Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. ^Imaamka inaan wax ka sheego maa rabtaa?, duqowdeyda ii dhaaf si duqaagu u nabad galo!
  2. ^ehehe, kii bacda qashinka horay u soo qaatay asigoo mooda in dharkiisa lagu guray ma Canad'uu joogay?
  3. Beesha Mudullood oo ka baraa’o qaadatay Imaam Maxamuud Imaam Cumar kuna dhawaaqay inay ka qeyb qaadanayaan dagaallada Jihaadka.(Sawiro) . Thursday, 17 March 2011 17:18 Caanogeel Hits: 368 . .Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Mudullood oo maanta kulan ku qaatay magaalada Muqdisho ayaa baraa’o qaatay Imaam Maxamuud Imaam Cuamar oo sheegta inuu yahay Ugaaska Beeshka, kaasi oo dhawaan u duceeyay Ciidamada Kuffaarta Afrikaanta ah. Kulan ay Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Mudullood maanta isugu yimaadeen islamarkaana ay ku marti qaadeen wilaayada islaamiga ah ee Banaadir iyo qaar ka tirsan Hogaanka Mujaahidiinta ayay sidoo kale uga dhawaaqeen inay garab taaganyihiin dagaallada Jihaadka ee ka soconaya gudaha dalka Soomaaliya. Mid ka mid ah Odayaasha Kulankaasi goob joogga ahaa ayaa yiri “****** Cismaan maanta sidow u dhanyahay meeshanaanow fadhaa, wuxuuna diyaar u yahay inuu garab siiyo Mujaahidiinta u taagan difaacista Kitaabka Alle”. Odaygaasi waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin in naftooda, maalkooda iyo awlaadooda ay ku taageeraan Jihaadka soconaya si dalka looga saaro Gaalada kusoo duushay islamarkaana la oogo Shareecada Islaamka. Mas’uuliyiiintii maanta lagu marti qaaday kulankii ay yeesheen Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Mudullood ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Xasasn Daahir Aweys, waaligii hore ee wilaayada Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen Sheekh Cali Jabal iyo Waaliga Cusub Sheekh Maxamed Xasan Abuu Cabdiraxmaan. Kulankii maanta ayaa kusoo gaba gaboobay jawwi heer sare ah, waxayna Odayaashu ay sheegeen in wixii kulanka kasoo baxay ay gaarsiin doonaan dadka ku dhaqan guud ahaan deegaanada ay Beeshu degto.
  4. Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in Xarrakatul Shabaab aan si fudud looga saari karin magaalada Muqdisho Isniin, Maarso 14, 2011 (HOL) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inaan si fudud looga saari karin magaalada Muqdisho Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM, kana talisa inta badan Muqdisho. "Dagaalka ka socda Muqdisho waa dagaal magaalo, lamana mid ahan kuwa meelaha cidladaha ka dhaca, waayo Xarrakatul Shabaab waxay magaalada ka sameysteen dhufeyso waaweyn, waxayna saaran yihiin dhismayaasha dhaadheere ee shubka ah," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo maanta oo Isniin ah la hadlay warbaahinta. Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay guulo ka gaareen dagaalladii ay Muqdisho kula galeen toddobaadyadii lasoo dhaafay, isagoo xusay in ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika uu qorshahoodu yahay inay ka saaraan Muqdisho Xarrakatul Shabaab. "Inkastoo aysan wax fudud ahayn in magaalada gudaheeda lagula dagaalamo Xarrakatul Shabaab, balse qorshaheennu waa inaan ka saarno magaalada Muqdisho," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Xarrakatul Shabaab ayaa waxay gacanta ku haysaa inta badan Muqdisho iyo gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, inkastoo dagaalladii ka dhacay Muqdisho looga qabsaday dhowr saldhig oo muhiim u ahaa. Sidoo kale, wasiirka gaashaandhigga DKMG wuxuu sheegay in calaamka ay maanta ka socdaan illaa 60 dagaal oo u dhexeeya kooxo hubeysan iyo dowlado, kuwaasoo uu sheegay inay la mid yihiin dagaallada ka socda Soomaaliya. "Cid walba oo gacan naga siinaysa dagaallada aan kula jirno Xarrakatul Shabaab waan soo dhaweynaynaa... balse ciidamada DKMG ah iyo AMISOM waxay diyaar u yihiin inay waxqabadkooda sii laba-laabaan oo ay dhulal kale qabsadaan," ayuu yiri wasiirka oo kaga jawaabay su'aal ahayd inay kaalmo weydiisanayaan caalamka. "Waxaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ka codsanaynaa inay nagu gacan siiyaan duqeyn dhinaca cirka ah oo lagu qaado goobaha ay Xarrakatul Shabaab ka taliso si ay u fududaato in laga adkaado," ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay. Mr. Fiqi wuxuu sheegay inay ku dileen dagaalladii ay Xarrakatul Shabaab kula galeen Muqdisho hoggaamiye sare oo shisheeye ah oo lagu magacaabo Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo uu sheegay inuu hoggaaminayay dagaalkii ay ciidamad DKMG ah oo kaashanaya AMISOM ay Muqdisho kula galeen Xarrakatul Shabaab. Ugu dambeyn, wasiirka gaashaandhigga wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku sugan yihiin dagaalyahanno shisheeye ah oo tiradoodu gaarayso 3,000-qof, kuwaasoo ka kala yimid dalalka calaamka doonayana inay Soomaaliya ka dhigtaan goob ay uga duulaan caalamka intiisa kale. Hadalkan wasiirkan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Sheekh Shariif iyo ra'iisul wasaare Farmaajo ay sheegeen in ciidamada dowladda KMG ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga saarayaan Muqdisho iyo gobollada dalka xoogagga Xarrakatul Shabaab. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  5. WAR DEG DEG AH: Dagaal qaraar oo Beled Xaawo ka socda iyo Mujaahidiinta oo gudaha magaalada galay. . Monday, 14 March 2011 18:58 Tartiibsade Hits: 138 . .Dagaallo culus ayaa goordhaw ka bilaawday degmada Beled xaawo ee wilaayado Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyaad Soomaali ah. Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliya ayaa laxaqiijiyay in ay gudaha u galeen Beled-Xaawo oo hadda inteeda badan lagala wareegay ciidanka Itoobiya iyo Maleeshiyaadka cadawga, balse ilaa hada dagaalka ayaa socda natiijadana dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa hadii ALLAAH idmo. Hugunka Rasaasta iyo madaafiic ayaa isqabsatay magaalada oo idil ilaa iyo halka loo yaqaan Kastamka Mandheera, saraakiisha Shabaabul Mujaahidiin ayaa noo xaqiijiyay in ciidankoodu magaalada galeen.
  6. Laascaanood oo caawa lagu dilay Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee maamulka la baxay Somaliland. . Monday, 14 March 2011 21:14 Maamulka Memo Hits: 24 . . Waxaa caawa fiidkii lagu dilay magaalada Laascaanood Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool ay u soo magacaabeen maamulka la baxay Somaliland Axmed Saleebaan ******oow, waxaana goobtii dulku uu ka dhacay ka baxsaday kooxdii dilka gaysatay. Dilka Gudoomiyahan ayaa ku soo aadaya maalmo yar ka dib dil loo gaystay taliyihii Sirdoonka isla gobolka Sool ee Maamulka la baxay Somaliland. Magaalada Laascaanood ayaa ah Gobol ay gacan hayntiisa isku haystaan labada maamul ee la kala baxay Puntland iyo Somaliland oo labaduba ah Dabaqoodhiyo u shaqeeya Qawmiyadda Tigreega ah ee xoogga ku haysta Ethiopia. Shacabka ku nool Magaalada Laascaanood ayaa dhib kala kulma maamuladan jawaasiista ah waxaana ay rajaynayaan in mar uun ay gobolka soo gaaraan Mujaahidiinta Al Shabaab si ay uga kala cayriyaan qawlasatada isku haysata dhicidda shacabkeena ku nool magaalada Laascaanood. Laascaanood ayaa lagu xasuustaa xiligii ay Maxaakimta Islaamigu ka hana qaadeen Koonfurta Soomaaliya in ay noqotay Magaalada kaliya ee ka durugsan Koonfurta Soomaaliya ee ku dhawaaqday Maxakamad Islaami ah oo shacabka u horseeda ku dhaqanka Shareecadda Islaamka.
  7. ^^yeah, all the districts of the capital!! Jacpher, if you had listened to a debate Sheikh abu Zubair had with Sh. Abdikarim Hoosh -one of the famous salafis Ulima in Hargeysa- you wouldnt utter your words now.
  8. Somaliland, waan wadaagnaa oo Italian Somaliland & British Somaliland baa la dhihi jiraye, magac kale soo raadiya!.
  9. ^^Meeqa xaafadood ayaa poll-ka laga sameeyey?
  10. ^Culimada ha u gefin yaan afka ku qalloocane!
  11. The zack PM'kaaga eeg dee ee ii soo jawasab!.
  12. Lool!!. Kuwaan waxaa ka walaalsan "Shacabka" Ethiopia, xuduudna naga dhexeyso, isku dhiigna nahay oo la isku kaaya qaldaa, saas oy tahayna Aniga & Adigaba "Dawladdooda" dagaal baa inagala dhexeeya!.
  13. ^Iney Amisom "your brothers" la dagaalaan waan ku taageersanahay!. @Edit: check ur PM!.
  14. ^Ina Iley waa iska Tigre, he fights you with Tigrey force and arms (Ani Shabaab ma metelo duqa haddii kale sidaadoo kalaan Avatar ka dhigan lahaa ) Edit: Diif ka warran?
  15. ^^ ka soo qaad iyadoo ina Iley idin yiraahdo: 'dagaal fool ka fool ah isugu kaaya keena' maxaad sameyn laheyden?
  16. Tigray'ga si ka duwan TFG'da waa in loola dagaalaa, sidaba a ONLF'tu ula dagaasho ku dhufoo ka dhaqaaq!, sow maaha sidaa yaa Zaki?
  17. Boqolaal katirsan ciidamada Mujaahidiinta wilaayada Galguduud ayaa caawa gaaray meel ku dhaw degmada Dhuusamareeb kadib dagaallo culus oo shalay ka dhacay hareeraha magaaladaasi. Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan ayaa lagasoo sheegayaa deegaanada ku dhaw Dhuusamareeb ka gadaal markii ay jabeen ciidankii Kirishtanka Itoobiya iyo Maleeshiyaadka Mushrikiinta. Guutada Khaalid Bin Waliid oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo madaafiicda garbaha laga gemo ayaa galabta gaaray halka loo yaqaan Geed Timirka oo 15 KM ujira magaalada Dhuusamareeb. Dadka deegaanka Ceel lahelay ayaa maanta aasay in kabadan 15 Meyd oo shalay ay ka carareen maleeshiyaadkii Mushrikiinta ee weerarka kusoo qaaday Ceelahelay iyo deegaanada ku xeeran.
  18. ^lool, waxaa la soo shir tageysid fiiri, Tayib Ordogan never bee an Islamist.
  19. Gheelle.T;700341 wrote: Muxuu markii hore u booteynaayay, haddii uusan wax iska celin karin? Boowe, odaygu urur buu samaystay, AS maahi buu yiri, dagaal baa dhex maray AS iyo xisbigiisii, deerna markii la soo kulaalay ayuu is dhiibay. Marka credibility odaygu ma laha, ee warkiisa naga daa. Xaggee wax idiin marayaan hadda? Waa la idin wataaye maxaa idiin tala ah maanta? War Caruurta inta hartay badbaadiya. Sxb, Odayga dagaal & madaxnimadiisii wuxuu ka door biday inuu dhallinyarada hoggaanka u daayo, taasaa geesinimo la yiraah. Weligiis wuxu dhihi jiray inta cadow waddanka joogo waa in la heshiiyaa, wuuna ka dhabeeyey.
  20. 3'daba waa isku mid lakin t 'dhabbad' Anigu 'Dhebed' baan u maqlay!.
  21. War deg deg ah: Shariif oo kala eryay Taliyaashii Ciidanka DKMG kadib markii ay ku fashilmeen Boqolkii maalmood ee la doonayay in ku dhaqanka Shareecaa Islaamka lagu wiiqo. . Monday, 07 March 2011 14:22 Maamulka Memo Hits: 103 . . Kadib markii ay Ciidamada shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo maleeshiyaadka DKMG-ka ku fashilmeen dagaalada ay kula jiraan mujaahidiinta ayaa lakala diray saraakiishii ugu sareysay DKMG-ka. Ilo wareedyo ay wakaaladda SomaliMeMo ka heshay Villa Somaliya ayaa xaqiijinaya in Shariif Sheekh Axmed uu saacadaha soo socda xilalka ka xayuubin doono taliyaasha ugu sareeya ciidankiisa. Saraakiisha Villa Somaliya oo u badan calooshood u shaqeystayaal ayaa si fudud ku bixinaya siraha gaarka ah ee halkaasi kajira, mid kamida saraakiisha Warfaafinta ayaa Wakaaladda SomaliMeMO si hoose ugu xaqiijiyay in Shariif Eeyay Taliyihii ciidanka Milleteriga,Taliyihii Booliska iyo taliyihii Nabad sugidda. Eryidda Shariif ku sameeyey taliyaasha ciidanka ayaa yimid kadib markii ay dhamaatay Boqolkii maalmood ee uu u qabtay Farmaajo in ay qabsadaan Muqdisho iyo gobolada ku dhaw dhaw. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shariif Sheekh Axmed uu Ciidanka AMISOM ku dalbay taliyihii Nabad sugidda oo uu ku eedeeyay in uu bixiyo siraha DKMG-ka islamarkaana uu ku guul dareystay in uu Jawaasiis ku daadiyo deegaanada ay Mujaahidiintu maamulaan. Shariif ayaa ka carooday qab qabshada ay Mujaahidiintu Soomaaliya qabtaan Wardoonka DKMG-ka kadibna lagu toogto fagaarayaasha Muqdisho waxaana ugu dambeeyay Dilkii shalay lagu fuliyay Jaasuus Cabdi Fitaax oo kamid ahaa saraakiisha Sirdoonka DKMG-ka
  22. Madaxwayne Shariif oo xil ka qadis ku sameeyay Taliyaasha Ciidamada Milatariga, Nabd sugidda, Boliska Iyo Asluubta. WAR-SAXAAFADEED. Monday, 07 March 2011 14:57 Read : 368 times War- Saxaafadeed (Villa Baydhabo Somalia Isniin Maarso 07) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Ahmed ayaa wareegto uu Xilka ugu qaadayo dhamaan Taliyayaasha Ciidamada Amniga ka soo saaray xafiiskiisa. Wareegtadan ayaa timid kadib markii ay keeneen soo jeedin xilkaqaadis Wasiirada ay arintaani quseyso oo uu horkacayay Raisul Wasaare Maxamed cabdulahi Farmaajo. Madaxwenaha oo tixgilelinaya soojeedinta wasiirada islamarkaasna qiimeynaya xaalada iyo daruufaha nabadgelyo ee uu dalka marayo loona baahanyahay in la qaato talaabooyin lagu habaynayu laguna dar-dar galinayo haydaha nabadgalyada qaranka si loo xaqiijiyo is bedel wax ku ool ah, ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay Maarso 07 2011 Madaxweynuhu ka qaaday Xilalkii Taliyanimo Saaraakisha hoos ku xusan. Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed S/GUUTO Axmed Jimcaale Geedi. Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaliyeed S/GUUTO Maxamed Sheekh Xassan Xaamud. Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/GUUTO Cabdullahi Macallin Cali. Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed S/GUUTO Cali Maxamed Xassan Looyaan. Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha Moqdishu, Somalia mabdalla@presidency.gov.so This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
  23. Dumarka maahane inta kale waan ka gatay!.