Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,832
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Originally posted by NGONGE: Dee waa sax, Xaaji. Wasiir walba mid ay isku qiyaas yiheen ayaa ka jawaabaya. PL's current wasiir of Xanaanada Xoolaha must listen to the wise words of our former sports minister.
  2. Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland,Eng:Saylici oo si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama+Sawiro Borama(Bnn) Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng:C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay , Abaarsa, Arabsiya, Gabiley, kalabaydh, Dilla, Tulli, Garoyocowl iyo caasimada Gobolka Awdal, Borama. Wafitigan ayaa Saylici waxaa ku wehelinayay, wasiirada, Beeraha, iyo waxbarashada, Prof:Faarax iyo Cali , xubno labada gole ee Somaliland, ka kala socda, Guurtida iyo golaha wakiilada. Dhinaca magaalada Borama ayaa waxaa iyadna waftiga kaga hortagay, Magaalada Gabiley, wafti balaadhan oo uu hogaaminayay, Duqa Magaalada Borama, C/raxmaan Shide Bile, Gudoomiyaha Gobolka, Maxamed Daahir Cabdale, iyo taliyayaasha Ciidamada Amaanka iyo kuwa qaranka. Waxa kale oo soo dhawaynta Saylici ka qayb qaatay qaar ka mid ah, ururada Maxaliga ah, ee ka hawlgala gobolka Awdal , Sida, Ururka SAADO oo ah urur wadaniya oo dhawaan la aasaasay oo ka shaqayn doona deeganka iyo ilaalinta iyo kobcinta dhirta iyo daaqa, oo uu gudoomiye u yahay, aqoon yahan Sharmaarke Cilmi, Ururka SAYS, oo uu agaasime Nuur shirdoon hogaaminayay,Ururka AYODA, oo uu horkacayay Agaasime, Siyaad iyo Ururka SOHURA oo uu hor kacayay, Madaxa Mashaariica Ururka, Eng:C/qaadir Cali Bade, dhamaan ururadaas oo astaamahoodii iyo gaadiidkoodii wata, ayaa waxa ay waftiga kaga hortageen, Magaalada Dilla halkaas oo ay u soo galbiyeen, ilaa caasimada Gobolka Awdal, ee Borama. Waftigan ayaa intii uu marayay magaalooyinkaa iyo tuulooyinkaa waxa ay dadwaynuhu ruxayeen, Calanka Somaliland iyo caleemo qoyan, iyaga oo ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin, Somaliland ha noolaato, Eng:Saylici soo dhawaw. Ugu danbayn waftigu markii uu soo caga dhigtay Magaalada Bormaa, ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyay, Kumaankun qof oo calamo iyo caleemo qoyan ruxayay, isaga oo u udhaadhacay dadkii qof qofna u salaamayay, waxa uuna noqday, Mas’uulkii ugu sareeyay ee dawlad ka socda, dadkan u daadaga salaana ka qaata, shacabka soo dhawaynayay. Ugu danbayn waftiga ayaa waxa loo kaxeeyay Qasriga Madaxwayne ku xigeenku ku leeyahay Magaalada Borama, halkaas oo ilaa shalay ay ka socotay shaqo xoog ah ,oo loogu diyaar galoobayay, soo dhawayntiisa. Isku soo wada duuduuboo waftigan ayaanan ilaa iminka la garanayn, sababaha xiligan keentay in uu yimaado, iyo xiliga uu joogi doono, iyo cida ay la kulmayaanba, waxaanan ka ogaan doonaa , saacadaha soo socda , madax warbaahinta ee waftiga.
  3. Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid waxa uu sidoo kale eedo u soo jeediyey madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole, kaas oo sheegay in Faroole uu doonayo inuu isir tiro beesha deegaanka Sanaag Bari. Wasiirkii hore ee Ciyaaruhu Maxamuud Siciid Maxamed waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay u waramayey Telefishanka Horn Cable Tv. Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Atam dagaalka uu kula jiro maamul goboleedka Puntland waa mid xaq ah oo uu ku difaacayo sharaftiisa iyo ta dadkiisaba. Madaxwaynaha Puntland Faroole isaga qorshihiisu waa in uu isir tiro beesha Sanaag bari (Warsan-gali).”
  4. Ilahoow cuqdad xabashi yaananu qaadin oo maskaxda yanay naga buuxin sida zack oo kale .
  5. Nuune anigu dee cunsuri ma ihey anigu waxa dastuurka somaliland sheegey uun baan ku sheegey. Dawlad kaste waxay leedahay sharci iyo dastuur.ma jirto dawlad leh qiiro dastuur ama muxubo somali dastuur wax nocaasi ma jirto.
  6. Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Oo Difaacay Dagaalka Uu Atam Kula Jiro Puntland, Sheegayna In Aanu Argagixiso Ahayn “Faroole Qorshihiisu Waa In Uu Isir Tiro Beesha Sanaag Bari” Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid Hargeysa, November 10, 2010 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid Maxamed ayaa difaacay Maxamed Siciid Atam oo dagaal kula jira maamul goboleedka Puntland, kaas oo tilmaamay in dagaalka uu wadaadka Atom uu kula jiro Puntland uu yahay mid xaq ah. Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid waxa uu sidoo kale eedo u soo jeediyey madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole, kaas oo sheegay in Faroole uu doonayo inuu isir tiro beesha deegaanka Sanaag Bari. Wasiirkii hore ee Ciyaaruhu Maxamuud Siciid Maxamed waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay u waramayey Telefishanka Horn Cable Tv. Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya waxa ka mid ahaa hadaladiisii “Atam dagaalka uu kula jiro maamul goboleedka Puntland waa mid xaq ah oo uu ku difaacayo sharaftiisa iyo ta dadkiisaba. Madaxwaynaha Puntland Faroole isaga qorshihiisu waa in uu isir tiro beesha Sanaag bari (Warsan-gali).” “Shacbiga Somaliland iyo beesha caalamkaba waxaanu u sheegayaa in aanu ninkaasi ahayn Argagixiso, waa nin u dagaalamaya xoriyada dadkiisa, waxa la Kufsaday hablahoodii, waxaanu xaq u leeyahay inuu la dagaalamo maamul goboleedkaas raba inuu cidhib tiro ummada ku dhaqan deegaanka Sanaag Bari”. Hadalkan ka soo yeedhay wasiirkii hore ee ciyaaraha ee uu ku sheegay in ninkaasi aanu ahayn Argagixiso, balse lagu soo duulay dhulkiisii oo uu isdifaacayo ayaa ku soo beegmay hadal uu habeen hore Wasiiyey Wargeyska Haatuf wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Jaamac Cismaan, kaas oo sheegay inay wadaadka Atom ay u aqoonsan yihiin Argagixiso, isla markaana ay la dagaalamayaan.
  7. ^^ wa caynkaas wa sidu faisal cali waraabe sheegey wa aliens,, Yew u have to be an Ethnic somalilander oo aad ka soo jeedid 5 qabiil eeh daggan jamhuuriyada Somaliland.
  8. There is no difference between a koonfurian and the so called oromos, they have the same rights in our country , as long as they abide the law. they can live in our country as refugees.
  9. Liibaanow khusuusiga waxa la yidhi 400 oo adhi ah bay rabbaan inay xaglatoosiye xilkaga cod aqlibiyad ah kaga qadaan. idinku ba dumuqradiyad baad gaadhee waleh
  10. Liibaan xabashida iyo waxa iska dayoo. odaygii xaglatoosiye ma wasiir bu sheikh dalxiis u doontay , wakaan khusuusigu ku dhagan eh. Koley halka waxa ka so if baxaya ariimo maalimaha so socda aynu ka war heleyno, qaar waxay ba leeyihin hogaamiyaha khusuusiga baba kursiga xaglatoosiye rabba lol.
  11. Originally posted by 'Liibaan': Xaji, meel aan war oolin ayaa war ka raadinasaa, waa muuqataa halkan sida ee soomaalidiidku xumaan iyo dhibaato ula doonayaan dadka soomaaliyeed ee jaarkooda ah, sababtuna ee tahay xaasidnimo,gar darro iyo faduul. Xabashida waa codowga Somali oo dhan, Waxaa xabashida looga digayaa in ee mar labaad kusoo xad gudbin Deegaanka SSC, sidii hore u dhacday Waxaa kaloo loo sheegayaa Xabashida inay caq soo dhigin SSC, waayo SSC dowlad iyo hogaan ayee leedahay adiga ba dhibaato ka sheekeynaya , anigu dhib ma sheegin war xita saado cali ba maanta ka hadashay khusuusiga iyo gudoomiyah khusuusiyga.oo yidhi xilkan ka qaadaya xaglajiifiye , saaxib xabashi haday cadawgaga yihin wardheer ugu maad tagteen.oo gadhka maad qabbateen,, airportkoodana kamaad dhoofteen
  12. lool so because he is a local he is a reliable source his accusations are baseless, there is no evidence. The pirate state is fighting a clan in western bari , they could not defeat this particular clan Politically and military. There for to hide their humiliation they falsely accuse a neighbouring country for supporting him.
  13. ^^ maxa xaasidiin naga dhigay war jira uun baanu sheegnay iga waran xaglatoosiye oo Cumar ileey la kulmey mamuulaha kilinka shanaad. maxaad is tidhahdeen sawdinki xabashida necba , goormaad xabashida is jeclaateen.
  14. ^^ Somaliland ma joogaan Amxaaro lala dagaalamo iyo amisom laakin xammar amisom ba jooga, iyo africaan gaalo ah. Marka halkasu jihaadku ku haboonyahay.
  15. Xukuumadda Somaliland Oo Diyaarinaysa Siyaasadda Ay Kula Dhaqmayso Dadka Qaxoontiga Ah November 9th, 2010 Comments Off Hargaysa (Somaliland.org ) Kulan lagaga wada hadlayo sidii loo samaysan lahaa siyaasad qorshaysan oo lagula dhaqmo dadka ajanabiga ah ee dalka soo galaya ayaa maanta waxa lagu qabtay Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen guddoomiyayaasha golayaasha Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada), Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, caddaalada, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Taliyaha Ciidanka Booliska, Duqa caasimadda Hargaysa, Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimmaha bulshada iyo wakiillo ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR, waxa lagaga wada xaajooday ama lagu gorfeeyay sidii loo samayn lahaa siyaasad qorshaysan oo lagula dhaqmo dadka qaxoontiga ah ee dalka soo gala. Kulankan oo socon doona muddo saddex maalmood ah, isla markaana ay soo qaban qaabisay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xaqoontiga ee UNHCR, waxa kale oo iyaguna ka soo qayb galay Hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin hay’addan ee iyaguna ku hawlan daryeelka iyo wax u qabashada dadka qaxoontiga ah ee dalka ku soo barakacay. Kulankan ayaa la filayaa muddada uu socdo in laga soo saaro siyaasad iyo qodobo dhaxal gal ah oo salka ku haya sidii qaabka loola dhaqmayo dadka qaxoontiga ahi ay u noqon lahayd mil meel mar ah. Somaliland.org, Hargaysa
  16. qadalaawiyoow. Emiirku wu ku aadkaday Amxaarada,,, wa ninki ka siifeeyey amxaarada koonfurta somalia marku adeerka amxaaradu ku dhirbaaxayeen Villa Somaliya, hadana Emirku wuxu ku mashquulay la dagalaaanka Qoladan mad madow eeh laga keenay Ugandha kuwasu hada emirku ku mashquulsanyahay.
  17. Wasiirka Warfaafinta oo Si Adag U Beeniyay War Ka Soo Yeedhay Puntland Written by Qaran news Nov 09, 2010 at 12:42 PM Hargeysa (Qaran news)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdilaahi Geel Jire, ayaa wax aanay waxba ka jirin ku sheegay in Somaliland ay soo galeen firxadkii kooxdii Argagixisada ah ee SH. Atamka Puntland waxa kale oo uu beeniyay in saraakiil ka tirsan Ciidamada qalabka sida JSL ay ka barbar dagaalamayeen oo ay taageerayeen kooxdaasi. Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa wuxuu Puntland u soo jeediyay inay joojiyaan dacaayadaha ay wadaan waxaanu yidhi “Somaliland wax argagixiso ahi ma joogo, manay soo galin, Somaliland way la dagaalamaysaa Argagixisada, waxa la dagaalanka Argagixisadu uu ku yaallaa Dastuurkayaga. Hadalada aflagaadada ah ee ka soo yeedhayay Puntland, oo aan leeyahay wuu ka khaldamay waanu ka qoyay hadalkii waxba kama jiraan eedaha ay nagu eedeeyeen in ciidamo Somaliland ahi ay ka barbar dagaalamayeen kooxdii Argagixisada ahayd ee Atam. Ciidamadayada ayaanu u war haynaa oo cid walba ka og, Ciidamada Somaliland kama qeyb qaataan dagaallo ay ku taageerayaan Argagixisadda, haddii madaxda Puntland ay niman ay garanayaan oo ay isku reer yihiin magacyadooda iska yeedhiyaan. Macnaheedu ma aha in ciidamadii Somaliland ka qeyb galeen dagaal Argagixiso.” Qaran news
  18. The khusuusi wants to get rid of Xaglajiifiye , and he just goes to Ethiopia for a trip to meet the governor of kilinka shanaad in wardheer
  19. Wefti uu Hogaaminayo Hogaanka SSC Dr Axmed Saleebaan Ciise oo u ambabaxay Muqdisho iyo Wardheer Nov 09, 2010 Dharkayn-Geenyo(Riinji.com)Waxa magaalada Dharkayn ka ababaxay wefti balaadh oo ka socda Hogaanka midaynta iyo Badbaadinta ee SSC,weftidan oo Casuumad ka helay Raysawazaaraha cusub ee xumuda Federaalka Soomaaliya.. Weftidan ayaa waxay maanta ku si hakanayaan magaalada Wardheer ee Killinka halkaasi oo ay casuumad ka heleen Madaxwaynaha Kilinka Shanaad ee Somalida Itoobiya,weftidan ayaa halkas uga sii gudbi doona magaalada Caabud waaq ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo diyaarad Caasimada u qaadi doonta ay ugu imaanayso. Weftidan ayaa waxay ka kooban yihiin 10 Xubnood oo kala ah Hogaamiye 1.Dr Axmed Saleebaan Ciise,2.Xog-hayaha arimaha Difaac Gen-Tamaad,3.Afhayeeka Axmed Gacmayare,4.Cabdixamiid Garaad Jaamac,5.Ex-Xil- Puntland Cumar Jaamac Saleebaan,6.Ex-Xil- Puntland Ibrahim Maxamuud Guure,7.Ex-Xil- Puntland Abshir Cabdi Shiikh iyo saddex xubnoo oo khusuusiyda ka mid ah. Wararku waxay intaasi ku darayaan in weftida uu weheliyo Garaad Jaamac Garaad Cali oo isagu ka soo noqonaya Wardheer. WIXII SOO KORDH KALA SOCO RIINJI YASIN MAXAMED AHMED GAROWE SOOMAALIYA
  20. Ethiopia and somaliland have good relations there is no beef between the two leaders