Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,832
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Mudaaharaad balaadhan oo ka dhacay magaalada Dhahar oo looga soo horjeedo hadalkii uu Madaxweyne Faroole ka sii daayey idaacada BBC da. By admin on Nov 07, 2010 with Comments 0 ShareMudaaharaad balaadhan oo ka dhacay magaalada Dhahar oo looga soo horjeedo hadalkii uu Madaxweyne Faroole ka sii daayey idaacada BBC. DHAHAR: Mudaaharaad balaaran oo ka dhacay magaalada Dhahar ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo ka careysan hadalo uu madaxweynaha Puntland Faroole uu sheegay mar uu wareysi siiyey idaacada BBC da, taasoo shacabka deegaanadaasi ay u arkeen in uu madaxweynuhu yahay beel la dirir. Mudaaharaadkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay ururada haweenka, odayaal dhaqameedka, media yaha Sida IDacaada SPR, Idaacada Qaran (S/land), Idaacada Simba (Muqdisho), LaasqorayNet, Dhahar.com, GalgalaNews iyo shabakada kale. Mudaaharaadkan ayaa bilowday saaka aroornimadii saacadu markey ahayd 8da subaxnimo, kadibna la isugu soo noqdey galabnimadii iyadoo ugu dambeyntii lagu balamay in sidoo kale bari mid kale laqabto. Shacabkii isugu soo baxay ayaa waxay socod ku dhax mareen magaalada gudaheeda iyagoo markii dambe ku dhigtey fagaaraha daanta bari ee magaalada Dhahar. Waxaa goobtaasi ka Hadley Nabadoon Maxamed Siciid oo looyaqaan “Nadaam” ayaa sheegay in hadalkii faroole ahaa mid laga caroodo, in uu beel ku tilmaamo argagixiso, sheegayna uu uu Dhahar kusoo duulayo, isagoo sheegay in uu garab ka helayo dowlada Mareykanka oo u sameysay hay’ad lamagac baxdey PIS oo lagu xasuuqo shacabka deegaanadaasi, waa sida uu hadalka u dhigayee. Dadka goobta ayaa waxay sheegayeen hal ku dhigyo ay ka mid yihiin “********** dooni meyno, dhiig daadiye doonimeyno, Faroole waa argagixiso, Faroole waa qabqable beel la dirir, IWM”. Waxaanu halkan idinkugu soo diyaariney warbixino iyo sawiro qeybtii koowaad ee mudaaharaadka inagoo idiin soo gudbin doona qeybtii labaad waqtiga dhow. Dhahar Online Sanaag Soomaliya
  2. Liibaan shirku nuxurkisa maad fahmin ba waxa ka so baxay .. ma ahayn inu garad abshir noqdo somaliland , wax naga galay ma jirto hadu anglose sheegto . Waxa naga galay inanu heshis kala seexanay in hadu eebo ku roonyahay magdhow laga siiyo dadki lugu laaye widhwidh in hadu ilaahu idmo mamuul laga dhiso meesha u shaqeya dadka in gudi loo xil saaro nabadaynta meesha , iyo ciidanku qarranku ilaaliyo iyo dadka reer wiwdhwidh la shaqeyo intaso qodob ba wala isku afgartay shirku guul bu kudhamaday
  3. Why should we allow this in our country? What's in there for somaliland. To help them with their logistics.
  4. Originally posted by Naxar Nugaaleed: After the government was dismantled, the northerners went back to tradition in the absence of a government. That deep respect for elders lead to youth being disarmed and institution building. Ceyaalka xafadaha oday malaha, lol. Regardless of status, an oday commends respect but this is not evident in the south. little shabaabs beating an old woman that could be his mother for any reason would not be tolerated in the North... Well said the koonfurians do not respect their elders waxay ku odhanayan aray odayga duqa xun xaw no sheega. But in somaliland there were so many peace negotiations led by the traditional elders there was one in borama there was one burco there was one in hargeisa there was one in ceerigabo
  5. Originally posted by Taleexi: Warninyahow mark my word Somaliland waan jeclahay waa arin fiican inad dalkaga jeclaatiid Imikana calankeeni quruxda badna isku duub
  6. ^^ so now you put all your hope on xaabsade loooooooool Just like you did with mustafa galaal xaabsade is meeting his clan members because of the clan wars between two clans in the hawd region and cali maraykan is his clan cousin.
  7. Here is the video http://www.youtube.com/watch?v=h503R9IP0pY&feature=player_embedded
  8. Somalilands president in around 3 weeks will visit the United Kingdom. Inshallah.
  9. Casuumad Rasmiya Ka Helay Waddanka Ingiriiska, London-HNW) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmiya ku yimaado waddanka Ingiriiska laba saddex todobaad kadib, warkan oo aanu ka helnay ilo lagu kal soonyahay, ilo wareedyadani waxay shegeen in safarka Madaxweynu uu yahay mid ay si toosa ugu gudbisay dawladda Ingiriisku Madaxweynaha Somaliland, waxaana uu noqonayaa casuumadii ugu horeysay ee dawlad rer Yurub ahi u fidiso Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo tan iyo intuu ku gulaystay doorashadii qabsoontay 26 June 2010. ilaa hadda lama oga inuu Madaxweynuhu ka soo hormari doono laba saddexda todobaad ee la nawilaayo safarkiisa iyo in kale. Waddanka Ingiriiska ayaa ah mid sameyn ballaadhan ku leh Jamhuuriyadda Somaliland, madaama uu yahay waddankii xoriyada siiyay Somaliland 1960, lama oga in dawladda Ingiriiska oo ka dheregsan tariikhda Somaliland ay Madaxweynaha u casuuntay arrimaha qadiyadda Somaliland ee Ictiraaf raadinta iyo inay casuumadu raad ku leedahay deeqdii Ingiriisku siin jiray Somaliland oo uu laban laabay isla markaana uu si toosa u siin doono Xukuumadan cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Silaanyo. Si kasta oo ay tahay waxaa la rajaynayaa in safarkani noqon doono mid ka duwan kii Madaxweynihii hore ee Somaliland ku yimi waddanka Ingiriiska, marka la eego qaabka ay dawladda Ingiriisku u qorshaysay soo dhaweynta Madaxweynaha, tasoo ay shegayaan warar ay helayso shabakadda Hadhwanaagnews inuu ka meqaam sareeyo sidii losoo dhaweynjiray markii horre iyo waliba masuuliyiinta ay la kulmayaan, Ilaa wakhtigii ay dhammaatay doorashadii Somaliland isla markaana si nabadgelyo ah ay ku dhacday waxay beesha caalamku bedeshay qaabkii ay ula dhaqmijirtay Somaliland
  10. Taleexi the TFG govt was made in this particular way so that it may not function , nation building is all good and sure it will not happen over night but the TFG procces is where it was when afweyne was ousted. A failed government that barely control 2 km in xamar. For almost what 20 years. you wont see new faces mark my words the same guys from previous cabinets will be back. Somaliland dalkeeda adeer wa ka talisa and it has a functioning govt, Marka maxa labbada sheeko isku xidhay tufaax iyo cambaruud baad is barbar dhigtay wax aan la is barbar dhigi karayn.
  11. Originally posted by The Zack: Djabouti iyadaaba kusoo noqon rabto Somali weyn markaas bey ula tageen Somalida inaan kala goyno noo aqoonsada. Djibouti coming to where , loooooooooooool that is so funny
  12. Originally posted by AfricaOwn: ^^ LOL. Twist that news. Go ahead if that makes you sleep better at nights. ps. Stop attaching yourself to SL. Stop sounding like a battered wife. SL is gone, and Somalia can move forward without it. Stop disrespecting yourself and learn to walk on your own. Africa own for the pirates its a status , they will try every chance they get to put their name next to that of the republic of somaliland while the republic never wants to be associated with the pirates
  13. Waftigii M/weynaha Somaliland Hogaaminayay oo dalka Dib ugu soo guryo noqday mardhawayd posted by: Webmaster Waftigii M/weynaha Somaliland Hogaaminayay oo dalka Dib ugu soo guryo noqday mardhawayd Hargeysa/ToggaHerer Waftigii M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo Socdaal ugu maqnaa Wadanka Jibuuti muddo saddex maalmood ah ayaa ka soo degay mar dhawayd madaarka Hargeisa International Airport . M/weynaha Iyo waftigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Hargeysa mudadii ay waftiga M/weynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ku sugnaayeen wadanka Jibuuti ayaa waxay kulamo kala duwan la yeesheen masuuliyiinta Xukuumada Jibuuti oo uu u horeeyo M/weyne Ismaaciil Cumar Geele iyaga oo ka wada hadaly xidhiidhaka labada dal ee walaalaha ah. M/weynaha ayaa markii uu diyaarada ka soo dagay waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka-sida, M/weynaha ayaa sheegay in safarkiisu ku soo dhamaaday guul waxaanu hambalyo ujeediyey M/weynaha Jibuuti Iyo shacbiga Jamhuuriyada Jibuuti sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyey xiligii ay booqashda ku joogeen Jibuuti,M/weyne Siilaanyo ayaa ka dhawaajiyey in laba xafiis dublimaasiyadeed dhawaan laga furi doono Somaliland iyo DJibouti. M/weynaha Somaliland iyo waftigiisa waxaa Garoonka Hargeisa International Airport si diiran ugu soo dhaweeyey M/weyne Kuxigeenka Somaliland Md C/Raxmaan Ismaaciil Saylici Shirgudoonka Labada Gole Wasiiro Xildhibaano masuuliyiin ka tirsan sadexda xisbi qaran iyo dadweyne kale. Safarka M/weynaha ayaa Noqonaya kii ugu horeeyey ee tan iyo Mudadii la doortay uu dalka dibada uga baxo, geesta Kale amaanka ayaa aad loo sugayay waxaana ciidamo fara badan lagu daadiyey min madaarka Hargeisa ilaa iyo wadada madaxtooyada aada , iyada oo dhamaan gaadiid ka la joojinayay laguna wargelinayay in ay wadada hore u dhaafaan halka dhamaan luuqyada ama wado xaafadeedyada soo gala wadadaa dheer ee Madaarka tagtana lagu jaray gaadiidka Ciidanka Booliska taas oo culays badan ku keentay dadka isticmaalayay Dariiq xaafadeedyadaas dadweynuhuna aad uga cabanayeen hab-dhaqankan cusub ee ay la soo baxeen ciidanka iyo saraakiisha sugayay amaanka ama la safay wadadaa dheer . Warqabadka ToggaHerer Hargeysa
  14. Weftigii hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Dalka Ugu Soo Laabtay. Hargeysa (Ramaas) Nov.06, 2010 - Weftigii hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo], ayaa dalka dib ugu soo laabtay abaaro 2:30 duhurnimo ee maanta. Weftiga Madaxweynahas Somaliland markii uu soo gaadhay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, waxa si diiran ugu soo dhaweeyey Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada, Shir-guddoonka labada baarlamaan, Xildhibaano, madaxda xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo dadweyne faro badan oo luxayey calanka Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo oo markii uu salaanta ciidanka qaatay ka dib oo ugu waramay qolka nasashada ee madaarka caasimada saxaafada, ayaa sheegay in si fiican loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti, isla markaana uu Madaxweynaha Jabuuti iyo shacabkiisaba uga mahadnaqayo sida fiican ee loogu soo dhaweeyey dalkaas. Md Siilaanyo waxaa uu sheegay in madaxda dalkaas ay wax badan kala soo hadleen oo ku taxaluuqa iskaashiga labada dal. Waxaanu Madaxweynuhu safarkiisan ku tilmamay mid guul ku soo dhamaaday. Warka oo faahfaahsan kala soco Ramaasnews goor dhow. Ramaasnews Desk Hargeysa
  15. ^^ taleexi naga da adiga iyo abdisamad ali shire ba Ethnic puntlanders baad tihin eh
  16. Macow wa tuug ,onlfta lacag badan bu lunsaday , hadana heshiisyo ruwayaad ah bu melez la galay
  17. Wasiirku isaga oo ka hadlaya nuxurka wadahadaladii labada dhic ee ay kala hogaaminayeen labada Madaxwayne Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu sheegay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo uu ka codsaday in ay dawladda Jabuuti gacan ka siiso sidii Somaliland xubin uga noqon lahayd golaha qaramada Midoobay, taas oo uu Madaxwayne Geelle kaga jawaabay in dawlad iyo shicibba aanay waxba kala hadhi doonin sidii Somaliland uga mid noqon lahayd beesha caalamka.