Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Looks like, the two photos are from different angles!.
  2. Faah Faahin kasoo baxday Dagaal Xalay Muqdisho ka dhacay. Tuesday, 07 February 2012 08:00 Editor Hits: 84 Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeyay ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa shisheeye. Xalay Fiidkii iyo saqdii dhexe ayay ciidamada Mujaahidiinta weeraro culus ku qaadeen dhowr saldhig oo ay cadawga shisheeye uga sugnaayeen magaalada Muqdisho. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidanka shisheeye khasaara culus lagu gaarsiiyay dagaaladii xalay oo xoogoodu ka dhacay Jaalle Siyaad Bangala iyo wadada Warshahada ee magaalada Muqdisho. Dagaalkii xalay wuxuu gilgilay magaalada waxaana lamaqlay madaafiicda garbaha laga gemo oo ay mujaahidiintu ku garaacayeenb xarumaha cadawga. Saraakiil katirsan taliska mujaahidiinta oo lahadlay warbaahinta islaamiga ah ayaa sheegay in khasaara xoogan ay cadawga gaasiiyeen ayna sii wedi doonaan dagaalka. Dagaalkii xalay ayaa qeyb ka ah howgallo baaxad leh oo ay ciidamada mujaahidiinta wilaayada Banaadir ku doonayaan in ay cadawga ku wiiqaan awoodiisa. AmiirNuur Media Muqdisho
  3. ^This time its jowhar.com, enjoy Dagaalo faraha looga gubtay oo xalay mar kale ka dhacay Muqdisho Dagaalo culus ayaa xalay saqdii dhexe la isku miray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kadib markii Xoogaga Al-Shabaab ay soo qaadeen weeraro ballaaran. Sida ay sheegayaan wararka dagaalada ayaa xoogooda ka dhacay Xaafada Bagala ee degmada Dayniile iyo nawaaxiga Xaruntii Asluubta ee Ex Koontarool Afgooye. Dagaalada oo dhowr jeer ka dhacay aagagaas ayaa ahaa kii ugu xooganaa habeenadan dhaca, iyadoo xalay dad fara badan ay hurdada kaga salaleen madaafiicda iyo hubkii la is weydaarsanayay. Saraakiisha Dowladda oo saaka warbaahinta Muqdisho qaarkeed la hadlay ayaa sheegay in dagaalada lagu soo qaaday, hase ahaatee ay iska difaaceen. Ciidamada AMISOM ayaa fariisimaha ay ku leeyihiin wadada Warshadaha ka ridayay madaafiic culus oo magaalada badankeed laga maqlayay. Dagaalkii xalay ayaa qeyb ka ah dagaalo xilliyada habeenkii ka dhaca, goobaha la isku hor fadhiyo, oo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ku soo qaadaan Shabaab. 3,782 Ayaa aqrisatay 2 Halkan ka dalaco wararka dhan Halkan Riix Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com jowharcom@gmail.com jowharnews@gmail.com
  4. Quran talks in details about Astrology, Embryology, Xiddigaha, how rain is formed, mountains, oceans and many other things. Boondheere, as you mentioned in the other thread Allah talked about DhulQarnain and how he traveled around the world , that contradicts your earlier claim that Quran only talks about the Arabia desert, I'lll -IA- post all the above one by one, watch this space!.
  5. ^ , maxaad ugu maleysay? Blue, Xumaan ha u arkin. Waxaad u egtahay qof aan talo waxba ku falayn!
  6. ^Adiga maaha, waa iyada. Lakin dib baan ula noqdayba!
  7. ^Talexi, iska daa kan wa igu khafiifaye! aniguse inuu hadlay & in kaleba kalam ogi! JB, Banaadiiqdaba Ruush & meelo kale baa laga keenaa!.
  8. Boondheere, Sowdiga Quranka beeniyey oo yiri : 'wax qarnigii 7aad af carbeed lagu qoray ma rumeysanayo, ee haduu Eebbe jiro CNN-ka ka soo istaago' maaha?, Culimada waaweyn ee aqoonta lagu bratay & daacadnimada warkooda waa la qaataa hadduusan toos uga hor iman Nass cad!.
  9. ^Qosol gariir waaye waxaas!, website-yada dhan ayaa qora maalin walba, except ur favorite one Radiomuqdisho.net
  10. Blue, taladayda ma rabtaa?, oh, forget it!.
  11. ^ Xaaji, Waaheen & Haatuf haddey qoraan ka warran?.
  12. ^Hope,inaad kan rumaysan doontid! Dagaal Xalay Leysku Farasaaray Demooyin Ka Tirsan Gobollka Banaadir Muqdisho : HN : Dagaal leysku adeegsaday hub-ka noocayadiisa kala duwan ayaa xalay ku dhaxmaray qeybo ka mid ah gobollka Banaadir xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo ay gacan militari siinayaan kuwa AMISOM. Dagaalada ayaa bilaawday kadib weerar xoogan oo ay dagaalyahannada Al-shabaab ku soo qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Kaaraan iyo Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Waxaa la maqlayay hub-ka culus oo ay is weydaarsanayeen dhinacyada iska soo horjeeda iyo waliba iyo madaafiic ay tuurayeen ciidamada AMISOM ee lagu weeraray dhufeysyadii ay kaga sugnaayeen labada degmo. ‘’Dagaalka xalay waxaa uu ahaa mid culus oo aan habeenadan soo marin degmada, madaafiicduna mar marka qaar waxaa ay ku dhacayeen xaafaddo ay dad shacab ah ku nool yihiin, mana garan karno khasaaraha ka dhashay ayuu yiri,’’ qof ku sugan degmada Huriwaa oo warbaahinta la hadllay. Dowladda KMG oo maalmo ka hor waxaa u suurtagashay in ay kala wareegto Al-shabaab xaafaddihii ay kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho, waxaa ay saraakiisha dowladda ku hajabanayaan in ay u sii gudbi doonaan dhinaca gobollada dariska la ah gobollka Banaadir, laakiin haddana iyada oo ay taa jirto ayaa dhinaca kale waxaa muuqda in Shabaab-ku wali ka samrin deegannadii lagala wareegay iyaga oo soo qaadaya weeraro rogaal celin ah oo aad u culus. Hiiraan Net.
  13. ^Ninku waa Atheist, haddana 'revelation from God' & Prophet ka sheekeynaya, sow yaab ,a laha?
  14. Whats wrong with them? its China made by the way (Ninba tabartiis ha tallaabsado) ma maqashay?
  15. Dad cuuryaamiin ah oo ku naafoobay duqeymo ay ciidamada AMISOM iyo kuwii Itoobiya ka geysteen magaalada Muqdisho. nnnn
  16. War deg deg ah: Dagaal Culus oo Muqdisho ka Bilaawday. Monday, 06 February 2012 19:45 Editor Hits: 77 Dagaallo qaraar ayaa ayaa goordhaw ka bilaawday magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan Howlgallo ka dhan ah cadawga. Dhawaqa Madaafiicda iyo rasaasta ayaa laga maqlayaa xaafado badan oo katirsan magaalada muqdisho, dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Mujaahidiinta ay weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen fariisimada cadawga. Dagaalka ugu culus ayaa ka socda degmada Dayniile iyo Wadajir oo ay ciidamada mujaahidiintu kula dagaalamayaan ciidanka Shisheeye iyo maleeshiyaadka Soomaalida ah. Holca Madaafiicda iyo rasaasta Iftiinkeeda ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho, dagaaladan ayaa qeyb ka ah Howlgallo ay mujaahidiintu ku doonayaan in ay cadawga ku naafeeyaan. Lasoco Wixii soo kordha
  17. Maktabka Diiwaanka Zakawaadka Mujaahidiinta ayaa Qalabka Cuuryaamiinta gacanta u geliyay Dad cuuryaamiin ah oo ku naafoobay duqeymo ay ciidamada AMISOM iyo kuwii Itoobiya ka geysteen magaalada Muqdisho. Madaxa Zakawaadka Mujaahidiinta Sheekh Suldaan Maxamed Aala Maxamed oo gacantiisa ku qeybinayay Baaskiillo iyo lacag ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab ay Cuuryaamiinta uqortay Biil joogta ah oo ay qaadandoonaan inta noloshooda ka harsan. Sh. Suldaan 'a Burcaaawi' Ngonge should be proud
  18. What about Cabdiqasim who was interior minister, responsible for Police, security etc. what about your own Rayaale Kahin?, stop picking on him!.
  19. Dagaalo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir. Dagaalada oo ahaa kuwo faraha looga gubtay ayaa ka kala dhacay degmooyinka Huriwaa iyo Kaaraan, halkaasoo fariisimo ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. Xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku ekeeyay difaacyada iyo aagaga Ciidamada ku sugnaayeen, iyadoo kadib labada dhinac dagaal muddo saacad qaatay dhex maray. Dagaalada oo xalay saqdii dhexe dhacay ayaa ahaa mid Xoogaga Shabaab si dhuumaaleysi ugu soo qaadeen fariisimaha Ciidamada fadhiyeen, ha yeeshee ma cada qasaaraha ka dhashay. Inkastoo goobaha lagu dagaalamay ka barakaceen dadkii degenaa ayaa hadana waxaa suura gal ah in madaafiicda iyo rasaasta la is dhaafsanayay ay gaaraan goobaha dadka rayidka ah. Dagaalkii xalay ayaa ku soo beegmaya xilli habeenadan magaalada inteeda kale ay aheyd mid degan, iyadoo wali Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM abaabulo dagaal ay wadaan. Dhinaca kale Taliyaha Guutada 1aad ee ciidamada xooga dalka Col. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in dhowaan Al-Shabaab ka saarayaan inta ka hartay magaalada Muqdisho. Col. Caanood ayaa tibaaxay inay wadaan diyaar garowgii u dambeeyay, isagoo ka gaabsaday waqtiga duulaanka ku yihiin, waxaana uu cadeeyay Al-Shabaab xilligan awoodooda ay daciiftay. Dhowaan ayay aheyd markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM dagaal ay qaadeen kula wareegeen Qabuurihii Barakaat iyo Jaamacadii Muqdisho, halkaasoo ay fariisimo ka sameysteen. Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com jowharcom@gmail.com jowharnews@gmail.com
  20. Ha is yeelyeelin sxb, sheeg waxa laba geed oo isku neel ku yaal oo hal biyo lagu waraabiyey ay u kala dhadhan duwanyihiin?.
  21. Dagaallo lagu miray Ciidamada Gaalada Amisom ee Saldhigyada ku leh degmooyinka Kaaran iyo Huriwaa. Monday, 06 February 2012 06:45 Caanogeel Hits: 269 Ciidamada Mujaahidiinta ayaa habeenkii xalay dagaallo ku miray saldhigyo Ciidamada Gaalada Amisom ay ku leeyihiin degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho. Saqdii dhexe ayay Ciidamada Mujaahidiinta weerareen difaacyada hore ee Saldhigyada ay degenyihiin Ciidamada Gaalada ee soo duulay, waxaana dhacay dagaal culus oo waqti badan socday. Dadka ku dhaqan gudaha iyo duleedka Muqdisho ayaa waxay maqlayeen dhawaqa Madaafiicda iyo hubka la isku adeegsanayo, waxaana mararka qaarkood la maqlayay Madaafiicda waaweyn oo ay tuurayaan Ciidamada Shisheeyaha. Taliska Melliteriga ee Mujaahidinta Soomaaliya weli wax hadal ah kama soo saarin dagaalladii Xalay ka dhacay Muqdisho, hase ahaatee waxay dagaalladani qeyb ka yihiin dagaallo si joogto ah uga dhaca magaalada Muqdisho xilliyada habeenadii ah.
  22. Please guys, Aayaddaan si fiica iila akhriya!: وَفِي الأَرْضِ قِطَعٌ مُّتَجَاوِرَاتٌ وَجَنَّاتٌ مِّنْ أَعْنَابٍ وَزَرْعٌ وَنَخِيلٌ صِنْوَانٌ وَغَيْرُ صِنْوَانٍ يُسْقَى بِمَاء وَاحِدٍ وَنُفَضِّلُ بَعْضَهَا عَلَى بَعْضٍ فِي الأُكُلِ إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ And in the earth are tracts (diverse though) neighbouring, and gardens of vines and fields sown with corn, and palm trees - growing out of single roots or otherwise: watered with the same water, yet some of them We make more excellent than others to eat. Behold, verily in these things there are signs for those who understand!