Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. KK, Ugaas Khaliif tiisa wax ma ku darsatay? . Buundada liiq-liiqatona waa idin sugee
  2. Edit:^^ waa runtaa arrinta ducada maahane wax kale kama hadlin, U-TV madaxaaba igu xanuuna, in la fiirsadona ma qabo, waxay xoogga saaraan xayeysiinta, barnaamijyo lacag aruursi ah (kan Cag ma dhige oo kale) lakin ninba dooqi! Haatu, ama go'aan ma lihid ama sida warka loo sheegaadan garanayn!. Juxa, Haatu ma taqaanid miyaa? 4 wadaad aa luuq la gashay, oo u sheegay in Madaxda dalalka Islaamka inaan waxba laga sheegin oo 'Umaraa'ul Mu'miniin' yihiin, waa ku bar gooyeen, intii loo sheegay wax dhaafsiisan markey dooddu timaado maxow sheegaa hee? 'Sidey ila tahay' & 'Insha Allah' sidaan u raaciyo sow maadan arag!, qofkii xishoodka ka dhamaaday ee been cad & inkirmaad la soo taagan sow in la 'name & shame'gareeyo maaha?.
  3. ^Parrot-like qaylo looma baahna, gobollada Mujaahidiintu qabsadeen Jeex-maroodi kama fiicna, dadkooduna dadka kale kama sharaf badna, mana la idin dulmi doono ee waxba ha baqanin. Farta & meel bugtaa is og baa la yiri!, haddii Shabaab ay waxba yahay tahay sidan umaad cabaaddeen, ee dhareerka iska duw!.
  4. Barji ke gel!, xaad geberta hoosta ugu dhigee?
  5. ^Ma waxaad leedahay Ayoub waa walanyahaye u qari? waa yahay!. Ani warkey waa cadyahay, Xaqqa aan la jiraa (Insha Allah). Ayoub, in kugu filan Attention waan ku siiyey ee banaanka ku soo dheedheel!
  6. ^Aqas, maskaxdaad ka jirrantahay! waxay Shabaab & qolo kaleba ku saxanyihiin waa la taageerayaa, ee doq'onkiyoow, qof ku leh 'sidan baan qabaa' baad leedahay: 'een, hebel baaba saa lahaaye!' Majnuun!
  7. ^Juxa, wixii qaldan oon edeb & dacas lahayn waa in la karbaashaa (dadka qaar baan karbaash waxaan ahayn wax ku fahmin). Ayoub, cantarabaqash-ka yaa igala tag ku yiraahda?
  8. Originally posted by AYOUB: ^ Does Bob Al-Amriiki Speak Somali? Who's Bob Al-Amriiki, and whats he got to do with what I was saying? is Oodweyne American? pathetic!
  9. I can't listen an audio file, I am saying wax problem ah ma leh and u ask me other ppl's deeds, ma jirrantahay?
  10. ^If u say some thing is wrong, u have to have a daleel, whats ur daleel?
  11. Tol la'aay waxba ma idiin tereyso Oodweyne, Ingiriisigaaga inaan gadaal-gadaaleey u akhryo moogiye waxba kama fahmo, Soomaaliga aad qortose waa OK ee haddaad aniga wax ii sheegeyso isaga igula hadal
  12. Ngonge, Awliyada waa la baryaa! wax fahan Juxa, waxa jirta mar-mar ay muhim tahay in Sadaqada la muujiyo, ma ogidoo in Rasuulka (SCW) uu dumarka ku boorriyey iney wax sadaqeystaan ii naarta iska xoreeyaan (illeyn iyagaa u badane), ee ay faraanti, dhego-dhego & katiinado soo dhoobeen meel fagaaro ah oo ciidda lagu tukado!, weliba haddii dad kale kaaga daydaan deeqsinimadaa Ajar baad leedahay kale! (Is tus-tuska in la iska ilaaliyo waa muhim). Edit: Cawaale adaan i fahmin bro, anigu perfect maahi lakin been uma qasdo, qaladkeeyga inaan ka laabto waan ku faraxsanahay ee ha ka cabsanin!
  13. Ngonge, wax problem ah ma leh as long as he's making du'a, yaa diiday?.
  14. Juxa, Sheikh ama qof kale inaad noo ducee tiraahdid dembi maaha ee waa la amaanay!, Cawaalena waxba ma oga ama xaasid la kor dhebay, illeyn waxan ay U-TV sameeyeen buuba inkiray!.
  15. Juxat, Alxamdulillaah!. Sansamaainiko (senza mano) maa inaan ku wareego rabtaa?
  16. Juxa, Adiga koombo ha isku qufulin! 'hal eray' maxaad ugu dhegtay?, Af Soomaali wax kaa badiya maleh!. Haddii la daabacay waa Khayr, kolley in la is fahmaa ujeedku yahay. Ps. haddii Asalaamu Calaykum la yiraahdo kaba sii fiican
  17. Whats funny, Jb? Warka deg-degta ah qasab ma aha inuu mar kasta Khasaare culus noqdo ma ogtahay?
  18. ^Acuudubillaah, war xaggeed ka cadheysan tahay?, intaad dad iska dhici is leedahay dembi ha gelin, dagaal, xaq & dulmi ba laga hadlayaaye maxaa bras & waxaas meesha keenay, caqlise ma lihid miyaa?? wixii media-ha is sheego ma ka daba ciyeeysaa, waa la yiri anna waan iri!!
  19. War Deg-Deg ah:-Taangi ay leeyihiin Amisom oo Siliska laga jaray iyo Dagaalka oo sii qaboobaya.- 03 Jun 2010 waxaa la daabacay Thu 03 Jun 2010 01: 36: 06 Muqdisho:-Warar hadad naga soo gaaray Xaafadaha Degmada Shibis ayaa sheegaya in Taangi Siliska looga jaray Wadada Nasii-Buundo waxaana sii yaraanaya dagaalkii xooganaa oo saaka bilowday. Sida wararka xiligan naga soo gaaraya aaga dagaalka uu sheegayo waxaa Siliska laga jaray Taangi ay wateen Ciidanka Amisom kaasi oo ka dagaal galayay Wadada Nasii-Buundo Degmada Shibis Muqdisho halkaasi oo ay saaka u dhaqaaqeen Ciidamadaasi. Qof ka mida dadka Deegaanka Shibis yaa Shacabka.Net u xaqiijiyay in Taangi ay wateen Amisom uu ku dhacay gud ku yaala Wadada Nasii-Buundo halkaasi oo qarax ka dhacay uu siliska uga go’ay. Warkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalka uu woxoogaa ka yara qaboobay sidii uu saaka ku bilowday markii Taangi uu god kaga dhacay Amisom oo hogaaminaysay dagaalka saaka ka bilowday wadooyinka Shibis iyo C.Casiis. Dhanka Degmada C.Casiis waxaa weli laga maqlayaa rasaasta waxaana dhacaya Taangiyada Amisom iyadoo xaalada guud ee Degmada Shibis ay haatan tahay mid dagan oo rasasta fudud oo kaliya la maqlayo. Ciidanka Amisom ayaa xoojiyay goobta uu kaga dhacay Taangiga waxaana laga yaabaa in ay godka kala baxaan Taangiga oo siliska uu ka go’ay sida warka aynu ku helayno. Ciidanka Alshabaab ayaa waxaa laga saaray dagaalka markii uu bilowday dhammaan dhulkii ay qabsadeen Ee Shibis iyo C.Casiis waxaana xilli waliba la filan karaa in ay ku soo laabtaan maadaama Amisom ay u muuqato mid dagaalka ka sii baxaysa. Wixii soo kordha Shacabka.Net ayaad ka helaysaa Insha Allaah. E_Mail: webmaster@shacabka.net
  20. Juxa, bil ka hor sow su'aashan ma weydiinayn? maxaa dhacayna!
  21. TV-ga Universal oo cudurdaar rasmi ah ka bixiyay Sawir gacmeedyadii uu faafiyay By Somalimirror on 2 Jun, 2010 7:42 PM in Main, Wararka Tv-a ku hadla Afka Soomaaliga ee Universal fadhigiisuna yahay Dalka Ingiriiska ayaa ka cudur daatay Sawir gacmeedyo wax looga sheegayay Nabigeena suuban ee Muxmamad ah CSW. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Maamulka Tv-ga Universal nuqul ka mid ahina uu soo gaadhay Somalimirror ayay ku sheegeen in ay ka cudur daaranayaan kana towbad keeneen gafkii ka dhacay CUDUR DAAR Wuxuu Maamulka Universal TV si aan xad lahayn uga cudur daaranayaa sawirka lagu caayay NABIGEENII SUUBANAA (Nabad galyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) oo si aan lagu baraarugin oo GAF ah uga soo baxay Shaashadda TV-ga Universal 29/05/10 qaybtiisa Wararka. TV-ga Universal oo inuu Nabiga u khidmeeyo maahee aysan suurto gal ka ahayn in uu ka mid noqdo saxaafadda shaqada ka dhigatay inay Nabi Maxamed (SCW) wax ka sheegaan -waxna uma dhimi karaane iyagaa is daalinaya, halaagna shaqaysanaya. Maamulku wuxuu marka hore Allah uga Tawbad keenayaa gaabiska xagga Koontoroolka ah ee ay ahayd in lagu baraarugo intii aan la sii dayn warka wariyuhu soo diray ee Sawiradu ku jireen, Waloow qasadka wariyuhu uu ahaa difaacidda Nabiga (SCW) Anagaa ugu horayna DIFAACIDDA NABIGEENA suuban (SCW). Waxaanan ku dadaaleynaa in aysan arintaan oo kale dib danbe uga dhici doonin TV-ga Universal insha Allah. Waxaan u mahad celinaynaa dhamaan walaalaha sida qiiradu ku jirto noogu baraarujiyay gafka sida khaldan nooga dhacay iyagoo ka soo baxay xaqii walaaltinimada ee aan ku lahayn. Allah ha na waafajiyo raacidda iyo u khidmaynta Nabigeena Naxariistii Alle korkiisa ha ahaatee. Maamulaha TV-ga Universal. Axmed Abubakar. Email: info@tvuniversal.net website: www.tvuniversal.tv
  22. JB, haddii Hargeysa meel ka mid ah dadka dega say- bridgeka wixii ka shisheeya- la dulmo, Mujaahidiintu waa u soo hiillinayaan!, Haddii koox ama qolo kale go'aansato ku dhaqanka Shareecada Islaamka & kor yeelidda Raayada Jihaadka, hiil & hoo bey Mujaahidiintu la garab istaagayaan!.
  23. Dagaalo Saaka ka dhacay Muqdisho. By Somalimirror on 3 Jun, 2010 11:04 AM in Main, Wararka Dagaalo Xoogan oo ay barbarsocdaan Madaafiic Cullus ayaa Saaka Aroortii hore ka qarxay Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho kadib markii Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG dhanka Xeebta Liido kaweerareen Ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo waayahan halkaa ku suganaa. Taangiyada AMISOM ayaa dagaalka qeyb weyn kulahaa waxaana sidoo kale weerarka ka qeybqaadanayey Ciidamado dhawaan DKMG ah loogu soo tababaray dalka Ugandha, Madaafiicda Kaaraha iyo Hubka artalariga ah ayuuna dagaalku ku bilowday. Ciidamada Al-shabaab oo Difaacyo kaga jiray Goobaha ay weerareen Ciidamda iskaashanayey ayaa dagaal kala hortagay Weerarka kaga yimid dhanka AMISOM iyo Dowlada waxaana agagaarka Xeebta liido ka dhacay Dagaalo faraha looga gubtay. Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Max’ud Raage ( Cali Dheere) oo Saxaafada Saaka lahadlay ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM oo wata dabaabaadkooda ay ka sooweerareen dhanka Xeebta Liido ee Degmada C/casiis. Sh Cali Dheere waxa uu sheegay inay iska difaaceen Weerarka lagu soo qaaday isla markaana ay mudo kadib dib u celiyeen Ciidamada iskaashanayey ee Weerarka ku soo qaaday wuxuuna Carabaabay inay dagaalka ku gubeen gaari Taaw ah oo kamida Dabaabaadka AMISOM. Ujeedka dagaalka loogu soo qaaday ayuu sheegay Sh Cali inuu yahay mid culeyska looga qaadayo kooxda Sheegatada Ahlu sunah ee Suufiyada oo ay labadii Maalmood ee la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen Hareeraha Magaalada Dhuuso-Mareeb ee Gobolka galgaduud. Waxa uu sheegay in dagaalka galgaduud ay Shabaabku guulo ka gaareen isla markaana ay dhinaca kale ka dileen rag ay kujiraan Saraakiil sarsare sida uu hadalka u dhigay Sh Cali Dheere. Majiro hadal ku aadan dagaalka saaka oo ka soobaxay Dhanka AMISOM iyo DKMG. Dagaalada Saaka ka dhacay magaalada Mudisho intii ay socdeen iyo kadiba waxaa jiray Duqeymo Culus oo loogeystay Xaafadaha Rayidka ee ka baxsan Dagaalada waxaana inta la’ogyahay ku dhaawacmay in kabadan 10 qof oo Rayida tiro kalana wey ku dhinteen. Wali Madaafiic iyo Rasaas goosgoos ah ayaa lagamaqlayaa Goobihii Dagaaladu ka dhaceen Saaka. Dhanka kale Dagaal Xoogan ayaa shalay gabaldhicii qeybo kamida Degmada Hodan ku dhexmaray Xoogaga Islaamiyiinta iyo Askarta Dowlada oo kaashanaya AMISOM, goobaha uu dagaalkaasi ka dhacayna waxaa kamida Tarabuunka, Xaafada Siigaale iyo Taleex, waxaana jirtay Duqeymo ay ka dhasheen qasaarooyin oo ay Ciidamada AMISOM ugeysteen Bakaaraha iyo Xaafadaha ku hareereysan.