Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Tartankii quraan akhriska ee wilaayooyinka Islaamiga ah oo maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Muqdisho. Maanta waxaa Masaajidka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho lagu soo gabogabeeyay Tartankii quraan akhriska ee labo maalin ka hor ka furmay Masaajidka Dabaqaynka, tartankaasi oo loo qabtay arday ka kala socday todobo wilaayo oo ka tirsan wilaayooyinka islaamiga ah ee ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab, wilaayooyinkaasi oo dhinac kale marka laga fiiriyo ka kooban sagaal gobol oo kala ah: labada Jubbo, Gedo, Bay, Bakool, Shabeelaha hoose, Shabeelaha dhexe, Banaadir iyo Hiiraan. Xafladan maanta oo bilaabantay salaaddii jimce kadib waxaa kasoo qayb galay dadwayne aad u badan iyo masuuliyiin ka socday Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Xarkada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, waxaanay halkaa ka jeediyeen hadalo waano iyo waxsheeg u badnaa. Ugu horeyn Xaflada waxaa furay Sheekh Abu Ruqiya oo ah Masuul ka tirsan Maktabka Dacwada ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab, gaar ahaan qaybta quraanka Kariimka. Sheekh Abu Ruqiya wuxuu halkaa ka bilaabay in uu mid mid ugu yeero dhammaan ardaydii kaalmaha hore gashay iyo kuwii aan galin intaba, mid kastana waxaa la gudoonsiiyay lacag dolar ah, saacad kaasiyo ah, Shahaado iyo alban quraan ah, waxana dadwaynihii daawanayay mar kaliya takbiir ku dhufteen markii ay maqleen ardaygii koowaad oo magaciisu ahaa Maxamed Aadan Cigaal da’diisuna ahayd 12 jir, yarkaasi oo la gudoonsiiyay labo kun oo dolar $2000, saacad kaasiyo ah, alban quraan ah, iyo shahaado, wiilkaasi oo ku tartamayay 30-ka jus una tartamayay wilaayada gobolada Jubbooyinka. Dhammaan ardaydu waxay ka simanyihiin alban quraan ah, shahaado, iyo saacad, hadaba halkan hoose ka ka akhri shaxda magacyada ardayda sida ay u kala guulaysteen iyo wilaayooyinka ay u tartamayeen iyo lacagaha abaalmarinta ay u heleen intaba. Magaca ardayga Jusaska Wilaayada Abaal marinta 1 Maxamed Aadan Ciqaal 30-ka jus Jubooyinka $2000 2 Cabdiraxmaan Cabdilahi 30-ka jus Banaadir $1500 3 Anas Macalin Isxaaq 30-ka jus Bay&Bakol $1000 4 Cabdilaahi M.Max’ud 15-ka jus Banaadir $ 800 5 Muslix Maxamed Diriye 15-ka jus Sh.Hoose $ 600 6 C/samad Maxamed 15-ka jus Jubooyinka $ 500 7 C/Rashid Maxamed 5-ta jus jubooyinka $ 400 8 Liibaan Macalin C/lahi 5-ta jus Banaadir $ 300 9 Isxaaq Cabdi Ibraahim 5-ta jus Bay&Bakol $ 200 Sidoo kale dhammaan ardaydii aan kaalmaha galin waxaa lasiiyay midkiiba $200 labo boqol oo dolar, shahaado, alban qur’aan ah iyo saacad kaasiyo ah. Kadib halkaasi waxa ka hadlay Masuuliyiin uu ka mid ahaa Sheekh Cali Maxamuud Raage Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo marka hore u mahad celiyay waalidiintii iyo macalimiintii kusoo dadaalay ardaydani inay heerkan soo gaaraan, waxaanu booriyay inay dadaalka sii wadaan oo ardaya ay baraan Tafsiirka quraanka Kariimka ah, waxaanu xusay in gobolada qaar uu kusoo arkay 12 jir la xifdisiiyay tafsiirka quraanka kariimka ee ibnu kathiir. Sheekh Cali wuxuu intaasi raaciyay in ay jiraan macalimiin quraan oo lagu dhibaataynayo goobaha ay gacanta ku hayaan Murtadiintu kuwaas haatan ku jira xabsiyo tacadiyo loogu gaysaanayo wuxuuna ilaahay uga baryay in uu kasoo daayo. Kadib halkaasi waxaa ka hadlay Sheekh Mukhtaar Cali Abuu Mansuur, waxaanu yiri dadkii waxay u jeesteen dhinaca quraanka iyo diinta, waxaanu xusay in gaalo usoo duushay oo ay diidantahay quraanka kariimka ah, waxaanu yiri “Bahuuke iyo asxaabtiisu uma joogaan wax kale oo aan ahayn in kitaabkaasi ay ka hortagaan”. Ugu dambayn sheekh Abuu Mansuur wuxuu dadka kula dardaarmay in aan lakala reebin kitaabka quraanka ah iyo qoriga Ak 47 oo ah kii lagu ilaalinayay kitaabka.
  2. أيه فى فعلى الليبغى التحسين؟
  3. ^Edited above post fiiri. Bes aan iska dhahno, intaan ka badan waxay noqonaysaa laff wa dawraan!, lakin weli ma garan sida aad xamaasad level-ka ugu badan aad u siisid in wa la post'gareeyo, lakin fikirkaaga waaye waana ixtiraamayaa.
  4. ^Xamaasadda 10-ka aad gaarsiisay kan kalena aad 5ta uun siisay baan ku weydiiyey sxb. Tan kale, topic inuu useful yahay ama uusan ahayn waa nin & aragtidiis, baytka shicirka ah waan gartaye, waa maxay ujeedada aad ka leedahay?
  5. 08/31/2010 Interview with CIA Veteran Michael Scheuer 'Only the Taliban Are Not Corrupt' The CIA is alleged to have been paying an aide to Afghan President Hamid Karzai for information. Former CIA officer Michael Scheuer spoke to SPIEGEL about why fighting corruption in Afghanistan is all but impossible. SPIEGEL: The CIA is alleged to have paid Mohammed Zia Salehi, an aide to Afghan President Hamid Karzai, for information. Has the CIA damaged the Americans' credibility? Michael Scheuer: That's absolutely good recruitment. I think you recruit whoever gives you access to a target. It might be someone who is a terrorist or it might be someone who's a corrupt official. I think any other intelligence agency would be delighted to have someone to give them information about what Karzai is thinking because he's such a dishonest man. SPIEGEL: The US now has to face accusations that it is financing the very corruption it is promising to fight. Scheuer: Not really. President Obama knew about this. His intelligence advisors knew about this. If he's smart I'm sure the president would want to have somebody close to Karzai to know what's going on. The US government and other governments are lying when they say that they can clean up corruption and win the war. SPIEGEL: Is Washington being energetic enough in trying to fight corruption? Scheuer: We're really not in a position to push these people. Who's going to replace them? There isn't anyone less corrupt. Probably the only incorrupt people in Afghanistan are the Taliban. If you want no corruption, give the government back to the Taliban. SPIEGEL: Salehi, a high-ranking member of Afghanistan's National Security Council, has allegedly been on the CIA payroll for years. Do you think he will be put on trial? Scheuer: I would think that there's not going to be a trial. Salehi knows so much about what goes on in that government and what's been stolen and who's doing the stealing, that if he got on a witness seat, it might as well be Karzai himself. Interview conducted by Marc Hujer
  6. Ngonge, weligaaba topic baad useless intaad tiraahdo haddana aad noqotaa kan ugu soo noq-noqoshada badan. Xamaasadda 10ka aad gaarsiisay maxaan ku mutaystay? ma inaan clipka soo post'gareeyey, mise inaan sharxay in ducada Sheekha iyo kuwa sawirada saaray aysan isku niyad ahayn?, mise inaan caddeeyo inuu markuu 'Amriikaan' leeyahay uusan ula jeedin dadka caadiga ah (waxay u badantahay in Ameerikaan badan 'aamiin' ka daba lahaayeen), mise what?.
  7. ^Saas ma dhihin & afka yaan la ii gelinin bay dhihi doontaa!. NGONGE, waa history sxb. Ka faa'iideyso, waa arrin xusuus mudan. SeeKer, before you put your head in the sand, I want you to remember that worship is not only confined to Salat, Sawm,,etc. but to reflect the teachings and actions of Rasulullaah and to do and say every thing that pleases Allah. Its a fact that non Muslim countries will treat Doat who send the true messege of Islam with agression, and that is the way it was and will it be ilaa Qiyaam Al saacah, thats exactly what happened to Muhammad (SCW). Read the Hadeeth below its narrated by Bukahri and others, its about when the revelation started: Khadija Then Accompanied Him To Her Cousin Waraqa Bin Nawfal Bin Asad Bin 'Abdul 'Uzza, Who, During The Pre-Islamic Period Became A Christian And Used To Write The Writing With Hebrew Letters. He Would Write From The Gospel In Hebrew As Much As Allah Wished Him To Write. He Was An Old Man And Had Lost His Eyesight. Khadija Said To Waraqa, "Listen To The Story Of Your Nephew, O My Cousin!" Waraqa Asked, "O My Nephew! What Have You Seen?" Allah's Apostle Described Whatever He Had Seen. Waraqa Said, "This Is The Same One Who Keeps The Secrets (Angel Gabriel) Whom Allah Had Sent To Moses. I Wish I Were Young And Could Live Up To The Time When Your People Would Turn You Out." Allah's Apostle Asked, "Will They Drive Me Out?" Waraqa Replied In The Affirmative And Said, "Anyone (Man) Who Came With Something Similar To What You Have Brought Was Treated With Hostility; And If I Should Remain Alive Till The Day When You Will Be Turned Out Then I Would Support You Strongly." But After A Few Days Waraqa Died. Narrated 'Aisha: Sahih Bukhari Volume 9, Book 87, Number 111. They drove him away after 13 years.
  8. Ismalura, to answer your question: Yes I believe there is/was, lakin hadda kuwa dawlad ku sheeggaa kuma jiraan, haddaad ogtahay bal waa hebel & hebla dheh. Paragraph'kaaga ugu dambeeya dulmi baa ka muuqda & aqoon darro.
  9. ^Meelahaas ha iga raadin sxb, ee mawduucan ka hadal. Ps. ayaantaan your support of PIS for qabiil sake is noted!, Ceeb Calayk.
  10. SeeKer, thats one of the problems of residing in Non Muslim Countries!, because you live there you don't want their destruction. The Nabi peace and blessings be upon him used to curse the Kuffar -Roman Empire- and predicted it will fall apart and Muslims will take over. By the way, when he says: 'The Americans' he means the leaders 'the agressors' and not the shacab. Ramadaan mubaarak.
  11. It was the Ramadan of 1422H (some 9 years ago) and Sheikh Al Mohaisanee made this dua and soon after he was arrested and stopped from leading the prayer at the Haram Masjid, listen to it below and don't pay much attention to the still pictures coz its not necessarily how the Sheikh said it. http://www.youtube.com/watch?v=fykVm7h_hy4
  12. Warar Faah Faahsan Dagaalkii GalGala August 30, 2010 By Axmed Muuse Dheere Warar Faah faahsan ayaa laga helayaa dagaalkii Maanta ilaa xalay Galinkii danbe ka socda Deegaanka GalGala Gaar ahaan Meesha lagu Magcaabo ‘Kala Noqod’ oo dhanka Galbeedk ka xigta Magaalada GalGala, warka aanu helayno ayaa sheegaya in Ciidankii Maanta ee dhimashada badan soo Gaadhay ay ahaayeen kuwa uu Watay W/Xigeenka Cabdi Jamaal oo ah Nin Reer Hayland ah. Waxa la Xaqiijiyay inay Dhinteen 4- Ka mid ahaa Ciidankii laga Keenay Dhahar halka laga dhawaacay 3-Ruux waa warkii Ugu danbeeyay ee aanu ka Helay Ilo war Gal ah. Taliye Dhoonge Xasan Xaaji oo lagu Yaqaan Daba ******nimad Ciidamada Puntland ahaana Ninkii Watay Ciidmaadii Wakhtigi Cade Muuse ee Galay Majiyahan ayaa la sheegay inuu Dhaawac Culus yahay. Sidoo kale Laba Xidigle Siciid Ducaale oo uu dhalay Coll Ducaale oo ahaa Nin aad Ugu Waynaa Beelaha deegaanka Hayland,Sanaag iyo Galbeedka Bari Alla Naxariistii ha Geeyee, ayaa isna la sheegay inuu Dhaawac soo Gaadhay Wiilkaasi Coll-ku dhalay. Afduub iyo Cali Jaad Kariye ayaa la sheegay inay ka mid ahayaeen kuwii ka dhintay Dhanka Ciidamda W/Xigeenka Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed Waa Tiradii ugu badnayd ee ku dhimata Dagaalka GalGala Marka laga hadlay Ciidamadii dheeraadka ahaa ee laga Keenay Caasimada Hayland ee Dhahar. Isha Warka:-Gal Galanews
  13. 15 ka tirsan ciidamada Ashahaado la dirirka PIS-ta puntland ayaa maanta lagu dilay deegaanka Booj ee gableedka Galgala. Ciidamada deegaanka Galgala ayaa maanta duhurnimadii waxay weerar dhabo gal ah ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsanaa Ashahaado la dirirka PIS-ta puntland, kuwaas oo marayay deegaanka loo yaqaano Booj oo dhaca galbeedka magaalada Galgala. Maleeshiyaadka Ashahaado la dirirka oo ahaa koox sahan ah oo tiradooda lagu sheegay 20 nin ayaa waxaa si kadis ah u helay ciidamo caraysan oo ka tirsan dadka deegaanka Galgala, waxana halkaa lagu laayay 15 ka tirsanaa kooxdii Ashahaado la dirirka halka ay baxsadeen shantii kale. Dadka deegaanka oo aan xiriir la samaynay ayaa noo xaqiijiyay in ay indhahooda saareen bakhtiga ashahaado la dirirkaasi la xasuuqay, waxaanay warka intaa ku dareen in haatan ciidamada dadka deegaanku ay dhan walba ka xigaan magaalada Galgala isla markaana ay tooganayaan mid kasta oo ka tirsan ashahaado la dirirka oo goobtaasi kasoo baxa. Dhanka kale maleeshiyaadka Ashahaado la dirirka PIS-ta ayaa ka quustay in ay baabuur ku maraan deegaanka galgala kadib markii tiro baabuur ah todobaadyadii aan soo dhaafnay lagu gubay deegaankaasi isla markaana lagu laayay tobonaan ka tirsan maleeshiyaadkii saarnaa baabuurtaasi.
  14. War Deg Deg ah:-Dagaal GalGala August 30, 2010 By Axmed Muuse Dheere Wararka hada naga soo Gaadhaya Magaalada ayaa sheegaya in dagaal Xalay Saqdii dhex Curtay uu wali socdo kaasi oo Dhinacyo badan ka socda, Xidhiidh aanu la samayan Bosaaso ayaa la sheegay in dhawaac Fara badan la Keenay Halka dadka GalGala ay sheegayaan in Mayd Gaadhaya 12-Ruux Gudaha Degmada la soo Gaadhsiiyay. Meel dhanka Qorax u dhaca ka xigta Degmada GalGala oo lagu Magcaabo Kala Noqod ayaa layska Helay waxana ay ahaayeen Ciidamada Puntland kuu doonayay inay dhanka Miyiga ay Magaalada u Baxaan si ay Dhabarjab u Sameeyaan Hase ahaatee Ciidamada Maxamed Atam ayaa Meeshaasi ay isku Hirdiyeen kuwaasi oo Khasaare xoogan soo Gaadhay dhanka PL. Ciidamadaasi ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa uu Maamulkooda lahaa Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo ah Wasiir Xigeenka Aminga waxana ay Ciidamadaasi ahaayeen kuwa isku dhafan oo ay xitaa ku Jiraan PISta. Sarkaal u hadlay Ciidamada Atam Guutada 34- Lagu Magcaabo waxa uu sheegay inay xitaa Hub Badan kala wareegeen Ciidamada PL isla markaana ay Maydkoodii Arkayeen. Docda kalena Maamulka Puntland oo aanu xidhiidh la samaynay ayaa sheegay Laftigooda inay Guula Waa wayn ka soo Hooyeen dagaalkaasi isla markaana ay dhawaan War Saxaafadeed Kooban ka soo saarayaan. Dagaalka GalGala ayaa Bilowday ka dib markii PL weerar ku qaaday Galgala Bishii Julay 26- ee sanadkan aan ku Jiro waxana uu dagaalkaasi soo Maray wajiyo badan. Galgalanews@gmail.co. Isha Warka GalGalanews
  15. ^'Nonsense' lee ku jir ilaa buunka kugu yeero oo cadaaladda ka soo gaarto tuulooyinka aad dulmiga ku heystaaan eed fadhi ku dirir inaad ku difaacdo aad rabto. Ps. war kalena waan kuu hayaa ee stay tuned to this section.
  16. We were all flabbergasted by the news when Sharif appointed Michele Ballarin AKA Amiira named by Somali pirates as his advisor for humanitarian or a Mukhallas to the Donors. Horraantii bishii Febraayo ee 2009, madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u magacaabay Michelle Ballarin inay noqoto La-taliyaha Xafiiska Madaxdweynaha ee Dib u Dhiska, Gargaarka Bani’aadminnmimo, Borotoolka iyo Gaarsiinta Dibedda. Waxa kaloo madaxweynuhu u saxiixay waraaqo kale oo ay ka mid tahay mid uu kaga codsanayo inay ka caawiso xiriir dhexmara madax ka tirsan dalka Faransiiska oo uu ku jiro Madaxweyne Nikola Zarkozy. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ma ahayn mas’uulkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee ay la kulanto Michelle Ballarin. Waxay horey ula soo kulantay Madaxweyne Cabdullaahi Yusuuf Axmed, Ra’iisul Wasaarae Nuur Xasan Xuseen, Madaxweynihi hore ee Somaliland Daahir Rayaal Kaahin, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo wasiirro iyo madax kale. Waxay kala hadashahay qorshe ay ugu magacdartay “Organic Solutions for Somalia, ama Xal Dabiici ah oo loo helo Soomaaliya”. http://www.voanews.com/somali/news/Faaqidaadda-iyo-Michele-Amira-Ballarin-101786033.html
  17. Khariji is the one who wishes distruction to the Mujaahideen, and gets worried of the news of casualty to the invaders. Yaa qabyaaladiiste, intey goori goor tahay Alle u laabo, PL walaa wax kale kuma badbaadinayaan maalinta dambe maalin tol & asxaab aysan waxba tereynin.
  18. Maanta waxaa dagaal culus ka dhacay agagaarka hotel Jubba, markuu Amisom iska caabbin xooggan ay la kulmeen, waxay Mujaahidiinta (Kaana Allaahu macahum) ka war heleen in Villa Somalia dhexdeeda lagu diyaarinayo ciidamo Amisom ah oo caawiya kuwii horay u joogay aagagga dagaalka oo aa loo kululeeyey, Mujaahidiinta ayagoo Alle kaashanaya bay Mortar ku garaaceen Villada, gaaladii oo saf ku jira baa madaafiic ku dul habsatay! وَمَا رَمَيْتَ إِذْ رَمَيْتَ وَلَكِنَّ اللَّهَ رَمَى Sida caadada ah ayay cadwgu madaafiic ku garaaceen suuqa Bakaaraha & goobaha rayidku degganyihiin mar walba oo jab u geystaan Mujaahidiintu. Mujaahidiintu waxay caddeeyeeen in tobaneeyo Amisom ah ku bakhtiyeen duqeyntaas, lakin Amisom waxay qirteen oo keliya 4. U soo duceeya in Alle jebiyo cadawga.
  19. ^^MMA, warkaas war jiro maaha sxb. (saas waaye ujeedkeyga). Cawaale, haye bes waaaye.
  20. ^^Irrelevant because the thread is about the things AlShabaab banned. WAX FAHAN!. Maadkeer, jihaadka(Qitaalka) badi waa ramadaan, xamar aad soco, 17-a bisha waa soo dhowdahay! Again, irrelevant! stay with me; ninka maxaa carrabka looga jaray? muxuu dadka kale ee Xamarweyne deggan Bakaarana ka xamaasha uga duwanyahay?.
  21. Originally posted by Cawaale: Kan kaa koreeyo fiiri, il adeegiisa. adi & Ani kan indha adag aan isla fiirinno: Hooyada dhashay wiilkani oo ka warbixineysay qaabka looga jaray carabka wiilkeeda aya waxay tiri: wiilkeyga waxa uu ka shaqeysanjiray suuqa bakaaraha waxa uuna ahaa Xamaali ku shaqeysta gaari gacan isaga oo alaab kasoo qaaday suuuqa Bakaaraha una socday Xamar weyne aya waxa qabsaday kooxdani madaxa u duuban waxayna ka jareen Carabka Sababta "carrabka looga jaray" sida meesha ku qoran waa inuu Bakaaraha ka xamaalan jiray, Xamarweyne'na, alaabna ka soo qaaday Bakaare una waday Xamar weyne!. Meeqaa Xamar Weyne deggan oo Bakaare ka xamaasha?, waxaas waa sheekooyinkaagii ee naga daa sxb. Ps. Post'igaaga waa irrelevant!.
  22. ^Its not about hatred for specific ppl (Galgala and Bosaso ppl are the same), we are only posting updates!. If any one doubts an article then one can argue its authenticity (including your articles). Marka, adoon waxba is waalin tartiib wixii qalad ah caddee.
  23. Originally posted by Prometheus: ^ You used to question whether the wearing of hijab is compulsory in Islam. I'm not persuaded that your opinion (or doubt) about the hijab makes you "gaal ismood", or a thoughtless person under the thrall of the white man. No doubt some Nomads questioned your faith - publically or privately - when you expressed your uncertainty about their cherished cloth. In any event, instead of hurling invectives at persons who prefer their religion to be seperate from their government, you ought to tolerate their opinion the same way your views on hijab ought to be tolerated. 2003 magaceed wadatay horta?
  24. ^If things go in a direction you don't like then the news is fabricated!. Just think and check the news portals before you oppose an incident that really took place, mise Garoweonline & Allpuntland uun baa reliable source kuu ah?