Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. ^Hadda, Somalia iyagaa Jamaacada ah!, waayo iyagaa uga xaq leh Dawladda Sacuudiga ey Culimada u soo daliishadaan in Jamaacada la raaco!
  2. Very weak case! They did not listen and took 20 cows, leaving me with only 10. Zakadii ayaaba ka badatay ra'sal maal-kii! They then tied me to a tree by my hands and left me hanging. I was in so much pain, I started yelling and asking for help but no one came. I was there for more than a day . By the time they [the militiamen] cut me down I had no feeling in my hands. ugu yaraan 5ta waqti ee salaaddawaa iga furi jireen inuu yiraahdeey ahayd!
  3. lool, 'almac' waa maxay? karl, wuxuu arkay Edmonton baan u maleyn! internet cafes & maqaayado isku taxan!
  4. Maxkamadda Al Shabaab oo Xukun ku ridday Shirkadda Xawaaladda Amal Bank ka dib markii ay u geftay Diinta Islaamka(Halkaan ka daawo Bayaanka iyo Sawirka Buuga). Saturday, 10 April 2010 11:11 administrator Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta Xukun islaami ah ku riday Mid kamida shirkadaha Xawaalaha ee ka shaqeeya wilaayaadka islaamiga oo lagu helay xad gudub dhanka dhaqanka islaamka ah. Maxkamadda Guud ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta Xukun ku riday Shirkadda Xawaaladda Amal Express kadib markii ay shirkadaasi baahisay Buug ay ku qoranyihiin dhaqamada Yahuuda,Masiixiyiinta iyo kuwa Majuusiyiinta oo dhamaan ah dhaqamo aanay qabin shareecada islaamka. Qaaliga Maxkamadda Xarakada Shabaabul Mujaahidii Sheykh Cabdul-xaq oo maanta saxafaadda Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in shirkadda Amal soo daabacday Buug ay ku dhanyihiin Acyaad Gaalada oo dhan 35 Ciidood iyo muuqaalo Been abuur ah oo ku salaysan qariiradda Somaliya. Buugga ay Amal soo daabacday waxaa laga dheehan karay ka been sheegid wadciga Somaliya iyadoona juquraafi ahaan lagu xusay in Xoogaga Islaamiyiinta ah meelo yar Somaliya ka maamulaam halka AMISOM iyo Qabuura Galeenkuna ay maamulaan inta badan Somaliya sida buugga ku xusan. Mas'uuliyiin katirsan Shirkadda Amal oo goob joog ka ahaa maxkamadd ayaa qirtay dembigaas waxayna ku doodeen in shirkad Hindiya laga leeyahay ay khiyaantay balse ay ku qanacsanyihiin wixii ay shareecada ka helaan. Shabaabul Mujaahidiin waxay ku xukuntay Amal in ay Daabacdo 7875 Kutub kuwaasi oo isugu jiro kutubo qur'aan iyo kuwa kale oo ah kuwa laga barto Cilmiga diiniga ah. Hoos ka akhri Bayaankii Maxkamadda ka soo baxay. Liiska kutubta iney daabacaan lagu xukumay & tiradooda:
  5. Cawke, Diary-ga Soomalida ayaa loogu talagalay!, haddana Ciidaha Muslimka kuma qorna, taas baa yaab leh!. Sawirada anshaxa ku xun maxay ahaayeen?
  6. ^Diary-ga amal bal soo hel oo noo soo scan-garee, waxa lagu heysto aan aragnee!
  7. loool@Zack and JB!, foorteembo beel, Maryan Mursal ma moodin ee Bashiir aan ogaa inuu Tolka buun-buuniyo!, oday hebel oo iskool maamule ka ahaa Boorame, Siyaasi hebel.. haddana Samatar, marka waxaan is iri tanna tolow ma tolkaa??, thats all
  8. ^^Sxb, inaad kaftameyso waan ogahay lakin micnahaanan fahmin, OK?
  9. ^lol, what made u think he's in Hounslow?
  10. Is it more shocking than Abdi Qaybdiid oo loo magacaabay Wasiirka Macdanta?, yaa Sabriye
  11. ^Waa iska khayr jecelyahay! sidaasuu Shariif u taageeray markii uu yimid, haddase runtuu arkay!, horena qaladaad sidaas oo kale ah waa jiraan, lakin: KULLU 'BNI AADAM KHADHAA'UUN....
  12. Maxkamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo dambiyo ku soo oogtay shirkada Xawaalada Amal Banki kuna qaaday xukuno ku aadan dambiyadaasi. Posted: 4/10/2010 3:03:00 PM Shabelle: MUQDISHO Maxkamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta dambiyo ku soo oogtay shirkada Xawaalada Amal Banki iyadoo ku qaaday xukuno ku aadan dambiyadaasi. Maxkamada Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa maanta qaaday dacwad ay ku soo oogtay Shirkada Xawaalada Amal Banki kadib markii ay ku eedeysay in qeybo ka mid ah goobaha ay gacanta ku hayaan Wilaayaadka Islaamiga ee xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay ku qeybiyeen Buugaag ay gudahooda ku qoranyihiin ilaa 4 qodob oo ay ku sheegeen in ay dhaawacayaan diinta Islaamka iyo damiirka qofka muslimka ah kuwaasi oo ay ka mid yihiin 1-Faafinta Ciidaha Kirishtanka oo ka kooban 35 Ciidood iyadoona aysan ku jirin labada ciidood ee Muslimka mid ka mid ah, 2 kala qeyb qaeybin lagu sameeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, 3 hal ku dhigyo ay ku magacaabeen xigmad ay leeyihiin Israel, 4 sawiro aan anshaxa u fiicneyn. Qaadiga guud ee Maxkamada xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab Sheekh Al qaadi Cabdil Xaq oo ka hadlay halkii ay ka dhaceysay Maxkamadeynta Shirkada Xawaalada Amal ayaa waxaa uu sheegay in markii ay Maxkamadu u yeertay Maamulka Shirkada islamarkaana ay wax ka weydiiyeen arimaha buugan, ay ku jawaabeen in buugaani ay daabacday Shirkada qaabilsan xayeysiinta buugaata oo laga leeyahay dalka Hindiya taasoo ay dalab u gudbiyeen iyagoona intaasi ku daray in bugaagta ay qeybiyeen iyagoo koontaroolin taasoo ay sheegeen in si qalad ah ay ku dhacday, waxaana uu sheegay qaadiga Maxkamada in Masuuliyiinta Shirkada ay ogolaadeen wixii xakun ah oo lagu soo rogo. Sheekh Cabdi Xaq, Qaadiga guud ee Maxkamada xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa sheegay in markii ay arkeen arimaha ku qoran buugaagtaasi ay ku xakumeen Shirkada Xawaalada Amal in ay daanbacdo 70,875 buug oo diini ah iyo inay gubaan inta laga hayo buugaagtii ay horay u soo saareen iyo in mar dambe dalka aysan keeni Karin waxyaabo nuucani oo kale ah. Goobtii ay ka dhaceysay Maxkamadeynta Shirkada Xawaalada Amal ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Shirkadaasi kuwaaso oo aan wax war ah sin saxaafadii ka soo qeyb gashay xukunkaasi.
  13. Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay ku dhaqaaqaan wax kasta oo ay isaga difaaci karaan Maleeshiyaadka Dowladda KMG ah iyo AMISOM oo Xasuuq ka wado magaalada. Abwaan Abshir Nuur faarax Bacadle gudoomiyaha golaha Abwaaniinta Islaamiga ayaa markii ugu horaysay ugu baaqay in ay kacdoon sameeyaan shacabka magaalada Muqdisho ee ka daalay xasuuqa AMISOM. Abshir Bacadle wuxuu si cad u taageeray xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo uu sheegay in ay yihiin Mujaahidiin utaagan sidii Somaliya loogu dhaqi lahaa shareecada Islaamka. Abwaanka oo waraysi kala gedisan siiyay saxaafadda Muqdisho ayaa shacabka ka raali geliyay Khaladkii ka dhacay xiligii ay magaalada Muqdisho soo caga dhigatay Dowladda kMG ah ee shariif Madaxda ka yahay. Wuxuu sheegay in xiligii lasoo doortay shariifka uu xarunta baarlamaanka tegay islamarkaana uusoo dhaweeyay go'aankoodii ahaa ku dhaqanka shareecada ayaan qaadanay ee baarlamanka balse arrinkaasi isku bedelay in ay shisheeye aan Muslim ahayn kaashadaan shacab badan ku lahaayeen AMISOM. "Muslim wax u sheeg waxna ka qaado ayaa layiri ee Markii aan baarlamanka u tegay waxaan iri Riddo ayaa laydinku sheegee ashahaata xataa anigaa Towxiidka uqabtay laakin hal xukun oo islaami ah ma fulin gaaladii ayay Muslimiinta ku laayeen anigu sanam meel iska taagan maahi waxbaan fahmay waana ka laabtay Fikirkaas"ayuu yiri Abshir Bacadle. Bacadle oo wax laga weydiiyay Fikirkiisa ku aadan shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul islaam ayaa ku jawaabay "been ilaahaa caayay shabaabul Mujaahidiin waa niman ay ka go'antahay ku dhaqanka shareecada islaamka xisbigana sidaas oo kale khaladaadna wuu ka dhici karaa laakin qolada KMG ah iyo Ahlusuna kuwa labaxay gaalada ayay u adeegaan"ayuu si cad u yiri Bacadle. Gudoomiyaha Golaha Abwaaniinta wuxuu ugu baaqay shacabka in ay Maal in yo nafba diinta ku difaacaan islamarkaana ay iska qabtaan AMISOM "Shacabku waa in ay Dibad baxyo dhigaan oo ay muujiyaan sida ay u diidanyihiin gumaadka gaalada AMISOM, Soomaali hadaan nahay AMISOM khasaara ayaan ku qabnaa mid caqiido, mid deegaan iyo mid dhaqaale waa in aan kuwaan iska qabanaa"ayuu hadlakiisa sii raaciyay Abwaan Abshir. Xoogaga Islaamiyiinta oo u dhabar adaygay Dacaayado iyo ceebayn ay ku mutaysteen dagaalada ay kula jiraan AMISOM,DKMG ah iyo Qabuura galeenka ayaa sanad kadib helay taageeradii ay ku lahaayeen shacabka taas oo muujinaysa in Fikirka Islaamiyiinta uu ahaa mid xaq ah kuwa diidanaa halgankoodana ay khaldanaayeen. Golihii Abwaaniinta oo kala tegay ayaa hadda dib boorka isaga jafay waxayna bilaabeen in ay baraarujiyaan shacabka Muqdisho, Abwaan Abshir Bacadle iyo taakow macalin Ciise ayaa maalmahan magaalada ka wado baraarujin dhanka shacabka ah.
  14. ^Kan waa Gaal aan Alle & Yawmul Qiyaama rumeysneyn, wuxuu raba inuu ku yiraahdo: 'XUMAAN oo dhan Ilaah baa ka dambeeya' Allaa nazahan!
  15. Jawaab kale ma heysid aan ahayn: Script, Keligi Muslim, Shabaabi, Ngonge & AT & T. Muflis baad tahay arradan
  16. ^Mac sonkor , yaa gaalada taageer ku yiri! Go Arsenal!
  17. ^Keep dancing to the xabashi's, it seems thats the only thing you inherited from your forefathers!
  18. Originally posted by NGONGE: P.S. Waan kaa shakiyaay, saaxib. Majrafada dhig, kano 'wali' maaha. Maxaad iga shakisay? inuusan 'wali' ahayn waan ogahay, lakin hadaadan wax u tari karin ugu yaraan adiga ha ku dambaabin, unless you think your cruelty makes him strong like a movie I watched long time ago called: Das vater
  19. ^I GOT ANGRY COZ OF UR CONSTANT JAHL AND FOOLISHNESS!. Waa Adiga qofka sheegta cilmi uusan lahayn! waa Adiga ninka isu heysta KNOW IT ALL! when discussing siyaasadda Somalia, waa Adiga kan marka kaliya ee wax hubsada ay tahay marka PL wax laga sheego qabyaaladiiste numero uno!, may be qixii 91ki ayaa wax kaa halleeyey! ama qurbaha ayaad weyninka asaasaq kula noqotay! wax kale maba noqon karto! otherwise: Suufiyada keligood muslim ma ahan? oo weligood maaheyn iyadoon Shabaab la aqoon?! oo ducaadda Tawxiidka faafisa ma leyn jirin?, hawl kale oon ahayn inaad Shabaab eryato ma lihid miyaa??, Atheists-ka Sol iska soo buuxiyey & Zanaadiqada cusub maad Diinta aad aqoonteeda ku faaneyso kaga difaacdid!, mise xiqdi & xaasidnimo ayaa ku haya?, mise sidaan horay u saadaaliyey, waddankii baad jago inaad TFG-da u qabato rabtay oo Shabaab kaa ciideeyeen!, sansaankaada meesha HOME kuugu dhow waa Eastleigh, ee walba meeshaas aad ee Tabliigh iska raac ama Kiswahili-gaaga brush-garee ama mayoo may ka dheh ee PL aad ee Soomaalida cadowga u dhiib!