Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. ^ Maha dowlo kama jirto dheh hee mugga!, miniiba moryaan qabiil seey rabaan iska yeelaayaan xabbana laga qabeyn!.
  2. "godka qashinka" ma maqlin miyaa?. Cid kasta god bay ka hor qotaan guriga dhinaciisa.
  3. Warkaan xaa ka run ah, Oba?. Tarsan oo lagu eedeeyay in uu iibsanayo Bacaadlihii Xamar-weyne Muqdisho: (Sh.M.Network) — Ganacsatadii hore ee Bacaadlaha degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur Tarsan in uu iibsanayo Bacaadlahaasi. Ganacsatadaani oo sheegtay inay iskalahaayeen Dhismiha Bacaadlaha degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir oo maanta siyaabo kala duwan ula hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen inay ka cabanayaan dhibaatooyin iyo ku tumasho sharci darro ah oo uu wado Guddoomiye Tarsan sida ay hadalka u dhigeen. Ganacsatada ayaa sheegay in Dhismaha Bacaadlaha oo ka kooban (kun iyo Labo boqol oo qol) Guddoomiyaha gobolka Banaadir uu iibinayo, iyagoo tilmaamay in Guddoomiyaha uu ka been abuuray Ganacsatadii hore ee Bacaadlaha, waxaana ay sheegeen in Guddoomiyaha Dhismaha Bacaadlaha qolkiiba uu ka bixinayo 2-kun oo dollar-ka Maraykanka ah, lacagtaasi oo ay tibaaxeen inay ku dhacayso Akoon uu ku leeyahay Bangiga Salaam oo uu si gaar ah u isticmaalayo, ayna ku dhaceynin qasnadda Dowladda Soomaaliya. “Waxaan ahay Guddoomiyihii Bacaadlihii Xamar-weyne ee gubtay 1983-dii, waxaana ka cabanaynaa Guddoomiye Tarsan, waayo aniga ayaa hantideena halkaasi nooga gubatay, walina waan noolnahay, wuu na inkaray, dadkii maalkooda maqnaa oo gubtay oo Xafiis waliba oo ka mid ah Dowladda geeyay warqadooda dacwada ah ayaanu nahay laakiin Tarsan markii uu yimid iyo Maamulka uu isaga Madaxda ka yahay, intaasi oo dhan cagta ayay ku dhufteen, waxay dhaheen waxaasi oo dhan waxba kama jiro, waxay noogu dareen inkirmaad, wixii hore way dhinteen wax nool kama jiro ayuu yiri” sidaasi waxa yiri Guddoomiyihii hore ee Bacaadlaha Axmed Coloow Afrax. Max’ed Socdaal Wardheer oo isna ahaa Guddoomiye ku xiggeenkii Bacadlihii degmada Xamar-weyne oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in aanu aheyn Qabiil iyo dad gaar ah, hase ahaatee ay ka kooban yihiin Soomaali oo dhan islamarkaana Dhismaha ay leeyihiin. Dhismahaani Waa Bacaadlaha Degmada Xamar-weyne “ Annaga qabiil manihi, degmo manihi, shanta Soomaaliya ayaan ka kooban-nahay Woqooyi Galbeed ayaa wax ku leh, Bariyaa wax ku leh, Bay ayaa wax ku leh, Odayaasha meesha ka cararay cadaalad daro ayaa ka cararsiisay, waxaan dowladda ka codsanaynaa in wax laga qabto dhibaatooyinkaasi” sidaasi waxa yiri Max’ed Socdaal Wardheeer oo ah Guddoomiye ku xiggeenkii Bacaadlihii. Sheekh Max’ed Sheekh Axmed oo ka tirsan Culumada Soomaaliyeed kana mid ahaa Ganacsatadii Bacadlaha Xamar-weyne ayaa waxa uu sheegay in ka been abuurashada Tarsan ee Ganacsatadii Bacadaalihii hore shareecada Islaamka aysan qabin. “ Shareecada Islaamka ma qabto in la iska been abuurto, qofka waliba oo Mas’uul ah way saameynaysaa Aduun iyo aaqiro” sidaasi waxa yiri Sheekh Max’ed Sheekh Axmed. Nuurto Gureey Nuur oo iyana ka mid aheyd Ganacsatadii Bacaadlaha ayaa waxa ay sheegtay in Dhismaheeda ay u baahan tahay islamarkaana waxa ay tilmaamtay in wax laga qabto dhibaatooyinka uu wado Guddoomiyaha gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur Tarsan. Ugu dambeyn Ganacsatadii Bacaadlihii Xamar-weyne ayaa uga digay Ganacsatada Soomaaliyeed in marna aysan ku kadsoomin Bacaadlahaasi oo aysan gadin, maadaama dad Soomaali ah ay leeyihiin.
  4. Koow ii lamo ma joogto, weli!!. Shacabka ku dhaqan magaalada Marka oo qaati ka taagan Askar ka tirsan dowladda Shacabka ku dhaqan magaalada Marka ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay u geysanayaan Ciidamada dowladda, iyadoo maalinimadii shalay askar labisan dareyska ciidamada ay jirdil u geysteen caruur iyo dhalinyaro ku guda jiray damaashaadka Ciidul Adxa. Mid ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in marba marka ka dambeysa ay soo xoogeysaneyso dhibka ay ku hayaan Ciidamada, waxaana ay ugu baaqeen madaxda dowladda inay wax ka qabtaan. Xaafadaha magaalada Marka ayaa waxaa habeenadii ka jira dhac loo geysto dadka rayidka, waxaana xaaladaha ammaan daro ee ka jira magaalada ay sababtaa in goobaha ganacsiga xilliga maqribkii la xiro. Maamulka degmada Marka ayaa sheegay inuu wax ka qabanayo dhibaatooyinka xaga ammaanka, iyadoo uu ku eedeeyay Hey'adaha ammaanka in aanay iska xil saarin wax u qabashada dadka rayidka ee ku nool magaalada. Maalinimadii shalay ayay aheyd markii shacabka ku dhaqan magaalada Marka ay ku ciideysteen si ka duwan sidii hore, inkastoo dadku ay sheegayaan in horay ay ammaan heysteen xilligii Shabaabka ka ariminayeen. Riix halkan(CLICK HERE)Soo booqo jowharsport.com Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharnews@gmail.com jowharcom@hotmail.com
  5. Asc and Ciid wanaagsan to you too Juxa cadeey, safarki ma soo dhowyahay?. JB, iska warran?, adoo sida Senegal-kii u labisan baa shalay la sheegay!.
  6. Thank you, Bilaal. The only reason I logged in today was to post this. Jazakkallaahu khayran. Aan ka wada faa'iideysanno.
  7. ^^ Amxaar maa tahay adi "waryaa" lee bartay?
  8. Reer Marko ayaa waxay ku qaylo dhaaminayeen in ciidamada dawladda Soomaaliya ay ku qabaan dhibaatooyin aysan ku qabin - sida ay sheegeen - Al Shabaab..... http://www.dhacdo.com/main/news.php/news.php?readmore=13332
  9. Ciidamada dowlada oo kufsi ku haya gabdhaha Marka iyo dil bareer ah oo Magaaladda ka dhacay Print here| By: allgedo.com: Sunday, October 21, 2012 // 2 Jawaabood Magaaladda Marka ayaa waxaa ka jira dhibaato ay gaysanayaan ciidamada dowlada ee dhawaan Magaaladaas kala wareegay Shabaab. Rag katirsan ciidadamada dowlada ayaa saacadihii lasoo dhaafay kufsaday ilaa sedex gabar oo kamid ah kuwa magaaladda Marka. Shacabka Magaaladda ayaa dhigay banaanbax kadhan ah ciidamada dowlada ee kufsigaas gaysanaya. Gudoomiyaha dowlada ee gobolka Sh/Hoose C/Qadir Maxamed Ziidii ayaa qirtay in ciidamada dowlada ay gaystaan kufsi waxna laga qaban dono. Dhanka kale kooxo hubaysan ayaa xalay gudaha Magaaladda marka ku dilay Nin shacab ah. Ninka shacabka ah ayaa waxaa toogtay rag hubaysan, waxaana dilkiisa uu ahaa mid si xun loo adeegsaday. Xaaladda amaan ee Marka ayaa faraha kasii baxaysa waxaana magaaladda dhibaatada ka wada ciidamada dowlada. AOL Muqdisho Allgedo News Media Network allgedo@allgedo.com
  10. Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo dib ugu laabatay qaabkii ay aheed sanadkii 2005 ta Iyo wixii ka horreeyay ayna la waregeen moooryaan dhac ku haysa dadka kuwasoo daadsaday Isbaroyin kor u dhafay labaatan isbaaro sida uu Xaqajiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho wuxuuna xaqiijiyey in ay go’idooonto wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad, kadib markii ay ku soo bateen isbaarooyin ay dhigteen Ciidamada dowladda, kawasoo gaadiidka iyo dadka dhac u gaysanayaan. “Muddo kabadan 20sano ayaa laga sugayey Casimada somaaliya in uu ka dhaco is bedel , waxaana muuqata in durbaba Moooyaanrtii ku nool waqooyiga muqdisho ee ka tirsaneed ciidanka Dowladda ay gashteen shaar moooryaanimo iyadoo aysan jirin cid dowlada ka tirsan oo isku xilqaantay in ay arintaan wax ka qabato. Waxaa murugo inteeda la'eg leh shacabka ku nool waqooyiga Muqdisho in ay ka go'aan Magaalada inteeda kale ayna maamulkeeda la waregeen Moryaan ku dhacaysa jidka habeenkiina guryaha dadka ugu dhacayso ciddii ay dontana dilaysa iyadoo shacabka Somaliyeed ee ku nool caasimadda dalka qaybo ka mid ah magaaladu ay haystaan amaan buuxa iyo nabadgalyo halka dadka ku nool waqooyiga loogu simay Moryaan ka tirsan ciidanka dowlada in ay iyaga sidii ay rabaan u maamushaan. Tarsan oo donayey in uu kormeer ku tago qeybaha canshuuraadka lagu qaado ee degmooyinka ayaa ayaa waxaa uu la kulmay isbaroyin luuq walba yaala kuwasoo la dhigtay bartamaha Muqdisho ilaa wadada aada Balcad. Tarsan ayaa ku qaylo dhamiyey “Indhaheyga ayaan ku arkay isbaarooyinka la dhigtay Waqooyiga muqdisho , waxaa dhaceysa in jidka uu go’o, sidoo kale isku socodaka dadka, markaan ciidankii u tagay oo aan weydiinay waxay ii sheegeen inay dhamaan yihiin Guutada labaad”ayuu yiri Gudoomiye Tarsan. Tarsan ayaa ku qaylo dhaamiyey saraakiisha Ciidamada dowlada ka tirsan oo ay shaqadoodu tahay moryaanimada in ay ku shaqaystaan inay ciidamada wadada ka qaadaan, kuwasoo uu ku daray kuwa isbaroyinka iyagana u yaalo in ay iyagana sitaan dharka ciidanka tarafikada isagoo ka digay in hadii ay sidan wax ku sii socdaan dadka ganacsatada ay dhibaato soo wajaheysa sidoo kalena dadka shacabka ah , haddii ciidankii dowlada ay shacabkii ay isbaaro u dhiganayaan waa arin aad looga naxo. “Ninka Taliyaha ka ah Guutada labaad iyo kuwa taliyaha ka ah ciidanka tarafikada ee isbaarada jidka dadka u dhigtay dhowr arrimood ayaa u furan, waa mida koowaad waa kuwo qeyrul Mas’uulnimo ciidan ay ka muuqato kadib markii ay ku fakireen in ay wadada dadka u dhigtaan isbaaro ugana qaataan lacago leejo ah , waa mida labaad hadduu uu yiraa waxba kama ogi waa qayrul mas'uul , hadii uu dhaho iima tira koobna waa la mid, tan kale hadii uu dhaho aniga howshaas u dirsaday iyadana waaba kasii foolxuntahay, haddii uu arimahaas sheegto , wax kale oo u furan ma jiraan”ayuu yiri Gudoomiye Tarsan. Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya, iyadoo darwalada gaadiidka kala duwan ee ku safra duleedka Muqdisho ay qaati ka taagan yihiin isbaarooyin lasoo dhigay waqooyiga muqdisho xafad walba dadka waxaa usii dheer dhaca dilka kufsiga habeen iyo maalin , isla markaana ay gudaha magaalada Muqdisho lacago isbaaro ah ay uga qaadanyaan kuwo lebisan dharka ciidanka lana yaqaano guutada iyo taliyaha ay hoostagaan sidoo kale kuwo ku lebisan dharka Taraafikada. calayaale.com
  11. Wadayaasha gaadiidka ee ka howlgala waddada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho ayaa ka cabanaya isbaarooyin sharci darro ah oo ku soo batay waddadaasi, kuwaasoo lacag baad ah looga qaado gaadiidleyda laguna furto shacabka. Mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in rag ku lebisan dareeska ciidanka dowladda ay siddeed isbaaro dhigteen inta u dhaxeysa deegaannada Calamada iyo Carbiska. Wuxuu sheegay in gaari walba oo waddadaasi soo mara ay ka qaataan lacag gaareysa 30 kun ilaa 50 kun oo shillin Soomaali ah. Wadaha wuxuu walaac ka muujiyay jidgooyooyinka lacagaha baadda ah looga qaado gaadiidleyda ka dhex shaqeysa gudaha gobolka Shabeellaha hoose. Dowladda Soomaaliya ayaa baro koontarool oo sharci ah waxay ku leedahay deegaannada Siinka-dheer iyo Baar Ismaaciil, waxaana goobahaas lacag canshuur looga qaadaa gaadiidka. Daafeet.Com
  12. Eeen, een,!, adi maa soo post-gareeyey?.
  13. Asalamu Calaykum. Maalin wanaagsan, Akhyaarta.
  14. Kn: Duqa magaalada Xamar, ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Nuur Tarsan ayaa sheegey in socdaal kormeer ah oo u ku tagay magaalada Balcad uu soo arkay illaa 14 isbaaro oo tiiley inta u dhaxayso Balcad iyo Xamar. Dhamaan ciidamada joogey jidgooyooyinka ayuu sheegey in ay ka tirsanaayeen guutada labaad. Balcad iyo Xamar waxa ay isu jiraan 30KM, masaafo intaasi la’eg waxaa isu jira Afgooye iyo Xamar, waxaana magaalada soo martay xili 30 isbaaro ay tiiley halkaasi xiligii hogaamiye kooxeedyada. KismaayoNews.com _________________ Sidoo kale ilo madaxbanaan ayaa inoo sheegay in Xamar & Afgooye-na sidoo kale isbaarooyin aan kuwa Balcad & Xamar ka yarayn yaallaan!.
  15. Mar kasta waaye, 'tawba yaa rabb'. ee meel aan waan jeclahay ku iri, miyaad aragtay?.
  16. ^ Kooxdee?, weligeyba koox Arsenal baan ka taageeray, haddana waan nacay!
  17. ^ Safar Salaamah, JB. See la yah-yahay?.
  18. Sabax al noor wal full yaaMalika. kayfak?. Waad salaamtihiin, tutti altari.
  19. Ngonge, translate this: wiil: shaahi i sii, nooh. Gabar: xaan kaaga dhigaa? Wiil: caddays
  20. Sharciga Maraykanka kan Islamka waa looga maarmaa qofka dhaha ka warran?. Caqiido xumo mise faasiqnimo mise wax kale?.
  21. ^ unhealthy maad tirihay aasaadna obsession ku dartay?. Minii la yaabo Yaasiinka!. Mario, eebboow xaa ku haayo?.
  22. MOST COMMON QUESTIONS ASKED BY NON-MUSLIMS WHO HAVE SOME KNOWLEDGE OF ISLAM http://www.irf.net/index.php?option=com_content&view=category&id=72:mcq-who-have-some-knowledge-about-islam&layout=default&Itemid=199 The answers is given by Dr. Zakir Naik, haddaad ku qanacdo waa kaa, haddii kalena...