Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Iska imaada waayahaye, lakin xabadka lee soo qariya! KK, Adi haddiin ku arkoba wax lee faagtaa!, ayada kaliya maahee, adi xataa & gebdhaha diiddan dhallinta barakeysan faraa ku godan!, xorriyadda ha naga qaadina salla calayh!. Dhagax-Tuur, soo dhowoow IA waan dadaali doonaa, lakin Libaax keligiis ah oo 100 weer ku hareereysanyihiin baan ahay!, bal kan Jacpher ah day Gabayga asoo dhameystiran waa kan, markaan akhristay ilaa hadda waan la yaabaa! anoon is ogeyn oo isaga luuqeeyana waan is arkaa!, waxaad mooddaa inuu hadda ka hadlaayo Allow kuu naxariiso! Abwaan Faarax Nuur Arab. Ingiriis Axmaariyo Talyaan wey akeekimiye Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone Anse ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye Orgigaa riyaha taadaxoo oodda faaliga e Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene Anse ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine Waa duni akhyaartii go'day oo aaran soo hadhaye Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye Afka iyo Adduunkaa hadloo oodan sadarkiiye Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan faracdiisa Oo aydnaan Ilaahay ka go'in hayna oodina'e Hadduu Awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye Inaga Daaya yaynaan ku dhicin bahal afkiisiiye
  2. ^Malaha waa billowgii far-qorista. Runtii ma xasuusto intaan far soomaali dhiganaayey 'r'da oo 'dh' loo beddelo. Ps. 'Weyddiin' maaha ee waa Weydiin oo xarfaha labanlaabma waa iney laba shaqal dhexda uga jiraan, sax soow maaha?
  3. ^Camiraadeedaay! Ayoub, macallin damiin ah maxaa ka sugee?
  4. Its not our fault if u cn't put together whats in ur mind! Zaylici bootadiisa ka warran?
  5. Waa Abwaan Cali Mire 'composer'kii heestii National Anthem'ka Soomaaliyeey Toosoo oo ku luuqeeynaya heesta. FG. Haddii aad ka hesho ii sheeg, waxaan hayaa mid kale oo ka qiiro badan!. Adinkeysu tookh haayee Adinkeysu taamaayee Aadanuhu tacliin barayee Wadankisa taam yeelyee!
  6. ^Maxaabiistii baa xoog looga furtay markaauu ku leeyahay 'peaceful protest' indha adakkaa!.
  7. ^ , Xarafka ugu horreeya & magacyada billowgooda baad kabital ka dhigi lahayd, Xaaji. Ayoub, buugga iga tus iyadoo 'yidhi, tidhi, odhanaya' ku qorantahay! text book baan ka hadlayaa waagii Dawladda!.
  8. Xaaji, Adi iskool ma soo dhigan miyaa? 'dh' & 'r' waa lagu kala duwanyahay, lakin 'waxaan ku yidhi' xaggeed ka keentay? seeraale xataa soomaad marin? Ayoub, waa runtaa MMA wax buu isku qasay lakin ujeedkiisa dib dambuu ka caddeeyey!.
  9. ^^Ma karaan yaa ku yiri?, ani maa ku dhahay? Waxaan iri Wuxuu yiri Waxay tiri. Waxaan yiri ma jirto, sxb. Su'aashaadaada sow kaagamaan jawaabin. Ps. Aniga reer koonfur'ka iney 'kh'da aad u isticmaalaan ayaan u maleynaa 'yaakhaayoow' 'akhas' 'bakhti' iwm.
  10. ^Yaahuudaa!, Ninku 'KH' lama qoro miyuu ku yiri? mise Alphapet'ka kuma jirtuu ku yiri si aad buug u soo copy'gareysid!. Xarfaha 'KH'da ku jira Carabi baa asalkooda laga keenay buu yiri, taas kala dood. Khuuro mise Quuro?, haddey tan hore tahay laga yaab in carabi laga keenay ama codka quurada 'khuukh'. Xaaji, Af-Somali'na dad baad ku heysataa adna 'waxaa is yidhi' 'ku yidhi' baad maantoo dhan gureysaa!. Is astur horta intaadan dad kale oo qaawan raadin!
  11. Dhowr mar markaan ka booday ayaan waxaan gaaray: 'Waxba yaanan sheeko idinku daaline..' scroll' baan dhag ku siiyey!.. acuudka...waxa isheydu qabatay: 3 ama ka badan oo 'waagii baa beryey' ah!
  12. Maaddeey

    XAMAR!!

    ^Waad dadaashay, lakin kaas maaha!, ku laabo mar kale, 1 chance aa heysataa!
  13. Maaddeey

    XAMAR!!

    ^Waad dadaashay, lakin kaas maaha!, ku laabo mar kale, 1 chance aa heysataa!
  14. Maaddeey

    XAMAR!!

    ^Waad dadaashay, lakin kaas maaha!, ku laabo mar kale, 1 chance aa heysataa!
  15. Muqdisho: Fadhigii Baarlamaanka oo Baaqday Fadhiga baarlamaanka ee maanta waxaa ballantu ay ahayd in xukuumadda Ra'iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ay hortimaado. Waxaa maanta baaqday kulankii baarlamaanka federaalka ay qorsheysteen inay ku hortimaado xukuumadda ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Inkastoo aan faah faahin rasmi ah laga bixin sababta uu u baaqday kulankaasi, haddana xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa maanta isugu tegay guriga ummadda, kuwaasoo tiradoodu ay dhammeyd 139 xildhibaan. Waxaana muuqatay in kooramkii uu ku furmi lahaa shirka uu u buuxsami waayay. Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaan soo xaadirin kulankii maanta u ballansanaa baarlamaanka. Xildhibaanadii isugu yimid kulanka ayaa sheegay inay guddi u saareen oo soo baara sababta uu u baaqday kulankaasi. Xildhibaanada maanta filayay inuu shirka furmo ayaa aaminsan in guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu baajiyay kulanka, sida ay ka muuqato hadalka Caasho Axmed Cabdalla oo maanta guddoomisay kulan gaar oo ay yeesheen xildhibaanada kooramku u buuxsami waayay. Caasho Axmed Cabdalla ayaa la hadashay suxufiyiinta ka dib markii ay ka soo baxeen kulankii ay xidhibaanadu yeesheen, waxayna sheegtay inay qoraal u dirayaan guddoomiyaha baarlamaanka inuu soo sheego sababta uu kulanku u baajiyay. Si kastaba ahaatee xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwanaa fadhigii maanta qorsheysnaa oo ballantiisa lagu gaaray kulan uu baarlamaanku yeeshay khamiistii aynu soo dhaafnay, kaasoo ay ku gaareen in xukuumadda ra’iisal wasaare Cumar Cabdirshiid ay hortimaado baarlamaanka. Xildhibaano iyaguna jimcihii shalay kulan ku yeeshay Hotel saxafi ee magaalada Muqdisho waxay sharci darro ku tilmaameen fadhigii khamiistii uu yeeshay baarlamaanka iyo go’aankii ay ku gaareen in xukuumaddu ay saddex maalmood gudohood ku hortimaado baarlamaanka SomaliVoa.com
  16. Cumar Cabdirashiid Cali-Sharma'arke Fadhiga baarlamaanka oo dib loo dhigay Codbixinta kalsooni loogu qaadi lahaa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, oo lagu waday in ay maanta dhacdo ayaa dib loo dhigay.[/b] Guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa go'aankan ku dhawaaqay. Ma jiro waqti rasmi ah oo uu u qabtay qabsoomidda fadhiga baarlamaanka. Ra'iisul wasaare, Cumar Cabdirashiid, ayaa si xoog leh loogu dhaleeceeyay in uu ku guuldaraystay in uu wax ka qabto kacdoonka sii xoogaysanaya ee Islaamiyiinta gudaha Soomaaliya, waxaana baaqyada loogu soo jeedinayo in u u xilka ka dego horkacaya madaxwayne Sheekh Sharif. Madaxwayne Sheekh Shariif, ayaa shalay booqasho gaaban oo deg deg ah ku tagay dalka Uganda, oo wararku sheegayaan in uu kula kulmay madaxwaynaha dalkaas, Yuweri Museveni, lama oga waxa rasmi ahaan ay ka wadahadleen balse waxaa loo malaynayaa in ay wadahadaladoodu la xiriireen khilaafka madaxda sare ee dowladda. Madaxwaynaha ayaa saaka dib ugu soo ugu soo laabtay Muqdisho. Dowladda taagta daran ee aan cagaha badan ku taagnayn, ayaa si xoog leh ugu tiirsan taageerada ciidamada midowga africa, oo ilaa hadda ka soo jeeda dalalka Uganda iyo Burundi oo kaliya, kuwaasi oo tiradoodu gaarayso in ka badan 6 kun oo askari. bbcsomali
  17. Maaddeey

    XAMAR!!

    What you need to know abt Xamar that the news won't tell you waxaa ka mid ah: Isaaqfuroow aa ka jiro!.(yaa kasaayo hee?)
  18. Maaddeey

    XAMAR!!

    What you need to know abt Xamar that the news won't tell you waxaa ka mid ah: Isaaqfuroow aa ka jiro!.(yaa kasaayo hee?)
  19. Maaddeey

    XAMAR!!

    What you need to know abt Xamar that the news won't tell you waxaa ka mid ah: Isaaqfuroow aa ka jiro!.(yaa kasaayo hee?)
  20. ^^Raalli ahaaw, walaashey. Caay kama wadin.
  21. ^Anigaa kaaga marag ah! Amin.
  22. Ismalurto, kan MMA ay leeyihiin maad iga celisid!, haddii kale goobasho aan u qaadanaa! Xafladda waan imaanaa, haddii la ii ogolaanaayo inaan ku furo gabayadii Sayidka qaar aan soo xushay, & mid kaloo waddani ah oon aad u jeclahay ooy ka mid tahay: Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye Waa duni Hablihii loo ogaa aqalki diideene
  23. ^Waxaan ka baqaa inaad Faatixada'na (Salaadda dhexdeeda) aad Soomaaliyeysid!.
  24. Ismalurto, illeyn Nomad status'ka waxaad ku gaartay Khayaano! 'double posts' . illeyn naag.. 'sorry' Waa runtaa oo waan muranay (sida most solers u muranay) lakin waxa aan sheegayo waa 'personal attack'ga aad igu eedeysay!. Ps. waa iska kaftan waayeel waxaygu.