Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. ^^Haa, wuu Xanuunsanyaa!, dhibaatada Dalka & Dadka ayuu la xanuunsanayaa, Diinta ayuu la xanuunsanyaa!, 'wohooooo, long weekend..' & calooshi la ciyaar maaha!.
  2. Ayoub, waxba ma fahantid!, qofka qoladuu rabuu taageeri karaa, lagic-na isku si looma yaqaanno!, meeqaa Udub ahaan jirtoo Kulmiye u wareegsatay!, waayo?. Urur waa Urur!. Sxb, adigaa is burrinaya!, mar waxaad rabtaa farqiga u dhexeeya, haddana waxaad sheegeysaa in farqi u dhexeeyoo, waxaad leedahay Che & inta la midkaa iney Xizbiga taageeraan bay ahayd!.
  3. Waa Pilot uu maqlay! wuxuu na arkay kuwo Bus wada oo lacagtaa barkeeda qaraabo u soo dira!, Adba garo!
  4. Ngonge, Fulay! Ayoub, you ask the obvious and expect an answer!, wax waalan baad tahay, teeda kale; intaan arko ama akhriyo waad kartaaye, maxaad aniga wax ii weydiineysaa! Shabaab & Xisbiga waa isku hadaf, lakin waddada ayay wax yar ku kala duwanyihiin, mana xasuusto mar aad i weydiisay su'aashaa!, warkaaga kale meel ka soo qaad maleh!
  5. Al Siraac bayna Al Xaqqi wa al Baatil, wuu soconayaa, markii hore Ahl Al Baatil-ka baa is heystay, haddase Ahl Al Xaqq baa soo galay markaa baa Ahlul Baatilkii dhinac noqdeen!
  6. ^Yaad la hadleysaa, Ma Sheikh Xasan?, Alla Internet-ku wanaagsanaa!. Markuu Gedo ka dagaallamayey, Xukun miyuu rabay?. Markuu Pl ka dagaallamay ee Buuraha Saliid Muraabit-ka ku ahaana ma Xukm buu rabay?, Sorry, Caydiid buu wakiil u ahaa, sax?
  7. ^Su'aasha maaha sunta, ee waa inta aan bold ka dhigay!, si kastaba, i'm cool.
  8. which oday?, weedha JB soo qaatay waxa yiri ragga Web-ka qoray!
  9. Originally posted by dambarsame: Maaddeey, Adigu Alshabaab iyo xisbul Islaam kee la jirtaa. due to hidden factors Xisbul-islaam malahayga Waadigii fiicnaaye, ma suntii baa kugu soo duxday? non ti arrabiate con me!
  10. Ahlusunna Waljameeca oo sheegtay in uusan jirin Heshiis ay la galeen Dowladda KMG ee Soomaaliya.- 10 May 2010 waxaa la daabacay Mon 10 May 2010 08: 55: 49 Muqdisho: Sheekh C/Qaadir Soomow oo ka mid ah xubnaha sarsare ee ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka digay in culimada Soomaaliyeed qeyb qeyb laga dhigo, si loo geliyo tafaraaruq iyo inay kala tagaan, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay mid ka mid ah wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya, sida Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Jeneraal Gabre oo uu ku sheegay inay u soo tafa xeyteen sidii ay u kala qeyb qeybin lahaayeen culimadda Ahlusunna Waljamaaca, waxaana uu ugu baaqay guud ahaan culimadda Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan arimahaasi. “Aniga ma ogi meel ay ku dagalameen Culimadda Ahlusunna Waljamaaca iyo dowladda KMG Soomaaliya, mana jirto wax heshiis ah oo aan la galayno dowladda KMG” ayuu yiri Sheekh C/qaadir Soomow oo sheegay inay ka fiirsanaayaan heshiiskii ay ku wada saxiixeen magaalada Addis Ababba ee dalka Itoobiya dowladda iyo Ahlusunna Waljamaaca. Sidoo kale Sheekh C/qaadir Soomow waxa uu sheegay in heshiiskii Adis Ababba uu yahay baadil cad, isla markaasna uusan ahayn heshiis ee uu yahay sida uu yiri dib isugu dirid culimada Ahlusunna, wuxuuna sheegay mar kale inay heshiiskaasi ka fiirsanaayaan. E_Mail: webmaster@shacabka.net
  11. Mas'uuliyiinta ugu sareysa Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah ayaa kulan aan loo kala kicin ku leh Magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka G/gaduud, iyadoo saacadihii u dambeeyay laga dareemay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed. Wafdigii Ahlu Sunah ka qeyb galay wada hadaladii Muqdisho ayaa Mas'uuliyiinta ugu sareysa uga warbixinaya wada hadaladii taaba galay, oo xubnaha Wafdiga ku sheegeen inuu gaba gaboobay wajigii labaad ee wada hadalada. Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlu Sunah Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa Hogaanka Ahlu Sunah ka dhaadhicinaya hadafka guud ee uu leeyahay heshiiskaas, kadib markii Gudoomiyaha guud ee Ahlu Sunah Macalin Maxamuud uu ku dhawaaqay inuu bur buray wada hadalkii Dowladda. Inkastoo aan wali wax war ah laga soo saarin natiijooyinka ka soo baxay kulamada, hadana warar ku dhow dhow Mas'uuliyiinta Ahlu Sunah ayaa sheegaya in ay jirto cadaadis Beesha caalamka ku saareyso Ahlu Sunah in aanay heshiiskaas bur burin. Mas'uuliyiinta Ahlu Sunah ayaa ku kala aragti duwan xubanaha ay u kala doonayaan in Wasiir ugu matalo Dowladda KMG, waxaana ay kala wataan shaqsiyaad gaar ah. Liis la sheegay inuu gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlu Sunah ayaa waxaa ka hor yimid Gudoomiyaha Guud ee Ahlu Sunah Macalin Maxamuud oo si cad u diiday shaqsiyaad uu sheegay in magaca Ahlu Sunah xil ku qaadan karin. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
  12. SHEEKH XASAN DAAHIR: "Dagaalka aan kula jirno Dowladda Soomaaliya ma ahan mid fidno ah, mana ahan dagaalkeennu mid xukun doon ah" Isniin, May 10, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo shalay Muxaadaro ku qabtay Masaajidka Abuu-Hureyra ee Suuqa Bakaaraha ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal kasoo baxay Culummadii ku shiray Magaalada Garoowe kuwaasoo ku saabsanaa in dagaalka ka socda Soomaaliya uusan ahayn Jihaad. Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dagaalka ka socda Soomaaliya uu yahay jihaad, wuxuuna sheegay in hadalka kasoo baxay culummada Al-Ictisaam ee ku shiray Garoowe uu yahay mid aan la qaadan karin oo aan diinta ku saleysnayn. "Culummadu waxay fatwadii ay soo saareen ku sheegeen in dagaalka looga horjeedo Dowladda Sheekh Shariif uu fidno yahay, balse inagu dagaalka aan kula jirno waxaan u aragnaa mid Jihaad ah" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir. Hoggaamiyaha Xisbul Islaam wuxuu sheegay in dagaalkooda uusan ahayn mid ay ku doonayaan xukun, balse uu yahay mid ay ku doonayaan in diinta Alle lagu xukumo dalka, sidaa daraadeedna aanay rumeysnayn in dagaalkoodu yahay Fidno. "Waxa la isku haysto ma ahan dagaalka looga horjeedo AMISOM, ee waan kan laguna jiro dowladda Soomaaliya, waxaana dagaal fidno ah lagu tilmaami karaa kuwii Jabhadaha Soomaaliya dhexmaray ee xukun-doonka ahaa iyo kuwa qabiilka ee meelaha qaar ka dhaca" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys. Sidoo kale guddoomiyaha Xisbul Islaam wuxuu weerar afka ah ku qaaday culumadii ku shiray Garoowe oo u badan Xarrakada Al-Ictisaam oo ka jira dalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay ka leexdeen jidka toosan ee Jihaadka. Intii ay socotay Muxaadaradii Sheekh Xasan Daahir uu ka jeediyay Masaajidka Abuu-Hureysa waxaa ammaanka si aad ah u adkeynayay Ciidamada Ururkiisa, iyadoo ay israsaaseyn ka dhacay Masjidka agtiisa uu ku dhintay qof rayid ah. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  13. Sheykh Xasan Daahir Aweys "Al ictisaam Khaladkooda cilmi la'aan ma ahan way ogyihiin wax walba fulaynimo iyo aduunyo jacayl ayaa ugaynaysa Wax dan ah kama lahan Jihaad". Monday, 10 May 2010 11:18 administrator Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheykh Xasan Daahir Aweys ayaa Eedayn kulul u jeediyay Ururka Al Ictisaam oo ay ku bahoobay Wadaado horay uga tirsanaa Ururka Al Itixaad Al islaami ee markii dambe isku dhiibay cadawga. Sheykh Xasan Daahir Aweys oo Kalimaad ka jeediyay Nadwad shalay ka dhacday Masjidka Abaa Hureyra magaalada Muqdisho ayaa kashifay sir uqarsooneed kooxdaasi oo ahayd in ay isku dayeen in ay kala diraan Kooxaha Islaamiyiinta ee Jihaadka ka wada Somaliya. Wuxuu sheegay Al Ictisaam ay isaga u sheegeen in xiligan uusan wax Jihaad ladhaho caalamka ka socan loona baahanyahay in Nidaamyada ay Reer Galbeedku soo dhiseen laraaco oo aan xabad wax lagu xalin taas bedelkeena wadaadadu Dacwadooda gutaan. "Nimankaas wadaadada ah si cad ayay iigu sheegeen in Dacwo wax aan ahayn aanay caalamka ka soca karin oo aan la joogin xilli Jihaad lagalo, waxay dheheen Jihaad Cilmigiisa in labarto ayaa waqti dheer qaadanaysa ee Hubka iska dhiga oo aan Dacwada sare u qaadno si aan cadawgeena u yarayno"ayuu yiri Sheykh Xasan. Sheykh Xasan Daahir Wuxuu Al Ictisaam ku Eedeeyay ilaa iyo 10-qodob oo uu sheegay in ay ku dulmiyeen Islaamiyiinta Somaliya ka wado dagaalada Jihaadka ah dhamaan qodobadaasina ay Burinayaan Caqiidada qofka Muslimka ah ugu yaraana dhaawac ugaysanayaan. "Alictisaam Khaladkooda cilmi la'aan ma ahan way ogyihiin wax walba fulaynimo iyo aduunyo jacayl ayaa ugaynaysa,tusaale waxay dheheen dhinacyada Somaliya ku dagaalamaya dagaalkoodu waa Fitno warkaas war islaam ma ahan waa War Jaahil, ma AMISOM iyo qolooyinka Cumalada ah ayay Mujaahidiintu Muslimiin layihiin" Sheykh Aweys. Qodobada ay Ictisaam ugu gefeen Islaamiyiinta ee uu Sheykh Xasan sheegay waxaa kami ah *In ay ugu yeeraan Kursi doon islamarkaana ay Islaamiyiinta ka dhigeen dad dagaal doon ah u jeedkooduna yahay sidii ay Kursiga uqaban lahaayeen taas oo ah been "Anagu Kursi doon manihin si hadii loo fiirsho waa sax laakin waxaan u sacyinaynaa dhismaha dowlad Islaami ah taasna ma ahan jaga doono, Ictisaamka Kursi doon nagu eedaynaya ayay waajib ku tahay in ay Dowlad islaami ah raadiyaan, Rasuulka iyo asaxaabta inmise sano ayaa laciqaabayay iyagoo raadinaya dowlad Islaami ah anagu maanta awood ayaan leenahay aan Dowlad Islaami ah ku raadi karno" sheykh Aweys. Xasan Daahir oo ka caraysnaa Fatwooyinkii Ictisaam kasoo saareen Garowe ayaa ugu baaqay shacabka Muslimiinta ah in aysan qolooyinkaasi ku jiha wareerin "Wadaadnimadu ma ahan in aad maalmaha ciidda Khamiis iyo Cimaamad soo qaadato oo aad Musalayaadka takbiirta ka qaadid waa in aad diinta alle dhiigaaga udaadisaa oo aad gaalada la Jihaadaa". Sheykh jaamac C/salaan oo isna xubin ka aha Ictisaam ayaa sheegay in Kooxdaasi ay Murji'o tahay islamarkaana aan laqaada karin Fatwooyinkooda faasidka ah , si kastba ha ahaatee wadaadada Ictisaam ayaa diidmo adag kala kulmay Kooxaha ka Jihaada Somaliya ee Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo isku Mowqif ka noqday
  14. Isniin, May 10, 2010 (HOL) − Qarax miino oo lagula beegsaday Dugsigii sare ee 21-ka Oktoobar baabuur dagaal oo ay wateen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay hal askari iyadoo ay ku dhaawacmeen 9-qof oo kale. Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa ku jiray afar askari oo ka tirsan askartii gaariga la socday, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay 5-qof oo rayid ah oo ay ku jirtay gabar aad u da'yar. Goobjoogto ku sugnayd halka uu qaraxu ka dhacay ayaa u sheegtay HOL in Qaraxa uu ahaa mid xooggan oo burbur gaarsiiyay gaariga, iyadoo ciidamadu ay galeen guryaha ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay dhowr qofna jir dil u geystay. "Baabuurka la qarxiyay wuxuu ka yimid Dekedda waxaa qabsaday qarax miino, anigu waxaan arkay dad badan oo dhulka yaala isuguna jiray askar iyo shacab" ayay tiri Xaliimo Nuur oo ganacsi ku haysata meel ku dhow halka uu qaraxu ka dhacay. Dhaawacyadii ka dhashay qaraxan ayaa la gaarsiiyay isbitaalka Madiina, waxaana lagu soo beegay qaraxa iyadoo xalay lagu dilay degmada Waaberi askari ka tirsan Dowladda, kaasoo la sheegay inuu baaranayo kula kacay dad shacab ah. Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, sidoo kalena Dowladda ayaan ka haldin, iyadoo qaraxan lagu soo beegay xili madaafiic badan oo ku dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho ay waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  15. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo xoogan oo maanta magaalada Muqdisho lagula eegtay kolonyo ka tirsan maleeshiyaadka DKMG ah oo marayey xaafado ka tirsan degmada Waaberi. Qaraxan oo maanta Barqadii dhacay ayay warar kala gedisan kasoo baxayaan khasaraaah ak dhashay iyo cidda laqarxiyay, Ilo xog ogaal ah ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay qaraxaasi ay ku dhinteen 5 Askari oo gaari wada saarnaa tira kalane ku dhaawacmeen. Qaraxa oo ka dhacay xaafadda 21-ka October degmada Waaberi ayaa wuxuu ahaa Miino dhulka lagu aasay waxaa lala helay gaari Cabdi Bille ah oo ay la socdeen 11 Askari oo DKMG ah ka tirsan waxaa gaarigaasi si gaar ah u lahaa mid ka mid ah Wasiirada DKMG ah ee dhanka Maxaakimta ka soo galay. Fagtii hore ee qaraxa waxaa ku dhintay 4 Askari balse mid kale ayaa jidka ku geeriyooday xiligii Isbitaalka AMISOM loosii waday, Burbur aad u xoogan ayaa soo gaaray gaariga qaraxa lala eegtay waxaana markii dambe goobta ka jiiday gaari Foolfa ah oo ay DKMG ah leedahay. Xaalad Cabsi leh ayaa galabta laga dareemayay degmada Waaberi oo xalay siyaaba kala gedisan loogu dilay maleeshiyaad ka tirsan Dowlada KMG ah, Maleeshiyaad DKMG ah ayaa qaati ka taagan Miinooyinka ay xoogaga Mujaahidiinta ah ugu duugaan wadooyinka.
  16. Maaddeey

    UN HIV Map

    ^I reread it and found this: Perfectly cut and dry eh? If you follow your religion you will be fine? Unfortunately that is not what people see in ground zero. So you tell me if its realistic to expect religion to be an answer. every one knows adherence to the religion is not happening. If you agree with Elpunto, what is the point of your post?
  17. Maaddeey

    UN HIV Map

    ^He's saying If Muslims adhere to their religion..., and you question that and come back and give example of Somalis in the west who don't adhere to their religion!.
  18. Cheap shot, Abwaan! bililiqo maashee Isbitaal laga qaaday?. Farqiga waa iska cadyahaye, Indhahaad la'dihiin!.
  19. Juxa, if you told him he's Gaal, maxaad u soo guurisay daliilkiisa?
  20. Too late, sxb. Adduunka, gees ka gees waxa ka socda revival of Jihad!: إذا تبايعتم بالعينة، وأخذتم أذناب البقر، ورضيتم بالزرع، وتركتم الجهاد؛ سلط الله عليكم ذلاً؛ لا ينزعه حتى ترجعوا إلى دينكم Markii Jihaadka laga tegay baa Dulli ku dhacay Muslimiinta!. Muxadith Diyaar Al Masriyyah, Shaykh Axmad Shaakir wuxuu yiri: والجهادُ هو ملاكِ الأمرِ كلِّه في الإسلام رضي عبيد أوروبة أم أبوأ
  21. Anoon Wadaad ahayn, Axaadiis & Quraan ma daliilin karo miyaa??. Heedhe, sidaada kale nin yara deggan baad ahayde, bal is daba qabo.
  22. REF:UWSLF/211/10 DATE: 06/05/2010 بسم الله الرحمن الرحيم GO,AAMADII SHIRWEYNIHII UWSLF EE CADAADLE Shirwaynihii 31aad ee midawga jabhada xoraynta Soomaali Galbeed UWSLF oo kafurmay dagmada cadaadle ee G/Goday , 4/5/2010 socdayna ilaa 6 /5 /2010 ciwaankiisuna ahaa nabad , midnimo , iyo horumar , anagoo kataabaqaadayna.(وان جنحوا للسلم فاجنح لها وتوكل علي الله انه هو السميع العليم) الانفال Wada hadal iyo fikir iswaeydaarsi dheer kadib waxaa lagu go;aansaday qodobadan soosocda: 1- Shir waynuhu wuxuu si buuxda u ogalaaday kuna tilmaamey mid taariikhi ah go,aankii geesinimada lahaa ee maamulka Golaha Fulinta ee UWSLF qaateen , kaas oo ahaa wada hadalkii ay kadhalatay xabad joojintu . 2- Shir waynaha ururku wuxuu go,aamiyey in halkii laga siiwado hanaankii wadaxaajoodka nabadeed ee UWSLF iyo Dawlada Fedaralka Ethiopia udhaxeeyey ilaa lagamidhadhaliyo. 3- wuxuu shir waynaha UWSLF go,aansadey si uu utaabogalo geedi socodka nabada in si buuxda oo niyad sami ah ula tashado shacab weynaha soomaaligalbeed una hogaansamo go,aamada kasoobaxidoona shirweynaha dhaxmari doona UWSLF & Madax dhaqameedyada ,culumaa’udiinka. aqoonyahanada , ganacsatada ,qurbo jooga iyo dhamaan qaybaha kaladuwan ee bulshada . 4- Ururku wuxuu go’aansaday soona dhawaynayaa wixii go’aamo ah oo ka soobaxa shir weynaha shacabka Somali galbeed. BAAQ 1-Midawga Jabhada xoreyna S/galbeed waxay ugu baaqayaa shacabka Somali galbeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba inay midoobaan taageeraana geedi socodka nabadda . 2-Waxuu shirwaynuhu soodhaweeyay bogaadinayaana go’aanka kasoobaxay Golaha sare ee ONLF ee ay kaga soo qayb galayaan geedi socodka nabada iyo hormarka wadanka :confused: 3-Sidoo kale ururku waxuu baaq u dirayaa garabka kale ee ONLF inay kasoo gayb galaan geedi socodka nabadda una turaan shacabka tabaalaysan. 4-Ururku wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacabka S/galbeed in ay iscafiyaan gacmahana isqabsadaan. وبالله التوفيق والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته الله أكبر..الله أكبر..الله أكبر MIDNIMO…. HORMAR… NABAD Maamulka Xafiiska Warbaahinta _________________________ www.somalimirror.com