Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Shan askari oo ku geeriyootay qarax ka dhacay degmada Waaberi Ugu yaraan Shan askari oo ka mid ah ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo qof rayid ah ayaa ku geeriyooday kadib qarax goor dhoweyd ka dhacay agagarka xerada Afisyooni ee degmada waaberi. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka la galiyo, iyadoo askarta lala beegsadayna ay ahaayeen kuwii dhowaan lagu soo tababaray dalka Uganda. Majirto cid ilaa hadda sheegatay qaraxaasi, sidoo kalena majiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda KMG soomaaliya.
  2. Maleeshiyo ka tirsan kooxda Riddada oo lagu weeraray degmada Xamar Jajab. Tiro ka mid ah Maleeshiyada Kooxda Riddada ah ayaa ku bakhtiyay qaar kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii qarax lagula beegsaday afaafka hore ee xerada Iskool Bulisiyo degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho . Maleeshiyada oo ka tirsanaa kuwa loogu yeero Booliska ayaa xilliga la weerarayay waxay lugaynayeen goobta qaraxa lagula beegsaday iyagoo kusii jeeday gudaha Iskool Bulisiyo, Waxaana Saraakiisha Mujaahidiinta ee fuliyay weerarka ay u xaqiijiyeen Mu’assasada Al-kataib bakhtiga 4 kamid ah Maleeshiyada oo goobta looga tegay halka 7 kalena uu dhaawac soo gaaray kuwaas oo loola cararay dhanka Isbitaalka Saliibiyiinta Yugaandha ee ku yaala gudaha xerada Xalane . Maleeshiyada maanta la beegsaday iyo saaxiibadooda saldhiga ku leh Iskool Bulisiyo ayaa ah kuwo dhibaato lixaad leh ku haya shacabka ku dhaqan degmada Xamar Jajab waxaana maalimihii lasoo dhaafay warbaahinta Muqdisho laga maqlayay waalidiinta dhalinyaro fara badan oo ay qafaaleen Maleeshiyadaasi kuwaas oo laga dalbaday in madax furasho laga dhiibto hadii kale lagu eedeyn doono inay ka tirsanyihiin Mujaahidiinta Al-Shabaab. Guutooyinka kala gadisan ee Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ugaarsi ku haya Maleeshiyada, Saraakiisha Kooxda Riddada iyo Saliibiyiinta Afrikaanka ah ee ku sugan qaybo kooban oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana jira khasaare joogta ah oo ay Mujaahidiintu u geystaan cadawgaas isku bahaystay sidii uu Nuurka Allaah ee ka iftiimay Soomaaliya u damin lahaa.
  3. Indhacadde “ALLE SWT ayaan cafis weydiisanayaa iyo cidii ay wax iga gaareen Wasiiru dowlahii wasaaradda gaashaandhigga dowladda KMG Soomaaliya Sheekh yuusuf Maxa’ed Siyaad Indhacadde oo wareysi siiyay Hornafrik saacado un kadib markii uu iska casilay xilkii uu u hayay dowladda KMG ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee uu isku casilay ay tahay in uu ogaaday in xilka uu hayay aysan laf ahaantiisa wax dan ah ugu jirin aduun iyo aakhiraba. Indhacadde ayaa carabka ku adkeeyay in marnaba uusan ka mid noqoneynin xukuumad aan Islaami aheyn, si xukuumad Islaami ah loo dhisana uu dagaalo badan usoo galay isagoo sheegay in dhiig badan uu u daatay arintaasi hanti badanna ay u bur burtay. Sheekha ayaa qirtay in intii uu xilka hayay aysan jirin wax horumar ah oo uu u sameeyay dalka soomaaliya iyo diinta Islaamka, isagoo sheegay in ALLE SWT uu cafis weydiisanayo iyo cid walba oo wax ka tirsaneysa. Wasiirka ayaa gaashaanka u daruuray in uu ku biirayo culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameeca, isagoo sheegay in uusan kamid noqoneynin dhamaan garabyada siyaasadda ee ka jira dalka soomaaliya. Indhacadde ayaa sheegay in aysan jirin wax gaar ah oo uu ka tirsanayo ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo mudooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf xooggan kala dhexeyay. Mar la weydiiyay Indhacadde hadii uu dalka isaga tagayo, waxa uu sheegay in taasi ay macquul tahay. http://www.hornafrik.com/?p=1857
  4. Maxey isku casileen wasiiradi shaqada ka tagay? Malinnimadii shalay ayaa mar qura laga maqlay warbaahinta Soomaaliya sedex wasiir oo ka tirsan Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegay in ay isaga tageen xilkii ay u hayeen Dowladda KMG ee soomaaliya. Wasiiru dowlihii wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxa’ed Siyaad indhacadde o ka mid ahaa wasiiradaasi is casilay ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee uu xilka uga tagay ay tahay kadib markii uu dib ugu laabtay nafsadiisa ee uu xisaabiyay ayna usoo baxday in umadda Soomaaliyeed uusan u heyn wax dan ah isagoo sheegay in mesha uu ka waayay wixii uu mudo usoo dagaalamayay oo ahaa in dalka laga hir gliyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, waxa uuna sheegay in uusan marnaba diyaar u aheyn in uu ka mid ahaado xukuumad aan Islaami aheyn. Maxa’ed C/laahi Oomaar oo hayay jagada wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare horena usoo qabtay wasaaradaha arimaha dibadda iyo macdanta iyo biyaha ayaa sheegay in dowladda laga waayay wixii ay dadka soomaaliyeed iyo caalamkaba ay ka filayeen sida daraadeedna uu go’aansaday in uu ka fariisto siyaasadda Soomaaliya sheedana uu ka daawado waxa ka socda gudaha dalka Soomaaliya. Xasan Macalin Maxa’uud waxa uu ahaa wasiir ay si aad ah isugu dhowaayeen madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed , waxa uuna aha gacanyarihii khaaska ahaa ee madaxweynaha xiligii Shariifka uu ku jiray ololihii doorashada jabuuti, xiliganna waxa uu ku magacaawnaa wasiiru dowlaha madaxtooyada, waxa uuna si aad ah u saluugay qorshaha dowladda, taasina waa midda keentay in uu joojiyo kasii mid ahaashihiisa xukuumadda KMG. Sheekh yuusuf Indhacadde oo is casilaadiisa kadib wareysi siiyay idaacadda Hornafrik ayaa ku gacan seyray in uu ku biirayo culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameeca ama garab kamid ah garabyada siyaasadda Soomaaliya, isagoo sheegay in uu cafis weydiisanayo ALLAHA SWT iyo cid walba oo ay wax ka gaareen intii uu xilka hayay. Warar kale oo aanu ka heleyno madaxtooyada dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegaya in ay jiraan tiro kale oo wasiiro ah oo isu diyaarinaya in warqadahooda is casilaadda ay u gudbiyaan ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Majiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad oo ku aadan is casilaadaasi, hase yeeshee is casilaad wadareedan ayaan aheyn mid ku cusub siyaasadda Soomaaliya iyadoo sidan oo kale markii ay jireen xukuumadihii Cali Maxa’ed Geedi iyo Nuur xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo midan ka horeysay ay mar qura is casileen wasiiro kor u dhaafayay 10- wasiir. http://www.hornafrik.com/?p=1864
  5. By Abdi Sheikh and Abdi Guled MOGADISHU, June 8 (Reuters) - Three Somali ministers quit on Tuesday, and one, a defence minister, said he was stepping down because the Transitional Federal Government had failed to fulfil its pledge to restore order. The country has had no effective central government for 19 years and while President Sheikh Sharif Ahmed's administration has the support of the United Nations, he faces a stubborn insurgency from the armed Islamist groups al Shabaab and Hizbul Islam. State defence minister Sheikh Yusuf Mohammad Siad said the status quo could not continue because the government had failed to deliver on its promises. "Everyone has to evaluate himself before others judge his failure, and that is what I did before resigning. I realised that my government cannot do its job," he told Reuters. "We cannot achieve security, therefore, there is no need to stay in office." Higher Education Minister Mohamed Abdullahi Omaar and the state minister for the Presidency Hassan Moalim Mohamud also resigned. Omaar and Moalim, both British Somalis, are in London, while the defence minister is in Mogadishu, officials said. "The minister for higher education and the state minister for the presidency have so far resigned -- they have taken their personal decision," Sheikh Abdirizak Qeylow, the Information Ministry spokesman, told Reuters. Analysts say the resignations threaten the existence of an already weak government that controls little more than a few blocks of the capital. "These are heavyweight ministers, and their resignation will mount pressure on the prime minister, possibly forcing him to resign or lose confidence in the parliament," Afyare Abdi Elmi, a Somali political science professor at Qatar University, told Reuters. (Additional reporting and writing by Abdiaziz Hassan; editing by George Obulutsa and Andrew Roche). Source: Reuters
  6. Sabti 23 / 06/ 1431 (05/06/2010) Afar Boqol oo kamid ah Maleeshiyadii dhawaan laga keenay Yugaandha oo maanta kala Firxaday. Kadib dagaaladii cuslaa ee Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay Xeebta Liido degmada Cabdul Caziiz ee magaalada Muqdisho oo ay ku Jabeen Gaaladii Saliibiga Yugaandha ayaa maanta mar kaliya waxaa Firxaday Maleeshiyaad Katirsanaa Kooxda Riddada oo dhawaan kasoo laabtay tababar ay kusoo qaateen Dalka Yugaandha. Maleeshiyaadkan oo gaarayay ilaa 400 oo nin ayaa ka baxsaday Xerooyin ay ka joogeen hareeraha Villa Soomaaliya halkaas oo loogu qaybiyay Hub iyo saanado Milatari oo la doonayay in ay kula dagaalamaan Mujaahidiinta. Warar laga helay dad xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyaadkani ay u baxsadeen xaafadaha kala gadisan ee magaalada Muqdisho Hubkii ay wateena ka iibsadeen ganacsatada hubka ee Muqdisho. Jaha wareer xoogan ayaa maanta ka dhex taagan madaxda Riddada iyo gaalada Afrikaanka ah ee ku sugan Madaxtooyo kaas oo ku aadan sida laga yeelayo Maleeshiyaadkii baxsaday iyo hubkii ay qaateen oo ilaa iyo hadda la la'yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen. Saameynta firxadka Maleeshiyada ayaa durbadiiba laga dareemay suuqyada hubka ee magaalada Muqdiso oo la ciir ciiraya hub iyo rasaas aad u fara badan waxaana qoriga AK47 & AKM nooca cusub ee ay hada kala yimaadeen Yugaandha oo maalin ka hor qiimihiisu ahaa $600 '' Lix Boqol oo Dollar '' uu maanta joogaa $400 '' Afar Boqol oo Dollar ''sida aan kusoo aragnay mid ka mid ah suuqyada Muqdisho. Gaalada caalamka ee dhaqaalaha iyo hubka ku bixisa sidii loo damin lahaa iftiinka Islaamka ee kasoo bidhaamaya Soomaaliya ayaa dadaalkoodu wuxuu noqday HAL BACAAD LAGU LISAY kadib markii inta badan hubkii ay soo siiyeen Kooxda Riddada ah uu gacanta u galay Mujaahidiinta u dagaalamaysa sidii uu dalka uga talin lahaa Kitaabka Qur'aaka. Masuuliyiinta sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si joogto ah baaqyo ugu dira dhalinyarada Soomaalida ah ee tababarada lagu siiyo dalalka Saliibiyiinta ah in ay ka waantoobaan Allaahna u towbad keenaan, iyadoona dhalinyaro fara badan oo hore kaga soo baxday Kooxda Ridada, Allaah-na u towbad keentay ay hadda si nabad galyo ah ula nool yihiin eheladooda iyo walaalahooda kale ee Muslimiinta.
  7. Arday Soomaaliyeed oo ka qalinjabisay Jaamacada Islaamiga ah ee Madiina Al-munawara. By Somalimirror on 7 Jun, 2010 5:59 PM in Main, Wararka 3/06/2010 oo ku beegan Khamiistii la soo dhaafay ayaa Xaflad Sagootin ah Magaalada Madiina Al-munawara ee Sacuudiga loogu sameeyey 20 kamida Ardada Soomaaliyeed oo ka qalinjabisay kuliyadaha kaladuwan ee Jamaacada Islaamiga ah ee Magaalada Madiina( Sawiro ). Xaflada lagu sagootinayey Ardada qalinjabisay ayaa waxa ka soo qeybgalay marti sharaf badan iyo Culimaa’udiin Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa Sheekh C/kariin Daahir iyo Mashaa’ikh kale. Aradadan ayaa ka qalinjabiyey 5 Kuliyadood oo kala ah Kuliyada Qu’raanka, kuliyada Xadiiska, Kuliyada Shareecada, kuliyada Dacwah iyo kuliyada Luqada Carabiga. Arada Jaamacada ka qalinjabisay ayaa kakala yimid markii hore America, Eurob, Asia iyo qaarada Africa waxayna ku soo idlaatay Xaflada sagootinta sidii loogu talagalay. Boqolaal Soomaali ah oo haatan ducaad ka ah Dalalbadan oo Caalamka ah sida Soomaaliya ayaa ka soo qalinjabiyey Jaamacada Islaamiga ah ee Manadiina waxaana haatan waxkabarta Ardaykale oo Soomaali ah kuwaas oo intabadan baranaya funuunta kala duwan ee Diinta Islaamka.
  8. Nuune, wax la maqlo keen horta!, qasab maaha taladaada in la qaato oo dadku waa kala aragti duwanyihiin, Adigu si guud baad wax iiga sheegtay, taas waxba kama dhihi karo, si gaar ahna mowduucan & title-ka baad uga hadashay, hadalkaagii baa is burinaya, asagii baan soo 'quote'gareeyey, waxay iila muuqataa inuu qaladaad xambaarsanyahay ee bal adoon waalan si fudud oo Xikmad leh uga jawaab!. Beenta mawduucan ma khuseyso, threadkii ina Cabdirashiid baa is casilay aad lahayd, eed isla threadka source uga dhigtay baan ka hadlayaa & kuwo kaleed ayaantaan ku caan baxday!.
  9. Nuune, sidaad beenta u baratayba hadalkaagu nuxurka waa beelay!, Soomaalidii baad ka dhigtay dad aan waxba fahmin oo 'ereyo' la kala bedelay uun wax ku qaata!, dad baad 'halleysnaan' ka sheegeysaa, bal ila fiiri waxaad soo qortay: markaad tiri "ee" waxey tusineysa akhristaha lahaansho, waxaad ku xijisay: "ee" inta badan lahaasnho ma tusiuso balse waa naadir, haddana: dadka badidoodna u fahmayaan in jidadkiiba ay iska yihiin wax alshabaab mulkisey haddii 'ee' aysan tusin lahaansho inta badan, sidee dadka intiisa badan ugu arkayaan 'lahaansho'?. Showqi, Ma maqashay gabadhii aragtay dad badan oo Rooti saf ugu jira ee tiri: maa Cake iska cunaan?
  10. Wax yar kadibba waxaad maqleysaa: Mujaahidiinta Shabaab oo Buundo hebel dhisaya, ama iyagoo Wadada isku xirta Jowhar & Beledweyne dhisaya, iyo ... & .... Maanta waxan idiin heynaa iyadoo la dhisayo wadada Warshadaha!, weli ma aragteen TFG with all their foriegn finds and Tuugsi, iyagoo wax dhisaya??.
  11. ^lool, 'waa ku daayey' & 'maca extiraami lak' meel ma wada galaan!. Seense kuu daayey?, maxaase keenay inaad su'aal 'laa maxal lah minal icraab' i weydiisid?. Waxaan sheegay in Haatu uusan sheegan Sh. Albaani & Muqbil, sababtana waan raaciyey oo waxaan sheegay Dhacdo 2da Imaam & Dawladda Sacuudiga ku saabsan,Mad-habka Haatu ee ah in Umarada laga dambeeyona Dawaladda Sacuudiga ayaa 'immunity' lagu siiyaa!.
  12. ^Horta waxaan soo qoray fahma (Haatu & Adi), dad 2 sadar oo Af Soomaali waadix ah fahmi karin, maxaya Masaa'il mucaqqad ah oo masiirka umadda ka sheegayaan?.
  13. ^^Sh. Muqbil & Albaanee ka reeb!, sow ma ogid fatwda Albaani ee Xarbul Khaleej, Jaamacadda Madiinana aakhirkii laga fasliyey!, iyo In Sh. Muqbil laga soo eryey Sacuudiga isagoon dhameysan Diktooraah!.
  14. Originally posted by Azizah: Runtii shabaab dagaal ma wado, ee waxa ee wadaan waa waali sida dil, dhac, boob, qaxinta shacabka. Sheekadaadu haddey halkaa mareyso, Ilaahey ha ku soo aruuriyo, weligaa iska ilaali jikaarka & dulmiga!, Gaal & Muslim waa ka warqabaan in Shabaab dhaca & boobka la dagaaleen, haddii adigu taas aad ku doodeysid adiga lee waaye.
  15. Che, thanks for editing Emperor, asaa meesha is dhigay, Anigu Baabuur Amisom oo gubtay uun baan soo sawiraye, maxaa kululeeyey??, mase umaba fiirsane waad iska hadashay uun??. Azizah, Shariif siduu ahaa & siduu hadda yahay ma kala ogid miyaa? waa laguu cudur daarayaa oo intaas waxaad busy ku ahayd SSC & Saado waxay tiri
  16. Haddii aad ka dagaalameysaan Somali kale oo idin qabsatay, sow Anigu xaq uma lihi inaan Amisom & Baqti kale iska difaaco? ma fahantay ujeedkeyga?. Raggii & dumarklii Buuhoodle Tigree-gu ku laayey haddaan ku eedeyno iney qaseen magaalada oo nabad diid yihiin ka warran?. Odayaashii la kulmay Shabaab ee reer SSC ayaa quman oo in Xaqqa la isu kaashado sheegay. Sowdigii kol dhoweyd u qayshanaayey dad kale oo lahaa: 'where's the world & wax saas ah' yaad caawin ka sugeysay?, hadda Shabaab baa idinla duuban oo ah difaaca qawmiyadaha dulman, ee ha abaal dhicin.
  17. Aaliya, SSC disorder/chaos ka ha ka daayaan goboladooda haddii lagu yiraahdo ka warran??
  18. Illaa aan Gumeysiga iska xoreyno waan wedeynaa halganka Waryaa! ii sheeg, June-Dec 2006 violence miyaa jiray?. Mase waxaad i leedahay: haddii lagu dharbaaxo, daanka kale diyaari??.
  19. Originally posted by Mansa Munsa: quote:Originally posted by Karl_Polanyi: quote: Originally posted by Naxar Nugaaleed: The Sayid and his dervish movement where Sufis, if they were still around, they would have been fighting along the side of ahlu sunna, not the shabaabs The Sayid and the Qadiriyah were opposed to each other. And the modern day Ahlul Sunta are Xabashi puppets, which the good Sayid was far from. ;)Besides, this is all irrelevant today. Tani waa hadal ku tiri ku teen ah oo waxba kama jiraan ah. Mansa, maxaa ku tiri ku teen ah?, ma in Sayidka & Qadiriyah dagaal ka dhexeeyey?, ma in Suufiyada waqtigan Xabashi u adeegaan, mise in Sayidku ka fogaa Xabashi?
  20. ^^Adiga Ajnabi baad ka tahay waxaas, faraha kala bax!. Intey ku dhibi lahayd Masaakiinta la leynaayo, Guryaha & Masaajidda la duminyaayo, waxaasoo dhan ay sababaayaan Amisom & Dab'a D'hilifka, waxaad ka naxsantahay Baabuur(o) Cadawga leeyahay ee la gubay!. Adoo kale waa waxa aan Gumaysiga ugu jirno, Adoo kale waa waxa dhiigga qofka Soomaaliga qiimo tiray!. Shalay Masaakiin badan baa ku baaba'day gardarrada Amisom, Mujaahidiintii difaaceysay ee baabuurta ka gubay, waxay ahayd ugu yaraan inaad u duceyso, qasaaraha soo gaaray cadawgana aad ku faraxdo!. Alle wadada toosan ha ku tuso.