waad salaaman tihin dhamaan akhiyaarta rag iyo dumarba leh waxaa fiican hadii aynu nahay dad abuuran oo ku nool aduunkan dushisa loona yaqaan somali kuna hadala afkeliya lehna diin keliya in aynu wax ka ogaano dhaqankeeni ku saabsanaa xaga guurka kaas oo aan gaar ahaan aad u xiiseeyo inaan helo fikrado iyo odhaa kala duwan taas aan rabi in aan kaga faa idaysto nolashayda mustaqbalka mana rabo af lagaado iyo cay
qofkii aan khibrad ama aqoon u lahayn waa in uu akhristaa oo dhaafa hadiise aad isku daydo inaad ka jawaabto su aal aadan aqooon u lahayn jar baad ku dhici inaad caytantona waa wax fudud markaa waxaan rabaa in aan ogaado
{WAA MAXAY SIFADA AMA ASTAANTA WIILKA AMA INANTU AY KU GUURSAN LAHAAYEEN}
qofkii jawaabta haya si yar oo hufan ha usoo qeexo isaga oo eegaya 1-diinta islaamka
2-dhaqanka dalka somalia ama somaliland mid kasta.waxaana weliba jeclahay in qof xaas ah ama soo maray uu ka jawaabo
waayo waxaynu oran karnaa wuxuu u leeyahay khibrad aynaan lahayn inteena kale
waadna mahad santihiin dhamaantiin