Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. DKMG & Ahlu Sunnah oo kala dhaqaajiyey. By Somalimirror on 5 May, 2010 10:34 PM in Main, Wararka Gudoomiyaha guud ee kooxda sheegatada Ahlsu Sunnah Waljameeca ee Suufiyada, Macalin Maxamuud Sh Xasan oo Saxaafada la Hadley maanta ayaa sheegay inuu fashilmey heshiiskii u dhaxeeyay iyaga iyo DKMG. Eeda fashilka ku yimid heshiiskan oo ka dhacey Dalka Itoobiya ayuu dusha ka saarey madaxda sare ee DKMG, waxa uuna sheegay iney Dowladu dhankeeda u soo wakiilatey fulinta heshiiskan xubno aan daacad ka aheyn. Xubnaha DKMG soo wakiilatey ayuu ku tilmaamey qabqablayaal daneystayaala hagar daaminayeyna hirgelinta heshiiskan, labada dhinacna ka baxsan. Waxa uu sidoo kale sheegay madaxda sare ee DKMG iney la socod siiyeen xubnaha uu eedeynayo balse aan waxba laga qaban, sidaa daraadeed uu ogeysiinayo beesha caalamka inuu heshiiskii dhanka Dowlada ka fashilmey. Ujeedka heshiiskan laga lahaa ayuu sheegay DKMG iney wadadiisii ka weecisay oo marin habaabisey, ujeedka ay ka leedaheyna uu yahey mid dhinacooda lagu kala dirayo oo lagu bur-burinayo laguna khiyaaney. Waxa uu beeniyay khilaaf dhankooda soo kala dhex galey, balse hadalkiisu waxa uu imaanayaa maalmo yar ka dib markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacey heshiis lagu saxiiyey dhameynta wajigii labaad ee fulinta heshiiskii horey ugu soo dhex marey labada dhinac Dalka Itoobiya. Ma jiro hadal dhanka DKMG ka soo baxey oo ku aadan hadalka adag ee ka soo yeeray dhinacii kale ee heshiisku kala dhaxeeyay, waxa uuna imaanaya khilaafkan cusub ee ka dhex aloosmey labada dhinac, xilli la hadal hayo inaanu Sh Shariif dan weyn ka laheyn kooxdan iyo wax la qeybsigeeda. ---------------------------------------------------------------------------------------------------- ------------------------------------------- Madaxweyne Sheekh Shariif oo wareegto ugu magacaabay Masuul ka tirsan Ahlu Sunna Taliye ku xigeenka Ciidamada Qalabka sida ee dowladda KMG. Posted: 5/6/2010 4:33:00 PM Shabelle: MUQDISHO Madaxweynaha dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wareegto ugu magacaabay Masuul ka tirsan Ahlu Sunna Taliye ku xigeenka Ciidamada Qalabka sida ee dowladda KMG. Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta saxaafada la hadlay isagoo ay garbihisa fadhiyaan saraakiisha ciidamada xooga Soomaaliyeed ayaa waxaa halkaasi lagu magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed iyadoona loo magacaabay C/kariin Yuusuf Aadan Dhega Badan. Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in Magacaabista taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay qeyb ka tahay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca. Waxaa halkaasi lagu dhaariyay taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee maanta la magacaabay C/kariin Yuusuf Aadan Dhega Badan iyadoona uu halkaasi ku dhaariyay Wasiiro dowlaha wasaarada gaashaandhiga dowladda KMG Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde. Kadib markii xilkaasi loo dhaariyay taliye ku xigeenka cusub ee Ciidamada Militariga ayaa Makaroofanka lagu wareejiyay isagoona halkaasi ka balan qaaday in uu xilkiisa u gudan doono xi ay ku jirto daacadnimo iyo Alla ka cabsi, isagoona saraakiishii ciidamada ee halkaasi fadhiyay ka codsaday in ay la shaqeeyaan. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dib ugu laabtay Makarafoonka ayaa waxaa uu erayo u badnaa guubaabo u soo jeediyay taliye ku xigeenka cusub iyo dhamaan saraakiisha ciidamada Militariga ee halkaasi fadhiyay. Sheekh Shariif Sheekh axmed Madaxeynaha dowlada KMG ayaa ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in dhawaan la magacaabi doono Agaasimayaal ay yeelanayaan naafada Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay dhibaatooyinkii ka dhacay dalka Soomaaliya. Inkastoo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu maanta sheegay in magacaabistaani ay qeybka tahay heshiiskii ay wada gaareen Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda KMG ayaa hadana gudoomiyaha guud ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Max’uud Macalin Xasan oo isagoo ku su gan gobolka Galgaduud Saxaafada la hadlayay waxaa uu shaaca ka qaaday in guud ahaan uu fashil ku dhamaaday heshiiskii lagu waday inay gaaraan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna iyo dowladda KMG.
  2. ^Tuug dheh ma sirtii aan PM-ka ugu sheegay buu faafiyey! muxuu 10 dhaarood maray!
  3. Acuudu Billaah, Jacfar, ma qudbasiraad ku dhalatay?, war walba masaafo dheh!.
  4. Catholic Priests, Historians & dad kale oon ANIGU ka mid ahayba waa deny-gareeyeen Holocaust!
  5. ^ wixii war meesha ku qornaa, ma Amin baa kaala fiicnaaday!, oo hadda mar hadduu Amin soo sawiray waa bes miyaa?, aan sugno his next caricature of PL!.
  6. Shaykhul Qabeelah suu u joogay maanta Mutcah baa bannaan miyuu keenay!, Subxaanah.
  7. ^Dadka looga baqo in lagu talax-tago, la weyneeyo baa la faagaa!, adi laa b walaa t, ama sidey carabtu tiraah: lasta fil ciir wala fi nafiir.
  8. Originally posted by Cawaale: ]Jowhar aniga maa ku daabacay qoraalkaan Waxaan fuul xumo gaamurtay ah in aad had iyo goor xiin ku tiraa, caddaalad fal, oo ha igu tacadinin, adna aad dad maqan(Dr.Xaawo) iyo dad joogaba(Aniga) ku been abuuratid! Adigaa ku daabacay miyaan ku iri, heh?. Markaad kan soo guurisay, sow midka dambe kuma oollin meesha? ka jawaab! waqtigana fiiri, ha fududaan, qabdah qawiyyah baa ku heysa maanta!, pick & choose!. Muuse Suudi & Sh. Xassan Dahir baad isku mid ka dhigeysaa, markaas baad cid qabiil ku sheegeysaa, is duug waryaa!.
  9. ^^Adi camal oo PL markii wax laga sheego soo genmaayo maad i muddaa, laqame? Ps. Maxaa ku dhacay ur signature? Showqi, waa runtaa sxb lakin dooddu meejaa ma ahan. Xaggeed ka dhacday maalmahan waan ku tebaye?
  10. Juxa, filfilq yuusan ku gaarin. Cawaale, beentaada markey ii caddaatay kadib, baa wax igu dhasheen aasaan Jowhar booqday, guess what I found?, here you go: Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta la wareegay Isbitaalka Xaawa Cabdi ee ku yaala deegaanada loo barakacay, kadib markii weerar ay ku qaadeen Ciidamadooda, isla markaana ilaalo ku sugneyd iska caabisay. Sida ay wararka sheegayaan la wareegitaanka Isbitaalkaas ayaa ka dambeysay markii Ciidamada Xisbul Islaam saaka iska hor imaad ka dhacay halkaas looga dilay Taliyihii Ciidamada Ammaanka ee Lafoole oo lagu magacaabi jiray C/waaxid Xuseen. Wararka ayaa intaa ku daray in bukaanadii Isbitaalka ku sugneyd ay kala carareen, isla markaana haatan isbitaalku uu noqday goob ciidan, iyadoo qaar ka mid ah shaqaalihii Isbitaalkaas la xiray. Weerar saaka Xisbul Islaam ku qaadeen Isbitaalkaas oo ay waardiyeynayeen ragg ilaalo ah ayaa is rasaaseyn dhex martay waxaa ku dhintay Taliyihii Ciidamada Amaanka deegaanka Lafoole, taasoo keentay in Xisbul Islaam ka careysiiso. Ma jirto ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay ururka Xisbul Islaam oo ku aadan is rasaaseynta uu ku geeriyooday Sarkaal ka tirsan, sidoo kale la wareegitaankooda Isbitaalkaas ayaanay ka hadlin. Isbitaalka Xaawa Cabdi ayaa ah isbitaal adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah u fuliyay dadka dan yarta ah ee ku barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana uu la tacaalaa caafimaadka caruurta iyo haweenka. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com Mahad on May 05 2010 15:38:35 ·(Ogow, markuu Cawaale posted the prev. Jowhar piece, kan wuu ku qornaa Jowhar, famaadaa naquul , lisaaxib Al fadeelah?)
  11. ^Adi lee iska bax, anigu beentaada ayaan afuufayaa!. Ps. Hiiraan warka ku yaal maxaad ka tiri?. Lol@ equating Sudi & Aweys!. mariid aa tahay, Allah yashfeek.
  12. ^Vocabulary aanan isticmaali jirin ha igu qasbin! 'I can, you know'. Warka Jowhar aad ka soo xigatay (haddaad sidaad sheeganeyso tahay nin wax og, waad ogaan lahayd jowhar.com wuxuu yahay) saasooy tahay, haddana I beleive there's a reason aad u dooratay Jowhar instead of Hiiraan.com ood -ironically- aad ka soo guurisay maqaalkii Xawo Cabdi 2008!, waa kan kii Hiiraan ee adiga indhaha madaxa lee fur (Inahhaa laa tacmala Absaa...): Arbaco, May 05, 2010 (HOL) - Madaxa Dacwada ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed oo shir jaraa'id ku qaabtay Isbitaalka Xaawo Cabdi kaddib markii ay maanta kula wareegeen dagaal dhexmaray iyaga iyo Ilaalada Isbitaalkaas ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Isbitaalka xalaadduna ay daggan tahay. Sheekh Maxamed ayaa sheegay in dagaalku uu ka bilowday mid ka mid ah Ilaalada Isbitaalka Xaawo Cabdi oo diiday inuu yimaado maxkamad horteeda kaddib markii ay soo dacweydteen dad ku lahaa lacag gaaraysa 800-Dollar. "Taliyaha saldhigga Xaawo Cabdi ee Xisbul Islaam ayaa goobta tagay, waxaa dhacday israsaaseyn sababtay in taliyaha la dilo, waxaan xiligaas kadidb ilaalada Isbitaalka ku wargelinay inay isdhiibaan lagana hadlo wixii dhacay, basle way diideen waxaana bilowday dagaal" ayuu yiri Sheekh Maxamed. Wuxuu sarkaalkan sheegay in dagaalkaas uu sababay dhaawacyo gaaray qaar ka mid ah ilaalada Isbitaalka ayna iyagu la wareegeen gacan ku haynta guud ee Isbitaalka haatanna ay xaaladdu tahay mid daggan. "Drs. Xaawo Cabdi innaga ayaa gacanta ku hayna, mana jirto wax dhibaato ah oo loo geystay, waxayna ku sugan tahay goob ammaan ah" ayuu yiri Sheekh Maxamed oo sheegay in ciidamadooda ay xabsiga dhigeen ilaaladii ay la dagaalameen. Goobjoogeyaal ka madaxbanaan Maamulka Ururka Xisbul Islaam oo ku sugan deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaalka uu ku dhintay hal qof ayna ku dhaawacmeen toddoba qof oo kale oo u badan rayid. Dhanka kale, Dr. Xaawo Cabdi Dhibaalwe oo la hadashay saxaafadda intii uusan bilaaban dagaalkii lagu qabsaday Isbitalkeeda ayaa ka codsatay Guddoomiyaha Ururka Sheekh Xasan Daahir Aweys inuu ka dul-qaado ciidamada, haddii kale la siiyo iyada iyo Maatideeda jid ay ka baxaan. Mas'uulka u hadlay Xisbul Islaam ayaa beeniyay inay jiraan warar sheegayay inay halkaas ciidamadoodu kala baxeen gaadiid kala duwan oo yaallay Isbitaalka iyo qalab, wuxuuna sheegay in hadalladaas ay been yihiin oo aan waxba laga qaadan. Isbitaalka ayaa qayb ka mid ah waxaa maamusha Hay'adda MSF waxaana ku jiray markii uu dagaalku bilaabanayay bukaanno isugu jira haween iyo caruur caafimaad ahaan u jiifay Isbitaalka, kuwaasoo qaarkood laga bixiyay markii Isbitaalka ay la wareegeen Xisbul Islaam. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online Marka Xaaji, adigii miyaa weli soo guryamaya!. Ayoub, refer to Norf's thread few days ago, u'll get the joke. . Lily, thanks for educating me, lakin hadduu adi kuu saarnaan lahaa kuma weydiiyeen, there's a reason I asked NinBrown. haddaad research gaaban sameyn lahaydna waad ogaan lahayd waxan ka hadlayo, sowse ma wacnayn inaad evidence keento illeyn waa: 'ur word against mine'!. Juxa, thanks for understanding me!, Allah yarxam wife #2, now u know where i'm coming from, will I get ur help for the loss?. Xiin, Khubth-gaagu ma wuxuu gaaray inaad taas ila sinto?.
  13. ^ , geesinimada baadanba aqoon, gacanta uu jil-jilaayo xooggeeda sow maad arag?, waxa Khalqi oo 'Allahu Akbar' ku haya oo ku hareereysan sow maad aragtid?. 'Forget public place, forget....' ka warran hee, malahaagii sow muu beenoobin?.
  14. Inta dambe looma baahneyn soow maaha?, anyway thanks.
  15. ^Inta dambe waa i hareer martaye, maadaa wax qaba? Edit: Juxa, i'll never be at war with some one reciting Quran on the Tube. JB, you came up with that by yourself, wooooooow
  16. Juxa, Abooto qalqal in la geliyo ma rabo, lakin sida waxa ku dheceen leen iftiimiyoowhaayaa, waxayna u dhacday si ka duwan sida uu sxbkey Cawaale rabo noo tuso, waa ogahay in service loo baahanyahay ay heyso, lakin naxariis maleh, (ma khuseyso dhacdadan, xaqna kama dhigeyso in la afduubto) ma fahantay waxa aan ka wado 'Cali Xasan'(1), hadduu Cawaale garan waayey ma u maleynaayi inaa kaseysid. ps: i admit the whole article wuu idhinac maray, as soon aan arkay islaanti bey afduubeen dhiiga ikaray. waaxid machiatto forte intaad ku dhufatid, adoo deggan 'ka soo qaad inaan murmin )tartiib u akhri waxa dhan. _________________________________ (1)Isbitaal lafaha oo ku yiil Warshadda Baastada agteeda (Ex-Control Balcad), waxa la sheegaa in dhaawacii oo saalada saaran lagu gor-gortami jiray lacagta, qaar badanna saas u dhinteen!
  17. lol@ faatadhugta dhaaf!. Aaway Avvocato-nimadaadii, maba ka hadlin qafaalasho (sax & qalad)nimadeeda, ee waxa meesha i soo geliyey, sida uu Cawaale sheekada u paint gareeyey, ma muujiyey sababta dhabta ah?, NINKA la dilay?. **waxay igu dhalineysaa inaan soo guuriyo NEWS-ka waxay ka sheegeen (Politic section, of course)** NinBrown, service otherwise unavailable aa?? yaa dhahay saas? qalad kasta ey gashay wey ka fiicantahay waxa afduubay. judgment-iga waa ku deg-degtay, ma is tiri eebboow?. Ps. Calaamadda Kirishtaanka xaad ku dooratay?
  18. ^Bararaq! 'I hate inaan kaa xanaajiyo' Sababta maaha iney wax charge-gareyso, ee waa Mas'uulkii Ammaanka ey dileen duf ku baxooyinka!. FYI, Xizbiga waaye, mise waa: 'same same but different'? Juxa, seriously, maxaad ka caawin kartaa?: XASAN DAHIR maa kala hadlee?, dhibaato kale ma jirtee?, mise mar haddey Islaamiyiinta isku taagtay wa geesiyad in lacag lagu abaal-mariyo waaye?
  19. Originally posted by Fu-Fu: Maadeey,adiga meel walba goob joog aad katahay ..meeqo qof aa tahayna? Fu-Fu, meel walbo goob joog aan ka ahay goormaan ku dhahay?, waxow dhabar-xanuunka kuugu dhacaad qabtaa, Awliyada aa been ka sheegee!. :mad:
  20. ^Adigoo kale waxaan dhihi jirnay: KUTTUBBO XOOR
  21. Originally posted by Cawaale: quote: Originally posted by Jacaylbaro: Maadeey, in this issue adigu muctamad ma tihi dee ,, markaa warkaagu ama waa daciif ama waa mawduuc ... U sheeg sxb, shahaadadaadu waa madcuunah yaa waladi! lool, JB inuu Masjidka Sh. Cali Suufi joogi jiraan u malayn!. Cawaale, ha kaa saarto hee, waa kugu daba jiraa!
  22. ^war Isbitaalka Xawa Cabdi waa 'Cali Xasan'-ka Dumarka!, lacag-la'aan dadka laguma daweeyo, waa mid ganacsi maxdi ah!. Cawaale, wixii aan goob-joog u ahaa haddaan 'qof kale ha weydiin' iraah maxaa ku jaban?.
  23. Cawaaloow, salaanta waan kaa qaaday. 'iyadoo gacanta ii laabantahay '. Relationka hadaad garaneyn, inaad waxan soo qortaba maaheyn!, Ninkii dacwada loo heystay ayaa Taliyihii dilay, kadib-na Dagaal bey ilaaladii kala hortageen, 'sax-sax mina Nawm, yaa Beeh'. Tan aan sheegaayo sxb, anaa u soo joogay 'LAA TAS'AL GHAYRII' Marka ma waxaad i leedahay intaas oo sano Dr. Xaawo dhiigya cab ayay aheed indhaheeda sidii Cali dheere uma guduudanin? Meelo kale iney ka gaduudatay maxaa ka ogtahay?
  24. Haddii Xizbiga & Shabaab qori wax ku dilaan, Xaawo Cabdi Isbitaalkeeda ayey masaakiinkta dhiigga uga miirataa!, Islaan kasta oo xanuun mindhicir & waxaas sheegataba: 'MINKAA KU WAREEGAY ee $$$ soo daadi' baa u jawaab ah. Dhacdada shalay & HOL's 'Person of the Year' maxaa isu keenay?, Shariif-ba 'Person of the Year' sow maaheyn? . Laakiin Cawaaloow, sow kulama aha inaad highlight-gareeyso qodobkan: Waxaana intaasi u ku daray taliye (Madaxa Dacwada oo Taliye loogu yeeraayo ) Maxamed Cumar in ninkaasi markii u muujiyay amar diido ku aadaneyd in uu Hortago Maxkamada islamiga ee deeganka Lafoole in uu kula dhaqaaqay fal dil ah taliyahahii ciidamada Deeganka lafoole .. U fiirso yaaah, waxaan ka hadleynaa Taliyihii dhamaa ee Deegaanka Lafoole!!