Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. ^Ma fahmi kartid ilaa xanuunkeeda aad aragtid!
  2. Waxaan maqli jiray: 'fayakdib al kidbata fatablughu al aafaaq'!
  3. Its not only the Quran we Muslims take the Deen from!, u can google it by the way!
  4. Gaalkacyo: (Sh.M.Network) Maleeshiyo beeleed ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa Maanta duqeyn Madaafiic ah waxaa ay u geysteen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug. Waxaa maanta duqeymo loo geystay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo iyadoo dhawaqa hubka waaweyn laga maqlay mar qura Xaafadaha Waqooyiga iyo koofurta Magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo la sheegayo in aysan geysan wax qasaare ah. Xiliga Madaafiicda loo geysanayay garoonka diyaaradaha ayaa la sheegay in ay ka kicitintay diyaarad nuuca qaadka keenta ah iyadoo aysan waxyeelo ka soo gaarin madaafiicdii lagu tuuray garoonka Magaalada Gaalkacyo. Maamulka Galmudug ee ka taliya koofurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in ay aad uga xunyihiin duqeyntii maanta loo geystay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo. Duqeyntaani ayaa la sheegayaa in ay timid kadib markii sida la sheegay ay soo baxeen warar la isla dhexmarayay magaalada oo sheegayay in la doonayo in garoonka darbi lagu wareejiyo. Xidlhibaan Cali Baasho oo ka mid ah Barlamanka Maamulka Galmudug islamarkaana qadka taleefanka Shabelle ugu waramayay ayaa waxaa uu sheegay in ay ka xunyihiin duqeyntii maanta loo geystay garoonka diyaaradaha walow aysan waxyeelo geysan. Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Magaaladsa Gaalkacyo Xuseen dhagadheere oo Shabelle ay la xariirtay ayaa sheegay inaysan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu tilmaamay in madaafiicdii maanta ay soo tureen maleeshiyaad ka soo jeeda sida uu sheegay koofurta Magaalada Gaalkacyo. Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta Maamulka Puntland oo ku aadan weerarkii madaafiicda ahaa ee Maanta loo geystay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  5. ^Wax aad fahmi la'dahay ma leh ee waad is yeel-yeeleysaa sxb, links-ka kore waxa ku jira qaar aad adigu ka shakisantahay qolada ka dambeysay qaraxa Shamo ood leedahay 4 qolo mid ayaa ka dambeysa!, sax?, su'aasha aad i weydiisayna iyagaan uga jawaabay (qasab, waad aragtay, haddana weli waxaad u heysataa inaan Shabaab gar & gardarroba la jiro), Waxaagu fartaa lagu wada fiiqaayey miyaa?. Weli ma aragtay Anigoo Shabaab wax qalad muuqda ku taageersan?, mase kula saxsan tahay in lagu been abuurto!, illeyn har & habeen baa been laga sheegaa!, waxa la igu heystana waa aan isaga been abuurnee maxaa kaa galay!.
  6. Sacad, Liyuu Booliska & Booliska Caadiga ah sow Ethiopian maaha?, maxaa Buuhoodle keenay?
  7. Allamagan, maxaad wax aan is lahayn isku qaldeysaa!!, Qarixi Shamo thread-yo badan baa looga hadlay, ku noqo halkan & halkeerba , waxa aan shakhsiyan ka aaminsanahayna intaan ku sheegay!, hadda waa markaagee, tan maxaad ka tiri?
  8. GD, the verse is talking about Sabeel el Mouminiin!, If all the Ulima said that not Muslima can be married to a man of book (Chris. and Jew) and you refuse their rulings then Hanee'an lak
  9. Karl, Jazaka Allahu Khayran. Zack & Haatu are not the same, Zack opposes Shabab on technicalities, Lakin Haatu's ideology is closer to Qadyanis!. waa Summun Bukmun! Ilaahow indhaha ha na tirin!
  10. Haatu, Quful aa ku saaran! Ilaah ha ku badbaadiyo!. Nabad markey timaado ayay baxayaan ha dhihin!, did I say Shabaab brought peace in 2006?, Shabaab, Shuyuukh, Maxaakim wax ay kala jecelyihiin maleh!, sxb nabadda ayay la dagaashanyihiin, maxaad u tashateen baa nalaku heystaa, ma intaas baad garan la'dahay?. Haddey Threat u arkaan inaan Shareecada ku dhaqmo, ma iska daayaa??, ma iyagaan Diinta uga baxnaa??.
  11. Haatu, ma fiyowdahay sxb?, 20kii sano ee ugu dambeysay ee la is qalanaayey oo cabsidu dadka hareysay Amisom & wixii keensaday xaggee jireen?, Magaalooyin badan waxa ka dhacay xasuuq, dhac, kufsi & xumaan oo dhan, indhahaa la is tiray illaa la gaaro in Nin bac madow oo waryaa-waryaa ah loo dilo!, markii Shacabkii oo Ehlul Diinku hoggaaminaayo u adkeysan waayeen waatii kacdoonkii 2006di sababtay, kadib 6di bilood ee Taariikhda gashay, nabadaas la helay darteed waa tii Soomaali Gees ka gees is qabsatay! oo Cadde Muse & Rayaale midba goonidiis 'Shareecadaan qaadannay' ku dhawaaqay. intaas ka dib ayaa in Dawladda la taageero oo Ciidamo Shisheeye yimaadaan bilaabatay. Walaaloow, maxey 2006 & Shabaab ka hor u iman waayeen oo markii nabadda la helay ka dib u yimaadeen?, bal taariikhda dhow dib u fiiri maskaxdana ka shaqeysii!.
  12. Shaykhul Islam, wal MuftilCaam GDWonder, Zidnaa Yaa mowlaanaa!
  13. France makes way for Grand Mosque By Carole Landry (AFP) – 1 day ago MARSEILLE, France — French Muslims celebrated Thursday when work began to build the country's biggest mosque in the southern port city of Marseille, a potent symbol of Islam's place in modern France. Moves by President Nicolas Sarkozy's government to ban the full-face veil have raised tensions between France's political class and its five million strong Islamic minority, with many Muslims feeling stigmatised. But Muslim and government leaders alike hope that work on the Grande Mosque will serve to bind the city together and serve as a community anchor. Marseille is France's second city and home to 250,000 Muslims, many of whom are currently obliged to perform their rites in makeshift prayer houses in basements, rented rooms and dingy garages to worship. With a minaret soaring 25 metres (82 feet) high, the Grand Mosque will hold up to 7,000 people in its prayer room and the complex will also boast a Koranic school, library, restaurant and tea room when it opens in 2012. Muslims in Marseille have long campaigned for a mega-mosque as a prominent gathering place that would bring Islam out of the basements and allow it to thrive under the Mediterranean sun. The turning point came in 2001 when Mayor Jean-Claude Gaudin, a member of Sarkozy's right-wing party, threw his weight behind the project, overriding objections from the far-right. Like Sarkozy, Gaudin sees the new mosque as a way to help French Muslims integrate into the mainstream and foster a form of moderate, modern Islam that shuns symbols of exclusion like the full-face burqa and niqab veils. "The construction of this Grand Mosque will serve as a showcase for Marseille's Muslims to promote the true face of Islam, an enlightened Islam," said Mohamed Moussaoui, president of the French Council of the Muslim faith. After years of delays, the project still faces hurdles to raise the full 22 million euros (27 million dollars) needed to finance it. Nourredine Cheikh, an Algerian-born businessman and president of the association leading the campaign for the mosque, said his group is hoping for big donations from north African countries, Saudi Arabia and Malaysia. Among the dozen diplomats who attended the ceremony, Algerian Ambassador Missoum Sbih said Muslims in Marseille "could not do without a dignified place of worship" in France, "Europe's number one Muslim country." Algeria will sit with other donor countries to work out financing, he said. The grand mosque will be built in the Saint-Louis area of Marseille, an ethnically mixed neighbourhood that suffers high unemployment and poverty. Home to Europe's biggest Muslim minority, France has for years been debating how far it is willing to go to accommodate the practice of Islam, now the country's second religion, into every day secular life. Soon after Switzerland voted to ban minaret construction last year, Sarkozy warned French Muslims to "avoid ostentation" in the practice of their religion and he has declared the face-covering veil "not welcome" in France. With parliament now set to debate a bill that would bar women from wearing the full Islamic veil, Muslim leaders worry about a surge of Islamophobia. Last month, gunmen sprayed bullets across the facade of the Arrahma mosque in Istres, a town a few dozen kilometres from Marseille, raising alarm among Muslims. Nadia Houte, a 31-year-old teacher, said the mosque would bring Muslims together and promote a positive image of Islam. "We are Muslims, not fundamentalists," she said. "The burqa doesn't interest me. This has nothing to do with me." There will be no blaring call to prayer from the Grand Mosque's minaret to disturb non-Muslim neighbours, but simply a blue light that will flash five times a day to summon the Marseille faithful to prayer. Copyright © 2010 AFP. All rights reserved. More »
  14. Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo dagaal kula wareegay fariisimo ay maleeshiyaadka DKMG ku lahaayeen degmada Shibis ee magaalada Muqdisho. Friday, 21 May 2010 06:23 administrator Dagaallo culus oo u dhexeeya Ciidama Mujaahidiinta iyo maleeshiyaad ka tirsan DKMG ah ayaa xalay ilaa iyo saaka ka socdo xaafado ka tirsan degmada Shibis ee Bariga magaalada Muqdisho oo muddo sanad ah dagaallo ka socdaan. Saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa goordhaw SomaliMeMo u xaqiijiyey in dagaallo xalay saqdii dhexe bilaawday ay guulo waaweyn kacsoo hooyeen ciidanka Xarakada oo alle kaalmaysanaya waxaana jira Jab lixaad leh oo soo gaaray maleeshiyada DKMG ah. Meelaha sida daran loogu dagaalamay ayaa waxaa ka mid ah xarunta degmada Shibis Isgoyska Nasiib Buundo oo dhamaantood ka wadatirsan degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, Guutooyin caaboon oo ka tirsan Ciidamada Shababbaabul Mujaahidiin ayaa jiiray difaacyadii maleeshiyaadka DKMG ah waxayna lawareegeen xarunta degmada Shibis iyo Jid cadayaal dhowr ah oo ay maleeshiyaadka DKMG ah ku sugnaayeen. Saraakiisha hogaaminaysa dagaalka ayaa waxay noo xaqiijiyeen in hubkii ugu faraha badnaa ay ka heleen xarunta degmada Shibis oo talis ciidan u ahayd maleeshiyaadka DKMG ah, waxaa jira khasaara aad u daran oo soo gaaray maleeshiyaadka DKMG ah waloow aan weli tira koob laga hayn. Weerarkan oo ahaa mid qorshaysan ayey Xoogaga Mujaahidiintu qaadeen ka dib markii ay ka war heleen in DKMG ah ay shalay gelinkii dambe ciidan cusub keentay Shibis xalay saqdii dhexana waa lala kacay dhamaanbka maleeshiyadii Jabuuti lagu soo tababaray oo laga dhigay mid dhinta mid dhaawacma iyo mid carara. Dhalinyarada Mujaahidiinta ah ayaa saaka ku sugan dhamaanba fariisimadii ay ku jireen maleeshiyaadkii lagu soo Tababaray Jabuuti, xaaladda ayaa hadda yara degan waxaase lamaqlayaa hugunka Madaafiic ay Ciidanka AMISOM ku garaacayaan deegaanada dhaca Bariga Muqdisho.
  15. Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay Dagaaladii ka dhacay Muqdisho. By Somalimirror on 21 May, 2010 3:33 PM in Main, Wararka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Guulo ka sheegatay Dagaalo Saaka ilaa Xalay ka socday Degmooyinka Shibis iyo Boondheere ee Magaalada Muqdisho iyagoona Shaaciyey inay lawareegeen Isgoyska Maanabooliyo iyo gurigii Habar Khadiijo. Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’ud Raage Sh Cali dheere oo Saxaafada Shir jaraa’id u qabtay ayaa Sheegay inay Burburiyeen dhamaan Difaacyadii uyiil Askarta DKMG ayna lawareegeen gacankuheynta Isgoyska Maanabooliyo, Xaafada Nasiibuundo iyo Gurigii Habar Khadiijo. Sh Cali Dheere oo arinkaa ka hadlaya ayaa yiri:“Murtadiintii Calooshood u shaqeystayaasha ahaa ee Gaalada Kirishtanka Difaaca u ahaa ee darbiga u ahaa in lajiiro ayuu Ilaahey S.W Mujaahidiinta u sahlay inay dhufeysyadoodii lawareegaan, saacadan lajoogo Mujaahidiintu waxay ku suganyihiin Isgoyskii Maanabooliyo iyo gurigii Khadiijo iyo soonaha ku dhawdhaw oo dhan”. Ciidamada DKMG ah ayuu ugu baaqay Cali dheere inay lafahooda badbaadsadaan kana dhexbaxaan iyaga iyo AMISOM isagoo leh:“waxan ugu baaqeynaa kuwa Calooshood u shaqeystayaasha ah Mujaahidiinta inay diinta koryeesho rabta iyo gaalada Kirishtanka ah dhexdooda kabaxa waxaan leenahay naftiina u tura”. Dhanka kale Gudoomiyah Degmada Shibis u qaabilsan DKMG ayaa qirtay in Ciidamada Al-Shabaab Dagaalka ku qabsadeen goobo Cusub wuxuuse tibaaxay inay iska difaaceen isla markaana ay jiraan Qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo dhankooda soo gaaray.
  16. Boohoodle oo lagu dagaalamay Saddex ciidamada Itoobiya ah iyo toban Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaal saaka ka dhacay magaalada Buuhoodle, kaas oo dhexmaray ciidamo Itoobiya iyo dad ka tirsan deegaanka. Dadka ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa tiradoodu ka badan tahay labaatan qof. Rasaas xoog leh ayaa ka socotay magaalada dhexdeeda. Ciidamada Itoobiya ayaa mudo todobaad ah dhinac ka joogay magaalada waxayna gacanta ku hayeen baabuur dadweynuhu leeyaay, ka hor intaan dagaalku bilaaban kaas oo markii dambe magaalada ku fiday. Lama hubo sida rasaastu ku biilaabantay, laakiin waxa jirey dad arrinta baabuurta ugu tegay ciidamada Itoobiya, intaan dagaalku bilaaban. http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/2010/05/100521_boohoodle1.shtml
  17. KK, saas ma rabo oo hortaa baa loo sheegay ee wuxuu rabaa in la yiraahdo: 'Xukunkaas Islaamiga ah waan diidnay' u fiirso hadalkiisa: I've known for a very long time what the Islamic ruling is, and I don't care. I care about the opinions of fellow nomads. 2. I was hoping this thread would turn into an intellectual debate, but it seems it has become a space for ridicule. 3. I believe love is stronger than everything which exists in this world, religion included, and I will marry whoever God intends me to marry, Christian, Muslim, Hindu, or whatever. waa runtiis, he overstayed!
  18. Qarax lala eegtay Ciidamada AMISOM iyo Xarakada AL Shabaab oo sheegtay. Muqdisho: ( Sh.M.Network) Qarax lala eegtay askar ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Dalka Soomaaliya ayaa maanta barqadii waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ag degmada X/jajab iyadoo qaraxaasina ay sheegeen Xarakada AL Shabaab. Qaraxaani oo barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska Sheelare degmada X/jajab ee gobolak Banaadir ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa midowga Africa ee AMISOM islamarkaana lug ku marayay agagaarka dekada weyn ee Magaalada Muqdisho. Warar ay Shabelle heleyso ee la xariira qaraxii Barqanimadii maanta ka dhacay degmada X/jajab ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxu uu dhacay xili goobta ay marayeen ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Africa inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin Qasaaraha dadka rayid ah ka soo gaaray qaraxaasi. Saraakiil ka tirsan Xarakada mujaahidiinta Al Shabaab oo kadib qaraxaasi la soo xariirai Idaacada Shabelle ayaa waxa ay sheegteen in qaraxii maanta Masuuliyadiisa ay lahayaeen Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab iyagoona sheegay in halkaasi ay ku dileen askar ka tirsan Ciidamadii qaraxa lala eegtay. Ugu dambeyntii Afhayeenka Ciidamada Midowga Africa eek u sugan Magaalada Muqdisho Gaashaanle Bariijiye Bahuuko oo Shabelle ay qadka teleefanka kula xariirtay ayaa waxaa uu Sheegay in Qaraxii maanta ka dhacay agagaarka dekada Magaalada muqdisho uu kaga dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidamadooda. “Halkaasi waxaan ku weynay hal askari oo ka tirsan Ciidamadeenada Nabad ilaalinta midowga Africa, askarikaasi waxa uu ku geeriyooday miino wadada dhinaceeda la galiyay, waxaan kuu sheegayaa in hal askari oo kaliya aan ku weynay halkaasi” ayuu yiri Bahuuko. Bishii lasoo dhaafay ayey aheeyd Markii Ciidamada AMISOM qarax nuuca dhulka lagu aaso ah lagula beegsaday agagaarka Iskuul Buluusiya degmada X/jajab ee gobolka Banaadir. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  19. ^The funny thing is: Siduu moodaayey (Indhocadde)waa noqon weysay oo Boss-kiisii wuu joogaa!, tolow muxuu sheegi doonaa?
  20. Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow ka laabtay go'aankii uu ku kala diray xukuumada uu Ra'isal wasaare ka ahaa Cumar Cabdirashid Shar mararle. War saxafadeed uu ku saxiixnaa madaxweynaha Soomaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha ka laabatay go'aankaasi ka dib markii uu ku laabtay sharciga islamarkaan ogaaday inaysan xilka qaadistaasi sharci aheyn. Xilka qaadista ra'isalwaasaraha iyo xukuumada DKMG ah ayaa keentay qilaaf xoogan iyadoo ay jireen wadahadlo socday oo la doonayay in arintan lagu xaliyo, waxaana haatan Madaxweynaha uu ogolaaday in Cumar Cabdi Rashiid uu sii hayo xilka ra'isal wasaaraha. Warbixinta warsaxaafadeedkan oo dhameystiran goor dhow ka Akhriso Jowhar.com Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.com Jowharcom@gmail.com
  21. Madaxweyne Sheekh Shariif oo dib u soo celiyay Xukuumada Sharma’arke. Muqdisho: ( Sh.M.Network)Afhayeen u hadlay Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynaha kadib markii uu la kulmay dad sharci yaqaano ah uu go'aansaday in uu dib ugu laabto Go'aankii uu ku kala diray Xukuumada Ra'iisul wasaare Sharma'arke. Warkaasi oo faah faahin Filo goordhow.
  22. Gudniinku sow dhaqankeenna maaha!, timaha tidcan & guntiinada waa OK kanse Maya?, ama ha la wada qaato ama ha laga wada tago!
  23. Waxa uu sheegay gudoomiyaha Xisbul Islaam in Axmed Madoobe uu ku biiray Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya islamarkaana waxa uu tilmaamay in uu maray wadadii ay horay u mareen ragii ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam ee ka baxay Ururkaasi, waxaana uu intaasi raaciyay Sheekh Xasan Daahir in ay ka go’antahay in ay la dagaalamaan Sheekh Axmed Madoobe. Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo kamid ahaa Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam haatana sheegay in uu ka baxay Ururka Xisbul Islaam dibna u aas aasay Mucaskarka Raaskaambooni oo Saxaafada la hadlay ayaa waxa uu ku eedeeyay Xisbul Islaam in aysan fulin waxyaabihii ay ku balameen, waxaana uu sheegay in Saraakiil katirsan Xisbul Islaam lagu dilay gudaha wadanka Soomaaliya taasina uu sheegay in ay ka amuuseen Saraakiisha ugu sar sareysa ee Ururka Xisbul Islaam, waxaana uu intaasi raaciyay in uu isagu go’aansaday in uu ka baxo Xisbul Islaam. Dhawaan ayay aheyd markii gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ku eedeeyay Sheekh Axmed Maxamed Islaam Sheekh Axmed in uu heshiis la galay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyadoo xiligaasi kadib Sheekh Axmed Madoobe uu tilmaamay in uusan wax heshiis ah la gelin dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.