiin. Taasina waa fursad qaaliya oo aanu dadweynaha u soo kordhinay.” Ayuu yidhi Maxamuud Maxamed Caare. Waxa uu sheegay inay 11 xarumood oo kale ay ka fureen meelo badan oo Somaliland ka mid ah, hasayeeshee aanay weli adeegooda ka hirgelin goboladda galbeedka shishe ee Somaliland sida Zaylac iyo Lughaya, isla markaana ay ku talo-jiraan inay deegaanadaas ay dhawaan ka hawl-geli doonaan. Maxamuud Maxamed Caare waxa uu tilmaamay inay hawl-wadeenadii ay shirkadu u dirtay Gobolada bariga Somaliland in la af-duubay, isla markaana ay filayaan in la soo dayn doono oo ay waan-waani socoto. Agaasimaha guud ee Wasaarada Boostaha iyo isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori oo isna halkaa ka hadlay, ayaa shirkada Nationlink ku bogaadiyey adeegga isgaadhsiinta ee ay Somaliland u hayaan, isaga oo ilaahay uga baryey inuu u barakeeyo xarunta cusub ee ay furteen. Agaasimuhu waxa uu aad uga dayriyey halista caafimaad iyo nabadgelyo ee ay keeni karaan shirkadaha faraha badan ee Isgaadhsiintu haddii aan la nidaamin oo aan loo samayn sharcigii hagi lahaa, isaga oo sheegay inay Wasaarad ahaan diyaariyeen xeerkii Isgaadshiinta Somaliland ay filayaan-na in Golaha Wakiiladu ansixin doonaan. Gudoomiyaha ururka Isgaadsiinta Somaliland Eng. Yuusuf Axmed Cumar Xaashi oo isaguna halkaa hadal koonan ka soo jeediyey, ayaa xusay inay shirkada Nationlink ay ka soo jeedo shirkad taariikh weyn ku leh Somaliland, isla markaana ay door weyn kaga jirto bixinta adeegyada kala duwan ee isgaadhsiinta. Waxa isaguna halkaa ka hadlay madaxa shaqaalaha ee Nationlink Cali Cabdilaahi Wacays, oo sheegay in shirkada Nationlink ay ku hawla tahay sidii ay bulshada reer Somaliland uga haqab-tiri lahaayeen dhammaan adeegyada isgaadhsiinta ee lagama maar maanka ah, isaga oo xusay inay shirkada ka shaqeeyaan dad shaqadoodu aad u hufan tahay. Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Sheekh Ciise Maxamuud iyo Daahir Xaaji Yuusuf oo ka mid ah ganacsatada Somaliland, oo iyaguna sheegay inay xaruntani door weyn ka qaadan doonto fidinta adeegga shirkada, isla markaana waxa ay ilaahay uga baryeen inuu u barakeeyo xarunta cusub ee ay furteen.
  21. Do you have a problem with Mudane Matt Baugh, or do you have a problem with his job???
  22. Waddamada Reer Galbeedka oo ilgaar ah ku Eegaya Xaaladda Soomaaliya iyo Saraakiil ka Tirsan Dawladda Ingiriiska oo Booqasho ku Yimi Somaliland Beesha caalamka oo ka cabsi qabta in colaadaha Soomaaliya saamayn ku yeeshaan dalalka kale ee dunida iyo mandaqada Geeska Afrika Hargeysa (Jam)-Wadammada reer Galbeedka oo uu hormuud ka yahay dalka Maraykanka, ayaa ilgaar ah ku eegaya xaaladaha isbedbedaya ee mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan colaadaha ka tagaan magaalada Muqdisho oo laga cabsi qabo inay saamayn dhinaca ammaanka ah ku yeelato dalalka dariska iyo beesha caalamka, iyada oo shalayna uu Somaliland soo gaadhay wefti ka socda dawladda Ingiriiska. Shirar iyo baaqyo is daba-joog ah oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo in beesha caalamku Somaliland ula macaamisho si ka duwan qaababkii hore loola dhaqmi jiray, ayaa bishii u dambaysay sii xoogaysanayey, iyada oo Qaramada Midoobay iyo kooxda la socdka arrimaha Soomaaliya oo ka kooban Maraykanka iyo dalal reer Yurub ah toddobaadadii tagay lagu falanqeeyey dhibaatooyinka aafeeyey Soomaaliya. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), madaxweyne Siilaanyo, ayaa shalay qaabilay wefti Ingiriiska ah oo uu hoggaaminayo ergayga gaar ah ee dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Matt Baugh, iyada oo Md. Siilaanyo weftiga uga waramay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland. Warsaxaafadeedka madaxtooyadda ka soo baxay ee lagaga hadlay kulanka ay wada yeesheen madaxweyne Siilaanyo iyo weftiga Ingiriiska ahi, isaga oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan: “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta [shalay] xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Britain oo kala ah ergayga gaarka ah ee dawladda Britain u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Mudane Matt Baugh, Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Britain ee Itoobiya Mr. John Marshal iyo madaxa hay’adda Mucaawimada ee qaabilsan Britain ee DFID, xafiiskeeda magaalada Nairobi Mr. Alaister Fernte. Madaxweynuhu waxa uu weftiga uga warramay xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgelyada, arrimaha bulshada iyo qorshaha xukuumadda Somaliland ee ku aaddan horumarinta dalka. Waxa kaloo Madaxweynuhu weftiga uga warramay xaaladda nabadgelyo ee gobolka iyo siday xukuumadda Somaliland diyaar ugu tahay inay waddamada jaarka iska kaashadaan adkaynta nabadgelyada gobolka, sidoo kalena beesha caalamka kala shaqayso dagaalka lagula Jiro argagixisada iyo budhcad-badeedda. Kulankan waxa dhinaca Somaliland Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland. Ku-xigeenka xoghayaha difaaca Maraykanka James Steinberg oo dhawaan arrimaha Soomaaliya ka hadlay, ayaa sheegay in xasilooni-darrada ka taagan Soomaaliya ay dhibaato qaran ku tahay dadka Soomaaliyeed, Afrika iyo guud ahaanba caalamka. “Waa dhibaato in labaatankii sanno ee tagay Soomaaliya xasili la’adahay, iyada oo taasi sababtay waxa aynu hadda indhaheena ku aragno ee budhcad-badeednimada, dagaalyahanada ajaanibka ah ee Soomaaliya ku qulqulaya iyo kooxo Soomaaliya ku sugan oo taageeraya hadhaaga Al-qaacidada bariga Afrika,” ayuu yidhi ku-xigeenka difaaca Maraykanku, iyada oo horena kaaliyaha xoghayaha arrimaha Afrika u qaabilsan Maraykanka Johnnnie Carson uu sheegay in Maraykanku beddelayo siyaasadii uu kula dhaqmi jiray Soomaaliya, isla markaana Maraykanku Somaliland iyo maamul-gobleedka Puntland ula macaamili doono si gaar ah oo gaadhsiisan heer diblamaasiyadeed. Dawladda Sweden oo ka mid ah dalalka reer Yurub, ayaa hore u shaacisay inay Somaliland la yeelan doonto xidhiidh fiican oo gaadhsiisan heer dawladeed, isla markaana mucaawimooyinka loogu tallogalay si toos ah loo siin doono, iyada oo aan la soo marin doonin gacan saddexaad.