Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Johnny B, Quraanka miyaad ku canaanyootay?, Juje knows what i mean
  2. ^balaayo baad ka shaqeyneysaa A & T, maxaad halkan wax iigu soo qortay ninyohow!, salaaddii baad i seejiseen intaan Adiga & Ngonge afkiinna dhawrayey , warka aad Xiin u qortay micno badan buu ii sameeyey ee Repent, Abtigiis Repent , waxay kaloo i tustay in Xiin fiicnaa ee xumaaday otherwise, u wuoldn't ask him to repent, no?
  3. Dambarsame, adigaa mudan lakin sxb, 'SH'da iga reeb, thnx
  4. ^Laptopka ha iska jebiyee maxaa ka rabtaa Juje, Video-gan oo aayado Quran ah la saaray dhowaan filo
  5. ^Ma maqashay in 2 Shabaab ah la dilay? Sh. Xasan haduusan xikmad isticmaalin sheekada waa dhanaantahay!, Dhallinyarada warkooda waa cadyahay, wixii ka soo horjeestaba Diintey ka soo horjeedaan waaye!
  6. Edit: @ Ngonge, Xiin -as usual- wuxuu dhihi doonaa: 'KOR WAAYEEL WA WADA INDHO'
  7. ^Who's talking to u Adiga horta??, maba is fahanno ee ga' iga siiso
  8. Dhubad. lool, kan reer Burcaba, Judge-kii markuu ka cabsaday wuxuu ninkan soo wado wuxuu yiri: 'He's MAD!, release him!'
  9. ^lool, horta JB wax miyaa si ka ah, mise Reer Burco ayaan isu dhownahay? Ninkii iyadoo Ingiriis Golf ciyaaraya intuu u yimid Budh kala daalay ee markii Maxkamad la saaray ee la yiri : 'Maxaad ragga ku maagtay?' ee ku jawaabay: 'Goormaan Gaalo heshiinnay!' sow reer Burco maahayn?
  10. ^Did I say that?, that was not for u though!
  11. ^didn't make up my mind yet, lets see what Sh. Hassan says abt it
  12. Barre Ali Barre, oo ah madaxda sare ee ururka Xizbul Islaam ayaa goordhow suuqa Bakara lagu dilay. Faah-faahinta dib baan ka sheegi doonnaa.
  13. ^Quran baan moodaayey!, wuxu ma hees baa?
  14. lool@qabaluusnimada Dambarsame, soo dhowoow sxb, dheg jalaq ha u siinin! ninkaa JB aa la yiraa, 29164 & inta uu ku ziyaadin doono bilaash ma u post-gareynin!
  15. ^ Y not hang Riyaale? He was part of the regime, Cheif NSS (responsible for many deaths, torture, imprisonment) lakin sug! isagu waa lander, waana la masaamaxay siduu Cigaal yiri! Berriba waa inuu riyaale cafis ku dhawaaqaa intuu fagaaraha xuriyyada soo istaago oo Diyaaradda dejiyo, haddii kale waa loo yaabaa.
  16. Xoosh mase Xooshka?, Goof Gaduud=Baydhabo Janaay Tuulo ki taal lee ma anneey?
  17. ^Saaseey u egtahay, laa samaxa-Allaah inuu Dawladda ku biiro
  18. Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa si kulul u weeraray qaabkii uu ugu biiray Shabaab ninka ay saaxibka dhow ahaayeen Sheekh Xasan Cabdalla Xirsi Turki, isagoo daciifnimo ku tilmaamay sida uu ugu biiray. Sheekh Xasan Dahir oo hadal ka jeediyay Masaajidka Abuu Hureyra Salaadii Jimcaha kadib ayuu sheegay in Sheekh Xasan Turki aanu kala tashan ku biiristii Shabaab, isagoo si aad uga carooday arrintaas. "Runtii in Sheekh Xasan Turki oo ahaa dadkii aas aasay Xisbul Islaam in maanta uu ku biiro Shabaab, xataa inuusan nala socodsiin aad baan uga xunahay"ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir oo si gaar ah u taabtay gunta khilaafka Xisbul Islaam iyo Shabaabka. Sheekh Aweys ayaa ku sifeeyay qaabka uu ugu biiray Xasan Turki mid u muuqata in Shabaab ka awood badan yihiin Xisbigiisa, taasoo dadkii dhageysanayay khudbadiisa ay aad qosleen, waxaana Wadaadka uu u hadlayay si Kalsooni ah. Mar uu ka hadlay arrinta Axmed Madoobe ayaa waxaa uu mar kale ku celiyay inuu ka tirsan yahay Xisbul Islaam, waxaana uu gaashaanka ku dhiftay hadal ka soo yeeray Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Gedo, kaasoo ay ku sheegeen inuusan ka mid aheyn. Sheekh Xasan Dahir ayaa sidoo kale soo hadal qaaday ku biiritaanka Sheekh Xasan Turki in xataa uusan la socodsiin Axmed Madoobe oo uu sheegay inuu seedigiis yahay, isagoo ceeb ku tilmaamay inuusan ku wargelin ninka ay xididka yihiin. "Xasan Turki Axmed Madoobe oo seedigiisa yahay oo walaashiis ayuu qabaa xataa uma sheegin inuu Shabaabka ku biiriyo, bal fiiriya ceebtaas"ayuu si dhoolacadeys ku jiro u yiri Sheekh Xasan Dahir oo hadaladiisa oo idil ay ahaayeen mid aad u kulul. Dadkii dhageysanayay Khudbadiisa ayaa ku tilmaamay mid u muuqatay inuu wali aanu dhicin, isla markaana marna Shabaabka isu dhiibi doonin, waxaana hadalkiisa uu ahaa mid sii fogeynayay Khilaafka baaxada leh ee u dhaxeeya Shabaabka iyo Xisbul Islaam. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
  19. Sabti, Mar, 06, 2010 (HOL) Shiikh Xassan Daahir Aweys oo inta badan meelaha Jicmaha u jeediyay dadka qudbado Siyaasadeysa ayaa mar kale hadal u jeediyay ku cabiray sida uu uga xun yahay go'aan uu kol hore qaatay Shiikh Xasan Turki oo ay ka wada tirsanaayeen Ururka Xisbul Islaam kana mid ahaa aas aasayaashii Xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka dagaallamaya gudaha dalka Soomaaliya. Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in wax lala yaabo tahay si halka uu markiiba Xasan Turki ugu biiray Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab xili ayuu yiri uusan wax la tashi ah la samaeyn raggii ay ururka ku wada jireen. '''Waxaa la yaab leh Xasan Turki Xitaa ma uusan ixtiraamin Eheladdii uu ka dhashay, tusaale ahaan Shiikh Axmed Madoobe waa Seediggii uma uusan naxteexeyn kalama tashan in uu ku biirayo Xarakada Al-shabaab ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ay ka muuqtay sida uu uga xun yahay kala leexashada isaga iyo Shiikh Xasan Turki. Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu carabka ku dhuftay sababta uu u maleynayo in ay keentay ku biiritaan Shiikh Xasan Turki ee Xarakada Al-shabaab '' Waxaa laga yaabaa in uu is yiri Shiikh Xasan Turki Al-shabaab ayaa ka Tiro iyo Tayo badan Xisbul Islaam ee iyaga ku biir ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in arrintaasi aheyn mid six ah. Dhinaca kale Shiikh Xasan waxaa uu mar kale sheegay in Shiikh Axmed Max'ed Islaan (Axmed Madoobe) ka tirsan yahay Saraakisha Ururka Xisbul Islaam, waxaana uu difaacay joogitaanka Axmed Madoobe dalka Kenya oo kooxaha Islaamiyiintu u arkaan dal cadow ku ah ku dhaqan Shariicada Islaamka. ''Markii ay Itoobiya naga burisay dalka dhamaanteen halkaa ayaan u cararnay sidaa daraadeed wax dhib ah uma arko joogitaanka Axmed Madoobe ee gudaha dalka Kenya ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys. Ururada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam hadda waxaa la dhihi karaa xiriirkoodu ma'aha mid wanaagsan, inkastoo dhinaca kale marka la eego labada Urur yihiin kuwo ka mideysan ka soo horjeedka Siyaasada Dowladda Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada AMISOM, waxaana xusid mudan in hadalada labada garab ay isku marinayaan qalabka Warbaahinta noqon karaa kuwo marka danbe meesha ka saara xiriirka aan cagaha badan ku taagneyn ee ka dhaxeeya.
  20. ^'Dhurwaa, dhurwaa ka gardaran ma arki karo' ma maqashay?
  21. Been kastoo la sheego dad baa ka daba nacamleeya! oo lax dhukan ka ah!, Waryaarahee, Shabaab sow ma ogidiin inay ku jiraan dad English uun ku hadla? (Abu Mansuur Al-Amriiki & Ajnabiga kale) & Dhallinyarada Soomaalida ee Maraykan & Europe ka tegay?, Bambooyinka macmalka ey sameeyaan sow Science lagama faa'iideysan Siiba Chemistry-ga, sidoo kale Remoteka, Fiilooyinka & Timing-ka Physics maaha?
  22. Maaddeey

    NEWBIE

    ^Soo dhowoow Adiga & labadaada magacba
  23. Asalaamu Calaykum Nomads, Halkan waxaan ugu tala galay Maadaama Soomaali badan Adduunka daafahiisa kala joogto, Muslimiinna aan nahay inaan Maalinta Jimcaha ee Usbuucii mar la isku baraarujiyo, qof walba halkan ku soo gudbiyo Khudbadii uu dhegeystay, si looga wada faa'iideysto. Aan billaabee: Maanta 05 Maarso 2010 Khudbada waxay ku saabsanayd in Rizqiga la wanaajiyo oo si xalaal ah lagu raadsado, Allena uu qoray qofka arzaaqdiisa maalinta la abuuray. Sidoo kale Khadiibku wuxuu sheegay in Rizqiga & Taqwadu isku xiranyihiin, wuxuu akhriyey: 'waman yataqqillaaha yajcal lahu makhrajan wa yarzuqhu min xaythu laa yaxtasib..' Wuxuu soo qaatay Xadiis in nin Saxaabi ah uga dacwooday Rasuulka (CS) Nin walaalkii ah oo aan shaqaysan isaguna uu kafaalo qaado una shaqeeyo isaguna uu adiga iska kaa agfadhiyo, Rasuulku wuxuu ugu jawaabay ninkii: 'Isaga dartii in lagugu Irzaaqo ayaa dhacda', wuxuusan ka tegin Xadiiskii Jibriil uu nabiga ugu waxyooday: 'in nafi dhimaneyn ilaa ay ka dhamaysato wixii alle u qoray ee dadoow wanaajiya raadsiga arzaaqda' (Haddii aadan wax uusana Alle kugu tala gelin marna cuneynin, maxaad hab xaaraan ah ugu raadsanee?) Ilaahoow nagu anfac. Fadlan, Khudbadaada soo gudbi.