Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. latest from Mafrash ma iska dhahdidoo!!
  2. Dadka qaar wax ma gartaan ilaa sagxadda ay soo taabtaan! Aalia: Soomaali aad ab & isir taqaanno guurso dheh, intey hadhow iyadoo 4 wadato calaacali lahayd!
  3. CUMAR C/RASHIID: "Madaxweyne Sheekh Shariif awood uma lahan inuu kala diro Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ridi kara oo keliya Baarlamaanka" Talaado, May 18, 2010 (HOL) − Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay gurigiisa Muqdisho ku sheegay inaysan dhicin xukuumaddiisa oo ay shaqeynayso. Cumar C/rashiid wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uusan xaq u lahayn inuu xukuumadiisa kala diro, balse ay ku dhici karto oo keliya marka ay xukuumaddu waydo in ka badan kala bar codadka Xildhibaannada baarlamaanka. "Dowladdu waxay ku dhisan tahay Axdiga KMG ah, aniga iyo Madaxweynaha markaan is-aragnay waxaan u caddeeyay inaan istiqaalad keenin sidaa daraadeedna aysan xukuumaddu dhicin, go'aankiisana uusan waafaqsanayn sharciga" ayuu yiri Cumar C/rashiid. Ra'iisul wasaarihii hore iyo Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa xalay kulan ku yeeshay Muqdisho kaga hadlya go'aankii uu Madaxweynuhu ku sheegay inuu soo magacaabayo Ra'iisul wasaare cusub, kaasoo ku dhamaaday is-afgaran-waa. "Dastuurka dalka u dagan qodobkiisa 44-aad iyo qodobka 51-aad waxaa ku qoran in xukuumaddu ay dhacayso marka ay waydo kalsoonida baarlmaaanka in ka badan 50%, welina looma codeyn xukuumadda" ayuu yiri Cumar C/rashiid. Sidoo kale wuxuu sheegay in go'aankii uu ku dhawaaqay Sheekh Aadan Madoobe uusan ahayn mid jira, kulankii Baarlamaanka ee maalintaas dhacayna looga hadlay sharciyadda guddoonka baarlamaanka, oo aysan jirin xildhibaano codka u qaaday Dowladda. "Markii Baarlmaaanku uu doorto guddoon cusub waxaan diyaar u nahay inaan hortagno oo aan weydiisanno kalsoonida, balse inta ka horeysa waxaa dalka ka shaqeynaysa xukuumadda aan hoggaamiyo" ayuu yiri Sharma'arke. Inkastoo beesha calaamka ay taageereen go'aankii Madaxweynuhu uu ku sheegay inuu kusoo magacaabayo Ra'iisul wasaare cusub ayaa haddana hadalka kasoo baxay Ra'iisul wasaarihii hore wuxuu sii xoojinayaan khilaafka ka dhex taagan weli Dowladda. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  4. Sheekh Xasan Daahir Aweys Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam oo waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyaya Idaacada Shabelle ayaa waxa uu sheegay in fashil ay ku burburtay dowladda KMG ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed isagoo sheegay in markii la dhisayay dowladda ay fashil ku bilaabatay islamarkaana ay dareensanaayeen in fashil ay ku burburi doonto. “Adeer inagu Waxaas awalaan dowlad u aqoonin markii hore ayay fashil ka bilaabatay fashil in ay ku dhamaaneysana waan iska ogyen, insha Allaah fashilkaasi ayana ku dhamaanaysaa, inay isku foor fooriyaana waa dabeecad ay iyagu lahaayeen waxaana dhib qaba kuwa iyaga wax ka sugaya” ayuu yiri Xasan Daahir. Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu wacad ku maray in marnaba Ururka Xisbul Islaam aysan ka mid noqon doonin dowladda KMG ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu sheegay in ay ka go’antahay Ururka Xisbul Islaam in ay dagaalo la galaan dowladda KMG iyo Ciidamada Midowga Afrika ee taageeraya Dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed. “Anagu mabaadii’a ayaan dadkaani isaga soo horjeednaa waana iska soo horjeedeynaa maxaayeelay niman cadow la saftay waaye nin gaalo iyo mamda’oodii qaatay weeye anugana umada in aan ka xoreyno ayaan rabnaa” ayuu hadalkiisa intaasi ku daray Xasan Daahir. Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay war shalay ka soo baxay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ahaa Wasiiru dowlihii Wasaradii Gaashandhiga ee Xukuumada la riday oo ku aadanaa in Ra’isul Wasaarihii Xukuumadiisu ay dhacday uu taageero dhaqaale iyo mid Milatari uu siin jiray Xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya, waxaana Sheekh Daahir uu si kulul eedeemo ugu jeediyay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade. “Runtii waa nuuc doqonimo ah hadii uu nin sii socdo uu candhuud ka daba tufo sharaf dhacna isaga yay ku tahay, laakiin in ay isku marqaati furan ayay taasi dadka u cadeynaysaa umadiibaa garanaysa waxaa ay dadkaasi yihiin” ayuu yiri hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir. Warkani ka soo baxay Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku soo beegmaya xilli shalay Madaxweyne Sheekh Shariif uu ku dhawaaqay in ay dhacday Xukuumadii ra’isul wasaare Sharma’arke islamarkaana uu soo dhisayo Xukuumad waxtar leh oo wax qaban karta iyadoona isla shalay uu iscaislay gudoomiyihii Baarlamaanka KMG Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  5. Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde oo ahaa wasiiru dowlihii Wasaarada gaashaandhiga Xukuumadii Cumar C/rashiid Cali oo saacado ka hor la shaaciyay in ay dhacday oo maanta saxaafada shir jaraa’id ugu qabtay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku eedeeyay Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumada KMG Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke in uu dhibaatooyin badan ku hayay wasaaradihii kala duwanaa ee xukuumadii dowladda KMG, waxaana uu sheegay in uu doonayay Ra’iisul wasaarahaasi in uu gacanta u galiyo dalka xoogaga ka soo horjeeda dowladda. Waxaa uu sheegay Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde in dowladda KMG Soomaaliya markii uu ku soo biiray isaga ay ka talinaysay qeybo farabadan oo ka mid ah magaalada Muqdisho haatana uu sheegay inaysan dhaafi Karin wadada makka Al Mukarama waxaana uu sheegay in taasi uu sabab u yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukumadii dowladda KMG oo doonayay in aysan dowladu wax hormar ah gaarin, waxaana uu intaasi raaciyay sidii loogu magacaabay wasiiro dowlaha wasaaradii gaashaandhiga in uusan wali ka talin wasaaradaasi, isagoo intaasi ku daray in uu ka talinayay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo sidii uu rabo ka yeelanayay sida uu hadalka u dhigay. Wasiiro dowlihii Wasaarada gaashaandhiga ee Xukuumadii la riday Sheikh Yuusuf Indhacadde ayaa waxaa uu sheegay in dagaaladii 4 maalmood ka hor ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodon ciidamada dowladda looga awood roodaaya kadib markii sida uu sheegay ciidamadu ay waayeen saanadii militari ee ay ku dagaalami lahaayeen isagoo tilmaamay in xiligii uu dagaalku uu socday Ra’iisul wasaarihii hore ee Sharma’arke uu ku amray ciidamada AMISOM inaysan wax hub ah siin Karin ciidamada ka dagaalamaya agagaarka Fagaaraha Tarabuunka taasina uu sheegay in Cumar C/rashiid uu uga danlahaa inaysan wax hormar ah gaarin ciidamada dowladda. Si kastaba ha ahaatee Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde ayaa ka mid ahaa Wasiiradii Xukuumada Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke ee saacado ka hor dhacday, waxaana markii uu ku dhawaaqayay eedeynta Ra’iisul wasaarihii hore wajiga laga dheehan karay niyad jab ku aadan dagaalada uu kula jiro xoogaga hubaysan. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  6. ^Waxaan u jeedaa: Waa waxba kama jiraan! adigu ma run bay kuula muuqataa?
  7. Maaddeey

    TFG vs AS

    Title-ku waa qaldanyahay, waxay ahayd Islaamiyiinta Vs TFG, ama hadiiba labada coach Obama & Binladen yihiin 'Muslims Vs Gaalo'.
  8. KK, with respect Adi & JB-ba out of no where baad Al Shabaab faraqa kala soo baxdaan!, wax kastoo laga hadlo waad soo dhex-gelisaan!. Shabaab, sida ay Somalia tahay marka la fiiriyo & iney scratch ka soo bilaabeen waa in loo mahad celiyaa! (hal il lee wax ha ku fiirinin)
  9. Aadan Madoobe:“Xukuumadii Cumar C/rashiid waa dhacday Madaxweynaha waxaan ka sugeynaa inuu soo Magacaabo Ra’iisul wasaare” By Somalimirror on 16 May, 2010 4:13 PM in Main, Wararka Daqiiqado kadib Kulankii Buuqa iyo Dagaalka ku dhamaaday ee Baarlamaanka DKMG ayaa waxa Shir Jaa’id qabtay Sh Aadan Madoobe wuxuuna ku dhawaaqay inay dhacday gabi ahaanba Xukuumadii Cumar C/rashiid. Aadan Madoobe oo ay Ciidamada AMISOM u qaadan dhanka Madaxtooyada kadib markii uu caay, buuq, Foore iyo Dagaal uu ku soo gabagaboobay Kulankii Saaka dhacay wuxuuna Xafiiskiisa Villa Somalia kaga dhawaaqay inay Dhacday Xukumadii Cumar C/rashiid isagoona sheegay inay cod u qaadeen. Aadan Madoobe ayaa yiri:“Xumumada iyadaaba iska dhacday sidaa daraadeed kalsoonidii Baarlamaanka 280 Xildhibaan Gacanteytaageen waxay kala noqdeen kalsoonidii 30 Xildhibaan Xukuumaday Codkooda siiyeen 8 Xildhibaana wey ka aamuseen, sidaa daraadeed Xukuumadii waa dhacday, Madaxweynahana waxaan ka sugeynaa inuu soo Magacaabo Ra’iisul wasaare Xilkas ah waajibkiisa gudan karo Dalka badbaanin karo si loo helo dowlad waxtarleh, 30 Maalmood Gudohood waa inuu ku soo Magacaabo Ra’uusul wasaare Dalka Maamulikaro”. Aadan Madoobe ayaa qirtay Gumaadka Saaka Ciidamada AMISOM u geysteen Shacabka wuxuuna sheegay inuu u tacsiyeynayo Dadkii dhibaatadu ka soo gaartay madaafiicda leysku weydaarsaday Kulankooda. Lama oga sida uu u dhaqan galayo hadalka ka soo baxay Aadan Madoobe manajiro war kasoo baxay dhanka Xukuumada Cumar C/rashiid oo ku aadan arinkan. Saxaafadii ka qeybgashay kulanka buuqa ku soo idlaaday ayaa sheegtay in Sawaxan iyo Foori maahana waxkale aysan Meesha ka dhicin, saacado kadibna lagu kaladareeray.
  10. War Deg-Deg ah:-Duqeyn Ba’an oo ku hoobanaysa Suuqa Bakaaraha iyo Madaafiic lagu garaacay Guriga Umada.- 16 May 2010 waxaa la daabacay Sun 16 May 2010 05: 52: 27 Muqdisho:-Madaafiic Xoogan ayaa xiligan ku dhacaysa Suuqa Bakaaraha iyadoo daqiiqado ka hor l;a garaacay Xarunta ay ku shirayaan Baarlamanka Soomaaliya. Wararka xiligan naga soo gaarayo Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in Madaafiicda Hoobiyaha iyo PM-ka ay sida roobka oo kale ugu daadanayaan Suuqaasi. Duqeynta Bakaaraha ayaa timid markii Tiro Madaafiic ah lagu garaacay Guriga Umada oo ay maanta ku shirsanyihiin Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya halkaasi oo madaafiic ay ku dhaceen. Madaafiicda ay soo ridayeen Mucaaradka ayaa waxa ay ahaayeen Kuwa u badan Hoobiyayaal kuwaasi oo ku dhacay hareeraha Xarunta shirka uu ka socanayo wallow aan la garanayn qasaraha ka soo gaaray xildhibaanad shirsan. Amisom ayaa Hoobiyayaal iyo PM sida roobka oo kale ugu daadiyay Bakaaraha waxaana la maqlayaa Madaafiicda oo ka dhacaysa Xarunta Madaxtooyada oo laga ridayo hubka lagu duqeynayo Bakaaraha. Madaafiicda ayaa waxca ay yihiin kuwa sidoo kale u dhacaya Xaafado ka mida Degmada Hodon Magaalada Muqdisho iyo Xaafado ka mida Degmada Wardhiigley Magaalada Muqdisho. Xaalada ayaa kacsan duqeyntana waxa ay tahay mid daqiiqad walba isa sii badalaysa oo sii badanaysa waxaana laga baqayaa in qasaara badan ay sababto wallow Suuqa Bakaraaha saaka dadka ay ka baqanayeen oo aanay jirin cid ku dhiiratay. E_Mail: webmaster@shacabka.net
  11. Duqeymo Muqdisho ku dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga hubeysan oo sababay khasaarooyin kala duwan Axad, May 16, 2010 (HOL) − Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay 30-qof oo kalena waxay ku dhaawacmeen duqeymo ay maanta oo Axad ah Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xoogagga kasoo horjeeda. Duqeymahan ayaa waxay ka dhasheen Weerar madaafiic ah oo ay xoogagga ka horjeeda Dowladda ku qaadeen xarunta Golaha Shacabka oo uu ka furmayay shirkii baarlamaanka Soomaaliya. Madaafiicda ayaa intooda badan ku dhacay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha oo maanta ahaa mid howlihiisa ay hakad ku jireen cabsi laga qabay duqeymaha awgood, waxayse waxyeello ku gaartay suuqa dad badan oo shacab ah. "Madfac kusoo dhacay xaafaddeena waxaa ku dhintay 8-qof, 12-qof oo kalena way ku dhaawacmeen" ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda Kaaso-bobolaare ee degmada Hodan, halkaasoo ay ku dhaceen tiro Madaafiic ah. Sidoo kale 7-qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen goob shaaha lagu cabo oo ku taalla suuqa Bakaaraha, kaddib markii ay laba madfac oo isdabajoog ah ku dhaceen, waxaana sidoo kale gubtay afar bakhaar oo ay ku dhaceen madaafiic. Degmada Xamarjadiid ayaa ka mid ah degmooyinka ay khasaaraha dhimasho iyo midda dhaawac ka dhasheen, halkaasoo ay ku dhaceen tiro madaafiic ah oo ka mid ahaa kuwii ay tuurayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. Madaxda gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ayaa sheegay inay qaadeen 30-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, isuguna jiray qaybaha bulshada, iyagoo gaarsiiyay Isbitaallada Muqdisho qaarkood. Tiro madaafiic ah ayaa sidoo kale ku dhacay degmooyinka ku jira gacanta Dowladda iyadoo ay ku dhaawacmeen laba qof inta la ogyahay, waxaana madaafiic ku dhacay garaash ku yaalla degmada Xamarjajab uu sababay burbur gaadiid. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  12. Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya maanta uga furmay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho oo buuq ku dhamaaday Axad, May 16, 2010 (HOL) − Waxaa buuq ku dhamaaday kulan uu maanta ku yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Golaha Shacabka oo dhawaan la dayactiray. Xildhibaannada kasoo horjeeda guddoonka sara ee Baarlamaanka ayaa buuq ka dhaliyay fadhiga markii guddoomiyaha uu soo galay xarunta, waxayna isdul-saareen kuraastii lagu fariisan lahaa, iyagoo ku qaylinaya dooni mayno Sheekh Aadan Madoobe. Wasiirro badan oo ku fikir ah xildhibaannada kasoo horjeeda guddoonka oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dastuurka, Wasiiradda Horumarinta Reer Miyiga iyo wasiirro kale ayaa waxay sheegeen inuu dhammaaday xilligii guddoonka baarlamaanka, sidaa daraadeedna aysan aqbalayn inuu Sheekh Aadan Madoobe shirka guddoomiyo. "Sheekh Aadan Madoobe ma ahan guddoomiye xilligiisii shaqo wuu dhamaaday waana xildhibaan baarlamaanka ka tirsan, ma aqbalayno inuu guddoomiyo shirka" ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Madoobe Nuunow Maxamed oo hadal kooban jeediyay. Xildhibaannada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iyaguna ku eedeeyay xildhibaannada kale inay doonayaan inay burburiyaan dowladda, dooddooduna ay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn. "Mudanayaasha kasoo horjeeda guddoonka ma ahan kuwo diiddan Sheekh Aadan Madoobe ee waa kuwo diidan Qaranka Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah xildhibaanada taageersan Sheekh Aadan Madoobe. Ciidamada AMISOM oo gudaha xarunta ku sugnaa ayaa isku gadaamay halka uu fadhiyay guddoomiyaha baarlamaanka si ay ammaankiisa u sugaan, iyadoo kulanka aysan kasoo qaybgelin Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra'iisul wasaarihiisa. Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ku dhacay dhowr madfac iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen, waxaana kulanka uu ugu dambeyn ku gabgaboobay muran iyo buuq iyadoo xildhibaannadii kasoo horjeeday guddoonka ay goobta isaga baxeen. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  13. Muqdisho: 16, May.10 ( Sh.M.Network) Gudoomiyaha Barlamanka KMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay dhacday xukuumada KMG ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Sharma’arke. Waxaa uu sheegay in xukuumado ay u dhacday wax qabad la’aan waxaana arintaani ay timid kadib markii muran iyo buuq uu ku dhamaaday kulankii maanta ay yeesheen mudanayaasha Barlamanka KMG ee Soomaaliya. Warkaasi oo faah faahsan filo goordhow Isha Allaah.
  14. Prince also addressed the deadly suicide bombing on December 30 at the CIA station at Forward Operating Base Chapman in Khost, Afghanistan. Eight CIA personnel, including two Blackwater operatives, were killed in the bombing, which was carried out by a Jordanian double-agent. Prince was asked by an audience member about the "failure" to prevent that attack. The questioner did not mention that Blackwater was responsible for the security of the CIA officials that day, nor did Prince discuss Blackwater's role that day. Here is what Prince said: "You know what? It is a tragedy that those guys were killed but if you put it in perspective, the CIA has lost extremely few people since 9/11. We've lost two or three in Afghanistan, before that two or three in Iraq and, I believe, one guy in Somalia--a landmine. So when you compare what Bill Donovan and the OSS did to the Germans and the Japanese, the Italians during World War II--and they lost hundreds and hundreds of people doing very difficult, very dangerous work--it is a tragedy when you lose people, but it is a cost of doing that work. It is essential, you've got to take risks. In that case, they had what appeared to be a very hot asset who had very relevant, very actionable intelligence and he turned out to be a bad guy... That's what the intelligence business is, you can't be assured success all the time. You've got to be willing to take risks. Those are calculated risks but sometimes it goes badly. I hope the Agency doesn't draw back and say, 'Oh, we have to retrench and not do that anymore,' all the rest. No. We need you to double down, go after them harder. That is a cost of doing business. They are there to kill us." halkan ka wada akhri
  15. dee sidanna wuu odhanayaa: Members of the Ras Kamboni group, for example, belong to the O;gaden sub-clan of the D;arod, whose territorial claims extend from the Jubba and Gedo regions of southern Somalia into Ethiopia's O;gaden region. iyo sidanba: When al-Shabab, a transnational extremist group, began threatening the traditional power base of the O;gaden, observers say Ras Kamboni had little choice but to put clan affiliation ahead of Islamist unity.
  16. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Aawey Maadeey, kooxda saxsan ama u janjeeri doono ha noo sheegee. Sxb, Xizbiga ma kala jebine Axmed Madoobe oo horay isu faquuqay baa si fiican gooni ugu baxay, sida muuqatana qoladiisa baa raacday, adigaana sheegay in qaaraan looga aruurinaayey NBI Ps. waan ogaa in news-kan Ferguson soo dhejin doono!
  17. Originally posted by Cawaale: Xasan taariikh dheer uu leeyahay, ninki yaqano aa yaqaano! Kuma jirtid kuwaas! Originally posted by Cawaale: Maaddeey, Dr. Cumar Iimaan Xaguu ku dambeeyay? Adiguba sheeg!
  18. ^^Naga daa dee, do you think Ayoub et al. mean this when they call him power hungry?. Sidaas oy tahay power hungry lama yiraahdo Nin diraciisa uu ku qabsaday Yahuudi ee maxkamad la tegay!! ama Nin isagoo dahabkii & luulkii Ruum & Furs helay, reerkiisa dhar quruxsan oy martida ku soo dhoweyso waayey ama Nin ka doortay inuu dagaalamo isagoo mansab adduun ka heli kara Weld Abdalla!.
  19. ^So, you say Ali bin Abi Talib was bower hungry? (isku mid maaha & bla bla ha iila iman.)
  20. ^Beenta iska daa Waryee, Sheikh Xasan, Dagaalkaas inuu dagaal Fitno ahaa buu sheegay!.
  21. Muqdisho: (Sh. M. Network-12-05-2010) Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Ilaalada Gudoomiyihii hore ee gobolka Banadir Maanta ayaa gaadiid uu la socday gudoomihii hore ee Gobolka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb waxaa lala eegtay qarax miino oo aad u xoogan xili uu marayay agagaarka Jirda Xuseen degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Qaraxa lala beegsaday gaadiidka uu la socday Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere ayaa uu ahaa nuuca dhulka lagu aaso waxaana inta la ogyahay ku nafwaayay hal qof halka sedax kalana ay ku dhawacmeen kuwaasi oo dhamaantood ka tirsanaa Ciidamadii Ilaalinayay Maxamed Dheere. Max’ed Dheere ayaa ka bad baaday qaraxa waxaana isagoo u waramay qaar ka mid ah warbaahinta uu sheegay in uu ka bad baaday qaraxaasi hase ahaatee ay qasaare ka soo gaartay askar ka tirsan ilaaladiisa. Askarta qaraxa ku dhaawacantay ayaa loo qaday qeybo ka mid ah goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiibo caaladooda Caafimaad. Majirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyada Qaraxaasi iyadoo aysan aheeyn markii ugu horeeysay ee qarax lala eegto Max’ed Cumar Xabeeb Max’e Dheere, waxaana qarax miino lala eegtay xiligii dalka ay joogeen ciidamada Ethiopia xiligaasi oo uu isagu ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya.
  22. ^Wax fahan yaaqay!, waan ka xumahay haddaan su'aalahaaga muhim u arag (sida tan 'Save Dr. Hawa' igu weydiisay, adoon micnahayga garan). Udub & Ucid waa calmaaniyiin isku hadaf ah lakin waddada ayay ku kala duwanyihiin, sidoo kale Shabaab & Xizbiga waa Islaamiyiin isku hadaf ah, haddii midkood ka kale ku biiro ama vice-versa waa caadi. Hadii aad wax ogtahay ama aad igu khilaafsantahay ra'yiga, fine!. What ele you want me to reply?, that Abdaal comment? Xasan Dahir waa nin Sheikh ah oo dadaal badan, hadduu is tuso inuu Jidka Ilaahey u dadaalo, rumeystana inuu wixii awooddiisa ah qabto, ma Xukun doon buu noqday, la siman Waraabe, Suudi & Yusuf?.