-
Content Count
29,832 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
War Degdega: Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL Oo Joojiyey Dhammaan Shaqadii Uu Tv-ga Universal Ka Waday Magaalooyinka Somaliland Oo Dhan. Hargeysa(Ramaas) Okt.05, 2010 - Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL Md Cabdilaahi Jaamac Cismaan [Geell-jire], ayaa soo saaray wareegto uu ku hakiyey shaqadii warbaahineed ee uu Tv-ga caalamiga ah ee Universal ka waday guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Md Geell-jire waxaa uu ku eedeeyey maamulka tv.ga inay ka baydheen dariiqii dhexdhexaadnimo oo ay si gaar ah ugu shaqeeyaan dhinaca, gaar ah. Sidoo kale waxa uu wareegtadaas Wasiirku ku sheegay inay telefoonadii ka qaban waayeen masuuliyiinta Wasaarada warfaafinta ee Somaliland si arimahaas wax looga waydiiyo. Wareegtadan Wasiirkuna waxa ay u dhignayd sidan:- “Ku Xarunta Tv,ga Universal ee Hargeysa. Og: Wasiirka Wasaarada Arimaha Guddaha. Og: Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Og: Madaxweynaha JSL. U jeedo joojin dhammaan wixii warbaahin ah ee aad ka tabin jirteen Somaliland, waxaan idiin la soconsiinayaa in Wasaarada Warfaafintu si ku meelgaadh ah dhammaan wixii la xidhiidha ee aad ka tabin jirteen JSL . Ka dib markii aad is dhexdhexaadnimo ah aad u gudan waydeen waajibaadkiinii warbaahineed, markii aad ka maaranteen xidhiidhkii wada shaqayneed ee inaga dhexeeyey, markii si cadaan ah masuuliyiinta Wasaarada telefoonada uga qaban waydeen, markaad ka gaabiseen inaad ku dhaqantaan xeerka caalamiga ah ee saxaafada iyo kan Somaliland caadana ka dhigateen inaad hal dhinaca oo kaliya wax ka baahisaan, waxaanu go’aansanay in si ku meelgaadh ah la idiinka joojiyo hawlihii warbaahineed ee aad ka wadeen dhammaan magaalooyinka JSL laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 5/10/2010-ka. Ha’yadaha sharciga iyo Wasaarada Arrimaha Guddahana waxaanu ka codsanaynaa in ay go’aankan fulintiisana dabagal dhamaystiran ku sameeyaan.
-
Originally posted by Taleexi: At least he is an open minded... lahjadaha kale wax ka baranaya. As far as SSC is concerned, like any other liberation front, it has to go through stages, you can marry a girl today, pregnate and expect her to deliver a baby tomorrow, of course, unless you are operating under the logic of the secessionist camp therefore with all SSC's hapless moves, they are realizing their goals slowly but surely. Haye ssc may uur qabta , tallow ya uureyey imisay maraysa?? markay dhasho beynu eegi waxay dhasho
-
Shirkada Isgaadhsiinta Ee Nation Link Oo Xarun CusubKa Furatay Badhtamaha Hargeysa + SAWIRO Hargeysa (Oodweynenews)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee Nationlink, ayaa maanta xarun cusub oo muhiim ah ka furatay badhtamaha magaalada Hargeysa gaar ahaan agagaarka Khayriyadii hore. Xafladii furitaanka xaruntaas oo lagu qabtay isla xatunta, ayaa waxa ka soo qayb-galay Agaasimaha guud ee wasaarada Boostaha iyo Isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori, Gudoomiyaha ururka Isgaadshiinta Somalililand Eng. Yuusuf Axmed Cumar Xaashi, Madaxda Nationalink, Culimo Aw Diin, Ganacsato iyo martisharaf kale. Ugu horayn madaxa suuq-geynta ee shirkada Nationlink Maxamuud Maxamed Caare oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay xaruntan cusub u fureen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen adeegga isgaadhsiineed ee ay bulshada u hayaan, isla markaana ay noqon lahayd meel dadka oo dhami wada iman karayaan. Waxa kale oo uu xusay inay shirkad ahaan xooga saarayaan sidii ay bulshada reer Somaliland uga haqabtiri lahaayeen adeegga Tefoonnada, Internet-ka, isaga oo xusay in shirkada Nationlink ay dadweynaha aad ugu naxariisado, “Shirkad ahaan mar kasta waxa aanu ku dadaalnaa sidii aanu bulshada uga iibin lahayd adeeg hufan oo jaban, Waxaana qofku halka doolar uu dibada kula hadli karaa toban daqiiqadood, halka shirkadaha kale ay shan daqiiqadood ka yihiin. Taasina waa fursad qaaliya oo aanu dadweynaha u soo kordhinay.” Ayuu yidhi Maxamuud Maxamed Caare. Waxa uu sheegay inay 11 xarumood oo kale ay ka fureen meelo badan oo Somaliland ka mid ah, hasayeeshee aanay weli adeegooda ka hirgelin goboladda galbeedka shishe ee Somaliland sida Zaylac iyo Lughaya, isla markaana ay ku talo-jiraan inay deegaanadaas ay dhawaan ka hawl-geli doonaan. Maxamuud Maxamed Caare waxa uu tilmaamay inay hawl-wadeenadii ay shirkadu u dirtay Gobolada bariga Somaliland in la af-duubay, isla markaana ay filayaan in la soo dayn doono oo ay waan-waani socoto. Agaasimaha guud ee Wasaarada Boostaha iyo isgaadhsiinta Xasan Cumar Hoori oo isna halkaa ka hadlay, ayaa shirkada Nationlink ku bogaadiyey adeegga isgaadhsiinta ee ay Somaliland u hayaan, isaga oo ilaahay uga baryey inuu u barakeeyo xarunta cusub ee ay furteen. Agaasimuhu waxa uu aad uga dayriyey halista caafimaad iyo nabadgelyo ee ay keeni karaan shirkadaha faraha badan ee Isgaadhsiintu haddii aan la nidaamin oo aan loo samayn sharcigii hagi lahaa, isaga oo sheegay inay Wasaarad ahaan diyaariyeen xeerkii Isgaadshiinta Somaliland ay filayaan-na in Golaha Wakiiladu ansixin doonaan. Gudoomiyaha ururka Isgaadsiinta Somaliland Eng. Yuusuf Axmed Cumar Xaashi oo isaguna halkaa hadal koonan ka soo jeediyey, ayaa xusay inay shirkada Nationlink ay ka soo jeedo shirkad taariikh weyn ku leh Somaliland, isla markaana ay door weyn kaga jirto bixinta adeegyada kala duwan ee isgaadhsiinta. Waxa isaguna halkaa ka hadlay madaxa shaqaalaha ee Nationlink Cali Cabdilaahi Wacays, oo sheegay in shirkada Nationlink ay ku hawla tahay sidii ay bulshada reer Somaliland uga haqab-tiri lahaayeen dhammaan adeegyada isgaadhsiinta ee lagama maar maanka ah, isaga oo xusay inay shirkada ka shaqeeyaan dad shaqadoodu aad u hufan tahay. Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Sheekh Ciise Maxamuud iyo Daahir Xaaji Yuusuf oo ka mid ah ganacsatada Somaliland, oo iyaguna sheegay inay xaruntani door weyn ka qaadan doonto fidinta adeegga shirkada, isla markaana waxa ay ilaahay uga baryeen inuu u barakeeyo xarunta cusub ee ay furteen.
-
aga ma durba
-
video Maansoor hotel bu jooga
-
Waddamada Reer Galbeedka oo ilgaar ah ku Eegaya Xaaladda Soomaaliya iyo Saraakiil ka Tirsan Dawladda Ingiriiska oo Booqasho ku Yimi Somaliland Beesha caalamka oo ka cabsi qabta in colaadaha Soomaaliya saamayn ku yeeshaan dalalka kale ee dunida iyo mandaqada Geeska Afrika Hargeysa (Jam)-Wadammada reer Galbeedka oo uu hormuud ka yahay dalka Maraykanka, ayaa ilgaar ah ku eegaya xaaladaha isbedbedaya ee mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan colaadaha ka tagaan magaalada Muqdisho oo laga cabsi qabo inay saamayn dhinaca ammaanka ah ku yeelato dalalka dariska iyo beesha caalamka, iyada oo shalayna uu Somaliland soo gaadhay wefti ka socda dawladda Ingiriiska. Shirar iyo baaqyo is daba-joog ah oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo in beesha caalamku Somaliland ula macaamisho si ka duwan qaababkii hore loola dhaqmi jiray, ayaa bishii u dambaysay sii xoogaysanayey, iyada oo Qaramada Midoobay iyo kooxda la socdka arrimaha Soomaaliya oo ka kooban Maraykanka iyo dalal reer Yurub ah toddobaadadii tagay lagu falanqeeyey dhibaatooyinka aafeeyey Soomaaliya. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), madaxweyne Siilaanyo, ayaa shalay qaabilay wefti Ingiriiska ah oo uu hoggaaminayo ergayga gaar ah ee dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Matt Baugh, iyada oo Md. Siilaanyo weftiga uga waramay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland. Warsaxaafadeedka madaxtooyadda ka soo baxay ee lagaga hadlay kulanka ay wada yeesheen madaxweyne Siilaanyo iyo weftiga Ingiriiska ahi, isaga oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan: “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta [shalay] xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Britain oo kala ah ergayga gaarka ah ee dawladda Britain u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Mudane Matt Baugh, Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Britain ee Itoobiya Mr. John Marshal iyo madaxa hay’adda Mucaawimada ee qaabilsan Britain ee DFID, xafiiskeeda magaalada Nairobi Mr. Alaister Fernte. Madaxweynuhu waxa uu weftiga uga warramay xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgelyada, arrimaha bulshada iyo qorshaha xukuumadda Somaliland ee ku aaddan horumarinta dalka. Waxa kaloo Madaxweynuhu weftiga uga warramay xaaladda nabadgelyo ee gobolka iyo siday xukuumadda Somaliland diyaar ugu tahay inay waddamada jaarka iska kaashadaan adkaynta nabadgelyada gobolka, sidoo kalena beesha caalamka kala shaqayso dagaalka lagula Jiro argagixisada iyo budhcad-badeedda. Kulankan waxa dhinaca Somaliland Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland. Ku-xigeenka xoghayaha difaaca Maraykanka James Steinberg oo dhawaan arrimaha Soomaaliya ka hadlay, ayaa sheegay in xasilooni-darrada ka taagan Soomaaliya ay dhibaato qaran ku tahay dadka Soomaaliyeed, Afrika iyo guud ahaanba caalamka. “Waa dhibaato in labaatankii sanno ee tagay Soomaaliya xasili la’adahay, iyada oo taasi sababtay waxa aynu hadda indhaheena ku aragno ee budhcad-badeednimada, dagaalyahanada ajaanibka ah ee Soomaaliya ku qulqulaya iyo kooxo Soomaaliya ku sugan oo taageeraya hadhaaga Al-qaacidada bariga Afrika,” ayuu yidhi ku-xigeenka difaaca Maraykanku, iyada oo horena kaaliyaha xoghayaha arrimaha Afrika u qaabilsan Maraykanka Johnnnie Carson uu sheegay in Maraykanku beddelayo siyaasadii uu kula dhaqmi jiray Soomaaliya, isla markaana Maraykanku Somaliland iyo maamul-gobleedka Puntland ula macaamili doono si gaar ah oo gaadhsiisan heer diblamaasiyadeed. Dawladda Sweden oo ka mid ah dalalka reer Yurub, ayaa hore u shaacisay inay Somaliland la yeelan doonto xidhiidh fiican oo gaadhsiisan heer dawladeed, isla markaana mucaawimooyinka loogu tallogalay si toos ah loo siin doono, iyada oo aan la soo marin doonin gacan saddexaad.
-
Madaxweyne Siilaanyo oo Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socda Dawladda Ingiriiska Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka Socda Dawladda Britain oo kala ah Ergayga gaarka ah ee Dawladda Britain u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane, matt baugh, Safiir ku xigeenka Safaaradda BRITAIN ee Itoobiya, John Marshal iyo Madaxa hay’adda Mucaawimadda ee qaabilsan Britain , DFID, xafiiskeeda Magaaladda Nairobi Alaister Fernte. Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadaoo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyaddu oo u dhignaa sidan:- Madaxweynuhu wuxuu Wefdigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka ee dhinacyadda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Nabad gelyadda iyo Arrimaha Bulshadda, iyo Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee ku aadan horumarinta dalka. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Nabad gelyo ee Gobolka iyo sida ay Xukuumadu Diyaar ugu tahay inay wadamada Jaarka iska kaashadaan Adkaynta Nabad gelyada Gobolka sidoo kalena ay Beesha caalamka kala Shaqayso Dagaalka lagula Jiro Argagixisada iyo Budh-cad baddeeda. Kulankan, waxa dhinaca Somaliland Madaxweynaha ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.
-
Taariikh-nololeedka Ibraahim Afgaani oo ka mid ah horjoogeyaasha Shabaab.
Xaaji Xunjuf replied to Abwaan's topic in Politics
the link is not working does it need a realplayer Afghaani is well known he also is known as Seylici. -
Xaflad weyn oo ka dhacday kenya Caasimada Nairobi - In memory of Muj.Lixle
Xaaji Xunjuf replied to Saalax's topic in Politics
Mujaheed Maxammad xaashi diiriye Lixle ilahay ku naxariso, halyey qarran january the 3th 1983 the day we declared the war against The Regime of Siad bare. Berigi jeelki maandhera prison break anu xoog ku so furna oo aanu maxabisti u dhashay somaliland ka si deynay xoriyadoodi dib ugu so celinay , mujaaheed Lixle Will always be remembered as the hero of somaliland -
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wafti ka Socda Dawladda Britain Written by Qaran news Oct 04, 2010 at 06:59 AM Hargysa,(Qarannews)-Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka Socda Dawladda Britain oo kala ah Ergayga gaarka ah ee Dawladda Britain u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane, matt baugh, Safiir ku xigeenka Safaaradda BRITAIN ee Itoobiya, John Marshal iyo Madaxa hay'adda Mucaawimadda ee qaabilsan Britain , DFID, xafiiskeeda Magaaladda Nairobi Alaister Fernte, Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadu, warsaxaafadeedkani oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay shabakada qarannews, waxa uu u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidan hoos ku xusan Madaxweynuhu wuxuu Wefdigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka ee dhinacyadda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Nabad gelyadda iyo Arrimaha Bulshadda, iyo Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee ku aadan horumarinta dalka. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Nabad gelyo ee Gobolka iyo sida ay Xukuumadu Diyaar ugu tahay inay wadamada Jaarka iska kaashadaan Adkaynta Nabad gelyada Gobolka sidoo kalena ay Beesha caalamka kala Shaqayso Dagaalka lagula Jiro Argagixisada iyo Budh-cad baddeeda. Kulankan, waxa dhinaca Somaliland Madaxweynaha ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cuma.
-
Republic of SOMALILAND Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka Socda Dawladda Britain oo kala ah Ergayga gaarka ah ee Dawladda Britain u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane, matt baugh, Safiir ku xigeenka Safaaradda BRITAIN ee Itoobiya, John Marshal iyo Madaxa hay’adda Mucaawimadda ee qaabilsan Britain , DFID, xafiiskeeda Magaaladda Nairobi Alaister Fernte. Madaxweynuhu wuxuu Wefdigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka ee dhinacyadda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Nabad gelyadda iyo Arrimaha Bulshadda, iyo Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee ku aadan horumarinta dalka. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Nabad gelyo ee Gobolka iyo sida ay Xukuumadu Diyaar ugu tahay inay wadamada Jaarka iska kaashadaan Adkaynta Nabad gelyada Gobolka sidoo kalena ay Beesha caalamka kala Shaqayso Dagaalka lagula Jiro Argagixisada iyo Budh-cad baddeeda. Kulankan, waxa dhinaca Somaliland Madaxweynaha ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar. ALLAA MAHAD LEH Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL JAMHUURIYADDA SOMALILAND Republic of SOMALILAND Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL War-Saxaafadeed Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi Balaadhan oo ka Socda Dawladda Britain oo kala ah Ergayga gaarka ah ee Dawladda Britain u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane, matt baugh, Safiir ku xigeenka Safaaradda BRITAIN ee Itoobiya, John Marshal iyo Madaxa hay’adda Mucaawimadda ee qaabilsan Britain , DFID, xafiiskeeda Magaaladda Nairobi Alaister Fernte. Madaxweynuhu wuxuu Wefdigan uga waramay Xaaladda Guud ee dalka ee dhinacyadda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Nabad gelyadda iyo Arrimaha Bulshadda, iyo Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee ku aadan horumarinta dalka. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Xaalada Nabad gelyo ee Gobolka iyo sida ay Xukuumadu Diyaar ugu tahay inay wadamada Jaarka iska kaashadaan Adkaynta Nabad gelyada Gobolka sidoo kalena ay Beesha caalamka kala Shaqayso Dagaalka lagula Jiro Argagixisada iyo Budh-cad baddeeda. Kulankan, waxa dhinaca Somaliland Madaxweynaha ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar. ALLAA MAHAD LEH Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
-
Thanks to Siad Barre and his nationalist government
Xaaji Xunjuf replied to Gallad's topic in Politics
Why is he writing a letter to a dead man -
dee 1991 and the last remaining part of berbera aya la xoreyey after berbera aya borama ba la galay oo borama la xoreyey in 1991 3th of feb laakin koodbuur ma jirin before 1990 koodbuur waxa la asaasay 1990, and sahra halgan claims to helped koodbuur guuto in the mid 80s?????,,, Sayid xamsa 99 afaraad they all existed before 1989.
-
Somaliland former bank chairman Abdi Ducaale freed from housearrest
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xukuumadda oo Joojisay Baadhitaanadii Hanti-dhawruhu ku waday Masuuliyiintii Xukuumaddii hore iyo waxyaabaha kalifay Hanti-dhawraha oo fasaxay Guddoomiyihii hore ee Baanka iyo wada-xaajood Beelaysan oo arrinta lagu xaliyay Hargeysa (Waaheen) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa joojisay Baadhitaanaddii uu Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku ku waday Masuuliyiintii Xukuumaddii hore ee Rayaale Joojinta Baadhitaanadii uu waday Hanti-dhawraha Guud ayaa la sheegay inay ka dhalatay kadib markii ay dhalisay Xiisado Beelaysan oo gil-gilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Amaanka Guud ee dalka. taasoo keentay in Goboladda qaarkood laga abaabulo isu soo baxyo lagaga soo horjeedo baadhistaasi oo loo arkay in Masuuliyiin gaar ah lagaga Aargoosanayo Inkastoo aanay Xukuumaddu wax War ah ka soo saarin joojinta Hawlgaladii uu Hanti dhawruhu ku baadhayay Masuuliyiintii Xukuumaddii hore hadana waxa ay warar hoose oo aanu ka helnay ilo u dhuun daloola arrintani cadeeyeen in Hanti dhawraha Guud u qoray Guddoomiyaha Baanka qoraal uu kaga qaadayo xayiraadii uu hore u saaray ee uu buuqa ugu weyni ka dhashay. Waxa kale oo uu sheegay joojinta Baadhitaanadaasi inay Suurtogaliyeen Siyaasiyiin hawsha u galay qaab Beelaysan kuwaas oo heshiisiiyay Hanti-dharaha Guud iyo Guddoomiyaha Baanka si ay ugu qanciyaan reerihii kacay in arrintii laga noqday Siyaasiyiintaa ka qayb qaadatay daminta Xiisadaa ka dhalatay Baadhitaanada uu waday Hanti-dhawraha Guud ayaa la sheegay inay ugu cad-cadaayeen Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland kuwaas oo Hantidhawraha iyo Xukuumaddaba ugu hanjabay inaanay Ansixin doonin Hantidhawraha maadaama oo lafilayo in Golaha la horkeeno toddobaadkan si loo Ansixiyo Sidoo kale waxa ka qayb qaatay daminta Xiisadda ka dhalatay Baadhitaankaasi Madaxweynaha Somaliland oo diray Ergooyin kala duwan si looga hortago Mucaaraddada ay arrintani keentay oo Xawli dheeraynaya ku dhaqaaqday isla markaana ku gilgishay Degenaanshihii iyo Xasiloonidii Goboladda qaar gaar ahaana kuwa bari oo ay ka soo jeedaan Masuuliyiinta uu markii ugu horeysay Amarada ku fuliyay Hanti dhawruhu, gaar ahaana Guddoomiyaha Baanka oo aad looga ixtiraamo Joojinta baadhitaanadii uu Hantidhawrku ku waday Masuuliyiintii hore ee Xukuumaddii dhacday iyo kuwo imika joogaba ayaa si weyn looga dareemay Xarunta Hantidhawrka Guud ee Qaranka taasoo labadii cisho ee ugu danbeysayba uu istaagay dhaqdhaqaaqii iyo hawlagaladii ay wadeen shaqaalaha xaruntaasi oo uu Suuq wyni u soo baxay tan iyo intii Amarka lagu siiyay fulinta hawshaas, kuwaas oo cabsi badan ku abuuray shakhsiyaadkii ay baadheen iyo kuwii u qorshaysnaaba Taalabadan ay Xukuumadda Siilaanyo ku joojisay baadhitaanadii ay ku baadi goobaysay Malaayiinka lacagta ah ee Deymaha ah ee ay Xukuumaddii hore gashay ee ay ku wareejisay ta cusub ayaa keenaysa niyad jabkii ugu weynaa ee ay Dadku kala kulmaan Xukuumadda rajadii ay ka qabeen isla markaana ay God dheer ku dhacday balanqaadyadii ay ka filanayeen Xukuumadda Cusub oo wakhtigii ay Mucaaradka ahayd ku faani jirtay inay ilaalin doonto Hantida Ummadda isla markaana ay Sharciga Hor-keeni doonto wixii Hanti ah ee laga Lunsado Qaranka Waxa kale oo ay wadada u furaysaa joojinta baadhitaanadii uu Hantidhawruhu ku waday Masuuliyiintii Xukuumaddii hore inay fursad u helaan Masuuliyiinta cusub ee talada qabsaday ay ku lunsadaan Hantida Qaranka, maadaama oo ay heleen qiil ay ku baxsadaan ama Dhufays ay dabada Geliyaan oo uu ogolaaday Madaxweynuhu taasoo soo af-jaraysa in cid danbe la baadho. -
Originally posted by NinaNC: ^Awoowe Xaaji Xaanjoow, waan kugu raacsanahay in AMISOM isticmaasho hub culus markey u jawaabaayaan caruurtaan reer miyiga ee Godane iyo Rooboow kaga soo kaxeeyeen been beenta tuulooyinkooda. Laakiinse, waxaa in la isweydiiyo fiican, yaa soo qaada dagaalka, xageyse ka soo qaadaan? waad ogtahay haddii aysan Burindigaan iyo Ugandheeskaan joogi lahayn, Godane ayaan Amir ugu wici laheen saacadaan. Marka, adiga waa kuu jeeda, waxaad dooneysaa inuu ninkaan u taliyo Koonfurta, taasina reer koonfureedka ma aqbalaayaan marna, ileen xornimo ugama baahnin nin waalin. Waxaase kaloo ogaataa, mar haddii koonfurta Godane wada qabsado (big if, unlikely), meesha ku xigta oo u soo dhaqaaqaayo. Marka dan ayaa anaga dhan noogu wada jirta iney AMISOM joogto ilaa kuwan wadanka laga saaro ma garatey. Meel safe ahaaneyso ma laha, xasuuso taas mar walba markaad u sacba tumeyso Abu-Sun. Mayaa ninay , halka aan ku yara toosiyo Amisomtu dan somali ma wadan runti hada la sheego dawladan lic licaysa bay meesha ku ilaalinayan not because somali bey jecelyihin ama odayga sharifka bay jecelyihin waxan africanka ba u igmaday.oo u xil saaray iyaguna shacab somali kama naxayaan ciday dili karan wa dili karan waxa lugu yidhi si kasta oo aad ku difaaci kartin dawladan yar eeh sharifku hogaaminayo tasay iyaguna markanaysa ku doodayaan, anigu kuma odhan Godane wa wiil so daahiray oo lo so diray inu somali mamuulo runti waxyaalo argagax bay sameyaaan iyagu laakin , laakin marnaba shacab iskama weeraaraan laakin qoladan africanka eeh meesha jooga bay xabbada ku iifiyaan runti, hadi la rabbo in la heshiyo wa in meel dhexe la iskugu imaado oo ay dawladu iyo qoladan shabaabku shiran oo ay dalka iyo dadkooda u tudhan oo ay tanasulan xalku halkasu ku jira maha laakin in labbaduba ay ku adkaystan mawqifkooda amisom ba ilaalinaysa ,, oo ciidna u joojin mayo haday kun ku kufiyayaan iyo haday kunku muslimayan ta xal anigu marnaba uma arko.
-
Originally posted by NinaNC: lol@newyorkcityyey...very very original, good one Xaaji Xanjoow. Adeer, AMISON anagaa u yeeranay iney naga qabtaan kuwan isku qarxinaayo meelwalba, ee hadduu Abu-Sun aad u aragto a hero, u yeerta, ha idinka qabto Ethiopian-ka Berbera lacagta reer SL ku laqa. Rooboow ayaaba lafaha u qaadi doono mar dhow haddii aan asaga la qarxin first that is. Godane dhulkiisa ha ka taliyo, dhulkan waa dhul koonfureed, ma la isku ciyaaraayaa dee adeer! naga kaxasta ninkan waashey haddaad aqoonsi dooneysiin. Bal aqri bal news-kan ugu danbeeyey, iina sheeg Horta awoowo waxad yeeleysa , markad somaliya aad xal u rabtid waxa weye inad markastaba aad eegtid Danta shacabka koonfurianska, wamaxay tasi wa inay nabbad iyo xasilooni ku nooladan wan ogahay Al shabaab wa koox mitid ah xagjir ah oo aan dano somaliyeed ku shaqeyn oo meelo kale laga hago qarbaba tora bora ku sheegeye, hasa yeesho Kooxdan amisom shacabka kama naxayaan meel walba hubka noocisa adag bay ku garacayaan waxasi wax lo dul qadan karo runti maha. ina Godane na dee isna wuxu is leeyahay dadka somalida caawi.oo ka xorey qolladan africanka ah eeh xammar fawaxishka ka sameya wax kale maha awoowo
-
Nina Newyorkcityey Abusubeyr sheikh godane wuxu idinka xoreynaya Amison iyo qoladan africanka eeh xammar ku so duulay maxaad ku diidantahay maanta amisomti shacabki xammar wey xasuuqeen run ahaanti kuwasi waxba idin ma so wadan hadaad tihin reer konfureed. Anagu argagxiso lama shaqeyno dhulkayaga na ma so maran awoow marka sida ula soco Nina newyorkcityyey. Ximan iyo xeeb iyo galmudug siminaar baanu u bilabayna
-
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Walxihii Ay Dhawaan Ciidanka Amaanku Ku Qabteen Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera Ku Eedeeyey In Ay Ka Dambeeyaan Kooxda Al-Shabaab. Hargeysa(Ramaas) Okt.03, 2010 - Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre [Cilmi-kabaal], ayaa faahfaahin dheeraad ka bixiyey hawlgalo ay ciidanka amaanku ka fuliyeen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera oo ay ku soo qabteen hub iyo walxaha qarxa, hawlgaladaas iyo waliba cidda ay ku eedaynayaan in ay ka dambeeyaan dhibaatooyinkaas qaraxa-yada ahaa ee la damacsanaa in laga fuliyo magaalooyinka Somaliland. Cilmi Kabaal, wuxuu sheegay in ay dhibaatooyinka ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab oo gacan ka helaysa dad Somalilander ah oo ku sugan dalka gudihiisa, taas oo uu tilmaamay inay doonayaan inay burburiyaan nabadda iyo xasiloonida ka jirta. Taliyuhu waxa uu sidan ku sheegay waraysi uu amuurtan kaga waramayey oo uu maanta magaalada Hargeysa kula yeeshay Wariyaha BBC-da Axmed Siciid Cige. Taliyuhu waxa uu sheegay dhammaan falalka, hubka iyo walxaha qaraxa ee ay ka soo qabteen magaalooyinka Burco iyo Berbera in ay u hayaan dad gaadhaya 16 qof guud ahaan saddexda magaalo-na waxa uu sheegay inay falalkan u hayaan 18 qof. Listen http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=4759
-
Xukuumada Somaliland oo Raalligelin Siisay Guddoomiyihii hore Baanka Md. Cabdiraxmaan Ducaale Written by Qaran news Oct 03, 2010 at 04:51 PM Hargeysa (Qaran news)- Warar aannu caawa ka helnay xubno iyo ilo lagu kalsoon yahay oo ka mid ah dawladda cusub ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddu raalli gelin ka bixisay xayiraaddii dhowaan lagu soo rogay Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ducaale Maxamed. Toddobaad ka hor ayaa Hanti-dhawraha guud ee Qaranku uu ku amray inaanu MD Cabdiraxmaan dalka ka bixi karin taas oo baajisay socod iyo safar uu guddoomiyuhu ugu bixi lahaa dalka DJabuuti. Dadweynaha Somaliland ayaa arrintaas aad ula yaabay kuna sheegay inay tahay xaalad abuur maaddaaba Hanti-dhawraha guud aanu isagu cid xidhi karin ama xannibi karin oo maxkamadu hawshaas lahayd. Sida la sheegay arrintaas uu ku kacay Hanti-dhawraha guud ee Qaranku maxkamaddu waxba kalama socon. Arrintaas ayaa dawladda cusub sumcad xumo u soo jiidday dadweynahana ku abuurtay werwer iyo kala shaki dadka dhexdiisa ah siiba gobollada bariga Somaliland oo madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Cabdiraxmaan ay labaduba ka soo jeedaan. Si kastaba ha ahaatee xukuumada ayaa qoraal ku soo gaadhsiisay raalli gelintaas MD Cabdiraxmaan Ducaale kuna war gelisay inuu dalka ka bixi karo hadduu rabo una sheegtay in arrintaasi ahayd farsamo xumo ka timi dhanka xukuumadda. Qaraalkaas raalligelinta ahi wuxuu ka soo baxay sida la sheegay xafiiska Hanti-dhawraha guud ee Qaranka oo isagu markii hore ku soo rogey guddoomiyaha xayiraadda
-
Ximan iyo xeeb galmudug the clan chief of banadir all of them respect and support somaliland add it all up and the koonfurians are getting the picture
-
Zanawi's wife: The First lady of Corruption in Africa.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
War maxaad ku qoslaysa Marwooyinka madaxweynayasha waxay naga mudanyihin sharaf , sharafta na wa in la dhowra. marwo azeb mesfin wa gabadh sharaf leh , in musuq masaq iyo waxa somalidu so qor qoran laga fiican. -
Zanawi's wife: The First lady of Corruption in Africa.
Xaaji Xunjuf replied to MoonLight1's topic in Politics
yaanaan xaasaska madaxweynayasha wax laga sheegin wa hoy wa dignin