Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Shabaab oo xalay dagaalo dhowr jiho ah ku qaaday fariisimo ku yaal Muqdisho Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraro ballaaran xalay ku qaaday fariisimo ku yaal Magaalada Muqdisho, iyadoo xalay dadka reer Muqdisho u ahaa habeen dagaal oo ay hurdada ka ladi waayeen madaafiicda la is weydaarsanayay. Dagaaladii xalay ayaa ku bilowday Madaafiic Al-Shabaab ku garaaceen Saldhig milateri Ciidamada xooga dalka ku lahaayeen deegaanka Xoosh, iyadoo kadib duleedka degmada Dharkeenley uu ka bilowday dagaal fool ka fool ahaa. Mid ka mid ah dadka deegaanka ee ku sugan degmada Dharkeenley ayaa sheegay in dagaalada ay saameyn ku yeesheen, isla markaana ay jireen madaafiic ku soo dhacday xaafadahooda. Xerada ugu weyn ee barakacayaasha Badbaado ayaa saameyn adag ay ku yeelatay dagaaladii xalay ka dhacay degmada Dharkeenley, waxaana dadkii barakacayaasha ahaayeen kuwo cooshadahooda banaanka uga soo baxay, iyagoo argagax galay. Sidoo kale dagaalo culus ayaa ka dhacay duleedka degmada Kaaraan ee dhinaca waqooyi Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaas ahaa mid socday saacad ku dhow, kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ku lahaayeen halkaas. Labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa dagaalada ka dhacaya Magaalada Muqdisho ay sii xoogeysteen, tan iyo markii jimcihii Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen Qabuurihii Barakaat iyo Jaamacadii Muqdisho. Al-Shabaab ayaa kordhinaya dagaalada ka dhanka ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, iyagoo u muuqda mid ay jihooyin cusub kaga furaya, gaar ahaan duleedyada, iyadoo habeen hore ay dagaal ku qaadeen Ex Koontarool Afgooye oo saldhig ku lahaayeen Ciidamada Dowladda. 1,938 Ayaa aqrisatay 1 Halkan ka dalaco wararka dhan Halkan Riix Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com jowharcom@gmail.com jowharnews@gmail.com
  2. ^Yes, they are. They are our Muslim brothers, wax fahan.!
  3. O Allah, You are my Lord, there is none worthy of worship but You. You created me and I am Your slave. I keep Your covenant, and my pledge to You so far as i am able. I seek refuge in You from the evil of what I have done. I admit to Your blessings upon me, and I admit to my misdeeds. Forgive me, For there is none who may forgive sins but You. The Prophet Muhammad said “If somebody recites it during the day with firm faith in it and dies on the same day before the evening, he will be from the people of Paradise and if somebody recites it at night with firm faith in it and dies before the morning he will be from the people of Paradise.” [ sahih Al-Bukhari. Other reports are in An-Nasa'i and At-Tirmithi ]
  4. JB, mudaaharaadkii maad warbixintiisa na siisid, mise XX baa ku shaqo leh!
  5. ^Kan macdanta & biyaha ayaa ku wehliya & xildhibaanno kale, kan lee maxaa u sheegtay?.
  6. إنشاء الله فاز وربِّ الكعبة وخاب قاتلوه
  7. ^Haa, heestii Singub ma dhegeysan miyaa?" oo haddana heblaayeey, haddana heblaayeey, sedddax magac u qalantaay!" Waxaan ka yaabay, saad cunug madaxa malaaay u saaranyahay lee aad u soo dhejisid!.
  8. ^Lina, Sawirkaan ma 2012-aa?, mise heer-maanyadaad la dhacsantahay?
  9. ^Haye huuno, waan iska daafay!. Weligeyba wax ceeb ah ma sheegin, ee fagaara ka nax baan leeyahay!
  10. ^Inta ma rabo inaan kuugu sheego! MMA & Ismalurto (inteey ka baxday horta), adoo garab ka raadinaya baan ku arkay Edit: Duke, iney Dhuusomareeb habeen hore ku hoydeen Allpuntland ma soo qorin miyaa?
  11. Why don't you report the Stooge with the British nationality by the name of Jaras! Copy of his driving license is on the twitter page of Shabaab Hypothetical Q. kama jawaabo, hadda adoo Kanada jooga oo single ah, waxaan kaa aminsanahay ma kuu sheegaa?.
  12. Cawaale, Adigana soo gemo 5'taada: 1) Xaawo cabdi 2) 3) 4) 5)
  13. TFG, waxaa ka daran sxb, ciidamada shisheeye, ee u campaign garee sidii waddanka looga saari lahaa!.
  14. ^How do you know my sub sub clan?. Doqon baad tahay!.
  15. Muqdisho, Jimce, 09 July 2010, (Hillaac.Net) Waxan Maqaalkeygan ku Billaabayaa Qiso yar oo Naxdin badan oo aan filayo in aan Aqristayaasha Boggan horay ugu soo gudbiyey, Waxay ku saabsananeyd Oday Adeerkey ahaa oo Xilligii ay Tigreegu soo galayeen Magaalada Muqdisho aad ugu faraxsanaa oo weliba sida uu Afkiisa iiga sheegay Timir iyo Raashinba ugu geyn jiray Xerooyinkooda ayaan Maaln Doodnay Annagoo Taleefan kuwada hadleyna, Waxana uu ii sheegay sida uu ugu Faraxsanyahay Ciidamada Itoobiya soo gelitaankii ay Muqdisho soo galeen iyo sida ay u edbiyeen Qabaa’il uu sheegay in Maaro loo waayey oo Kibirkoodii laga joogi waayey, Odayga intii uusan iidhameyn Hadalka ayaan Anigoo Si Xushmad badan ula hadlaya Maadaama uu Waalid ii yahay ayaan Intaan ka dhex galay Hadalkiisii isku dayey in aan ku Qanciyo in Tigreegu aaney Weerar ku ahayn Qabiil Gooni ah, Qabaa’ilka Soomaaliduna aaney Iyagu u kala soocneyn Balse ay Weerar ku yihiin Dadka Soomaaliyeed oo dhan iyo Dalkooda, Colaad, iyo Cadawtinnimo Raagtayna ay u qabaan Ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed. Odayga Dood dheer oo aanan Qoraal ku soo koobi karin baa ina dhex martay, Isagoo intii uu hadlayey oo dhan tirinayey Dhibaatooyin uu Magacaabayey oo Qabaa’il Soomaaliyeed in ay Soomaali kale u geysteen sheegayey, Waxana uu ku celcelinayey in Tigreegu aaney keeneyn Dhibaato ka badan tan Haatan Soomaalida ay ku hayaan Qabaa’ilkaas uu Magacaabayey. Markii aan Odayga isku Daalney ayaan Hadalkii u soo koobay oon ku iri:- “WALLEE TIMIR U GEYSAA IYO TIIN U DHIGTAABA TIGREE TIR-TIRKAAGEEY U SOCDAAN”. Maalintii Odaygaas Adeerkeey ah ay Dooddaasi ina dhexmartay Maalintii ku xigtay ayaa Dagaal Xun Magaalada Muqdisho ka dhacay Waxana dhacday in Meydka Tigreega la gubay oo iyadoo la jiidayo la keenay Suuqa Bakaaraha, Dabadeed Tigreegii inteey xirteen Wadooyin ay ka mid tahay Waddada Soddonka ayey Shacabkii marayey oo idil Gowraceen Gaar ahaan Shacabkii aan Colleysaneynin Tigreega ee Saaxiibka ka dhiganayey, Illeyn Iyagaa isku Aaminayey oo marayey Waddooyinka ay Tigreegu joogaane, Nasiib Xumo Adeerkeey wuxuu ka mid noqday Shacabkaas ay Tigreegu ku Bireeyeen Waddada Soddonka, Iyagoo weliba Meydadkii Dadkaas ay Bireeyeen oo uu ku jiro Adeerkeeygii Timirta u geyn jiray ay diideen in la’aaso oo Maalmo kadib ay Eeyaha ku ceneen Waddada Soddonka. Haddaba Hadalkii aan Adeerkey Allaha u Naxariistee uga Waaniyey ku farxidda iyo Taageridda Tigreega ee ahaa TIMIR U GEYSAA IYO TIIN U DHIGTAABA TIGREE TIR-TIRKAAGEEY U SOCDAAN ayaan Maanta Shacabka Soomaaliyeed Mar kale ugu celinayaa, Qofwalba Isagoon Cidna u daneyn Nafsaddiisa ha’udaneeyo oo ha’ogaado in Tigreegu Cadaw u yahay Soomaalida oo dhan, Waxadna Ogaataa Xilligii Tigreegu soo galeen Soomaaliya Dadka ugu badan ee Dhibaatadu soo gaartay waxay ahayd Shacabkii aan Cadawga ka dhigan Tigreega ee la Rafiiqay, Islamarkaana maray Waddooyinkii ay joogeen, Uqaxay Dhankii ay ka xigeen, Una Mashxaradayey. Shacabkii Markii Tigreegu soo galay Baraarugsanaa Iyagu Dhankoodaba kama dhawaan, Cadaw inuu yahay beey ogaayeen, Shacabkaas waxay u qeybsameen kuwo kaba qaxay Meelihii ay Tigreegu ka agdhawaayeen, Iyo kuwo kula dagaallamay Wixii Awood ah ee ay heli kareen. Waan la soconnaa Tigreegu wixii ay xitaa u geyteen Xoolodhaqatadii Baadiyaha Bakool Xoolahooda ku raacanayey oo ay Waddooyinkii Baadiyaha ee ay marayeen u galeen oo ay ku Gowraceen, Waxan kaloo la soconnaa in Masjid ku yaalla Waxaracade ay sidii Xoolihii ugu dhex bireeyeen Wadaaddo Tabliiq ah oo Masjidkaas isaga Cibaadeysanayey, Waxan Xasuusannaa Dumarkii Soomaaliyeed ee Masaakiinta ahaa ee Carruurtooda la qaxayey Qaabkii Foolxumada ahayd ee ay u kufsadeen, Dabcan lama soo koobi karo Dhibaatooyinka Tiiraanyada leh ee ay Tigreegu u geysteen Shacabka Soomaaliyeed, Waxanse aan u guudmaray Dhibaatooyinkaas bal in aan Shacabka Soomaaliyeed xasuusiyo Cadawgii Jariimadaas geystay oo aysan u kala soocneyn Ummada Soomaaliyeed in Maanta ay misana Dad Soomaalinnimo sheeganaya ay ugu yeerayaan in Marlabaad ay Xasuuqaas ay horay ugu geysteen Ummadda Soomaaliyeed mid lamid ah ama ka sii xun u geystaan, Waxan Markaa Ummadda Soomaaliyeed Yar, Iyo, Weyn, Rag, Iyo Dumarba ugu baaqayaa in ay Dagaal kala hortagaan oo ay ogaadaan in Tigreegu ay Gurigiisa ku dhex bireynayaan kan mooda in aaney Tigreegu isaga u socon, Intii Gurigaaga lagugu dhex dili lahaa, Ama Masjidka Adigoo ku jira lagugu dhex bireyn lahaa soow kama habboona in aad gobannimo ku dhimato oo Adigoo la Dagaallamaya Injirleeyda aad ku dhimato haa, haa, Alleylehe Haa, Kuwa Iyagu Timirta u geynaya ee Tigreega Walaashanaya Kuwaas iyaga Waqtiga u daa, Hilibkooda Tigreegu Ceyriinka haku cuneen!!. W/Q:- (Shukri Xassan, Shukri Yareey).
  16. Haa, nimaan cabsan waa loo cabsadaa! Ninkaan wuxuu aaminsanyahay in loo xiro aad bay u qaldantahay sxb, yuu wax ka halleeyey?.
  17. Irving, David lol@magac khatar ahna ha ngu sheegin, cabsi lee yaa?
  18. ^Adaaba meeshii "our' prominent historian lagu xiray jooga!
  19. ^Amin Yaa Rabb. Ps. Ani lakini reer Galgaduud ma ihi. All of the five I listed excelled in their respected fields. ma diidantahay taas?
  20. ^Shabaab, waa Mujaahidiin dalka & diinta ka difaacayaa Cadawga weerarka ku ah, sxb. Ma waxaad ku faraxsantahay in Dalka ay ku soo duulaan: Ugandan, Brundian, Ehiopian & others oo uu cadawga ugu wayn ee Islaamka (USA) dabada ka wado?. Adiga weligaa ma is weydiisay,: maxay hadda 'all of a sudden' gaaladaan waddankeenna 'interested' ugu noqdeen?, iyadoo 20-kii sano waddanka chaos uu ka jiray dabka ay sii hurinaayeen?. In Shabaab saxsanyihiin waxaa kuu caddeynaya Gaalo & Akhasu-Naas ayaa ka soo horjeeda, taas waxaa dheer in meelaha ay ka taliyaan nabad & caano tahay, for example: labada Gobol eed sheegtay inaad ka timid: Sh/Hoose & Dhexe waa meelaha ugu nabadda badan Adduunka, Kaba ku tukade & Abba Maxamed shaqo fiican ayay qabteen, inaad u mahad celisid bey ahayd, inaad ku jizaarto maaheyn!.
  21. ^Cambuuulo, Adigoon waxba hubsan aad warka soo tebisay weliba si xamaasadeysan adoo weliba qof ku faraxsan camal ah! Somalina, Adi maxaa suubinee maad iga celisid Beexaaw-ga, Aniga Apache-ga aan dhinacooda ka imaanaa! ^^Dagaalka weli waa socdaa... Dagaalki Muqdisho oo Weli socda Meydadka Ciidanka Yugaandheys ah oo la helay iyo Wadadii Saadka oo AMISOM laga jaray. Friday, 20 January 2012 21:18 Editor Hits: 170 Dagaalkii galabta dib uga bilaawday magaalada Muqdisho ayaa weli ka socda magaalada hadda oo ay tahay 12:00-kii habeenimo iyo qadar daqiiqada ah waqtiga maxaliga ah ee magaalada Muqdisho. Taliska ciidamada Mujaahidiinta ayaa caawa noo xaqiijiyay in dagaalka ay cadawga khasaara culus ugu geysteen islamarkaana ay ka jareen wadadii uu saadka uga imaan lahaa. Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa ka dagaalamaya mid kamida dhismayaasha Jaamacadda Muqdisho halka mujaahidiintu ay hareereeyeen ciidamo katirsan kuwa Uganda. Dagaal caawa Maqribkii dhacay ayaa wax weyn ka bedelay qaabka dagaalka taasi keentay in goob qura lagu dilo 12 Askari oo Yugaandheys ah oo Meydadkooda berri saxaafadda loosoo bandhigi doono. Qaa'id sare ayaa noo xaqiijiyay in ciidanka ay dileen ay ka furteen hub badan oo uu kamid yahay qoriga Jebshaha loo yaqaan iyo rasaas sidoo kale wuxuu qaa'idkaasi inoo xaqiijiyay in cadawga ay ka jareen wadadii 2-aad oo ay zaadka u isticmaalayeen. mujaahidiintu waxay sheegayaan in marxaladan cusub ee dagaalka ay tahay sidii ay rabeen ayna cadawga kula dagaalamaan dhulka. Weli dagaallo ayaa socda waxaana jirta madaafiic culus oo ay cadawga shisheeye ku garaacayaan xaafadaha magaalada Muqdisho. Amiirnuur.com
  22. ^Anoo kuu jawaabaayo ma aragtay, iga daba har qaablaaweyahaw!.
  23. Xamar waxaa iska leh dadka difaaceeda u taagan!.