Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Nuune, Suufinnimadaan kugu nacay , waxaa lagugu eedeeyey inaad Script qortay, waana iska aamustay, ee ninyahow hadal ama meesha ka bax. Overkill & Disabled laguyeh, ma Affarrey baa la isu baxaayey, yaa meelo cidlaa ku meereystay!
  2. Nuune, Inaad iska kaftameysaan moodayeye haddaad ku soo laba celisay, waxaan ku leeyahay: Macallinoow Alif wax maleh & wax buu leeyahay kala daa Waxaad sheegtay: xataa Caravanka aad tilmaantey ayaaba la qaatey, isagiiba xataa kama muuqan meesha, wuxuu la mirquu qabaa, adduunya kalaa harqisey, soo celi Caravan topiga Isla markaasna waxaad leedahay: ...taasoo ah in meeshan noqotey meel sides la kala doorto oo danta guud laga shaqeenin, wax sides la dhahaana anigu mabda' iyo tawfiiq iima ahan, sides wuxuu yimaadaa marka hal firqo ka shaqeeso danta guud, waqtigan hada la joogana danta guud waxa badalay waa iskaa u daneyso. kala hadalka ma aragtaa?, haddaad tuugta TFG aad leedahay waa la qaatay, ee aad Xiin oo kabiiruhum alladii.. ah aad ku boorrineyso inuu tuugta soo bandhigo, hadde ninyahow iska caddeyso, waxaad uun la mid noqoneysaa Sh. Nuur Baaruudkii Afhayeenka u ahaa Musaalaxada ee qolooyinkii inuu heshiisiiyo la rabay la kala saftay heer uu Sh. Shariif gaarsiiyey darajada Amiirul Mu'miniin! who'll take him serious?. Bal eeg sidaad wax uga sheegeyso qolada aan ANIGU u haysto iney Soomaali Nasteexo u yihiin: Al-Sharbaab, Xaasidul Islaam !! waxaad kaloo tiri: Qolooyinkan kale ee Alsharbaab iyo Xaasidul Islaam iyo wixii kaloo nabad diidka ahba wixii taageera waxba isuma nihin adeer no comment! Anigu waxaan qabaa in Shabaab & Xizbul Islaam yihiin Xalka waddanka (hadda), waa in la taageeraa, waxaa isu soo baheystay tuugo, Ahlu bidac, Gaalo idilkeed & qabyaaladiistayaal, meelaha ay ka taliyaan waa nabad & barwaaqo markaasuu Shaydaanka ku hadlaya afka Xiin leeyahay: Now la qabso meesha hawshu marayso, nuune. the caravan is armed to the teeth, it will capture the territory that matter to the revival of somali state. it will capture Merka, Jilib, Kismayo, and Dhobley. it will capture Gedo and Bay region. it will capture Beledweyne and Dhuuso-marreeb. meelahaas uu soo taxay waa meelo nabdoon oo nidaam & kala dambeyn ka jirto aysan haysan 4ta KM ee Dawlad isku sheegga ka taliyaan, oo dadka ku noolyihiin Cabsi & Argagax. Ugu dambeyn fikirkaaga xor baad u tahay, lakin ha igu qasbin inaan kaaga qaato ama FIKIR kale oo ila qaldan aad ii garba duubto. Ps. In wixii jira oo sax ah haddey xun yihiin xataa la soo qoro lagana doodo dhib ma leh, ceebaha in la sheego waa qayb ka mid ah xalka. Threads-ka 'Khusuusi'ga ayaad u dan leedahay sxb! haddii kale waxa 'halkan' ku qoran waa wixii sanado ka hor ku qornaa
  3. Shabelle: MUQDISHO. Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa si kulul u Cambaareeyay Shir looga hadlayay arimaha Soomaaliya oo dhawaan ka dhacay magaalada Dubai ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta. Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo ah Hogaamiye sare oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Salaadii Jimco ee maanta kadib la hadlayay boqolaal dadweyne ah oo ku tukaday Masaajidka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu cambareeyay kulan dhawaan Culumada Islaamka ay ku yeesheen magaalada Dubai ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta kaasi oo cinwaan looga dhigay Soomaaliya iyo Xigmada Shareecada Islaamka loogana hadlayay xaalada Soomaliya iyo dagaalada ka jira. Kulankaasi oo ay ka qeyb galeen Culuma’ddiin Caan ah oo ay ku jiraan kuwa Soomali ah ayaa waxaa gabagabadiisa la sheegay in dagaalada ka socda Soomaaliya aanan lagu tilmaami karin Jihaad, waxa uuna Sheekh Muqtaar Rooboow sheegay in Culumadii ka qeybgashay kulankaasi qarkood ay horay ugu dhawaqeen dagaalada Jihaadka ee ka socda Soomaaliya xili dalka aynan ku sugneyn Ciidamo shisheeye. Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur waxa uu shacabka ugu baaqay in aynan ka tagin hirgelinta Shareecada Islaamka hadii ay qalad ka dhacaan Mujaahidiinta sida uu hadallka u dhigay. Sheekha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dad uu sheegay in ay ku suganyihiin goobaha ay gacanta ku hayaan kuwaasi oo iyagu tageersan dowlado shisheeye oo aan muslim ahayn, waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Soomaaliya oo aan lagu fiirsan Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam. Dhanka kale Madaxweyne Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb galay kulanka uu Sheekh Muqtaar Rooboow cambaareeyey ayaa dhawaan Shir jaraa’iid oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu faah faahin kaga bixiyay waxyaabaha looga hadlayay kulankaasi iyo cida qaadeysa mas’uuliyda dadka wax ku noqda dagaalada ka jira magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay Madaxweynuhu in kulankaasi si aad ah looga hadlay Soomaaliya dagaalada ka socda in ay Jihaad yihiin iyo inkale isagoo sheegay in Culumadii ka qeybgashay kulankaasi ay isku raaceen in aysan Jihaad aheyn. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  4. Sh Bashiir: Waxa uu ahaa Shirqool Xubin ka tirsan ururka Ahlu Sunna, Shiikh Bashiir Cabdi Colaad oo ah xoghayaha arrimaha dibedda ee Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa ku tilmaamay heshiiska dhexmaray dowladda iyo Ahlu Sunna mid Shir qool ah. Shiikh Bashiir oo haatan jooga magaalada Caabud-waaq ayaa BBC u sheegay in wafdigii ka baxay dhinacooda Ahlu Sunna Wal Jameeca, loo diiday inay hadlaan oo loogu hanjabay in xabsiyada loo taxaabayo. Waxa uu sheegay in Maxamed Xuseen Awliya oo ka tirsan Ahlu Sunna loo shaagay in aanu hotelka ka bixi karin. Maxamed Maxamuud Aw Libaax oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha fulinta Ahlu Sunna, ahna isna loogu hanjabayin xabsiga la galin doono. Waxa uu sheegay in heshiiska uu ahaa mid lagu qasbay xubnaha halkaasi ka jooga, isagoo intaa raaciyay in aanay jirin wax cad oo dowladda Soomaaliya ay kula heshiiyeen. Afhayeenka Ahlu Sunna Abbuu Yusuf ragga loogu hanjabay in la xiri doono BBCSomali
  5. Eedeynta garsoorka Guddoomiyaha maxkmadda sare ee Soomaaliya Maxamuud Cumar Faarax (Indha-buur) ayaa ku eedeeyay xubno ka tirsan wasiirada dowladda KMG ah ee Soomaaliya inay soo faragelinayaan madax banaannida garsoorka Soomaaliya. Dhegeyso wareysiga BBC Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in markii uu oggaaday in waddanka uu ka soo maqan yahay in wasiirka wasaaradda Kalluumeeysiga Cabdiraxmaan Ibbi uu wareegto u sameeyay garsoorayaasha oo uu ammar ku siinayo inay ka soo qeybgalaan shir, taasi oo uu sheegay in loogu gabanayay arrimo nabadgelyo. Maxamuud Cumar Faarax (indha buur) waxa uu sheegay in hawshiisa ay soo farageliyeen wasiirada garsoorka iyo kalluunka, taasi oo uu sheegay in aanu aqbali doonin, oo uu is casili doono ama sharciga la tiigsan doono. Dhinaca kale isagoo ka hadlayay garsoorka waxa uu sheegay Guddoomiyuhu in awood yarida ay leeyihiin nidaamka garsoorka awgeed mararka qaarkood ay indhaha ka qarsadaan arrimo badan. Maxamuud Cumar Faarax Indha-buur ayaa muddo ka badan afartan sano ku soo dhex jiray garsoorka Soomaaliya.
  6. ^bal labada aan soo wado arag
  7. Originally posted by Abtigiis & Tusbax: LST Waxba maaadan ula hadhin Maaddey. Adigoo bil caddan u ban gareeya oo magaciisa meeshi ka yari ku sawirnaa ee xumayd ku soo dhajiya ayaa u dhaantay! Sxb, maadiguu sidaas oo kale kugu sameeyey?, hadduu soo wadaa baan u maleyn deleting a post for no apparent reason!! 'hiillada meel kastaba waa gashaa'
  8. ^Yaa Salaam! waa kaa waxaan kuu sheegayey
  9. Ahlan Akhyaarta 'ma fogeyn' Waxa la yiri: TAKAATHARATI DIBAA'U CALAA KHIRAASHIN FAMAA YADRII KHIRAASHU MAA YASIIDU Sheekada meesha taal waxay tahay: NIN iska aammusnaa ayaa dad is heysta soo dhex-galay, hadal malaggi galay ayuu iska yiri, markaan XUJJO ( ) cad u keenay meeshii uu MUQAARACATUL XUJJATI BILXUJJAH keeni lahaana, Af Soomaali jajaba oo waqti igu qaatay inaan fahmo ayuu la soo shir tegay, Illeyn Soomaali muran kama dhamaadee si uu inuu Soomaali yaqaan iigu caddeeyo ayuu AFARREEY la yimid , miskiinku ma oga inaan reer miyinnimo ku qabsan & inuu Soomaaliga ku hadlo ama ku gabyo toona, balse qoraalkiisa uu yahay meesha uu ka dhintay!, intuusan qoraalka Soomaaliga soo bixin & intey Soomaali jirtayba waa la gabyi jiray lana geeraari jiray! sax? Xiin oo ka duulaya: CADAWGAA, CADAWGIIS WAA SAAXIIBKAA, ayaa isku dayey inuu ka faa'iideeysto, isaguna Afarreey kale ayuu meesha keenay 'YAA OG INUU KA BAAWSADAY EEDDADIIS, ADEERKIIS FURAY' , waana fulay oo qof kasta oo cantarabaqashkiisa, isagase uu 'analysis' u yaqaan ka hor yimaada, qaladkiisana tusa waa 'SCRIPT'. Nin baa raba Soomaaliya oy ugu dambeysay 20 sano ka hor ee intuu calwasaad soo qoro yiraa: KA FAA'IIDEEYSO, MEEL KALE KUMA ARKEYSIDE Adeer, KAKUMA, MOMBASA & EASTLEIGH kuguma heysannee hanugu qabsan meelaha lagaa badiyo! Alliance lagu dhisay BAADHIL ma raago, sug uun inta 2 wiil oo Soomaali-Galbeeda (laa qaddraLLaah) la dhiibo ama la xiro!. Asxaabta kala ah: KK, Haatu, Nuune & inta kale, waad mahadsantihiin lakin kuwaan igu daaya Ngonge, adiga Soomaaligaaga aad buu u fiicanyahay, dhowr mar oo horena waan kuu sheegay, haddana waan kuu sheegayaa: Ereyo yar oo Soomaali ah misna micno badan ayaad sheegi kartaa, adiguba arag, HUNGURI yaa ka Soomaali badan? Ps. Tol & Asxaab maxaa meesha keenay oon ka ahayn JAAHILIYYAH CAMYAA', nimankii yiri: 'WALAWLAA RAHDHUKA..' & 'INNAA LA NARAAKA FIINAA DACIIFAN' maxaad isu tihiin?
  10. NGONGE, Koobkii shaaha 'second thoughts' baa igu dhashay, Threadka A & T baa shaki igu dhaliyey waxaan kaloon soo xasuustay hadal kaloo na dhex maray ood tiri: 'In my shoulder-shrugging Islam you're the type of person I would happily snitch on' ama wax la mid ah. Nimaan baqin waa loo baqaa Ps. Saas ku wad, akhriska Buug Soomaaliga.
  11. ^he's just being funny, Angariiska wuu kaa badiyaa
  12. lool, The zack, markaan furay ee 'waayaha cusub, alshabbaabbi doonimeyno.' arkay ayaan iska xiray, ciyaalka Jokoraayda ah, warkooda ka bax yaa Ustaad
  13. Shabelle: CAABUDWAAQ Masuuliyiin ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka soo horjeestay heshiiskii shalay Magaalada Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen dowladda KMG iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca. Xoghayaha arimaha dibada ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Bashiir Cabdi Colaad oo isagoo ku sugan Magaalada Caabudwaaq la hadlayay qaar ka mid ah bahda Warbaahinta ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo qaabka uu u dhacay heshiiskii shalay Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda KMG ay ku gaareen Magaalada Addis Ababa. Sheekh Bashiir Cabdi Colaad waxaa uu sheegay in heshiiskaasi aanay aheeyn mid ay u dhanyihiin culumaa’udiinka Ahlu Sunna waljamaaca isagoo ku tilmaamay heshiiskaasi mid dabada laga riixayo. Waxaa uu sheegay in arinkaasi ay ka soo horjeesteen Masuuliyiin badan oo ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca hase ahaatee loogu caga jugleeyay sida uu sheegay in xabsiyo kuyaala Ethiopia la dhagiyo hadii aysan ogolaan heshiiskaasi waxaana uu masuuliyiintaasi ka tilmaamay Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna,xoghayaha arimaha dibada oo qudhiisa ah iyo Masuuliyiin kale. Sheekh Bashiir Cabdi Colaad ayaa sheegay in iyagu aysan ka soo horjeedin in lala heshiiyo dowladda KMG ee Soomaaliya hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in ay qaldantahay qaabkii loo maray heshiiskii Addis Ababa isagoo dowladda Ugu baaqay in ay miiska wadahadalka haatan la soo fariisato. Dhinaca kale Shir jaraa’id oo maanta Magaalada Caabudwaaq ay ku qabteen xubno ka tirsan golayaasha Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay taageersanyihiin go’aankii Xoghayaha arimaha dibada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca uu ka qaatay heshiiskii shalay ka dhacay Magaalada Addis Ababa. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  14. ^Dammiinnimadii miyaad Ciyaalnimo ku darsatay?
  15. the worst came when the president admitted using child soldiers. “When we could not find enough soldiers to deploy, we recruited children for the war” the president said in London simply without realising he was confessing war crimes, thanks to his local language, his sensitive remarks faded away without capturing the attention of child rights campaigners in London Runtii Shariif sidaa ma dhihin ee wuxuu yiri (hadal la micno ah): 'Markaan weynay WADAADDO noo dagaallama, ayaan dhallinyaradii Qoryaha wadatay 'Moorryaantii' abaabulnay..' farqi baa u dhexeeya.
  16. lool & Salaanbaan u saluugsanahay aa Far waaweyn miyaan HADDANA wax kuugu qoraa? ceebeey tacaal
  17. Cantarabaqash, Xiin haddii la yiraah: Dulucda Sheekadaada sheeg, sidii Sanqoole ayuu: 'MOOYI, ISKA IRIYE MAXAA IIGA GIDHIISHA' dhihi doonaa
  18. Universal TV waxaan nacay markii program aan xiisa saas ah lahayn aad la qabsato ee isagoo dhex kuu maraya la jaro, ee Advert la soo geliyo ee Muxaadaro lagu xijiyo ee dhexda lagu gooyo...Riwaayad lagu daba qabto..haddana Berri iyadoo HALF HALF ah haddana lagu soo celiyo!
  19. ^NAG NAG, looma joogo sxb, dad is yaqaannaa kaftama, Salaamun Calaykum-ba adoon dhihin baad wax aan loo joogin la soo shirtagtay, waxaan dhahnaa: maraqaan rabaa intiid dhihin, horta koow maxaa la qalay dheh bo' Ps. Af Xabashi isaga hadal Abtigiis baa noo kala turjubaaniye Edit: Nuune, Inaad Ijaazadii ku beddelatay Pilot license marqaati baan ka ahay!, haddaa Bukhaari ma diiwaan shicir buu leeyahay? Mawquuf & Mawsuul dheh , kani waa Mawsuul oo waa Sheeko ku dhacday Abu Bakr & Bilaal, Nebiguna (SCW) goobjoog yahay, Hooyadeen Caaisha (RC) ayaa werineysa xadiithka.
  20. Shariif siduu ahaa & hadda siduu isu beddelay markaan fiiriyo waxaan soo xusuustaa Xadiithkan: MAA DI'BAANI JAA'ICAANI URSILAA FII GHANAMIN BI'AFSADA LAHAA MIN XIRSIL MAR'I CALAL MAALI WASHARAFI LIDEENIH
  21. Abdiladiif, Nin weyn sidiis baan kuula hadlay, lakin hadda waxa muuqata inaad saaxiibkaa la mid tahay illeyn waa sidii loo yiri: wa dhuyuuru calaa ashkaalihaa taqacu Haddaba, Aamusnaanta Diinta ammaantay waxba kama sheegine.. maah-maahda ayaadan garan ama iska fududaatay sida aad Anigaba adoon i warsan, i wareysan hadal Qadaf ah isaga keey tuuray! Dammiin far waaweyn baa wax loogu qoraaye wiil baa aamus ku soo gaaray wax badan, hooyadiis baa Alle ka bariday inuu mar uun u hadashiiyo wiilkeeda, siday ducada u badineysay ayaa maalin uun Wiilkii wuxuu yiri: 'hooyo aan ku w***!', Duqdii, iyadoon labalabeyn ayay mar uun 'Ilaahoow iga aamusi' tiri, ma fahantay hadda?. Waddaniyadda waxaan kaa leeyahay: Al _Imaam Al Bukhaari wuxuu weriyey in markii la soo hijrooday, Abuu Bakar & Bilaal (RC) la xanuunsadeen Malaria, daltabyo 'boholyoow' ee Bilaal ku shirbi jiray: 'ألا ليت شعري هل أبيتن ليلة * بواد وحولي اذخر وجليل وهل أرِدن يوما مياه مجنة * وهل يبدون لي شامة وطفيل kadibna uu habaari jiray Sanaadiidu Quraish, Ilaahow lacnad sidey dhulkayagii nooga soo qaxsheen ee beledkan cudurka (Madiina)noo keeneen! ee markii Rasuulak loo sheegay uu ku duceeyey: Ilaahoow na jecleysii Madiina sidaad noo Jecleysiisay Makkah & ka sii daran Taana ma garatay WA IN CUDTUM CUDNAA... Ps. Dammiinnimo ka badan, adoo NIN weeyn ah inaad Afkaaga Hooyo qoraalkiisa garan weydo, Abdiladiif, saaxibkaa Xiinna horaan ugu ogaa, una sheegay adna haddaan kuu sheegayaa ee qoraalka farta Soomaaliga iska sax, xarfa aan labalaabmin ha labanlaabin 'illa tahay' buugga kuma taal, 'Innaa' waa af-carbeed la micna ah 'NAXNU=Innaga' Ask Ngonge AFKII QALAAD HA MOODIN CARRABKU QALDI MAAYEE SIDAA CAANAHA QURQURIYAAY
  22. ^Dammiin laguma qarwo yaa LAA WA-LAA
  23. Ngonge, Xabbadihiisa meel cidlaa ayuu ku ridaa & wax buu damacsanyahay kala daa wax kasta diyaar baan la ahay, inuu UKSF (UK Special Forces) u shaqeeyaanse ka baqayaa A & T, Ina Adeerkaa Abdiladif maad naga celisid, wuxuu igu noqday cunuggii Hooyadi aamuskiisa ka yaabtay eey Alle ka tuugtay inuu ka hadashiiyo...
  24. ^The carpet don't go up and down, qof escalator saaran miyaa?