Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. ^Akhi Al Cazeez, al cajalatu mina shaytaan!, qaladkooda waan sheegnay (threadkii shirkii Garawe) sida Karl sheegay xubbul dunyaa & tacassub xizbiyyah waa ku jiri karaa, niyaddooda iska dhaaf qaladka bis raddi, muhimadda sii al qawl iska illow al qaa'il, ogow in loo cudur daaro culimada markay safxah baydaa' leeyihiin, weligaa hortaada dhig qawlka al Imaam Al Qurashi Muxammad bin Idriis Al Shafici: ALAA YASTAQIIMU AN NAKUUNA IKHWAANAN WA'LLAM NATTAQIF FII MAS'ALAH bayaankan hoose haddaad akhrisay qalad ka soo saar [pay attention to bolded quotes]: Bayaan ku Aaddan Xasuuqii ka dhacay Masjidkii Bakaaraha By Somalimirror on 2 May, 2010 11:11 AM in Main, Wararka Shabakadda Warbaahinta ee Somalimirror, waxay idiin soo gudbinaysaa Bayaan ka soo baxay Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo ku aadan Xasuuqii Arxan darada ahaa ee ka dhacay Masjidka Bakaaraha. Bayaanka ayaa u dhignaa sida tan:- Bayaan ku aaddan Xasuuqii ka dhacay Masjidka Bakaaraha بسم الله الرحمن الرحيم الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وأصحابه 1. waxaan cambaaraynaynaa xasuuqii ka dhacay masjidka Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana caddaynaynaa inuu falkaasi ahaa dambi weyn oo loo gaystay shacabka Soomaaliyeed diintiisa, naftiisa, sumcaddiisa iyo deganaanshihiisa. Waxaa muujinaya weynaanta dambigaas foolxumada falka oo ahayd xasuuq, goobta uu ka dhacay oo ahayd beyt Ilaahay, xilliga lala eegtay oo ahaa waqtigii salaadda iyo cidda lala beegsaday oo ahayd dad cibaadada Ilaahay u yimid. 2. faldambiyeedkaan waa mid ku cusub dalka Soomaaliya, waxaana dhici karta inuu hordhac u yahay falal kale oo la mida ama ka sii xun; sidaa darteed waxaan ku baaqaynaa in laga digtoonaado, si wadajir ahna looga wada hortago. 3. waxaan u aragnaa in loolanka u dhexeeya soomaalida uu fursad u siinayo cadawgeeda inuu iyaga isu adeegsado, wuxuu doonana ka dhex fushado; sidaa darteed waxaan ugu yeeraynaa dhammaan dhinacyada is haya inay khilaafkooda u celiyaan kitaabka iyo sunnada nabiga (scw), siduu Alle inoo amray: (( فإن تنازعتم في شيء فردوه إلى الله والرسول إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الآخر))، (( وما اختلفتم فيه من شيء فحكمه إلى الله)). 4. waxaan u tacsiyeynaynaa eheladii iyo asxaabtii dadkii qaraxyadaas ku geeriyooday, iyagana waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu dambigooda dhaafo, jannadiisana ka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna uu sabir iyo caafimaad siiyo, kuwii falkaas foosha xun ka dambeeyeyna uu Rabbi ciqaab lagu waanaqaato oo deg deg ah u keeno. Culimada bayaanka soo saartay: 1. Sh. C/qaadir Nuur Faarax 2. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan 3. Sh. Daahir Aw Cabdi 4. Sh. C/naasir Xaaji Axmed 5. Sh. Xasan Xuseen Axmed 6. Sh. Axmed daahir Xasan 7. Sh. C/waaxid Xaashi Xasan 8. Sh. Max’ed Macallin Axmed 9. Ustaad C/qaadir Siciid Cali 10. Sh. Xasan Max’ed Ibraahim 11. Sh. Max’ud Xaaji Yuusuf 12. Sh. Axmed Siciid Max’ed (Farax) 13. Sh. Aadan Max’ed Cigaal 14. Sh. C/rashiid Sh. Saalax 15. Sh. C/nuur Xirsi 16. Sh. Mahad C/laahi Max’ed 17. Sh. Axmed faarax Garaase 18. Sh. Max’ed Axmed Faarax 19. Sh. Faarax Max’ed Cajab 20. Sh. Axmed Yuusuf Daad 21. Sh. C/raxman Aw Ciise 22. Sh. Axmed C/samad
  2. Originally posted by Haatu: I never said it was my cushtic brother Faa'iidada hakadka Gaarissa ma ku soo baranin miyaa?
  3. Karl, Shukran. Jacfar, Af Soomaaliga sow ma taqaanid?, la hadalkaaga damiinnimaaan ka qaadayaa ee i daa! (I'm serious). FYI, Sh. Fu'aad waxaan ku jeclahay geesinimada, tawaaduca & dacwada uu wado (ma ogtahay maanta isla masjidkii shalay lagu qarxiyey inuu ka istaagay oo kalmad ka jeediyey?), lakin wixii qaldan waa la sheegayaa!, as for Culimada PL, ra'yigeyga ku aaddan ka soo fiiri threadka Xiin, General Duke & kii magacyada badnaa! iney hadda Faroole la yaabaan his hospitality Maxamed Abshirna ku jihaadaan waa min cajaa'ib al dahr!
  4. Qarax ay dadi ku geeryoodeen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen oo Caawa Fiidkii ka dhcay Masjid ku yaala Magaalada Kismaayo. Posted: 5/2/2010 10:26:00 PM Shabelle: KISMAAYO. Qarax ay dadi ku geeryoodeen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen ayaa Caawa Fiidkii waxaa uu ka dhcay Masjid ku yaala Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose waxaa kadib Salaadii Cisho ee Caawa qarax xoogan uu ka dhacay Masjid ku yaala Xaafada Guulwade ee magaaladaasi. Qaraxani ayaa wararku waxa ay sheegayaan in uu ahaa Bamka gacanta lagu tuura, waxaana inta la ogyahay ku geerydooday 1-ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen dad lagu qiyaasay 7-kale kuwaasi oo ku sugnaa Masjidka uu qaraxaasi ka dhacay. Ma cada ilaa iyo iminka waxyaabaha rasmi ahaan ka dambeeyay qaraxaasi Salaadii Cisho ee Caawa kadib ka dhacay mid kamid ah Masjidyada ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose. Dhinaca kale Saraakiil katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo la hadlay Idaacada Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu jiro islamarkaana xiligii uu dhacayay aysan Masjidka ku sugneyn Saraakiil sar sar oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waxaana ay intaasi ku dareen in qaraxa lala eegtay dad Shacab ah oo isku diyaarinayay in ay tukadaan Salaada Cisho iyadoona ay sheegeen in halkaasi ay ka dhasheen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
  5. Jacfar, hadalkaaga iga deyso yarka. Akhi Kashafa, Fu'aad & Jamac C/salaam kama akhrisanaayo Culimada Ictisaam baa Murji'ah ah, waagii Culimadan kutubul Caqeedah 'caqiidatu Ahlisunnah wal jamaacah' akhrinayeen Fu'aad cunug yar buu ahaa!, Culimadan waxay diidanyihiin in laga talo boodo, oon lala tashan, xoogaa yasitaan ay Shabaabka yasayaan oo qar ka tuuri kartana waa ku jiraan sidaan is leeyahay, Sharaf & Maal-na dhib waa u keeni karaa (refer to xadiith-ka Tirmidhi ee Ibn Rajab sharxay: maa di'baani jaaicaan..) lakin principally Shabaabka waxba kuma diiddana aakhirkiina they'll come to their senses sida Abshir Bacadle oo kale. Ps. waan arkay qodobka 2aad ee bayaanka Sh. cali Warsame ku saxiixanyahay waana ka xumahay, kan Culimada PL maxaa qalad ah oo ku jira?
  6. Originally posted by ailamos: quote:Originally posted by Maaddeey: Isticdaad, then Jihaad There jihaad then there's jihaad... care to explain yaa Maaddeey? I mean THE Jihaad, the one Isticdaa 'preparing' is needed; By 1423 Murad II had repossessed western Anatolia. Turning his attention to Europe, he annexed Serbia in 1439 and besieged Hungarian-held Belgrade in 1440. Murad then grew weary of constant campaigning. After arranging peace with Hungary and Serbia in 1444 and with his most powerful enemy, the east central Anatolian emir of Karaman, he abdicated in favor of his 12-year-old son Muhammad II (reigned 1444-1446, 1451-1481). Reading this as a sign of Ottoman weakness, Europe unleashed a new crusade to oust the Ottomans. Murad came out of his retirement and roundly defeated the European army at Varna, Bulgaria, in late 1444. Murad retired again in favor of Muhammad, but returned in 1446 to put down a rebellion in Edirne. It was not until Murad’s death in 1451 that Muhammad II, later called Muhammad the Conqueror , returned to the throne. Each early Ottoman sultan launched his sultanate with a great ghazi victory. For Muhammad, it was the conquest of Constantinople in 1453. After bombarding the city walls with cannon fire for months, Muhammad and his troops succeeded in taking the city in less than a day and destroying the last of the Byzantine Empire. Muhammad made Constantinople the new Ottoman capital and created the imperial palace complex of Topkapı. He continued to expand the Ottoman Empire into Europe, securing most of the Balkan Peninsula, including Greece, Albania, Serbia, and Bosnia. Muhammad died in 1481 just as the Ottoman armies were preparing a full-scale invasion of Italy, which was then aborted. That is the ONE.
  7. Kashafa, Itaqqillaah yaa Rajul!, culimada faraha ka qaad, 2 bayaan ayay ka soo saareen, midna Ictisaam midna Culimada Garowe, Jihaad & Dacwa iyagaa billaabay, waa soo noqon doonaan IA.
  8. Originally posted by Jacaylbaro: You did not read it all in 3 minutes ,,,, Haddaad wada akhrisay, inta nuxurka le highlight saar.
  9. ^Post-igaygaa kore haddaad fahmi wayday, tanna bal fiiri: INAAN KUU JAWAABO UMA QALANTID, WAAYO WAXAA KAA BUUXA CANTARABAQASH, SHEEKOOYINKAAGA & MAAH-MAAHOOYINKAAGANA DULUC, KA JEEDDO & U JEEDDO TOONA MALEH!, TUSAALE YAR: WAXAAD MARKAAD WAX BAARTAY KUU SOO BAXAY INAAN TUUG AHAY, HADDANA WAXAAD KU XIJISAY INEY CADDAATAY TUUGNIMADEYDA, ISLA MARKAAS WELI SU'AAL AYAAD ISII WEYDIINEYSAA!. ORODOO DAD AAD ISKU D'IRTO RAADSO, KADIBNA ISKA DHIG INAAD WAX DHEX-DHEXAADINEYSID!
  10. Originally posted by Nassir: quote:Originally posted by Maaddeey: [qb] Mr.Somalia, Isbaarada Puntland hadaad sidan u difaacanaysid Meiji tiisa maxaad ka rabtaa? Lol@Maadeey, meel walba waxaad u heysataa sida Xamar oo kale. PL is a "refuge from anarchy".. Nassir, Isbaaro waa Isbaaro, weynin & yaraan ma leh, PL iney isbaaro weyn taallo inaad ogaatona uma baahnid inaad quote-gareysid maqaallo shisheeye, ujeedku waa Mr. Somalia wuxuu PL u difaacayaa the same reason uu Meiji Xamar u difaacayo. Hunguri, waxa aad thread-kan hadal dheer, mid gaaban, midaan micno badan lahayn soo qortay anigoo kelmad ku darsaday miyaad aragtay? aamusnaanteyda micno ha kuu sameyso intaad wax 'baartid'
  11. Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay Masjid ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha. Saturday, 01 May 2010 18:32 administrator Wareysi gaar ah oo uu sii yay Idaacadda islaamig ah ee Alfurqaan ayaa Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo kamid ah Mas’uuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab wuxuu ka warbixyay qaraxii maanta ka dhacay masjid ku yaala suuqa wayn ee bakaaraha kaasi oo galaaftay nolashada dad badan oo rayid ah. Sheekh Fu’aad wuxuu ugu horeyn Tacsi udiray guud ahaan Umadda soomaaliyeed ee Muslimka ah,isagoona sheegay in dadkii maanta ku dhintay gudaha Masjidka ku yaala suuqa bakaaraha ay yihiin dad shuhado ah maadaama ay ahaayeen dad muslimiin ah oo ku dhex cibaadaysanayay Beytka Alle. Sheekh Fu’aad Maxamed khalaf wuxuu sidoo kale sheegay in uu isaga uu bad qabo islamarkaana dhaawac fudud uu kasoo gaaray qaraxyadii maanta ka dhacay gudaha suuqa wayn bakaaraha,waxaana Mas’uuliyadda qaraxyadaasi uu dusha kaga tuuray Shirkadda ku caan baxay qarxinta goobaha cibaadada Muslimiinta ee Balack water. “ Arinta maanta dhacday waxay ahayd arin Cadaawad ah oo Xiqid iyo Xasid ah waxaana Arintaas ka dambeeyay dadka Muslimiinta ahna u sheegaynaa Usbuucii la soo dhaafay waxaa soo dagay meesha la yiraaho Xalane iyo meesha la yiraaho CIA-da Mukhaabaraadka Mareykanka Nimanka loo yaqaano FBI-da taasi oo soomaaliya u timid in dadka muslimiinta ah ay masaajidda ku laayaan”. Ugu dambayn Sheekh Fu’aad Maxamed khalaf wuxuu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed inay u diyaar garoobaan dagaal jihaad ah oo lagu galo Xarunta Xalane oo uu sheegay inay degen yihiin Saraakiil iyo Ciidamo gaar ah oo Mareykan kuwaasi oo qorshaynaya in dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ka fuliyaan qaraxyo lamid ah kuwa ka dhaca dalalka Ciraaq iyo Afganistan ee lala beegsado Masaajidda ay leeyihiin dadka Muslimiinta. Wareysigan gaarka ah ee Idaacadda Alfurqaan ay la yeelatay Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf waxaad ku dhagaysan doontaan Barnaamijka dhuuxa waraysiyada ee Idaacadda Alfurqaan.
  12. ^'M-Society' maxaa laga wadaa!, dib dambe ayaan wax fahmaaye? Muqdisho Sociaty miyaa, mayabee?
  13. lool@Karl! Somali & illowsho! 2006 dorraad leey ahayd Mr.Somalia, Isbaarada Puntland hadaad sidan u difaacanaysid Meiji tiisa maxaad ka rabtaa?
  14. CABDIWELI….TIIR ADAG OO DACWAD MINNEAPOLISA KA TEGEY! By Somalimirror on 1 May, 2010 2:30 PM in Maqaallo W/q. Muxammad Idris Axmed Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. Wuxuu Qaatay Ilaahay Isagaa leh. Wuxuu bixiyana Isagaa Leh, Wax walbaana Qadar ayey leeyihiin. Ilaahay Walaalkeen Cabdiweli Maxamed Yusuf Ha u Naxariisto, Janaatul Firdoos haka waraabiyo, eheladiisiina samir allaha ka siiyo. Warka Naxdinta lihi wuxuu igu soo duulay anigoo safara oo Nairobi Maraya, Kelmadanna waxaan qorayaa Markaan hadda soo gaarey Copenhagen, anoo hadda la ii sheegay in si wanaagsan loo aasay, Khalqi Ilaahayna isugu yimi, waana sidii Ahlu Sunnaha Janaazadooda lagu yiqiin, heer uu yiraahdo nin meesha joogey: Waxaa mar igu soo dhacday inaan jeclaysto inaan ahaado ninka Janaazadan lagu wado. Cabdiweli Maxamed Yusuf wuxuu ahaa intaan ka aqaaney nin aad u qiima badan, dacwadana ilaa yaraantiisi kusoo jirey, ama ku ababay, markii lasoo qaxay ee Maraykan la yimina Cabdiweli Minneapolis ayuu usha dhigay, wuxuuna ka mid ahaa dadkii dacwada gobolkaas dhidibada u aasay. Maalintii iigu horreysey ee Minneapolis aan dacwa u imi, 1997, iyadoon Soomaalidu weli markas lahayn aan ka ahayn, Daarul Faaruuq, oo la wadaagey, Cabdi weli gurigiisa ayaan ku soo degey. Kadibna Cabdiweli wuxuu kaalin weyn ka qaatay sidii Maraakis dacwadu leedahay looga heli lahaa magaalooyinka mataanaha Minn/St.Paul. Wuuxuna qayb weyn ka ahaa muddo dheer maamulka Markaz Abubaker, iyo halgankii loo soo galay, iyo Masjid Shaafici. Wuxuu ahaa nin dacwada har iyo habeen u diyaar ah. Sifooyinka ugu weyn Cabdiweli Allaha u Naxariistee waxaa ka mid ahayd tawaaduc aanu cidna iska weynayn, iyo dacwada oo naf iyo maal iyo waqtiba loo huro. Cabdiweli wuxuu ahaa nin lagu hagaagi karo maalinta ay ciirsi beelka tahay, nin hawlkarnimo meel dhigtay oo shaqada aad u dhiibto aad uga seexan karto, wuxuu ahaa Allaha u naxariistee, nin ku fiican dulqaad badan oo culays kasta oo lasoo gudboonaada aan u debcin, ama kala badan. Hawlaha Xajka iyo hoggaaminta dadku waa hawl weyn oo qof walbaa aanu ka bixi karin. Diyaarinta guryaha, diyaaradaha, xujeyda hagidooda, safaradooda Makka iyo Madiina, la dhaqanka xafiisyada xajka sucuudiga oo aad u hawl badan, dulqaad badanna u baahan, waxaan 10kii sano ee u dambeeyey arkayey Cabdiweli inuu si hawl karnima leh hawshaas uga soo baxayey, waxaan ogaa soo jeedka iyo maalmaha xiriirsan ee cabdiweli usoo jeedi jirey sidii xujeydu xajkooda u gudan lahaayeen. Waxaan xusuustaa inuu cabdi weli fadhin jirey mararka qaarkood xafiisyada wasaaradda iyo mudawifiinta in ka badan 8 saacadood oo xiriir ah, si uu u fuliyo hawla xujeydu leeyihiin, ama uu soo jeedo 24 saacadood oo xiriir ah. Wuxuu ahaa ninka lagu aadiyo hawsha ugu adag. Wuxuuna u gudan jirey si deggan oo aad mooddo in ilaahay birta u jilciyey. Sifooyinka Cabdiweli lahaa ee aan la heli karin in yar mooyee, waxaa ka mid ahayd qalbi xaadhnaan, aanu qof muslima wax u qaadin. Nebigeenna calayhi salaatu wasalaam waxaa ka sugan in la weydiiyey dadka yaa ugu fiican? Wuxuu ku jawaabay: (Qofka Qalbiga Makhmuumka ah leh, Carabkiisuna runta sheego. Waxaa lagu yiri, garanay midka carabkiisu runta sheego, ee makhmuumu qalbi waa maxay? Wuxuu yiri: Waa Midka aanu ku jirin: Xadgudub, Necayb, uurkuqaad, iyo Xasad). Cabdiweli waxaad arki jirtey in xaaji cadhaysani u yimaado oo af labadii caayo ama maago ama ku qayliyo, lama arki jirin cabdiweli oo hadalkiisu kor u dhaafayo inta qofku u baahanyahay. Si fudud oo deggan ayuu hadalkiisa u gudan jirey, xad gudubkana ma jeclayn. Wuxuu Cabdiweli dacwada u huri jirey waqtigiisa, gurigiisana waa u furi jirey. Waxaan xusuustaa inaan bishii Nov. 1999, aniga ducaad ilaa 10 ah oo ila socotey aanu nimi magaalada Minneapolis, anagoo u soconna ururinta lacagtii Masjid Assunnah and Dawa Center ee magaalada Atlanta. Cabdiweli – Allaha u naxariistee – xaaskiisi iyo caruurtiisi oo dhan gurigii wuu ka bixiyey, wuxuuna gurigiisa oo dhan u gogley oo u furay kor iyo hoos martidii ducaadda ahayd, halkaas ayaanuna deganayn saddexdii cisho ee aanu joogney magaalada. Cabdi weli wuxuu dacwada u ahaa sida awrka hayinka ah ee reerku ku guuro oo ku hinjiyo wax kasta oo culus. Waxaa Cabdi weli iigu dambaysey Xajkii hadda lasoo dhaafay oo aanu wada xajiney, carafa iyo Muszdalifana isla soo marnay, sidii caadada ahayd sanadihii u dambeeyey, habeenkii uu makka kasoo baxayey isagoo xujeyda hoggaaminaya ayaana iigu dambaysey, inaan taleefan kuwada hadalno maahine. Cabdiweli Allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin uurka iyo afkaba nadiif ka ah, sidaas ayaanu u haysaney Ilaahay ayaana xisaabinaya. Waxaan filayaa Dacwada Islaamka ee Maraykan guud ahaan, gaar ahaanna Dacwada Minneapolis, tiir adag ayaa maanta ka jabay, geerida Cabdiweli, Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu isagana u naxariisto, ubadkiisi iyo reerkiisiina ajar iyo abaal fiican u dhaafiyo, Annagana wax ka khayr badan noogu bedelo, Ilaahayna waxaan ka baryeynaa inaanu ajarkiisana naga qadin, gadaashiisna na fitnayn. Amin
  15. Dhuusamareeb oo kacsan By Somalimirror on 1 May, 2010 9:29 AM in Main, Wararka Xaalad Kacsanaan ah ayaa Xalay illaa saaka laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobollka Gal-gaduud, ka dib markii ay Dadka Deegaanku Cabsi ka muujiyeen Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda inta u dhaxeysa Ceel-buur iyo Dhuusamareeb. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Dadka Deegaanka ay Xalay 12:00 Saq dhexe Bilaabeen inay isaga Barakacaan Degmada Dhuusamareeb, waxayna u badanyihiin Dadkaasi Dumar iyo Caruur. Saaka ayaa la arkayay Dad isaga Barakacaya Guryahooda, waxaana Magaalada ku soo haray Dad yar oo u badan Rag. Wariye ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay Kooxda Sheegata Ahlu Sunah ay soo galiyeen Magaalada Ciidamo cusub oo ka badan kuwii horey u sii joogay. Dagaal dhex mara Islaamiyiinta iyo Kooxda Sheegata Ahlu Sunah ayaa laga cabsi qabaa inuu ka dhaco Maalmaha inagu soo aadan Degmooyinka ay Gacanta ku hayaan Kooxdaasi. Ma jiro Wax ciidan ah oo hadda isku horfadhiya Degmada Dhuusamareeb, laakiin wararka la helayo ayaa sheegayaa inay Dhaq-dhaqaaqyo xoogani ka socdaan inta u dhaxeysa Ceel-buur iyo Dhuusamereeb. Ciidamo ka wada tirsan Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin iyo Al-Xisbul Islaami ayaa Maalimihii la soo dhaafay ku sii qul-qulayay Goobaha ay ku xooganyihiin Kooxda Sheegata Ahlu Sunah wal-jamaaca, waxaana la filayaa inuu dhex maro Dagaal culus oo labada dhinac ay isugu Itaal sheegtaan. Kooxda Sheegata Ahlu Sunah waxaa Taageero Maaliyadeed, Hub, iyo Mid siyaasadeedba siiya Dowlada Itoobiya oo iyadu Faragalinta ugu badan Soomaaliya ku haysa.
  16. Xiisado colaadeed ayaa saaka laga soo sheegayaa magaalada Dh/mareeb xarunta gobalka G/gaduud oo ay maalmihii la soo dhaafay ku soo dhawaanayeen cutubyo ka tirsan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee G/gaduud ka dagaalama. Weriye Xasan Kaafi Xalane oo ku sugan magaalada Guriceel ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyey in Boqolaal qoys ay saaka ka baxsanayaan magaalada Dh/mareeb ka dib markii ay soo bexeen warar sheegaya in magaalada weerar lagu soo yahay. Gaadiidka xamuulka iyo gaari dameero ayaa saaka bilaabay in ay shacabka rayidka ah ka daabulaan magaalada, waxaana sidoo kale saaka albaabada loo laabay Iskuuladii waxbarashada magaalada ka jiray iyo goobaha ganacsiga waxaana lawada sugayaa isbedel dhaqso ah oo magaalada ka dhaca. Xariiro kala gedisan oo ay SomaliMeMo lasamaysay taliska Milateriga Al Shabaab ee Gobalka G/gaduud ayay noo suura geli weysay in aan wax ka ogaano xiisadaha saaka ka taagan magaalada Dh/mareeb oo ah meesha kaliya oo ay weli ku xooganyihiin maleeshiyaadka Qabuura galeenka ah. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan beelaha G/gaduud oo dhawaan ka gadooday falalka ay wadaan qabuuriyiintu ay ka soo kicitimeen deegaanka Gadoon islamarkaana ay soo dul degeen Dhuusamareeb. Lama oga in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay weerari doonaan magaalada Dh/mareeb xilli colaad xoogan maalmihii la soo dhaafay laga dareemayey magaalada Gurcieel oo ay Shabaabul Mujaahidiin dul degeen.
  17. Cutubyo katirsan Ciidamada Xisbul Islaam ayaa Goordhaw gaaray degmada Cadaado gobalka G/gaduud bartamaha dalka Somaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo ciidan. War goordhaw nasoo gaaray ayaa xaqiijinaya in Ciidamo katirsan Ururka Xisbul Islaam oo ku hubaysan gaadiid dagaal ay ka gudbeen degmada Cadaado iyagoona gaaaray deegaanka Baxda oo Xarardheere ku dhaw. Mid kamida Oday dhaqameedyada magaalada Cadaado ayaa Goordhaw SomaliMemo u xaqiijiyay in Cadaado ay gaareen saraakiil iyo ciidamo Xisbul Islaam balse ay ka gudbeen magaalada. Saraakiisha Ciidanka Xisbul ayaa shacabka Cadaado u sheegay in aysan duulaan ku ahayn magaaladooda islamarkaan ay shareecada Islaamka ku dhaqi doonaan Cadaado ilaa iyo Xarardheere. Ciidankan maanta cadaado iyo Baxdo gaaray ayaa ku hubaysan ku dhawaad 20 gaadiidka dagaalka ah iyo gaadiid xamuul Rasaas sida waxayna ciidankan ku wajahanyihiin magaalada Xarardheere gobalka Mudug. Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Ciidamadan Xisbul Islaam katirsan ay kasoo amba bexeen degmada Ceelbuur, lama oga sababta ay Xisbul Islaam u aadeen deegaano aanay cadaw joogin xilli Dhuusamareeb iyo Guriceel ay weli ku suganyihiin dad cadaw ah.
  18. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo maanta ruxay masaajid ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha, kaasoo sababay qasaarihii ugu badnaa oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dadkii Masaajidka ku cibaadeysanayay. Sida ay sheegayaan wararka qaraxa oo ahaa kuwo is xig xigay ayaa lala damacsanaa saraakiil ka tirsan Shabaab oo Masaajidka ku sugnaa, iyadoo qaraxana uu qasaaraha ugu culus ka soo gaaray dad rayid ah. In ka badan 20-ruux ayaa ku dhimatay, halka dad ku dhow konatameeyo ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa kuwo gil gilay masaajidka, iyadoo kala cararay uu ku yimid dadkii masaajidka. Dadka ku waxyeeloobay qaraxyada oo la kala garan waayay, ayaa lagu daabulay gawaarida ambalaaska loo yaqaano, waxaana jira dad cad cad noqday, kuwaasoo qudhooda la garan waayay. Saraakiisha Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa sheegaya in dhaawacyada ay qaadeen ahaayeen dad aad u liitay, oo si xun ugu dhaawacmay qaraxyada oo ahaa miino masaajidka gudihiisa la dhigay. Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay qaraxaas mas'uuliyadeeda, hase ahaatee waxaa soo baxaya tuhuno kala duwan oo durba muujinayay cida lala damacsanaa, waxaana wararku sheegayaan in dhaawac culus uu soo gaaray Fu'aad Shongole. Qasaaraha qaraxyada ayaa ah mid wali isa soo taraya, maadaama goobta uu ka dhacay ay aheyd mid aad u mashquul aheyd oo dad badana ay isu diyaarinayeen in ay oogaan salaada. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
  19. Shabelle: MUQDISHO Qaraxyo geeystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac farabadan ayaa maanta saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab waxaa lagula eegtay Masjid kuyaal gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Qaraxyadaani oo ahaa Miinooyin la dhigay gudaha Masjid kuyaala Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cabdule Shideeye ayaa waxaa ay qarxeen kadib salaadii duhur xiligaasi oo Masjidka uu ka istaagay Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf oo ka tirsan saraakiisha Xarakaada Mujaahidiinta Al Shabaab. Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in Qaraxa koowaad uu dhacay Markii salaada laga baxay halka kii labaadna uu isna qarxay kadib markii dadkii ku sugnaa Masjidka ay isku dayeen in ay ka cararaan qaraxa koowaad taasoo keentay in halkaasi ay ku nafwaayaamn dad farabadan halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen. Markii ay qaraxyadu dhaceen kadib ayaa waxaa goobta gaaray in ka badan 15 gaari oo nuuca Ambalaasta ah kuwaasi oo soo daabulayay dhaawaca dadkii qaraxyada ku waxyeeloobay halka meydadkiina in mudo ah ay ku xareesnaayeen gudaha Masjidka. Dhimashada iyo dhaawaca ayaan tiradooda si rasmi ah loo heyn hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashado ay gaarayso ku dhawaad 40 ruux halka dhaawacuna uu intaasi ka badanyahay. Masjidka uu qaraxu ka dhacay oo ahaa labo dabaq ayaa inta badan dadka waxyeeloobay waxaa ay u badanyihin kuwii ku sugnaa dabaqada hoose ee masjidka halkaasi oo ah goobta qaraxyadu ay ka dhaceen. Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Daqiiqado kadib markii qaraxyadaasi ay dhaceen wareysi gooni ah soonayay Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in qaraxii maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha uu ahaa waxyaabo ay horay uga digeen taasoo lagu waxyeeleynayo dadka muslimiinta ah, isagoo sheegay in shirkado shisheeye oo ay horay uga digeen maanta ay qaraxyadaasi ka dambeeyeen. Goobta uu qaraxu ka dhacaya ayaa waxaa durbadiiba soo gaaray ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabab kuwaasi oo isku gadaamay agagaarka Masjidka ay qaraxyadu ka dhaceen. Cali Muuse oo ka mid ah Saraakiisha Gaadiidka Gurmadka deg deg ah oo Shabelle ay la xariirtay ayaa waxaa uu sheegay in aan la qiyaasi karin qasaaraha qaraxyadaasi ka dhashay hase ahaatee waxa uu carabka ku dhiftay in goobta lagu baaba'ay. Dhaawacyada ku waxyeeloobay qaraxyadaasi ayaa waxaa la geeyay isbitaalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo dhaawacyadu ay buux dhaafiyeen waxaana adag in isbitaalo kala la geeyo dhaawacyada maadaama ay xirantahay wadadii isku xireysay Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
  20. Qaraxyo waaweyn ayaa Goordhaw ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho kuwaasi oo lala eegtay goobo lagu cibaadaysto oo ay ku sugnaayeen Dad Muslimiin ah. Qaraxa weyn oo khasaara badan dhaliyay ayaa ka dhacay Suuqa Cabdalla Shisdeey gudaha Suuqa Bakaaraha waxaana xiligii qaraxu dhacayay Masjid uu Kitaab ku akhrinayay Sheykh Fu'aad Mux'med Khalaf oo kamid ah saraakiisha Shabaabul Mujaahidiin. Saraakiil katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa SomaliMemo u xaqiijiyay in qaraxaasi dad Muslimiin Rayid ah ku dhamaadeen islamarkaana uu Bad baaday Sheykh Fu'aad Mux'med Khalaf. Sheykh Fu'aad wuxuu Dhawaac Khafiif ah kasoo gaaray gacanta Midig waxaase jira Arday Badan oo ku Shahiiday Qaraxa lala eegtay Masjida Cabdalle shideeye, qaraxan oo ay soo agaasimeen Shirkadda Black water ayaan la ogayn cidda fulintiisa gaysatay. Isku daygan lagu doonayay in lagu joojiyo Dacwada Islaamiga ah ee ka socoto Masaajidyada magaalada Muqdisho ayaa qayb ka ah digniin uu horay u bixiyay Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheykh Cali Dheere oo kal hore sheegay in Muqdisho ay ka howlgashay shirkadda Black Water oo dalalka Afghanistan iyo Ciraaq ka fulisay qaraxyo dad badn ku dhinteen oo ka dhacayay Masaajidyada iyo suuqyada si sumcadda Mujaahidiinta loo bah dilo. Halkaan ka dhageyso Sheekh cali Dheere oo Faahfaahin ka bixiyey Qaraxii ay ku Shahiideen dad Muslimiin ah
  21. إن الضلالة حق الضلالة أن تعرف ما كنت تنكر وأن تنكر ما كنت تعرف
  22. Waa tahaye waadaad fara jeleec ayaa lagu yaqaanaaye orodoo koonfurta Sooamaliya tag walee in indhaha laguu furi. Itoobiya nin xabad dhab ah ku rida waxaa u danbeeyay wadaad, onlf waxay duurka isla daba wareegeen malayshiyaad soomaali ah oo waliba maydkooda soo sawira, waxaa kale oo ay ku fiican yahiin inay maamul dagmo oo fara maran inta jidka u galaan laayaan sida kii Dhanaan. Xero ciidan oo magala wayn ku taala lana weeraro waxaa u danbaysay Itixaad, Jaajuus gurigiisa lagu dilo waxaa u danbeeyay Itixaad, Axmaar duhur cad maqaaxi lagu dhex dilo waxaa u danbeeyay Itixaad. Isdhiibid waxaa lagu yaqaan ONLF oo maalin walba nin golaheeda dhexe ku jirayi jigjiga tagayaa kadibna lasoo galiyaa Cakaaranews isagoo ka sheekeenaya siro badan oo onlf lahayd. Tan aad tiri wadaadadu naagahay ku ag wareegaan waxaan filayaa hadaan nin tahay inaad naag ka caaganayn, ninkii ka caagan dumarna bal farta ha taago aan aragnee, marka dumar jacaylku raganimo iyo xiniiyo ayuu daliil u yahay. , Ferguson, tut, tut, tut.