-
Content Count
29,994 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Khusuusi Garaad accepts peace somaliland welcomes him
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Video of Go'aamadi shirki widhwidh oo guul ku dhamaday http://www.youtube.com/watch?v=Gkz2LkOEutA&feature=player_embedded -
BBC Wareysi: Garaad Abshir Saalax ”Waligeen Puntland Ayaan Ahayn
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
Originally posted by Suldaanka: The Garaad can say that they are part of Russia for all Somaliland cares, so long that he agrees to making Widhwidh a peaceful town where the Somaliland authority funcitons and works. Somaliland's objective is not to convert indivituals' positions. Rather the objective and target is to expand the SL authority and reach all the regions that are under Somaliland's borders. So the question comes back to you, played in what way? Me thinks, by saying that he considers himself part of Pirateland who has a good working relationship with SOmaliland, he is infact dealing double blow to the SSC function. Again, it is good for Somaliland polically since SSC is the only visible opposition there is between SL and Buuhoodle town. Puntland is by all means a defunct force in that area's millitary and politics. Well said the garaad accepted peace and he is willing to work how to make the region peaceful thats the most important thing and that the locals should work with the somaliland police and military, Shirki guul bu ku dhamaday -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Originally posted by Ferguson: ok what about garowe? ,,,, sorry we don't deal with tribal chiefs -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Mogadisho ma Buhuku ba ku qaabilaya mise sheikh dalxiis -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
hee ferguson ma rooga cass baad u si diyaarin lahayd Mujaheedka. -
BBC Wareysi: Garaad Abshir Saalax ”Waligeen Puntland Ayaan Ahayn
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
Liibaan garaadku muxu ssc u sheegan wayey ileen waaki shirki horseed eeh kenya ka qeyb galay eh. -
Somaliland president Axmed Maxammad Siilaanyo arrives in Djibouti.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Video of president siilaanyos speech in djibouti -
Khusuusi Garaad accepts peace somaliland welcomes him
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Gudiga xalinta tabashooyinka gobolada bari oo so gaadhay magaalada laascanood video -
Madaxweynaha Puntland Faroole oo Somaliland ka codsaday inay kala hawlgalaan la dagaalanka Firxadka Ciidamadii Atta moo uu sheegay Somaliland inay u yaaceen Waaheen(Hargeysa) Madaxweynaha Maamul-goboleedka Somalia ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay kala hawlgasho firxadka kooxda uu hoggaamiyo Maxamed Siciid ATTAM ee dagaaladu ku dhexmareen deegaanka Buuralayda Galgala. Madaxweyne Faroole ayaa ku dhawaaqay inay bur buriyeen, soona afjareen dagaallo goos goos ah oo ciidammadiisu kula jireen kooxda ATTAM ee ku jira Buuraha Galgala, kuwaasoo uu sheegay in hadhaagii kooxdaasii u soo yaaceen dhinaca Somaliland, islamarkaana waxa uu ugu baaqay maamulka Somaliland inay kala hawlgalaan wax uu ku sheegay “Khatar ku soo fool leh labada dhinac [ Somaliland iyo Puntland] sidaana waxa uu ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay Laanta Afka Somaliga ee BBC’da “ Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Marka ugu horeysa waxaan u sheegayaa umadda Soomaliyeed oo dhan in xoogii argagixisada ahaa ee isku urursaday buuralayda Galgala agagaarkeeda bari iyo galbeed in la burburiyay intii ugu dambaysay xoogoodii, taas oo lagaga qabtay wixii ay hub haysteen dadna lagaga laa’yey. Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay cafis u fidin doonaan shakhsi kasta oo ka mid ahaa kooxda ATTAM ee isa soo dhiiba, waxaanna ka mid ahaa hadalladiisa, “Soo afjaristaasi maaha in qof kasta oo iyagga ka mid ah uu dhintay, bulshada reer Puntland-na waxaanu u sheegnay in qofkii aan ka tirsanayn nimankaa argagixisada ah balse la marin habaabiyey aanu cafis u fidinay oo ay iska dhiibaan xarumaha amniga iyo madax-dhaqameedka caanka ah ee aanu anagu naqaano ee isimada ah iyo siyaasiyiintooda, wixii intaa aan ahayn ee firxadka ah ee u cararay deegaamada galbeed oo ka mid ah deeganada Somaliland oo aan odhan karo waa agagaaraha degmada Ceerigaabo oo aanu ognahay shakhsiyaad caan ah oo magacyadooda la yaqaan ay joogaan, waana khatar labada maamulba gacanta galin kara oo dadna abaabuli kara dibna isku soo hubayn kara. Waxaanu ognahay meelo badan oo ay ku sugan yihiin oo deegaanadaas ah oo Ceerigaabana Galbeed ka ah Burcana bari ka ah, ilaa dhinaca badda Xiis iyo Maydh iyo wixii Laascaanood hareeraheeda ah ee ciidamada Somaliland ku sugan yihiin ayay joogaan. Khatartii way dhamaatay lama odhan karo, maadaama oo firxadkii uu galay deegaanada aan sheegay ee Ceerigaabo, Laascaanood iyo wixii Burco bari ka soo xiga oo dhan, way is abaabuli karaan, markaa ciidamada Somaliland waa inay door ka qaataan.” sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole. Xukuumadda Somaliland, ayaan illaa hadda cadayn mawqifkeeda ku saabsan kooxda uu hoggaaminayo Sheekh Maxamed Siciid ATTAM oo aan si rasmiya loo ogayn ujeedadiisa, iyadoo warbaahinta qaarkood ay hore u faafiyeen in Sheekhani ku suganyahay qaar ka mid gobollada Bari.
-
Somaliland health minister visits sanaag pics
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Waftiga Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Cuqaasha Gobolka Sanaag xarunta Maamulka Gobolka posted by: Webmaster Ceerigaabo/ToggaHerer Waftigii wasiirada ahaa ee socdaalka ku marayey gobolka Sanaag ayaa kulan kula qaatay xarunta maamulka gobolka cuuqasha gobolka. Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinata maamulka gobolka iyo degmada Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr Xuseen Xoog, wasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka Nimco Xasan Qawdhan iyo wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Ilhaan Maxamed Jamac Waxaan kulankaa ugu horay ka hadlay Jiif Caaqil Jaamac Ismaaciil Muuse oo umahad naqay waftiga waxaana uu uga war bixiyey xaalada gobolka isga oo sheegay inay tahay baahida ugu weyni dhinaca wadada isku xidha gobolka sanaag iyo togdheer waxaana uu sidoo kale xusay in loo dhiso dekeda maydh . Waxaa isna madashaa ka hadlay Jiif Caaqil Maxamed Jaamac Faarax oo ka hadlay dhinaca caafimaadka gobolka oo tilmaamay inuu hada fiican yahay laakiin loo baahan yahay in halkaa laga sii wado . Waxaa iyaguna madashaa ka hadlay Caaqil abokor Xasan ,Caaqil Aaxmed Jaamac Ismaaciil , jiif Caaqil Axmed maxmed Xaashi oo dhammaan tood ka hadlay dhinacyada nabadgalyada Caafimaadka , waxbarashada ,biyaha iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah in gobolka kor loogu qado . Waxaa isna mada shaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre oo u mahad naqay dhammaan cuuqaasha waxaana uu ku tilmaamay inay cuuqaashani yihiin ku aabaha u ah nabadgalyada gobolka sanaag ku baano. Waxaa iyana madashaa ka hadashay Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshda Ilhaan maxmed Jaamac waxaana ay siweyn ugu mahad naqaday cuu qaasha gobolka oo ay sheeg tay in loo bahan yahay in la ixtiraamo . Waxaa isna soo gabo gabeeyey Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xasan Muxumed Maxamed (xoog) oo dhankiisa cuuqaasha ku tilmaamay yihiin lafdhabarka bulshada sanaag oo ay yihiin kuwa ugu qiimaha badan waxaana uu sidoo kale tilmaamay inay inata badan ka shaqaynayaan arimahaa aad cod sateen . Kulamadan isdabjooga ah ayaa ah mid ee ay la qaateen cuuqaasha ayaa ah kii ugu horeeryey ee ay la qaataan waftidano madaxdhaqameedka gobolka . Waftiga ayaa la filayaa inay u anbabaxaan dhinacaa iyo maydh . C/naasir khalid siciid Ceerigaabo -
Waftigii uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo maanta kulan la qaatay masuuliyiinta maamulka Gobolka Sanaag posted by: Webmaster Waftigii uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta maamulka gobolka sanaag Kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen isuduwayaasha wasaaradaha iyo taliyayaasha ciidamada. Waxaana ugu hoaraytii kulankaa ka hadlay taliyaha qaybta booliska gobolka sanaag C/risaaq Yuusuf Maxamuud oo ka war bixiyey xaalada nabad galyada gobolka. Waxaa isna madashaa ka hadashay isuduwaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Faaduma Xaaji Xasan Axmed oo ugu horayn soo dhaweysay waftida waxaana ay ka war bixisay sida ay ula shaqaynayso wasaaradeeda waxaana ay tilaamantay inay la shaqaynayso wasiiradeed tii horena ay aad ula soo shaqaysay. Waxaa iyaguna mada shaa ka hadlay isduwaayasha wasaaradaha boosaha iyo isgaadhsiinata ,Beeraha,Waxbarashada qorshaynta ,Xanaanada Xolaha oo dhamaan tooda ka waramay dhibaatooyinka wasaaradohooda iyaga oo tilmaamay inay inta badan ku tilmaamay in uu gobolka sanaag uu yahay mid ka hooseeya gobolada kale ee Somaliland.. Waxaa isna madashaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka sanaag Cali Cabdi Hurre oo isna dhankiisa soo dhaweeyey waftiga waxaana uu tilamaamay inay isuduwayaashani yihiin kuwo u heelana shaqadoodooda waxaana uu xusay inaa wasaarado badan aanay lahay xafiisyo , Waxaa iyaduna madashaa ka hadashay wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Ilahaan Maxamed jaamac oo dhankeda u mahad naqaday isuduwayaasha wasaaradaha waxaana ay ku la talisay inay isku doobnaadaan dalkoodana si weyn ugu shaqeeyaan isuduwakastaana si toosa ula xidhiidho wasiirkiisa. Waxaa kulankaa soo afmeeray wasiirka wasaarada Caafimaadka Xuseen Maxmed Muxumed (Xuseen XOOG) waxaana uu u mahad celiyeye isuduwa yaasha oo uu kula dardaarmay inay iskaashadaana wadashaqayaan una diyaar garoobaan horumarinta gobolkooda dhawaana u diyaar garoobaan 6bilood oo ah waxqabadka xukuumada. Waana taniyo markii ugu horaysay ee xubno wasiiro ah oo ka socda xukuumada cusub ee madaxweyne siilaanyo ay kulan la qaataan Isuduwayaasha wasaaradaha. C/Naasir khalid siciid Cerigaabo
-
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Originally posted by xiinfaniin: xaaji xunjuf, waxaan ka hadlayna waa wax run ku qotoma, oo khiyaali ka fog. siilaanyo waa nin soomaali jeclaantu dhowr jeer ka qubatay oo ceshan kari waayey , waa arrin aad looga warqabo. waqti bay qaadanaysaa inuu waxyaalaha qaar ku dhiirado laakiin wax badan baan ka ognahay tafkiirkiisa siyaasiga . melez cinwaanka threadka buu dhex fadhiyaa xaaji xunjufow , aniguna iskama aanan abuurin oo su'aashaydu meeshay ku jirtaa saaka ma qumanid, caradii hargeysaad nagula dhacday Naw dee wax walba daliil bey leeyihin waxagu waan maqlay weye beri ba sida la yidhi mar bu aha wasir dawladi kacaanka , Adeer waxasi wa marxalado la so maro Somali miyaan la jeclaan karayn isagu somalilandtisa haysta sidu ismacil cumar geele ba u jecelyahay waba ka maanta ku so dhaweyey dalkisa eh. War yaa Muslim oo muuse ismacil ah ,, intu na yidhi wuxu waxba ka jira bu cajalad no saaray qoloyin reer budhcad badeed oo ergooyin iyo miisas yar yar dhex fadhiya Maxa Siilaanyo waxa ka galay , Xiin faninow salaad kasta xiligeeda la tukkada ma fahantay marka melez wa ino mar kale -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Xiinfanin maya dee wax aan jirin baad u riyaaqeysa qof ka bina adanka waxa u fiican inanu khiyaali ku noolaan oo xaqiiqada tabta. Marka Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland wax aad aad adigu shakhsiyan aad iska jeclaatay,oo maskaxdada yar ay iska caashaqday,, Maha wax dhab ah oo jirta , Gaaladu illusion Bey ugu yeedhan. goormaad Melez u booday,, Djibouti beynu marayna Melez marka wakhtigisa la gaadho aya lala xaajoon doona Hogaaamiyaha Tplf. -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Siilaanyo wa nin wax badan fahansan wa ruugcade siyaasi wa runta wax kale maad haysa. -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Wax aan jirin baad ka sheekeysa waleh,, maxanu ku diidna madaxweynahayaga bal no sheeg? Waba Mujaheedki dhama dalkan u so halgamay -
Somaliland president Axmed Maxammad Siilaanyo arrives in Djibouti.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Jabuuti Oo Kulankii U Horeeyay Ku Yeeshay Madaxtooyada Jabuuti November 4th, 2010 Comments Off Jabuuti (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee wadankiisa kulankii ugu horeeyay kula yeeshay Weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu shalay ku tagay dalkaasi ka dib markii uu ka helay martiqaad rasmi ah. Wararka ka imanaya Magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in kulankaasi labada Madaxweyne kaga hadleen ahmiyada ay labada qaran ee Jabuuti iyo Somaliland u leedahay xoojinta xidhiidhka, iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada ummadood ee walaalaha ah.sidaasna waxaanu ka soo xiganay mid ka mid ah masuuliyiinta weftiga madaxweynaha Somaliland, waxaanu tilmaamay in kulankaasi labada Hoggaamiye isku waafaqeen arrimihii ay ka wada hadleen. Waxa la sheegay in kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan labada wadan ee Somaliland iyo Jabuuti. Sidoo kale, Marwada Madaxweynaha Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, ayaa iyaduna saaka Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, ayaa labaduba kormeer ku soo maray xarumaha daryeelka Carruurta, oo ay Marwo Khadra Maxamuud Xayd maalgelin ku samayso isla markaana taageerto horumarinta goobahaasi. Weftigii Madaxweyaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay si aan hore loo arag oo la yaableh loogu soo dhaweeyay Jabuuti waxaana ka qeyb galay madaxweyene Geelle iyo xubno ka tirsan Golahiisa Xukuumada. Somaliland. Org Hargeysa. -
Seylada Burco shifting over 100,000 animals a day
Xaaji Xunjuf replied to Qudhac's topic in Politics
good news -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Xiinfanin na cadho iyo coll aan joogin un bu ka warama Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland wuxu marwalba ka shaqeynaya danta qaranka ta dawlada ta ummada somaliland aad baanunu rajo weyn uga qabna inu shaqadisa ka so baxayo -
Xarrakada Mujaahidiin Al-Shabaab oo sheegtay inay weerarayso caaasimadaha dalalka Burundi iyo Uganda Khamiis, 04 November, 2010 (HOL) − Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta ku hanjabtay inay weerarro ku qaadi doonaan caasimadaha dalalka Burundi iyo Uganda, oo ay ciidammo nabad ilaalin ah ka joogaan Soomaaliya. "Waxaan, kula dardaarmaynaa mujaahidiinta, inay weerarro la beegsadaan Kampala iyo Bujumbura, si looga qaxo, waayo waa mid aan Alle kula ballannay inaan difaacno dadka muslimiinta ah, una aar-gudno, waxaana naga go'an in labadaas magaalo looga qaxo sidii looga qaxay Muqdisho," ayuu yiri madaxa dacwada sheekh Fu'aad Maxamed Qalaf oo soo xirayay tababar odayaal loogu soo gabgabeeyay Muqdisho. Odayaasha tababarka loosoo gabgabeeyay ayaa ku dhawaaqayay erayga (Allaahu Akbar - Allaa weyn), kaasoo u muuqday inay raalli ka yihiin hadalladii uu sheegayay sarkaalka ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin. "Dagaalka maanta ka socda Muqdisho waa in laga qayb-galo, waayo waa waajib, waana inay culummada ugu horreyso, nin kasta oo ka fadhiya waa faasiq," ayuu sheekh Fu'aad hadalkiisa ku sheegay. Sheekhu, wuxuu sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya, ay yihiin kuwo lagu doonayo in Soomaalida iyo muslimiinta lagu baabi'iyo, isagoo Mareykanka dusha uga tuuray eedda dagaallada, isagoo ku hanjbaya inaysan aqbalayn in la beel-beel la isugu laayo Soomaalida. "Cadowga Alle wax naxariis ah kama helaysaan, haddii gacmaha laga laabto sidaas iyo si ka darran ayay nagu sameynayaan, mana lahan naxariis ee waa inaan ka qaybgalno dagaallada oo aysan gabarna naga harin," ayuu yiri sheekh Fu'aad. Ciidammada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya oo tiradoodu tahay 7,200-askari, ayaa waxay ka socdaan dalalka Burundi iyo Uganda, iyagoo dagaalo kula jira xoogagga Islamaiyiinta ah ee Soomaliya oo wacadka ku maray inay afgambiyaan dowladda. Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen, oo isaguna ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa odayaasha ugu baaqay inay dagaallada socda ka qaybgalaan, wuxuuna xusay in dagaalka oo lagu dhinto ay ka wanaagsan tahay in afka laga dagaalamo.
-
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Originally posted by Jacaylbaro: Zack iska daaya ,,, xataa hadii la yidhaa madaxweynuhu bariis buu cunay wuxuu odhanayaa Melez baa u kariyay ,,, lol -
Somaliland president Axmed Maxammad Siilaanyo arrives in Djibouti.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweynaha Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka Djibouti Djibouti (SDWO 04/11/2010) - Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa galabta booqasho rasmi ah ugu kicitimay dalka Jamhuuriyadda Djibouti. Madaxweynaha iyo Weftiga uu Hoggaaminayo oo galabta gadhay dalka jabuuti ayaa loogu soo dhaweeyay madaarka magalaada Jabuuti maqaamkii ugu sareeyey ee lagu qaabilo Madaxweyne ka socda Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland 1991-kii, waxaana Madaarka ku qaabilay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda. Waana markii u horeysay ee Madaxweyne Somaliland ka socoda Qadiifada cas loo dhigo oo lagu soo dhoweeyo oo weliba uu madaxweyne Geelle soo dhoweeyo. Dhinaca kale waxa gebi ahaanba la xidhay wadada isku xidha madaarka iyo hotelka wefitga lagu dejiyey ee la yidhaah Kanbeski Hotel. Waxa iyaguna aan caawa mar qudha afka ka qaadin warka weftiga Somaliland dhamaan saxaafada dalka Jabuuti. Madaxweyne Siilaanyo oo qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa kula hadlay Saxaafadda ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ka dambeeyay casuumad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, waxaanu tilmaamay in booqashadiisu ay salka ku hayso sii xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka ka dhexeeya labada qaran ee Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu yidhi “Waxaan booqasho ku tagayaa dalka Jabuuti, halkaas oo aan rajaynayo in aan kala soo kulmo khayr, Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay”. Md. Axmed Siilaanyo ma uu sheegin mudada uu qaadan doono socdaalkiisa wadanka Jabuuti iyo inuu jiro dal kale oo uu uga sii gudbi doono marka uu dhamaysto socdaalkiisa. Madaxweynaha waxa madaarka Hargeysa ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, waxaanu halkaasi salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka. Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisa ku weheliya marwadiisa Marwo Aamina X. Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha Axmed Xaashi Madar, Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Chief Of Cabinet-ka Xirsi X. Cali, xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Cukuse iyo xubno kale. Waa markii ugu horaysay ee Madaxweynaha Somaliland uu dalka Jabuuti Socdaal ku tago, waana safarkii ugu horeeyey ee uu ku tago dalka dibadiisa tan iyo markii uu la wareegay tallada dalka 27-kii bishii July. Shiine Cilmi Kaahi - SDWO News Desk - Hargeisa -
Khusuusi Garaad accepts peace somaliland welcomes him
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
1- In maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka ay Axdi nabadeed ay wada qaateen. Just great mashallah -
Ethnic Puntlander becomes first Somali to enter Minnesota Public office!
Xaaji Xunjuf replied to Timur's topic in Politics
Che somali kasta walo abtiriya miyanad ogeyn -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Nina awoowo when was the last time sheikh dalxiis visited karaan