-
Content Count
4,297 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Maaddeey
-
Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya waxaa uu ku dhexmaray qeybo ka mid ah degmada X/jajab ee gobolka Banaadir. Iska horimaadkani oo u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska iyo Militariga ee ku kala sugnaa Xerada Haamo dhowr iyo Iskuul Buluusiya oo ka mid ahaa askartii dhawaan lagu soo tababaray dalka Jabuuti ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday ilaa 4 askari oo ka tirsan ciidamadii dagaalamay. Mid ka mid dadka degmada X/jajab gaar ahaan Iskuul Buluusiya oo waxyar kadib markii ay qabowday raseestii ay is weydaarsadeen askara dowladda ay Shabelle kula kulantay Xerada Iskuul Buluusiya ayaa waxaa uu sheegay in iska horimaadka uu bilowday kadib markii sida uu sheegay ay ciidamada Booliska qaateen qori ay lahaayeen kuwa Militariga kadibna ay halkaasi soo gaareen ciidamo fara badan oo ka tirsan Ciidamada Militariga dowladda iyadoo xiligaasi kadibna muran soo kala dhex galay labada ciidan uu sababay gacan ka hadal ka dhashay dhimashada iyo dhaawac soo gaaray ciidamadii dagaalamay iyo dadka rayidka. Ugu dambeyntii ayaa ciidamadii israsaaseeyay waxaa soo kala dhexgalay saraakiiil sar sare oo ka kala tirsan ciidamada Booliska iyo Militariga dowladda KMG kuwaasi oo ku guuleystay in ay joojiyaan rasaastii dhexmaraysay Labada dhinac iyadoo xaalada goobtii uu iska horimaadku ka dhacayna ay tahay mid degan. Majirto masuul ka tirsan dowladda KMG ee soomaaliya oo ka hadlay israsaseynta Maanta degmada X/jajab ku dhexmartay ciidamada ka wada tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka
-
Qarax ka dhashey miinada nooca meelaha fog laga hago geysteyna khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa maanta ciidamo ka tirsan kuwa DKMG la gula beegsadey agagaarka buundada labaad ee Degmada Xamar Jabab ee Magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed ka soo baxey Xarakada Shababul Mujaahidiin ayey ku sheegatey inay weerarkan iyagu ka danbeeyeen. Waxaa weerarka qarax ku dhintey 6 Askari 5 kalena dhaawacyo kale duwan ayaa ka soo gaarey sida lagu sheegay warsafaadeedka Al-shabab ka soo saartey weerarkan. Ciidanka weerarka lala beegsadey ayaa ka tirsan kuwa Milateriga DKMG, gaar ahaan kuwo dhawaan tababar ugu soo dhamaadey Dalka Jabuuti oo laga keenay. Weerarka ka dib ciidamadu rasaas xoogan ayey dhan walba u direen, taas oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashey gaar ahaan dhanka rayidka. Arintan ayaa saameyn ku yeelatey dhaq-dhaqaaqyadii kale duwanaa ee halkaa ka jirey, inkastoo markii danbe xaaladu dib ka hagaagtey. www.somalimirror.com Daabaco
-
lool, Camiraaye threadk-ka kore akhriso!
-
Banaadir: Hundreds of heavily armed mujahideen have poured into Xamar
Maaddeey replied to Shaakirullaah's topic in Politics
Alshabab oo Ciidamo xoog leh muqdisho soo galiyay iyo dhaq dhaqaaq ay wadaan Ciidankaasi.- 10 Feb 2010 waxaa la daabacay Wed 10 Feb 2010 04: 46: 59 Muqdisho:Magaalada Muqdisho manta waxa laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah kadib markii habeenkii xalay ahaa ay alshabab muqdisho soo galiyeen ciidamo tiro badan oo wata labiska tuutaha ah. Muqdisho manta waxa laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah kadib markii habeenkii xalay ahaa ay alshabab muqdisho soo galiyeen ciidamo tiro badan oo wata labiska tuutaha ah. Cidamada xalay soo garay muqdisho ayaa waxa ay yihiin kuwa aad u qalabeysan isla markaan ah kuwa u diyaar ah in ay la dagaalamaan dowlada KMG ah. Xalay fiidkii ayay ahady markii dadka ku nool degaanada loo barakacay ay mar qura indhaha saareen cidamada alshabab oo sita gaadiid dagaal iyo kuwa lugeynaya. Saaka markii uu waaga barayay ayaa waxa cidankasi lagu soo daadiyay qeybo farabadan oo ka mid magaalada gaar ahaan xaafadaha Sigaale,taleex,qeybo badan oo ka mid ah Suuqa bakaraha. Si kastaba ha’ahatee ari9nkaan ayaa cabsi ku abuuray dad badan reer Muqdisho waxaan jirtay dhiilo colaadeed kaas oo dowlada ay maalamaani ku baaqeysay tani wajaab ka timid alshabab. E_Mail: webmaster@shacabka.net -
They need Peace and Conflict Solution graduates
-
Banaadir: Hundreds of heavily armed mujahideen have poured into Xamar
Maaddeey replied to Shaakirullaah's topic in Politics
Deleted: Sabaqanii bihaa Shaakirullaah -
Telefishano caalami ah oo soo xiganaya illo wareedyo hoose ayaa shaaciyey in Ururka Al-shabaab...
-
yaaqay naga dhaafa maalaayacniga, warka Xamar Shabeelle & HornAfrik ayaa laga dhegeystaa/akhristaa, finito. Midda kale Shabaab suuqa Bakaaraha saldhig kuma laha.
-
The TFG, Puntland & Somaliand ..
-
JB, shaqaa kuu soo baxday!
-
lol, the funny thing is getting news of Dayniile and Bakaaraha from Dhanaan.com
-
^ma tanaad keentay haddana?, source please.
-
The fall of Godeey in 1977 - John Snow reporting
Maaddeey replied to Xaaji Dhagax.'s topic in General
Plus, Soomaali kale oon Region-ka ahayn oo badaaaan ayaa taageersan qaddiyadda. Laakin in Xaajigu dhamaadka Dec ku soo biiray Sol inuu ONLF jaahil ka yahay maaha, umana baahna in waxa Sol lagu qoray dib u eego. -
Haddaba 2 version aa jirto, laakin adi Buulaay inaa ka imaatay leen mudaayey bee!
-
Xamar Cadde.(weligeey Xamar Caddeey ma maqlin) Marko Caddeeey.
-
^I did, they both good at Plagiarism...
-
^Adiga duqa, sidaad magacan cusub u soo qaadatay 'camiraad' ayaad ka bixi la'dahay! 'Jaffe'haagii ku soo laabo!
-
Shabelle: MUQDISHO Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub fara badan iyo sargaal ay sheegeen in uu ka soo goostay dowladda KMG ee Soomaaliya. Hubkaan ay soo bandhigeen Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo tiro ahaan gaaraya 50 qori oo nuuca AK47 ah iyo sarkaal magaciisa ku sheegay Baashi Axmed Urur ayaa lagu soo bandhigay maanta Xeradii hore ee Guulwadayaasha oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Baashi Axmed Urur oo ah sargaalka la sheegay in uu ka soo goostay dowladda KMG ee Soomaaliya oo saxaafada la hadlayay ayaa waxaa uu tilmaamay in uu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada dowladda KMG ee ku sugnaa Warshadii hore ee Nacnaca ee degmada Wadajir isagoona shaaca ka qaaday in saraakiil uu ku jiro iyo ciidamo kale oo qaarkood dhawaan lagu soo tababaray wadanka Jabuuti ay go’aansadeen in ay isku soo dhiibaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) oo isna saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wax dhibaato ah aysan gaarsiinayn ciidamada iyo saraakiisha isku soo dhiibta islamarkaana qaarkood tasiilaad ay siiyaan qaarna ay dagaal kala horjeestaan dad uu ku tilmaamay cadow sida uu hadalka u dhigay isagoona ugu baaqay ciidamada kale ee dowladda in ay isasoo dhiibaan. Sheekh Cali Max’eedc Raage Afhayeenka dhaq dhaqaaq Al Shabaab waxaa uu sheegay in dowlada KMG inta aysan weerar soo qaadin iyagu ay ku duuli doonaan isagoo sheegay in dagaaladii xalay saqdii dhexe ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay qaadeen xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Ma jiraan ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG oo ku aadan hubkaan faraha badan iyo sargaalkaan ay soo bandhigeen Xarakada Al Shabaab hase ahaatee xariiro kala duwan oo aan la sameynayo saraakiisha dowladda ayaa inoo suura galin. Soo bandhigida Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay soo bandhigeen hubkaan iyo sarkaalka la sheegay in uu ka soo goostay dowladda KMG ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili dhaq dhaqaaqyo ciidan, abaabulo dagaal iyo hadalo kulul ay ka dhaxeeya Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo dowlada KMG ee Soomaaliya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
-
Action-kooda waxba kama ogid sxb, oon ka ahayn inta Nabadsugidda maamulka Rayaale kugu cabsi geliyaan,(MIINAA HALKAN LA DHIGAY, ISLAAN BAA ISKU DUUBTAY!, AF KOONFUREED BUU KU HADLAAYEY...SHEEKH AYAA LAGU ARKAY, QABRIGA SH. ISXAAQ IYAGOO QUFI RABAA LA MAQLAY...) & nonsense kale oon halkan ku soo koobi karin.
-
Originally posted by Jacaylbaro: why ? if not, then u don't see them with ur naked eyes, I do.
-
Hats off, Ngonge, haddaad Soomaali nagu baratay, aniga waan iska aamusayaa
-
^Hargeysa ma joogaan?
-
Qaldaan bilaash la idiinma dhihin, waan ogahay inaad Al-Sheekh Al-Mujaahid, Sayid Mohamedu Qarnil xaadii wal-cishruun ula jeeddo, sidaas darteed ayaan hadalkeyga u qoray khluaasadiisuna tahay: 'haddii aad Sayyidkii qarnigii hore awoowayaashaa la dagaaleen, caadi waaye inaad kan qarnigan caaydo' faahim yaa Qaldaan?
-
hadalka badan jooji, 'dhakhda xumi' waa caay, teeda kale ma luqad kale oo Soomaali ku hadashaad ogtahay?