Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. ^Akhaanaa Al Cazeez, Dambarsame, Kashafa inta aad sheegtay & ka badanba wuu ogyahay, dadkan uu si adag ula hadlo waa rag uu ku yaqaanno CINAAD, AFLAGAADDO & JEES-JEES, waa rag caadeystay inay adoo soo jeeda kaa been-abuurtaan!, hadalkaaga si qaldan u fasiraan, meel aan laga hadleyn kula galaan. Dadku isku aragti maaha, qofba meel buu wax ka eegi karaa, lakin in si ragannimo le qof walba ra'yigiisa u bandhigo ayaa la rabaa!, nimankan waxay rabaan iney IRHAAB FIKRI ah nagu ridaan, oon waxa aan aaminsannahay aanaan sheegi karin, halka Gaalada meeshan Alle Weyne ku caayaan (tacaalla laahu camaa yaquuluuna culuwwan kabiiraa), marka ugu dambeysana ey kugu brand-gareeyaan: 'script' 'keligi muslim' 'khaariji' iwm. Billaahi Calayk, rag halkan jooga ayaa inkiray xukum-ka Rajminta ee sugan, naag waxa joogta zandiiqad ah oo shubuhaat halkan ku afuufta, weli ma aragtay iyagoo eray ama laba ka dhahaya arrinkaas?, maxaa ku kallifay iney innaga baadil isugu kaaya kaashadaan?. Still, waxaan rumeysnahay in khayrka ku jiro xadiiska rasuulka (csw) ee ahaa: إن الرفق لا يكون في شيء إلا زانه . ولا ينزع من شيء إلا شانه Akhii, waxa Shabaab laga qoray (Muslim & Gaalo-ba) akhri oo u kuurgal, haddii dad aad ku kalsoontahay ay jiraan oo meelaha ay ka taliyaan joogana wareyso, dadka waa necebyihiin waa run, lakin Xaqqa ayaa sidaa loo necbaa weligeed, ma diidanni in xoogaa fudeyd & Ghuluwwi ku jiro, asbaabteeda ayey leedahay! markaas booskooda istaagto ayaadna garan doontaa! Waan kuu soo noqon doonaa IA....
  2. ^Dhib saas ah maleh, wadaad Algerian weydii wuxuu ku dhahaa: ''LAA BAAS, GHANEEMA'
  3. ^Juxa, sideey intaasoo magac & DOB u xusuustaan?
  4. Maqaayad Leyton ku taalla oo niman reer Mauritius ah leeyihiin halka badar macaan ah
  5. 'The Village' aa shidan ayaantaan , Guriga Hooyooyinka ee Xamar-na waxaa laga furay 'The Village II'
  6. ^Hadda X/weyne hadaa rabtid #4 lee laga raacaa caasiga (homey) aa la dhahaa , waxaanse isugu keenay in meelahaas yihiin meelaha moor'yaanta uu la jiro Nuune heystaan Geedka tiinka wuxu leeyahay miro macaan oo cabitaan 'sharbeed' laga sameeysto, boocana caanihiisa waa 'bleach' wasaqda ruujimada ah lagu nadiifiyo
  7. Jacfar, adi Miskiin baad tahay!, qof aan Gaal isagoon ahayn iri ma jirto, sababta aad sheegtayna uma dhihin, hadaad caqli yar leedahay waad is weydiin lahayd, dib ayaadna u raaci lahayd!, teeda kale cayda Sol members kaliya miyey Xaaraan ku tahay??, wiiloow, yaanaan isku dambaabin, please i amaan geli, dhib miyaa?? Xiin, adi Script baad ku waalatay, ee ninyahow al fujuur fil khusuumah iska ilaali Dambarsame, Points-kaagu waa valid, Insha Allah kahyr, ogowse Somalia gacan bir ah in lagu qabto bey u baahantahay!.
  8. ^wax kaa qaab daran halkan waa ku yar-yihiin, 5ta sadar ee kore inta caay ku jirta xisaab ma leh!
  9. ^Allow Alle, paragraph-ka hore, kan xiga & kan ugu dambeeya waa is khilaafsanyihiin! Shabaab oo gobolada: Galgaduud, Hiiraan, Sh/dhexe, Banaadir, Bay, Bakool, Sh/hoose, J/dhexe, Gedo & J/hoose si nabad & kala dambeyn aan 20 sano la arag u maamula aad rabto in la weeraro sidaad hore ugu faantay waxaad tahay fattaan doonaya qaska Soomaaliya inuu sii socdo!. Thank you, xiinfaniin, Sr. Maaddeey Script Analyst kii magacyada badnaa=fiqikhayr=shihaabudiin iska celi!
  10. Xildhibaanno Madaxda Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay hortaagan yihiin in Baarlamaanku uu yeesho kulammadiisa caadiga ah Arbaco, April 07, 2010 (HOL) Xildhibaanno shir ku yeeshay Magaalada Nairobi shalay oo Talaado ahayd ayaa shaaca ka qaaday in fadhiyada Baarlamaanka ay hortaagan yihiin Madaxda Dowladda Soomaaliya, sidoo kalena ku eedeeyay musuqmaasuqyo lacageed. Markii uu soo gabgaboobay kulanka ay mudanayaashan oo tiradoodu ka badnayn 50-xildhibaan ay ku yeesheen Nairobi ayaa waxaa saxaafadda u faahfaahiyay wixii ay ka hadleen Xildhibaanad Caasho Axmed Cabadalla. "In kulammada Baarlamaanka ay qabsoomaan waxaa hortagaan Madaxda Dowladda waxayna ku guuldarreysteen inay dalka wax ka qabtaan, sidaa daraadeed si aan loola xisaabtamin ayay baarlamaanka hortaagan yihiin inuu kulammo yeesho" ayay tiri Xildhibaanad Caasho. Sidoo kale Xildhibaannadu waxay shirkeeda jaraa'id ku sheegtay in Madaxda Dowladda looga baahan yahay inay afgambiyaan baarlamaanka oo noqdaan kuwo awood dalka ku qabsaday ama ay u daayaan inuu howlihiisa sii wato. "Baryahaan saxaafaddu waxay hadal haysay in 16-Milyan oo Dollar oo ay xubno ka tirsan Xukuumaddu lunsadeen lagu qabtay dalka Malaysiya, waxyaabahaas oo kale ayaa loo diidan yahay inuu baarlamaanku kulammadiisa caadiga ah yeesho si uu uga hadlo" ayay tiri Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla. Wasiirrada Xukuumadda ayay sidoo kale ku eedeysay inay yihiin kuwo booqda saxaafadaha oo keliya, balse aan waxba dalka ka qaban, waxayan ugu baaqday Madaxda Dowladda inay wax qabtaan ama booska ay banneeyaan. "Haddii ay sii wadaan inay ka horistaagaan Baarlamaanka kulammadiisa waxaan u sheegaynaa inay ogaadaan in mid walba uu ka baxayo halkii uu kasoo galay oo ah baarlamaanka" ayay tiri Xildhibaanaddu mar kale. Dhanka kale, waxay xildhibaanadan ugu baaqeen mudanaayaashii sheegay in xilligii guddoonka baarlamanaka uu dhammaaday aysan isku shuqlin arrimahaas, balse ay marka hore ku dadaalaan inay qabsoomaan kulammada Baarlamaanka. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  11. Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Shabeellada hoose oo xukun dil ah ku fuliyay mid ka mid ciidamadooda Arbaco, April 07, 2010 (HOL) Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa xukun dil ah ku fuliyay mid ka mid ah ciidamadooda oo horay dil ugu geystay ruux rayid ah degmada Ow-dhiigle ee Gobolkaas. Dilkan oo la fuliyay shalay ayaa wuxuu ka dhacay Garoonka SYL ee Degmada Marko waxaana askariga dilka lagu fuliyay lagu magacaabaa Muuse Cabdi Caabud ayaa qirtay inuu si bareer ah u dilay Axmed Cabdi Yuusuf oo shacab ahaa. Qaaliga Maxkamadda Degmada Marko ee xukunkan riday ayaa dilka kaddib ka hadlay goobta, wuxuuna boqolaal qof oo daawanayay qaabka uu dilkaas u dhacay u sheegay in tani ay ku dhacday Xukun Islaami ah, cid dambi loo dhaafayana aysan jirin. "Marxuumka ciidankeenna ka midka ahaa ee xukunka dilka ah lagu fuliyay wuxuu ka mid ahaa ciidamada Ilaalada Xabsiyada, waxaana xukunkiisa aan u cuskanay diinta Islaamka" ayuu yiri Qaaliga Maxkamadda oo la hadlaya dadka. Goobjoogayaal ka mid ahaa kuwii daawanayay xukunka ayaa sheegay in askariga dhowr xabbadood lagu dhuftay, uuna ku dhintay goobta, waxaana ku sugnaa halka uu dilkaas ka dhacay ehellada marxuumkii horay loo dilay. Dilkan ayaa lagu soo beegay xilli ay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ay isla shalay ka warbixisay waxqabadkooda intii ay jireen, iyagoo sheegay in maamullada iyaga hoosyimaada ee ka jira Gobollada dalka ee ay gacanta ku hayaan ay fuliyeen xukunno isugu jira dil, qisaas iyo xad. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  12. ^Kuwa aad Takfiiri u taqaanno waa min khayrin-naas, in la laayo ayaadna u ololeysaa! sidee waa tragedy u leedahay!?
  13. ^link-iga shalay Halgan.net eed halkan soo dhigtay muxuu kan uga duwanyahay? Matabaan in la qabsado maaheyn ujeedada oo la xajiyo ee waxay ahayd tactic la rabay in xooggooda la isugu keeno Matabaan si loo qabsado Dhuusomareeb, waana socotaa, ha u qayshadeen waxay u qayshan jireen min duunillaah!
  14. UNDP waa qaldantahay Somaliland aayaheeda TFG in lagala tashado ama ay u qorsheyso maaha, iyagaa qorshahooda wata! Nimankaas reer Waqooyi waa tashadeen intii qubta & qacda koonfur ka socotay, Hambalyo.
  15. Guddoomiyaha ururuka UWSLF Sh. ibraahim oo aan ka waraeysannay waxa ka jira in ay itoobiya xabbadjoojin la saxiixdeen? By SomaliMirror on 6 Apr, 2010 10:33 PM in Main, Wararka, Wareysiyada Shabakadda somalimirror iyada oo ku dadaaleysa inay akhristayaasheeda u soo bandhigto xaqiiqada heshiiska xabbad joojineed ee la sheegay inuu dhex maray ururka UWSLF iyo dowladda itoobiya waxay wareysi toos ah la yeelatay guddoomiyaha ururkaas Sh.ibraahim maxamad xuseen, waxaana guddoomiyaha weydiinnay su,aalo maalmahan la isweydiinayay oo la xiriira xabbad joojinta dhex martay ururka UWSLF iyo itoobiya, wareysigii oo faahfaasanna wuxuu u dhacay sidan: Somalimirror : sheekh ibraahim assalaamu caleykum Sh.ibraahim: *****ykumussalaam waraxmatullaahu wa barakaatuthu Somalimirror: sheekh ibraahim waxaa jira su,aalo la iska weydiinayo haeshiis xabbad joojin ah oo aad itoobiya la gasheen waxaana jecelnahay inaad kulankan arrintaas faahfaahin naga siiso. Sh.ibraahim: marka hore bahda somalimirror aad baad ugu mahadsantihiin sida hufnaanta leh e aad u matasheen saxaafadda islkaamiga ah aad baana ugu faraxsanahay kulankiinna iyo inaan su,aalihiinna ka jawaabo. Somalimirror:guddoomiyaha golaha shuurada ee ururukiinnu wuxuu sheegay inaad itoobiya xabbad joojin la saxiixateen arrintaas maxaa ka jira mase ku wada socotaan? Sh. Ibraahim: Haa Heshiiskaas wuu jiraa waana kuwada soconaa waana heshiis aan aniga Gudoomiyaha ururka ahi amray Guddoomiyaha golaha Shuuradana anigaa u xilsaaray inuu hogaamiyo guddiga wada hadalka. Somalimirror: heshiiskan idin dhexmaray itoobiya waa mid noocee ah? Sh.ibraahim: Heshiiska na dhaxmaray annaga iyo Ethiopia waa mid ku meel gaar ah oo xabad joojin 3bilood ah . Sadaxdaa bilood gudohoodana waxaa kulmi doona Golaha Dhexe ee ururka UWSLF oo go,aamin doona in horay loo sii socdo oo heshiis dhmmeystiran lala gaadho itoobiya iyo in kale iyada oo laga duulayo warbixinta uu golaha fulintu ka soo gudbin doono natiijada ka dhalata xabbadjoojinta iyo khiyaaraadka ururuka horyaalla xilligan. somalimirror: maxaa sababay inaad heshiis noocan ah xilligan gashaan? Sh. Ibraahim : Waxyaabaha sababay heshiiskan inaan galno way badanyihiin, waxaana ka mid ah: 1- Horta asal waxaa ah wixii wada hadal lagu dhamayn karo inaan dagaal lagu raadinin maxaa yeelay sidaas ayaa kharash iyo dhibba yar. 2- Waa Asal Islaami ah in Cadawga lala hadli karo siduu nabiguba sameeyayصلى الله عليه وسلم sida heshiiskii Xudaybiya oo qodobadiisa ay ka mid ahayd in ninkii soo Islaama gaalada loo celiyo ka muslimiinta kasoo gaaloobana aan loo celinin hadana Ilaahay uu ku magacaabay Fatxi. 3- Waaqica jirana maanta wuu keenayaa: (a) Shacabkayaga oo runtii maraya xaalada adag oo dhan walba ah (Xaga nolosha, Wax barashada diineed iyo maaddiba, Caafimaadka, IWM) oo u baahan inuu helo wakhti iyo waayo munaasib ah oo uu ku maareeyo mashaqada haysata si uu wax uga baddalo xaaladdiisa nololeedM, waxaa intaas sii dheer shacabku wuxuu soo maray wakhti ku dhow 20 sano oo usan ka nasanin dil, dhac, kufsi, qixin iyo xabsi IWM inaan shacabkayaga nasinno intii suura gal ahna garbay nagu tahay. (b) Ururka oo u baahan inuu helo jaanis uu ku fakaro oo uu isku arko kuna tashado kuna qiimeeyo marxaladda uu marayo. © Dawlada Ethiopia oo muujisay inay diyaar u tahay wada hadal horaanna ka dhaga adeygi jirtay. Intaas oo sababood iyo kuwa kale oo aana sheegin ayaa sababay inaan qaadanno heshiiskan ku meel gaarka ah. Somalimirror : halkee ayuu ka dhacay heshiiskani side ayuuse ku yimid? Sh. Ibraahim : Waxaana dhax maray laba kulan oo mid uu ka dhacay wadan yurub ah, kan kalana wuxuu ka dhacay waddan African ah oo aan itoobiya iyo soomaaliya midna aheyn. Wakhtiguna wuxuu ahaa bishii 2aad iyo bishii 3aad 2010. Wuxuuna ku yimid dad ayaa noo kala dabqaaday labadayada dhinacba aan ku kalsooneyn. somalimirror: ma u maleyneysaa in ay itoobiya ka dhabeyneyso hashiiskan ay idinla gashay? Sh. Ibraahim : Horta wadahadalkani ma aha kii 1aad ee na dhaxmara Ethiopia. Kani waa wada hadalkii 8aad ee na dhax mara. Lix wada hadal waan ku kala kacnay midna xabad joojin 6billood ayaan kala saxiixanay waxayna ahayd 1996kii. Ka dibna dagaalkii ayaa horay kasii bilawday markii la siku fahmi waayay rabitaannadii labada dhinac, Kan maanta ahna wuxuu la xiriiraa kuwaas hore. Anagu dhinacannaga waxaan isku dayaynaa sidii caadadaba noo ahaan jirtay inaan ilaalinno wixii aan isku waafaqno, Xaga Ethiopiana sidaas ayaan ka rajaynaynaa. Somalimirror: ma isleedihiin hashiiskani haddii uu taabbo galo wuu xaqiijin doonaa himiladii dadweynaha reer soomaali galbeed? Sh. Ibraahim : Hishiiskani haduu taaba galo waxaan isleenahay wax badan ayuu usoo kordhin doona shacabka ree soomaali galbeed. Marfka loo gudbo marxaladda 2aad ee wada hadalkana waxaan miiska soo dhigi donnaa rabitaanka shacabkayaga iyo himilooyikiisii, wada hadalkuna waa dagaal aan hubeysneyn wixii aan u aragno inuu shacabkayaga anfacayana waan qaadaneynaa wixii aan u aragno in uusan bulshadayada wax tar u aheynna ma aqbali doonno. Marka aan sidaas leeyahay uma jeedo wax walba oo dadkayagu rabay way heli doonaan waxaanse u jeedaa wixii wax ku ool ah ee ka fiican sidan maanta ay ku jiraan, wixii naga dhimmanaadana waan u sii habeen dhaxeynaa wax kasta oo aad rabtana hal mar lama wada helo, wixii aan la wada heleyninna lagama wada tago, xikmadduna waxay keeneysaa in wixii ku anfaca ee aad heli karto aad qadato waxa dhimanna aad raadiso sidii aad ku heli laheyd. Somalimirror: ururka ONLF ee isaguna itoobiya la dagaallama arrintan ma ka wada socotaan? Sh ibraahim : haddii aan nahay ururka UWSLF waxaan ku qanacsannahay in aanaan kala maarmin annaga iyo ururka ONLF qaddiyaddayaduna ay mid tahay waxaase caqabad nagu noqotay in hoggaana ururka ONLF aanaan ka helin dareenka noocaas ah sababtu waxa ay dooniba ha noqotee, dhinacayaga intii aan is laheyn waajibku wuu idinkaga dhacayaana waan ka dadaalnay inaan wanaajinno xidhiidhka walaalahayo, waxaanse ka xunnahay in xidhiidhka maanta naga dhexeeya uusan aheyn kii la rabay inuu ka dhexeeyo dad wadaaga diin, dal, iyo dadba, dhinacayagana gari labo nin kama wada qoslisee waxaan eedda saareynaa hoggaanka ururka ONLF waliba dhinaca uu hoggaamiyo admiraal maxamad cumar cismaan. Su,aasha ku saabsan in aan arrintan ku wargalinnay madaxda ururka ONLF jawaabteedu waa maya maxaa yeelay sida aan horay u soo sheegay nagama dhexeynin xidhiidh heerkaas gaadhsiisan, waxaanse haddadan muujinayaa inaan dhinacayaga diyaar u nahay in aan ajandahayaga mideyno col iyo nabad kaan qaadaneynoba, hadda waxa aan galnayna waa xabbad joojin uun waana la hubaa haddaan taladayada mideynno ama isu soo dhoweynno in qiimaha iyo waxa aan heli karnaba ka badnaanayaan inta midkayaba gaar ahaan u heli karo, culimada,aqoonyahanka,iyo waxgaradka reersoomaali galbeedna waxaan ka codsanayaa inay arrintaas dadaal ku bixiyaan annaguna kama weynin wax dadkayagu ku taliyo. Marka aan sidaas leeyahayna waxaan ogahay in ururka ONLF laftiisu kulammo gaar ah oo ugu yaraan saddex kulan gaadhaya la qaatay itoobiya. somalimiror: sheekh ibraahim aad baad ugu mahadsantahay sida aad uga jawaabtay su’aalahayagii sh.: idinkaa mudan aad baana idiin soo dhoweynayaa mar walba iyo meel walba www.somalimirror.com Daabaco
  16. ^Mowliidka BIDCO waaye Munaaqibkaase ka sii daran!, lakin rooti & hilibka roob-doonka aan cuni jiray!
  17. ^Waraa is deji adi!, teeda kale waxa kuu roon inaad Diin & wixii lug ku leh aadan sidan comment uga dhiiban, caaydana iska kala yaree perché dadku af waa qabaan, waase la kala xishood badanyahay, si aad Sol ugu raxeysatid rispetto ku dadaal. Horta maxaa loo waayey Gaal Soomaaliyeed oo edeb leh?
  18. Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee shalay gelinkii dambe galay deegaanka Mareer-guur gobalka G/gaduud ayaa faah faahin ka bixiyay socdaalkooda iyo waxa ay halkaasi ka qabteen. Saraakiisha Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xaqiijiyay in ay toogteen Taliyihii ugu sareeyay kooxda qabuura galeenka Ahlusuna sheegata kadib dagaal shalay ka dhacay Mareer-guur. waxaa laxaqiijiyay in bartamaha deegaanka Mareer-guur lagu toogtay Madoobe Cumar Kadiye oo ahaa sarkaalkii qabuuragaleenka u qaabilsanaa aaga Dhuusamareeb, ciidamada Al Shabaab ee shalay deegaankaas gaarey ayaa sheegay in ay ugaarsadeen saraakiisha qabuura galeenka oo markii dagaalku bilaawday isqariyay. Xaalada Mareer-guur ayaa saaka degan waxaana dib uga gurtay ciidamadii Shabaabul Mujaahidiin ee shalay dagaalka ku galay Mareer-guur oo la sheegay in ay u dhaqaaqeen deegaano kale oo ay qabuura galeenka maamulaan. Saraakiisha Shabaab waxay noo xaqiijiyeen in xalay ay magaalada ku hoydeen balse saaka ay dib uga gurteen iyagoona sheegay in ay u bexeen Howlgal kale oo ay gobalka ka fulinayaan. Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay lagu arkayay iyagoo taag taagan bartamaha Mareer guur waxayna difaacyo ka xirteen wadada laamiga ah ee katimaad degmada Dhuusamareeb. Dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay xalay u xoola qaleen ciidanka Shabaab oo shalay shacabka u jeediyay Khudbado ay ku faah faahinayaan hanaan dagaaleedkooda gobalka G/gaduud. Beesha Yabar dhoore kace oo degta Mareer-guur ayaa horay ula heshiisay xarakada Shabaabul Mujaahidiin islamarkaana sheegtay in ay ka baxday Isbahaysigii Qabuura galeenka waxayna codsatay in aan loo dhibaatayn wixii hore. Idaacadda Andalus magaalada Kismaayo ayaa xalay lagasii daayay Khudbado ay deegaanka Mareer-guur ka jeediyeen saraakiishii hogaaminaysay ciidanka Mujaahidiinta. Saraakiishan oo boqolaal shacab ah kula hadlayay deegaanka waxay ubalan qaadeen shacabka G/gaduud in ay ka saari doonaan kooxaha qabuura Galeenka ah islamarkaana magaalooyinka G/gaduud ka hirgeli doonaan dhareecada alle. Saraakiisha reer Mareer-guur kahadashay waxaa kamid ahaa sarkaal katirsan muhaajiriinta Somaliya ka jihaada wuxuu faah faahiyay qaabka ay islaamiyiinta uga dagaalamaan gobalada dalka iyo ujeedkooda isagoo shacabka Mareer-guur kula dar daarmay in ay Jihaadka qayb weyn ka qaataan. Muhaajirka hadlay wuxuu sheegay in haddii aan lajihaadin aan laga bixi doonin dhibka islamarkaana Jihaadka Soomaaliya uu waajib ku yahay cid walba oo Muslim ah, duulaankii Mareer-guur ayaa walbahaar ku riday qabuura galeenka oo shalay kaliya gacantooda laga bixiyay deegaano muhiim ah.
  19. Che & Haatu, raalli ahaada waan il duufay, 'kabiir, it is'
  20. ^kul maa yaliik, ay ka soo horjeedaa!
  21. ^lool, Nuune Zab jeris! qodobadaas waan aqaanaye qodobka 7aad ayay ka hor imaanayaan!
  22. SAyid, waxaa niyadda iga gashay: 2da Pl & TFG-da meteleysayba iney reer PL yihiin! Azhari aa igu soo dhacay!
  23. ^lool! Waxaa iga dhimaneyd inaan ku daro: 8) haddii sabta ey tahay, xaafadaha kaaran & zoonahaas: Cambuulada, macsarada & bunka (toorto) ha ku sirmin, wax yar lee ka taa-taabo, coz waxa ku soo xiga: Bariis, hilib, Canogeel & alaab-alaab kale!, lakin haddana waxa laga yaabaa in Cambuuladaas wax kale la soconine, si fiican uga feker! Dad baa labada marba qaldamay oo: Markii cambuulada la keenay mooday in wax kale dhimaneyn, aasey jilif iska siiyeen, wax yar kadibaa la keelay abkeey bariis & hilib wixii yiillay!, calool aaway hee!, maalin kale ayaa quraan saar la aaday, cambuulaa la keenay, widaaygaa wuxuu yiri: 'aha, yaa la gaadaa' markaasuu 2 mar lee ku qaatay!, maxaa ii dhiibatay! waxa ku soo xigtay: 'culumo alla raalli ahaada reer tabareedaan iska nahay , cambuuladaas iska iimaansada'
  24. ^Sharciga sabta waxaa ka mid ah: 1)Xanjo & Istakiin jeebka horay ugu sii qaado 2)Subaxdii ha quraacanin, sabta markey soo dhowaatona biyo ha cabin 3)surwaal kugu dheggan ha soo qaadan, ama macawis soo qaado 4)La soo dhigaayoba, cadka hilibka ugu fiican horay ka daf! 5)Markaad dhexda mareyso, guluuska fur (surwaalka) ama gunudda (Macawis) 6)dhowr cantoobo markaad qaadatoba, biyo yar ku deji (hal kabo ha ka badinin) 7)Adaabul Akli ilaali, (kul bi yameenik, wa kul mimmaa yaleek ) Nuune, inta kale ku dar!
  25. ^Nimankii iyagoo BBC Somali dhegeysanaayo ee doodda nin Kililka u shaqeeya & an ONLF leader, ee sida kan Tigree-ga u shaqeeya dhulka loogu jiidaayo ku qoslay ee, baas-ka lagu furay ma maqashay ayadana, dhowr sano ka hor bey dhacday! ciil weynaa!!!