-
Content Count
29,832 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Xiinfanin maya dee wax aan jirin baad u riyaaqeysa qof ka bina adanka waxa u fiican inanu khiyaali ku noolaan oo xaqiiqada tabta. Marka Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland wax aad aad adigu shakhsiyan aad iska jeclaatay,oo maskaxdada yar ay iska caashaqday,, Maha wax dhab ah oo jirta , Gaaladu illusion Bey ugu yeedhan. goormaad Melez u booday,, Djibouti beynu marayna Melez marka wakhtigisa la gaadho aya lala xaajoon doona Hogaaamiyaha Tplf. -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Siilaanyo wa nin wax badan fahansan wa ruugcade siyaasi wa runta wax kale maad haysa. -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Wax aan jirin baad ka sheekeysa waleh,, maxanu ku diidna madaxweynahayaga bal no sheeg? Waba Mujaheedki dhama dalkan u so halgamay -
Somaliland president Axmed Maxammad Siilaanyo arrives in Djibouti.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Jabuuti Oo Kulankii U Horeeyay Ku Yeeshay Madaxtooyada Jabuuti November 4th, 2010 Comments Off Jabuuti (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee wadankiisa kulankii ugu horeeyay kula yeeshay Weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu shalay ku tagay dalkaasi ka dib markii uu ka helay martiqaad rasmi ah. Wararka ka imanaya Magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in kulankaasi labada Madaxweyne kaga hadleen ahmiyada ay labada qaran ee Jabuuti iyo Somaliland u leedahay xoojinta xidhiidhka, iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada ummadood ee walaalaha ah.sidaasna waxaanu ka soo xiganay mid ka mid ah masuuliyiinta weftiga madaxweynaha Somaliland, waxaanu tilmaamay in kulankaasi labada Hoggaamiye isku waafaqeen arrimihii ay ka wada hadleen. Waxa la sheegay in kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan labada wadan ee Somaliland iyo Jabuuti. Sidoo kale, Marwada Madaxweynaha Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd, ayaa iyaduna saaka Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, ayaa labaduba kormeer ku soo maray xarumaha daryeelka Carruurta, oo ay Marwo Khadra Maxamuud Xayd maalgelin ku samayso isla markaana taageerto horumarinta goobahaasi. Weftigii Madaxweyaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay si aan hore loo arag oo la yaableh loogu soo dhaweeyay Jabuuti waxaana ka qeyb galay madaxweyene Geelle iyo xubno ka tirsan Golahiisa Xukuumada. Somaliland. Org Hargeysa. -
Seylada Burco shifting over 100,000 animals a day
Xaaji Xunjuf replied to Qudhac's topic in Politics
good news -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Xiinfanin na cadho iyo coll aan joogin un bu ka warama Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland wuxu marwalba ka shaqeynaya danta qaranka ta dawlada ta ummada somaliland aad baanunu rajo weyn uga qabna inu shaqadisa ka so baxayo -
Xarrakada Mujaahidiin Al-Shabaab oo sheegtay inay weerarayso caaasimadaha dalalka Burundi iyo Uganda Khamiis, 04 November, 2010 (HOL) − Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta ku hanjabtay inay weerarro ku qaadi doonaan caasimadaha dalalka Burundi iyo Uganda, oo ay ciidammo nabad ilaalin ah ka joogaan Soomaaliya. "Waxaan, kula dardaarmaynaa mujaahidiinta, inay weerarro la beegsadaan Kampala iyo Bujumbura, si looga qaxo, waayo waa mid aan Alle kula ballannay inaan difaacno dadka muslimiinta ah, una aar-gudno, waxaana naga go'an in labadaas magaalo looga qaxo sidii looga qaxay Muqdisho," ayuu yiri madaxa dacwada sheekh Fu'aad Maxamed Qalaf oo soo xirayay tababar odayaal loogu soo gabgabeeyay Muqdisho. Odayaasha tababarka loosoo gabgabeeyay ayaa ku dhawaaqayay erayga (Allaahu Akbar - Allaa weyn), kaasoo u muuqday inay raalli ka yihiin hadalladii uu sheegayay sarkaalka ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin. "Dagaalka maanta ka socda Muqdisho waa in laga qayb-galo, waayo waa waajib, waana inay culummada ugu horreyso, nin kasta oo ka fadhiya waa faasiq," ayuu sheekh Fu'aad hadalkiisa ku sheegay. Sheekhu, wuxuu sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya, ay yihiin kuwo lagu doonayo in Soomaalida iyo muslimiinta lagu baabi'iyo, isagoo Mareykanka dusha uga tuuray eedda dagaallada, isagoo ku hanjbaya inaysan aqbalayn in la beel-beel la isugu laayo Soomaalida. "Cadowga Alle wax naxariis ah kama helaysaan, haddii gacmaha laga laabto sidaas iyo si ka darran ayay nagu sameynayaan, mana lahan naxariis ee waa inaan ka qaybgalno dagaallada oo aysan gabarna naga harin," ayuu yiri sheekh Fu'aad. Ciidammada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya oo tiradoodu tahay 7,200-askari, ayaa waxay ka socdaan dalalka Burundi iyo Uganda, iyagoo dagaalo kula jira xoogagga Islamaiyiinta ah ee Soomaliya oo wacadka ku maray inay afgambiyaan dowladda. Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen, oo isaguna ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa odayaasha ugu baaqay inay dagaallada socda ka qaybgalaan, wuxuuna xusay in dagaalka oo lagu dhinto ay ka wanaagsan tahay in afka laga dagaalamo.
-
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Originally posted by Jacaylbaro: Zack iska daaya ,,, xataa hadii la yidhaa madaxweynuhu bariis buu cunay wuxuu odhanayaa Melez baa u kariyay ,,, lol -
Somaliland president Axmed Maxammad Siilaanyo arrives in Djibouti.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweynaha Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka Djibouti Djibouti (SDWO 04/11/2010) - Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa galabta booqasho rasmi ah ugu kicitimay dalka Jamhuuriyadda Djibouti. Madaxweynaha iyo Weftiga uu Hoggaaminayo oo galabta gadhay dalka jabuuti ayaa loogu soo dhaweeyay madaarka magalaada Jabuuti maqaamkii ugu sareeyey ee lagu qaabilo Madaxweyne ka socda Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isutaaga Somaliland 1991-kii, waxaana Madaarka ku qaabilay Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Jabuuti Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda. Waana markii u horeysay ee Madaxweyne Somaliland ka socoda Qadiifada cas loo dhigo oo lagu soo dhoweeyo oo weliba uu madaxweyne Geelle soo dhoweeyo. Dhinaca kale waxa gebi ahaanba la xidhay wadada isku xidha madaarka iyo hotelka wefitga lagu dejiyey ee la yidhaah Kanbeski Hotel. Waxa iyaguna aan caawa mar qudha afka ka qaadin warka weftiga Somaliland dhamaan saxaafada dalka Jabuuti. Madaxweyne Siilaanyo oo qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa kula hadlay Saxaafadda ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ka dambeeyay casuumad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, waxaanu tilmaamay in booqashadiisu ay salka ku hayso sii xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka ka dhexeeya labada qaran ee Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu yidhi “Waxaan booqasho ku tagayaa dalka Jabuuti, halkaas oo aan rajaynayo in aan kala soo kulmo khayr, Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay”. Md. Axmed Siilaanyo ma uu sheegin mudada uu qaadan doono socdaalkiisa wadanka Jabuuti iyo inuu jiro dal kale oo uu uga sii gudbi doono marka uu dhamaysto socdaalkiisa. Madaxweynaha waxa madaarka Hargeysa ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, waxaanu halkaasi salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka. Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisa ku weheliya marwadiisa Marwo Aamina X. Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha Axmed Xaashi Madar, Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Chief Of Cabinet-ka Xirsi X. Cali, xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Cukuse iyo xubno kale. Waa markii ugu horaysay ee Madaxweynaha Somaliland uu dalka Jabuuti Socdaal ku tago, waana safarkii ugu horeeyey ee uu ku tago dalka dibadiisa tan iyo markii uu la wareegay tallada dalka 27-kii bishii July. Shiine Cilmi Kaahi - SDWO News Desk - Hargeisa -
Khusuusi Garaad accepts peace somaliland welcomes him
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
1- In maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka ay Axdi nabadeed ay wada qaateen. Just great mashallah -
Ethnic Puntlander becomes first Somali to enter Minnesota Public office!
Xaaji Xunjuf replied to Timur's topic in Politics
Che somali kasta walo abtiriya miyanad ogeyn -
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Nina awoowo when was the last time sheikh dalxiis visited karaan -
Originally posted by Aaliyyah: lool again a random comment from nowhere. Somaliland militia is causing so much trouble in the SSC regions. So lets not twist it. Puntland never waged war against the SSC people. Puntland ruled over 10 years peacefully and without any problems. The SSC people welcomed them because they were not secessionist. On the other hand, people of the SSC do not want secessionist militia in their regions. Simple as that.. salaam Aaaliya inaabti let me tell you something the root of the problem that really needs to be addressed is that of the pirate state,they are the one that committed crimes against the ssc people, killing prisoners in garowe and when asked why they were killed. the leaders of that clan enclave repeatedly told the family members of the prisoners that they should adress this issue to the clan elders from the ssdf groups.apparently some subclans are responsible for the detainees i know its a mess. And there is Little the clan enclave can do. Did you forget about the revenge killings in laaska before the somaliland armed forces liberated the city.From the pirate enclave ,the clan state in garowe was waging a secret and dirty war against the people of ssc.But thank god they have seen the light now. Their young men were taken to Mogadisho to fight for warlord cabdilahi yusuf. There is no Somalinimo in the clan state of garowe. on several occasions they deported somalis from baydhabo and mogadisho to the south accusing them of having links with Alshabaab the pirate state claims to be part of somalia yet they deport somalia citizens from their own country. (the hypocrisy) The so called interior minister of the pirate state said loud and clear that the people from the onlf region are not Somalis and do not belong in somalia.May i add that the vice president of the pirate clan state also said in the same week the Ethiopians and the civilians from buhoodle were fighting. He uttered on radio daljir that they will teach their sons and daughters and grandchilderen. how great the tigray nation is. Is that what you want to be part of? Somaliland brought peace stability and progress justice in the region it's building hospitals school roads it's listening to he clan elders of the region what their needs are,, no more revenge killings in laaska. being able to vote for your next leader somaliland is a dynamic progressive nation Ilahay hana garab galo Amiin dhe Aaliyah waraabe weyna dabada qabso
-
Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Ethiopia ma shaydaan ba dagan mise bahal dadka cuna looool -
Khusuusi Garaad accepts peace somaliland welcomes him
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Taleexi Where do you get your statistics from the khusuusi cabinet??? -
^^ but why is it breaking away that's more important
-
Caasiirka ino shuba
-
Somaliland president Axmed Maxammad Siilaanyo arrives in Djibouti.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Sidee TV-ga Jabuuti U Baahiyay Qaabilaadii M/Weyne Siilaany Weriye Cumar M. Faarax November 3rd, 2010 Comments Off Waxay ahayd markii u horraysay ee Madaxweyne ka socda Somaliland loogu soo dhaweeyo baratakoolkii ugu sareeyay ee lagu sharfo maamuus ahaan dalka dibadiisa, Muuq-baahiyaha Qaranka Jabuuti ayaa caawa baahiyay muuqaalka Weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo si aan hore loo arag loogu soo dhaweeyay Madaarka Caasimada Jabuuti. waxa gegadda diyaaraha kaga hortagay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geellen, oo ay weheliyeen xaaskiisa Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiiradda. Waxa TV-ga Jabuuti uu sawirkooda soo saaray Labada Madaxweyne oo si weyn oo kal iyo laab ah isku qaabilay, waxa Weftiga Madaxweynaha Somaliland loo dhigay rooga cas ee loo dhigo madaxda sar sare ee la muunaynayo soo dhawayntooda. Sidaasi si la mid ah labada Marwo ee Madaxweyneyaasha ayaa iyaguna dhinacooda isu qaabilay sidii ugu sareysay. Xubno ka mid ah Wasiiradii Jabuuti ee ka qeyb qaatay qaabilaada Madaxweynaha ayaa iyaguna qaabilay oo aan u yaraysan xubnaha kale ee weftiga Madaxweyne Siilaanyo. Waxa kale oo soo jiidasho lahaa Ciidammada Baamboyda Jabuuti oo iyaguna kaga dhawaajinayay qalabkooda. Madaxweynaha Somaliland waxa uu gacan-qaaday masuuliyiin safaf ugu jiray dhawayntiisa. Iyadoo uu la socdo Madaxweynaha martida loo ahaa. Waxa labada Madaxweyne loo galbiyay qolka martida ee Madaarka Jabuuti ee loo asteeyay qaabilaada Hoggaamiyeyaasha dunida, halkaasi oo qadar yar labada Madaxweyne Isku xog waraysteen , waxa Madaxweynaha Somaliland loo galbiyay Madaxtooyada Jabuuti iyadoo la saaray Baabuur loogu tallo galay Madaxweyneyaasha martida ah. Waxaana la sheegay in maalinta bari ay si rasmi ah u bilaabmi doonaan wadahadalada labada Madaxweyne. Dadweynaha Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimada Hargeysa ee daawaday Tv-ga Jabuuti ayay dhadhan weyn iyo xiiso u samaynaysay habka Madaxweynaha Somaliland loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti, waxay la dhacsanaayeen sida Jabuuti ay u noqotay dalkii u horeeyay ee Madaxweynaha cusub ee Somaliland ku soo dhaweeyay Meeqaamkii iyo milgihii jaarnimo ee ugu sareeyay. Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa sidii TV-ga Jabuuti u tabiyay warkii Soo dhawaynta Weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socodkii ugu horeeyay ee uu ugu baxo wadanka dibadiisa ku tagay dalka Jabuuti, tan iyo markii uu la wareegay tallada Somaliland 27-kii Bishii July ee sanadkan. Daawo Socdaalkii Madaxweynaha Tv-ga Jabuuti waxa warkaasi uu u dhigay sidan:- “Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa soo gaadhay magaalo madaxda Jabuuti maanta gelinkii dambe.isaga oo ay safarkiisa ku wehelinaysay xaaskiisa iyo Wefti ka kooban Wasiiro. Madaxweynaha Somaliland waxa madaarka magaalo-madaxdan Jabuuti ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo xaaskiisa Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo waliba Wasiiro dhawr ah iyo masuuliyiin kale oo reer Jabuuti ah. Madaxweynaha Somaliland si heer sare ah ayaa loogu soo dhaweeyay Jabuuti, iyadoo garoonka diyaaradaha loo dhigay gogosha cas ee lagu soo dhaweeyo madaxda marti sharafta ah, iyadoo ay Safnaayeen goobta ay is hareer socdeen labada Madaxweyne ciidammadda Baamboyda ee qaabilsan soo dhaweynta madaxweyneyaasha. Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisan ku wehelinaya xaaskiisa Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, Wasiiradda Arrimaha Dibada, Ganacsiga, Dhalinta iyo Ciyaaraha,Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland iyo masuuliyiin kale oo iyaguna ka tirsan maamulka Somaliland. Intaasi ka dib waxa labada Madaxweyne loo kaxeeyay dhinaca qolka Marti sharafta Madaxweyneyaasha, waxaanay halkaasi ku yeesheen kulan Labada madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanay halkaasi kaga wada hadleen cilaaqaadka wanaagsan ee u dhaxeeya Jabuuti iyo Somaliland. Maalinta bari ah ayaa loo balansan yahay in kulan hawleed la isugu yimaado. Dhinaca dalka Jabuuti waxa soo dhawayntaasi ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Cali Cabdi Faarax.” Dhinaca kale, Doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 26-kii bishii June ee la soo dhaafay iyo isbedelkii ka hirgalay dalka, ayaa soo jiitay dawlada Jabuuti oo wefti culus u soo dirtay Xafladii dhaarinta madaxweynaha cusub Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Waxaana la odorasayaa muruga siyaasadeed iyo u caal-waaga colaadda Somalia ee warwarka ku haya mandaqaddu inay furre u noqon karto in Jabuuti ay wax la qabsato Somaliland. -
Khusuusi Garaad accepts peace somaliland welcomes him
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
eastern soolian goormey magac xun noqotay War ma ana walaan mise cadan ba laga heesaya -
Khusuusi Garaad accepts peace somaliland welcomes him
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Originally posted by Che -Guevara: What f*ck is Soolian? Che is dadji maanta ereyo aad u deelqaafad isticmaalaysa,, a soolian is a person from sool. -
Somaliland president Axmed Maxammad Siilaanyo arrives in Djibouti.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
http://translate.google.co.uk/translate?hl=en&sl=fr&u=http://www.rtd.dj/&ei=ItPRTOGiHMv04gb6t9iyDA&s a=X&oi=translate&ct=result&resnum=1&ved=0CCQQ7gEwAA&prev=/search%3Fq%3Ddjibouti%2Btv%26hl%3Den%26biw %3D1114%26bih%3D717%26prmd%3Dvs Video of how Siilaanyo was welcomed in Djibouti -
Originally posted by Qudhac: abwaan cidkasta lah jad ayay u dhalatay taada iska dheh oo wir wir iska dheh loool Duke ba mar mar wuxu so qora Baran when he wants to say badhan
-
Originally posted by RedSea: Konfuriansku ma south African baa or what..
-
Originally posted by RedSea: so u can't say 'widhwidh' but you're Abwaan. funnyyyy Koonfuriansku xarfaha qaar ma karran. wa wax naturkooda ku beeraan.