Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Masaakiinta Soomaalida ahna Itoobiyaa loo gacangelinaa..2 ajnabi oo Koonfurta, Burcad badeed ku haysatana saanaa loogu dadaalaa, caajiib!!
  2. Originally posted by Karl_Polanyi: I swear to you- if Israel recognises SOmaliland or even discusses the matter, the embassy for Moorishland and Bladland will retaliate by recognising: Cornwall Berbers Western Sahara Chechnya Eskimoland Balchistan Qard h o Moss-side. sayid, cafis & masaamax!
  3. ^Che, waa saas, in kastoo dadka halkan isugu yimaada ey u badanyihiin: 'ciyaal maxaa iga galay'
  4. ^Che, waa saas, in kastoo dadka halkan isugu yimaada ey u badanyihiin: 'ciyaal maxaa iga galay'
  5. ^Juje, sxb, blame Hiiraan online or better Maxamed x. Ingiriis, ama shariifka & 10-eeyada daba dudeeysay, dembigeygu waa maxay? mise Aminamir caricature-kiisaad door bidi lahayd? is this any better?
  6. Zack, qudbaddiisa si raaysaan u dhuuxay, lakin ma aadeen xataa haddaan taageersanahay!
  7. Originally posted by Kool_Kat: 'WARYAA HEE, WAR WHAT'S MY NAME?' [/QB] Kool_Kat?
  8. Edit: Zack , A & T, Xaggeed isaga saartay adigu?, ma waxaad rabtaa-hadda-inaad tiraahdo 'reer Ethiopia' baan ahay? Zack, waxa uu qoragu sheegay oo dhan waa wax dhici kara!, waxa uu rabay & bitter inuu yahay waa malo uun.
  9. Luckily ur not the Leader!, sow ma ogid ineysan Naago madax u noqon Shabab?
  10. Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis) Thursday, March 11, 2010 Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa toddobaadkan socdaal ku yimid magaalada London. Booqashada Madaxweynaha ayaa, marka laga eego diplomatic category, waxay ahayd mid salaan ah (courtesy visit). Is-aragga noocan ah ayaa aalaaba wuxuu yahay mid kooban. Ujeeddada socdaalka Madaxweynaha ayaa wuxuu ku saleysnaa in Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown iyo xisbigiisa Labour-ku ay ku muujiyaan inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan sidii ay wax ula qaban lahaayeen dowladda Soomaaliya. Booqashadan oo kale ayaa dowladda Soomaaliya waxay u tahay fursad ay adduunka ku weydiisato kaalmo caalami ah. Hase ahaatee, intii ay socotay ayaa waxaa dhacay fadeexado gef ku ah dhaqanka diblomaasiyadda. Kulankii Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Gordon Brown kula yeeshay guriga 10 Downing Street ayaa waxaa buux-dhaafiyey dad ku dhow labaatan qofood oo isugu jiray wafdigiisa, xildhibaanno iyo dad sheeganaya inay Madaxweynaha u yihiin la-taliyeyaal iyo gacan-yareyaal, kuwaasoo isku dayey dhammaantood inay isla sawiraan Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska. Waxaa kaloo dhici weyday inuu Ra'iisal Wasaaruhu iridda ku soo dhoweeyo Madaxweynaha. Waxaa shaashadaha laga daawanayey iyada oo dadkaas gacmaha la soo qabanayo, lagana soo celinayo agagaarka Gordon Brown. Waxaa kaloo la arkayey dad gacmaha ku sita jaakadaha dhaadheer ee qabowga laga xirto (overcoat) oo ag taagan Sheekh Shariif iyo Gordon Brown oo damacsan inay sawir wada galaan. Waxaa kaloo dhacday in markii uu Sheekh Sharif gacan-qaadayey Gordon Brown ay is fahmi kari waayeen billowgii hore, oo ninkii turjubaanka u ahaa Madaxweynaha uu gooni u istaagay oo uu u dhaqmay sidii inuu yahay nin Wasiir ah, iyadoo markii dambe uu soo dhaqaaqay nin Soomaali ah, si uu uga tarjumo. Gefkaas protocol-xumada ah ayaa wuxuu la mid yahay waxyaabihii uu buuggiisa la yiraahdo Safirka kaga sheekeeyey Danjire Peter S. Bridges oo ahaa Safiirkii Mareykanka ee fadhiyey Soomaaliya sannadihii 1984-86. Laba jeer oo wafdi ka socda Waaxda Gaashaandhigga dowladda Mareykanka ee Pentagon ay la kulmayeen saraakiil dhinaca Soomaalida ah ayaa General Maxamed Cali Samatar oo ahaa Wasiirka Difaacu wuxuu ka codsaday Ambassador Bridges inuu uga tarjumo wafdiga. Wuxuu yiri Bridges, “Wuxuu Samatar ku hadlayey af-Talyaani, wuxuuna iga codsaday inaan ka tarjumo maadaama aan Talyaaniga bartay intii aan ka shaqeynayey safaaradda Mareykanka ee Rome. Markii uu Samatar i weydiistay inaan ka tarjumo waan ka carooday markii hore, waayo shaqada aan u joogay Soomaaliya ma ahayn turjubaannimo. Hase ahaatee markii hadalka Xoghayaha aan af-Talyaani ugu turjumayey Samatar waxaan ku dhex darsaday kelmado aan jeclaa in la ii yiraahdo." Si hasta ha ahaatee, shaqaalaha xafiiska Gordon Brown ayaa markii ay arkeen qaabka ay wax uga dheceen guriga 10 Downing Street waxay go’aansadeen in Ra’iisal Wasaare Gordon Brown uusan sagootinin Madaxweyne Shariif, isla markaana aysan wada qaban shir jaraa’id iyadoo markii horena ay ku jirtay qorshaha socdaalka Madaxweynaha. Waxaa la arkayey Xogyahaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Miliband oo sagootinaya Madaxweynaha, iyada oo ay si qaab darro ah, oo aan lahayn wax tixgelin ah, u salaamayaan dadkii kale ee la socday Sheekh Shariif. Qaab-darradaas ayaa waxaa ka mid ah; iyagoo gacanta ka salaamayey Miliband iyagoo sii jeeda oo sii eegaya Madaxweyne Shariif oo sii galaya gaarigii lagu siday. Waxaa la moodayey inay Madaxweynaha u kala firxanayaan oo ay is leeyihiin ‘yuusan idinka fakan’ ama ‘yaan meesha la idinkaga tegin.' Ceebaha kale ee dhacay ayaa ahaa; in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ay u sameysay Madaxweynaha muddada uu joogo dalka Ingiriiska koox ka mid ah shaqaalahooda oo isugu jira rayid iyo ciidan. Qaybta rayidku waxay mas’uul ka ahayd howlaha Madaxweynaha iyo xiriirkiisa, halka qaybta ciidankuna ay u xilsaarnayd ammaankiisa. Shaqaalahan ayaa waxaa laga dareemayey jahawareer ka haysta dhanka xafiiska Madaxweynaha, oo ay kala garan waayeen shaqooyinkooda (job description) iyo waxa ay ku kala magacaaban yihiin. Fadeexadaha noocaas ah iyo isku dhex-yaaca intaas le’eg ayaa wuxuu, si caddaan ah, u muujinayaa in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay xafiiskiisa maamulayaan dad aan wax aqoon iyo khibrad midna u lahayn protocol-ka dowliga ah iyo xeerarka diblomaasiyadda. Waxaa kaloo intaa dheer inay yihiin dadkii shaqa la'aanta ku ahaa Europe iyo America. Waxaa yaab leh in nimankaas qaarkood ay Madaxweynaha ugu magacaaban yihiin Chief of Staff iyo Chief of Protocol, iyaga oo aan weligood horey uga soo shaqeyn howlahaas dowladeed. Marka la eego cilaaqaadka caalamiga ah iyo qaanuunka diblomaasiyadda, protocol-ku waa qeybta ugu muhiimsan xafiiska Madaxtooyada, taasoo ay waajib tahay in laga fogeeyo qardajeex. Tusaale, habeenkii Arbacada ayaa waxaan ka mid ahaa dad kala duduwan oo Madaxweynaha kula kulmay hoteelka uu ku soo degay. Wuxuu u muuqday nin daalan oo aan haysan wax ka caawiya howsha xafiiskiisa. Isaga ayaa hadalka furanayey, isla markaana xiranayey. Shaqaalaha xafiiska madaxweynaha ayaa nala fadhiyey kuraasta iyagoo aad mooddo inay ka mid yihiin dadka uu qaabilayo. Kuwo kale ayaa taagnaa gadaashiisa, waxaana lagu jahawareeray inay yihiin waardiyeyaal iyo inay yihiin gacan-yareyaashiisa. Markii la gudbinayey talooyinka, ma jirin cid u qaadeysay note ama wax u qoreysay xafiiskiisa ama xitaa hadalka qeybinaysay, taasoo keentay inuu Madaxweynuhu hadalka qeybiyo. Sidoo kale, khudbadihii uu Sheekh Shariif ka jeediyey mac-hadka Chatham House iyo theatre-ka Whitechapel ayaa iyaguna waxay ahaayeen kuwo aan lafa-gur dheer lagu soo sameyn. Madaxweynaha ayaa hadalkiisa oo aan qornayn iyo isaga oo dadka la shaqeeya aysan u soo qorin note uu mawduuca ka tixraaco, waxaa mar kasta ka muuqatay inuu raadinayo hadalka, ayna ku adag tahay inuu xusho sadarkii uu rabay inuu yiraahdo iyo ereyadii uu rabay inuu isticmaalo. Haddaba, waxaa Madaxweynaha la gudboon inuu dhug iyo dhego u yeesho wax ka qabashada xafiiskiisa inta uusan u hanqaltaagin wax ka qabashada xasaradaha ka socda Soomaaliya - “Oodi sida ay u kala korreyso ayaa loo kala qaadaa.” HOL
  11. ^doesn't look.. & boor lee waaye miyaan wedeynaa?? Adeer Facts baan heynaa rumeyso ama ha rumeysan. Mr. Somalia, y do i need to post all the pictures?, i put 'sawir' on the title and posted one, whats the problem? hadaan ku iraahdo 'make sure to put all the captions' ka warran?
  12. Xoogaga Islaamiyinta ayaa la sheegay in ay gubeen gaari dagaal oo ay wateen ciidamada AMISOM ee xoogga ku jooga magaalada Muqdisho caasimadda dalka Somalia. Wakaaladaha wararka ayaa soo bandhigay Muuqaalka taangi ay wataan AMISOM oo gubanaya kadib markii ay gantaal laheleen xoogaga islaamiyiinya Al Shabaab oo larumaysanyahay in ay qabaan tababar qaab caalami ah oo ay kasoo qaateen Jihaadiistayaasha ka Jihaadtama caalamka Islaamka. Sheekh Burhaan oo kamid ah Mashaa'ikhda Somalida oo shalay Khodbad ka aqrinayay masjid kuyaal Muqdisho ayaa qiray in xoogaga Mujaahidiimta ah ay gubeen taangi islamarkaana ay ka hortageen duulaan weyn oo ay kusoo qadeen amisom iyo Maleeshiyada dowlada KMG ah ee shariif madaxda ka yahay
  13. Ugu yaraan 3 Qof oo Rayida ayaa kudhintay 21 kalana wey ku dhaawacmeen Dagaalo iyo Duqeymo barbarsocday oo Saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Guul ka sheegtay Dagaaladaas Xarakada Shabaabul Mujaahidiin. Dagaalada Xoogooda waxay ka dhaceen Degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigley gaar ahaan Hareeraha Madaxtooyada iyo Fariisimada ay isku horfadhiyaan dhinacyada is-haya. Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Cutubyo ka tirsan Ciidamadoodu Saaka Weerar ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia wuxuuna intaa kudaray inay guulo ka gaareen isla markaana burburiyeen Difaacyada hore ee Xaruntaas. Majiro war ka soo baxay dhanka DKMG iyo Ciidamada AMISOM ee Dagaalada qeybta ka ahaa. Ciidamada AMISOM ayaa intii uu dagaalku socday iyo kadiba Duqeymo aan loomeeldayin la dhacay Degmooyinka Wardhiigley, Howwadaag, Hodan, Xamarjadiid iyo Qeybo kale oo Magaalada kamida, waxaana ka dhashay Qasaarooyin Xoogan oo soogaaray Rayidka. Cali Muuse oo kamida howlwadeenada Gaadiidka Gurmadka Degdega ah ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyo gaaraya 21 Qof oo ay ka qaadeen Degmooyinka la duqeeyey. Xaalada guud ayaa haatan Dagan waxaana istaagay Dagaalada iyo Duqeymihii wehliyey, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goosa oo ay isweydaarsanayaan dhinacyadu. Somalimirror
  14. Originally posted by Castro: ^^^^ It was genuine atheer. I'm also in search of a minyaro but that did not in any way influence my earlier comment.
  15. Originally posted by NGONGE: ^^ It comes care of Universal TV. I've been paying close attention to a person by the name of Cag madhiga. Ngonge, sxb adiga & Islaanta yuusan isku kiin dirin!, intuu leeyahay (talking to the wife): 'INDHAHAAGA ILMO MA KU SOO ISTAAGEEN?' 'NINKU CARUURTA MA KULA QAADAA?' 'shopping-ka ma kuu sameeyaa?' etc
  16. ^kaalay goormaad heshiideen Adi& Xiin?, sowdinkii 'i'll expose u, u work for itihad'& ' Script Out of Order ah baad tahay we'll fix u' idiin mareysaye?
  17. Bootadiina iska wada, sheekdu waa sia Diinkii u yiri: 'MEESHA HABAR DUGAAG IIGU TASHANEYSAY SOW ALLE MA JOOGIN'
  18. Waryaa Abtigiis, Ilaahey ka cabso! Xiin waxa uu awoodo anigu afkeygaba sooma qabtaan! u know inuu Kashafa Hooyadiis wax ka sheegay, ee uu (Kashafa) Ehbiyey..(Xiinna) Apology diiday! dantuna -Aakhirkii- qasabtay inuu MMA Topic-ana dhan ku soo xiro: 'KA KALA YAACA MEESHA..' Ps. Anigu weligeeyba, Qolo kasta (Somalis and others alike) inaan ahay ayey moodaan
  19. ^lool, qofkii kugu adkaadaba xal baa loo helay! ' waa script'
  20. ^Amin, Isaga, Maqtal & dhamaan Soomaalida & Muslimiintaba xabsiyadaas & kuwo kaleba Alle ha ka soo furto, dembigoodana ha dhaafo.
  21. Xiin, whose Script u think i'm?, Script or not iska kay dhici