Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Xiin, Meeqa thread ayaa laga qoray wadaadka!, mid baan wax ku qoray! kan Juje inuu ahaa baan u maleynayaa ee fiiri.
  2. I think there's some thing missing between: Then one day she asked him and he said yes. He MARRIED another woman. and Then packed his stuff and left to live with his new wife.
  3. ^Iyada lee tartiib wax ugu sheeg, nimanka dadoow maxaa gorodda kuu geliyey? iyadaa raadsatay maaha?. Haddeysan rabin cid ku qasbi karta maleh! go'aan lee ha qaadato, haddii sida aad sheegaysid run tahay anaa KITAABKAAS u haayo
  4. ^Sidaad Wembley u kala taqaan camal nooh!
  5. ^Go'aan aan qaadannee, 'Waa tir-tireynaa'dii Sanadka cusub & 'ur days r numbered'daadii ma ka tanaazusheen? 'nin tur leh asa yaqaan sidu uu sexaan laha 'miyaad tiri?, tabta ma ka mid baa inaad sida Xildhibaan Badbaado, Bakaaraha iska soo xaadirisid?
  6. Beer-Gadiid waxay ka sokeysaa (dhanka B/weyne ka soo xigtaa) Kala Beyr-ka, lama dhihi karo waa Matabaan, haddii Xizbul Islaam ama Shabaab rabaan iney qabsadaan Matabaan waa iney ka soo galaan Guriceel, haddii kale Qaflah Baabeyn ayaa lagu qabanayaa!
  7. ^Asaga waaba la gartayoo Taangi Yugaandhees oow ka galaa bahashee, Adiga, Aw-Juujoow yaa kuu Muslima?
  8. ^Buugaagta Culumaa'ul Kalaam-ka akhri, sidoo kale Ibnul Qayyim, Insha Allah shakkiga wuu kaa baxayaa. Saxaabada shakki ayaa ku dhici jiray mar-mar, Rasuulka (SCW) ayey u sheegi jireen, waana daaweyn jiray Yaa Johnny Boy. Tan su'aalahana, Caisha (RC) aad ayay Rasuulka (CS) u su'aali jirtay, markuu war u sheego ay mooddo in Aayad Qur'aan ah ka hor imaaneyso, Rasuulkuna (CS) si xikmad leh ayuu uga shaafin jiray. Ilaahey ha ku hanuuniyo.
  9. , Awkeey Shariif waa jilcay ma is dhahdeen! aaway bootadii sanadka cusub!
  10. Shabelle: MUQDISHO Madaxweynmaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo manta warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya in ay nabada qaataan islamarkaana ay la heshiiyaan dowladiisa. Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya oo maanta barqadii shir jaraa’id oo uu kaga hadlay qodobo kala duwan ku qabtay aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa uu ugu baaqay xarakada Mujaahidiinta AL shabaab iyo Ururka Xisbul islaam inay la heshiiyaan dowladda KMG islamarkaana ay joojiyaan dagaalada ay kula jiraan dowladda KMG ee Soomaaliya sida uu tilmaamay. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu sheegay in wixii ka dambeyeay markii la soo dhisay dowlada uu hogaamiyo ay bilaabeen in ay ku baaqaan wadahadal ay la galaan dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda isagoona ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalada lagula jiro dowladiisa oo uu tilmaamay in dad farabadan oo rayid ah ay ku dhimanayaan. Sidoo kale madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Xarakada Mujaahidiinta Al Shababa iyo Ururlka Xisbul Islaam inay joojiyaan khilaaf uu sheegay in uu xiligaan ka dhaxeeyo islamarkaana ay la midoobaan dowlada KMG ee Soomaaliya. “Maanta dadka Soomaaliyeed diin ahaan iyo Xaalad ahaan uma baahna in la yiraah xabad ayaa la idinku toosinayaa, waxaa ay u baahanyihiin in wixii diintu na fartay oo ah in aan wanaag u sameyno in aan u gurmano iyo in aan wanaag ka shaqeyno, waxaana rabaa in aan ugu baaqo in ay dagaalka ka joojiyaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu wax lala yaabo ku tilamaamay Xayiraadii Xarakada Mujaahidiinta Al Shababa ay saareen hay’adda Cuntada aduunka ee WFP isagoo sheegay in saameynta ugu badan taasi ay ku yeelanayso dadkii ka barakacay dagaalada ka jira Magaalada Muqdisho. “Kooxahaan dowlada ka soo horjeeda ee Shabaab oo diiday in dadkii gar gaar la gaarsiiyo iyo khilaafka ka dhaxeeya WFP iyo Maraykanka waxaa ay sii murjinmayaan dhibaatooyinka shacabka waxaana laga maarmaan ah in la helo hab wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed wax lagu gaarsiin karo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shariif. Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa uu talaabo lala soo daahey uu ku tilmaamay xayiraadii dhawaan dowladda Ingisriisku ay saartay Xarakada Mujaahidiinta Al Shababa isagoo ugu baaqya dowladaha kale ee Caalamka in ay qaataan go’aanka ay qaadatay dowladda Ingiriiska. “Marka ugu horeysa in dowladda Ingiriisku ay Kooxaha argagixisada ku darto Al Shabaab waxaa uu ahaa go’aan lala soo daahey, shaki kuma jiro in ay yihiin argagixiso marka dhibaatadaasi dalka ayay ka jirtaa oo su’aal uma baahna”ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Ugu dambeyntii ayaa madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Shirkiisa jaraa’id waxaa uu ku soo hadal qaaday arimaha burcad badeeda Soomaalida isagoo sheegay in Maraakiibta shisheeye ee ku sugan biyaha Soomaaliya aysan awood u laheyn in ay cirib tiraan burcad badeeda sidaasi darteedna waxa uu sheegay in loo baahanyahay in la garab qabto dowladda si ciidamada dowladda ay bariga iyo bada kula dagaalamaan burcad badeeda Soomaalida. Waxaa uu walaac ka muujiyay lacagaha malaayiinta doolar ee la siinayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida taasoo uu sheegay in ay saameyn ku yeelan karto amniga iyo qalalaasaha ka jira Soomaaliya iyo jiritaanka dowladda KMG ee Soomaaliya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
  11. ^Black hawk down is a movie, ani waxaan u aqaan dagaalkii 3da Okt Sideed tuug, tuug kale ugu dacweynee adi?
  12. Horta ninka dacwada u heysta Cali Samatar bacause of inuu 20 jiroow ku xirnaa sow yaab ma leh?, sow xabsigaas NSS-tu ma xukumi jirin? Ninkii heystay sow Dafle maaheyn?, Rayaalena sow kama tirsaneyn. Mareykanka JUSTICE laga doonayo sow dad masaakiin ah & xoolo kuma gumaadiin Dhoobleey isagoo ugu mar-marsoonaya Terrorist ayaa meelaha ka dhow?
  13. Muqdisho, Somalia (AOL) -Ururka Xisbul Gobalka Gedo ayaa si kulul ugasoo horjeestay War dhawaan kasoo yeeray saraakiil katirsan Xisbul Islaamka ku sugan magaalada Muqdisho oo sheegayay in ay mas'uul kayihiin dagaaladii dhawaan Jubbooyinka ka dhacay. Gudoomiyaha Xisbul islaam gobalka Gedo Sheekh Farxaan Ciilmooge ayaa degmada Luuq gobalkaasi Gedo ka sheegay in Ururkooda uusan kamid ahayn Axmed Max'med Islaam Axmed Madoobe oo Jubbooyinka kula dagaalamay Shabaabul Mujaahidiin. Isagoo Waraysi siinayay Weriye Axmed Cumar Saalixi oo Shabelle katirsan ayuu Farxaan Ciilmooge sheegay in Axmed Madoobe uu la shaqeeyo wadamada Deriska la ah Somalida sida Itoobiya iyo Kenya oo dagaal kala dhexeeya islaamiyiinta. "Axmed Madoobe waa Nin shaqsi ah oo dagaal lagalay Mujaahidiinta qaybo kamid ah codka laga helay waa si macluum ah,Ninkaasi waa Nin u shaqaynaya dowladaha deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya oo calaaqaad laleh Ninkaas Xisbiga kama tirsana wuxuu doonayaa in uu Mujaahidiinta isku diro wuuna ogyhay in uusan Xisbul ahayne wuxuu rabaa xumaan"ayuu yiri Farxaan Ciilmooge oo hadal dheer ka yiri dagaalada Jubbooyinka. Gudoomiyaha Xisbul islaam gobalka Gedo wuxuu sheegay in Afhayeenka Xisbul Islaam Maxamed Macalin uusan aragti dheer lahayn islamarkaana uu ku deg dego Hadalada uu Idaacadaha ka jeediyo oo colaad dhalinaya sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambayntii Xisbul Islaamka Gedo waxay ugu baaqeen xoogaga islaamiyiinta ah in ay wadahadal yeeshaan oo ay Midoobaan si ay uga adaakaadan Cadaw ay ula jeedaan dowladda KMG Somalia iyo Ciidamada AMISOM. Kalahadalka Xisbul islaam ayaa muujinaya in Khilaaf xoogan uu u dhexeeyo Xisbiga kaas oo ku aadan qaabka loola loolami karo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo koonfurta Somalia ka maamusho deegaano badan. Daahir Guuleed Wararkamaanta@hotmail.com Muqdisho, Somalia
  14. ^^war adaaba ka daray!, markii la baxaayo & markii la soo gelaayo waa la isu sheegaa duqa, seey kaa noqotay?
  15. ^Ma Keenyaatiga Wetang'ula ayaa Soomaali raba, Faaraxna waa isku diraa miyyaa?? taas weeyye tan aan kugu heysto ee ka jawaab?? Buulo-Jaan hadaad taqaan, SSC & belaayo uma dooddeen
  16. KN: Wafti heersare ah oo ka socda xarakada Alshabaab ayaa maanta meel fagaaro ah kala hadlay boqolaal dadka reer Kismaayo ah. Waftiga oo maalmahan socdaal kormeer ah ku joogey Jubooyinka ayaa waxaa ka mid ah Sh. Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur, Sh. Fu’aad Qalaf (Shongoloow) iyo Sh. Xuseen Cali Fiidoow Abuu Mansuur ayaa maamulka Jubooyinka ugu baaqay in dadka loo turo, si wanaagsana loola dhaqmo, wuxuu kaloo soo hadal qaaday abaabulo la sheegey in dowlada Kenya ay wado isagoo ku eedeeyey in ay maleegeyso jalaafooyin lagu mijaro xaabinayo maamulada Islaamiga ah. Wax u muuqda jawaab uu ka bixinayay faalo shabakada KismaayoNews ay maalmo ka hor ka qortey mabnuucida xarakada ee cunada gargaarka ayuu sheegey in illaa shuruudaha ay ku xireen WFP aysan fasixi doonin mabnuucida ay saareen, shuruuda ugu weyn ayaa ah in raashiinka gargaarka ay hey’ada ka iibsato beeralayda Soomaalida halkii ay ka iibsan lahayd beeralayda Maraykanka. Sh. Fu’aad ayaa isagu ku dheeraaday Jihaadka oo uu sheegey in dadka reer Kismaayo ay laf dhabar u yihiin jihaadka ayna tahay in had iyo jeer ay garab taagnaadaan. Kullanka dadweyne wuxuu ka dhacay fagaaraha beerta xoriyada ee Kismaayo
  17. Dalmar, ma haddaad noola timid: Faarax macallin yaa Soomali midnimadeed diiddan, Wet'angulana waa nin fiican oo Soomaali isku hayya!!? Duf ku bax, Caqli xumaa wuxu
  18. ^^Adiga ma indhahaad la'dahay?, dulucda warkeyga xaggee kaa maray? Qisada Kitaabka ku qoran & tacliiqa Dhahabi wax ku qaado, caqliga beele
  19. ^ waa been waan kugu raacsanahay, Sh. Shariif waxaa lagu yaqaannaa NIN beri abaal u galay waa ixtiraamaa, Faarax dawaarena siduu u taageeri jiray waa la ogaa.
  20. ^'Gaal dil gartiisana sii' ma maqlin miyaa ussi? Xaad Maaddeey ugu qoslee inoow ka wadyaanba mudaayey!
  21. Illeyn balaayo! Faarax Macallin waa NIN Soomaaliyeed ahna Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, waa in la garab istaagaa oo looga hiilliyaa Wet'angula & kooxdiisa, Laas caaco ayuu booqday & SL ayuu taageeray war maaha! NUs darsan Thread oo isaga uun wax looga sheegayo waa maxay? Balaayo idinku dhacday! yaa Libaax dhaawacan mudac ku muday!. Garawe & Hargeysa mid Somalinnimo ka raadso hadii la i yiraah -wallaahi- Hargeysaan u doonan lahaa, ma Soomaali-diid baan ahay?
  22. KK, kistaan dhinax intaan qoraayey miyaad hal post & 'self quoting'ka tuurtay, damn the poor internet connection Dhinexeey ka warran?
  23. ^Ma nin aan 'fun and amusement' & qabyaaladda cad kala garaneyn baan kula ahay?, Adiga qabyaalad waa lagaa badiyaa, Qaladkaaga markaad garato ama dadkoo dhan kugu goobtaan waad ka laabataa (ama daacad ha kaa ahaato ama PR u yeel), laakiin Aanfo kalaad qabtaa oo Xagjirnimo & Diin la dirir (hal case ayaan kugu hayaa, waana qaldanaan karaa) sida kalese NIN Raga oo dagaal yahan (afkaba ha ahaatee) ayaan kuu aqaan
  24. Waa Classic! lakin DAF & BAF baa laba mar la soo celiyey.