Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo xalay Gobalka Bari ku dhaxmaray ciidamada Mujaahidiinta deegaanka Galgala iyo Maleeshiyaad hubaysan oo daacad u ah Cabdi Raxmaan Faroole. Dagaallo culus ayaa xalay saqdii dhexe ilaa iyo saaka ka socday degmada Galgala waxaana jira khasaara xoogan oo soo gaaray Maleeshiyaadka PIS-ta Puntland oo dhibaata ku haysay shacabka degmadaasi. Saraakiil katirsan Mujaahidiin oo lasoo xariiray Shabakadda SomaliMeMo ayaa faah faahin dheer ka bixiyay qaabkii uu dagaalku u dhacay iyo Natiijada ay kala gaareen labada dhinac. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Ciidanka Mujaahidiinta deegaanka ay xalay saqdii dhexe weerar kusoo qaadeen Maleeshiyaad Fariisin ciidan ku lahaa Garoonka Kubadda cagta ee galgala waxaana halkaas ka dhacay Dagaal gacmaha layskula tegay. Sida ay saraakiishu xaqiijiyeen dagaalka waxaa ka horeeyay Madaafiicda Hoobiyaha oo ay Dadka deegaanku ku garaaceen xerada ciidan kadibna waxaa u daatay dagaalyahanada deegaanka. Markii uu dagaalku in Mudda ah socday ayaa la arkay maydad iyo dhaawacyada Maleeshiyaadka oo daadsan goobta, waxaa jira gaadiid dagaal oo laga gubay Maleeshiyaadka PIS. Wararka ayaa intaasi raacinaya in Maleeshiyaadka intooda badan ay ka bexeen magaalada balse ay joogaan kuwa go'doon ah oo laba maalin ka hor gurmad ugu yimid Gaari Jeemis ah oo laga gubay Puntland. Saraakiisha Mujaahidiinta waxay sheegayaan in Maleeshiyaadkaasi ay isdhiibi doonaan ama iyagoo dagaalamaya ay gacanta lagu dhigi doono maadaama aysan haysan meel ay gurmad ka helaan oo wadooyinka ayay Kamiino dhigeen xoogag deegaanka ah. Ilaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Faroole oo ku aadan Khasaaraha Ciidankiisa kasoo faaray dagaalada ka socda Buuralayda Galgala waxaana muuqanaysa in PIS ay ku jabeen dagaalka ay ku qaadeen dadka deegaanka ee qaatay shareecada alle.
  2. They are not burning it to dispose it, but to show their disrespect to the Koran.
  3. Ibtisaam, your 'written' Somali is improving, keep it up!. Qabiil lama ogola halkan, you want us banned?.
  4. BOB maxad iigu waceysa Damiin. Af Somaliga ma adiga oo keliya ba leh? ^Intaas maadigaa qoray, billaahi calayk?
  5. ^Looma ooyaanka waxa igala daran term-ka kale eed adeegsatay ee 'argagaxisada'. Yes, i called for that, but our friend saw otherwise, hence this post, hadduu xidhnaan lahaa 'urge'ga waa banjari lahaa maaha? . Ramadaan Mubaarak, Akhe al Kareem. (surirtu bi muroorik)
  6. Sida dadkiina Nagu xidhan aad Horay u aragteen waxaan soo daabacnay dhawaan Maqaal aan Ku Lafa Gurayno Dhibaatooyinka Wax loo Yaqaan Asha’haado la Dirarka ama PIS- Puntland Intelgent Service- kuwaasi oo Xarun Balaadhan ku Leh Bosaaso, Maqaalkayagii Hore waxaan Sheegnay sida ay ku Bilowbeen iyo Dadkii la xidhay ee ay Qabteen Kooxdaasi. Laantaasi loo Yaqaan Asha’haado la Dirar waxay Abuurmeen Guud ahaan 2003- ayay soo Gaadheen PL Waxana Dhidibada u Taagay Nin la Yiraaho Cismaan Diyaano kaasi oo Ku Dhashay Degmada Qardho ee Kar Kaar ka Tirsan. Hase Yeeshee Bilowgii Sanadkii 2002- ayaa dadka Islaamku Maqleen erayga Asha’haadu la Dirarka, Dawlada Maraykanka ayaa Markii ay Gashay Dalka Af-Qaanistaan waxay ka Abuurtay Barnaamij la Yiraahdo Dabarjarka Xagjiriin`zta iyada oo Markii danbena Balaadhisay oo ka dhistay Halkaasi Ciidamadu La mid ah Kuwa Puntland laga Unkay ee PISta. Sidoo kale Galintaankii Marakaynka ee Ciraaq Sanadkii 2003- ayaa USA, Isticmaashay Fekradii ay Af-Qaani ku Abuurtay ee ahaa Asha’haado la Dirar kuwaasi oo Ugaadhsan Jiray dadka Masaajidada ka Akhriyay Khudbadaha Goobaha Diinta Islaamka Lagu Barto. Kooxdan Dhiig Miiratada ah ayaa Magaalada Bosaaso ka dhistay Laba Xarumood oo Magaalada Kaga Yaal Galbeedka iyo Bari kuwaasi oo aad loo ilaasho Galitaankooda iyo in Xitaa lagu soo dhawaado. Dadka u Shaqeeyaa waxay Ukala Baxaan Dhawor Nooc qaar Madaxa Sare isku sheegta oo aan La arag dhif iyo Qaliil Mooyaan iyo Kuwa Askar ah oo Gaadiid Gaashaaman Saaran iyo kuwa kale oo Dharcad Laakiin Qolada danbe ee dharcad ah ayaa ah kuwa Shaqooyinka Ugu badan Qabta. Sirdoonka Dharcad ah ee PIS-tu waxay qabtaan Shaqooyinka inta ugu badan Tusaale ahaan waxay Soo dhega dheegayaan Masaajidada gaar ahaan Maalmaha Ciida u ah Muslimiinta ee Jimcaha kuwaasi oo qaarkood Fahasan Luqada Carabiga Madaama Khadiibku uu Luqada Carabiga ku soo Jeediyo. Qolada Masaajidadu inay aad u shaqeeyaan waxa la Ogaaday markii dhawor Jeer la xidhay Imaam Masaajid iyo Khadiib ayaa dadku is Waydiiyeen sida ay Ragani ku ehelaan Macluumaadka uu Khadiibku ka Akhriyo Masaajidka. PIS-tu ama Asha’haada la dirirku waxay Xarun ku Leeyihiin Magaalada Gaalkacayo waxana Mar Degmada Joogi Jiray oo Xafiiska PISta Maamuli Jiray Nin Ka soo Jeeda Beelaha Gobolkaasi oo lagu Magcaabo Darwiish kaasi oo ahaa Xulufadii C/laahi Yuuusf ee Muqdisho Joogi Jiray. Sidoo kale Gobolka Sanaag ayaa waxa Jooga Nin la Yiraahdo Xaaji Ismaaciil Maxamed Shire kaasi oo Buuraha Calmadow Sawir Been iyo Jaah wareerin ah intuu ka soo qaado ku sheega inay Joogaan Kooxo Nabad diidayaal ah, In kastoo ay Jiraan ayaamahan warar sheegaya in Ninkaasi xilka Laga qaaday oo Mid kale oo isla Gobolka ah Loo dhiibay. Dadka ay Xidhaan Kooxdaasi aan Kor ku sheegnay waxay u badanyihiin Barayaasha Dugsiyada Quraanka Ardayda dhigata Jaamacadaha Gaar ahaan Kuliyada Shareecada Islaamka. Qof ay mar qabteen Kooxdaasi dhiig Miiratada ah ayaa noo sheegay isaga oo ka Cudur Daartay in Magaciisa la sheego inay PIS-tu ay dadka Su’aalaha Ugu Horeeya ee ay Waydiiyaan ay tahay 1-Qabiilkiisa 2-Xagee ku dhalatay 3- Waligaa Niyadaada ma Galisay in la Tir Tiro Laantta PISta 4- Kooxo Islaamiyiin ma U Dagaalanta iyo Wax yaalo kale oo aan Caadi ahayn. PIS-tu Waxay ciidamada kale kaga Duwanyihiin oo ay Dhalinyarada Askarta ah ku Jiitaan ayaa ah Dhaqaale iyaga oo Siiya Mushaharaad Kayara Kobac San kan uu qaato Askariga Alif La ah ee Puntland. Dhacda ay ku Caan baxeen PIStu waxa ka mid ah Waxay Dilaan Ruux kasta oo Meel Fagaara ah ka sheega inay Dulmi wadaan ama u Olaleeya in la Tir Tiro Kooxdaasi way Beegsadaan Qof kasta oo Hadafkooda ka soo Horjeensada ama ahaato Shacab aha Dawlada xitaa Qof u shaqeeya oo aan la dhacsanayn Shaqooyinka Kooxdaasi. Sidoo kale waxay Dilaan oo aan Laba Laba ahayn Ruux ka Toobad keena oo Shaqadooda ka Baxa Kaasina way dileen si aanu u Bixin macluumaad dheeraad ah oo ku Saabsan PISta Madaama uu wax badan ka mid ahaa wuxu Heli karayaa oo si Hufan uga sheekayn Karayaa Shaqooyinka kooxdaasi. Xuquuqda Qoraalka GalGalanews La Soco Qaybta Sadexaad
  7. Xogdhab ah Ciidamada Shahaado la dirirka, PIS ?! August 14, 2010 By Somali Xog yar oo kooban oo ku saabsan ciidamada shahaado la dirirka, ee ka jira Puntland, Ciidamadan oo Dawlada Puntland u taqaano PIS oo ah “Puntland Intellegency Security”, balse si ka duwan taasi ay uyaqaaniin umada Soomaaliyeed iyo guud ahaanba shacabka Puntland oo ah “Shahaado la dirir“, Ciidamadani waa kuwo ka madax banaan masuuliyiinta Puntland waxayna si toos ah uga amar qaataan ciidamada maraykanka ee degan geeska Africa gaar ahaan Saldhiga Jabuuti, waana ciidamo loo aasaasay ladagaalanka waxa gaaladu ugu yeedho Argagaxisada, oo si toos ah uga hawlaga gudaha Puntlanda. Ciidamadaan mushaharkooda,dirayskooda iyo kharashaadka hawlgaladoda waxaa qaba dawlada USA si gaar ah iyo si guudba iyada ayaa u bixi wax allaale iyo wixii ku baxaaya ciidamaka ladagaalanka shahaadada Islaamka, w Ciidamadani horaantii dawlada Puntland waxa ay uga diiwaan gashanaayeen hab sirdoon ahaaneed oo ma aysan lebisnayn dirays ugaar ah xeryo ay ka hawlagalaana ma aysan lahayn. kagadaal markii uu dhacay khilaafkii Cabdilaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse, oo miisaanka wada hadalka laysugu keenay labadooda heshiikii uu hogaaminayey Suldan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Boqor Buurmadow ayaa waxaa soo shaacbaxay in ciidamadii cade watey ee loo yaqiiney GBB ama “Golaha Badbaadada Boqorada” ay yeeshaan awood gaar taasi oo loo tigelinayey hogaamiye beeleedkii watey balse maamul ahaan u hoos iman jiray Maamulkii Cabdulaahi Yuusuf. Markii uu xilka Federaalka Soomaliya qabsaday Cabdulahi Yuusuf ee uu kii Puntland ku wareejiyay Cade Muuse oo ahaa hogaamiye beeleed dagaal lagalay waagasi Cabdulaahi Yuusuf ayaa awoodii ciidamadii sirdoonka maraykanka waxaa sitoos ah loogu dhiibey mid kamida abaandulayaashii jabhadii GBB oo loo yaqaaney Cismaan Diyaano kaasi oo hawlgalo balaadhan ka fuliyey deegaanada Puntland oo uu kaga ganacsan jiray masaakiin kasoo shaqo tagtay Koonfurta Soomaaliya oo uu diyaarado kaga rari jiray gudaha Airport-ka Boosaso iyagoo kujira jawaano afka iyo gadaal ka xidhan. Ciidamadan oo markii hawlgal loo diroba waxa ay si toos ah u beegsan jireen macalimiinta malcaamadaha ee kasoo hayaamay koonfurta Soomaaliya waxa ayna gacanta u gelinjireen cadowga islaamka ee fadhiya ee Geeska Africa, in badan oo dhacdooyinkaasi ka mid ahi waxa ay si toos ah uga dheceen gudaha Boosaaso waxaana kamid ahaa dhacdo Nin Falastiini ah oo qaxooti ahaan Boosaso ku joogay loogacan geliyay maraykanka iyo Nin Yemeni ah oo ka gacansan jiray warshad biyaha oo ku taala Boosaaso. Markii dadka masaakiinta ahaa ee looma ooyaanka ahi ay dhamaaden, ayaa kooxda ladagaalanka shahaadaha Islaamka oo maalinba maalinta ka danbaysay sii xoogaysanayey awoodooduna ka sii balaadhanaysay waxa ay si toos ah uga madax banaanadeen maamulkii Puntland, waxa ayna bilaabeen in ka ganacsadaan dhiiga dadka u dhashay Puntland, walow culimadu ay horaantii ka damqatay waxbadana ay katiri arinka dadka masaakiinta ah ee ladhoofinayo. balse kama danbystii waxaa si toos ah logusoo badheedhay culimadii Puntland oo in badan oo kamid ah lagu xidhay jeelasha ciidanka shahaado la diririka, waxaa ragaasi ka mid ahaa Shiikh Cusmaan oo ah nin lagu ayqaano Al amru bil macruuf wa nahyu Canil munkar,oo dhowr jeer jidhdil ay u gaysteen ciidanka shahaado ladiriku, sidoo kale waxaa jeelka ay dhigteen Sheekh Gacamey oo ka mid ahaa culimadii iyo macalimiinti dugsiyada sare ee Daraasaadka Islaamiga ah.Shiikh Cunbul Faarax Bile ayaa kamid ahaa Culimadii ay mudad ku haysteen jeelasha oo waraysiyo kadib ay soo daayeen iyagoo ugu daray Handadaado fara badan Sh. Cunbul wuxuu ka mid ahaa Ganacsatadii Puntland ugu tunka waynaa arinkiisana aad baa looga dareemay gudaha Puntland tanina waa tan keentay in si dhakhso ah loo sii daayo. Kuma ay ekaan intaasi oo keliya e ciidamad shahaado ladirirka PIS.ta waxa ay sii wadeen hawlagaladoodii iyagoo labo saldhig oo waa weyn ka kala samaystay gudaha magaalada Boosaso Madaxtyooyada Agteeda iyo Xaafada Laanta hawada, Waxaa aad loogu xassuustaa xasuuqii ay ugaysteen ardaydii iyo shacabkii ka gedooday ee ka mudaharaadayey dhaleecayntii Nebi Maxamed N.X.N. oo uu ku geeriyooday arday labo iyo toban jir ah oo xidhnaa maro ay ku qoran tahay laa’ilaaha ilaahu. Ciidanka la dagaalanka shahaadada Islaamku waxa ay sitoos ah ula wareegeen dhamaan hawlagaladii uu boooliska Boosaaso qaban jiray sida roondada iyo amaanka guud ee degmada iyadoo kutagri falay awoodii ciidan ay lahaayeen taasi oo keentay in habeen walba dhowr ruux si sahal ah boosaaso loogu dilo markii ay is afdhafaan mid kamida ciidamad maraykanka ee shahaado la dirirka ee ka hawlgala Puntland. Waxaa sahlanaantay nafta ruuxa ban’ii aadamka ahi uu ku lahaa gudaha Boosaaso,waxa ay ay gaadheen heer hoteelada waawayn e magaalada ay usoo tumasho doontaan haween ka ganacsada jidhkooda oo ka yimaada wadamka Jabuuti, Bilwalba ciidamada maraykanka ee jooga geeska waxa ay ka rabaan Report ku saabsan xaalka argagaxisada iyo hawlgalada ay fuliyaan taasina waxa ay ku kaliftay in ay magaalada dhexdeeda ka ridan qalaalaso si ay ugu hirgasho shaqadoodu ay u u helaan kharashaad iyo dhaqaale ay yiraahdaan waxaanu ku fulinaynaa hawlagalada dhanka amniga ah. Ciidamadani raga ay dhibeen waxaa ka mid ahaa Sh. Maxamed Siciid Atam oo dhowr jeer ay ka xidheen gudaha magaalada Boosaso iyo Jaamacada Bariga Africa oo uu ka diyaarin jiray kuliyada shareecada Islaamka. Atom waa Shakhsiga qudha ee radi ficli ka sameeyey falalkii xumaa ee bulshada muslimka ah loogu gaysanayey Puntland. taasi oo sharciga islaamka iyo xeerka umada Soomaaliyeedba uu kasoo horjeedo. sidoo kale waxaa isku dayay culimo badan balse waxa ay kala kulmeen handadaad iyo xadhig loo gaystay. Atom mawqifkiisa ah in lasoo afjaro ladagaalanka Shahaado la dirirka waxaa kala midaysan umada Puntland iyo Tan Soomaaliyeed oo idil maadaama waxani uusan ahayn dhaqan Soomaaliyeed. Ciidamadan khilaaf baahsan ayaa soo kala dhexgalay iyaga iyo Faroole oo isku dayay in uu kal diro balse Nasiib daro waxaa looga yeedhay Itoobiya isaga iyo hogaamiye Diyaano. waxaan alooa diay faroole cawaaqib xumada ku iman karta isaga iyo maamulkisa hadii uu faro gashada ciidamada PIS shahaado la dirirka. tanina waxa ay ku khasabtay in uu faraha ka qaado isagoo ilaashanaya kurisigiisa. Sida dhabta ah ciidamadani waxa ay ka hawlgalaan qaybo badan oo kamida Soomaliya,sida dawlada waqooyiga Soomaliya, Koonfurta Soomaaliya, iyo Puntland oo ay sitooh u qalabaysanyihiin, Ciidamada maamulka Waqooyi galbeedoo dhowr jeer gudbiyay dad ****** udhashay waxa la sheegaa in maamulka ay hoos yimaadaan halka kuwa Koonfurtuna hab sirdoon ahaaneed u shaqeeyaan. Xog dhab ah oo ku saabsan “PIS” ciidamada shahaado la dirirka ee ka hawlgala Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya La Soco Q/labaad La Xidhiidh Emailkan Galgalanews@Yahoo.com Qaybta labaad hoos ka akhri
  8. Juxa, I'm out of town! but i'm doing my bit in here and called a Shaykh from Masjidu Sunnah of Tottenham to do fund-raising, qaybtiinna aa dhiman in Ilaahey Adduun & Aakhiro idiin fududeeyo dadka caawiya 'Allah fii cawni al cabd maadaama al cabd fii cawni akhiih'[Allah helps his servant as long as the servant helps his brother].
  9. ^I know Yaa Shaykh, but its worth it, please help the needy displaced Somali fasting people, pay generously. I suggest Ibti and the girls do thier usual fund-raising for this matter. Jzkm Allah Khayran.
  10. Ibti, ha fududaan! thats not what he said, he said Jews were settled there before Somalis drove them away, marka hadda Soomaali baa deggane whats the problem?. And you accuse him of clannish when his message is 'reject Qabyaalad'?
  11. [edited] M, if you can't resize a picture, please provide a link to it, describing it. Link [ August 13, 2010, 09:17 AM: Message edited by: sheherazade ]
  12. Asalaamu Caleeeeykum. Xaa Xalay lagu baryay? Ibtisaam, Cafis & Duco'ba dhankeyga waad ka qabtaa.
  13. Masha Allah!. Waa talo & tusaale wanaagsan, Alle ha nagu anfaco.
  14. Juxa Maya, adiga waa inaad Masjidka Finsbury Park la socotaa!.
  15. Kullu Caam wa antum bi khayr Ramadaan Mubaarak Alle Sanadka dambe caafimaad qab & barwaaqo ha nagu gaarsiiyo. Astronomy Depts stated that its impossible for the moon to be sighted with bare eyes tomorrow, walithaalika berri waa 29 Shacbaan, Ramadan is either Wednsday ama Khamiis. Lankii af carbi kasaaw meelun ha tuujiya or here for English and Francais.
  16. ^^Markaad iiga shakisay inaan dad kale ahay baan iska kaa nacay Mahadsanid inaad i tebtay, Ramadaan Mubaarak.
  17. ^waan garanayaa'e waxaan u maleynayaa inaad is yeelyeeleysid, lakin A & T ilam adeeradiis waaye weliba kuwa Gaarisa u badan
  18. ^Cabdallihii ciyaal ziyaha inaad ula jeeddaan ka baqay!.
  19. ^Berri ha dhihin, waa saadambe ama saakuun!
  20. The 'Shike' kills all the people including his own, but Farole and and the PIS only kill 'more people'. What does 'Shike' mean?
  21. ^^ Daahir Orommo ma Faalkuu dhigaa? sidee buug uu mar hore qoray waxa saaka Boosaaso ka jira uga hadlaa?. Sxb, sidaad sheegtay haddey tahay waa Khayr & barako, lakin dadka Bosaso deggan kama fadli badna kuwa Galgala & Karin deggan, shar'tii aad walaalkaa la jeclaato adna filo!. Ps. Sida loo soo wada guuriyey baan anna internet-ka uga soo raray, haddaadse i leedahay: wixii aan rabo uun soo guuri waa gooni.
  22. Xiisada Dagaal oo Saaka ka taagan Magaalada Boosaaso iyo Xoogaga taabacsan Sheekh Atam oo magaalada dacal kasoo galay. Monday, 09 August 2010 05:11 administrator Xiisada dagaal ayaa saaka ka aloosan magaalada Boosaaso ee xarunta goalka Bari kuwaasi oo u dhexeeyay Maleesiyaadka Maamulka Cabdi Raxmaan Faroole iyo dadka deegaanka oo ka kacdoonsan Tacadiyaadka PIS-ta Ashahaadda ladirirka loo yaqaan. Wararka nagasoo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa xaqiijinaya in saaka magaaladu tahay mid Jiha wareer ka jiro kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in xoogag deegaanka Galgala ay gudaha magaalada soo galeen. Weriya ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sheegay in aan saaka albaabada loo furin goobaha ganacsiga kadib markii ay ciidanka Faroole ay difaacyo ka xirteen wadooyinka ugu muhiimsan magaalada. Shacabka ayaa isla dhaxmaraya in magaalada ay dhinac kasoo galeen ciidamo taabacsan Sheekh Max'med Saciid Atam kuwaasi oo shalay ilaa iyo xalay isku aruursanayay hareeraha magaalada Boosaaso. Waxaa laga cabsi qabaa in Rasaastu ay xilli walba ka bilaabato magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso oo ay kusoo xoogaysteen dadka diidan Maamulka Ashahaadda ladirirka ee Faroole Hogaamiyo. dagaalkii shalay ka dhacay Karin ayaa Khasaara farabadan gaarsiiyay ciidanka Maamulka Puntland oo iyagu cadaystay in ay Diinta alle dagaal lagelayaan iyo shacabka Galgala oo iyana cadaystay in ay ku dhaqmayaan shareecada Islaamka ama ay Naftooda weynayaan.
  23. ^SNM'tu waa isku IL , JB baa kaaga soo hormaray warkan aad la soo gur-guuratay!