Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,832
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. waleh tfgidi duushay mar hadu sh dalxiis ba xadhiga wax ka jarayo
  2. Wasiiradii ka socday Maamulka somaliland oo Gaadhay Degmada Widh Widh(Maxay tahay ujeedada Safarkoodo Warbixin Kooban (Widhwidh, November 01, 2010 Ceegaag Online) Wararka Hada Naga soo gaadhay Degmada Widh Widh ayaa ku soo Waramaya in Galabta Goor gaaban Halkaasi Gaadheen Wafti Balaadhan oo ka socda Maamulka Somaliland Waftigaasi oo Isagu Jira Wasiiro Wasiiro Kuxigeeno Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa gaadhay Magaalada Widh Widh oo lagu soo Dhaweeyey Waftigaasi lana Dejiyey Guriyo loogu tala galay Waftigaasi ka socda Maamulka somaliland. Wararka Shabakada Wararka Ceegaag.com ka helayso Magaalada Widh Widh ayaana Caawa ku soo Waramaya in Amaanka Degmada Widh Widh aad loo adkeeyey isla Markaana Wadooyinka la dhigay Ciidamo Tiro badan oo katirsan Maamulka somaliland oo iyagu Halkaasi horay u Joogay, Waxna kaloo gabi ahaanba Degmada ka socda olole Balaadhan oo loogu jiro sidii Halkaasi shir ugu furmi lahaan. ilaa iminka Lama oga Waxyaabaha Shirkani lagu Qabanayo Magaalada Widh Widh looga hadlayo Waxana kaloo la ogayn Cida kale ee Shirkaasi uga Qayb galaysay Isimada Gobolada SSC Cuqaasha iyo Waxgaradka kale oo iyagu aan Wali gaadhin Degmada Widh Widh kana hadlin inay shirkaasi ka Qayb galin Doonaan Waxna kaliya oo Magaalada Widh Widh hada ku sugan Garaad Abshir Salaax oo ah Garaadka Beesha Guuleed Garaad(Barkad). Warar Madaxbaan oo Heshay Ceegaag.com ayaa sheegay in Shirkaasi Degmada Widh Widh uga Furmi Doono Waftigaasi ka socda Maamulka somaliland iyo Waxgaradka beesha Guuleed Garaad(Barkad) Mana jiraan Warar lagu Kalsoon yahay oo Xaqiiijin kara Waxyaabaha laga Wadahadlayo iyo inay shirkaaasi ka Qayb gali Doonaan Isimo Kale oo aan Madasha haatan Joojin Waxna kaliya oo la sugayaa Waxyaabaha Isbedeli Doonaana Saacadaha Soo socda. Ugu Danbaytiin Waftigani ka Kooban Galoha Wasiirada Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa intooda badan ka soo Jeeda Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn Waxayn kala yihiin sidan Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta C/risaaq Maxamed Ibraahin Wkkuxigeenka Arimaha Gudaha Osmaan Garaad soofe iyo Wasiirka gaashaan dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami lataliyaha Madaxwayne Siilaanyo Arimaha gobolada Bariga Fu,aad Adan Cade iyo Xubno Kale Waana Waftigii ugu balaadhnaa ee ka socda Maamulka somaliland ee soo gaadha Deegaanada SSC Kadib Doorashadii Madaxwayne Siilaanyo afar Bilood ka hore.
  3. Duke thinks by keep repeating yourself and singing the same chants over and over again people might believe there is some sort of conspiracy against the pirates. Well the so called siciid saalax is a Maakhiri. There it all ends.
  4. Ngonge Che muxu ino qaban kara boston bu fadhiya waxaynu bahanay Mid Garowe ku dhow dhow
  5. Duke is so shocked that he posted his post twice
  6. SOMALILAND: Berbera Inaugurates Second Livestock Quarantine Center Comments (0) BERBERA (Somalilandpress) -– Vice President Abdirahman Saylici today cut the ribbon for the second regional quarantine and livestock facility to supply meat for markets in the Middle East and Asia in the redsea-port town of Berbera. The well organized opening ceremony was attended by cabinet members led by the vice-President, Mr Abdirahman Saylici, the governor of Saahil region, Mr Mohamud Ali Suleiman, the mayor of Berbera Mr Abdulla Mohamed Arab and leading business executives. Nasir Haji Abdi Awad, Executive Director of Indha-Deero Group Company informed the press and the audience about the new quarantine facility which is a joint venture between Indha-Dheero Group Companies and businessman Mohammed Qaid Sa’eed, also known as Abu Yasser. Abu Yasser, a Yemeni immigrant living in Saudi Arabia has long been interested in investing in the region. The previous regime of Dahir Riyale Kahin refused to give him a permits after they suspected he was trying to export the animals through the Djibouti port. In early May of this year, Abu Yasser made a brief visit to Somaliland, meeting with Indha-deero group and other leading livestock investors, however a local newspaper reported he was forcefully deported an allocation which Indha-deero company fiercely defended (see Indhadeero Group hits back over Arab investor deportation claims. Many believe this is a move by Abu Yasser to undermine Somaliland’s reinstated livestock trade to the Gulf by dismantling the existing quarantine facility which belongs to wealthy Saudi, Al Jabiri. A large number of people feel Abu Yasser’s Djibouti facility is loosing a lot of business to Berbera and he is here to close the market for Somaliland and keep Djibouti as the only livestock market in the Horn of Africa. Founded in 1962 by Abdi Ali Awad (AAA), the Indho-Deero group operates a group of companies from shipping, hotels to livestock trade and is one of the largest companies in the country. The new quarantine center has the capacity to house 250,000 small livestock and will employ roughly 450 employees. This new facility which is the second in the country is expected to boost Somaliland’s livestock exports disease free to the neighboring Gulf nations and south-east Asian countries. The new facility comes days after a Saudi delegation consisting of businessmen and doctors said the existing facility in Berbera meets international standards.
  7. horta anigu waxan is weydiya boqolaalkan gudi eeh madaxweynu so saaray wasiiradan shaqadooda ba wakhti u heli mayaan wasaaradooda , war odayga u sheega no more gudi.
  8. Wefti balaadhan oo soo gaadhey Widhwidh Nov 01, 2010 Widhwidh(Riinji.com)Fuaad Adan Cade,Bashe Maxamed Cade,Cisman Garaad Sofe,DR Gaboose ,Cadami iyo Xubno kale ayaa soo gaadhey Magaalada Widhiwidh halkaasi oo shir uga furmayo Beesha Barkad iyo Maamulka Somaliland Weftidan oo Wasiiro iyo Xubno kale isugu jira ayaa saaka ka soo ambabaxay Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland,weftidan ayaa waxaa hogaaminayaa Cismaan Garaad Soofe oo ah wasiirki ku xigeenka arimaha gudaha ee Maamulka Siilaanyo. Dhinaca kale waxaa magaalada Widhwidh ku sugan garaad Abshir Saalax oo xalay soo gaadhey Widhwidh,shirka ayaa lagu wadaa in uu furmi doona beryahan soo socda welina lama shaacin ujeedooyinka dhexmari doona labada dhinac ee shirku ku saabsaan yahay. WIXI SOO KORDHA KALA SOCO RIINJI
  9. Hee faroole ma waxa weye ama ima maqal ama ha i maqlin Madaxweynan ahay , fartaag ba la igu soo doortay faroolena waan ahay
  10. murdering maakhrians is good according to the pirates aslong as it's done within the rituals of ssdf tribal hegemony constitution . it's all about brotherly spilled blood Somaha faroolow.
  11. Originally posted by Mr. Somalia: ^ If this is true, then a long held 'suspicion' of mine has been confirmed. I have always held the view that Ethiopia was one way or another behind the Al Shabab menace in general--(it is only they that benefit from the continued anarchy, dissension and political disorder of Somalia)-- and using their operatives(Somali or not) from the vassal and tributary administration in Hargaysa, they were/are able to funnel weapons, funds and in the case of this dead fellow, foot soldiers to Al Shabab. This assertion of mine is given a waking credence by the fact that the former mugger extraordinaire, Riyaale, was himself a secret service agent in the old NSS and was thus, very capable of overseeing such infernal machinations in Somalia, on behalf of the devilments of Addis Ababa. All in all, it is unfortunate to learn that our Marfashlanders, who we always thought were nothing more than a bunch of funny talking druggies, could ever possess the gall and audacity to play the part of an intermediary between the Ethiopian government and Al Shabab. But sooner or later, it will eventually come back to bite them in the rear. They went from Somaliland is behind al shabaab and now they insinuating that perhaps Ethiopia is behind Alshabaab and Melez is doing that to harm the pirates and their little fiefdom in Garowe.who is going to buy this nonsense you Bintiland boys spew on garowe online.I know you need to find a scapegoat for all the mess you guys are now in TFG failing you losing the PM seat, Attam a few km out outside your commercial town. Ethiopians invading Mudug and arresting your traditional elders. Well atleast you have some turkish doctors to heal your wounds
  12. Faroole administration failed miserably in capturing or even defeating Sh Attam. So now all they have is killing prisoners of war desperate i say.
  13. Daa ha shaqeysto koley wa mid culus oo ha is dha dhaqaajiyo kaaso oo Mafrish ku fadhi laha ama makhaayad macmacaanle ba kaga darnaan laha
  14. Madaxweyne Siilaanyo maanta Huteel Ambaasidoor Kula kulmay Wafti balaadhan oo ka socda Dalka Sweden posted by: Webmaster JAMHUURIYADDA SOMALILAND Republic of SOMALILAND Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Date: 01/November/2010 War-Saxaafadeed Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Maanta Hotel Ambassador kula Kulmay Wefti Balaadhan oo ka Socda Dawlada Sweden. weftigan oo ka Koobnaa Affar (4) Safiir oo ay Hogaaminayso Ambassador Ann Dismorr, waxa uu Madaxweynuhu uga waramay xaalada Guud ee Nabadgelyo, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Somaliland Madaxweynuhu waxa uu Weftigan uga Waramay Taariikhda Dalka iyo Heerarkii uu soo maray Dalku oo dhan. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga Mahadnaqay Ujeeddada Socdaalkooda oo ah in ay u kuur galaan Baahida Horu-mar ee uu dalku Qabo iyo Kaalinta ay Dawlada Sweden ka geli karto. Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga Xaal waramay Halka ay Haatan marayso Somaliland, Dadaalka ay la timid iyo Baahida ay u qabto Gacan qabashada Beesha caalamka. Waxa kale oo uu madaxweynuhu uga waramay Weftiga Xidhidhka ay Somaliland la leedahay Wadamada Gobolka oo uu sheegay inuu yahay Xidhiidh aad u wanaagsan isla markaana ay Wadamadaa iyo Somaliland Dhinacyo Badan iska kaashadaan oo ay ugu muhiimsan yihiin Adkaynta Nabad gelyada Gobolka iyo Ganacsigu. Weftigan oo Somaliland ku jooga Booqasho laba maalmood qaadanaysa ayaa Madaxweynaha iyo Somaliland ku Boogadiyey Heerka ay Maanta Joogto Somaliland Hanaanka Dimu-quraadiyada ee sida wanaagsan uga Hir-galay, Nabad-gelyada iyo Dedaalka ay ku xaqiijisay inuu dadku wax qabsan karo waxaanay Sheegeen in ay Dawlada Sweden diyaar u tahay in ay Somaliland wax kala qabato dhinacyo badan oo Horu-marka ah sidaa Awgeedna uu Weftigoodu halkan u yimid inuu u kuurgalo Dhinacyada ay Dawladoodu ka caawinkarto Horu-marka Somaliland ka socda. Weftigu inta ay dalka joogaan waxa ay kulamo la yeelan doonaan Wasaaradaha Maaliyada, Qorshaynta, Khaarajiga, Madaxda Xisbiyada Siyaasada, Baarlamaanka, Ururada Saxaafada Madaxa Baanaan iyo Hay’ado kala Duwan Dhinaca Somaliland Waxa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka JSL, Wasiirada Arrimaha Debeda, Qorshaynta, Warfaafinta iyo Maaliyada iyo Duqa Caasimada Xubnaha Weftiguna waxay kala Ahaayeen Sidan :- Ambassador Ann Dismorr Head of the Swedish Mission in Kenya Ambassador Marika Fahlem Special Envoy for the Horn of Africa Ambassador Ms. Elisabet Hedin In Charge of Development Cooperation to Somalia & Somaliland Ambassador Joran Bjallerstedt Special Envoy for to the Somalia process Embassy of Sweden, Nairobi ALLAA MAHAD LEH Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
  15. Horudhacii Wasiirada Somaliland iyo xildhibaanadi ku Wajahnaa Widhwidh oo magaalada Oog soo Gaadhay taliska ciidanka qarranka somaliland eeh aaga bari. Waxaa soo gaadhay magaalada Oog wafti isugu jira Wasiiro ka tirsan Dawlada Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo Hogaamiyo, oo ay waliba wehelinayan wasiiro ka so jeeda gobalada ssc oo aha . Masuuliyintan oo la sheegay in ay ku socdaan Degmada Widhwidh ayaa waxa la sheegay in ilaa hada la taliyasha la socda wasiiro dawlada somaliland ay ka mid yihiin Fu’aad Aadan Cadde oo ah la taliyaha madaxweynaha somaliland eeh gobolada sool sanaag iyo buhoodle Waxaana la sheegay in ay soo gaadheen Magaalada Oog ayadoo lagu wado in inta aanu gabalku dhicin ay gaadhaan magaalada Widhwidh, waxaa la sheegay in waftigan ay horudhac u yihiin wasiiro iyo masuuluuyin kale ayaguna maalinta beri ah ku soo wajahan Widhwidh, kuwaasoo ay ka mid yihiin. wasiir kuxigeenka arimaha gudaha somaliland mudane Cusmaan Garaad Soofe oo ay walaalo yihin garaaad cabdilahi garaad soofe oo isna shirka ku wajahan, Mudane Abdirisaaq Khalif dawdar wasiirka ganacsiga iyo dalxiska somaliland Waxaana la sheegay in ay maasuulyintasi ay Widhwidh kula kulmi doonaan Garaad Abshir Salaax, oo asaguna shalay u galay ciidanka qarranka eeh somaliland Ma jirin cid ku wehelisey Garaadka Socdaalkiisa, ayadoo dhamaan cuqaashii, siyaasiyiintii, Saraakiishii iyo nin Garboodkii u dhashay deegaanka ay ku kala sugan yihiin, Buuhoodle, Balicad, Banyaal, Horufadhi iyo Dharkeeyn-geenyo. waxa kale la sheegeya inu garaad cabdilahi garaad soofe iyo suldaan sicid na ay cawa so gaadhi doonan magaalada widhwidh Waxaana uu Garaadku kala kulmay so dhaweyn qadarin shacab oo ay halkaas garaadkoodi ku so dhaweynayeen magaaalada widhwidh. Isku soo wada duubo, Hogaanka SSC ayaan ilaa hada ka hadlin shirqoolka cusub ee laga soo maleegayo sii loo kala tuuro jabhadooda , lamana yaqaan talaaboyinka u qorshaysan Hogaanka ee ku aadan tabahan cusub ee ay la soo baxeen dawlada Somaliland
  16. Hawsha Culus ee Sugaysa Guddida Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay Tayeynta Bilicda Caasimadda Hargeysa Hargeysa (Jam)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay magacaabay guddi heer qaran ah oo loo xil saaray tayeynta bilicda caasimadda Hargeysa oo ah murraayadda dalka, iyada oo guddidaasna ay sugayso hawl culus oo la xidhiidha bilicda Hargeysa. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Cabdillaahi Maxamed daahir (Cukuse), guddida tayeynta bilicda Hargeysa oo ka kooban shan wasiir iyo maayirka caasimadda, waxa Guddoomiye looga dhigay wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Warsaxaafadeedka madaxtooyadda ka soo baxay oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta (shalay) Guddi heer qaran ah u magacaabay Tayeynta Billicda Caasimada Dalka ee Hargeysa oo ah muraayadi dalka. Guddidan uu madaxweynuhu magacaabay oo ka kooban Lix (6) Xubnood oo ka kooban Wasiiro iyo maayirka caasimada. Madaxwynuhu waxa uu magacaabista Gudida ku yidhi sidan: Mudanayaal, sida aad ka war qabtaan, bilicda iyo muuqaalka caasimaddu wuxuu qayb muhiim ah ka qaadanaya milgaha dawladnimo. Haddaba Mudanayaal, laga bilaabo taariikhda warqadan waxaan idiin magacaabay Guddida Bilicda Caasimadda Hargeysa, waxana guddoomiye idiin noqon doona wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Magacyada Gudida 1. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha 2. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda 3. Mudane, Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka 4. Dr. Xuseen Axmed Maxamed (Xoog), Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka 5. Mudane, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta 6. Mudane, Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayarka Magaaladda Hargeysa, Ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Ugu dambayn waxa madaxweynuhu gudidan kula dardaarmay in ay sida ugu dhakhsaha badan hawshan u gutaan oo ay xil wayn iska saaran waxaanu yidhi madaxweynuhu Illaahay hay’adda ha u fudaydiyo hawshaa.” Guddidan madaxweynuhu u magacaabay tayeynta bilicda caasimadda Hargeysa, waxa horyaal hawlo baaxad leh oo u baahan in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabtay si nadaafadda iyo bilicda Hargeysa oo ah murraayada dalka kor loogu qaado. Hawlaha culus ee wax ka qanashadoodu hortaal guddidan waxa ugu muhiimsan xashiishka iyo bacaha meel walba daadsan ee foolxumada qaawan ku noqday caasimadda Hargeysa, xadhkaha shirkaddaha isgaadhsiinta ee sida qaabka daran loo raaciyey waddooyinka halbawlaha ah ee Hargeysa iyo meheradaha yaryar ee wadooyinka hareerahooda laga samaystay, dadkaasi oo u baahan in la dejiyo suuq ay si xor ah ugu ganacsadaan.
  17. Mad mullah kuwaiti prince visited somaliland a few times maybe your not informed but somaliland and kuwait have good relations
  18. Nina haa awoow ciidamda cirka kuwa bariga kuwa bada inta ba waanu leenahay , ma idin ku cawina lol
  19. NinaNc that is good wasiiro fara badan looma baahna xukumaad wax qaban karta loo bahanyahay golaha wasiiro tayo leh wa arin wanaagsan
  20. Wasiirka Duulista iyo Hawada iyo wefti uu hogaaminayo oo booqasho ku maraya dalka Kuwait SDWO (Kuwait 31/10/2010) Waxaa Booqasho shaqo ku jooga dalka Kuwait wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xashi iyo lataliyahiisa Duuliye Abdi Ali Obsiye. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa xalay la kulmay jaaliyada kuwait xaflad weyn oo aad looga soo abaabulay. Xafladan ayaa ka dhacaday badhtamaha Hotelka weyn ee caanka ka ah Kuwait ee ku yaal bartamaha magaalada Marino hotel oo uu wasiirka iyo wafdigiisu ay ku soo degeen. Left: Duuliye Obsiiye iyo Wasiirka duulitsta iyo Hawada Maxamud Waxaa xaflada furay gudoomiyaha jaaliyada somaliland Saleebaan Xaaji Firdhiye ahna siihayaha safiirka somaliland oo mudo ku sugnaa wadanka kuwayd ahna laf dhabarta somaliland oo khibrad weyn u leh wadanka kuwayd, isagoo ka war bixiyay hawlaha ay qabato jaaliyadu iyo waxayaabaha u qabsoomay. Saleebaan Xaaji Firdhiye Intaa kadibna waxa lagu soo dhaweeyay makarafoonka baylood Abdi Obsiye oo dulmaray wadankii iyo hawlaha hor yaala xukuumada cusub. Intaa ka bacdi waxa lagu soo dhaweeyay wasiirka duulista iyo hawada, wasiirku wuxuu ugu horeyn u Mahad celiyay dadkii ka soo qaybgalay xaflada sida wanaagsan looga soo shaqeeyay, wasiirka duulista oo ah nin aad u dhalinyaro ah waxa ka muuqda in uu yahay nin bisil oo aad aqoon u leh taas oo aan ka dhadhansanay dawlada tayayda leh ee uu soo dhisay madaxwaynaha somaliland. Wasiirkan oo dhinac walb ka qanciyay dadkii waxa uu ka warbixiyey mowqifka xukuumada cusub iyo wadamada carabta ay kula dhaqmi doonaan taas oo aanaan ka maqal xukuumadii hore oo ilaa madaxwaynihii hore uu kuwait yimid sanadka dhexdiisa, Waxa uu wasiirku ka dhawaajiyay in madaxwaynuhu booqan doono wadamo badan oo carabta ka mida wasiirku waxaa uu ka hadlay nabadgelyada ,oo uu aad ugu dheeraaday iyo waxa ay ka qabatay xukuumadiisu wasiirku waxaa uu soo bandhigay mawqifka iyo brnaamij wanaagsan ee uu u diyaarinayo dayactirka garoomada wadanka isagoo durtaba furay garoonkii burco iyo boorame. Wakhtigii suaalaha markii la gaadhay ayaa su,aalo badan la weedyiiyey isagoo wasiirku qanciyay qof walba. Xafladaas ayaa ku dhamaatay farxad aad ka dareemi karto in somaliland isbedel wayni ku dhacay oo ay u baahnayd markaad aragto hordhaca wasiirka iyo wafdigiisa. Isku soo duuboo xafladaa ayaa ku dhamaatay farxad. wasiirku wuxuu sawiro la galay dadka jaaliyada kuwayd waxaa kale oo wasiirku shalay la qadeeyay jaaliyada oo qado sharaf ugu qabatay suldan senter sea side qedadaas oo u gogolxaadhaysay kulankii xalay.