Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. ^I don't believe they kill innocent civilians on purpose, but even if they did, does that make you belittle or deny their achievments?.
  2. ^Khalad ha ii fahmin, I wanted to say: you won't ask me hotel Muna because you are not safeeh! ma fahantay!. Ninkan & doodaha kaleba dib noogu dhig!.
  3. ^Thanks RedSea. NGONGE, Micnaha Zindiiq waad taqaannaa bey ila tahay!. Ogow, qaladkiisu kan kaliya maaha, oo tobaneeyo waa gaarayaan ama kor u dhaafeen, si cad & si dahsoonba diintuu wax uga sheegaa, jees-jeeska, aflagaadadana wa u sii dheertahay!, mar kasta maxaa meesha dhigay?. Waxaan mooday sheekada taageeradeyda Shabaab inaan mar hore iska xirnay, oo waxa aan ku taageero & waxa kale waad ka dheregsantahay!. Hotel Muna markaad i weydiineyso ma 'Safeeh' baad tahay, haddaan rabo inaan ka hadlo thread- ka waan arkaayey الحر تكفيه الأشارة ٍShabaab wa Muslimiin, dagaal kula jira Gaalo & **********, waxa ay sameynayaan waqtigii munaasabka ahaa ma yahay mise maya ama fudeyd & xikmad yari waa lagu qabsan karaa, laakiin fasaad fil ard waa kugu diiday!, anaana kaa og, trust me on this
  4. what inpired mistake?, Following Aayaat talk about how Moses (CS) is fed-up and complain to God, consequentially they were cursed not to enter the City for 40 yrs!, ma waxaad leedahay kanna sidaas oo kale Tiih baa ku dhici doona?. Fiiri, adiga normally waxaad tahay cynical oo dadka ma aamintid oo beri dhoweyd nin thread uga sheekeynaya ina adeerkiis baad lahayd: 'been baad sheegeysaa' haddana warkan iska cad oo Quraanka 'tix' lagu sheegay baad waxaad isticmaaleysaa benifit of doubt!
  5. Originally posted by Prometheus: Soomaalidu inkasta oo lagu sheego inay yihiin dad silloon had iyo jeer, lama odhan karo markani sifadoodii baa ku cadaadatay. Waayo Soomaalidu badankood maanta waxay diideen argagaxiso aan aayatiin lahayn iyo wadaado waalan inay hiil iyo hoo siiyaan. Waxaad moodaa inuu lisaan xaalkoodu ku halqabsaday tixdii carabiga ee ahayd: "Ith-hab anta wa rabbuka faqaatilaa, innaa haahunaa qaaciduun" . Ninkii awood badan baa Alla weyn weeye. Aaway NGONGE?
  6. Somali president fires top commanders Mon Sep 6, 2010 10:26AM Share | Email | Print Somalia's President Sheikh Sharif Sheikh AhmedSomalia's President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has fired military chief General Mohamed Gelle Kahiye along with several other top military and police commanders. The move comes after thousands of tons of heavy weaponry were stolen from Somali government stores resulting in Sharif relieving the top military officials of their jobs on Sunday. Investigations were held after top officials were accused of stealing from the Somali government.. Sharif is now planning on appointing new army chiefs. Meanwhile, at least 7 Somali troops and 3 al-Shabab fighters have been killed in attacks in the Somali capital of Mogadishu. The opposing sides exchanged heavy gunfire in the Hodan district of Mogadishu, a Press TV correspondent reported. At least 22,000 more civilians have been displaced in continuing fighting in Somalia's capital, according to the United Nations Refugee Agency, UNHCR. The fighting started last week after fighters declared an all-out-war against the UN-backed Somali government and African Union troops. The Horn of African nation has been without an effective central government since President Siad Barre was overthrown in 1991. Years of fighting between rival armed groups have led to the deaths of thousands and displacement of millions. Presstv.ir
  7. Toboneeyo Askari oo ka tirsan Ciidamada PIS-ta Puntland oo ku geeriyooday qarax lagula beegsaday duleedka deegaanka Galgala. 27,Ramadaan,1431on,06,Sep, 2010 Warar ka imaanaya deegaanka Galgala ee gobolka bari ayaa sheegaya inay geeriyoodeen ku dhawaad 20-Askari oo katirsan Ciidamada PIS-ta (Ashahaada la dirir)-ka Puntland,kadib markii duhurnimadii maanta qarax xoogan lagula beegsaday meel duleedka ka xigta deegaanka Galgala. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Idaacadda Alfurqaan u xaqiijiyay in qaraxaasi oo ahaa miinada dhulka lagu aaso lala eegtay gaari nooca Cabdi bilaha loo yaqaano oo ay la socdeen Ciidamada PIS-ta Puntland,waxaana goobta ku geeriyooday 16-Askari oo ka tirsan Ciidamadii gaariga la socday. Rasaas xoogan ayaa la sheegayaa inay dhinacyada u fureen Ciidamadii la weeraray hasse yeeshee lama sheegin cid wax ku noqotay rasaastaasi,maadama ay goobtu qaraxa uu ka dhaca ay ahayd meel duleedka ka xigta deegaanka Galgala. Warar kale ayaa sheegaya in Xiisad Colaadeed laga dareemaya deegaanka lagu magacaabo Madarshoon oo qiyaastii 15-km duleedka kaga beegan Galgala,waxaana xiisadaasi ay udhaxaysaa dadka deegaanka tuulada Galgala iyo Ciidamada PIS-ta Puntland. Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa sii kordhay qarxyada iyo weerarada gaadamada ah ee Ciidamada deegaanka Galgala ee uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Atam ay ku qaadaan Ciidamada PIS-ta Puntland ee xooga ku qabsaday deegaanka Galgala kadib markii dadka degen deegaankaasi ay qaateen ku dhaqanka shareecada islaamka.
  8. Shariif iyo Sharmaarke oo qoorta isugu jira, kadib khilaaf ka soo dhex baxay Midnimo September 4, 2010 Markacadeey -------------------------------------------------------------------------------- Khilaaf iyo mad madow xoogan ayaa soo kala dhex galay madaxda ugu sareysa dowladda soomaaliya, iyadoo ay muuqato kala fikir duwanaan salka ku haya dastuurka ay dhowaan xukuumada soo bandhigtay. Inkastoo khilaafkan uu ahaa mid madaxda dowladda ku ekaa, ayaa durbaba ku fiday xubnaha baarlamaanka iyo hey'adaha dowladda, waxaana uu salka la galay arrimo badan oo quseeya jiritaanka dowladda. Gudiga madaxa banaan ee dastuurka oo dhowaan soo bandhigay nuqulo ka mid ah qoraalada qabyada ee dastuurka ayaa waxaa gaashaanka u daruuray Madaxweynaha soomaaliya Shariif shiikh axmed oo ku amray in la hakiyo. Madaxweyne Shariif ayaa si gaar ah uga carooday warqad qoraal ah oo uu R/wasaaraha u qoray beesha caalamka, taasoo ku qotontay howlaha dastuur u sameynta, iyo gudi wada jir ah oo uu R/wasaaraha dhisay. R/wasaare cumar C/rashiid oo la hadlayay Idaacada VOA laanteeda afka soomaaliga ayaa ugu horeyn qiray khilaafka isaga iyo Madaxweynaha u dhaxeeya, isagoo ku tilmaamay kala fikir duwanaansho kaliya. Laakiin waxaa uu r/wasaaraha ku tilmaamay in la diido dastuurka mid aan habooneyn, waxaana uu ku baaqay in marka hore muhiim tahay in madaxda dowladda ay ka hadlaan. R/wasaaraha ayaa cadeeyay in dastuurkan uu meesha ka saarayo nidaamka Kmg ah oo ay dowladda ku dhisan tahay, taasoo uu xusay inay soo jirtay 10-kii sano ee u dambeeyay dowladdihii soo maray. Khilaafka dastuurka ee soo kala dhex galay madaxda dowladda ayaa waxaa iyana maalmo ka hor qaadacay xildhibaano boqolaal gaaraya, kuwaasoo durbaba bilaabay olole ka dhan ah xukuumada.
  9. Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaaraha Cumar Cabdirashiid Sharmarke. Khilaafka u dhexeeya labada dhinac ayaa waxa uu salka ku hayaa dastuurka cusub ee la doonayo in loo sameeyo Soomaaliya. Raiisul Wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa BBC uga warramay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Shariif. bbcsomali.com
  10. Canbuujaha oo Gal Gala Saaran ayaa Dagaal ka socdaa September 6, 2010 By Juuj War hada soo dhacay ayaa Tibaaxaya in Meesha lagu Magcaabo Canbuujaha oo Galgala u Jirta Wax yar uu dagaal ka Fool Faloo ahi ka socdo,waxana la sheegayaan Khasaare Hordhac ah oo laga Helay dhanka PL, Khasaarahaasi ayaa Ornaya in Gaadhi 3-F- ah oo Qoriga Shilkuhu Saaranyahay Laga Gubay dhanka Puntland Waxana saarraa ilaa 12- Ruux. Canbuujaha ayaa ah Meel Hawad ah oo aan saasi Wax Fiican looga Garan karin waxana ku dagaalami Kara Nin Meesha ku dhashay Kuna Barbaaray waa tan Keentay in inta badan ay Jab iyo Wel Wel la Kulmaan Wiilasha Beenta loo sheegay iyo Nugaal Laga Keenay Dagaalku Waa socdaa sida warku sheegayo Waana Mid Laba dhinac ay is Waydaarsanayaan Hub Cul Culu. Faah Faahin Naga suga Source:-GalGalanews
  11. GalGala Afar Duqayn ku Dhimatay September 6, 2010 By Axmed Muuse Dheere Wararka aanu ka helayno deegaanka Galbeedka bari Gaar ahaan GalGala ayaa sheegaya in Xalay Saq dhexe Hoobiyaal Lagu Garaacay Meel ay Saldhig ku Laaheeyeen Ciidamada Asha’la dirirka ah ee laga soo daad Guureeyay Mudug iyo Nugaal kuwaasi oo iska Caabin xoogan Kala Kulmay Ciidamada Ilaalinta Shidaalka ee Maxamed Atam. Qof Qariyay Magaciisa oo deegaanka Nagala hadlay ayaa sheegaya inay Hoobiyaal lagu Ganay Saldhigaasi oo ku Yaala Meel u dhow Garoonka Kobada Cagta ee Magaalada GalGala ka xigta dhanka Galbeedka. Waxa uu sheegay Ruuxaasi oo kale in lagu dilay Afar Askari oo ka Tirsan Ciidamada Huwanta ah ee Mudug iyo Nugaal laga Soo daad Gureeyay,sidoo kale 7- dhaawac ayaa Bosaas la Geeyay sida ay sheegayaan Saraakiisha Caafimaadka Bosaaso. Xeelada Dagaalka ayaa isku bedeshay Ku Dhofoo ka dhaqaaq sida uu sheegay Ninka Hogaamiya Ciidamada Deegaanka Maxamed Atam Ka dib xeelad dagaal oo uu uga baxay Gudaha GalGala. galgalanews.com
  12. Xaalka Dunida Islaamka ah & Shisheeyaha duullaanka guud ahaan & gaar ahaan waddankeenna waxay ku soo xusuusuneysaa waagii Sayidka, horay waxaan is bar-bardhig ku sameeyay Halgankii daraawiishta uu Sayidku hogaaminaayey & xarakada Al Shabaab al Mujaahidiin ka fiiri halkan. gabayga soo socda ayaad ka dareemi kartaa dadkii waqtigiisa sida ay u hagradeen oo halgankii uu ku jiray u dheyelsadeen, gabayga micnaha uu tusayo waxa ku calaacala inta badan hogaamiyayaasha dagaalka kula jira gumeysiga cusub ee geyigeenna. Waxaan gabaygan ka soo guuriyey bogga doollo.com oo inta badan gabayada Sayidka & Halyeeyo/Abwaanno badanba aad ka heli karto, ila akhri fadlan, una ducee in Sayidka & Daraawiishtiiba Alle dambigooda dhaafo: Xalay gelin dhexaadkii miyaan, gudub usoo booday Sida nimanka gaadhka ah miyaan, gabay ku soojeeday Garaad laawe aadmiga miyaan, gees walba u eegay Goonyaha miyaan dayey kufriga, ina gabraaraaya Gaalkaan gudnayn ee cirradu, guudka ka caddaaday Asaad gudaha geedaha ka baxay, guri cidla’a moodo Oo uu gasiinkiisu yahay neef, aan biri gaadhin Oo guuldarraystow khamriga, gacan togleynaaya Gini-gini haddaad qaadataan, naari garab taalo Guushiyo hadday doonayaan, geelal iyo xoolo Garaadkood ba’yow may tagaan, goonyihii Xarunta May nala garaacaan kufriga, gocorka laalaadshay May goobtan joogaan jannaa, loo gembiyayaaye
  13. ^Ismalura waxaa ka maqan in dhalooyinka magacyo leeyihiin: Dhalo Dhaloyareey Dhuceey Farreey etc.. oo midba cabbir gooni ah leedahay. MMA, from the look of the boy with the sweets, bacaadka & badda oo muuqato, waxaan dhihi lahaa beledku waa Baraawe.
  14. ^Innaa Lillaah! great offense waxaa ah وَأَنْ تَقُولُوا عَلَى اللَّهِ مَا لا تَعْلَمُونَ 7:33 : saying things about Allah of which ye have no knowledge. Dagaalka beder bil ramadaan baa la qaaday!, intaad PIS dulmi & indho la'aan ku taageereysid, tan oo kale inaad garan weydo maaheyn!.
  15. Ugu danbeyntii qof islaam sheganay oo ashahadad qiray gaal ma aha despite his/her actions and that is based on Islam. taas jawaabteeda waxa kaaga filan tixda Sayidka. Calanka & arrimo badanna horaan uga hadalnay, mana ila qumana inaan isa soo cel-celiyo ee haddey kuu fududahay dib ugu laabo archive'ka Sol. Hoos ka akhri maqaal si wanaagsan loo qoray (malahayga) oo ku saabsan calanka madow. http://somalitalk.com/2009/08/04/calankii-nabigeenu-scw-caynkee-buu-u-ekaaabdibashir/ Ps. Carabtu ma antonym bay gaalada u tahay, micnaha sida aad gaalada u necebtahay baad iyaga u necebtahay?. carab & Cajam mar horaa laga baxay oo waagii Islam uu carabnimo ku tusaayey waa la dhaafayoo Yusuf Estes, Khalid Yasin & Zakir Naik oo af-carbeedka & Quraankaba jejebinaaya baa Islam dadka bara!
  16. ^Tix kaloo Sayidka ayaan kor kuugu daray! , calanka madow & arrimo kalena waan kuugu soo laaban IA.
  17. ^Inaad reer Qardhood tahay uun baan sheegaye maxaan halleeyey sxb. Saxiixa, weli waa sidiisiiye mindhaa yuhuud baa iga remove-gareysay Edit Ismalura, waan ishaaray inaad dignified lot ka mid tahay waana sababta aan wixii aan is leeyahay waa kaa qaldanyihiin kaagala doodayo, ma garatay?
  18. ^Weli aqoon daradii baad la soo indha caddahay!, wiilasha iney aakhiro & aduun toona baran yaa kuu sheegay? ma media-ha mise qaar iyaga ka mid ah baad la sheekeysatay?, mise...?. Dagaalka meelo badan oo Adduunka ka socda wuxuu u dhexeeyaa Gaalo & Muslim, haddii nin sooman oo salaada uu doorto inuu safka gaalada soo raaco gaaladii magaca kama bedelaayo ee iyagaa lagu tirinyaa uun, taas caqli badan uma baahna, oo waa halkuu Sayid Maxamed ka yiri: Nin aqdaama Ferenjiga, maantiyo abuurriin Ama aaladduu sida, ama awrta buu rara Ama adhiga buu qala, ama laba ugaadhsada Ama uba ilaalaa, ama uurka kala jira Ashahaado beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo Ilaahayna nama oran, anna ma oggolaan karo. Shabaabka qaladaadka ay leeyihiin kama baab'ineyso tilmaanta 'mujaahid', ee lastly whats ur problem with the black flag?.
  19. Ismalura, Sayid waa reer Qardhood!. MMA, sxb sheekooyinkan waa dicaayado looga soo horjeedo Mujaahidiinta oon waxna ka jirin, isha warka waa somaliweyn.com oo lagu bartay been-abuur cad.
  20. Maaddeey

    Faith!

    A Bedouwein said: 'I placed my trust in Allah' in answer to why he didn't tie his camel then rasulullah scw replied: 'Tie your camel first, then place your trust in Allah'.
  21. Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo u gacan haatisay Maleeshiyaadka DKMG ah ee ku jabay dagaalada. Monday, 06 September 2010 09:49 Maamulka Memo Xilli ay dagaallo culus ka socdaan magaalada Muqdisho ayay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u gacan haatisay Maleeshiyaadka DKMG ah ee maalin walba lagu gumaadayo Muqdisho. Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Maxamuud Raage Cali Dheere oo shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Cafinayaan Maleeshiyaadka DKMG ah hadii ay alle u Towbad keenaan oo ay kasoo laabtaan la shaqaynta Cadawga alle iyo kan Umadda Soomaalida ah dhibay. Sheekh Cali Dheere ayaa carrabka ku dhiftay in u jeedka Mujaahidiinta uusan ahayn in ay wax dilaan balse uu yahay in dadka oo dhan ay dhintaan iyagoo Muslimiin ah oo ku dhaqmaya shareecada Islaamka. "kuwa Murtadiinta ah ee cadawga la shaqeeya waxaan ugu baaqaynaa in ay alle u Towbad keenaan oo ay dhanka shacabka iyo Mujaahidiinta soo maraan, cadawga shisheeyaha ah waa jabay inta aysan goori goor noqon kasoo baxay waxaad ku jirtaan"ayuu yiri Sheekh Cali Dheere. Baaqan waanada ah ee kasoo yeeray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa kusoo aadaya xilli Xoogaga Islaamiyiinta ah ay khasaara dhabarka u saariyiin ciidanka Shisheeye iyo Maleeshiyaadka DKMG ah.
  22. waar wiilkii aanu jaamacadda u dirnay away ? tuulada dhan aa lacag isku dardartay .. waamaxay wuxuu la kacay .. freud ,i.g.a.d. , kyoto ?
  23. Boqolaal ka tirsan Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo maanta tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho. Daawo sawirada Ciidamadan boqolaalka ah oo maanta lagu soo bandhigay Xerada Maslax ee gudaha magaalada Muqdisho ayaa dhawaan tabababar kusoo dhamaystay qaybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, waxana qaybo ka mid ah loo qaaday gobolada halka qaybtan oo loogu talo galay jihaadka ka socda Magaalada Muqdisho maanta ay dhoola tus ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho. Ciidamadan oo sida sawirkooda idiinka muuqda si aad ah loo tababaray isla markaana ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta ka farxiyay dadka Muslimiinta ah ee indhahooda ku arkay ciidamadaasi oo si geesinimo leh usoo bandhigaya wixii la baray. http://alkataaib.ws/news/092010/092010_10.html
  24. ^I think in laga wado dhalada yartaa ah ee subaggu ku jiro. Ismalurto, haddaad aragto af-soomaalii ka duwan kii xaafadaada looga hadli jiray, ha u qaadan inuu qaldanyahay.
  25. ^'Maashaa Allah' dheh , iyagoo wayd ah goormeed arki jirtay?.