-
Content Count
29,831 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Sudan : Xaflada Qalinjabinta Ardeyda Reer Somaliland Ee Sudan Sawiro posted by: Webmaster Xaflad Aad u Qiimo Badan Si Qurux Badana Loo Soo Abaabuley Ayaaa Ka Dhacdey Caasimada Khartoum Taas oo Ardeyda Reer Somaliland ee Sudan Ku Qalinjabinayeen , Xaflada oo Lagu Qabtey Hoolka Caalamiga Ah Naadii Dubaad Ayaa Waxaa Ka Soo Qeybgaley Ardeydii Qalinjabineysa, Marti Sharafa Iyo Boqol Qof oo Wajiyadooda Ka Muuqato Farxad Kuna Faraxsanaa La Wadaagida Habeenkan Qaaliga Ah Ardeya Qalinjabineysey .. Ugu Horeyn Waxaa Halkas Ka Hadley Cabdalah Fadli Sayid Oo Ahaa Maamulihi Hore Ee Hamdan Secondary School, Isagoo Ku Dheeraadey Amaan uu U Soo Jeediyey Ardeyda Qalinjabineysa Iyo Sidey ugu Samreen Wakhtiyadii Ay ku Jiren Waxbarashada Jaamacadeed , Waxaa Kale oo Uu Kula Dardaarmey Qiimaha Waxbarashada , Maxed Amin Abdirahman oo Ku Hadlayey Magaca Ardeyda Qalinjabisey Ayaa Isaguna Halkaas Ka Jeediyey Hadalo Qiimo Badan , Waxaa uu Maxed Amin Uu Mahad Celiyey Martisharaftii Iyo Ardeydii Ka Soo Qeybgashey Xaflada Qalinjabinta. Sidoo Kale Waxaa uu Tilmaamey Qiimaha Cilmigu Leeyahey . Xaflada Qalinjabinta oo Aheyd Mid Si Heer Sarre Ah loo Soo Agaasimey Ayaa Waxaa La Isaguna Khadka Telefoonka Ku Soo Galey C/raxmaan Maxed Maal oo Ah Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada , Isagoo Jooga Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeisa Ayaa Waxaa uu Ugu Horeyn u Mahadceliyey Ardeyda Qalinjabineysa Isagoo Ku Amaaney Dadaalka Dheeraadka Ah Ee Ay Sameeyeen , Waxaa Uu C/raxmaan Maal Uu Ku Dheerigaliyey Ardeyda In Dalkoodii Ay Yimaadaan oo Ay Aqoontey Barteen Ku Horumariyaan Waxna ugu Taraan , Si Dalkeenu u Gaadho Horumar Iyo Barwaaqo Intaas Ka Dib , Ururka Ardeyda Reer Somaliland ee Sudan Ayaa Gudoonsiiyey Cabdallah Fadla Sayid Maamulihii Hore Ee Hamdan Secondary School Shahaado Sharaf Ay ugu Talo Galeen Iyagoo Uga Mahadceliyey Doorkii uu Ku Lahaa Iyo Dadaalkiisa Waxbarashada Somaliland Waxaa Ka Dib Mid Mid Loogu Yeedhey Ardeyda Qalinjabisey Oo Dadweynihii Madasha Ka Soo Qeyb Galey Si Diiran Sacab Iyo Farxad Ula Kacayeen Iyadoo Halkaas Lagu Gudonsiiyey Shahaadooyinkii.
-
Emir Axmed Abdi Godane Versus Abu Mansuur Roobow Political rift.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
The other resentment of the group also bagun when the AlShabaab‘s leader, Ahmad Godane alias Abu-Zubayr, appointed a man hailing from his clan as a cashier to control the money they collect from the business people in southern Somalia. Reports confirm that Robow abu Mansur, a high ranking official in Al-Shabab, became furious when Abu-Zubayr appointed leaders for Bay and Bakool regions which is Robow’s hometowns a men who are not hail from those regions. -
Emir Axmed Abdi Godane Versus Abu Mansuur Roobow Political rift.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Mogadishu(Sunatimes) The Alshabaab rebel group has failed to heal a growing rift among senior leaders of their group, following a crucial meeting in Mogadishu to stem a threatening differing views based on clan and political power, Somalijournal has learnt. During a eight-hour meeting in Mogadishu‘s Suqaholaha area, the two rebel leaders Ahmed Abdi Godane who is the current leader of the group and his second in command Sheikh Mukhtar Robow have faced off on getting solutions for dying young boys mainly from Robow’s hometown of Baidoa to fruitless fighting and Godane’s proposal to keep them onboard and at last walked out of the meeting with anger. "The grounds for this deepening rift is just about politics, their failure of solution is indicating how bad the group is weakening time after time for the failed Ramadan war" Abdullahi Nor Ghelle, a Somali political analyst told Somalijournal. "In terms of the contentious matter, its not easy to overcome differences and to initiate a new beginning on political and popular levels," he said yesterday. The group has vowed all out war against the Somali government and the African Union peacekeeping forces, but inherited more death and painful shelling which disheartened many young and older fighters who instead came back with dead colleagues and deafened ones for the sharp shelling by the AU tanks. Robow also clashed with his hometown elders who lost many young boys for him to fight alongside Alshabaab on the whereabouts of their mostly dead and badly wounded boys. The other resentment of the group also bagun when the AlShabaab‘s leader, Ahmad Godane alias Abu-Zubayr, appointed a man hailing from his clan as a cashier to control the money they collect from the business people in southern Somalia. Reports confirm that Robow abu Mansur, a high ranking official in Al-Shabab, became furious when Abu-Zubayr appointed leaders for Bay and Bakool regions which is Robow’s hometowns a men who are not hail from those regions. Ahmad Godane is said to have faced some difficulties from the foreigners who now support Robow Abu-Mansur. The foreigners called on Ahmad Godane to leave the country for other countries with which has close relationship in order to resolve the rift among Al-Shabab Islamists. Meanwhile Somalia's information minister, Abdirahman Omar Osman , has said that his government was ready to welcome any defectors from Alshabaab. "We are renewing our call to the international community to assist the transitional government and the AU peacekeepers in order to restore peace in country,"Yarisow said. By Abdi Mohamed -
Khilaaf mudo ka dhex jiray Hogaamiyaha Al-Shabaab Ahmed Abdi Aw Mohamud Godane iyo ku xigeenkiisa Mukhtaar Roobow Cali ayaa cirka isku shareeray kadib markii uu guuldaro ku dhamaatay shir lagu dhexdhexaadinayay oo sedex maalmood uga socday Hotel ku yaal Magaaladda Marko ee gobolka Shabeeladda hoose. Khilaafka ayaa laba kacleeyay kadib markii Ahmed Godane golaha sare ee talada Al-Shabaab ka saaray Mukhtaar Roobow,sidoo kalena amray in la dhameeystiro Sarkaal ku dhaawacmay dagaaladda Muqdisho,kana tirsanaa garabka Melleteri ee Mukhtaar Roobow Cali sida ay waagacusub.com u xaqiijiyeen ila wareedyo muhiima. "Meeshii aan istaagaba telefoon dacwada ayaa ii soo dhacaya,waxay dadka i soo wacaya ka dacwoonayaan cadaalad daro lagula kacay,oo qaar ka mida madaxda Al-Shabaab kula kaceen,Cadaalad daradaas mudo ayaan ka aamusnaa,maanta aniga ayey igu dhacday,waxaan idiin sheegayaa in Sheekh Ayuub,taliyahii Mujaahidiinta barriga Bay ku dhaawacmay dagaaladii Muqdisho kadibna aan waayay warkiisa,markii aan raadshay ayaa la ii sheegay in la dilay,oo la dhameeystiray,Amiirka ninkaad u taqaanaan ee Ahmed Godane ayaan waydiiyay ,wuxuuna iigu jawaabay,Sheekh Ayuub markaan aragnay inuu liito,ayaan amar ku bixinay in Shahaadadiisa loo fududeeyo ,isaga iyo Mujaahidiin badan,waana la dhameeystiray"ayuu yiri Mukhtaar Roobow oo Maleeshiyaad ka amar qaata kula hadlayay Magaaladda Baydhabo. Mukhtaar Roobow oo loogu yeero Abuu Maansuur sedex jeer ayuu dhaartay,oo yiri SUMA WALAAHI,SUMA WALAAHI,SUMA WALAAHI ,inaysan Ahmed Godane iyo qolada la safan cadaalad iyo diin agtooda oolin,waxaana idinkugu bishaareeynayaa in xaalada wax iska bedeli doonaan. Markii lagu kala tegay shirkii Marko oo Mukhtaar Roobow uu qaatay dhaawacyadii ka yeelay Muqdisho iyo Shabeeladda hoose ,sidoo kalena kaxeeystay Maleeshiyaadkii beeshiisa,waxaa uu Amiirka Al-Shabaab khudbad uu jeediyay ku gaabsaday in Abuu Mansuur yahay nin ka leexday hadafka Jihaadka lagana saaray golaha sare hasse yeeshee Ibrahim Xaaji Jaamac Meecaad Afakhani oo ay isku reer yihiin Godane ayaa khudbad uu jeediyay ku weeraray Abuu Maansuur,wuxuuna yiri " Waa daalim Mukhtaar Roobow,waa nin qabyaalad ka buuxda,wuxuu yahay maleh,hanaga tago" Fu'aad shongale oo ka mid ahaa gudigii dhexdhexaadinayay Ahmed Godane iyo Mukhtaar Roobow ayaa Magaaladda Baydhabo khudbad uu kula hadlay Saraakiisha Maleeshiyadda Al-Shabaab wuxuu ku yiri"Dagaal Mujaahidiinta dhexdooda ah ayaa laga yaabaa inuu bilaawdo, dagaalkaas haduu bilaawdo waa fitno, yaan laga qeyb gelin, nin walba beertii aabihiis ha aado" Qaar ka tirsan Saraakiisha Al-Shabaab ayaa ku xog waramay in Ahmed Godane yahay nin qabyaalada ku weyn tahay laabtiisa,uuna madaxda ugu sareeysa Amniyaadka,dhaqaalaha iyo gaashaandhiga ka wada dhigay Saraakiil reerkiisa ah sida Ibrahim Afakhani,MMNUR,oo loo yaqaan Faruur iyo Caraale. Lamma ogga sida uu ku aakhirsan doona khilaafka Godane iyo Mansuur laakiin wuxuu Ahmed Godane aad u habeeyay Maleeshiyaad u dhashay beesha Hadamo kuwaas oo la sheegay inuu rumeeysan yahay inay asal ahaan u dhasheen Beesha Arab ee *****,uuna isaga ka dhashay. Goboladda Jubooyinka,Bay iyo Bakool,Shabeeladda hoose iyo Hiiraan waxaa ka madaxa rag u dhashay beesha Ahmed Godane. 123 ka tirsan Maleeshiyadda Al-Shabaab oo la sheegay inay dhaawacyadooda halis ahaayeen ayaa la qarxiyay inta godad lagu shubay kadib markii uu sidaa amray Ahmed Godane oo ku sifeeyay amarkiisa mid ragaas loogu sahlayay gelida Janadda. Taariikhda waa markii ugu horeeysay ee gudaha Somalia lagu arko maleeshiyo ay nolosha ku gubayaan isla kooxdii ay ka tirsanaayeen
-
laakin che luqad iyo dhaqan ma sheegto meel asaliyan laga so jeedo somalidu waxay qaataan laba go o cad cad Wa labada go ee cad cad eeh Xajka lugu tago oromadu xita way qaataan. Marka lama odhan karo halkasa laga so jeeda taarikhiyan magaaloyinka xeebeed eeh aad u caanka aha waxay weye seylac marka Muqadisho very busy bey ahayeen boqol qawmiyadood ba so maray.
-
Shiekh Sharif Shiekh Ahmed has a way with the ladies
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Sharif is not worse or better then Yey. -
Breaking News four further citizens kidnapped in Las Qoray
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Taliyaha Booliska soomaaliland oo Faah-faahin ka Bixiyey Afduubkii Laasqoray Tuesday, 28 September 2010 Taliyaha Booliska Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay dad lagu afduubay deegaanka Laasqoray iyo waliba amaanka Magaalada Boorame oo ay ku sugan ciidamo aad u tiro badan oo ay dirtay Xukuumada Somaliland. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cornayl Cilmi Kabaal oo isaga oo gaadhigiisa Fuushan waraysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in deegaanka Laasqoray lagu afduubay 4-qof oo u shaqaynayay shirkada Isgaadhsiinta Nation Link, waxaana uu tilmaamay in ay dadkaasi afduubeen Maamulka Puthland waxaana uu yidhi “Warbixin kooban ayaan ka hayaa qolada Nation Link ka socotay ee la afduubay, anagu marka hore lamaanaan socon waxaanse Maqalnay in laas qoray lagu qabqabtay Odoyaalna ay u kaceen oo aan laasqoray la dhaafanin imika ay ku sugan yihiin guri qoladaa qabatayna ay meesha ku hayso intaas oo qudha ayaan ka ogahay”. Taliyaha Booliska Somaliland Cornayl Cilmi Kabaal ayaa isaga oo ka hadlaya Xaalada Magaalada Boorame iyo Mudaharaadyo la sheegay inay ka dhacayaan halkaasi waxa uu idhi “Wax mudaharaad ah oo ka dhacay ma jiro, cidii soo sheegtayna waa been weeyaan, Ciidankana waanu gayna oo mudahaarad ayaa la sheegay in laga baqayo, wasiirkii arimaha Guduhuna wuu joogaa, wixii laga wada hadlayayna waa laysku afgartay”. -
Gudoomiyaha Ururka ONLF oo Booqday Ciidankii Jabhada ee Nabada Qaatay
Xaaji Xunjuf replied to Siciid1986's topic in Politics
loool macow goormu noqday gudoomiyaha onlf lol macow wa caano boodhe dhacday oo kale -
Hargaysa: Seeks cooperation with Puntland State [end of secession]
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Duke and thankful America could not make the TFG work even if they could perform magic. And they know it the leaders of the hotel goverment knows that to. So its all a game the problem is the poor pirates are caught in between a goverment that is keep on failling them over and over again the past 20 years terrorist around the corner. About the so called somaliya flag Its Haraam ( forbidden)in most part of somaliya according to alshabaab. and there is nothing a flag can do for the failled country . -
Hargaysa: Seeks cooperation with Puntland State [end of secession]
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
so we can tour all the way with our secessionist flag to the outskirts of bosaaso. And the upper pirate faroole would say Somaliland has gaboose as its interior minister so its oke lol , he has a hidden mudug agenda only in a pirates mind -
loool@ maxa uraya Xiino is funny
-
Kenya is on the verge of recognising Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Baarlamanka Kenya oo Qarka u Saaran inuu Dawladooda ku Khasbo Aqoonsiga Somaliland Dawladda Kenya waxay qarka u saaran tahay aqoonsato labada gobol ee Somaliland iyo Puntland si ay qabqablayaasha dagaalka ee Soomaaliya hubka u dhigaan” Wargeyska The Standard “Marka aynu ka hadlayno nabadda Somaliland oo nabad ahayd 17-kii sannadood ee u dambeeyey, marka loo eego koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya. Somaliland waxay la dagaallantay argagixisada iyo budhcad-baddeeda oo caalamka halis ku ah” Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Faarax Macallin “Waxaannu kula talinaynaa dawladda Kenysa inay samayso siyaasad cad si ay u xoojiso xidhiidhka ganacsi ee ay la leedahay Somaliland, isla markaana ugala shaqayso ilaalinta nabadda mandaqadda Geeska Afrika” Nuxurka warbixinta weftigii Baarlamanka Kenya ka diyaariyeen socdaalladoodii Somaliland Nairobi (The Standard/Jam)- Baarlamanka waddanka Kenya, ayaa la sheegay inuu qarka u saaran ansixinta mooshin dawladooda ku khasbaya inay degdeg ugu aqoonsanto madabannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa waxa shaaca ka qaaday wargeyska The Standard ee ka soo baxa caasimadda Nairobi oo cadadkiisii shalay xiganayey warbixin wufuuddii uu hoggaaminayey Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Kenya Md. Faarax Macallin ka diyaariyeen socdaalladii kala dambeeyey ee ay ku yimaaddeen Somaliland, taasoo dhowaan Baarlamanka Kenya dood rasmi ah ka yeelan doono. Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Kenya Md. Faarax Macallin oo u warramayey shalay wargeyska The Standard, ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan Golaha Baarlamanku dood ka yeelan doono warbixin aad u dheer oo wufuuddii uu hoggaaminayey ka diyaariyeen natiijada socdaalladii kala dambeeyey ee wufuuddii uu hoggaaminayey ku yimaaddeen Somaliland, taasoo haddii baarlamanku ansixiyo wax wax weyn ka tari doonta aqoonsi caalami ah oo Somaliland degdeg uga hesho beesha caalamka. Md. Faarax Macallin oo hoggaaminayey weftiyo laba jeer oo ka dalbeeyey safarro xaqiiqo-raadis ah ku yimi Somaliland sannadihii 2009 iyo 2010, waxa kaloo uu sheegay in warbixin rasmi ah oo weftigoodu ka diyaariyeen socdaalladoodii Somaliland ay si dhaqso u horgeyn doonaan Baarlamanka Kenya, kadibna goluhu dood ka yeelan doono, arrintaas oo wargeysku ku tilmaamay mid muujinaysa in dadwladda Kenya qarka u saaran tahay aqoonsiga Somaliland. Warbixin dheer oo wargeyska The Standard daabacay cadadkiisii soo baxay Axaddii shalay, 26 September 2010, taasoo lagu soo bandhigay xogo kala duwan wargeysku ka soo xigtay Md. Faarax Macallin iyo saraakiil ka tirsan dawladda taagta daran ee Sheekh Shariif, waxa uu ku bilaabay sidan: “Dawladda Kenya ayaa qarka u saaran inay aqoonsato labada gobol ee Somaliland iyo Puntland si ay qabqablayaasha dagaalka ee Soomaaliya hubka u dhigaan. Labadan gobol ee Soomaaliya ka go’ay, ayaa nabad buuxda ku naaloonayey 17-kii sanno ee u dambeeyay, waxana nabadda iyo xasilloonida ay ku jiraan uga mahadceliyay Qaramada Midoobay iyo ururka Midowga Africa oo sheegay inay ka duwan yihiin koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya oo caasimadda Muqdisho ku jirto, kuwaasoo dagaal muddo dheer ka socday curyaamiyay. Dedaalka dawladda Kenya ugu jirto nabadaynta Soomaaliya, ayaa ahaa mid muuqda 20-kii sanno ee u dambeeyay, iyada oo marar badan isku dayday inay inay hubka ka tiiriso malleeshiyooyinka, si ay u soo dabbaasho nabadda iyo kala dambaynta dalka ay jaarka yihiin ee Soomaaliya. Wafti xaqiiqo-raadis ah oo ka socda Baarlamaanka dalka Kenya oo booqasho ku tegay magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa, kadib doorashadii dalkaas sida nabadgelyada ah uga dhacday 26kii June ee sannadkan, ayaa sheegay inay si diblomaasiyadaysan ula dhaqmi doonan labadan gobol, iyaga oo ku tixgelinaya nabadda ay gaadheen iyo iyagoo ka badbaadey malleeshiyooyin, argagixiso iyo budhcad-badeednimo. Guddoomiye-ku-xigeenka Barlamaanka Kenya Md. Faarax Macallin oo koox weriyayaal ah kula hadlayey shalay magaalada Nairobi, ayaa caddeeyey inay barlamaan ahaan dood ka yeelan doonaan ahmiyadda qarameed, ammaan iyo dhaqaale ee Somaliland leedahay. “Marka aynu ka hadlayno nabadda; aynu soo qaadano Somaliland oo nabad ahayd 17-kii sannadood ee u dambeeyey, marka loo eego koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya. Somaliland waxay la dagaallantay argagixisada iyo budhcad-baddeedda oo caalamka halis ku ah,” ayuu yidhi Faarax Macallin. Aragatiyaha wufuuddu ayaa u muuqda in aanay tixgelin siinayn Muqdisho. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Mr. Maxamed Nuur oo shalay la hadlayey wargeyska The Standar, ayaa sheegay inkastoo Somaaliya ka jireen dagaallo iyo rabshado labaatankii sanno ee u dambeeyey, haddana midnimo tahay xalka keliya ee nabad lagu gaadhi karo. “Dhibta Somoaaliya maanta haysataa waxa weeye waqti badan oo aynu ku luminay shirar loo qabto kooxaha iska soo horjeeda, kuwaas oo aan xal u helin dhibaatadaas. Waddamada aamnu saaxiibka nahay waxaannu uga baahannahay inay naga taageeraan xagga millateriga iyo saanadda si ay dawladdu ugu dalka ugu soo dabbaasho nabadda iyo kala dambaynta,” ayuu yidhi Maxamed Nuur. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo toddobaadkii hore ka khudbad ka jeediyey shirweynihii Qaramada Midoobay ee dhowaan ku qabsoomay xaruntiisa magaalada New York, ayaa codsaday in la caawiyo dawladdiisa si ay meesha uga saarto qaska iyo qalalaasaha muddada dheer ka taagan dalkiisa. Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, ayaa isna tilmaamay in aanay wax macna ah sameynayn shirar badan oo la qabto, hadalka Madaxweyne Shariif-na yahay farriin ku socotay beesha caalamka, “Taasi waxay ahayd farriin madaxweynuhu u diray beesha caalamka, waxaannu toddobaadka dambe ka qaybgeli doonaa shir kale oo caalami oo ka dhici doona magaalada Madrid ee dalka Spain, kaasoo lagaga arrinsanayo xaaladda cakiran ee Soomaaliya, maxaa yeelay waxaynu la soconaa in kooxaha ka soo horjeeda dawladdu khalkhal gelinayaan ammaanka gobolka, kadib markii ay weerarro ismiidaamin ah ku qaadeen magaalada Kambaala ee dalka Uganda,” ayuu yidhi Maxamed Nuur. Haseyeeshee, warbixin ay soo saareen weftiga ka socday Barlamaanka Kenya ee booqashada ku tegay Somailand, waxa ay ku yidhaahdeen; “Waxaannu kula talinaynaa dawladda Kenysa inay samayso siyaasad cad si ay u xoojiso xidhiidhka ganacsi ee ay la leedahay Somaliland, isla markaana ugala shaqayso ilaalinta nabadda mandaqadda Geeska Afrika.” “Kuwa jecel iney kobciyaan aqoonta iyo nabadda waxay dawladda Kenya siinaysaa gacan, maxaa yeelay waxa jira dhallinyaro badan oo aan haysan wax shaqo ah, weftiguna waxay ballanqaadeen inay Somaliland abaalmarin caalami ah ku siin doonaan nabadda iyo deganaanshiyaha,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka Barlamaanka Kenya Mr. Faarax Macallin. Weftiga Barlamaanka Kenya ka soo saareen socdaalkoodii Somaliland waxay warbixintooda ku caddeeyeen in aqoonsi la’aanta bulshada caalamku saameyn xun ku yeelatay Somaliland oo aan xidhiidh ganacsi iyo mid millateri toona aan la yeelan karin waddamada caalamka. Geesta kale, Safiirka Somaaaliya u fadhiya dalka Kenya, ayaa sheegay in caawimada Qaramadda Midoobay iyo qaar ka mid ah dalalka saaxiibka yihiin dawladda tamarta daran ee uu hoggaamiyo ay ka caawiyaan gargaarka bina’aadaminimo sida; cuntada, hoyga iyo dawooyika ay inta badan khalkhal geliyaan kooxda Al-shabaab. Guddoomiye-ku-xigeenka Barlamaanka Kenya Faarax Macallin, waxa uu Somaliland ku ammaanay dawlad-wanaag, nabadda, xasilloonida iyo dhismaha dhammaan waaxyaha sharciyeed ee xukuumadda Somaliland, “Waxa ka hirgalay Somaliland maamul-wanaag, nabad amma xasillooni, deganaansho siyaasadeed, laamaha amniga oo si wanaagsan u shaqeeya, sharci-dejinta iyo adeegyada bulshada oo si habsami leh uga shaqeeya Somaliland, laakiin waxaas oo dhan waxa dhaawici kara haddii la waayo xirfadihii daruuriga ah ee loo baahnaa si loo hirgeliyo,” ayuu yidhi Faarax Macallin. Isagoo intaa in inkastoo ay xaddidan tahay taageerada Somaliland hesho, haddana waxay xukuntay 48 ka mid ah budhcad-badeedda iyo argagaxisada. Haddaba, haddii Barlamaanka Keyna ansixiyo warbixintan waxay farriin wanaagsan u tahay ololaha dawladda Somaliland ugu jirto inay aqoonsi ka hesho beesha caalamka, si ay xubin buuxda uga noqoto waddamada adduunka, Midowga Afrika iyo Qaramadda Midoobay,” ayuu wargeysku ku soo xidhay warbixintiisa. -
Horta how come Ethiopians and Eritreans have the same accent when they are speaking english.
-
Somaliland President Siilaanyo sacks Col Maxamad Cismaan Xudhuun
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
No the Ministers are oke But i knew this guy was going out good on Siilaanyo. -
Hargaysa: Seeks cooperation with Puntland State [end of secession]
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
Well Dukey no secession in my part of the world i support the unity of somalia from raaskambooni till raas caseer. the same way i support the unity of somaliland from lawya cade till yoocade. Unity works for us i hope it works for you koonfurians to in the near future. -
Hargaysa: Seeks cooperation with Puntland State [end of secession]
Xaaji Xunjuf replied to General Duke's topic in Politics
General duke Puntland is a clan state in north somalia that's about it it's part of somalia as you claim and we recognize you as being part of somalia and that sheikh dalxiis is your superior , There is only somalia and somaliland, puntland is a small gobol with in somalia. so dont flatter your self. So now Sool is not part of somaliland because the US doesent recognize somaliland. that still doesen't make it part of puntland Dukey we all know it used to be part of the pirate state and now it doesen't. as long as The pirates dont violate our borders and don't hijack our trucks there is no problem dear pirate.