-
Content Count
29,832 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
77
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Hogaanka SSC OO U Baxay Safaro Dibada Ah OO Muhiim Ah Kuna Sugan Muqdisho
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
Originally posted by Taleexi: Liibaan : Soomaalidu sidaa uma kala foga ee bal cagta u yara dhig, xataa qoladan xag jirka ah ee Soomaalinimada ka cararaya; waxaan hubaa markuu marqaanku ka yare dego inay eheladooda Soomaaliyeed dib u soo miciin bidi doonaan. They must/should be comfortable with their skins and who they really are and aint they still Somalis after all these elusive, and futile exercises for recognition? war iska daa niyo wanu u bahanahay dad na neceb eh -
Dawladda Federaalka oo Soosaartey Joornaal Afka Dawladda Ku Hadla
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in Politics
You are right it's the biggest achievement the sh dalxiis administration accomplished so far -
Dawladda Federaalka oo Soosaartey Joornaal Afka Dawladda Ku Hadla
Xaaji Xunjuf replied to Somalina's topic in Politics
gaw oo ma xiili journaal la soo saara la jooga -
Hogaanka SSC OO U Baxay Safaro Dibada Ah OO Muhiim Ah Kuna Sugan Muqdisho
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
dibada means outside the country mala qolada jidbaale qorta wa somalilanders assal ah ooh is qarinaya. tallow ya liibaan runta u sheega inay hogaankisu tageen foreing country -
Originally posted by xiinfaniin: ^^ warbixin baa ka horreysay uu jacayl baro yiri ninkii tanzanian ka ahaa qaadiruu hargeysa la hurdaa, markuu subixii soo toosana cajal ictiraafka somaliland ku saabsan baa laga duubayaa wax walba wey dhici karta
-
waxan ka bilaabay mayorki east london akhriska anigu
-
^^ maxa sucide keenay ma iyada ba lana ictraafsanyahay maxa la dublamasiyedeyn oo la sucidideyn
-
British forces mark Remembrance Day in Somaliland
Xaaji Xunjuf replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Muxu yidhi ninki jiray eeh reer somaliland eeh anu tolka ahayn maxaan labba gaal midna aan gumeyn midna an guusha u siin -
Madax UDUB Ka Tirsan Oo Su’aalo Xasaasi Ah Ku Waydiiyay Kulan Dhex Maray Wefdiga Wakiilka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Oo booqasho ku yimi Somaliland. Hargeysa (Ramaas) Nov. 11, 2010 - Madax ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr Augustine Mahiga oo markii ugu horeysay sidii uu xilka ula wareegay shalay booqasho ku yimi Somaliland. Waxa sidan lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska siyaasada ee Xisbiga UDUB, waxaanu u dhignaa sidatan: Mr. Mahiga oo ka war bixinayey safarkiisa ayaa sheegay in Koonfurta Somalia ay tahay meel bugta , oo dhibaatooyin ka taagan yihiin, Somaliland na ay tahay meel caafimaad qabta, uma aanu iman halkan inaanu cudurka Somaliya halkan ku soo fidino, waxanu idiinku nimi inaanu dawada cudurkaa wax idiinka weydiino sidii xal loogu heli lahaa koonfurta Somaliya oo ah deriskiina dhow. Waxa kale oo idinku nimi sidii aanu u kordhin lahayn wax qabadka aanu Somaliland wax la qabanayno, una kordhin lahayn barnaamijyada horumarineed ee Somaliland iyo sidii halkaa ay soo gaadhay aanay dib uga noqon lahayn. Mar aanu safiirka weydiinay su’aalo dhowr ah ayuu kaga jawaabay sidan hoos ku qoran. Ma waxad u timaadeen inaad Somaliya iyo Somalialnd u furtaan inay ka wada hadlaan midnimo ka dhalata labada dal. Waxu ku jawaabay “Maya, shaqo kuma lihin haddaad la midoobaysaan Somaliya iyo haddii kaleba, waana arrin u taal Somalida. Muhiimadu maaha midnimo idin dhex marta Somaliya inaanu idinkala hadalo ee waxa weeye sidii aanu idinka caawin lahayn dhinaca siyaasada iyo horumarintaba. Amabassador Mahiga waxa intaa ku daray “Ama jeclaada ama ha jeclaanina waxa deriskiina ah dal buka oo u baahan in la daweeyo oo xal loo helo.” Waxanu ku nidhi waxad geysaan cusbitaalo kale sida Nairobi iyo Addis Ababa ee ha keenina Hargeisa. Hadlkaana aad ayuu ugu qoslay. Mar aanu weydiinay bal inuu wax ka bedelayo siyaasadii ninkii isaga ka horeeyey ee Walad Abdalla oo ku shaqaynayey siyaasada Jaamacada carabta iyo Masar oo qadiyada Somaliland ka soo horjeeda ha ahaato dhinaca siyaasada iyo dhaqaalahaba. Waxa ku jawaabay maya kuma shaqaynayo ee waxii aan la qaban karo Somaliland waan la qabanayaa. Mar aanu weydiinay bal inay kordhiyaan caawimada ay u fidinayaan Somaliland iyagoo Dawladda Somalia ka taageera dhinacyo badan oo ay ka mid yihhin bixinta mushahaarooyinka Booliska iyo barlamaankaba ayuu ku gaabsaday, waxanu yidhi waxanu kordhinaynaa joogitaankayaga Somaliland oo aanu ku yeelan doono xafiisyo, waxanu kaloo kordhinaynaa mashaariicda horumarinned, sida ay u kordhinayaan wadamada Maraykanka, reer Europe iyo Ingiriiska isagoo gaar ahaan u xusay wadamada Denmarka, Sweden iyo Norwey. Waxanu weydiinay in wufuud badani timaado dalka kana noqoto iyagoo had jeer yidhaahda waxanu eegaynaa xaalada ka jirta dalka ee ma jirtaa wax cad oo aad noo sheegi karto inaad Somaliland la qabanayso. Waxu ku jawaabay amnbassador Mahiga inaanu dawladda ka sugayno inay noo soo gudbiso baahiyaheeda iyo sida ay u kala horinayaan. Waxanu ambassodoorka weydiinay inay gacan weyn ka geystaan inay dawladda ka taageeraan dhinaca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed, adkeynta nabad gelyada iyagoo tayeynaya booliska gacana ka geysanaya mashaharsiinta iyadoo ay kooban dhaqaalaha wadanka soo gala. Ugu danbayntii waxanu weydiinay inay halkan u yimaadeen shir lagu qabanayo Kampala Uganda inay ku doonayaan in Somaliland ka soo qayb gasho, waxuna sheegay in shirkaasi yahay mid lagaga hadlayo budhcad badeedka ee aanu siyaadad shaqo ku lahayn
-
Weftigii Qaramada Midoobay Oo La Kulmay Shirgudoonka Goleyaasha Baarlamaanka November 11th, 2010 Hargeysa(Somaliland.Org)- Shirgudoonka Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida ayaa maanta kulan la yeeshay Weftiga Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augostine Mahiga, oo socdaal laba maalmood ah shalay ku yimid Caasimada Hargeysa. Augostine Mahiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland waxaanu tilmaamay inuu kala hadlay shirgudoonka Goleyaasha baarlamaanka Somaliland arrimo badan oo ay ka mid yihiin in Qaramada Midoobay kor u qaado horumarinta mashaariicda samo-falka. Waxaanu sheegay inuu mudadii uu dalka ku sugnaa uu ku arkay nabadgelyo iyo dadweynaha oo illaa saacadaha dambe si caadi ah u wata Ganacsigooda. Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlay kulankaasi ka dib Saxaafada u waramayay ayaa sheegay inay weftigaasi ku canaanteen sababta ay Aqoonsi la’aanta Somaliland. “Arrinta Aqoonsiga waanu ku canaanaynay waxaanu noo sheegay inuu iska iman doono maadaama oo beeshii caalamku ay bedeleen habkii ay ula dhaqmi jireen Somaliland.waxaanu u sheegnay in wax laga qabto dhibaatada Puntland ku hayso Somaliland Anagu wax dhibaato ah kuma hayno,”ayuu yidhi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) ayaa isaguna sheegay inay weftigan uga warameen xaalada nabadgelyo iyo Dimuqraadiyada. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in weftigu ay sheegeen inay Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay ay u gudbin doonaan warbixino badan oo waxtar siyaasadeed u leh Somaliland. Somaliland.org Hargeysa
-
^^^ nina awoowo kaba so qaad Sh dalxiis ba intu u dalxiisay newyork marku la kulmay ka indhoyarka gacantu si fiican u tuutjiye sidu slaanti hilllary clinton ba u gacanteeda u tuutjiye iyo ti yarayd eeh spain joogtay eeh suitka greyga xidhnayd. Waxaas oo dhan Muxu sh dalxiis ka so hooyey????. ileeh wadaadka koofiyada cad xidhan wuxu u baahanyahay ciidamo kuwii na la wa ,ka indho yarta ciidan UN ah ma lo keenaayaa somalia? , ileen gacan gacan lugu dhadhiya , shabaab kicin meyse eh.
-
Somaliland vice president seylici visits awdal borama + pictures.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Video http://www.youtube.com/watch?v=6x7Ai4X1Yjw&feature=player_embedded -
Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Hadlay Kulan Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Wefti Ka Socday Q/Midoobay November 10th, 2010 Hargeysa (Somaliland.org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa galabta qaabilay Wefti uu Hoggaaminayay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xafiiska Siyaasada ee Somaliland iyo Somalia Ambassador Augostine Mahiga, kaasi oo socdaal laba maalmood ah ku yimid Somaliland. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo u waramayay caawa Shabakada Wararka ee Somaliland.org, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankii ay yeesheen Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo weftigaasi waxaanu yidhi “Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Xafiiska siyaasada Ambassador Augostine Mahiga, oo kulankaasi ka hadlay ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu hamblayeeyay hanaankii Dimuqraadiyada ahayd ee ay u qabsoontay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishii June ee la soo dhaafay iyo habkii awooda la iskugu wareejiyay oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ahayd. Waxaanu tilmaamay inay soo dhawaynayaan siyaasada dawlada Maraykanka ee la xidhiidha inay nidaam gaar ah iyo siyaasad ka duwan Soomaaliya ay u wajahayso arrimaha Somaliland. Wakiilku wuxuu sheegay in tallaabadaasi Maraykanka ay Qaramada Midoobay horeba u qaaday oo ay Somaliland kala shaqayso arrimaha Horumarinta dhaqaalaha iyo mashaariicda, halka dalka Somalia ee qalalaasuhu ka taagan yahayna ay Qaramada Midoobay kala shaqeyso sidii nabad looga dhalin lahaa wadankaasi.” Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Wuxuu Wakiilku sheegay inuu xafiiskii siyaasada ee qaramada midoobay ka furanayo Hargeysa kaasi oo laga dhigayo xafiis balaadhan waxaanu intaasi ku daray inay hore u sii joogeen shaqaale uu keenay. Imikana la sii balaadhin doono. Waxa kale oo uu wakiilku sheegay in Ha’yadaha la shaqeeyaana ay si hordhac ah xafiisyadoodii Nairobi u soo wareejinayaan Somaliland.” Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka hadlayay waxyaabihii Madaxweynuhu kala hadlay wuxuu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu Weftiga uga mahad celiyay booqashadan ay Somaliland ku yimaadeen. Waxaanu uga waramay xaalada Somaliland ee dhinacyada Nabadgelyada, Ganacsiga , Horumarinta Dimuqraadiyada iyo xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka Jaarka oo uu Madaxweynuhu sheegay inuu maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanayo. Madaxweynuhu wuxuu Qaramada Midoobay u soo jeediyay inay laban laabto horumarinta mashaariicda ee Somaliland una sameeyaan dhaqaale abuur si fursado shaqo loogu abuuro dhalinyarada iyo bulshada Somaliland. Sidoo kalena la sii xoojiyo horumarinta mashaariicda Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha.” Wasiirka Arrimaha Dibadu wuxuu sheegay in Weftigani ay Somaliland ku sugnaan doonaan muddo laba maalmood ah isla markaana ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan masuuliyiin kala duwan. Kulankaasi Madaxweynuhu la yeeshay Weftigaas waxa goob joog ka ahaa Wasiiradda Arrimaha dibada Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Sacad Cali Shire. Weftigan oo galabta ka soo degay madaarka magaalada Hargeysa waxa soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland oo uu horkacayay Wasiirka Khaarajiga. Somaliland.Org Hargeysa
-
Good stuff , ilaahay ha garab galo
-
Somaliland policy concerning refugees in the country
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xukuumadda oo Markii ugu Horreysay ka Shiraysa Qaabka Siyaadda ay ku Wajihi Lahayd Dadka aan Dalka u Dhalan Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay qabatay shir lagaga arrinsanayo sidii siyaasad cad loogu waajihi lahaa qaxoontiga ku sugan Somaliland, shirkaasi oo shalay ka furmay hudheelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa, kaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah. Shirkan oo ay wada jir u soo qabanqaabiyeen wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNCHR, waxa ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Caddaalladaa, Maayirka caasimada, Agaasimaha wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, saraakiil ka socota hay’ adaha caawiya qaxoontiga sida UNHCR iyo qaybaha kala duwan eer ururrada bulshada. Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada shirkan oo uu ku sheegay inay tahay sidii shirkaasi looga soo saari lahaa siyaasad ay Somaliland kula maacaamili doonto qaxoontiga dalkeeda ku sugan “Waxa maanta keenay shirkan, waxa loo gudbay marxalad ka duwan tii hore ee ku salaysnayd mucaawimooyinka iyo taageerada aad siisaan oo waxa yimi qadiyad cusub oo ah dad aan dalka u dhalan oo si xad-dhaaf ah ugu soo qulqulaaya, kuwaas oo dhibaato weyn ku haya bulshada reer Somaliland. Waxa kalifay arrintan dhawaaq dheer oo ka soo baxay bulshada reer Somaliland iyo cabashooyin farabadan oo ka soo fulay, taas oo u baahan in xukuumadda Somaliland xal iyo siyaasad cusub ka yeelato sida ay u maamuli lahayd qadiyada qaxoontigaa farabadan ee soo qulqulaaya, kaas oo xad-dhaaf ah oo aan kala lahayn yaa muwaadin ah iyo yaan muwaadin ahayn oo shaqadii iyo wax walba culaysbay ku ahayaan. Lagama yaabo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu ka soo baxo go’aan khaldan oo qaxoontiga xuquuqdooda wax yeeli kara, balse si laysula daalac-naasilo baahida dalka taala, waxa shirkan ka soo bixi doona talo qarankan lagu hagi karo oo aanu ula tagno madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose. Waxa kale oo halkaa ka hadlay Maayirka caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, isaga oo si qoto-dheer uga warramay dhibaatooyinka kala duwan ee ay bulshada reer Somaliland kala kulanto dadka aan dalka u dhalan sida; caafimaadka, nabadgelyada iyo shooyinka, isagoo u soo jeediyey hay’adaha caawiya dadka qaxoontiga ah inay kala qaybqaataan sidii dadkaasi loo jihayn lahaa. Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) oo isaguna furitaankii shirkaa ka hadlay, ayaa sheegay saamaynta ay ku yeeshaan dadka aan dalka u dhalani caafimaadka dalka, isaga oo xusay in ay inta ugu badan sababaan xannuuno ay dalka soo galiyaan iyo goobaha dawooyinka oo ay culays weyn ku hayaan dadka aan dalka u dhalan, waxaanu soo dhaweeyey shirkan lagu falanqaynaayo sidii loo dejin lahaa nidaam lagu hago dadka aan dalka u dhalan. Waxa isna halkaa ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Nuux Furre oo isagu sheegay inay dhaqan xumo weyn ku hayaan dadka aan dalka u dhalan, isla markaana soo jeediyey in si degdeg ah wax looga qabto arrimahooga. Abdualaye Barry oo ah wakiillida hay’adda UNHCR, gaar ahaan qaybta idho idhaynta arrimaha togan, ayaa sheegay in hay’adda UNHCR ay ujeeddo ahaan ka leedahay shirkan sidii ay dawladda Somaliland uga wada hadli lahayeen, isla markaana ay iskula meel-dhigi lahaayeen qorshaha lagu waajahaayo qaxoontiga ku sugan Somaliland, isagoo xusay in marka uu shirku dhammaado go’aamada ka soo baxa ay ku dedaali doonaan fulintooda, isla markaana ay Somaliland ku waafaqsan tahay inuu yahay habka ugu wanaagsan in la duwaan galiyo qaxoontiga, isagoo ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray waxqabadkii ay Somaliland u qabatay hay’addu ilaa intii ay dalka joogtay. Waxa kale oo halkaa ka hadlay Wasiirka Caddaalada Prof. Ismaaciil Muumin Aar iyo Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha oo soo dhaweeyey shirkan lagu lafu-gurayo qaabka loola dhaqmayo qaxoontiga dalka ku sugan, iyada oo mudada uu socodo lagu falanqayn doono arrimo badan oo khuseeya dadka Somaliland ku soo qulqulaya ee ka imana dalalka Jaarka. -
Somaliland vice president seylici visits awdal borama + pictures.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Wasiiro Socdaal Ku Tagay Magaalada Boorame November 10th, 2010 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti Balaadhan oo uu Hoggaaminayo oo ka kooban Afar Wasiir ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal, oo uu ku tagay socdaal shaqo oo qaadan doona muddo sadex maalmood ah. Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland waxa uu maanta magaalada Boorame kula shiray Madaxda Gobolka Awdal, maamulka degmada Boorame iyo iskuduweyaasha laamaha dawlada ee gobolkaasi. Waxaanu hadal uu ka jeediyay shirkaasi uu kaga waramay in uu Somaliland ka bilaabmay wax uu ku tilmaamay cahdigii la xisaabtanka shaqaalaha iyo masuuliyiinta dawlada waxaanu u soo jeediyay madaxda inay ka soo dhalaalaan hawsha adeegyada bulshada ee loo xil saaray. Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu sheegay in mudada uu kormeerka ku joogo Gobolka uu masuuliyiinta laamaha dawlada iyo madaxda gobolka iyo degmada ka doonayo inay qoraal ugu soo gudbiyaan waxqabadkooda. “Shaqaalaha dawlada waxaan u sheegayaa in wakhtigii la xisaabtanku uu bilaamay isla markaana looga bahan yahay inay kala saaraan siyaasada iyo waxqabadka. Muddada aan joogo waxaan doonayaa inaad ii keentaan waxqabadkiinii oo qoran ogaadana in tartankii siyaasaddu uu dhammaaday uu waajib idin saran yahay isbedelkii aanu ummadda ay xukuumadu u balan qaaday inaan noqotaan qaar fuliya oo kor u qaada adeegyada ay bulshada u hayaan,”Ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenku. Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu sheegay in tartankii doorashadu xiligan dhamaaday shaqaalaha dawladana looga baahan yahay inay ka fogaadaan inay siyaasada ku milmaan. Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu u mahad celiiyay shacbigii iyo masuuliyiintii Gobolka Awdal ee sida weyn u soo dhaweeyay waxaanu sheegay in maalmaha soo socda uu kulamo gooni gooni ah la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Awdal. Weftiga Madaxweyne Ku Xigeenka waxa kormeerkiisan ku weheliyay Wasiirada Warfaafinta, Beeraha, Cadaalada iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Waana kormeerkii ugu horeeyay ee uu ku yimaado gobolka uu ka soo jeedo tan iyo markii uu noqday Madaxweyne Ku Xigeenka Somalilad. Somaliland.org Hargeysa -
Somaliland policy concerning refugees in the country
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Jabuuuti carab ba dagta iyo qabailka ka so jeeda awdal iyo gabiley ba daga intu ba wa reer jabuuti, Somaliland na wa sidaaso oo kale oo qabil fara badan ba daga burco hargeisa ceerigabo gabiley borama seylac badhan laascanood buhoodle intu ba wa somaliland. -
Somaliland vice president seylici visits awdal borama + pictures.
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wafti Balaaadhan Oo Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Gaadhay Magaalada Borama Borama (Oodweynenews)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta gaadhay magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama. Waftiga Madaxweyne ku xigeenka Soamliland ayaa waxa ka mida Wasiirada Wasaarada Warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Wasiirka Wasaarada Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Wasarada Ciyaarraha Dhaqanka iyo Hidaha Md. Maxmed Ibrahim Madar , Wasiirka Xigeenaka Wasaarada Waxbarasha Md. Cali Xaamud Jibriil, Xubno ka socaday Golahayaasha Shrcida jinta Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada. Waftigan ayaa markii aya gaadheen magaalada Boorama waxa halkaasi ku soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan Magaalda Boorama, waxana ay kulamo kula yeesheen masuuliyiinta Gobolka iyo Madhaqameedka Gobolkaasi Hotel Rays ee Magaalada Borama. Ilaayo hada ma jiro war rasmiya oo ay Xukuumada Soamliland ka soo saartay safarka Waftiga uu hogaaminayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ay ku tageen magaalda Borama. Madxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa waxa uu mudaba ku safar is daba jooga ku tagayey Xarunta Gobolka Awdal ee Borama oo ah Gobolka uu asal ahaan ka soo jeedo.