Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,832
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Xaji cali botaan he was very old he was over 90 may allah bless his soul he was one of the most influential individuals from hargeisa and somaliland ilahay ku naxariso.
  2. Libaahe i dont't really know Muus bixi cv all i know is that he was an Airforce pilot and studied in Russia and later he joined Ciidanka xooga cirka eeh somalia in 1976 And later joined the SNM in 1982.
  3. Libaahe even abdi waraabe graduated and ciiro and ina samaale wey badnayeen ardeydii qalan jabiiyeen lool
  4. Originally posted by The Zack: LOOOOOOOOOOOOOOL@almost and almost. Libaahe, update us when something REALLY happens. Till then naga daa the "almost" stories ninyahow. someone almost Throwed a stone
  5. Originally posted by Beer-Gaal: Xalwo Kismaayo oo bac ku jirta miyaan arkaa? bal isku yara cun aynu aragno inay afkaga kaga qaraxdo
  6. Ximan iyo xeeb looooooooool iyaga na siminaar beynu u furnay
  7. Originally posted by Taleexi: Hadday sheekadu noo hagaagto, idinkana waxba isla waayimayno IA.... Hee ma so mirsatay oodi ab ka dhow bay dadki hore odhan jireen wayahay dadkaga dhinac ka raac
  8. Alle Ha u Naxariistee waxa Saaka ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Xaaji Cali Bootaan Cabdi oo ka mid ahaa Ganacsatada Iyo odayaasha waaweyn ee Somaliland posted by: Webmaster Alle Ha u Naxariistee waxa Saaka geeriyooday Xaaji Cali Bootaan Cabdi Marxuumka oo ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa, Xaajiga ayaa Yaalay Cusbitaalka Edna . Alleh Ha u naxariistee marxuunka oo ahaa Odayaasha Waaweyn ee Reer Somaliland isla markaana ka mid aha Ganacsatada ugu waaweyn Dhulka Soomalida ahaana Oday qaradin iyo xishmad shacabka dhexdiisa ku lahaa isla markaana lagu xasuusto Qaybtii uu ka qaatay Nabadgelyada ay ku faanto Maanta Somaliland iyo Dhidib u taagida Somaliland ayaa waxaa maanta lagu aasi doonaa magaalada Hargaysa Gaar ahaan Xabaalaha Masalaha isaga oo Marxuumka Maydkiiska Laga qaadi Doono Marka lagaga Tukado Masjidka Alhuda ee Xaafada Guryasamo . Dhamaan Bahda ToggaHerer meelkasta oo ay joogaan annagoo ka tiiraanyeysan geerida naxdinta leh uu ku timid Xaaji Cali Bootaan Cabdi tacsi tiiraanyo leh u diraynaa caruurtii, xaasaskii, Reer Bootaan Cabdi meelkasta oo ay joogaan iyo eheladii kale uu ka baxay marxuumka iyo dhamaan Shacabk somaliland. Waxaana Illaahay ugu baryeynaa inuu Geeyo Marxuumka Jannatul-Firdawsal-Aclaa, Dhamaanteena samir iyo iimaan naga wada siiyo, aamiin aamiin. KULLU NAFSIN THAA’IQATUL MAWT. Warqabadka TogaHerer Hargeisa
  9. Taleexi wayahay abti isba jeclado ssdf iyo ssc mideyaa oo bada is baaro u dhigta bal ciday caano ka qubanaysa banu ogaan
  10. Taleexi war nimanka iska celi niyo , qossalka Xunjuf ssdf wax yeeli maye eh ssc na wax u tari maye eh
  11. Caawa oo amaanka Caasimada Somaliland si wayn loo adkeeyay. Dhinaca kale baabuurta badan oo ay saaran yihiin ciidanka amaanka ayaa caawa si ...... Hargeysa(GNS):- Amaanka caasimada Somaliland ee Hargeysa aya si wayn loo adkeeyay , iyadoo ay sugayaan amaanka ciidanka nabadgalyada baadhitaanana ka wada isgoysyada magaalada Hargeysa . Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Dr Gaboose iyo taliyaha ciidanka booliska Cilmi Kabaal ayaa maanta soo badhigay hub iyo qalabo kala duwan oo loo adeegsado waxyaalaha qarxa, iyadoo lagu soo qabtay hawlo baadhintaan oo laga fuliyay gobolka Saaxil iyo gobolka Maroodi jeex . Saraakil ka tirsan ciidamada amaanka oo aan caawa wax ka wadiinay sababta caawa si gaar ah lo sugayo amaanka caasimada ayaa sheegay in ay tahay uun taxadir balse aaanay jirin wax wayn oo laga shikiyaa. mar aan soo booqanay goobaha kala duwan ee ay ciidanku dhigteen baabuurta iyo ciidanka baadhitaanka ka wada isgoysyada ayaa waxa ka muuqata inay si taxadir leh u baadhayaan dhamaan baabuurta maraysa isgoysyada ay ku sugan yihiin ciidanka amaanka, halka dhamaan wadayaasha baabuurta ee maraya si wayn ugu hogaansan yihiin baadhitaanka caawa ka socda isgoysayada caaasimada qaarkood. Dhinaca kale baabuurta badan oo ay saaran yihiin ciidanka amaanka ayaa caawa si wayn loogu arkayaa inay gaafwareegayaan wadooyinka waawayn ee casimada , iyadoo aan dadku u arkayaan uun hawlgalo lagu sugayo amaanka caasimada Somaliland ee Hargeysa. Hawlgalkan caawa lagu sugayo amaanka wali lama hubo inuu xidhiidh toos ah la leeyahay qalabkii maanta ay soo bandhigeen wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka qaranka oo xarunta birmadka ku soo bandhigay hub iyo qalabo kala duwan oo loo isticmaali karo waxyaalaha qarxa iyadoo hawlgaladaasi laga fuliyay gobolka Maroodijeex iyo gobolka Saaxil.
  12. Xukuumada Oo Kadib Hawlgalo Ay Boolisku Qaadeen Soo Bandhigtay Hub Iyo Walxaha Qarxa, Sheegtayna In Ay Gacanta Ku Hayso Rag Looga Shakiyay Inay Qaraxyo FulinayenPosted in October 2nd, 2010 by lug in NewsHargeysa-(Lug)-Wasiirada arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, warfaatinta C/laahi Jaamac Cisman iyo taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa ka dib hawlgalo ay maalmihii ugu dambeeyay qaadeen ciidanka boolisku soo bandhigay qalab isugu jira walxaha qarxa iyo kiimikooyin ay soo qabqabteen. Wasiiradan iyo taliyaha ciidanka booliska oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta birmadka ee ciidanka booliska ayaa sheegay in ay ku guulaysteen soo qabashada qalab isugu jira walxaha qarxa, rimoodada meelaha fog-fog laga hago, budooyin kiimiko ah iiyo aalado kale. Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Cilmi Rooble furre oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in qabashada walxahan qarxa iyo hubka labada ay ku guulaysteen shacabka reer somalland iyo boolisku waxaanu yidhi “Runtii dadweynaheenu hadh iyo habeenba way nala shaqeeyaan, waanan ku amaanaynaa, waxaas aanu meesha soo dhignay oo dhan noomay suurtogasheen haddii aanay dadweynuhu nagala qayb gelin, shacabka iyo booliskii soo qabtayna waan ku amaanayaa” ayuu yidhi “alaabtaas yaryar ee aad wada arkaysaan waa wada Remote iyo balaaayo, waxaana lagu qarxin karaa 16 meelood, waxaanay isugu jirtaa arrimo budhcad badeednimo iyo waliba qolada kale ee alshabaab. Qoryahan waxa laga keenay xamar, raggii qaraxyadaas fulinyayna way joogaan. Waxa kale oo jira doonyo la iibiyay, mana garanayno in dekedeena iyo waliba meelaha kale ee muhiimka ah la doonayay in la qarxiyo, doonta la iibiyay ee aanu hada hayno in lagu soo jeediyo oo waxyeelo la gaadhsiiyo iyo in bada lala galo oo maraakiibta lagu qafaasho laguna waxyeeleeyo labadaas mid uun bay ahayd” ayuu yidhi taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) oo hadal kooban ka jeediyay madasha lagu soo bandhigayay. “Sidii uu Janankuba hore idiinku sheegay waxyaabahan waxa lagu soo qabtay magaalooyinka Burco, Berbera iyo hargeysa, waxaanay ka kooban yihiin dhamaanba waxyaabaha ay adeegsadaan nimanka la yidhaahdo argagaxisadu. Waxa iminka soo baxay oo waxyaabihii hore ee aynu naqaanay ee miinooyinka iyo wixii la hal maala ahaa bedelay waxyaabo yaryar oo lagu sameeyo guryaha, taas oo qofkii awood u lihi uu si hawl yar u samayn karo, taas oo lagu layn karo dad badan iyo hanti dhana lagu burburin karo, waxyaabaha ay hada ciidamada boolisku soo qabteena waxa ka mid ah Remote Control ay ugu talo galeen in ay meel fog qofka ama meesha ay markaas beegsanayaan ka dilaan, waana 12 xabo oo waxyeelayn kara 12 goobood, awoodooduna aad iyo aad bay u badan tahay” Sidaas waxa yidhi Cumar C/laahi Qaasaali oo ka mid ah madaxda sarsare ee ciidanka booliska oo faah-faahin ka bixinayay qalabkan iyo sida loogu hawlgalo. Waxa kale oo uu intaa ku daray in qabashada ay ilaa hada ciidamada boolisku soo qabteen waxyaabahan iyo raggii loo aanaynayay in ay ku hawlgalaan ay markhaati cad u tahay in ay dalka ku sugan yihiin isaga oo arrimahaas faah-faahin ka sii bixinayana waxa uu yidhi “Marka burco lagu qabtay, berbera lagu qabtay ee Hargeysa lagu qabtay waxa ay inoo muujinayaan in ay nimankii inala joogaan, taasina maaha mid naga dahsoon ee waanu ka war haynaa, aqalka ay ku jiraan iyo halka ay joogaanbana waa la og yahay, laakiin waxa aanu doonaynaa in aanu gunta gaadhno oo aanu ogaano halka ay ka soo baxayaan iyo cida soo diraysa labadaba, Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md.C/laahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka sokow mahadnaqa uu u jeediyay ciidamada booliska ee iyagu soo qabqabtay waxyaabahan qarxa, waxa uu shacabka ku booriyay in ay ka hawlgalaan sidii ay ciidamada booliska ugu soo gudbin lahaayeen waxyaabaha ay ka shakiyaan waxaanu yidhi“Aniga oo magaca xukuumada ku hadlaya waxa aan halkan mahad balaadhan uga soo jeedinayaa ciidamadeena amaanka ee kala duduwan, waxa aan maanta halkan baaq balaadhan uga jeedinayaa umadda reer somaliland waxaanan ugu baaqi lahaa in ay ciidamada la shaqeeyaan, in ay nabada ilaaliyaan, wixii ay arkaana ay soo gaadhsiiyaan ciidamada ugu dhaw, waxaanan qabaa in ay wasaaradu diyaarin doonto numbaro deg-deg ah oo lagala soo xidhiidho, laakiin inta ka horeysa anaga oo og in ay dadku dedaalaan wixii ay arkaana booliska u soo sheegaan, waxaana loo baahan yahay in ay feejignaadaan wixii ay arkaana deg-deg u soo gaadhsiiyaan ciidanka booliska” Wasiirka warfaafinta Somaliland Mr.Geel Jire waxa kale oo uu baaq u diray wadamada Somaliland la jaarka ah iyo kuwa kale ee ka durugsan-ba, waxaanu ugu baaqay in ay dhinac nabadgalyada ka taageeraan xukuumada Somaliland waxaana hadaladisiii ka mid ahaa “Waxa aanu fariin u diraynaa wadamada jaarka iyo beesha caalamka oo aanu ka codsanayno in wixii mucaawimo ah ee amniga ku saabsan, maadaama aanu ka hor tagayno budhcadbadeed iyo argagaxiso in ay noo soo gudbiyaan, taas oo sida ay hadaba ula shaqeeyaan si ka degdegsan noola soo gaadhaan” Ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Somaliland. Waxa kale oo uu warbaahinta ka codsaday in wakhtiga ugu badan la siiyo ciidamada amniga si ay bulshada ugu baraarujiyaan khatarta ay leeyihiin kooxaha argagaxisada ahi. Ugu danbayntiina waxa isna halkaas ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi (Gaboose) “Casharka maanta miiska yaalaa waxa weeyaan maxaan ka baran karnaa, horta marka ugu horesa waxa aan ilaahay ka sokow aan mahad balaadhan u celinayaa ciidamada amaanka oo uu ugu horeeyo Boolisku, oo aan ogahay in hawsha ay qabanayaan ee ay ku dabo jiraan waxa miiska saaran in aanay 5% dhamayn, waxan maanta ay ciidamada boolisku soo qabteena waxa ay dadka ugu soo gudbiyeen in ay tusaan in la dhex joogo oo ay dalka ku sugan yihiin cidii nabadgalyada iyo qaranimada Somaliland wax u dhimayay, waxa kale oo ay muujinaysaa dedaalka ay hayaan, waxa kale oo aan iyagana mahad u jeedinayaa shacabka reer Somaliland, waayo hawlgalada intaas le’eg iyo kuwa kale ee aan idin leeyahay 90% way jiraan dhamaantood waxa ka danbeeyay muwaadiniinta reer Somaliland oo iskood isku xil qaamay,” Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu shacabka xusuusiyay in cadawgoodu ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay u burburin lahaayeen qaranimada Somaliland, waxaanu ugu baaqay guud ahaanba shacabka in ay ka feejignaadaan “Waxa aan shacabka reer Somaliland xusuusin lahaa in ay dareemaan in cadawgii uu dhex joogo iyaga oo dad shacab ah in ay ina dhex joogaan, waa in aynu jaararkeena ka war hayno, in gawaadhida la kiraysanayo laga warhayo, in doonta la kiraysanayo laga warhayo” ayuu yidhi Dr. gaboose. “Waxyaabahan la qabtay waxa ku jira xaashi ay isu hayso xabagi, taas oo si sahlan loogu dhejin karo gaadhigaaga, halkan waxa yaala xalwad, waa ta aynu maalin walba cunno, bal ka warama xalwadii haddii ay noqotay dal dhan wixii lagu qarxin lahaa, waayo suntii la qarxin lahaa haddii ay u baahantay in wixii isu hayn lahaa ay tahay xalwad” ayuu yidhi Gaboose. “Magaalada Burco waxa lagu qabtay nin suuqa iska marayay oo shandad yar sita, bal ciidankeena iyo dadkeena qiyaasa, gartay in shanadadan yar ay ku jirto dhibaato,. Haddii aan ka imaado kaas shandada dhex sitay burco, dersiga kale ee laga bartay wuxuu yahay qaar magaalada hargeysa ayaa lagu samaynayaa, baasuukihii iyo arrimihii la samayn lahaa berbera ayaa la geeyay, magaalada berbera doonyihii ayaa la kala iibsaday, hubkan ayaa la keenay,. Hubkan aad arkaysaan maaha mid dibadaha inagaga yimid,, muwaadiniin u dhashay Somaliland ayaa taakulaynayay oo doonta iibinaya, hadaba haddii ay 98% dadkeenu ay nadiif yihiin waxa aad ogaataan in wiilkaaga guriga joogaa uu qayb ka noqon karo burburka gurigaaga iyo mustaqbalkaaga, intaas yar ee inagu dhex jirtaa waxa ay geysan karaan baaba’ iyo hoog aan laga soo kabsan Karin, waxa aanu ogaanay in shacabka reer Somaliland ay ilaashanayaan qaranimadooda” Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa ku bogaadiyay saraakiisha ciidanka booliiska soo qabashada walxahan iyo waliba kooxihii ka soo maleegay, waxaanu intaasi ku daray in ragii soo maleegay qaarkood ay hada gacanta ku hayaan “Waxa aan idiinku bushaaraynayaa in in kasta oo ay qaar baxsan karaan, in kuwii k adanbeeyayba qaarkood aanu hayno, gacanteenana ay ku jiraan, taasina waa mahad ilaahay xil ayaana idin saaran,” ayuu hadalkiisa kaga baxay wasiir Gaboose. HWN
  13. War Miyanaad ogeyn jabhada ssdf laba jeer bay so weerartay gurigi garaad jamac garaad cali garaad jamac eeh ku taala tuulada saaxdheer wa siday wararka u dhigayeen eh
  14. Numberska waxa laga keeney shirkada kaluunka tuna sameysa eeh laasqoray Magaalada ceerigaabo mala 2400 qof ba tuna ka cunna lol
  15. That is good cuqaasha iyo salaadinta dalka wa inay la shaqeyaan mamuulka gobolka iyo booliska iyo wixi la mid ah, is afgaradku halkasu ka imanaya
  16. Actually libaahe these are not ministerial post or anything like that wa hayadaha madaxa banana eh dalka The security has been tighten as we speak.
  17. Xukumada Somaliland Oo Maanta Soo Bandhigtay Hub Iyo Walxaha Qaraxa Oo Ciidanka Boolisku Ka Soo Qabteen Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera. Hargeysa(Ramaas) Okt.02, 2010 - shir-jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah ugu qabteen xarunta birmadka ee ciidanka booliska ee magaalada Hargeysa Wasiirada Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Warfaatinta C/laahi Jaamac Cisman iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa waxa ay ku soo bandhigeen walxaha qarxa, qoryo, baasuukayaal iyo kiimikooyin ay ciidanka booliska Somaliland ka soo kala qabteen magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera. Ugu horayn waxa ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi (Gaboose) waxaanu yidhi isaga oo arintaa ka hadlaya “Casharka maanta miiska yaalaa waxa weeyaan maxaan ka baran karnaa, horta marka ugu horeysa waxa aan ilaahay ka sokow aan mahad balaadhan u celinayaa ciidamada amaanka oo uu ugu horeeyo Boolisku, oo aan ogahay in hawsha ay qabanayaan ee ay ku dabo jiraan waxa miiska saaran in aanay 5% dhamayn, waxa maanta ay ciidamada boolisku soo qabteena waxa ay dadka ugu soo gudbiyeen in ay tusaan in la dhex joogo oo ay dalka ku sugan yihiin ciddii nabadgalyada iyo qaranimada Somaliland wax u dhimaayay, waxa kale oo ay muujinaysaa dedaalka ay hayaan, waxa kale oo aan iyagana mahad u jeedinayaa shacabka reer Somaliland, waayo hawlgalada intaas le’eg iyo kuwa kale ee aan idin leeyahay 90% way jiraan dhamaantood waxa ka dambeeyay muwaadiniinta reer Somaliland oo iskood isu xilqaamay”. Dr. Gaboose oo shacabka reer Somaliland la hadlayaa waxa uu yidhi “Waxa aan shacabka reer Somaliland xusuusin lahaa in ay dareemaan in cadawgii uu dhex joogo iyaga oo dad shacab ah in ay ina dhex joogaan, waa in aynu jaararkeena ka warhaynaa, in gawaadhida la kiraysanayo laga warhayo, in doonta la kiraysanayo laga warhayo”. Wasiirku isagoo walxahan sharaxaad ka bixinaya waxa uu yidhi “Waxyaabahan la qabtay waxa ku jira xaashi ay isu hayso xabagi, taas oo si sahlan loogu dhejin karo gaadhigaaga, halkan waxa yaala xalwad, waa ta aynu maalin walba cunno, bal ka warama xalwadii haddii ay noqotay dal dhan wixii lagu qarxin lahaa, waayo suntii la qarxin lahaa haddii ay u baahantay in wixii isu hayn lahaa ay tahay xalwad”. Waxa uu intaa ku sii daray “Magaalada Burco waxa lagu qabtay nin suuqa iska marayay oo shandad yar sita, bal ciidankeena iyo dadkeena gartay qiyaasa in shanadadan yar ay ku jirto dhibaato, haddii aan ka imaado kaas shandada dhex sitay Burco, dersiga kale ee laga bartay wuxuu yahay qaar magaalada Hargeysa ayaa lagu samaynayaa, baasuukihii iyo arrimihii la samayn lahaa Berbera ayaa la geeyay, magaalada Berbera doonyihii ayaa la kala iibsaday, hubkan ayaa la keenay, hubkan aad arkaysaan maaha mid dibadaha inagaga yimid,, muwaadiniin u dhashay Somaliland ayaa taakulaynayay oo doonta iibinaya. Haddaba haddii ay 98% dadkeenu ay nadiif yihiin waxa aad ogaataan in wiilkaaga guriga jooggaa uu qayb ka noqon karo burburka gurigaaga iyo mustaqbalkaaga, intaas yar ee inagu dhex jirtaa waxa ay geysan karaan baaba’ iyo hoog aan laga soo kabsan Karin, waxa aanu ogaanay in shacabka reer Somaliland ay ilaashanayaan qaranimadooda”. Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu ku bogaadiyey ciidanka booliska Somaliland waxyaabahan ay soo qabteen ee khatarta badan ku keeni lahaa haddii aanay soo qaban waxaanu yidhi “Waxa aan idiinku bushaaraynayaa in inkasta oo ay qaar baxsan karaan, in kuwii ka dambeeyayba qaarkood aanu hayno, gacanteenana ay ku jiraan, taasina waa mahad ilaahay xil ayaana idin saaran”. Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cilmi Rooble furre, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in dadweynaha reer Somaliland la’aantood ciidanka boolisku soo qaban kareen walxahan. Waxaanu yidhi “Runtii dadweynaheenu hadh iyo habeenba way nala shaqeeyaan, waanan ku amaanaynaa, waxaas aanu meesha soo dhignay oo dhan noomay suurtogasheen haddii aanay dadweynuhu nagala qayb gelin, shacabka iyo booliskii soo qabtayna waan ku amaanayaa”. Cumar C/laahi Qaasaali oo ka mid ah madaxda sarsare ee ciidanka booliska oo faah-faahin ka bixinayay qalabkan iyo sida looga hawlgalay ayaa yidhi “Alaabtaas yaryar ee aad wada arkaysaan waa wada Remote iyo balaaayo, waxaana lagu qarxin karaa 16 meelood, waxaanay isugu jirtaa arrimo budhcad badeednimo iyo waliba qolada kale ee alshabaab, Qoryahan waxa laga keenay xamar, raggii qaraxyadaas fulinyayna way joogaan. Waxa kale oo jira doonyo la iibiyay, mana garanayno in dekedeena iyo waliba meelaha kale ee muhiimka ah la doonayay in la qarxiyo, doonta la iibiyay ee aanu hadda hayno in lagu soo jeediyo oo waxyeelo la gaadhsiiyo iyo in badda lala galo oo maraakiibta lagu qafaasho laguna waxyeeleeyo, labadaas mid uun bay ahayd sidii uu Janankuba hore idiinku sheegay waxyaabahan waxa lagu soo qabtay magaalooyinka Burco, Berbera iyo Hargeysa, waxaanay ka kooban yihiin dhamaanba waxyaabaha ay adeegsadaan nimanka la yidhaahdo argagaxisadu.” Waxa iminka soo baxay oo waxyaabihii hore ee aynu naqaanay ee miinooyinka iyo wixii la hal maala ahaa bedelay waxyaabo yaryar oo lagu sameeyo guryaha, taas oo qofkii awood u lihi uu si hawl yar u samayn karo, taas oo lagu layn karo dad badan iyo hanti dhana lagu burburin karo, waxyaabaha ay hadda ciidamada boolisku soo qabteena waxa ka mid ah Remote Control ay ugu talo galeen in ay meel fog qofka ama meesha ay markaas beegsanayaan ka dilaan, waana 12 xabo oo waxyeelayn kara 12 goobood, awoodooduna aad iyo aad bay u badan tahay”. Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md.C/laahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo isna ugu dambayntii halkaa ka hadlay ayaa waxaa uu aamaan ujeediyey ciidanka booliska Somaliland ee iyagu soo qabtay walxahan. Ramaasnews Desk Hargeisa.
  18. Wasaarada Arrimaha Iyo Ciidanka Booliska JSL Oo Si Wada-jir U Soo Bandhigay Hub, Qalalbka Walxaha Qarxa Iyo Rimuudka Wax Lagy Qarxiyo Hargaysa (OWN)- Wasiiradda Arrimahada Gudaha Somaliland iyo Ciidanka Booliska, ayaa si wada jir ah u soo bandhigay hub iyo qalabyo kala duwan oo ah nooca loo adeegsado walxaha qarxa, isla markaana la doonayay in loo adeegsado falaal argagixiso nimo oo laga fulinlahaa Magaalooyinka Hargaysa, Berbera iyo Burco ku waas oo ay ciidanka boolisku fashiliyeen. Hubkaas iyo walxahaas kala duwan oo lagu soo bandhigay xarunta ciidanka birmadka Somaliland ee magaalda hargaysa, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) iyo taliya guud ee ciidanka booliska Somaliland Jen.Cilmi Rooble Fure (Cilmi Kabaal) saaraakiil sare oo ka tiran ciidanka booliska Somaliland. Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay taliyha ciidanka booliska Jen.Cilmi Rooble Fure waxaanuu sheegay in qalabka ay maanta ciidanka boolisku saxaafada u soo bandhigayaan ay ku soo qabteen hawlago ay labadii todobaad ee ugu danbeeyey ay ka wadeen guud ahaan dalka. Taliyaha ciidanka boolisku waxa kaloo uu shraxaad ka bixiyey qalabka la soo qabtay iyo siyaabilii loo adeegsan lahaa waxa kaloo uu xusay taliyuhu in ay hayaan 16 qof oo ka mid ah dadkii falalkan ku hawlanaa qaarkalena ay ku daba joogaa, Hadaladii taliyahana wax kamidhaa sidan “qalakan waxa isugu jiraan arin bucad badeed iyo qoloda kale alshabaab,bucad badeeda waxa baasuuka yaasha looga keenay Xamar ragii fulin lahaan wey joogaa waxay iibsadeen doonyo, doonyahaas marka la saaro hubkan ma garanayno in dakadeena lagu weerari lahaa iyo in loo adeegsan lahaa in lagu qafaasho maraakiibta maraysa biya bada cas eek u aadan xeebteena” sidaana wax yidhi taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Jen.Cilmi Rooble Fure (cilmi kabaal). Hogaanka miinada ee ciidanka booliska Cumar Cabdilaahi Qaasaali ayaa sharaxaad ka bixiyey noocayada kala duwan ee ay ciidnaka boolisku gacanta ku soo dhigeen iyo siyaaba loo adeegsado waxaanuu sheegay in qalabka la soo qabtay ay ka mid yihiin 12 xabo oo ah miinada nooca ramood kantaroolka lagu hao ku was oo meel la dhig karo gaadhi ama wax kalena lagu dhajin karo kadibna uu qofka qarxinyaa soo istaagayo meel goobta qaraxa u jirta qiyaasti ilaa kun talaabo, waxnaauu sheegay hogaanka miinada ciidanka boolisku in noocayada miinooyinka ay hayeen ay ka mid yihiin kuwa laga sameeyo kiimi kooyinka waxaanuu soo badhigay noocyada sida daqiiqda oo kale ah iyo Xalwad uu sheegay in loo adeegsanayo qarxina noocyadan miinada boodharka ah isagoo xusay in noocan miinada ah ay tahay tii loo adeegsay qaraxii loo gaysatay xarunta madaxtooytada sandii 2008. Sidoo kalena waxa uu taliyah hogaanka miinada Cumar Qaasaali sheegay in qalabkan ay ka mid yihiin miinooyinka wada la dhigo bar tilmaameedka na lagaga dhigto gaadiidka siagoo sheegay in laga soo helay noocan miinada ah wadada u dhaxaysa Hargaysa Iyo Berbera. Waxa kaloo halkaas ka hadlay wasiirka warfaafinta iyi wacyigalinta Somaliland mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) waxaanu wasiirku baaq u diray bulsha caalamka isagoo ka codasay in ay wadamada aduunku somalinad gacan kla siiyaan dagaalka ay kula jirto budhcad badeeda iyo argagixisada, waxa kaloo wasiirku baaq u diray bahweynta saxaafada Somaliland isagoo ugu baaqay in ay ka qaybqaataan wacyi galinta bulshada ee laga wacyi galinayo amuuraha la xidhiidha falalka argagixisanimada. Ugu dambaytii waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaarda arimaha gudaha JSL Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo aad ugu mahad naqay shacbiweynaha Somaliland oo uu sheegay wasiirku in iyaga la aantood aanay ciidanka boolisku gaadheen guulhan maanta ay soo bandhigayaan iyagoo uu sheegay Dr.Gaboose in dhamaan hawlgaladan la fashiliyey ay soo sheegaan dad muwaadiniin mutadawiciin ah. Waxa kaloo wasiirku baaq u diray bulsha weynta Somaliland oo uu ugu baaqay in ay indha hooda furan lana socdaan dhamaan dhaqadahaaqyada ka socada xaafadahooda, guryaha ay jaarka yihiin, gaadiidka ay kiraynayaan IWM.
  19. War Deg-deg ah: Magacayadda 18 Agaasime Guud Ee Uu Magacaabay Madaxweyne Axmed Siillaanyo Iyo Haadhagii U Dambeeyey Ee Agaasimayaashii UDUB Oo La Hurgufay Cabdilaahi Xuseen Cige (Blacki), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Daakhiliga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.... Hargeysa(GNS)- Magacayadda 18 Agaasime Guud Ee Uu Magacaabay Madaxweyne Axmed Siillaanyo Iyo Haadhagii U Dambeeyey Ee Agaasimayaashii UDUB Oo La Hurgufay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa digreeto uu soo saaray Maanta ku magacaabay 18 Agaasime Guud oo ay yeelan doonaan Wasaaradaha Dawlada ee uu hore u magacaabay Wasiiraddoodii, ka dib markii uu xilkii uu ka qaaday Agaasimahayaashii guud ee Xukuumaddii Rayaale oo baaqi ku sii ahaa Wasaaradaha Qaarkood. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa waxa uu magacaabay 18 Agaasime guud,kuwaas oo bedeli doona Agaasimayaashii hore ee Xukuumaddii UDUB, isaga oo madaxweynuhu uga mahadceliyey Agaasimayaashii hore ee Xukuumaddii Hore hawshii Wadaniyaddu ku dheehnayd ee ay u soo qabteen dalkooda. Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka madaxtooyadda C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa waxa Madaxweynuhu ka codsaday Agaasimayaasha Cusub in ay si deg deg ah Xilka ula wareegaan. Warsaxaafadeedkan oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan: “Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta (shalay) soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku magacaabay Agaasimayaasha Guud ee Xukuumada JSL. Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku Yidhi Sidan:- Markaan Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka, Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka, Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan. Markaan La Tashaday: Madaxda ay khusayso Markaan ku qancay: in ay buuxin karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagooyinkan. Waxaan go’aansaday In Mudane, Cabdilaahi Xueen Cige (Blacki), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Daakhiliga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL. In Mudane, Axmed Cabdilaahi Rooraaye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Dibu-dejinta ee Wasaaradda Arrimaha Guduaha ee JSL. In Mudane, Cali Maxamed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL. In Mudane, Khadar Axmed Diriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL. In Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Xanaanada Xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee JSL. In Mudane, Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee JSL. In Mudane, Salaan Cabdi Cige, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Warshadaha ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshdaha iyo Dalxiiska ee JSL. In Mudane, Cabdilaahi Cabdi Axmed (Kubado), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshdaha iyo Dalxiiska ee JSL. In Mudane, Faysal Cali Sheekh, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ee JSL. In Mudane, Cabdi Axmed Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee JSL. In Mudane, Maxamed Faarax Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee JSL. In Mudane, Cabdikariim Xaashi Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga ee JSL. In Mudane, Ibraahin Ismaaciil Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL. In Mudane, Axmed Nuux Caalin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ee JSL. In Mudane, Mustafa Maxamed Qodax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee JSL. In Mudane, Maxamuud Raage Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda ee JSL. In Mudane, Axmed Dalal Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta ee JSL. In Mudane Axmed Xasan Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Maamulka Mucaawimooyinka ee (WFP).” Dhinaca kalena, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxa uu xil ka qaadis ku sameeyey Agaasimayaashii Guud ee Xukuumaddii hore ee Xisbiga UDUB, sida waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta (shalay) soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu Xilkii kaga Qaaday Agaasimayshii Guud ee Xukuumadii hore. Ku: Agaasimayaashii Guud ee Hore ee Wasaaradaha, Madaxtooyadda, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Xanaanadda Xoolaha, Horumarinta reer Miyiga, Ganacsiga, Wershadaha, Warfaafinta, Caafimaadka, Duulista iyo Hawadda, Diinta iyo Awqaafta, Macdanta iyo Biyaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha,Qorshaynta iyo Horumarinta iyo Gaashaandhiga. Ujeedo: Xilka ka qaadis Mudanayaal, Waxa aan idinka mahad celinayaa mudadii aad xilka qaranka u soo shaqaynayseen, wakhtigan cusub waxa aan gartay in aan idinka qaado xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha kor ku xusan laga bilaabo taariikhda Warqaddan. Sidaa darteed, waxaad ku wareejisaan xilkii Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha kor ku xusan Masuuliyiinta aan ugu soo magacaabay Degreetooyinka.”
  20. Originally posted by Libaahe*: Haji Xandjuf, it's clear Maxamuud aw Cabdi ibraahim(dhagaxtur) did not make those decisions himself but wa la adeegsanaya daadka kale oo hayb neceb haysa iyo dano gar ah. + Cawiil is in somaliland so stop your lies. libaahe they are going after every one not just after Particular group or region you have to understand that cawil is in nairoby sxb i am 100% sure about that
  21. Taleexi anigu dawlada ayaan aad ula shaqeynaya
  22. Libaahe if this guy is an innocent he will be allowed to leave the country again
  23. Originally posted by Libaahe*: Haji Xandjuf, if iis bedel means targetting individuals on clannish bases and imposing illegal xayiraad on the individual without the courts consent. They can take it where the sun doesn't shine. Do u know the guy who is the head of hanti dhawrka qarranka waxay isku qolo yihin ninka ducaale la yidha so why would he go after his clan cousin that doesn´t make sense Ninka waxan oo dhan wadda wasaarad kasta baadhay is him if the ducaale guy just stayed in the country there would be no problem ask your self wasir kuxigeenki gacansiga why is he in Djibouti wasiirki ganacsiga why is he in adis why is cawil in kenya , dadkan oo dhan in la baadhayo bey ogyihin sxb
  24. wa tallo aad u wanaagsan u siiyey shacabka xukummada iyo salaaadinta reer somaliland.