Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. wadaad maahi, goormaan wadaad isku sheegay, beenta jooji waryaa, waxaad igu heysato waan aqaannaa, Alle ha ku caafiyo.
  2. About Us Strategic News from the World's Most Difficult Areas Compass Direct News is a news service dedicated to providing exclusive news, penetrating reports, moving interviews and insightful analyses of situations and events facing Christians persecuted for their faith.
  3. ^Eesh Fa'ida in lala sawiro FM (Adviser), wax qabad baa la rabaa!, aqoonsi ma la soo hadal qaaday?
  4. Maaddeey

    UN HIV Map

    ^You are right dear, this is how it works,-in South Somalia at least-; Don't do it or u'll be stoned to death or be Karbaash'd. True, they only think with their anatomical parts.
  5. Gaalba Gaalkuu ka Gaalsanyahay yaa la kulmay contest miyaa socda?
  6. ^Meesha aan dadka ku caayey sow halkan maaha?, keen caayda!, halkanaan ciyaalasuuqnimadaada laga yaabanyahaye PM aa!, aqoon baase iigu kaa laaban. Talo: wixii aad PM-ka iigala kulantid ka dhigo ur signature!.
  7. Maaddeey

    Ayaan Daro

    ^Good advice, lakin haddii Sh. Ibrahim sidan noqday maxaad ka filani ONLF?. Ps. Dadka meeshaan jooga, hadal wanaagsan waa ku canaanyoodaan!, adaa iiga marag ah!.
  8. ^Adiga kuuma shaqeeyo, you know!, sidaadana uma fekero, but when you asked me, I told you what i knew!, maxaad kalood rabtaa?, weligeey waan maqli jiray: carab waa jazaar 'not butcher'.
  9. Ragga u malabsanaya Khutba-sirada, easy, hadday OK idinla tahay u oggolaada; 'Gabdhihiinna, Walaalhihiin, Hooyooyinkiin' , haddii kale waxaad gabadhaada la rabin gabdhaha dadow ha la jeclaan, simple as that!.
  10. Waxaan sheegay ma fahantay horta, Carrab gajji!?
  11. ^Waad waalatay, pay me if you want me to tell you every thing as u were there!, Universal TV waxba kama sheegin miyaa?. Waryaa fulaynimada iska dhaaf, if i never argued and posted what i posted you would't know what you know now, Cawaale kas buu uag tegay maqaalka aan soo post-gareeyey, waayo wuxuu soo qaatay mid kale, sidoo kale kan Hiiraan wuu ka tegay while he posted an article about the Dr. from it. Dad ceelasha biyaha deggan oon warsaday waxay ii sheegen more or less waxa hiiraan ku qoran een soo post-gareeyey. Sababta loola wareegay Isbitaalka waxay iigu sheegeen, in security-ga Isbitaalku dagaal la galeen ciidamada Amaanka, sidaas darteed kuwii horena loo xiray kuwo cusubna aan loo oggoleyn, maadaama aan security-ga Isbitaalka la aamini karinna Xizbiga ayaa ammaanka sugaya!. NGONGE, how would you deal with it if you were taliyaha ciidanka?.
  12. Cawaale, You & I know qofka isdaba qabashada u baahan!, You told me inaad suufiyaasha & Qabri yuurarka aad ka soo horjeeddo (well, not in here), hadda weli laguma arag adigoo hal post (ama nus) inaad ka soo horjeeddo sheegaya!, markii Al Ustaad Karl ku weydiiyey if u r Sufi-na!, 'Ma ihi' waad dhihi kari weyday!, Munaafiqnimo waaye sow lama dhihi karo!. Teeda kale, Nin rag ah baad 'Naag' leedahay, markaasaad qof 'ISDABA QABO' ku leedahay. Xusuuso ur comment about Dajjaal!. Ps. As for Qudbosiro not being Mutcah, I say: Haatuu burhaanakum.., labadaba waxa loo sameeyaa commitment ka carar & is qarsi. Mutcah: Waqti Mucayyan ah baan ku heysanayaa. Qudbosir: Haddii nala ogaado waa furantahay. Mutcah: (buuxi) Qudbosiro: (buuxi)
  13. ^Sida loogu baahanyahay Caafimaadka ayaa loogu baahanyahay nabadda & kala dambeynta!, service-kaas dawlad lahayd waxa dad is xilqaamay ku qabtaan free unlike Xawa Cabdi!, marka ma waxaad leedihiin: Ninkii nidaamka & amarka diiday, ee haddana dilay Taliyihiin Ammaanka & ciddii ka dambeysayba ha la iska daayo ha falaqsadeene!, Qawm Waashay!. do you have anything against Masjidka Sheikh Cali Suufi? Qofba meel bay kaga dhegtay!, that was compliment and JB knows it, ee relax, have a Dhaanto! Thought: May be Hawa Abdi wants Obama to visit her Hospital as did George Bush in X'mas 1992
  14. ^Hehe@Siduu u hadlo! and not siduu u hadlay?. Beentaada & Barabagaankaaga inaan ka daba tago miyaa dembigeyga?. Adiga, sida muuqata waxa aad ka warqabto (Somalia) waa Muuse Suudi & Kaaraan Bari, iyagana kuguma heysto. Ps. what if I say: eregga 'Cajab' naagahaa iska leh, coz markii u horreysay waxaan ka maqlay Naag, weli Orommo ah? Psst!. Caqli xumadaada, intaad soo oroddaad dhihi doontaa, waa Carabi, Quraanka xataa waa ku jirtaa!
  15. Dulli kugu dhacyee wuxu doqonsanaa!!, ma Arooska la Iclaamiyo ee Masjidka Abubakar Siddiq ka dhaca oo Waalid, Walaal, Marqaati & Culimaba joogaan (haba ahaado mid 2aad ama 3aad) baad qudbo siro u taqaan!, Hooqay hooqay!, Is this what nuune talking abt?, or Hiiraan reported! Sheemo miyey dhihi jirtay KK. , marse haddii Waalidka la ogeysiiyey oo Asxaabtuna ogtahay, maxaa Authority nooga gidhiisha, mise waa Umaraa' oo in loo sheegaa Shardi ah?. Waa liiska Hadlaa maas Afka u furanyahay?
  16. C & H, Adiga qayladaadaaba ku dhega tireysa!. David Irving-na?. Yuhuudda yaa u tirakoobay in 6m la exterminate gareeyey?. Jews & Nazis waa 2 Gaal, maxaan ugu kalla hiilliyaa?, mise Holocaust inuu Muslim fuliyaad mooddaa?
  17. ^Reer Garissa Kiswahili fiican kuma hadlaan, isagoo waxaad arki lahayd ka qayb gelaya BOB's thread: 'only Kiswahili Speakers', sow ma maqlin Mas'uulkii reer Garissa ee Moi soo dhoweynaayey ee yiri: 'Welcome, The late President Moi' wax la mida.
  18. ^War been kaama sheegine, si kalaan wax u fahmay!, ma wuxuu ku yiri: 'Maaddeey baa sidaa ku lahaa'?
  19. Guddoomiyaha guud ee Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo ku dhawaaqay in uu bur buray hishiiskii dhaxmaray iyaga iyo Dowladda Soomaaliya. Khamiis, 6, May, 2010 (HOL) Guddoomiyaha guud ee Maamulka Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Max'uud Shiikh Xassan oo meel fagaarro ah kala hadllay dad weyne isugu soo baxay Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarrunta u ah Goballka Galgaduud ayaa si cad ugu dhawaaqay in uu bur buray hishiiskii dhaxmaray Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dowladda Soomaaliya. Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca in Dowladda Soomaaliya leedahay sababta ugu weyn ee fashilka ku dhacay hishiiskii dhawaan ku dhaxmaray labada dhinac Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo shaaca ka qaaday in ay meesha soo gashay gacan Sadaxaad oo ah ayuu yiri hogaamiyo kooxeedyo aan wax shaqo ah ku laheyn Ahlu Sunna Waljameeca oo la wareegay majaraha hishiiskii dhaxmaray Dowladda iyo Ahlu Sunna. ''Waxaan wada hadda hadalnay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo in badan oo ka mid ah Golaha Wasiirrada oo xitaa uu ku jirro R/iisal Wasaarraha aniga oo ka dalbanaya in meesha laga saarro kooxaha la doonayo in la huwiyo magaca Ahlu Sunna Waljameeca laakiin nasiib darro dhag nooma aysan dhigin ayuu yiri Macalin Max'uud Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljameeca. Sidoo kale Guddoomiyuhu waxaa uu eedeyn kulul u soo jeediyay Wasiirrka Wasaarrada Maaliyada ahna Ku-xigeenka R/iisal Wasaarraha Xukuumada Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh Aadan oo si qaldan u tarjumay ayuu yiri wax yaabihii aynu ku wada hadalnay kulankii Addis Aabab maadaama ay jirreen ayuu yiri qodobo muhiim ah oo si gaar ah aynu uga wada hadalnay ka hor inta aan hishiiska la saxiixin. ''Marnaba ma qaadan doono in kooxo aan wax shaqo ah ku laheyn Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca iyo hishiiskii Addis Ababa ay soo fariistaan Miiska gor gortanka ayuu yiri Macalin Max'uud oo intaa ku darray in uu amar ku siiyay Xubnaha ka jooga Ahlu Sunna Waljameeca Magaalada Muqdisho in ay dib ugu soo laabtaan Goballka Galgaduud. Mar wax laga weediiyay haddii ay jirro fursad banaan si loo bad badiyo hishiiskii dhaxmaray iyaga iyo Dowladda Soomaaliya waxaa uu sheegay in mar walba Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca diyaar u yihiin wax kasta oo wanaag lagu hellayo, laakiin waxaa uu si buuxda u sheegay in hishiiskii hore uu meesha ka baxay. Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin Mas'uuliyiinta sar sare ee Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ka soo jooga Magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Max'ed Yuusuf Xeefow oo dhawaan kulan ay la qaateen R/iisal Wasaaraha Soomaaliya ka sheegeen in ay isku afgarteen iyaga iyo Dowladda in la sii dhameystirro qodobada ka dhiman hishiiskii ku dhaxmaray labada garab Magaalada Addis Ababa.
  20. ^^Culimada Salafiyada kuba barin miyyaa: Innal kadiba yahdii ilal fujuur?
  21. Xisbul Islaam oo Deeq Lacageed gaarsiiyey Isbitaalka Dayniile. By Somalimirror on 6 May, 2010 7:33 PM in Main, Wararka Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir ayaa deeq Lacageed oo gaareysa 34 Malyan oo Shilin Soomaali ah gaarsiiyey Dhaawacyada iyo Bukaanka ku jira Isbitaalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho. Deeqdan Lacageed oo uu Gacantiisa ku Qeybinayey Macalin Xaashi Gudoomiyaha Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir ayaa lagaarsiiyey Bukaano gaaraya 105 Qof oo ahaa Dhamaan intii ku jirtay Isbitaalka kuwaas oo isugu jiray Caruur, Haween Waayeel iyo Rag intaba. Qofwalba oo Dadkaas kamida waxa la siiyey 300,000 Sh Som waxaana intaa u dheeraa Liin bambeelo ka koobneed hal Hoomey waxaana Liinta ku Deeqay Ganacsato Soomaaliyeed sida ay Sheegeen Saraakiisha Xisbul Islaam. Dadka Bukaanka ah ee Deeqdan lagaarsiiyey ayaa isugu jiray kuwa ku soo dhaawacmay Qaraxyadii Waxyeelada Badan geystay ee ka dhacay Masjidka Cabdala Shadeeye ee Bakaaraha iyo kuwo ku soo dhaawamay Duqeymaha iyo Dagaalada joogtada ka noqday Magaalada Muqdisho sidoo kale waxaanan ka marneyn Bukaanada Caadiga ah ee Xanuunada kale qaba. Dhibaatada ugu weyn waxay ka muuqatay Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii lagu Xasuuqay Jamaacadii Masjidka Bakaaraha waxaana kamid ahaa Dadkii Isbitaalka yiil kuwa gubtay iyo kuwa Lugaha iyo Gacmahaba ka go’ay.. Dadkii Deeqda la siiyey ayaa ugu mahadceliyey Xisbiga gargaarka ay u fidiyeen waxayna Walaalaha kale ee Soomaalida iyo Muslimiintaba ka Codsadeen inay Gargaar la soo gaaraan Dadka Dhibaateysan. Macalin Xaashi oo Qeybinta Deeqda kadib Saxaafada lahadlay ayaa umahad Celiyey Maamulka Isbitaalka iyo ganacsatadii Liinta ku deeqday wuxuuna Sheegay inay siiwadi doonaan waxtarka Bulshada dhibaateysan wuxuuna sidoo kale Xaashi u mahad Celiyey Gudigii dhawaan isu taagay Taakuleynta Dadka ku dhibaatoobay Qaraxyadii ka dhacay Masjidka Bakaaraha. Macalin Xaashi ayaa Carabaabay inay u aari doonaan Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii gilgilay Masjidka. Ugu Dambeyntii Macalin Xaashi ayaa soo hadal qaaday War dhawaan ka soo baxay Afhayeenka Ciidamad AMISOM ee Magaalada Muqdisho Bahuko oo ahaa inay ka warheleen qaraxyo ladamacsan yahay in lagu bartilmaameedsado Goobaha Dadku ku badan yahay, Macali Xaashi ayaa hadalkaa kaga jawaabay in AMISOM iyo Mareykanku ka dambeeyeen qaraxyadii hore kuwa ay ka digayaana ay iyagu soo diyaariyeen doonayaana inay Dadkale ku waxyeeleeyaan.