Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,832
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    77

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. interesting so the so called khusuusi nabadi wey diideen oo ergadi salaadinti nabada raadinaye wey dideen inay aqbalan. Tallow marka maxay rabann?? Anigu waan ogahay qolyaha nabad diida dagaal qabil bey u miliksanayan laakin dhici meyso wa laga horeya wana laga danbeya
  2. Xildhibaanada Barlamanka oo maanta Gacanta iskulatagay Muqdisho: (Sh. M. Network) Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta ku kulmay Muqdisho islamarkaana la horgeeyay Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa gacmaha iskula tagay kadib markii ay isku mari waayeen qaabka kalsoonida loo siinayo Xukuumada KMG Soomaaliya. Kulankaani oo maanta Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ay isugu Tageen 348 xildhibaan oo ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa ugu horeyn furay gudoomiyaha Barlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ajandaha maanta laga doodayay uu ahaa kalsooni siinta Xukuumada cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Farmaajo. Ugu horeyn ayaa fadhiga barlamanka waxaa la aqriyay labo mooshin oo iska soo horjeeday kuwaasi oo uu sheegay gudoomiyaha Barlamanka inay ka kala yimaadeen xildhibaanada Barlamanka, waxaana mooshinadaasi ay kala ahaayeen in hab qarsoodi ah codka loogu qaado Xukuumada iyo in gacan taag loogu cadeeyo waxaana mooshinka koowaad oo ahaa in codka si qarsoodi ah loogu qaado xukuumada halaasi ka aqriyay xildhibaan C/raxmaan Afrax. Mooshinkaasi mid ka soo horjeeda oo ahaa in codka si gacan taag ah loo qaado kalsooni siinta Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi ka soo jeediyay xildhibaan Bashiir Cadow Calasow, Intaasi kadib ayaa gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa uu sheegay isagoo cuskanaya xeer hoosaadka Barlamanka in codka xukuumada loogu qaado si qarsoodi ah, iyadoo xiligaasi kadibna mudanayaasha Barlamnku ay hoolka ka dhex bilaabeen buuq iyo sawan xoogan. Buuqaasi markii uu in mudo ah socday ayaa waxaa uu sababay in ay gacmaha iskula tagaan xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya kuwaasi oo isku dhex qabsaday fadhiga Mudanayaasha Barlamanka. Markii ay sii kordheen buuqa iyo gacan ka hadalka u dhaxeeya Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa gudoomiyaha Barlamanka waxaa uu go’aamiyay in shirku uu xiranyahay hase ahaatee waxaa go’aankaasi ka soo horjeestay mudanayaasha Barlamanka oo sheegay inay maanta dhinac u ridayaan arinta ku saabsan xukuumada KMG Soomaaliya. Gudoomiyaha Barlamanka ayaa dantu waxa ay ku qasabtay in uu ka laabto go’aankiisii ahaa in uu xiranyahay shirka Barlamanka, waxaana uu amar ku bixiyay in la keeno sanaadiiqda codadka si codka hab qorsoodi ah loogu qaado, waxaana markasta uu gudoomiyaha Barlamanku hadlo ka soo horjeesanayay xildhibaano ka tirsan Barlamanka. Markii mudanayaasha Barlamanka ay isku mari waayeen habka codka loo siinayo Xukuumada Cusub ayaa gudoomiyaha Barlamanka waxaa uu mar kale qaatay go’aan ah inuu xiranyahay fadhiga Barlamanka iyadoo xiligaasi kadibna ay kala dareereen mudanayaashii Barlamanka iyagoo wax natiijo ah ka gaarin kulankii maanta, gacantana iskula tagay.
  3. a khadar ergadi nabada ma qaabisheen mise ergadi waad diideen? ciidanka qarranka wa ciidanka ummada somaliland ilaalinaya wana ciidanka la kala dhex dhigay , labada beelood eeh dagaalamay.
  4. Ninkan Cali khalif galaydh wuxu ka yimi Nugaal godan. Magiciisa maxa marka lo badalaya , Anigu koonfuriansku waan u fiirsaday ooh xarafku marku halka hore dh kaga bilaabmayo Kalmado ku dhawaaqistiso dhibaato kuma hayso mar alaale marku xarafa dh dhexda kalmada kaga jirto ama ugu danbeyo bey khal khalayaan Koonfuriansku xarafka dh waxay ku badalayan ®
  5. Cashar yar Qolyaha Koonfurianska badh=bar bar = calaamad jidhka ku taala, ama tilmaam meel lagu tilmaansado badh= half of something jiidh = hilibka intiisa cas een baruurta ee aan baruurta lahayn jiir = mouse, dooli reer konfur HALKA NADIIFI OO XAAR mise HALKA NADIIFI OO XAADH afka aadamigu eeh basharku ku hadlo si uu u tisqaado waa in uu kala soocnaada oo waxaad sheegaysaa aan wax kale loo malayn. wixii san iyo wixii xumi si loo kala garto waa in ay kala dhawaaq ahaadaan. Ereyada wixii isku asal ahi dhawaaq iyo ereyba way wadaagi karaan laakin laba ficil oon is-fal gelin erey ma wadaagi karaan isku dhawaaqna ma noqon karaan tusaale imika hadii aan ku idhaa Hebelow orod oo HALKA NADIIFI OO XAADH iyo HALKA NADIIFI OO XAAR iyamaa weedh faa'ido leh oo qof miyirqaba yidhi lagu sheegi karaa afsomaligu wa midho lugu wada hadlo yaan la isku qaldin. (xaadh - xaar)-(gogola xaadh - gogol xaar)(xeedho - xeero). labadan erey waxay samaynayaan micne aad u kala gedisan. waxa jira ereyo english ah oo erey lamid ah oo french ama dutch aad aragtid oon isku micna ahayn, sidaas oo kale ayuu afsomaliga Waqooyi iyo konfur mararka qaar aad moodaysaa. (waxaan se iswaydin mudan weedha gogol xaadh ma adeegsan somalida koonfureed) ereyada Dadka loo adeegsado ----------------------------------- Gabadh - Gabdho = woman and women ('gabadh' somalida Waqoyi, Itoobiya iyo jabuuti waxay u yaqaanan gabadha guur soo martay ama ha la qabo ama carmal/garoob ha noqoto midkay doonto. laakin Koonfurta Gabadh waxaa looga yaqaana ilma aad dhasho ee dhedig ah 'waa arin af kala qaad ah') Waxa jira aduunweynaha qowmiyado iyo qabiilo badan oo luqad afkooda iyo carabkood ku qallaad ka dhigta, luqadooda 1aad. tusaale waxaa inoogu filan Jamaica waxay ku hadlaan english, laakin waxaa ku dhex jira oo ka buuxa ereyo ku abtirsada galbeedka africa oo ah dhalasho ahaan halkay (Jamaicans) kasoo jeedan. dhawaaqi afkay qaaten(english) oonay ereyga dhawaaqisi saxna ku dhawaaqi karayn. taasi waxay sababtay afkii ay qaaten in uu dhalangedismo. hadaba ma laga yaaba in afsomaligu dad la'dhashay!, dad kalena sidaa jamaican ugu barbaaren English ee hadana afkoodi hooyo iyo english-ta isku qasayaan, ay iyaguna afsomali iyo af-gudhuu kale isku qasaan ooy u yaqaanan afsomaligii saxnaa. Anaga afsomaliga naga barta dhaxal awoow weye ku dhawaaqida afsomaliga Macalinka afsomaliga Xaaji Xunjuf.
  6. Maleeshiyada Nabadiidka Oo Ergadii Colaada Kalshaale Ugu Hanjabay Haddii Ay Buhoodle Soo Galaan Inay Weerari Doonaan Iyo Ciidamada Qaranka Oo Heegan Culus Galay Hargeysa November 22, 2010 (Haatuf) – Maleeshiyada Nabadiidka ee Buhoodle ayaa Ergadii Madaxdhaqameedyada ee isku xilsaaray daminta colaadii ka dhacday deegaanka Kalshaale oo la filayey in maanta ay u ambabaxaan degmada Buhoodle ayaa ugu hanjabay haddii ay soo galaan Buhoodle inay weerari doonaan, iyagoo gogosha wada hadalka odayaasha dhinacooda soo jeediyey in lagu qabto tuulada Kalshaale ee dagaalka labada beelood ka dhacay Salaasadii todobaadkii hore. Eragada Madaxdhaqameedyada ee isku xilsaaray daminta colaadaasi ayaa shalay beesha Qori-lugud si buuxda uga helay kalsoonida Nabada ee labadooda beelood eek u dagaalay Kalshaale, taas oo la filayey inay maanta ugu kicitimaan Buuhoodle Ergadaasi si ay Kalsooni iyo inay Nabadqaataan uga soo helaan Isimada deegaankaasi Buhoodle. Afhayeenka maleeshiyada nabad-diidka C/risaaq Bakayle ayaa Haatuf u xaqiijiyey xalay mar aanu khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan Buuhoodle waxna kaga weydiinay talaabada ay madaxdhaqameedyada ugu diideen inay soo galaan deegaanka Buuhoodle isagoo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “SSC way diiday in lagu wada hadlo Buuhoodle soona galaan madaxdhaqameedku, waxaananu soo jeedinay in lagu wadahadlo meeshii dagaalku ka dhacay ee Kalshaale, hase yeeshee waxaanu markii dambe ku go’aan qaadanay anaga iyo odayaasha Buuhoodle in gogosha wadahdalka laga dhigo Maygaagle” Dhanka kale garaad C/laahi Gaaraad Soofe oo ah afhayeenka madaxdhaqameedyada Buuhoodle oo aanu wax ka weydiinay mawqifka nabad-diidka inay la qabaan iyo in kale iyo waxa uga qorshaysan ergada ugu soo kicitimaysa Buuhoodle, ayaa isagu ka warwareegay kana gaabsaday inuu si cad uga hadlo arrinkasi waxanu yidhi “Wax war ah oo aan bixinayaa ma jirto khayr baanan rajaynayaa arrinkaa mar hadaanay nimankaasi noo imana maxaan ku hadlaa” ayuu yidhi Dhinaca kale ilo wareedyo aanu ka helay dad ku sugan degmada Buuhoodle ayaa noo xaqiijiyey in wafti wasiiro ah oo ka socda maamulka Puntland ay soo gaadheen shalay galab magaalada Buuhoodle wada hadalana ay la yeesheen maamulka kooxda nabad-diidka iyo odayaasha reer Buuhoodle, hase yeeshee waftigii xukuumada Somaliland u xilsaartay badhitaarka daminta shaqaaqada Kalshaale ayaan iyagu ilaa hada wali dhaafin magaalada Burco, islamarkaana aan gaadhin deegaanka Qori-lugud ee madaxdhaqeedyada iyo hogaanka saddexda xisbi ay ku sugnaayeen muddo shan maalmood ah, iyadoo wakhtigan xaadirka ahna ay muddo dhawr maalmood ah ciiidamda qatranka Somaliland ay ku sugnaayeen deegaanka Maygaagle oo soddon Km magaalada Buuhoodle ka soo xigta dhanka degmada Qori-lugud, taas oo ah meesha ay maamulka nabad-diidku ay sheegeen in gogosha wada hadalka la dhigo, hase yeeshee xukuumadda Somaliland iyo ergada madaxdhaqameedka isku xilsaaray nabadaynta labadaa beelood ayaan la ogayn ilaa hada mawqifka iyo talaabooyinka ay ka qaadan doonaan go’aanka ay gaadheen maleeshiyada nabad-diidka, hase yeeshee ilo xogogaal ah oo ku sugan jiida Maygaagle ayaa noo sheegay in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaasi ay heegan culus galeen xalay, isla markaana xoog saareen amaanka iyo isku socodka deegaanada u dhexeeya Buhoodle iyo Kalshaale ay colaadu ka aloosan tahay. Dhinaca kale beesha degmada Qurilugud ayaa iyagu ergada madax dhaqmeedada ee daminta colaada Kalshaale ku hawlan iyo ergada golaha guurtida si buuxda ugu cadeeyay inay qaateen Nabadd, isla markaana ay siyeen kalsooni buuxda oo ku wahjahan dhex dhexaadinta labada dhinac, taas oo ay ka soo qayb galeen boqolaal madax dhaqameedo ah oo iskaga kala yimid gobolada iyo degmooyinka dalka.
  7. it's getting worse by the day it seems also the clan wars are reaching Mudug
  8. SOMALIA: What use is AMISOM? leave your own! Share “What use is AMISOM” is what is often heard not by Somalis that have been allegedly shelled by its peacekeepers but by UN diplomats at OCHA, UNSOA, UNPOS and Arab embassies here in Nairobi. The 7000 plus peacekeeping force with its civilian staff have been in Somalia for almost four year now and have hardly achieved anything real results. While not achieving results in Somalia is nothing new when one looks at the history of UNDP and UNPOS, AMISOM’s failure to date has been due its leadership and its inability to strengthen talent and recruit qualified staff. This is a typical African failure. Given that AMISOM is Africa’s first peacekeeping mission one would expect the AU to take the issue of Somalia with sincerity and seriousness rather than send second class diplomats to work on an issue that seen thousands of innocent Somalis die at the hands of warlords, terrorists and peacekeepers. The African Union’s first mistake was to appoint the current Somali Envoy, Ambassador Boubacar Diarra to such a demanding critical task. Ambassador Diarra is no doubt a good man and Muslim but he lack the intellectual rigour and vision to resolve the current Somali crisis. According to diplomats in Nairobi, Ambassador Diarra is unable to perform diplomatically and has become an embarrassment to AMISOM. An example was Ambassador Diarra’s first visit to Mogadishu. It took the former Ambassador Ould Abdallah and the AU Commissioner for Peace and Security to force him to visit Mogadishu. Such an act of cowardice has not only made Ambassador Diarra a target for ridicule within AMISOM security circles but made his relationship with the TFG extremely difficult. Unlike the TFG relationship between Nicolas Bwakira the former Somali Envoy who developed good relations within the TFG and its presidency Ambassador Diarra has not relations with TFG. In fact, when Ambassador Diarra wants to speak to TFG members or the president he has to go via his US-Burundi intelligence officer who Somalis from the Jubaland have issued a fatwa on. Recently, the AU has decided to sack AMISOM’s Police Unit for poor performance and gross infighting here in Nairobi. This means that AMISOM has no Police Unit to work with UNDP and the Somali Police Force. By December, training of Somali police with end, which means al Shabaab and corrupt TFG police, can continue extorting money from innocent Somalis. Advertisement - article continues below » Politically, AMISOM under the leadership of Ambassador Diarra has failed to take the initiative to promote reconciliation among the warring Somalis. According to one source, Ambassador Diarra believes Sheikh Hassan Dahir Aweys is untrustworthy and refused to negotiate with him. AMISOM’s failure to think big has meant that UNPOS under the direction of Bruno Mpondo has taken the lead to begin talks with Hizbul Islam that start in Finland this year. Whether UNPOS will bring to the negotiation table Sheikh Hassan Dahir Aweys is not the real issue but that UNPOS are still trying to carry out their political mandate. Militarily, AMISOM has meant the difference between the corrupt TFG and the terrorists of al Shabaab but here again AMISOM under Ambassador Diarra has failed to show vision. The victories of AMISOM in Mogadishu have been down to the skill of General Nathan Mugisha and his brave soldiers who have kept Mogadishu and Villa Somalia from being a base for Al Qaeda and al Shabaab. The question here is why has AMISOM not taken advantage of this politically? Why has AMISOM (Ambassador Diarra) refused to authorise AMISOM civilian staff deployment to Mogadishu to assist General Mugisha and his men? Without an AMISOM civilian presence in Mogadishu AMISOM’s military victories will mean nothing and the Somalis will continue to be the victims. In conclusion, as the end of TFG’s mandate nears in August 2011 the AU and AMISOM need to think seriously whether Ambassador Diarra is the right diplomat to deal with the many more and serious crisis that we are due to witness next year in TFG. Should TFG collapse before its time it will be due to the weak role of AMISOM leadership and not only the weakness of TFG. The UN was wise to sack Ambassador Ould Abdallah (and keep Bruno Mpondo). The AU should now think big.
  9. Originally posted by NinaNC: ^Too much kiyaakare halkaan. Yaa leh yaa leh kulahaa! War heedhaha, ma nii sheegaa yaa iska leh? It is mine ok! there, I have said it!. Car sheegta magaaladeyda mar danbe, weji kaneecoyaashaa tihiin maxaan dhahaa. Eeebow xammar unukka leh
  10. Xaabsade Oo Ku Tilmaamay Dadkii Ku Dhintay Dagaalka Kalshaale Kaa Dhimay Oo Kugu Dhimay Written by Qaran news Nov 21, 2010 at 12:35 PM Siyaasiga Xaabsade Oo Ku Tilmaamay Dadkii Ku Dhintay Dagaalka Kalshaale Kaa Dhimay Oo Kugu Dhimay Hargeysa,(Qaran news) - Siyaasiga Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa ku tilmaamay dagaalkii dhex maray Salaasadii todobaadkii hore beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle ee khasaaraha dhimashadu ka dhacday kaa dhimay oo kugu dhimay, isagoo intaa ku daray in beelaha walaalaha ahi aanay ku kicin mar kale dagaalo dad kale ku dhintaan. Siyaasiga Axmed Xaabsade waxa kale oo uu hogaan dhaqameedka labadaasi beelood usoo jeediyay inay u dhago-nuglaadaan ergada madaxdhaqameedyada ee dadaalka u galay daminta colaadaasi, isagoo dhinaca kalena ku baaqay in laga ilaaliyo wixii siyaasad ah ee wax u dhimi kara, soona jeediyay in hab-dhaqan lagu dhameeyo wixii dhibaato ah ee ka dhacay colaada ka aloosan deegaanka Kalshaale. Xaaji Axmed Cabdi Xaabsade waxa u sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka ugu waramayey isagoo wakhtigan xaadirka ah ku sugan Caasimada Hargeysa. Isago ugu horayn ka hadlaya baaqiisaana waxa uu yidhi "Waxaan marka hore tacsi u dirayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay iska horimaadkii dhexmaray labad beelood ee walaalaha ah intii ku dhaawacantayna waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu u fududeey. Run ahaantii waxaan u arkaa dagaalkaasi dhex maray labadaa beelood ee walaalaha ah ee isku abtiga ah iyo Seediga ah dadkii ku kala dhintayba Kaa dhimay oo kugu dhimay, waxaanan ugu baaqayaa inaan wax kale lagu darin wixii dhacay, islamarkaana la soo afjaro lana wadahadlo xabada iyo hubkana la dhigo waxba tari mayso, dadkiina dagaalamayaana waxaad tihiin dad aan kala maarmi Karin oo isku deegaan kaliya wada degan colaada sokeeyana waa maradaa kugu gubatay, xalkuna waxa uu ku jiraa in labadaa beelood wada hadlaan hogaan dhaqameedkuna dhex galaan oo arrin dhaqan lagu dhameeyo wixii dhacay' Mar uu ka hadlayay madaxdhaqameedyada beelaha kale ee Somaliland ee ergada nabad raadinta ah ugu baxay deegaanka Kalshaale ee colaadu ka dhacday iyo degmooyinka Qori-lugud iyo Buuhoodle waxa uu yidhi "Madaxdhaqameedyada ugu kicitimay deegaanadaa Qori-lugud iyo Buhoodle ee isku xilsaaray deminta colaadaasi waan soo dhawaynayaa waxaanan labada beelood ee walaalaha ah ugu baaqayaa inay u hogaansamaan ergada dhexdhexaadinta ah ee talooyinka ay usoo jeediyeen, lagana fogaado waxkasta oo turunturo iyo xagal daac ku noqon karta, deminta shaqaaqadii dhacday , waxaanan ku boorinayaa labada dhinacba ‘ Waar Tolow Colka Jooja' oo nabada qaata, dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiIl kuma dhasho.
  11. Siyaasiga Xaabsade Oo Ku Tilmaamay Dadkii Ku Dhintay Dagaalka Kalshaale Kaa Dhimay Oo Kugu Dhimay “Waxaan Ugu Baaqayaa Beelaha Walaalaha Ah Waar Tolow Colka Jooja,” Axmed Cabdi Xaabsade Hargeysa, November 21, 2010 (Haatuf) - Siyaasiga Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa ku tilmaamay dagaalkii dhex maray Salaasadii todobaadkii hore beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle ee khasaaraha dhimashadu ka dhacday kaa dhimay oo kugu dhimay, isagoo intaa ku daray in beelaha walaalaha ahi aanay ku kicin mar kale dagaalo dad kale ku dhintaan. Siyaasiga Axmed Xaabsade waxa kale oo uu hogaan dhaqameedka labadaasi beelood usoo jeediyay inay u dhago-nuglaadaan ergada madaxdhaqameedyada ee dadaalka u galay daminta colaadaasi, isagoo dhinaca kalena ku baaqay in laga ilaaliyo wixii siyaasad ah ee wax u dhimi kara, soona jeediyay in hab-dhaqan lagu dhameeyo wixii dhibaato ah ee ka dhacay colaada ka aloosan deegaanka Kalshaale. Xaaji Axmed Cabdi Xaabsade waxa u sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka ugu waramayey isagoo wakhtigan xaadirka ah ku sugan Caasimada Hargeysa. Isago ugu horayn ka hadlaya baaqiisaana waxa uu yidhi “Waxaan marka hore tacsi u dirayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay iska horimaadkii dhexmaray labad beelood ee walaalaha ah intii ku dhaawacantayna waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu u fududeey. Run ahaantii waxaan u arkaa dagaalkaasi dhex maray labadaa beelood ee walaalaha ah ee isku abtiga ah iyo Seediga ah dadkii ku kala dhintayba Kaa dhimay oo kugu dhimay, waxaanan ugu baaqayaa inaan wax kale lagu darin wixii dhacay, islamarkaana la soo afjaro lana wadahadlo xabada iyo hubkana la dhigo waxba tari mayso, dadkiina dagaalamayaana waxaad tihiin dad aan kala maarmi Karin oo isku deegaan kaliya wada degan colaada sokeeyana waa maradaa kugu gubatay, xalkuna waxa uu ku jiraa in labadaa beelood wada hadlaan hogaan dhaqameedkuna dhex galaan oo arrin dhaqan lagu dhameeyo wixii dhacay’ Mar uu ka hadlayay madaxdhaqameedyada beelaha kale ee Somaliland ee ergada nabad raadinta ah ugu baxay deegaanka Kalshaale ee colaadu ka dhacday iyo degmooyinka Qori-lugud iyo Buuhoodle waxa uu yidhi “Madaxdhaqameedyada ugu kicitimay deegaanadaa Qori-lugud iyo Buhoodle ee isku xilsaaray deminta colaadaasi waan soo dhawaynayaa waxaanan labada beelood ee walaalaha ah ugu baaqayaa inay u hogaansamaan ergada dhexdhexaadinta ah ee talooyinka ay usoo jeediyeen, lagana fogaado waxkasta oo turunturo iyo xagal daac ku noqon karta, deminta shaqaaqadii dhacday , waxaanan ku boorinayaa labada dhinacba ‘ Waar Tolow Colka Jooja’ oo nabada qaata, dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiIl kuma dhasho.
  12. Ciidamada Somaliland oo lagu amray in ay galaan Buuhoodle Hargeysa-Nov -20-10-(SDN)-Ciidamada Soomaliland ayaa amar lagu faryo in ay xarun ka sameystaan gudaha degmada Buuhoodle uu siiyay madaxweynaha Somaliland oo iminka safar ku jooga dalka Britain. Taliyaha ciidamada Somaliland Gen. Nuux Taani iyo ku-xigeenkiisa Col.Caydiid Dhadhable ayaa maalmihii u danbeeyayba ku sugnaa duleedka degmada Buuhoodle halkaana ku diyaarinayay ciidamo halkaa sal dhigan doona. Talaabadan ayaa waxa soo dedejiyay dagaal dhawaan degaanka kal-shaale ku dhexmaray laba beelood oo wada dega degaan hoos taga degmada Buuhoodle. Madxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo booqday dalka Itoobia todobaadkan ayaa halkaa madaxdii uu kula kulmay waxa ka mid ahaa madaxa ciidamada Itoobiya Gen. Samora Yunus oo waxyaabaha ay ka wada hadleena ay ka mid aheyd arinata jabhada SSC ee xarunteedu tahay degmada Buuhoodle. Genanaka iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa isla soo qaaday sidii ay Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland isaga kaashan lahaayeen kooxaha xag jira ee ku soo fidaya degaanadooda. Gudoomiyaha Jabhada SSC Saleebaan Xaglatoosiye iyo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa todobaadkan booqasho ku tegay magaalada Muqdisho,inkasta oo aan la shaacin ujeedada safarkooda iyo in ay la kulmeen madaxda dawlada shariif sheekh Axmed hadana waxa la sheegay in xubno ka tirsan dawlada ay caasimada ku casuumeen. Waxa degaanadii dagaaladu saameeyeen iminka ku sugan ergo 40 xubnood ka kooban oo isugu jira sadexda xisbi qaran ee Somaliland oo uu dhawaan magacaabay ku-simaha madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Saylici si ay u qaboojiyaan xaalada colaadeed ee halkaa ka jirta. Sidoo kale waxaan waxba ka soo bixin baaq nabadeed oo dhawaan uu ku baaqay madaxweyne Siilaanyo iyo gudi uu arintaa u saaray oo kulan qura la yeeshay mid ka mid ah Madaxdhaqameedka Sool Garaad Abshir Saalax oo wax ka soo baxay aaney jirin. Isku soo wada duuboo waxa la eegaaba waa in Buuhoodle noqon doonto goob dagaal daba dheeraada uu ka curto iyo in sidii Laascaanood maamulka Somaliland sal dhigto.
  13. alayraxma raximin, hadana ma salaadinti ba la laynaya
  14. Originally posted by Che -Guevara: ^Your source of pride for you eh,what do you get in return for being just loyal servant? its just all politics my friend no emotions whats so ever. Somaliland and Ethiopian relations are pure politics and business.
  15. Somaliland president gets a better welcome then the recognized sh dalxiis in Ethiopia lol
  16. perfect great stuff nice welcome for the president. Che since when its xaraan to visit neighboring countries siilaanyo will visit ethiopia djibouti kenya
  17. dee ethiopia u sheeg melez u sheeeg dadka somaliland ciid kama rabno eeh hana dayaan
  18. Anaga Puntland ahaan 3 wasiir ayaa nagu magacaaban xukuumada labo ka mid ah Ninka Madaxwaynaha ah ayaa bililiqaystey oo keensadey wax lala yaabo weeye wasiiro laka bililiqaysanayo anagu arintaas yeeli mayno nama matalaan” ayuu yiri Madaxwayne Faroole. waxan maqli jiray kuraasi iyo hubka casriga la biliqeystey laakin wasiir dhan oo la biliqeystey
  19. Originally posted by oba hiloowlow: aniga waxaan la yaabanahay waxa waaye sabab ayay niman reer somaliland xil ugu heli karaan dowladda somaliyeed, ileen nin xamari dowladda siilaanyo ku arki meyside. Dee maad iska so eridaan, maxay idin ku joogaan war iska so erya niyo. ciidan idin keeni mayaan dad idin keeni mayaan idin tageera , wa just kharash idinka lumay , suldaan dallabay ba sheegey . dadkasi dawlad bey yeesheen halkooda hanaga joogaan
  20. ilahay ha kala qaboojiyo maalintan farxada badan eeh ciiid al adxa