Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. ^Here's is what you want: Gal-Mudug should join Puntland
  2. Nuune, Warta kor & hoos-ba waan ka deganaa!, barxaddana bugle aan ku dheeli jiray!, lakin meeshaas ma teginoo anaa oge , No4 & X/weyne lee soo dheji Geelle, Out of curiousity lee GDwonder, marki goofka iila seedaase may atte? ceeb calayk!
  3. ^lool, (galka ardayga) dheh yaaqay Nuune ha la weydiiyo!
  4. ^Ma saasaa? , Nuune wejiga ma uga taallo noo ayihiisa!
  5. Lam yakmul mina nisaa'i illaa 4 baa xadiis ahaa! marka faanka iska dhaafa!, teeda kale Qurux & Qiimi-ba isku si looma yaqaanno, sax?
  6. ^lool, baxaraa gelinee!, Adeerkaa inuu ina adeerkiis Xabashida u dhiibo, adna aad aniga intaad igu dirtid F1 u dhigaad rabtaa! Nuune, waa kuu qalleynaahe, safarkaagi darraad, sawiradiisa soo post-garee
  7. Nuune, Xamar maxaa ka doontay waqtigaas?, shakiga waa iga baxaa
  8. Originally posted by Sherban Shabeel: I bet that the people that are loudest in their condemnation are also the ones with the most questionable past. You like that line, heh?
  9. Nuune, ha kaa saarto! , halahaan waxaan ku maqnaa sawirka & webka aad ii dirtay (intaan fiir-fiirinaaye, waxa ii soo baxday inuu calaaqo weyn la leeyahay kan: (Author's homepage) kuu ah! Weli wax baa iigu kaa dhiman, waase lagu soo qaban Norf, Anigu-runtii-waxaan kuu heystaa: Ciyaal Macno maleh
  10. ^Sxb- Ninkaan Nuune ah- ayaantaan waa ka shakiyey duqa!, markaan Avatarkiisa arko & safarkiisa tirada badan! & some strange activities in Sol- KUD aan isku dhahaa!
  11. ^waxaan maqli jiray: before 97 Nin kasta 2 ama 3 buug ceyr aa barkinta laabkeeda ugu jiray, labourka aa magacooda Alle noo qaaday! shaqo lee yaa ku jiri kara! Ninkii Speakers corner joogaan ku raacsanahay, inkastoo Soomaali shaqo lagu aqoon, Richard Burton-aa ka qeyliyey, mase SL-ers ey ahaayeen
  12. , horta web page-ka & warkiisa ma is leeyihiin Muridi, mise waa wareeris.com?
  13. ^kuwona 'Allahu Akbar'toodu wa ka dhab, kuwa kalena 'Sheikh Abdulkadir' baa u wehliya!
  14. Originally posted by nuune: Compare it to this one which was a recent MOG picture. Hmmm, Sawirkan waxa la qaaday maalmo yar kadib markii Ethiopianku soo galeen! halkeed ka keentay yaa Nuune?
  15. puntland= will move back to yemen what?
  16. ^It makes big sense, thats why Shirka maanta loo joojiyey
  17. Xaaladihii ugu dambeeyey ee Degmada Matabaan. By Somalimirror on 6 Apr, 2010 9:02 AM in Main, Wararka Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Saaka aroortii gudaha u Galay Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, Saacado kooban kadibna dib ayey uga gurteed mana jirin Dagaal halkaa ka dhacay marka laga reebo rasaas kooban oo ka dhacayday Duleedka Magaalada. Sarkaal kamida Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ay laxiriirtay Shabakada Warbaahinta Somalimirror ayaa sheegay in Cutubyo kamida Ciidamadoodu ay Saaka lawareegeen Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Saacado kooban kadibna dib uga laabteen. Wuxuu intaa ku daray in Dagaal sidaa u buuran uusan ka dhicin Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan. Majiro war ka soo baxay kooxda sheegata Ahlu suna Waljamaaca oo Xubno taabacsan ay horey usii joogeen Dedgmada Matabaan. Xaalada guud ee Degmada Matabaan ayaa la sheegayaa inay haatan Xasiloontahay. www.somalimirror.com Daabaco 1 Comment(s) MARXABA YAA SHABAABUL ISLAAM MARXABA YAA SHABAABUL MUSLIMIIN ALLAH DHALINTAAS HA NOOGU SOO CELIYO DHULKII WANAAGSANAA,HANA NAGA SAARO QABUURIYIINTA, MASAAJIDADII LOOGA TUKAN WAAYAY. noora | Apr 6, 2010 | Reply
  18. Xildhibaanno kulan ku yeeshay Muqdisho oo sheegay inay dooran doonaan guddoomiye cusub oo guddoomiyaha fadhiyada Baarlamaanka Isniin, April 05, 2010 (HOL) In ka badan 75-mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen Hotel Wehliye ee Magaalada Muqdisho waxay ku sheegeen inay kulanka ugu horreeya ee uu yeelanayo baarlamaanka ay ku dooran doonaan Guddoomiye Cusub. Mudanayaashan ayaa shirkooda jaraa'id ku sheegay in Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) uu xilligisii dhamaaday, sidaa daraadeedna ay waajib tahay inay doortaan Guddoomiye KMG ah inta ay ka dooranayaan guddoomiye cusub. Xildhibaan Cumar Islow oo ku hadlay Afka mudanayaasha kulankan yeeshay ayaa sheegay inay ka go'an tahay in berri ay u doortaan Guddoomiye KMG ah ninka ugu da'da weyn Baarlamaanka inta ay ka dooranayaan guddoomiye cusub, isagoo xusay in go'aankooda uu saleysan yahay sharciga u dagan Baarlamaanka. "Iyadoo la dhowrayo Axdiga KMG ah ee dalka u dagsan waxaa waajib ah inaan berri dooranayno guddoomiye cusub maadaama uu waqtigii Guddoomiyaha xilligan uu dhamaaday, waxaana u raacaynaa Axdi hoosaadka Baarlamaanka qodobdkiisa 13-aad farqraddiisa 5-aad iyo Qodobka 32-aad ee Dastuurka dalka u dagsan" ayuu yiri Xildhibaan Cumar Islow. Mudane Islow oo ah Xoghayaha Baarlamaanka wuxuu carrabka ku dhajiyay in tani ay tahay sharci ay u marayaan inay ku badbaadiyaan howsha uu Baarlamaanku hayo, isagoo sheegay in haddii go'aankooda la diido ay dowladda oo dhan burburayso. "Guddoonkii hore ee Baarlamaanka waa inay sharciga ilaaliyaan, waayo waxaa horay u tagay Madaxweynayaan iyo xubno, iyaguna waa inay sharciga dhowraan, isagoo kula taliyay Madaxda Dowladda inay dhowraan Ammaanka goobta" ayuu yiri Mudane Cumar Islow oo Xildhibaanadan waxay sheegeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu horay uga sheegay in xilligiisa uu dhamaad ku dhowyahay, uuna dib ugu soo sharraxayo inuu xilkaas qabto. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  19. Quruxda Af Soomaaligaa laga hadlaayee ee af (a) laba dhibic kor leh maxaa meesha keenay? KK, Faduul lee
  20. kullanka Baarlamaanka Waayahanba waxaa jiray muran xoog leh oo ku saabsan shir guddoonka baarlamaanka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. Iyadoo sidaasi jirtay ayaa maanta waxa ay ilaa 70 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Somaalida ay sheegeen in shir guddoon cusub la dooran doono haddii uu qabsoomo fadhiga baarlamaanka beri. Haddaba goor galabta ayaa Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo sii haya haya xilka guddoomiyaha, Maxamed Cumar Dalxa wuxuu sheegay in dib loo dhigay fadhigii baarlamaanka ee uu horay isagu u sheegay in uu qabsoodi doono beri oo talaaddo ah. Fadhiga baarlamaanka, ayaa muddo dhowr bilood ah wax kulan ah yeelan, iyadoo fasiraado kala duwan laga bixiyay sababta uu u qabsoomi waayay fadhigoodu. Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa sababaha hadda dib loogu dhigay fadhiga baarlamaanka ku sheegay in ay tahay sababo farsamo, mana sheegin xilliga uu dib u qabsoomi doono kullanka Baarlamaanka Soomaalida. Dhowr jeer oo horay oo la isugu yeeray baarlamaanka, ayaa fadhigoodi qabsoomi waayay sababo kala duwan. Faafaahinta warkaa ka dhageysa BBCSomali.com
  21. Shabelle: MATABAAN. Dagaalo xoogan islamarkaana u dhaxdeeyay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa Saakay waxa ay ka dhaceen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya qeybo kamid ah gobolka Hiiraan Saakay ayaa dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo kuwa Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaca waxa ay ka qarxeen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaaladu ay ahaayeen kuwa culus islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaalka ayaa waxa uu qalqal ku abuuray dadkii ku dhaqnaa degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan kadib markii ay ku waabariisteen dhawaqa rasaasta culus iyo mida fudud oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac. Wararka ugu dambeeya ee inaga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in si buuxda ay degmadaasi gacanta ugu gashay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kadib dagaalkii Saakay halkaasi ku dhaxmaray iyaga iyo Ciidamada Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca. Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, inkastoo lagu soo waramayo in uu jiro qasaaro soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dadka rayidka ah.
  22. ^Waa Soomaaliga saxda ah-marka-Garissa la joogo
  23. Che, Haatu oo inadeerkaa ah baad wax fahamsiin la'dahaye ma Ilmo caddaan ah baa wax kaa fahmaya? Haatu, wuxuu ula jeedaa: KHABIIR = EXPERT
  24. Wasiirkii Qorshaynta Iyo Xidhiidhka Caalamiga Ee Puntland Oo Lagu Eedaynaayo falal argagixiso. Warkii 03-Apr-2010 iyo Qormadii: NEWS Kulankii Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole Iyo Weliba Wasiirka Arimaha Debada ee Ethiopia Ato Seyoum Mesfin Gebredingel ayaa lagu gorfeeyey arrimo badan, Faroole ayaa loogu sheegay Kulanka in loo bahan yahay in Dowladiisa laga saaro Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta kuwas oo Ethiopia ku tilmaamtay Islaamiyiin Xagjir ah Ato Seyoum Mesfin ayaa dhaliilay Wasiirka Qorsheynta Iyo Xiriirka Calaamiga Ah, Gudoomiyaha Gobolka Bari, Duqa degmada Bosaso, Duqa Degmada Garoowe Iyo Weliba Duqa Degmada Gaalkacayo, isaga oo dhamaan Mas’uuliyiinta ku tilmaamay kuwa Xagjir ah oo Xidhiidh Sookeye la leh Argagaxisada Ato Seyoum Mesfin ayaa dhaliilay Wasiirka Qorsheynta Iyo Xiriirka Calaamiga Ah, Gudoomiyaha Gobolka Bari, Duqa degmada Bosaso, Duqa Degmada Garoowe Iyo Weliba Duqa Degmada Gaalkacayo, isaga oo dhamaan Mas’uuliyiinta ku tilmaamay kuwa Xagjir ah oo Xidhiidh Sookeye la leh Argagaxisada Mesfin Gebredingel ayaa sii toosa Madaxweynaha Puntland Ugu Yidhi ”Ethiopia ma fiirsan karto, ragga Xilal ka haya Puntland isla mar Ahaantasna Xidhiidh la leh Kooxaha Xagjirka Ah” Wasiirka Arrimaha dibada Ee Ethiopia ayaa sheegay In Ragga u Eedeyn aay yihiin kuwa Dhibaato weyn ka soo socoto hadii aan laga hortegin Wasiirka Qorsheynta Iyo Xiriirka Calaamiga Dr Daa’uud Maxamed Cumar (Bisinle) Waxa Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia u ku Eedeyn in Gaari u leyahay ka mid aha Gawaaridii lagu weeraray magaalada Hargeysa ee Falalka Argagaxisonimada lagu Fuliyey 29 Octobar 2008 Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa isagna lagu Eedeyey inu ka mid aha Somali dalka Pakistan laga soo tarxiilay kuwas oo lagu Eedeyey Argagaxisnimo, Waxana Ethiopia sheegtay in Sheekh Cabdixaafid Cali Yusuf u aha Arday wax ka dhigta Jaamacada Islaamiga ah ee Islamabad, Waxana aay sheegtay in Isaga iyo Koox u ku jira aay Xiriir Sookeeye la yeeshen Urur weynaha Alqaacida, In kasta oo Markii dambe Saaxiibadii loo dhadhaciyey Xabsiga Weyn ee Guantanamo Bay, In kasta oo Isaga loo soo tarxiilay Dalka Somaliya Duqa Degmada Garoowe CabdiCasiis Nuur Cilmi ayaa isaga lagu sheegay nin u soo dagaalamay Ururkii Alitixaad ee Cabdullaahi Yusuf dagaalka Adag la galay, Waxana la sheegay in Isaga laf ahantiisa dhaawac ka soo gaaray dagaalka, Waxana la Tilmaamay inu woto Fikiro gurucan Duqa degmada Gaalkacayo Cabdiraxmaan Maxamud Xaaji Xasan ayaa isagana la Tilmaamay inu Dhaqaale badan ku Bixiyey Dagaaladii Bandiiradley Iyo Iidaale ee Maxkamadu la galeen Ciidamada Ethiopia Duqa Degmada Bosaso Maxamud Faarax Beeldaaje Ayaa isagana lagu Eedeyey inu Xiriir dhow la leyahay Sheekh Xasan Daahir Aweys, Uuna ka mid aha Dadkii u soo dagaalamay Aweys Xilligii Dagaalkii Itixaadka, Ee Degaanka Saliid waxana la sheegay inu yahay nin Weli Wota Fikiradahii Xagjirnimada aha Qoraalkan oo aha mid Rasmi ah ayaa loo gudbiyey Madaxweyne Faroole, waxana loo sheegay in Raggan uu sidaa ugu dhaqsaha badan Xilalka uga qado, isla markana U la Yimado Dad Macquul ah oo aysan Maskaxdooda ku jirin Fikiradaha Xagjirnimadu Sidaa Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia U Sheegay Ato Seyoum Mesfin Madaxweyne Faroole ayaa la aqoon sidaa u Arrinkan loo soo gudbiyey U Xalin doono, In kasta Oo Saraakiil ku dhow dhow Madaxweynahu Sheegen inu Aqbalay go’aamada Ethiopia Source: Somalifans.com Abdinur Haji Hussein Idris Addis Ababa, Ethiopia Mrsomalia@yahoo.comMrsomalia@yahoo.com http://kalabaydh.ipower.com//warka.php?num=8644